-
Content Count
208,858 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in DFS ay ku fashilantay xal ka gaarista doorashooyinka Galmudug. Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in Ra’iisul wasaaraha uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo. Kheyre ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay DFS iska indho tireyso arrintaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorashada Galmudug lagu qabanayo degmada Dhuusamareeb, sidoo kalena halkaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-galmudug-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Lafta-gareen ayaa sheegay in deegaannada maamulkiisa ka arrimiyo gaarsiin doonaan xasilooni siyaasadeed. Wuxuu sheegay Lafta-gareen iney go’aan ku gaareen ka maamul ahaan in dowladnimada la daadejiyo, dadka ku dhaqan degmooyinkana ay u suurtageliyaan iney doortaan cidda ay rabaan. Maamullada deegaannada K/galbeed ayuu sheegay in lagu sameynayo dib u habeyn iyo qorshe, lagana shaqeynayo isdhexgalka bulshada. Lafta-gareen ayaa ka dalbaday shacabka K/galbeed iney kala shaqeeyaan sidii horumar loo gaarsiin lahaa deegaannadooda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/laftagareen-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan Hirshabelle oo warbaahinta kula hadlay magaalada B/weyne ayaa sheegay iney walaac xooggan ka qabaan xaaladda magaaladaasi, sidoo kalena guddigii dhowaan Muqdisho ka tagay ku fashilmeen xallinta maamulka gobolka Hiiraan. Waxay sheegeen in markii ay yimaadeen xildhibaanno Federaalka ah qaarkood ay raadkooda dhumeen, islamarkaana aanay arag wax natiijo ah. Sidoo kale, waxay tilmaameen in dowladda dhexe looga baahan yahay ineysoo farogeliso xaaladda gobolka Hiiraan. Wixii ka dambeeyey markii uu madaxweyne Waare xilka ka qaaday guddoomiye Dabageed waxaa jira khilaaf xooggan, iyadoo Yuusuf Dabageed diiddey inuu xilka wareejiyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaano-hirshabeele.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa ka codsaday dowladda federaalka Soomaaliya, iney dhex-dhexaad ka noqoto doorashooyinka la filayo iney ka dhacaan Jubbaland iyo Galmudug. Wuxuu sheegay in dowladda horey magacyo xun uga raaceen doorashooyin dalka ka dhacay loona baahan yahay iney hadda meel gees ah ka istaagto, waa sida uu hadalka u dhigaye. Dani ayaa tilmaamay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay la shaqeynta dowlad goboleedyada, sidoo kalena ay iska ilaaliso wax walbo oo dalka khilaaf u keeni kara. Galmudug iyo Jubbaland ayaa dhowaan waxaa la filayaa iney ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxtinimo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/madaxweynaha-Puntiland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Qaahira)-Cabdul Monem Aboul Fotouh, oo da’diisu ay tahay 68 jir horena u ahaa musharax madaxweyne oo doorashadii 2012-kii isku soo taagay ayaa xabsi ku yaala dalka Masar ku jira tan iyo 2018-kii. Wiilkiisa oo la yidhaa Axmed ayaa baraha bulshada gaar ahaana Facebook-ga iyo Twitter-ka, ku yidhi “Aabahay wuxuu khatar ugu jiraa inuu naftiisa waayo mar kasta,” isagoo intaasi ku daray in aabihii uu la ildaran yahay wadna xanuun. Caboul Fotouh ayaa hogaaminayey xubno ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ilaa 2011-kii, markaas oo uu ka gaabsaday kooxda isagoo ahaa musharax madaxbanaan oo isku soo taagay doorashadii Madaxtooyada dalka Masar, waxaanu soo galay kaalinta Afraad isagoo helay 17 boqolkiiba codadkii laga dhiibtay wareegii u horeeyey ee doorashada. Waxaanu u muuqday mid ka maskax furfurnaa Musharaxiintii kale ee Ikhwaanul Muslimiin, Maxamed Morsi oo dhawaan maxkamad ku dhex dhintay ayaa ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee xiligaasi. Guuldaradii ka soo gaadhay doorashada ayaa keentay in Cabdul Fotouh uu Masar ka aasaaso xisbi adag. Balse waxa la xidhay 2018-kii kadib markii waraysi uu siiyey telefishanka Al-jazeera, kaas oo lagu eedeeyey inuu faafiyey warar been ah iyo inuu qayb ka yahay urur la mamnuucay. Source
-
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka ee loo xil saaray dhacdadii dhowaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyey halka ay haatan wax u marayaan. Fiqi ayaa sheegay in ay xog wareysteen dhinacyadii dhibka loo geystay iyo kuwii lagu tuhmayey iney dhibka geysteen, isaga oo tilmaamay iney soo gabagabeeyeen wadahadallo maalmo badan socday, xalna laga gaaray. Dhibkii halkaasi ka dhacay ayuu sheegay xildhibaan fiqi in is faham laga gaaray, isaga oo tilmaamay in la isla gartay in laga xaalo dhibka dhacay iyo dadka deggan Gaalkacyo ee kasoo jeeda gobollada kale ay si xor u shaqeystaan oo aanay ciriiri dareemin. Xildhibaan Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in weli ay harsan yihiin wadahadallo kale oo Labada dhinac si toos ah ugu abbaarayaan dhammeynta wixii dhacay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-axmed-macalin-fiqi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Tunis)-Hadal ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Tunisia ee Tunis ayaa lagu sheegay inay Safaaraddu maanta xidhnaan doonto, marka laga reebo Adeegyadda Deg-dega ah. Safaaraddu waxay kaloo sheegtay in sababo dhanka ammaanka darteeda maanta loo xidhay Safaaradda. Tallaabadan ayaa ku soo beegantay, kadib markii ay 2 weerar oo Isqarxin ah ay Khamiistii la soo dhaafay ka dhaceen meel ku dhow Safaaradda faransiiska ku leeyahay magaalladda Tunis. Kooxda Daacish ayaana sheegatay mas’uuliyadda Is-qarxintaasi, oo uu hal Sarkaal Bolis ku geeriyooday, 8 kalena ku dhaawacmeen. Source
-
(SLT-Myanmar)-Dowlada Myanmar ayaa shaaca ka qaaday in wafdi ay u direyso qaxootiga Rohingya ee ku sugan xeryaha ku yaal dalka Bangladesh kuwaasi oo baqdin ka muujinaya in ay dalkooda ay dib ugu soo laabaan. Qaxootigaan ayaa sanadkii 2017-da uga barakacay gobolka Rakhine kadib markii tacadiyo ay u geesteen ciidanka Milatariga iyo Isir naceyb ka dhan ah Muslimiinta. Safiirka qaramada midoobay u qaabilsan Myanmar Hau Do Suan ayaa isniinta shalay u sheegay golaha amniga in dowladiisa ay wafdi u diri doonto dhamaadka bishan Luuliyo dalka Bangladesh. Hau Do ayaa intaa raaciyay in 30,000 oo qaxooti ah ay codsadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda ayna xilli kasta ku soo guryo noqon karaan gobolka Rakhine. Dhanka kale wakiilka qaramada midoobay u fadhiya Myanmar Christine Schraner-Burgener ayaa dhaliishay qaabka ay u socoto dib u laabashada Qaxootiga. Waxay sheegtay in kaliya wadada ay ku laaban karaan qaxootiga Rohingya ay tahay in ay helaan dhowritaanka sharafta iyo Dhiigooda. Source
-
(SLT-London)-Meydka qof laga shakisan yahay inuu kasoo dhacay diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ku degi rabtay garoonka Heathrow ayaa laga helay beer yar oo ku taalla London. Meydka oo loo badinayo inuu yahay nin ayaa gelinkii dambe ee Axada laga helay beer yar oo ku taal deegaanka Clapham, koonfur galbeed London. Waxaa la rumaysan yahay inuu isku soo qariyay qeybta taayarka diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Nairobi, iyadoo qeybtaasi laga helay boorso, biyo iyo cunno. Qof goobjoog ahaa ayaa sheegtay in meydka uu kusoo dhacay meel aad ugu dhaw goob uu ku nasanayay qof ku sugnaa beerta. Booliska Metropolitan ayaa sheegay in baadhitaan lagu samayn doono meydka, isla markaana aanu jirin wax tuhun ah oo laga qabo geerida qofkaasi. Shirkadda Kenya Airways ayaa sheegtay in baadhitaan lagu sameeyay diyaaraddaasi, wax dhibaato ahna aan lagu arkin. Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay xidhiidh dhaw la sameeyeen saraakiisha Nairobi iyo London si looga sal gaadho meydkaasi diyaaradda kasoo dhacay. Ma aha markii ugu horreysay oo lagu arko meyd diyaarad kasoo dhacay meel u dhaw garoonka Heathrow. Bishii June 2015, meydka nin kusoo dhuuntay diyaarad ay leedahay British Airways ayaa laga helay deegaanka Richmond, halka mid kale oo ay isla socdeen la helay isagoo xaaladdiisu liidato. Bishii August 2012, nin ayaa meydkiisa laga helay qeybta xamuulka ee diyaarad kasoo duushay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, kana soo degtay garoonka Heathrow. Source
-
Taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed taliyaha Militariga S/Gaas Daahir Aadan Cilmi iyo Asluubka S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo ay waheliyaan saraakiil kale ayaa ku sii jeeda Dhuusamareeb kadib markii la isla ogolaaday in ay halkaasi ka hawlgalaan ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan cali Khayre iyo madaxa Xukuumadda Galmudug Shiekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa habeen ka hor magaalada Dhuusamareeb kaga dhawaaqay in dhammaan hay’adaha amniga ee dowladda federaalka ay ka hawl geli doonaan magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale waxay sheegeen in Gogosha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug labaduba ay ka dhacayaan Dhuusamareeb hadalkaasi oo ay ka soo horjeesteen madaxda Dhaqanka magaalada Caadaado ee gobolka Galgadood. PUNTLAND POST The post Taliyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ku sii jeeda taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee dowladdda federaalka Soomaaliya. Taliyeyaasha ciidamada Milatariga, Booliska iyo Asluubta ayaa saacaha soo socda gaari doona magaaladaasi. Caasimada Online ayaa ogaatay inuu socdaalkooda la xariiro heshiiska Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Heshiiskan ayaa lagu wadaa in maanta Qalinka lagu duugo, islamarkaana la dhameystiro. Wararka ayaa intaasi ku daraya in taliyeyaasha ciidamada ee ka socda dowladda federaalka ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna si loo qareemeeyo. Sidoo kale hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa la wareegaya amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u wada gaareen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca. Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan lagu qaban doonaa shirka dib u heshiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo doorashada guud ee maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
(SLT-Khartoum)-Iyadoo mudaaharayada Suudaan ee looga soo horjeedo millatariga xukunka dalkaasi xoogga ku qabsaday ay sii socdaan, ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxey u muuqdaan inay la halgamayaan inay talo ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalkaasi. Kooxaha Islamiyiinta Sudan ayaa door muuqda ku lahaa afgambigii 1989kii uu xukunka ku qabsaday Madaxweynihii 30 sandood dalkaasi soo xukumayay ee la riday Cumar Xassan al-Bashiir. Laakiin xiriirka ay Al-bashiir la lahaayeen mudada dheer ayaa ku cusleeyay xisbiyada Islaamiyiinta Sudan inay cod muuqda ku yeeshaan gorgortanka siyaasadeed ee hadda dalkaasi ka socda, waxeyse doonayaan inay qeyb ka noqdaan xukumad rayid ah oo ku meel gaar ah oo ay Sudan yeelato. Ka dib ku dhawaad mudahraadyo afar bilood ka socday Sudan oo looga soo horjeeday al-Bashiir, ayey dibad baxayaashu awood u yeesheen inay xukunka ka tuuraan bishii April ee sanadkan. Kuwii dibadbaxa hormuudka ka ahaa ayaa ku shaabadeeyay ururada Islaamiyiinta inay la jireen al-Bashiir Waxaa kaloo ay qabteen Islaamiyiinta dibad baxyo ay ku taageerayeen militariga wadankaasi xoogga ku maamula. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre aya markale Magalada dhuusamareeb ka sheegay in doorasahda Madaxweynaha Galmudug ay ka dhaceyso Magaaladaas,isla markaana ay ku guuleysatay. Waxa uu sheegay in wadahadalladii uu u tegay deegaanada Galmudug iyo wadatashiyadii ay guuleysteen,isla markaana dadka Reer Galmudug ay yihiin kuwo jecel dowladnimkada,isla markaana uu ku amaanayo. “Maalmahan waxaan socdaal ku mareynay deegaano ka tirsan Galmudug,waxaana wadatashiydii aan la qaatay Madaxda & Bulshada Galmudug isla qaadanay in doorashada ay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb,waxaana isugu tegi doona Dhuusamareeb Bulsho kala duwan si loo dhiso Galmudug mideysan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Habeen ka hor ayaa markii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Dhuusamareeb ka sheegay in doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug lagu qabanayo Dhuusamareeb ayaa waxaa si cad uga soo horjeestay Odayaasha & Waxgaradka Magalada Cadaado,kuwaas oo sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu uga baxay balan uu la galay. Xaalada Galmudug ayaanan weli xasilin, iyada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre uu weli ku sugan yahay Magalada Dhuusamareeb,waxaana dadka Siyaasada falan qeeya ay sheegeen in xalka Galmudug uusan aheyn mid dhow. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Chinese smart card manufacturer XH Smart Tech (China) Co., Ltd. said on Monday that it plans to roll out its innovative financial digital platforms in East Africa. Source: Hiiraan Online
-
Police are to crackdown on bureaux de change and currency transfer businesses in London suspected of being used to launder drugs money - as part of a bid to stem the surge in street violence. Source: Hiiraan Online
-
Wararka laga helayo koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa sheegaya in uu halkaasi ku geeriyooday taliyihii Saldhiga Koonfurta Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble oo gelinkii dambe ee shalay ku dhaawacmay qarax lagu xiray gaarigiisa. Taliyaha ayaa gaarigiisa la qarxay shalay galab xilli uu marayey jidka Soddonka ee koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaana qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus iyadoo markiiba loola cararay isbitaalka halkaasi oo la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday. Ciidamada Amniga Galmudug oo hawlgallo ka sameeyay xaafadaha magaalada ayaa sheegay in aysan weli cidna u qaban balse malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaasi. PUNTLAND POST The post Taliyihii Saldhiga Koonfurta Gaalkacyo oo u geeriyooday qaraxii shalay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa kumanaan doolar ku iibisay dhul danguud ah oo ku yaala degmada Dayniile ee gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online. Dhulkaan oo ah qayb kamid ah Isbitaalka Xoogga dalka islamarkaana ahaa barxad weyn oo ah dhul danguud ah kuna taalla dhabar-ka dambe ee Isbitaalka ilaa bisha Cas ayaa laga iibiyay ganacsato Soomaaliyeed. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga oo ka daggan Isbitaalka ayaa Caasimada Online u sheegay in dhulkaan oo muhiim u ah dowladda dhowaan laga iibiyay dad ganacsata ah waxaana arintaan ka shaqeeyay Maamulka Degmada Deyniile ee gobalka Banaadir. Dowladda Soomaaliya ayaa dad badan u xirtay falal la xariira musuq maasuq islamarkaana waxay amar ku bixisay in la soo celiyo hantida danta-guud oo ay ugu horreyso dhulka iyo hantida kale ee ma guurtada ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in uu wax ka ogaa iibinta dhulkaan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Deyniile ayaa sidoo kale Caasimada Online u xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay iibisay dhulka barxadda ah ee ku yaala dhabar-ka dambe ee Isbitaalka Xoogga islamarkaana ku eg ilaa xarunta Bisha Cas ee agagaarka Isbitaalka. Arintaan waxay qayb ka tahay musuq maasuq la sheegay in uu ka jiro xafiisyada Dowladda, waxaana maalmihii dambe isa soo tarayay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay bilaawday bixinta iyo iibinta dhulkii danta-guud ah oo waligeyd sheegi jirtay in ay ilaalin doonto. Sidoo kale arintaan ayaa waxaa lagu sababeeyay in dowladda Soomaaliya ay baahi weyn u qabto dhaqaalo xoog leh maadaama uu gaba-gabo marayo waqtiga dowladda islamarkaana ay doonayaan madaxda Qaranka in ay dib ugu soo laabtaan hogaanka Dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddiga Xali u helidda dhacdadii koonfurta magaalada Gaalkacyo ee lagu laayay dadka ka soo jeeda koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa kadib kulamo kala duwan oo ay la yeesheen mas’uuliyiinta iyo madax-dhaqameedka koonfurta Gaalkacyo waxay ka soo saareen war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob. Guddiga ayaa sheegay in ay cabashooyin ka dhegaysteen shacabka ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ee ku nool degaannada Galmudug kuwaasi oo sheegay in markii Al-shabaab dhibaato ka geysato Galmudug lagu shaabbadeeyo bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Guddiga ayaa sheegay in iyagoo ka duulaya cabashadaasi ay soo jeediyeen in shacabka ka soo jeeda degaannada koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ay nabadgelyada kala shaqeeyaan mas’uuliyiinta iyo laamaha amniga dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale in shacabka ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle laga joojiyo argagixisada lagu shaabadeynayo iyo eedaymaha loo jeedinayo ee la xiriira in ay gacan-siiyaan malayshiyaadka Al-shabaab ee dhibaatada iyo nabad-gelyo xumada ka sameeya gudaha dowlad goboleedka Galmudug. Waxaa kale oo guddigu soo jeediyay in bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed iyo Hirsahabeelle ee ku nool degaannada Galmudug ay samaystaan guddiyo maamulka Galmudug kala shaqeeya nabadgelyada Degaanka. PUNTLAND POST The post Guddigii loo xil saaray dhacdadii dadka lagu laayay ee Gaalkacyo oo qodoba soo saaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsadaha caanka ah ee Bashiir Raage Shiiraar, sidoo kalane ka tirsanaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ayaa fariin hanjabaad ah u diray dowladda Kenya oo muran gelisay qayb kamid ah Badda Soomaaliya. Bashiir Raage Shiiraar oo caan ku ahaa dagaaladii Soomaaliya ee Isbaheysigii la dagaalanka Argigixisada ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku jirto riyo maalmeed laakiin ay ka dhaxli doonto in ciidanka Soomaaliyeed ay ka soo jeestaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. “Dadka waxay riyoodaan markii ay hurdaan habeenkii laakiin Kenya waxay riyooneysaa maalin cad oo barqa ah balse waxay ka toosi doontaa markii ay Ciidanka Soomaaliyeed ka soo jeestaan Nairobi” ayuu yiri Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka hadlay damaca Kenya ee Badda Soomaaliya. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan siyaasiinta, masuuliyiinta qaranka ee xilalka haaya iyo kuwii hore ayuu ka dalbaday in loo midoobe damaca iyo riyo maalmeedka Kenya oo halis ku ah Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay Bashiir Raage Shiiraar. “Qof kasta oo Soomaali ah waxaan kula talinayaa in xoog iyo fikir wixii uu haayo uu kaga qayb qaato iska celinta dowladda Kenya” ayuu yiri Bashiir Raage oo markii ugu horreysay ka hadlay xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dhinaca kale Bashiir Raage Shiiraar ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya ee dhanka ammaanka iyo siyaasadda isagoo sheegay in ay Soomaaliya ku jirto xaalad soo kabasho ah. “Soomaaliya waxay ku jirtaa soo kabasho amaanka iyo siyaasadda ah, wax kastana labadaas ayaa laf dhabar u ah” ayuu yiri Bashiir Raage. “dhaqaalo xumo ayaa jirta laakiin waa laga bixi doonaa waa in la samara” ayuu hadalkiisa sii raaciyay siyaasiga iyo ganacsadaha caanka ah ee Bashiir Raage Shiiraar. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com