-
Content Count
208,860 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin. Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay ciidamadii Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.
-
Xuutiyiinta oo diyaarado ku duqeeyey garoon ku yaalla dalka Sacuudiga Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman ayaa mar kale duqeyn culus ka geystay garoon Diyaaradeed oo ku yaalo gudaha Dalka Sacuudiga. Xuutiyiinta ayaa duqeeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku taalo Koonfurta dalka Sacuudiga oo hoggaamiye u ah isbaheysi duulaan ku qaaday Dalka Yeman oo ay awood ku leeyihiin Xutiyiinta xidhiidhka la leh Iiraan. Sida ay Wakaaladaha wararka tabinayaan 9 qof ayaa ku dhawaacmay duqeyntaas, waxayna dadka dhaawacmay u badnaayeen Sacuudiyaan. Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga oo warbixin kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in 8 kamid ah dadka dhaawacmay ay yihiin Sacuudiyaan halka qofka kalana uu watay Baasaboorka dalka Hindiya ah. Al-masiirah oo ah Talefishinka kooxda Xuutiyiinta ayaa tabiyey inay duqeyntaas qaaden kooxdan isla markaasna loo adgeesaday diyaarad aan duuliye laheyn. Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan gudaha Sacuudiga, waxayna asbuucyadii lasoo dhaafay gantaalo iyo duqeymo ka geysteen qaar ka tirsan Garoomada Diyaaradaha ee dalkaas. 3-da Bishii June, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla garoonkan waxa ku geeriyooday Muwaadin u dhashay dalka Syria, halka 21 kalena lagu dhawaacay. Dowladda Sacuudiga ayaa dhawr sano dagaal iyo duqeymo ka wado gudaha dalka Yeman oo ay ku xooggan yihiin kooxdan, waxaana illaa hadda u suurtageli la’ inay baabi’iso kooxdaan oo hadda lasoo baxday awood ay duqeymo kaga geysato gudaha Sacuudiga. Isbaheysiga Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka ku qaaday Dalka Yemen ayaa xasuuq u geystay shacab badan oo yamaniyiin ah, waxaana dadka la laayey kamid ah boqolaal kun oo Qaran News
-
Taliyaasha ciidanka xoogga dalka, Booliiska iyo Asluubta ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Taliyaasha oo ay la socdaan guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida oo hormuud uu u yahay wasiiru dowlalaha difaaca ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa fulinta amarkii Ra’iisul wasaaraha dalka oo ahaa in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna iyo in laamaha amniga heer federaal laga howl geliyo Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan faray laamaha amniga dalka in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howl galaan caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug si loo dhamaystiro qorshaha qarameynta ciidanka Ahlusunna looguna diyaar garoobo xoreynta deegaannada Galmudug ay Shabaabku uga suganyihiin. PUNTLAND POST PUNTLAND POST The post Taliyaasha Ciidamada dowladda dowladda Federaalka oo gaaray Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres. Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista dastuurka dhammaadka sanadkan. Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed. Sidoo kale, wasiir saalax axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Somaaliya noqoto dowlad hannaanka federalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro. “Si Soomaaliya u noqoto dowlad federal ah oo demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagamamaarmaan ah in la dhamaytiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax axmed Jaamac. Dhanka kale, Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in qaramada midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Somalia gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay. Sidoo kale, wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha UNDP- Somalia Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Somaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa ku warramayaa in maanta dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqato AH uu ka dhacay deegaano dhaca bariga gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay inuu ka qarxay deegaanada Garisyaani iyo Booca oo hoos yimaada M/Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid, kadib markii dadka xoolaha dhaqatada ay ka biyo diideedn Zakawaad ay weydiisteen Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahy dagaalkaasi oo qaatay muddo saacado ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa bariga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-02072019.mp3 View the full article
-
Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay iney dib u bilaabeyso taageerada ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ay sheegeen in xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay isbadal ka sameysay dib u habeynta nidaamka xisaabaadka iyo isla xisaabtanka. Mareykanka oo taageerada joojiyey December 2017-kii ayaa waxaa uu ku celiyey inuu kalsooni ku qabo dowladda federaalka ah iyo xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta si rasmi ah ciidamadoodii ugu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya. Munaasabad kooban oo lagu wareejiyay ciidamadaasi ayaa lagu qabtay xerada qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Waxa xafladda goob joog ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taliyeyaasha ciidamada Xoogga, Booliska, Asluubta iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay tallaabada ay qaatay Ahlu-Sunna Waljaamaca. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada ay soo wareejiyeen la qarameyn doono, islamarkaana ay heli doonaan tababaro dheeraad ah. Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiis gaar ah oo ay kala saxiixdeen xukuumadda Soomaaliya iyo Ururkii Ahlu-Sunna ee ku biiray maamulka Galmudug. Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen ciidamadani ayaa haatan wixii ka dambeeya waxaa ka howlgali doono ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug. Isbedallada ka dhacay deegaanada Galmudug oo ah kuwa aan la filaneyn ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan doorasho ay ka dhicin doonto maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dib u billaabeyso taageerada maaliyadeed ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay siin jirtay, kadib markii hay’adaha maaliyadda iyo dabagalka Mareykanka ku qanceen dib-u-habeynta lagu sameeyay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya. Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ayaa joojiyay December 2017, taageero dhanka mushaaraadka iyo saanadda ah oo uu siin jiray ciidamada Xoogga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada shabeellooyinka, iyada oo sabab looga dhigay musuqmaasuq baahsan oo ka jiray tirada ciidamada dhabta ah ee deegaannadaas ku sugan. War qoraal ah oo ka soo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qeyb ahaan taageeradaan dib loo fasaxay si loogu dhiso kalsoonida ay deeqbixiyaashu ku qabaan nidaamka isla xisaabtanka Soomaaliya. “Dib-u-soocelinta kaalmadaan, waxay muujineysaa kalsoonideenna ah in dowladda Federaalka iyo Ciidankeeda Xoogga ay sii wadaan qor u qaadista isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqa” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Soomaaliya ayaa soo gebo gabeysay wajiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka koobnaa, diiwaanngelin ciidamada lagu sameeyay oo loo adeegsaday habla keydinta xogta ee casriga ah, taas oo lagu ogaaday in ka badan 9kun oo magacyo been-abuur ah oo ku jiray liiska ciidamada. Sidoo kale xukuumadda ayaa nidaamka mushaar bixinta ciidamada u beddeshay xisaabta bankiyada halka markii hore ciidamada gacanta laga siin jiray. Dowladda ayaa toddobaadkii hore ku dhowaaqday wejiga labaad ee di-u-habaynta ciidamada oo xog dheeraad ah looga uruurinayo askarta, laguna qiimeynayo baahayaha ciidamada ee dha walbo leh. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa goordhow gaaray caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya si ay halkaasi uga hirgeliyaan talaabo la isku dhafayo ciidamada Ahlu sunna iyo kuwa qaranka. Taliyeyaasha waxaa ka mid ah: Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Daahir Aadan Cilmi, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Bashiir Ameeriko, taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed General Bashiir Goobe, taliyaha hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle sare Maxamed Aaden Koofi iyo saraakiil sare sare oo ka tirsan hey’ada nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka. Waxaa Dhuusamareeb ku sugan ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, isaga ayaana sheegay in la isku dhafayo labada ciidan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inuu halkaas ka bilowday banaanbax xooggan oo looga soo horjeedo hadalkii uu Ra’isulwasaare Kheyre kaga dhawaaqay Dhuusamareeb oo ahaa in Magaaladaas ay ka dhaceyso doorashada iyo dib u heshiisiinta Galmudug. Banaabaxa oo ah mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeybgalayo dadka Magaalada, Odayaal dhaqameedyada iyo Ganacsatada Cadaado. Dibadbaxayaasha ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin ereyo liddi ku ah hadalkii uu Ra’isulwasaare Kheyre ka sheegay Dhuusamareeb kadib heshiis dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda. Qaar ka tirsan Odayaasha Cadaado oo la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya cadaalad darro ku sameysay Magaalada Cadaado. Sidoo kale odayaasha ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay kaga baxday ballan ay wada galeen taasina ay tahay mid aysan aqbalin karin Cadaado sida ay hadalka u dhigeyn. Dadka ka hadlay banaanbaxa ayaa dowladda ugu baaqay inay si deg deg ah kaga noqoto go’aanka ay gaartay oo ah in Doorashada iyo Shirka dib u heshiisiinta ay labaduba ka dhacaan Magaalada Dhuusamareeb. Wixii warar ah ee kusoo kordha banaanbaxa socdo kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiiska Cadaado caasimada@live.com
-
Abha (Caasimadda Online) – Maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yeman ayaa mar kale duqeyn culus ka geystay garoon Diyaaradeed oo ku yaalo gudaha Dalka Sacuudiga. Xuutiyiinta ayaa duqeeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku taalo Koonfurta dalka Sacuudiga oo hoggaamiye u ah isbaheysi duulaan ku qaaday Dalka Yeman oo ay awood ku leeyihiin Xutiyiinta xiriirka la leh Iiraan. Sida ay Wakaaladaha wararka tabinayaan 9 qof ayaa ku dhawaacmay duqeyntaas, waxayna dadka daawacmay u badnaayeen Sacuudiyaan. Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga oo warbixin kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in 8 kamid ah dadka dhaawacmay ay yihiin Sacuudiyaan halka qofka kalana uu watay Baasaboorka dalka Hindiya ah. Al-masiirah oo ah Talefishinka kooxda Xuutiyiinta ayaa tabiyey inay duqeyntaas qaadeyn kooxdaan isla markaasna loo adgeesaday diyaarad aan duuliye laheyn. Kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa laba jibaaray weerarada ay ka geysanayaan gudaha Sacuudiga, waxayna asmuucyadii lasoo dhaafay gantaalo iyo duqeymo ka geysteen qaar ka tirsan Garoomada Diyaaradaha ee dalkaas. 3-da Bishii June, Gantaal ay Xuutiyiinta la beegsadeen isla garoonkaan waxa ku geeriyooday Muwaadin u dhashay dalka Syria, halka 21 kalena lagu dhawaacay. Dowladda Sacuudiga ayaa dhawr sano dagaal iyo duqeymo ka wado gudaha dalka Yeman oo ay ku xooggan yihiin kooxdaan, waxaana illaa hadda u suurtageli la’ inay baabi’iso kooxdaan oo hadda lasoo baxday awood ay duqeymo kaga geysato gudaha Sacuudiga. Isbaheysiga Sacuudiga hoggaaminayo ee dagaalka ku qaaday Dalka Yemen ayaa xasuuq u geystay shacab badan oo yamaniyiin ah, waxaana dadka la laayey kamid ah boqolaal kun oo Caruur oo lagu duqeeyey guryahooda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jeddahy caasimada@live.com
-
Dawoco yar oo ah nooca ku nool dhulka qaboobaha ayaa ka yaabisay seeynisyahano la socday dhaqdhaqaaqeeda kadib markii ka tagtay dalka Norway, lugna ku tagtay Canada, safarkaas oo ku qaatay 76 maalmood iyada oo qaraab doon ah. Sida uu qorey wargeyska Norway kasoo baxa ee Semitsiag, seeynisyahanada ayaa la yaabay safarkan qariibka ah ee ay dawada gashay, iyada oo ka gudubtay dhul aad baaxadiisa u balaaranyahay, qaboowgiisuna daranyahay. Cilmi baarayaal ka tirsan mac-hadka Polar ee Norway ayaa dacawadani oo hal sanno jir ah ku xiray qalabka GPS-ka ee lagula socdo dhaqdhaqaaqa hadba sheeyga lagu rakiyo. Waxaa 76 maalmood kadib la ogaaday in ay ku sugantahay jasiiradda Ellesmere ee dalka Canada, iyada oo jartay masaafo dhan 2,000 kiilo mitir. Waxa la yaabka leh ayaa ah xawaaraha ay ku jartay masaafada intaas dhan, iyadoo maalin kasta goynaysay 46 km , maalmaha qaarkoodna waxa ay jaraysay 155 km. “Waan rumeysan weynay waxa ay indhaheena arkayaan, waxaan u malaynaynay in ay dhimatay, ama doon lagu qaaday, balse wax doon ah aagga maba joogin” ayay tiri Eva Fuglei oo ka tirsan mac-hadka Polar. Ma jirto dacawo safarka intaas la’eg gashay inta la ogyahay. Eva ayaa ka mid ahayd koox cilmi baarayaal ah oo loo xilsaaray in ay wax ogaadaan sida dawacooyinka ay ugu dulqaataan qaboowga, uguna maareeyaan noloshooda. “Xilliga jiilaalka cunto badan ayaa la helaa, balse xiliga qaboowga waa dhib, waana marka dacawooyinku ay u haajiraan meelo kale si ay cunto u helaan, balse dawacadan waxa ay tagtay meel aad u fog” ayay tiri. Barafka sii dhalaalaya ee adduunka ayaa la sheegay in uu saameyn xooggan ku yeelanayo xayawaanka ku nool dhulkan qaboobaha ah. Bbc somali Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Dalka Kenya Kamau Macharia ayaa xiisadda Soomaaliya iyo Kenya gaarsiisay meeshii ugu sareysay. Amb. Macharia Kamau oo kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji, ayaa qoraal barta Twitterka Wasaaradda Arrimaha Dibadda lagu sheegay in Kenya iyo Somaliland ka wada shaqeynayaan iskaashiga labada dal, kaasoo loo arkayay culeys siyaasadeed oo ay Soomaaliya ku saareysay Kamau Macharia ayaa Twitterka ka tiray warbixintii muranka dhalisay ee uu ku sheegay inay Somaliland tahay mid ka madax banaan Soomaaliya iyo dhammaan macluumaadkii kale ee la socday. Diplomaasigaan oo wax laga waydiiyey xiisadda uu sii huriyey ee Kenya iyo Soomaaliya isagoo la hadlayey Shabakadda Wararka Kenya ee Kenyans.co.ke ayuu sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu ka hadlo warbixintaas muranka dhalisay. Kamau Macharia wuxuu kamid yahay Siyaasiyiinta inta badan ka shaqeeyo hurinta xiisada dimlomaasiyadeed ee u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna hadda ka hor soo qoray waxyaabo meel sare sii gaarsiiyey Xiisadda siyaasadeed ee labadaan dal ka dhaxeyso. Diplmaasigaan ayaa horey usoo noqday Wakiilka Kenya ku matalo Hey’adda Qaramada Midoobay. Sidoo kale wuxuu soo noqday madaxweynaha Guddiga fulinta ee Sanduuqa badbaadada caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya ayaa Safiirka Kenya u jooga Somalia Lucas Tumbo u gudbisay qoraal cabasho ah oo ka dhan ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo qoraal Twitter Wasaaradda la soo geliyay ku sheegay Somaliland inay tahay dal. Qoraalka cabashada ayaa lagu sheegay inay hadalkaas u tixgelinayaan inay halis ku tahay madax banaanida, midnimada dhuleed iyo sharafka Soomaaliya, isla markaana ay Soomaaliya ay u taagan tahay deris wanaag, ixtiraam labada dhinac iyo in iskaashi dhow la yeelato deriskeeda ayna sidaas la mid ah ka rajeyneyso dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Allaha u naxriistee waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku geeriyooday Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble, kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa. Xiliga uu qarxay gaariga uu watay Taliyuhu ayaa la sheegay in uu marayey Jidka 30-ka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo. Allaha u naxriistii Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Gaarigiisa loogu xiray taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, waxaana ilaa iyo hadda ka hadlin Madaxda sare ee Maamulka Galmudug. Al Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fulinayso gudaha magaalada Gaalkacyo waxayna Bilihii lasoo dhaafay fulisay weeraro ka dhan ah askarta iyo saraakiisha maamulada Galmudug iyo Puntland. Dhanka kale Ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ayaa saakay waxaa ay Baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha Booliska iyo kan Asluubta ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaasi. Ujeedka socdaalka taliyeyaashan ayaa la xariira heshiiskii Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay la wareegi doonaan ciidamada Ahlu-Sunna iyo amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ay horay u gaareen Madaxda Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda Soomaaliya. Dhawaaan ayaa lagu wadaa in shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo doorashada maamulkaasi lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Guddiyadii loo saaray dadkii rayidka ahaa ee lagu laayey M/Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa War-Saxaafadeed ka soo saaray dhacdadaasi. Warka ka soo baxay guddiyadani ayaa lagu sheegay in kulamo ay la qaateen waxgaradka, qeybaha bulashada, mas’uuliyiinta degmadaasi iyo Ehellada dadka la dilay. Sidoo kale waxa ay soo jeediyeen qodobo ay sheegeen in ay xal u noqon karaan nabad galyada deegaanka. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdidsho. Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbada xasilloonida iyo horumarka. Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka. Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay. “Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.” Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka. Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article