-
Content Count
208,860 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guriceel (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Guriceel kulan kula qaatay Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur Ugaaska iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka wada hadlay dowrka dhaqanka ee gogosha dib-u-heshiisiinta Galmdug iyo dib-u-dhiska iyo dhamaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugaaska u sheegay in socdaalkiisa Galmudug guud ahaan uu salka ku hayo sidii reer Galmudug uu ugu caawin lahaa dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag, xariir wanaagsan la leh dowladda federaalka, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay dadaalka dheeraadka ah ee uu geliyay dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hey’adaha Galmudug ayaa qadada kadib guddoonsiiyay faras uu u hadiyeeyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu safarka Galmudug ku jiray la kulmay madaxda dowlad gobaleedka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si loo ballaariyo talada lagu dhisayo Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-030719.mp3 View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay. Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay. Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan. “Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.” “Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.” “Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaarsiinin, intii la dhihi lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsaneen.” “Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.” Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdi boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay. Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale. “Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha dhihina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel looga dhacay ha dhihina waa khalad aad u weyn.” “Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga .” Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid. Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen. Marka dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay inuusan afgambi dowladeed eheen, caqli gal ma tahay taa?, haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yidhi Dr Abiy Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto bin la isku dhammaada iney horseeddo mooyee. Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqamaya ee Fedraalka ku dhisan ciddi isku daydo iney dowlad dhexe afgambiso uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo. Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa. “Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii u ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”. “Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe ” ayuu yidhi. “Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda itobiya. Ra’isul wasaarae Dr Abiy Axmed oo warbixintiisa sii wato wuxuu golaha uu u sheegay sannadki la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeen idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego. July 23, 2018-kii iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdun yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo. Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baritaankoda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen. Falkaasina dhalinyaro badana ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaata aad u badana ayaana ka dhalatay, taa marki aan ka soo gudubnayna ciidama aad u hubeysan oo aan yareen ayaa xafiiskeyga igu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay. Ciidamadaasi markii aan si aqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen. Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan. Xaalka halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqa joojin sameeyaan iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan. Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushaar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood meysan fahmin. Dadki noocaasi ahaa marki aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushaar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay. Iyada oo la leeyahay waddankiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidanki oo dhan oOroma ayaa qabsatay jagooyinka dhan oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog. Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baaraan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado. Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah la isaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee iney jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato. Marki ay kooxa dalka dhibka ka wado arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen. Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkan ma aha mid Itoobiya midnimo u horseedayo balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya. Dadka isbeddelkan hoggaanka u hayo waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runta nala jirto iney cidana na joojin karin, cidna nama joojin karto. Imtixaan kasta oo nala soo darso adadeyga ayaan ka sii qaadeynaa haba yaraatee nama daciifinayo, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaarsiin laheen. Cid kasta oo isku daydo midnimada iyo qaranimada Itoobiya iney wiiqdo kulama dagaallamayo qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo. Xigasho;BBC Source
-
Waxgaradka ku dhaqan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo lagu doonayo in lagu xalliyo dagaal beeleedyada ka jira deegaanno hoostada degmadaasi. Maxamuud Xasan Cali oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in waxgaradku is abaabulay ayna ka go’an tahay kala dhexgalka dhinacyada is haya. Wuxuu sheegay sidoo kale, iney baaqyo u direen maamullada Galmudug iyo Hirshabelle si ay kaalintooda u muuqato. Dagaallo geystay khasaare kala duwan ayaa ka dhacay deegaannno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxayna dagaalladaan yihiin kuwo soo noq-noqday. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/codka-jacfar.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tripoli (Caasimada Online) -Ugu yaaraan 40 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday gudaha dalka Libya, halka ay ku dhawaacmeen 80 kale, kadib markii ay Madaafiic ku habsatay meel lagu xiro soo galootiga oo ku taalla dalkaasi. Xarunta la duqeeyay ayaa ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Libya. Dadka dhintay ayaa inta badan ka soo jeeda dalalka Qaaradda Africa, sida Sudan, Eretria iyo Somalia. Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa ku warramaya in muhaajiriinta geeriyooday ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaas oo aan weli tiradooda la shaacin. Cusmaan Cali Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Libya ayaa u sheegay wakaallada AFP in dhismaha uu weerarku ka dhacay ay xirnaayeen 150 Maxbuus 35 kaliyana la helay. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in tiro intaas ka badan ay ku hoos jiraan dhismaha, islamarkaana ay weli wadaan gurmad xoogan. Dowladda ay aqoonsan tahay QM ee Libya, fadhigeeduna yahay Tripoli ayaa weerarkan ku eedeysay dagaal oogaha dalkaasi Khaliif Xaftar. Balse afhayeen u hadlay Generaal Xaftar ayaa diiday eedeyntaasi, isagoona waxba kama jiraan ki tilmaamay warkaasi. Libya waxaa la dagal dagaallo sokeeye iyo kala qeybsanaan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii mudada dheeraa Mucamar Al-Qadaafi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Tripoli caasimada@live.com
-
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa laga soo xigtay in magaalada Muqdisho lagu dilay guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Shabeellaha hoose Siciid Cumar Xassan (Subeyr). Laba in oo mindiyo ku hubaysan ayaa sida la sheegay guddoomiyaha ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kadib markii ay murmeen marxuumka iyo labada nine ee mindiyaha ku weerartay inkastoo aan la sii faahfaahin waxa murankaasi la xiriiray. Guddoomiye Subeyr oo iska caabbin sameeyay ayaa sida la sheegayo toogtay mid kamid ah raggii mindiyaha ku weeraray kaasi oo markii dambe u dhintay dhaawac culus oo gaaray. Warbaahinta ayaa sheegtay in dhacdadani ay ka duwantahay dilalkii hore loogu yaqaannay magaalada Muqdisho oo inta badan loo adeegsan jiray bastoolado iyo qoryaha fudud marka laga reebo qaraxyada halkaasi ka dhaca. Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa 5-tii Agoosto 2018-kii xilkan u magacaabay madaxweynihii hore ee koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xassan Sheikh Aadan waxaana uu xilka hayey mudda hal sano ah. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka SHabeellaha hoose oo Muqdisho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo shalay gaaray magaalada Dubai ee dalka Imaaraatiga ayaa saaka la kulansan mas’uuliyiiin ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo xubno kamid ah ganacsatada waddankaasi. Mudane Axmed Karaash oo safarkiisi ugu horreeyay dalka uga baxay tan iyo markii la doortay ayaa sii maray waddanka Djibouti halkaasi oo uu kaga qeyb-galay xuska maalinta Xorriyadda Djibouti oo ku beegan 27 bisha June. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa mudada uu safarka ku joogo dalka Imaaraatiga waxaa la filaya in uu sii wado kulamada uu la qaadanayo mas’uuliyiinta kala duwan ee Imaaraadka iyo ganacsatada waddankaasi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulansan mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (CaasimadaOnline) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay guddoomiyihii maxkamadda gobolka Shabeelaha Hoose loogu geystay magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay gudaha degmada Wadajir, waxaana Marxuumka loo geystay lagu magacaabi jiray Siciid Cumar Xasan oo la yaqaanay (Zubeyr). Wararka ayaa sheegaya in dilka guddoomiyaha loo adeegsaday Mindi, kadib markii ay soo weerareen labo nin oo ku hubeysnaa Tooreeyo. Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Marxuumka dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi, balse markii dambe uu u geeriyooday. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in guddoomiyaha oo watay Bistoolad uu dhaawacay mid ka mid ah Raggaasi, kaas oo isna u geeriyooday dhaawicii soo gaaray. Warar kale oo aan helnay waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha geeriyooday iyo labada nin ay murmeen, taas oo keentay inuu yimaado gacan ka hadal. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ku aadan dhacadaasi. Dhanka kale hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaloya ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan sidii ay wax u dhaceen. Dhacdadan ayaa saaka si aad ah looga hadal hayaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa tababar aqoon korarsi ah u furtay 350 Askari oo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo badankood Ciidanka ka soo galay degaanada Jubbaland oo ay doorasho ku soo wajahan tahay bilooyinka soo aadan. Ciidamadaan ayaa waxaa lagu wareejiyay dowladda Turkiga waxaana loo qorsheeyay in muddo 20 Cesho ah ay gacanta ku heyso lana siiyo cashiro la xariira sugidda amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka islamarkaana ay ka jirto xaalado adag oo amaanka iyo siyaasadda ah. Sidoo kale Ciidankaan ayaa qorshuhu yahay in loo diyaariyo hub iyo qalab ciidan oo dhameestiran si ay uga hortagaan qatar kasta oo timaada goobaha doorashada iyo guud ahaan magaalada Kismaayo oo awoodda ugu badan ee halkaas ka jirta tahay maamulka Axmed Madoobe. Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay damacsan tahay in ay la wareegto awoodda ciidan ee magaalada Kismaayo maalmaha soo aadan si ay halkaasi uga dhacdo doorasho ay maamulo Xukuumadda Soomaaliya. Su’aalo badan ayaa ka taagan sida Ciidamada tababarka loo furay loo geyn doono magaalada Kismaayo maadaama dowladda Soomaaliya aysan heshiis la heyn maamulka Axmed Madoobe oo aad ugu xoogan Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in guulo wanaagsan ay ka gaartay jahwareerkii muddo ka badan 2 sano ka taagnaa maamulka Galmudug hadana ay dooneyso in ay milkiso Jubbaland oo ah maamul dhowaan geli doono doorashada Baarlamaanka iyo midda Madaxweynaha. Wax sahlan ma’ahan in Kismaayo noqoto sida magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb markii loo eego awoodda maamulka Axmed Madoobe laakiin dhanka kale waxkasta waa laga filan karaa Villa Somalia oo meelo badan oo ay weerareen ka soo hoyay guulo waa-wayn oo aa ay u raadinayaan Kheyrre iyo Farmaajo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The United States made it through to the women's World Cup final on Tuesday after they beat England in Lyon. Source: Hiiraan Online
-
In ka badan 40 ruux ayaa ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday xarun lagu hayo dadka Soogalootiga ah oo ku taalla waddanka Libya sida laga sooo xigtay mas’uuliyiinta dalkaasi. Ilaa 80 qof oo kale ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka oo ka dhacay xarunta oo ku taalla bariga degaanka Tajoura oo ka tirsan caasimadda dalkaasi ee Tripoli. Duqeynta ayaa waxa geystay ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraalka Hawl-gabka ah ee Khaliifa Xaftar sida Warbaahinta Carabtu ay ka soo xigteen saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha ee Libya. Saraakiisha ayaa sheegaya in dadka halkaasi ku dhintay ay u badnaayeen Soogalootiga Afrikaanka ah oo sannadihii u dambeeyay ay marin-ka dhigtay dalka Libya si ay uga sii tahriiban waddamada Yurub. Waddanka Libya waxaa kala qeybiyay rabshado iyo dagaallo tan iyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Mucammar Al-Qadaafi sannadkii 2011-kii. PUNTLAND POST The post Soogalooti lagu xasuuqay dalka Libya appeared first on Puntland Post.
-
Burundi deployed troops in Somalia to serve under AMISOM in December 2007. The Burundi contingent secures Somalia's Middle Shabelle region, with headquarters in Jowhar town. Source: Hiiraan Online
-
A 10-year-old girl from Bristol was stopped from flying to Djibouti from London because of fears she was at risk of female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa dhowaan heshiis isfaham ah la galay dowladda Soomaaliya waxa uuna hadda magaalada Muqdisho u joogaa dhameestirka heshiiskaaas. Madaxweyne Xaaf ayaa heshiiskaan ka leh dano badan oo siyaasadeed si lamid ah qorshaha Dowladda Soomaaliya ee heshiiska maamulka Galmudug iyo Ahlu-Ssunna dhowaan kula gashay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb. Dad ku dhow dhow Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Xaaf uu laba ujeedo ka leeyahay heshiiska DF-ka Soomaaliya. Qorshaha Xaaf ayaa lagu sheegay in ay kala yihiin:- In dib loo dhigo muddo bilo kooban ah doorashada Galmudug lagana gadaal mariyo midda Jubbaland si uu u qiimeeyo doorashada Jubbaland. Xaaf ayaa damacsan inuu la xirto Axmed Madoobe hadii uu dib ugu soo laabta kursigiisa hogaanka Jubbaland ah kadibna uu ka hor-yimaado dhamaan rabitaana dowladda Soomaaliya. In uu qaato lacag malaayiin dollar ah oo ay dowladda Soomaaliya ka heyso Galmudug. Xaaf ayaa doonaya in uu soo qaato lacagta Galmudug ee lagu haayo Akoonada Dowladda Soomaaliya kadibna uu ka hor-yimaado dhamaan rabitaanka xukuumadda Soomaaliya oo wali dagaal culus ku heysa maamulkiisa. Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” oo ah siyaasi marino badan oo siyaasadeed adeegsada ayaa dhowaan heshiis ay baahi keentay balse aan rabitaan aheyn la galay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ka soo baxsaday maamulka Ahlu-Sunna ee dagan Dhuusamareeb. Dowladda Soomaaliya ayaa xoog iyo xoolo isugu geysay sidii ay doorasho uga qaban-laheyd degaanada Galmudug. Farmaajo iyo Kheyre ayaa damacsan in Galmudug ka dhisaan maamul lamid ah kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo adeecsan dowladda Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(Nairobi) – Police in Kenya have killed no fewer than 21 men and boys in Nairobi’s low-income areas, apparently with no justification, claiming they were criminals, Human Rights Watch said today. The extrajudicial killings point to a broader problem of police using excessive, unlawful force in the name of maintaining law and order in Nairobi’s informal settlements and failing to comply with the law in ensuring all police killings are reported, investigated, and those responsible for unlawful killings are prosecuted. Source: Hiiraan Online