-
Content Count
208,858 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland Keebay fiicnayn 28-sanno ee ay Jamhuuriyada Soomaalida ka mid ahayd (1960-1988) iyo 28-sanno ee ay goonida isu taagtay (1991-2019)? Waxaan doonayaa inaan is barbar dhigo wixii u qabsoomay Somaliland markii ay ka tirsanayd Jamhuuriyadii Somalida (Somali Republic) iyo markii ay goonida isu taagtay (Somaliland Republic), maadaama aynu joogno 1 Luulyo oo ah markii ay isku biireen Somaliland iyo Soomaaliya oo gobonimada ka qaatay gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, siday u kala horeeyaan. Waxaan soo qaadanayaa horumarka xagga waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, wada jirka bulshada (social cohesion), ilaalinta degaanka, ganacsiga, siiba dhoofinta xoolaha nool iyo kaabayaasha dhaqaalaha (infrastructure). Waxaan ka cudur-daaranayaa in dadka dhalinyarada ah ee aan qaan-gaadhka ahayn wakhtigii ay Somaliland ka talinaysay xukuumadii Siyaad Barre (1988 iyo wixii ka horeeyey) uu ku adkaan doonto isbar-bardhigani, maadaama wax kasta oo looga sheegay Jamhuuriyada Soomaaliya ay ahayd wax taban oo aan khayr lahayn. Dadka qaar ayaa odhan kara la isma bar-bardhigi karo dal aduunka laga ictiraafsanaa (Jamhuuriyadii Somalida) iyo dal aan cidi ictiraafsanayn. Taas waxaan kaga jawaab celinayaa, in mudadii ay jirtay Somaliland inteedii lagu ilaalin karaayey, haddaan macaa la tayaynin, arimahan nolosha dadka lagama maarmaanka u ah laakiin la dayacay oo lagu mashquulay dan shakhsi ah iyo reero lays barbar eryo (clan competition)! 1) Waxbarashada: Xilligii Dowladii Soomaaliya Xiligii Dowladii Soomaaliya waxaa jiray waxbarasho bilaa lacag ah oo tayo leh, fasalka koowaad ilaa dugsi sare. Marka ardaygu dugsi sare ka baxo waxuu haystay fursad uu Jaamacada Ummada (Somali National University) ku galo taas oo ahayd mid lacag la’aan ah dhinaca waxbarasha (tuition fee), jiifka iyo cunto (room and board). Ardaygu markuu jaamacada dhameeyo waxaa khasab ku ahayd inuu u shaqo tago wasiiradii/wakaaladii khusaysay waxa uu soo bartay. Tusaale ahaan, ardayga ka baxa kuliyadaha caafimaadka waxaa khasab ku ahayd inuu u shaqo tago wasaarada caafimaadka. Ardayga doona inuu iskii isaga shaqaysto, waxaa lagu khasbi jiray inuu bixiyo kharashkii wax lagu soo baray. Dhinaca kale, Jaamacada Ummadu waxay ahayd heer caalami, macalimiinta ka dhigtaana waxay u badnaayeen Talyaani. Waxbarashada: Xilliga Somaliland In-kastoo dadaalo farabadan la sameeyey, hadana waxbarasho tayo macquul ah leh waxaa maanta heli kara Somaliland kaliya qof awoodi kara dhaqaale ahaan, maadaama dugsiyada ay dowladu gacanta ku haysaa aad tayadoodu u liidato. Tusaale ahaan, macalinka dugsiyada dowlada wax ka dhigaa waxuu mushahar u qaataa bishii $100, halka macalimiinta dugsiyada gaarka loo leeyahay (private schools) ay qaataan ugu yaraan bishii $300. Sidaa darteed, macalimiintii tayada lahayd waxay aadeen dugsiyada gaarka loo leeyahay. Markuu ardaygu dhameeyo dugsiga sare wuxuu galaa jaamacado qof lacag haystaa uun gali karo oo aan tayada manhajkooda iyo macalimiintooda aad u liidato marka loo eego tii Jaamacada Ummada, intooda badana gaar loo leeyahay. 2) Caafimaadka: Xilligii Dowladii Soomaaliya Sida intiinii soo gaadhay aad og’ tihiin, daryeelka caafimaadka qofku wuxuu ahaa lacag la’aan. Sidoo kale, dawada la isticmaalo waxay ahayd mid tayo leh, waxaana soo dejin jirtay ASPIMA oo ahayd hay’ad dowli ah oo hoos tagta wasaarad caafimaadka. Dhinaca Caafimaadka iyo Saxada Beesha (Public Health) ayaa tixgalin gaara la siin jiray iyadoo Fayadhowrayaashu ay dabagal joogto ah ku hayeen meheradaha cuntada bisil iibiya rukhsadona (license) aan la siin jirin kuwa aan lahayn bulaacado ay wasakhda ku shubaan. Caafimaadka: Xilliga Somaliland Waxaa caafimaad heli kara kaliya qof lacag haysta oo iska bixin kara. Iska daa wax kale’e haddii, tusaale ahaan, la keeno gabadh umulaysa Cusbitaalka Guud ee Hargaysa waa in loo soo iibiyaa irbadii dhiig joojinta. Dhinaca kale, daawada la isticmaalaa waa mid tayadeedu liidato oo ganacsato mucaash doon ahi soo dejisay oo aanay jirin cid soo hubisay (quality control). Waxaa haba yaraatee istaagay ka warhayntii Caafimaadka iyo Saxada Beesha (Public Health) iyadoo aanu jiray Fayadhowr dabagal ku sameeya meheradaha cunta bisil iibiyo, rukhsadana (license) bixinteedana lagu xidho kaliya cashuur ay bixiyaan. 3) Ganacsiga Siiba Xoolaha Nool: Xilligii Dowladii Soomaaliya Dhoofka xooluhu wuxuu ahaa waxa ugu badan ee Somalidu dhoofiso, kana hesho lacagta adag ee ugu badan (hard currency). Xilligii Dowladii Soomaaliya waxaa la eegi jiray tirada ugu haboon ee xoolaha ah ee la dhoofin karo (quantity of supply), siiba xilliga Xajka, si neefka xoolaha ahi qofka reer miyiga ah uu wax ugu goyn karo. Marka tirada la xadido (quantity of demand) ayaa ganacsatada xoolaha dhoofisa loo qaybin jiray mid waliba inta neef ee uu dhoofin karo. Intaa ka dib qofka ganacsadaha ahi waxuu tagi jiray Sacuudiga oo uu la soo heshiin jiray ganacsatada Sucuudiga ee xoolaha, waxaana lacagta loogu shubi jiray Bangiga Ganacsiga Soomaaliya ee Jiddah ku yaalay, ka hor intaan xoolaha la soo rarin. Sidaa darteed, haddii ay dhacdo in markabka xoolaha sidaa badda ku dego, waxaa khasaarayey ganacsadaha Sucuudiga ah waayo ganacsadaha Soomaaliga ahi isagoo lacagtiisii wuu qaatay. Ganacsiga badeecadaha kale ayaa Iyana la hubin jiray tayadooda, lana kala xadayn jiray, loomana ogolaan jirin in ganacsaduhu maraakiib soo rarto, haddana uu tafaariiq u iibiyo alaabta; waxaana lagu khasbi jiray inuu jumlad ku wareejiyo si loo kala macaasho. Kaabayaasha dhaqaale ayaa la hir-galiyey oo ay ka mid yihiin: dhisida wadada isku xidha Hargaysa-Berbera-Burco-Muqdisho, dekeda Berbera iyo madaaro. Ganacsiga Siiba Xoolaha Nool: Xilliga Somaliland Maadaama aanay Somaliland ahayn meesha kaliya ee xoolaha laga-soo dhoofiyo dalkii laysku odhan jiray Jamhuuyida Somalida, waxaa si xad-dhaaf ah u batay tiradii xoolaha laga-soo dhoofinayey (over-supply) dekedaha Somalida, taas oo keentay in ganacsatada xoolaha Sucuudigu ku cadaadiyaan dowladooda inay joojiso xoolaha uga imanaya Jamhuuriyada Soomaaliya. Joojinta xoolaha ee Sucuudiga, oo ahaa suuqa ugu wayn ee Soomaalidu xoolaha u dhoofiso, waxay ku keentay Somaliland, oo ahaa suuqa ugu wayn ee xoolaha Somalida laga dhoofiyo, dhaqaale burbur saameeyey dadka xoolaha dhaqatada ah, ganacsata xoolaha, xukuumada oo cashuuri jirtay iyo dhamaan bulshada inteeda kale oo duul-duulku (the economic multiplier) soo gaadhi jiray. Ganacsiga badeecadaha kale ayaa iyana aan tayadooda cidina hubin, kala xadayn lahayn, waxaana dhacda hadda in ganacsaduhu markab alaaba soo rarto oo halkii uu jumlad ku wareejin lahaa isagu tafaariiqeeyo halkaana ku curyaamiyo ganacsatadii yar-yarayd ee wax tafaariiqayn jirtay. Ma jiro kaabayaal dhaqaale (infrastructure) oo la hirgaliyey intii Somaliland jirtay marka laga reebo Madaarka Hargaysa oo Dowlada Kuwayt ku bixisay toban milyan oo Dollar dayactirkiisa laakiin lacagtaa inteedii badnayn ay ku dhacday jeebabka dad gaar ah wakhtigii xukuumadii Siilaanyo. 4) Ilaalinta Deegaanka (Environment Protection): Xilligii Dowladii Soomaaliya Maadaama aynu nahay bulsho dadkeedu xoolo dhaqato u badan yihiin, waxaa muhiim ah in degaanka laga ilaaliyo wax kasta oo nabaad guur u keeni kara. Waxaan xusuustaa laba arimood oo degaanka lagu ilaalin jiray waagaas. Ta hore waxay ahayd in seerayaasha la xidhi jiray wakhtiga gu’ga, lana furi jiray wakhtiga jiilaalka. Tani waxay keeni jirtay in dhulka daaqsinka ah la-kala nasiyo oo xooluhu xilli kasta helaan cawskii iyo dhirtii kale ee ay daaqayeen. Ta kale, waxay ahayd inaan la ogolayn in cid waliba dhirta gubto oo dhuxulaysato. Si taa loo sugo, waxaa jiri jirtay Iskaashatada Dhuxusha oo hoos tagi-jirtay Wakaalada Dhirta iyo Daaqa. Iskaashatada Dhuxusha oo ay la shaqaynayaan shaqaalaha Wakaaladaasi ayaa kaliya gubi jiray dhirta qalashay, dhir cusubna meeshii dib uga beeri jiray. Ilaalinta Degaanka (Environment Protection): Xilliga Somaliland Intii Somaliland jirtay ma jirto seerayaal la xidhay wakhtiga gu’ga si xoolo dhaqatadu uga faa’iidaysato xilliga jiilaalka ee daaqu gabaabsiga noqdo. Sidoo kale, waxaa loo fasaxay oo cashuur uun laga qaadaa cid kasta oo dhuxulaysato ah. Degaano badan ayaa hadda isugu soo baxay lama degaan, ka dib markii dhirtii la gubay oo dhuxul laga dhigtay. Dhinaca kale, baddaha ayaa iyana laga kireeyey doonyo iyo maraakiib shisheeyo wato oo kaluumaysato ah, kuwaas oo xaalufin ba’an ku haya khayraadkii badda. 5) Wada Noolaansha Bulshada (Social Cohesion): Xilligii Dowladii Soomaaliya Is-dhexgalka dadka iyo wada noolaanshahooda ayaa aad u fiicnayd, mana jirin kala qo-qob qabyaaladaysan iyo dagaalo beelo oo soo noqnoqdaa marka laga reebo qaar meelo gaar ah ku kooban oo siyaasadaysnaa. Hadaan si kale u idhaahdo dadku wuu is jeclaa, waxaana laysku soo dhawayn jiray “Reer Waqooyinimo!” Wada Noolaanshaha Bulshada (Social Cohesion): Xilliga Somaliland Waxaad moodaa in dadkii hoos isugu noqday oo dad dano-gaar ah wataa bulshadii u kala qaybiyeen habro isku lidi ah. Tusaale ahaan, doorashadii madaxweynha ee 2017 ayaa musharixiintii ku ollolleeyeen hab qabiili ah oo dadka aad u kala fogaysay. Dadkii ehelka, qaraabada, xididka, xigaalka iyo jaarka ahaa, madaxa ayaa laysu galiyey oo laysu tusay inay cadow isu yihiin. Dhinaca kale, waxaa bilaabmay in la-kala gurto oo qabiil walba meel gaara isugu ururo, gobol gaar ahna samaysto. Gobolada qabiilada gaar ahi sheegteen waxaa ka mid ah: Saaxil (Ciise Muse), Salal (Ciise), Baligubedle (Arab), Daad Madheedh (H. Yonis), Saraar (H. Jeclo), Gabiley (Sacad Muse), Taleex (Sool clan), Badhan (Warsangali) iwm. Maxaa Ugu Wayne e Somaliland laga faa’iiday? Somaliland waxaa laga faa’iiday xoriyada hadalka (freedom of expression), saxaafada (freedom of the press) iyo ka siyaasada (political participation) oo aan jiri jirin labaatankii sanno ee ugu danbeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya oo ah wakhtigii ay talinaysay xukuumadii Siyaad Barre. Hase yeeshe, qof aan haysan daruuriyaadka nolosha maxay u tari doonaan xoriyaadkani? Sidaa darteed, waxaa faa’iidada ka helay Somaliland dadka dabaqada sare “elites” oo iyagu awalba haystay daruuriyaadka nolosha laakiin hamuun u qabay inay siyaasidaya cidhiidsadaan, afkoodana furtaan oo fikirkooda cabiraan. Cabdillahi Xuseen Abhussein1988@gmail.com Qaran News
-
Guriceen (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa amray in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda degaanada ku yaalla Xadka gobolada Galgaduud iyo Hiiraan. Kheyre ayaa sheegay in aan xilliggaan aan loo baahaneyn dagaal Sokeeye, waxaana Odayaasha dhaqanka uu ka dalbaday in ay ka qeyb qaataan sidii loo soo Afjari lahaa Colaadda beelaha wada degan Xadka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad weyn iska saari doonto sidii loo dhameyn lahaa dagaalka, islamarkaana nabad loogu soo celin lahaa degaanadaasi. Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Guriceel, waxaana uu halkaasi kulamo kala duwan kula leeyahay qeybaha kala duwan ee bulshadda. Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay maalmihii ugu dambeeyay dagaallo kala dhacay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan oo dhul daaqsimeed isku heysta. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo la hadlayay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday war cusub oo la xiriira arrimaha Dastuurka. Wasiir Saalax oo ka warbixinayay howlaha dib u eegista Dastuurka ayaa sheegay in laga gaaray guulo muhiim ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sanadkan lagu soo gabagabeynayo dhameynatirka Dastuurka. Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadda waxa haray ay tahay kaliya in madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed. “Si Soomaaliya u noqoto dowlad federaal ah oo Demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagama maarmaan ah in la dhamaytiro Dastuurka” ayuu yiri wasiirku. Saalax ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Soomaaliya ay noqoto dowlad hanaanka federaalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho. Dastuurka dalka oo weli KMG ah ayaa waxaa jira caqabado bada oo hortaagan dhameystirkiisa, iyada oo ay dhiman tahay Aftidii guud ee dadweynaha. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
1da Luuliyo 1960 ka hadalkeedu waa mid baahsan oo qof kasta ilaa xad ka dheregsan tahay, xiisaha iyo rajada ay xambaarsaneyd in mar uun la arko Calan Soomaaliyeed oo xor ah, kaligiis hawada ka babanaya kadib markii la siibay labadii Source: Hiiraan Online
-
Mucaarid ilko qabow Iyo Macangeg ishiqaate ah 2009 markii uu madaxweyne Daahir Riyaale kala diray guddidii doorashooyinka ee lagu muransanaa waxa saaxadda siyaasadda gilgilayey mucaarid adag oo haysta taageero badan oo shacbi, kuna muujin jirey cududdiisa isu soo baxyo dibadeed oo xoog iyo saamayn badan leh, baaqyo iyo khudbado mawqif cad xambaarsan, kuwaas keenay in la dhegeysto, wada hadallo iyo dhexdhexaadinna ka dhashaan. Riyaale waxa uu ahaa madaxweyne aan madax adkayn, waaqacana ka taamilo qaata oo aan been-la-noole ahayn. Dabeecaddaas wacnayd ee Riyaale iyo culayskaas siyaasadeed ee mucaaridka oo is biirsanaya waxa ay horseedeen in la soo gunaanado kala qaybsanaantii siyaasadeed iyo qalalaasihii qaanuuneed ee cirka ku shareernaa ee ku saabsanaa guddidii doorashada sida haddatan taagan oo kale. 30-kii September 2009 ayay dhinacyadii is hayey oo dhami afgarad iyo heshiis wada gaadheen, laguna dhawaaqay in la kala diro xubnihii guddida doorashada, lana magacaabay xubno cusub. Kala duwanaanshuhu se, 2009 iyo 2019, waa laba arrimood oo kala ah macangegnimada madaxweyne MBC oo wax wada gorfaynta iyo tanaasulka aan far loo darin, iyo dhinaca kale jilicsanaanta iyo qabowga mucaaridka aan beerka bisil kala goyn karin ee baryootanaya. Weli waa kuwaas baryootamaya ee MBC gadhka iyo gommodda haya, isna waa kaas fuqa kor u taagaya. Waa mucaarid aan aqoon ama ka baqa in la isku cabbiro, markan oo kale, dibadbaxyo salmi ah oo ay bulshada u hor kacaan, kuna diidaan sharci jebinta xukuumadda iyo ku-tagrifalka awoodda dawladeed. Sannad iyo toddoba bilood oo MBC talada hayey si walba waxa uu ugu tuntay sharcigii iyo wixii ay ummaddu wada dhigatay ee ay ku heshiisey. Waxa uu soo dhisay xukuumad dheelli qabali ah oo aan hore loo arag ku jiro. xukuumadihii hore bikh iyo i qarso ayay noqonayaan. Haddii uu “Xabashi yimaaddo, Faranji Xaaji”. Qoyska uu ka soo jeedo ayuu, sir iyo caadba, MBC ugu qaraabokiilay hay’adihii qaranku wada lahaa in ay, si dadban iyo si toos ahba, u gujo dhaadhyaan. Waa kuwaas naasaha jiidaya ee dhiigga tuunbooyinka dhaadheer kaga nuugaya, una dhigtay jeebadaha waaweyn ee hoosta ka daldaloola. Sharcigii la dhigtay ayaa isna la laalay oo waxa dalka u sharci ah sida MBC iyo kooxdiisu doonaan. Qofkii la doono waa ta la iska xidho. Waa ta xorriyaddii hadalku sakalaha oodan gashay. Dhaqaalihii waddanka ee awel hore iska liitey waa kaas sii hagaasay ee dhulka galay. Kalsoonidii bulshadu waa taas sii kala haydhafaysa ee kala higgoonaysa. Bari iyo galbeed waa taas qaylodhaantu is qabsatay ee yeedhmada tabani ka soo yeedhayso. Waa labasii sano ee sida raha hore loogu boodi lahaa. Waa intii xukuumaddu wax ay berri ku tarsheegato qaban lahayd. Maxay berri masruufan? Kalsoonidii dawladnimada iyo sharciga lagu qabi lahaa waa taas sii dhimanaysa ee dawladnimadii la wada ilaashan lahaa loo nisbeeyey reerka keli ah markii uu MBC dhinaca uga raray sida kas iyo maanka ah, cid u quturta oo ka diiddana uu waayey. Ugu dambayn waa taas cirka lagu laalay doorasho waddanka ka dhacda ee barlamaankii iyo golihii degaannada ee muddo-dhaafka ahaa sii muddo-dhaafayaan. Saddex arrin oo ay Somaliland iibin jirtey laba waa ay sii dhimanayaan, mid na werwer baa ku oogan. Waa doorashooyinkii iska dib u dhaca badnaan jirey iyo xorriyaddii hadalka oo labaduba sii muuq liita, iyo amnigii iyo kala dambayntii oo laga walbahaarsan yahay marka la eego maamul xumida siyaasadeed ee xukuumadda MBC iyo aflaaqooyinka siyaasadeed ee isbeddellada geeska ee karkaraya, gaar ahaan tummaatida siyaasadeed ee laga soo ganayo dhinaca DF Soomaaliya iyo beesha caakamka oo wayiig ka muujinaysa sida madaxweyne MBC uu wax u wado. Madaxweyne MBC waa uu badheedhay, wax se maqan badheedhihii mucaaridka, gaar ahaan Waddani oo haysta in ka badan 40% taageeradii shacabka Somaliland. Ishiisa laga arkaa ushiisa la la dhacaa, Lax kastaana shillalka ay is dhigtaa lagu qalaa. Mucaarid adag in Somaliland hesho waxa ku jira badbaadadeeda. Maxamed Baashe Xaaji Xasan Qaran News
-
(SLT-Conakry-)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maalintii shalay safar shaqo waddanka kaga ambo-baxay, ayaa maanta gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen. Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha madaarka. Intaa kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda habmaamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Huteelka Kaloum ee badhtamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee labada Madaxweyne. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar-___-Qumanaha-02072019-OK.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xasan Mursal oo ka mid ah ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, sidoo kalane ka tirsan xisbiga Mukhtaar Roobow ee Amniga iyo Cadaaladda ayaa sheegay in mid ka mid ah Xaasaska Abuu Mansuur oo daggan magaalada Muqdisho loo diiday in ay soo aragto Seygeeda oo xiran muddo ka badan 6 bil. Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dhamaan ehellada iyo qaraabada Abuu Mansuur loo diiday in ay soo arkaan si ay uga war-qabaan xaaladda Sheekha. Sidoo kale waxa uu sheegay in xataa loo diiday in ay kala hadlaan Mobile maadaama aan loo ogolaanin in ay soo arkaan. Ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ay warbaahinta Soomaalida baahiyeen xogo ku saabsan in Abuu Mansuur xanuunsan yahay taasna ay ku abuurtay walaac iyo cabsi xoog leh. Sidoo kale maanta ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali uu u dhintay xanuunkii haayay inkastoo markii dambe ay been abuur noqotay xogtaasi. “Abuu Mansuur waxaa noogu war dambeysay 13-kii Dec 2018, wixii markaas ka dambeeyay waa noola diiday in ay aragno xataa aan Mobile kala hadalno” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda ee uu hogaamiyo maxbuus Mukhtaar Roobow Cali. “Haddii uu dhinto ama xanuunsado Abuu Mansuur annaga waxaan u heysanaa Farmaajo iyo Abii Axmed oo naga soo qafaashay” ayuu yiri Mr Mursal oo warbaahinta Muqdisho la hadlay Caawa. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku jira xabsi ku yaala xarunta ugu wayn hey’adda NISA ee Habar-khadiijo ayaa xiran muddo ka badan 6 bil waxaana isa soo taraya wararka ku saabsan xaaladiisa Caafimaad. Abuu Mansuur ayaa dhowr jeer la geeyay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu ka xanuunsan yahay dhanka Kiliyaha. Wali dowladda Soomaaliya kama aysan hadli Xaaladda Abuu-Mansuur waxaana shaki ka jiraa Xaaladiisa Caafimaad. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali (Guyo) ayaa ballan qaad u sameeyay Madaxweynaha maamulka Galmudug, kadib markii uu kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho. Mr Guyo ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) uu kala shaqeyn doono arrimaha dib u heshiisiinta Galmudug iyo horumarka maamulkaasi. Sidoo kale waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo doorashada la filayo in ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. IGAD ayaa Madaxweyne Xaaf ku bogaadisay siduu u ballaariyay maamulkiisa, uguna soo daray maamulkii Ahlu-Sunna Waljamaaca. Dhankiisa Madaxweynaha Galmudug ayaa Wakiilka IGAD ee Soomaaliya uga warbixiyay xaaladihii adkaa ee uu soo maray maamulkiisa iyo waxa u qabsoomay. Xaaf ayaa shaaciyay in guullo la taaban karo uu gaaray muddada uu joogay, taas oo ay ugu horreyso dhinac nabad galyada. Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli weli khilaaf xoogan uu ka jiro maamulka Galmudug, kaas oo ka dhashay sida loo wajahayo doorashada maamulkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Moscow)-Afar iyo toban Badd-maax oo saarnaa markab milatari oo ah nooca gujiska loo yaqaano ee biyaha hoostooda mara ayaa ku dhintay markii ay ku neefqabatoobeen dab ka kacay markabkaasi. Markabkan Gujiska ah ayaa gunta hoose ee badda ka waday cilmibaadhis biyaha dalka Ruushka, waxaanu sababay dabkaasi in ay dhintaan 14-ka badd-maax ,sida uu sheegay Wasiirka difaacada ee dalka Ruushka oo u waramay wakaalada wararka ee dalkaasi. Waxaanu tilmaamay in durtaba ay bilaabeen baadhitaano ku saabsan sababtii dhalisay dabkaasi, “Dabku waxa uu bilaabmay xili ay cilmibaadhis ay ka samaynayeen badda hoosteeda” ayuu yidhi Wasiirka difaaca ee dalka Ruushka, Mr Sergei Shoigu. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Dawladda Somaliya aanay diyaar u ahayn wada hadalada Somaliland, isla markaana daacad ka ahayn inay labada dal isku garnaqsadaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumad ahaan xidhiidh la sameeyeen Boqortooyada Sucuudiga, oo ay kala hadleen go’aankii ay dhoofka Xoolaha Somaliland ka soo saartay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya wada hadalada Somaliya, “Somaliland waa u diyaar inay si toos ah u wada hadlaan Somaliya, balse Maamulka Somaliya diyaar uma ah daacadna kama ah inuu Somaliland si toos ah ula hadlo, oo wada hadalo toos ah wada galaan, anagu Somaliland ahaana waxaanu diyaar u nahay in qancino Somaliya, oo aanu la garnaqsano, balse Somaliya wey ka meermaraysaa, Farmanaajana midnimo aan ka soconayn ayey kaga dhegtay,garnaqsi iyo wada hadalna diyaar uma ah, Caalamkuna toos ayuu u arkaa Somaliya, iyo sida aanay diyaarka ugu ahayn wada hadalada,Somaliland sida ugu dhakhsaha badan aqoonsigeeda wey u heli doonta, Caalamkuna si toos ah ayuu u ictiraafi doonaa”. Mar uu ka hadlaayey Sucuudiga iyo dhoofka Xoolaha ayaa yidhi “Inagu waxaynu nahay dal la yidhaahdo Somaliland, Somaliya la inama yidhaahdo, Somaliyana ma hoos tagno, sinabana u dhici mayso inaynu Somaliya u daba fadhiisano dhoofka Xoolaheena, Sucuudigana arintan waanu kala xidhiidhnay, oo waanu kala hadalnay, waxaana ku rajo weynahay inay ka noqon doonaan”. Source
-
Maxamed Qanyare oo toddobaadkan ku geeriyooday Muqdisho, waxaa taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay laga dhex akhrisan karaa in badan taariikhda Soomaaliya. Waayo dhacdooyin aad u badan oo xag amni iyo xag siyaasadeed u badan oo dalka ka dhacay ayuu qeyb muuqata ka ahaa. Allah ha u naxariisto, Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa hoggaamiye kaalin muuqata ku leh halgan isugu jira siyaasad iyo dagaal oo marba waji lahaa. Halganka dadka qaar waxay u arkayeen in ujeeddadiisu ay tahay dhac hanti guud iyo mid gaar ahba iyo sadbursi-doon xagga siyaasadda ah. Qaar kale iyagu waxay u arkayeen xaq u dirir iyo iska caabbin qabaa’il, wadaaddo, Dowladda iyo xataa quwado shisheeye. Waa arrimaha aad mooddo Soomaalidu in ay u bislaatay in iyada oo aan laga wadahadal wixii dhacay oo dhan oo aan si dhab ah looga heshiin in haddana la wada noolaado, lana wada lahaado hal Dowlad. Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa nin karmeed inta badan cadkiisa goosta af iyo addin mid ay noqotaba, mararka qaarna yaqaan tanaasul iyo in uu ka leexdo waddada aan libinteedu u muuqan. Sidoo kale wuxuu ahaa codkar, hadal yaqaan ah, marka uu doonana maad badan. Wuxuu ahaa Hoggaamiye isabahaysiga uu ka mid yahay iyo midka uu lidka ku yahay labaduba ay fiiro gaar ah siiyaan hadalladiisa iyo tallaabooyinka uu qaadayo. Qormo dheer ayaan Qanyare ka diyaariyay noloshiisa inta aan ka aqaan. Waxaan is iri dhallinyaro iyo dad waaweyn oo hadda siyaasadda ku jira iyo qaar daneynaya ayaa laga yaabaa in ay tilmaan u noqoto oo dhacdooyinka badan oo halkan aan si kooban ugu xusayo ay kuwa ay daneynayaan ku sameeyaan baaritaan cilmi ah ama ay dadka goob joogga ahaa ay ka wareystaan. Markaa Qormadani waxay u horreysaa dhowr aan maalmaha soo socda u soo daabici doono isdaba joog, haddii Rabbi idmo. Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ku dhashay baadiyaha Ceel Buur. Isaga oo kuray ah ayuu magaalo tegey. Booliiska ayuu ka mid noqday. Hantiile ayuu ku noqday Kenya iyo Gobolka Afrikada Bari. Ka dibna wuxuu u dallacay Hoggaamiye Siyaasadeed oo xukuma koox hubeysan. Wuxuu noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Hoggaamiyaha USC. Wuxuuna qeyb ka ahaa waliba hormuud ah dagaallo badan oo dalka ka dhacay iyo sidoo kale heshiisyo lagu demiyay dagaallo. Waxaa magaciisa iigu horreysay 1989, markaas oo Soomaali badan la qabqabtay oo laga tarxiilay dalka Kenya. Inta uu howlgalkaasi socday ayaa aniga oo gashiin ah laba jeer markiiba dhowr maalmood aan joogay Nairobi. Waxay ahayd arrin aad u taabatay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isla markaasna aad looga dareensanaa Kenya. Waxaan ku maqlay Qanyare oo ahaa Ganacsade weyn oo hanti ku leh Kenya iyo dalal kale oo Gobolka ah in uu ka mid ahaa dadka laga soo saaray Kenya. Intii ka dambeysay, Maxamed Qanyare isaga oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ka qeyb galaya shir ama dano kale u socda ayaan in badan marba caasimad isku aragnay, aan telefoonka ku wareystay ama aan ku sheekeysannay, in bandanna fool-ka-fool ayaan u wada shaahnay. New York 1992 Mar kale, wuxuu Qanyare magaciisu soo galay raadaarkeyga, markii ay dagaalladu ka billowdeen Muqdisho 1990. Wuxuu ahaa Hoggaamiyihii ay Jabhadda USC markii ay laba u kala jabtay Madax ka noqday dhinaca ay is diiddanaayeen General Caydiid. Qanyare iyo Cusmaan-Caato waxay ahaayeen labada mas’uul ee iyaga oo wakiillo ka ah Mudane Cali Mahdi iyo General Caydiid heshiiska xabbad joojinta dagaalkii afar biloodlaha ee Muqdisho kala qeybiyay ku soo saxiixay Xarunta Qarammada Midoobay ee New York. Wuxuu ahaa dagaalka ay ku burbureen dhismayaashii waaweynaa ee Farasmagaaluhu. Dad badan ayaa ku geeriyooday, qaar kale wuu ku naafoobay, in badanina waa ay ku barakacday. Addis Ababa Horraantii sagaashanaadkii, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, inta aan loo dooran Madaxweynaha Somaliland ayuu Addis Ababa kaga qeyb galay shir weyn oo loo qabtay Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaalida ee berigaas jiray oo dhan. Cigaal wuxuu hoggaaminayey ergo la yiri waa korjoogto oo ka socotay Somaliland. Magacyadii ugu waaweynaa siyaasaddii berigaa jirtay ayaa dhammaantood fadhiyay. Maxamed Qanyare Afrax markuu halka qaatay wuxuu la hadlay ka hadlay lana hadlay Cigaal. Oktoobar1969 markii la dilay Madaxweynihii Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dibna uu militerigu xukunka xoog kula wareegay, ayuu xusay in Cigaal uu ahaa Ra’iisal Wasaare Baarlamaanka ka haysta kalsooni. Hadda oo militerigii awoodda dalka hayay iyagana xoog looga qaaday Xukunka, wuxuu Qanyare ku tilmaamay in ninka keliya ee ugu dhow ee sheegan kara sharciyad awoodeed uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Sidaa darteed wuxuu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u soo jeediyay in uu isagu dalka Madax ka noqdo. Hoggaamiye kooxeedyada, Qanyare wuxuu ka mid ahaa kuwooda aad u tirada yar ee aan Ethiopia ka shidaal iyo hub qaadan ama marka ay xaaladdu calowdo aan iyada isku halleyn. Qanyare wuxuu ahaa nin baaddiya ku dhashay laakiin reer magaal ah, leh caqli sare oo la isku dabbaro, siyaasad lagu furfuro, marka loo baahdana lagu qabbiro. Wuxuu ahaa nin dhiirran Soomaalida dhexdeeda iyo marka ajnebi lala macaammilayo labadaba. Wuxuu ahaa nin hadalkiisu cad yahay, cod karna ah. Sidaa darteed wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ay weriyayaasha siyaasaddu ugu jecel yihiin in ay wareystaan ama uu ka aqbalo in uu dood kala qeyb galo. Qaybta Labaad waxaan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah wareysiyadii uu siiyay BBC iyo doodihii uu ka qeyb galay Allah ha u naxariistee Mudane Maxamed Qanyare Afrax. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
-
Muqdisho (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gaari Dhayno ah oo ay la socdeen dad shacab ah uu helaalay qarax Miino. Baabuurka oo ka baxay degmada Afgooye ayna saarnaayeen ganacsato Caanaha ah ayay Miinadu ku kacdey inta u dhaxeysa degaanada Moori iyo Lamber 50. Warbixinada ayaa sheegaya in saddex ruux oo uu ku jiro darawalka gaariga ay ku geeriyoodeen ayna ku dhaawacmeen saddex kale. Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose wali kama aysan hadlin dhacdadan, oo aysan sidoo kale jirin koox sheegatay. View the full article
-
Hargaysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa joojiyay kulan lagu qaban lahaa magaalada Hargeysa kaas oo qeyb ka ahaa mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) oo ah Sanduuqa xasilinta Soomaaliya, kaas oo hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya War ka soo baxay Wasaaradda qorshaynta Soomaaliland ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba ay shirkaasi joojiyeen sababo la xiriira in iyagu aysan waxba ka quseyn arrimaha Soomaaliya, isla markaana marhore ay ka go’een Soomaaliya. Warka ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta Maamulka Soomaaliland ayaa u qornaa sidatan “Wasaarada qorshaynta iyo horumarinta somaliland waxay idinla socodsiinaysaa inay joojisay kulankii lagu qaban lahaa Hargeysa ee ku saabsanaa maalgashiga, Mashruuca SSF (Somalia Stability Fund) maaha mid ka jira somaliland, somaliland-na kama mid aha heshiiska lagu helay dhaqaalahan ayuu lag yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliland. Sidoo kale Waxaa intaasi lagu daray in SSF aysan ka helin wax ogolaansho kaas oo ay ku qaban karto kulankaas, waxaana xogheynta SSF lagu wargeliyay inay deegaanadooda dib ugu celiyaan dadkii loogu talo galay inay ka qeyb galaan Shirkaas. Warkan kasoo baxay Soomaaliland ee lagu joojiyay shir looga hadli lahaa mashruuca xaslinta Soomaaliya ee hoostaga Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargaysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-02072019.mp3 View the full article
-
Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay xal ka gaarista doorashooyinka Galmudug. Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in Ra’iisul wasaaraha uu dedaal badan bixiyey, ayna fiican tahay dib u heshiisiin, balse aanay ahayn in Dhuusamareeb gogol la dhigo. Kheyre ayuu sheegay inuu ku degdegay go’aanka ah in doorashooyinka iyo sidoo kale gogosha wadahadalka la dhigo Dhuusamareeb, taasi oo ka carreysiiyey qaar ak mid ah beelaha, gaar ahaan beesha Cadaado. Xildhibaanka ayaa sheegay in go’aankan lagu deg degay iyo diidmada beelaha saameynta leh uu macnaheedu yahay in doorasho Galmudug aysan dhicin karin, wuxuuna Kheyre ku eedeeyey inuu qaatay go’aan abuuray khilaaf hor leh. Cabdi Xasan Cilmi (Indha-yare) ayaa sheegay in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug, sidaasi darteedna ay dowladda Soomaaliya iska indho tireyso arrintaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in doorashada Galmudug lagu qabanayo degmada Dhuusamareeb, sidoo kalena halkaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana maanta Cadaado ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo arrintaas. Halkaan hoose ka dhageyso: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Eritrea)-Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa aqalka madaxtooyada dalkaasi kulan kula yeeshay ku xigeenka hogaamiyaha golaha milatariga ku meelgaadhka ah ee dalka Sudan, Lt Jeneral Maxamed Xamdan Daglo. Weftigan ka socda dalka Sudan ee martiqaadka ka helay Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey dalkan ay jaarka yihiin ee Eritrea, waxaanu Madaxweyne Isaias Afwerki ay ka wadahadleen xaalada dalka Sudan uu ku sugan yahay wakhti xaadiran. Isagoo Madaxweynaha dalka Eritrea ku booriyey in dalka la dajiyo oo si nabada iyo xasiloonida dalkaasi aanay faraha uga bixin, waxaanu balan qaaday madaxweynaha Eritrea in dhiniciisa uu gacan ka geysan doono wixii looga baahdo inuu la qabto dalka Sudan. Source