Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,858
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Guriceel ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay degmadaasi. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay boqolaal shacab ah iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ra’iisul wasaaraha ayaa markii uu tagay halkaasi goob fagaare ah kula hadlay dadkii soo dhaweeyay, isaga oo u mahadceliyay. Sidoo kale waxa uu uga warbixiyay ujeedka socdaalkiisa iyo guulaha laga gaaray kulamadii uu ka waday degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolkaasi. Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dadweynaha uu la hadlayay inay ka qeyb qaataan dadaallada dib u heshiisiineed ee Galmudug. Dhanka kale waxa uu ka hadlay dagaal Beeleedyada ka soo cusboonay degmada Mataabaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Waxa uu ka dalbaday dhinacyada dagaalamaya inay si deg deg ah ku joojiyaan colaada, islamarkaana wax weliba ay ku dhammeeyaan wada-hadal. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay safar dhulka ugu bixiyay d Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale oo hoostaga maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha-ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka hadlay kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Fadumo Moalim Ali, 27, is one of the 24 women candidates competing in the clan–based selection process for the next round of representatives to the Jubbaland regional state parliament in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. Guriceel (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Ra’iisul wasaare Khayre uu khudbad u jeediyo dadweynaha ku dhaqan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ay xaqiijinayaan ciidamada maamulka Galmudug iyo ilaalada Ra’iisul wasaaraha oo la geeyay halkaasi. Khayre ayaa horay u booqday Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale oo hoostaga maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Baardheere (SMN) – Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in maanta madaxii hay’adda Life Line Gedo ay ku dileen gudaha gobolkaasi. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Aadan Barre ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku toogteen agagaarka degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al-Shabaab ay wateen howlwadeeno kale oo ka tirsanaa hay’addaasi. Lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Maxruum Aadan Bare oo mas’uul ka ahaa Life Line Gedo oo ah hay’ad Samafal ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Baardheere oo ku aadan dhacdadaasi. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  6. (SLT-Hargeysa)-Inta la xaqiijiyey 9 Qof ayaa ku dhaawacmay Garoonka diyaaradaha ee Abha ee Dalka Sucuudiga Isniintii, ka dib weerar ay ku qaadeen Jabhadda Xuutiyiintu, sida ay xaqiijiyey Isbahaysiga Carabtu. “Xulafada Sucuudigu hoggaamiyaa waxay u dagaalamayaan inay taageeraan Dawladda Yemen..” ayaa lagu yidhi, War-saxaafadeed Xulafadu soo saareen, ka dib markii 9 Qof ay ku dhaawacmeen weerar loo adeegsaday Diyaarad yar oo Drone ah, kaasi oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha Abha. 9-ka Qof ee dhaawacmay 8 baa u dhashay Sucuudiga, halka Qofka Sagaalaadna yahay Hindi, Dadka dhaawacmay dhammaantood Xaaladdoodu ma xuma. Jabhadda Xuutiyiinta ee IRAN taageerto ee dagaallada ka wada Dalka ay Sucuudiga jaarka yihiin ee Yemen, ayaa intii dambay kor u qaadday Weerarradooda ay ku ekaynayaan Sucuudi Carabiya. Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa sheegay kooxdu go’aamiyeen inay hawl-gal ballaadhan ku beegsadaan Madaarka Abha, sida uu baahiyey Al Masirah TV oo afka kooxdaasi ku hadla. Telefiishanka Sucudiga laga leeyahay Al Arabiya TV ayaa isaguna soo weriyey in Garoonka Abha uu dib u bilaabay duulimaadyada oo hore looga joojiyey. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin (Cabdiraxmaan dheere) oo ka tirsan mudanayaasha aqalka wakiilada somaliland ayaa soo jeediyay in la baabiiyo xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Xukuumada somaliland ayaa joojisay kulan lagu xidhiidhiyey soomaaliya la qorsheeyey in lagu qabto magaalada Hargeysa. War ka soo baxay wasaarada qorshaynta somaliland ayaa lagu soo bandhigay sababo ay xukuumadu u joojisay kulan lagu tala galay inuu Hargeysa ka dhaco kaas oo qayb ka ahaa mashruuca SSF(Somalia Stability Fund). Warka ka soo baxay wasaarada qorshaynta ayaa u dhignaa sidan “Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland waxay idinla socodsiinaysaa inay joojisay kulankii lagu qaban lahaa Hargeysa ee ku saabsanaa maalgashiga sababahan dartood. 1.Mashruuca SSF(Somalia Stability Fund) maaha mid ka jira somaliland, somaliland-na kama mid aha heshiiska lagu helay dhaqaalahan. 2.SSF wax ogolaansho ah kama haysato dawlada somaliland kaas oo ay ku qaban karto kulankan. “Dawlada somaliland waxay ku wargelinaysaa xoghaynta SSF inay masuul ka yihiin in ka qayb galayaashii kulankan ay si nabad ah ugu celiso meelihii ay ka yimaadeen. Dawlada somaliland diyaar ayey u tahay inay soo dhawayso kulan kasta oo aan ka horimanayn sharciyada u taala dalka, balse ma aqbali doonto kulan kasta oo la xidhiidha soomaaliya, arimaha soomaaliya waxa lagaga hadli karaa dalkooda. Source
  9. Ra’isul wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay. Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay. Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan. “Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.“ “Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.“ “Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaarsiinin, intii la dhihi lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsaneen.” “Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.” Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdi boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay. Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale. “Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha dhihina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel looga dhacay ha dhihina waa khalad aad u weyn.” “Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga .” Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid. Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen. Marka dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay inuusan afgambi dowladeed eheen, caqli gal ma tahay taa?, haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yiri Dr Abiy Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto bin la isku dhammaada iney horseeddo mooyee. Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqamaya ee Fedraalka ku dhisan ciddi isku daydo iney dowlad dhexe afgambiso uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo. Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa. “Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii u ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”. “Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe “ ayuu yiri. “Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda itobiya”. Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya Ra’isul wasaarae Dr Abiy Axmed oo warbixintiisa sii wato wuxuu golaha uu u sheegay sannadki la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeen idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego. July 23, 2018-kii iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdun yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo. Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baritaankoda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen. Falkaasina dhalinyaro badana ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaata aad u badana ayaana ka dhalatay, taa marki aan ka soo gudubnayna ciidama aad u hubeysan oo aan yareen ayaa xafiiskeyga igu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay. Ciidan Afgambi la damacsanaa Ra’isulwasaaraha Itoobiya Ciidamadaasi markii aan si aqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen. Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan. Xaalka halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqa joojin sameeyaan iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan. Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushaar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood meysan fahmin. Dadki noocaasi ahaa marki aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushaar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay. Iyada oo la leeyahay waddankiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidanki oo dhan oOroma ayaa qabsatay jagooyinka dhan oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog. Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baaraan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado. Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah la isaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee iney jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato. Marki ay kooxa dalka dhibka ka wado arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen. Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkan ma aha mid Itoobiya midnimo u horseedayo balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya. Dadka isbeddelkan hoggaanka u hayo waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runta nala jirto iney cidana na joojin karin, cidna nama joojin karto. Imtixaan kasta oo nala soo darso adadeyga ayaan ka sii qaadeynaa haba yaraatee nama daciifinayo, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaarsiin laheen. Cid kasta oo isku daydo midnimada iyo qaranimada Itoobiya iney wiiqdo kulama dagaallamayo qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Dr Abiy : Illaa 7 jeer ayaa la isku dayay in la i afgambiyo appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (SMN) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka ay dib u billaabi doonto taageeraddii ay siin jirtay qeybo kamida ciidamada xoogga dalka, taasoo hakad gashay bishii December ee sanadkii 2017. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in kaalmadan lagu billaabayo cutub katirsan ciidamada xoogga, kuwaasoo ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose, oo xilligan ka socdo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab. War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya ay qaadeen tallaabooyin wax looga qabtey sababihii markii hore keenay in la hakiyo teegeeradda military. Dhanka kale, dowladda Federaalka ayaa soo dhawaysay go’aanka Mareykanka, kaasi oo ay sheegtay inuu yimid kadib markii la sameeyay hanaan hufan oo lagu diiwan gelinayo ciidamada xooga dalka. Dowlado dhowr ah oo Mareykanka iyo Turkiga ay ugu horeeyaan ayaa ka caawinaya Dowladda Federaalka dib u dhiska ciidanka, oo muhiim u ah soo celinta nabadda iyo xasiloonida wadanka. View the full article
  11. The new United Nations representative for Somalia, James Swan met with Minister of Constitutional Affairs Salah Ahmed Jama in Mogadishu on Monday. Swan and Ahmed have discussed progress in the ongoing review of the 2012 provisional constitution and the way forward. SRSG reaffirmed the UN’s commitment to an inclusive review process. The United Nations envoy also met with Speaker of parliamentary House of People Mohamed Mursal to discuss key pending legislation and preparations for one-person, one-vote elections in 2020. Swan pledged to work closely together to support Parliament. View the full article
  12. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Gurigeel ee gobalka Galguduud. Mudane Xasan Cali Khayre oo kumannaan dadwayne ah iyo mas’uuliyiin dowladeed oo soo dhawayntiisa isugu soo baxay kula hadlay goob fagaara ah ayaa mahad celin kadib waxa uu uga warbixiyay qorshaha socdaalkiisa Galmudug iyo guulihii la gaaray intii uu waday wadatashiyada uu bulshada kala yeelanayay dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay, waxa uuna ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan qorshaha dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku baaqay in si shurruud la’aan loo joojiyo colaadaha dhiiggu ku daadanayo ee ka socda deegaannada hoos taga degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu marayay deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu kulamo wadatashi la yeeshay bulshada qaybaheeda kala duwan, si uu uga dhagaysto talooyinka iyo tusaalaha dhismaha Galmudug dhamaystiran. Mudane Khayre oo horay u tegay deegaano ay kamid yihiin Dhuusamareeb, Cadaado, Caabuudwaaq, Huurshe iyo Xeraale ayaa inta uu joogo Guriceel waxa uu si la mid ah deegaannadii uu soo maray kulamo la yeelanayaa qaybaha bulshada. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay magaalada Guriceel appeared first on Puntland Post.
  13. The United States will partially resume the provision of security assistance to non-mentored units of the Somali National Army (SNA). This move will be implemented on a pilot basis with a unit taking part in critical transition operations in Lower Shabelle. On the basis of internal reforms made by the Federal Government of Somalia and an inspection of the recipient unit, the United States assesses that the Federal Government of Somalia and the SNA have undertaken significant efforts to improve accountability over donor resources. The United States, in coordination with the Federal Government of Somalia, paused assistance to non-mentored units of the Somali National Army in December 2017. This resumption of assistance demonstrates our confidence that the FGS and SNA will continue to improve accountability and fight corruption. View the full article
  14. Galkayo police commander, Major Awil Nur Roble has succumbed to injuries sustained from IED planted in his car on Monday. Major Roble died in Souther Galkayo hospital where he was nursing his injuries on Tuesday morning. Armed group al-Shabaab group has claimed responsibility for the attack. The divided southern Somali city has experienced numerous attacks against members of the security agencies in recent years. Senior police and intelligence officials were targeted within this year an attack claimed by armed group al-Shabaab. The joint police unit from Galmudug and Puntland administrations was formed to ensure security in the city. Agreement between Garowe and Dhusamareb states has ended border based dispute two years ago, after deadly clashes between the two administrations. View the full article
  15. Muqdisho (SMN) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres. Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista dastuurka dhammaadka sanadkan. Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed. Sidoo kale, wasiir saalax axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Somaaliya noqoto dowlad hannaanka federalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro. “Si Soomaaliya u noqoto dowlad federal ah oo demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagamamaarmaan ah in la dhamaytiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax axmed Jaamac. Dhanka kale, Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in qaramada midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Somalia gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay. Sidoo kale, wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha UNDP- Somalia Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Somaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  16. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin. Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Muddaharaad ballaaran oo looga horjeedo go’aankii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in Gogosha dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug labadaba lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dadka muddaharaadyada ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin waxaan doonaynaa Maqaamka Cadaado iyo ereyo kale oo ka dhan ah go’aanka Ra’iisul wasaaraha ee ku aaddana in doorashada lagu qaban doono Dhuusamareeb. Hoggaanka Dhaqanka magaalada Cadaado ayaa iyana shalay ka soo horjeestay go’aanka Ra’iisul wasaaraha iyagoo ku eedeeyay in uu ballanta uga baxay kadib markii sid ay sheegeen uu qaatay go’aan aan la isla ogayn islamarkaana uu awoodihii maamulka oo dhan geeyay Dhuusamareeb. Halkan ka daawo muddahaaradka PUNTLAND POST The post Muddaharaad looga horjeedo Ra’iisul wasaare Khayre oo ka dhacay magaalada Cadaado appeared first on Puntland Post.
  18. Milicsiga suugaantii Hadraawi waana ( Daalo) Qalinkii Cabdi Caawiye wuxuu hoga tusaalaynayaa oo uu shareerid iyo buunbuuninta afka qanniga ah ee Soomaaliga ku kala bixinayaa quruxda, qiimaha, deegaanta, dalsan nimada iyo bilicda la yaabka leh ee uu Allah ku manaystay buurta Daalo marka aad akhriskeeda ama dhagaysigeeda dhex gasho waxa dubaaqaaga hor kusoo dhacaaya malaha hadraawi kama hadlaayo aduunka ee jannadii ayuu hogatusaalaynaya. Degaan ahaan waxay dhacdaa Gobolka quruxda iyo taariikhda ee Ceerigaabo. wuxuuna yidhi Daaloo korkeedii Figta iyo daruuruhu Isku soo durkeenoo Ceeryaamo daahii Ku dallaalimaysoo Dirir gaaxdey mirayoo Todobaad ku da’ayoo Danabkiyo hilllaacii Isu daba mareenoo Onkodkuna dayaankii Dhulka dakharo yeeloo Casar gaaban daadkiyo Durduradu kulmeenoo Isku soo darmeenoo Isla dulundulceeyeen Jarar moosa dumiyeen Hadba daw samaysteen Shinbiruhu mar duuleen Marna soo degeenoo Damaloo dhan qariyeen Dananka iyo foorida Darandoori heeseen Dayaxiyo cadceedduna Dacallada ka joogaan Isha daawanaysaa Kola daali maysee Bal aan daaha aan rogey Halal kale ku sii daro Dal ahaanna waa gobol Dullo iyo baannanba leh Badna way la deris thay Duni weeye cimiladu Dardarteeda dhigatoo Waxa loogu daray taas Inta qurux u damac roon Cirku dooba kama dhigo Degmo weeye hodanoo Dooxooyin madhaxliyo Deegaan ma guurtiyo Ilo wada darrooriyo Doog aan is dhalan rogin Dayib geed la magic baxay Dahab hoosta yaallaa Dalag looga dhigayoo Cudur kama dilaacoo Dulin kama abuurmoo Dabar-gooye kama dhicin Waa degel qabow oo Qorrax diib is marisoo Jidhka aan damqayn baa Loo soo deldelayoo Dadku kuma gabooboo Nimankii Darwiishkii Kula jiray dagaalkoo Weli doob la moodaa Birta daabka haystoo Gala duullinmaadkoo Iyagaa dorraatiyo Taariikhda duuga ah Dhul fog looga doontaa Duunyadiisu waa geel Daran iyo tigaad cuna Ido deexda lagu dhaqo Ardo lagu dabbaal dego Carro weeye dihinoo Dirka magac ugaadheed Lagu soo dareershoo Farow iyo dibtaag baa Derrimaha ku fara badan Cawl-aan didaynoo Cidi aanay dilinoo Qofna aanu dabannoo Dibindaabyo aragoo Dannigii ka ba’ay baa Dugsanaysa xoolaha Dad ahaanna waa qaran Waa duul is wada dhalay Qalo iyo dir sooc ma leh Dab dhexdooda kama huro Weligood ma diriraan Isma doca-doceeyaan Dumar kama baroortaan Dooxatiyo wereentiyo Budhcad duusha kuma maqal Daandaansi ma oggola Xumo uma dulqaataan Nabaddana ma diidaan Deeq kuma masuugaan Doodna waa yaqaanniin Diricyaa ka kacay badan Damdamtiyo mashxaraddiyo Sacabkana ma daayaan Danna kama fogaadaan Nin dabali wadatoo Waxaan ahay dalxiis iyo Doolaalo keentoo Deg-deg baa I soo galay Dibna waan u kacayaa Dunta gabaygu leeyahay Kama xulan hal-doorkii Dulucdiina kama bogan Balse daymo halacsiga Kolley doorkan manta ah Halkaas aan ku dagagaro. Qalinkii Cabdi Cawiye shaywaal12@gmail.com Qaran News
  19. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo hosted foreign diplomats serving their nation’s interest in the country on Monday. The ambassadors of countries with embassies in Somalia and international bodies such as the United Nations and African Union envoys were present at a dinner hosted by the Villa Somalia to mark the 59th anniversary of the Somali Independence. The head of state told the representatives that despite the decades of security challenges the country is on the right path to recovery. The President appreciated the unwavering support received from the members of the international community to his government in its quest to stability and development in the horn of the African nation. Somali leader said the Federal government is committed to strengthening bilateral relations with its international community partners. The pledge comes as relations between Mogadishu and Nairobi is at all time low due to the difference of disputed maritime border along the Indian Ocean waters. Somali Foreign Affairs Ministry submitted a letter of complaint to Kenya ambassador to Somalia, Lucas Tumbo on Monday in response to an offensive tweet by Kenya’s foreign affairs principal secretary, Macharia Kamau that term Somaliland as Independent country. The tweet was posted during a meeting between ambassador Kamau and Somaliland Foreign Minister, Yassin Hajji Mohamud in Nairobi last week. View the full article
  20. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan oo maanta ku kulmay Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Galmudug iyo Wakiilka ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii loo dardar galin lahaa arimaha dib u hishiisiinta Maamulka Galmudug Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in Soomaaliya dib u hishiisiin u baahantahay. Wakiilka QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in uu bogaadinayo uuna soo dhaweynayo in Galmudug laga sameeyo dib u hishiisn xiligan la joogana aad looga baahanyahay waxa uu sheegay in uu gacan weyn ka sii doono sidii loo dardar galin lahaa loona heli lahaa dib u hishiisiin dhab ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xaaf oo la kulmay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Jowhar (Caasimada Online) – Maxamuud Cali Afrax oo ah sarkaal ka tirsan Kooxda Macaawiisley ee ah shacabka is abaabulay ee ka dagaalama gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay soo furteen illaa 11 Caruur oo gacanta ugu jiray Al-Shabaab. Sarkaalkan oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in howlgal qorsheysan ay ku qaadeen tuulada Xaaji Cali oo hoostagta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Caruurtan ay silsilado iskula xirnaayeen, islamarkaana si qasab ah looga kaxeeyay Waalidiintooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan ka war helnay inay jiraan caruur Al-Shabaab afduubteen, carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan, balse markii ay ka war heleen baxsashada carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan ka war helnay arrinkaas waana soo furanay” ayii yiri sarkaalkan. Maxamuud Cali Afrax ayaa intaasi ku daray in ay sii kordhin doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab, kana saari doonaan deegaanada maamulka HirShabelle. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. 24-kii bishan ayey aheyd markii Kooxda la magac baxday Macaawiisley ay shaaciyeen in Al-Shabaab ay ka soo futeen in ka badan 30 qof oo u xirnaa, kadib dagaal ay kula galeen agagaarka magaalada Buulo-Burte gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Macaawiisley waa koox shacab ah oo ka dhisantay deegaanada maamulka HirShabelle, waxaana ay dagaal adag ay kula jirtaa Al-Shabaab. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda federalka Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ku booqday Ciidamo ka tirsan ahlu sunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, maantana loo bilaabayo Hab-raaca ay kaga midnoqonayaan Ciidanka Qalabka sida ee Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha oo ay booqashadiisa ku wehliyeen madaxa fulinta Galmudug iyo taliyaasha ciidanka qalabka sida ayaa khudba u jeediyay ciidanka waxa uuna ku boorriyay in ay maraan hab-raaca oo ay is isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka ciidan ee ay u baahanyihiin. Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee ahaa in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga guul gaaraan qaramaynta ciidanka si loogu diyaar garoobo xoreynta deegaanna Shabaabku uga suganyihiin Galmudug. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegtay ciidamadii Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.