Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,861
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa si adag uga hadashay warqad cabasho ah oo Dowlada Federaalku uga gudbisay dowladda Kenya, taasi oo ku aaddan farriin qoraal ah oo la soo dhigay Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya oo Somaliland ugu yeertay ‘Dal’. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya maalintii Isniintii ayaa lagu sheegay in dowladdu u gudbisay Kenya warqad cabasho ah oo ku aaddan qoraalka ay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ku baahisay barteeda Twitter-ka. Xukuumada Somaliland ayaa iyaduna War-saxafadeed kaga jawaabtay cabashadaasi ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay, iyadoona sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo awood u leh inuu xiriir la sameeyo dalalka caalamka. War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay ku naaloonaysay dawlad wanaag isla markaana ay ahayd dal madax-bannaan oo walaalnimo iyo iskaashi la wadaaga Wadammada jaarka la ah. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in tallaabooyinka Soomaaliya ay waxyeelo ku yihiin iskaashiga gobolleedka dalalka Geeska Afrika ee u heellan inay wax wada qabsadaan. Wasaaradda ayaa war-saxaafadeedkeeda waxay ugu baaqday Soomaaliya inay wax ka qabato caqabadaha ka haysta dhinaca Horumarka, Nabadgelyada iyo Bini’aadanimada ee ka jirta gudaheeda, intii ay farogelin laheyd dalalka madaxa bannaan ee ay ka mid yihiin Kenya iyo Somaliland. War-saxaafadeedka ayaa waxa lagu yiri: “Dawladda Somaliland waxay caddaynaysaa inay ka xun tahay tallaabada ka baxsan diblomaasiyadda ee ay qaaday Soomaaliya, taasi oo ay ku faro-gelinayso xidhiidhka Dawladaha Somaliland iyo Kenya”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddiga wanaag farista Somaliland ayaa ka warbixiyay kulan ay la yeesheen golaha guurtida Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Ceel-afweyn)-Mudaharaad Salmi ah ayaa goordhawayd ka bilaamay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn Waxaana Mudaharaadkaa dhigay Haweenka Ku Dhaqan Degmadaas. Haweenka ayaa ka soo hor-Jeestay rasaas xalay ka dhacaysay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn taas oo ay is waydaarsaneey labadii Beelood ee hore halkaa Dagaalku Ku Dhex-maray. Illa hadda ma cadda in wax khasaare ah ka dhashay rasaastan xalay laga maqlayay deegaanka Ceel-afweyn oo hore dagaal dad badan ku dhinteen uu ugu dhex-maray laba beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi. Xukuumadda Somaliland, hay’adda amniga iyo maamulka degmadu wali kama hadal arrintan Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday Source
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, islamarkaana uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay Mas’uuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha. Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo billad sharaf guddoonsiiyay Guddigii Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Dubai)-Imaaraadka Carabta ayaa dhinac iskaga leexiyey lahaanshaha hub laga helay dalka Libya kadib markii Senator ka tirsan dalka Maraykanku uu dal baday in baadhitaan lagu sameeyo warbixin sheegaysa in gantaalo maraykanku sameeyey lagu qabtay saldhig uu leeyahay Taliyaha milatariga ee Khalifa Haftar. Wasiirka arimaha dibada ee dawlada Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku beeninayo arintaasi, isagoo intaasi ku daray inay ilaalinayaan cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay dalka Libya. “Imaaraadku Carabtu wuxuu ugu baaqayaa in dhinacyadu ay xiisada hoos u dhigaan iyo in loo hogaansamo hanaankii siyaasada ee qaramada Midoobay ay waday,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Qaramada Midoobay. Dhawaaqan ayaa yimid maalmo ka dib markii ciidamada dawlada Libya ee beesha caalamku ay aqoonsan tahay ay todobaadkii la soo dhaafay ay sheegeen inay qabteen hub uu sameeyey dalka Maraykanki, hubkaas oo lagu qabtay buuraha koonfureed ee caasimada dalka Libya ee Tripoli. Hubka la qabtay ayaa ay ka mid yihiin tiro gantaalada lidka taangiyada ah, sida uu sheegay Afhayeen Maxamed Qununu oo u hadlay uu hadlay milatariga dalkaasi, kaas oo sidoo kale sheegay in hubkan ay ku calaamadsan tahay calaamada ciidamada Imaaraadka carabta oo iyagu soo dhoofsaday hubkaasi. Source
  6. Ra’isul wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay. Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay. Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan. “Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.” “Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.” “Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaarsiinin, intii la dhihi lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsaneen.” “Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.” Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdi boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay. Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale. “Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha dhihina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel looga dhacay ha dhihina waa khalad aad u weyn.” “Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga .” Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid. Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen. Marka dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay inuusan afgambi dowladeed eheen, caqli gal ma tahay taa?, haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yiri Dr Abiy Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto bin la isku dhammaada iney horseeddo mooyee. Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqamaya ee Fedraalka ku dhisan ciddi isku daydo iney dowlad dhexe afgambiso uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo. Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa. “Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii u ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”. “Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe ” ayuu yiri. “Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda itobiya. Ra’isul wasaarae Dr Abiy Axmed oo warbixintiisa sii wato wuxuu golaha uu u sheegay sannadki la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeen idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego. July 23, 2018-kii iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdun yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo. Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baritaankoda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen. Falkaasina dhalinyaro badana ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaata aad u badana ayaana ka dhalatay, taa marki aan ka soo gudubnayna ciidama aad u hubeysan oo aan yareen ayaa xafiiskeyga igu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay. Ciidamadaasi markii aan si aqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen. Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan. Xaalka halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqa joojin sameeyaan iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan. Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushaar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood meysan fahmin. Dadki noocaasi ahaa marki aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushaar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay. Iyada oo la leeyahay waddankiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidanki oo dhan oOroma ayaa qabsatay jagooyinka dhan oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog. Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baaraan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado. Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah la isaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee iney jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato. Marki ay kooxa dalka dhibka ka wado arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen. Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkan ma aha mid Itoobiya midnimo u horseedayo balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya. Dadka isbeddelkan hoggaanka u hayo waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runta nala jirto iney cidana na joojin karin, cidna nama joojin karto. Imtixaan kasta oo nala soo darso adadeyga ayaan ka sii qaadeynaa haba yaraatee nama daciifinayo, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaarsiin laheen. Cid kasta oo isku daydo midnimada iyo qaranimada Itoobiya iney wiiqdo kulama dagaallamayo qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo. BNN Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Mar uu Qanyare Wasiir ka ahaa Dowlad aan la aqoonsaneyn ayay Baydhaba ku qabteen in ka badan 20 ajnabi ah ayaga oo ku eedeynaya in ay si sharci darro ah dalka ku soo galeen oo aanay haysan dal-ku-gal ama visa. Maxamed Qanyare ayay BBC weydiisay sababta ay u xireen dadka samafalka u yimid dalka. Wuxuu bixiyay jawaab xujo ah. Wuxuu yiri ka warran haddii aan London ka soo dego oo marka visa la i weydiiyo aan iraahdo, Dadka derbi jiifta London ayaan gargaar u wadaaye iga wareeg! Qanyare wuxuu ahaa hoggaamiyayaasha yar ee Soomaalida ee marka uu ajnabi la macaamilayo aan qofka Soomaaliga ah ee goobjoogga ahi aanuu yaxyax dareemin. Wuxuu yaqaannay afka iyo sheekada ajnebiga siiba galbeedka. Kaaraan ilaa Meddiina Waxaan xusuustaa maalin aan Xamar ka dhoofeynay aniga iyo weriye reer Yurub u dhalatay oo labadeennuba ah Suxufiyiin BBC. Inya aynaan u bixin mid ka mid ah shan Airport oo ku yaallay Xamar oo ay ka taliyaan shan Hoggaamiye Kooxeed oo is diiddan mid walibana uu iskiis u qaado “canshuur”, ayaan helnay war dhiillo leh, idaacadahana xiisa u leh. Habeenkaas ayaa badda gudaheeda lagu dilay niman ka yimid dhinaca Kaaraan oo doon ku gooshaya una socday Meddiina. Inta aynaan dhoofin ayaan sii marnay Qanyare. Waxaa naloo sheegay in uu hurdo. Laakiin waxaan wiilasha ka codsaday in ay kiciyaan una sheegaan in aan sugayo. Markii aan Qanyare wax ka weydiinnay arrinkaas wuxuu kooxdiisa u ekeysiiyay masaakiin. Wuxuu yiri ma haysanno wax qalab ah oo aan ku ogaanno cidda habeennimo mugdi ah badda ku guureyneysa. Markii gabadha weriyaha ahi ay uga mahadcelisay in uu hurdo nooga soo toosay, Qanyare wuxuu ku yiri uma baahnid in aad ii mahadceliso. Sababta oo ah ninka aad la socoto wuxuu ka tirsan yahay dadka aan siyaasadda ku matalo oo aad adinku u taqaannaan constituency. Marka kama celin karo iridda. Shirkii Boosaaso Doodadaha uu caanka ku ahaa waxaa ka mid ah dooddii 1997 ay wada galeen Cumar Macallin oo ahaa diblomaasi ka mid ah lixdii Danjire ee Soomaliya ay yeelatay ee ugu horreeyay loona diray Washington, ka dibna siyaasi noqday, Mudane Silaanyo oo markaas ahaa Siyaasi Somaliland iyo Madaxii hore ee SNM, Mudane Cabdullaahi Yusuf oo markaa ahaa Hoggaamiyaha Gobollada Woqooyi Bari oo sannad ka dib u xuubsiiban doonay Puntland iyo Mudane Qanyare oo Wasiir ka ahaa Dowlad aan la aqoonsaneyn madaxna u ah Jabhad hubeysan. Mudane Cabdullaahi Yusuf iyo Mudane Silaanyo waxay u kaltameen weerarka Qanyare iyo siyaasadda Caydiid ee uu markaa matalayay si darandoorri ah. Qanyare waxaa dooddiisa ka mid ahayd in uu weydiistay in la baro soohdintu meesha ay tahay kala qeybineysa degaannada Cabdullaahi iyo Silaanyo ay kala sheeganayaan in ay wakiil ka yihiin. Laakiin Cabdullaahi Yusuf iyo Silaanyo waa ay fahmeen dabinka Qanyare u dhigayo weyna ka boodeen. Iyagu isuma jawaabin laakiin nin waliba dhankiisa ayuu ula dooday oo uu hadalka ku adkeeyay Qanyare. Ugu dambeyntii Qanyare wuxuu labada mas’uul ku eedeeyay in ay yihiin, nin dalka kala goynaya iyo mid ka aammusan oo macnaheedu yahay in uu uga raalli yahay. Isaga oo taa cusknaya ayuu damcay in uu ku khasbo Mudane Cumar Macallin in uu qaato mowqif uu labadaba uga soo horjeedo si uu u dhowro waddaniyaddiisa. Inkasta oo Qanyare lagu goobtay, haddana wuxuu doodda ka gaaray in uu shaki weyn geliyo shir uu markaa Mudane Cabdullaahi Yusuf ka abaabulyay Boosaaso in ay isugu yimaadaan Hoggaamiye Kooxeedyada ay isaga isku jaalka yihiin si ay Dowlad u dhisaan. Boosaaso beddelkeed, waxaa 1997 Hoggaamiyayaasha kooxaha la wada geeyay Magaalada Qaahira. Safari Park, Nairobi Mar isaga oo u marti ah aan Qanyare ku kulannay Safari Park Hotel oo ku yaal Nairobi aniga iyo gabar ajenibi ah oo BBC ka tirsan wuxuu noo sheegay in uu siyaaddiisa ku maalmgeliyay lacag badan o uu isagu leeyahay. Wuxuu yiri ilaa iyo markaas in aanuu khasaare moogiye aanuu wax faa’iido ah ka helin, welina ay lacagi uga baxdo. Waxaan weydiiyay su’aal, talo-soo-jeedinna loo macneysan karo. Hadda maad isaga baxdid si aan kharash kale kaaga bixin? ayaan weydiiyay Qanyare. Su’aal ayuu uga jawaabay. Ku ye, yaan uga baxaa ma hebel iyo hebel? Qaybta Saddexaad waxaan uga hadli in aad u yar oo ka mid ah doorka Qanyare ee shirkii Qaahira ee 1997 iyo kii El Doret ee 2004. W/Q: Yuusuf Garaad Cumar
  8. Ugu yaraan laba ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal saaka ka dhaacy tuulada Mareero oo qiyaastii 10km dhanka abri kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari. Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada Amniga gobolka Bari iyo malayshiyaad hubaysan oo kuwa wax tahriibiyaa kuwaasi oo shalay dil u geystay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada dowladda Puntland. Ciidamada Amniga ayaa saaka weerar ku qaaday tuulada Mareero oo ay ku sugnaayeen malayshiyaadka waxaana dagaal khasaare geystay kadib ciidamadu gacanta ku dhigeen qaar kamid ah malayshiyaadkaasi. Dhaawacyada ka dhashay dagaalka ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay meel u dhow Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa gaaray Caasimada dalka Jamhuuriyadda Gini ee bariga Qaaradda Afrika. Madaxweyne Muuse Biixi aya marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dhinac. Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa sii diiran u soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini Mudane Mamadi Toure. Kulan gaar ah ayaa labada mas’uul waxa ay ku yeesheen qeybta VIP-da ee gudaha garoonka Conakry International Airport. Intaasi kadib ayaa diyaarad qaas ah wafdiga ka socda Somaliland ee hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi looga qaaday halkaasi, taas oo geysay madaxtooyada Gini. Lama shaacin u jeedka rasmiga ah ee uu la soo xariiro socdaalkan, balse maanta ay la filayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan danahooda gaark ah. Somaliland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay sare qaadeysay xiriirkeeda arrimaha dibadda, iyada oo si toos ula fal galeysay wadamo badan oo ku yaalla Qaaradda Africa. Halkan hoose ka daawo Sawirro: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  10. Afgooye (SMN) – Wafdi isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi. Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Radio-muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. “Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Al-Shabaaab. Ayuu yiri Gudoomiye najax. Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii. Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga saaray Al-Shabaab loogu soo celin lahaa adeegyadii aas-aasiga ah ee nolosha. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  11. 2009 markii uu madaxweyne Daahir Riyaale kala diray guddidii doorashooyinka ee lagu muransanaa waxa saaxadda siyaasadda gilgilayey mucaarid adag oo haysta taageero badan oo shacbi, kuna muujin jirey cududdiisa isu soo baxyo dibadeed oo xoog iyo saamayn badan leh, baaqyo iyo khudbado mawqif cad xambaarsan, kuwaas keenay in la dhegeysto, wada hadallo iyo dhexdhexaadinna ka dhashaan. Riyaale waxa uu ahaa madaxweyne aan madax adkayn, waaqacana ka taamilo qaata oo aan been-la-noole ahayn. Dabeecaddaas wacnayd ee Riyaale iyo culayskaas siyaasadeed ee mucaaridka oo is biirsanaya waxa ay horseedeen in la soo gunaanado kala qaybsanaantii siyaasadeed iyo qalalaasihii qaanuuneed ee cirka ku shareernaa ee ku saabsanaa guddidii doorashada sida haddatan taagan oo kale. 30-kii September 2009 ayay dhinacyadii is hayey oo dhami afgarad iyo heshiis wada gaadheen, laguna dhawaaqay in la kala diro xubnihii guddida doorashada, lana magacaabay xubno cusub. Kala duwanaanshuhu se, 2009 iyo 2019, waa laba arrimood oo kala ah macangegnimada madaxweyne MBC oo wax wada gorfaynta iyo tanaasulka aan far loo darin, iyo dhinaca kale jilicsanaanta iyo qabowga mucaaridka aan beerka bisil kala goyn karin ee baryootanaya. Weli waa kuwaas baryootamaya ee MBC gadhka iyo gommodda haya, isna waa kaas fuqa kor u taagaya. Waa mucaarid aan aqoon ama ka baqa in la isku cabbiro, markan oo kale, dibadbaxyo salmi ah oo ay bulshada u hor kacaan, kuna diidaan sharci jebinta xukuumadda iyo ku-tagrifalka awoodda dawladeed. Sannad iyo toddoba bilood oo MBC talada hayey si walba waxa uu ugu tuntay sharcigii iyo wixii ay ummaddu wada dhigatay ee ay ku heshiisey. Waxa uu soo dhisay xukuumad dheelli qabali ah oo aan hore loo arag ku jiro. xukuumadihii hore bikh iyo i qarso ayay noqonayaan. Haddii uu “Xabashi yimaaddo, Faranji Xaaji”. Qoyska uu ka soo jeedo ayuu, sir iyo caadba, MBC ugu qaraabokiilay hay’adihii qaranku wada lahaa in ay, si dadban iyo si toos ahba, u gujo dhaadhyaan. Waa kuwaas naasaha jiidaya ee dhiigga tuunbooyinka dhaadheer kaga nuugaya, una dhigtay jeebadaha waaweyn ee hoosta ka daldaloola. Sharcigii la dhigtay ayaa isna la laalay oo waxa dalka u sharci ah sida MBC iyo kooxdiisu doonaan. Qofkii la doono waa ta la iska xidho. Waa ta xorriyaddii hadalku sakalaha oodan gashay. Dhaqaalihii waddanka ee awel hore iska liitey waa kaas sii hagaasay ee dhulka galay. Kalsoonidii bulshadu waa taas sii kala haydhafaysa ee kala higgoonaysa. Bari iyo galbeed waa taas qaylodhaantu is qabsatay ee yeedhmada tabani ka soo yeedhayso. Waa labasii sano ee sida raha hore loogu boodi lahaa. Waa intii xukuumaddu wax ay berri ku tarsheegato qaban lahayd. Maxay berri masruufan? Kalsoonidii dawladnimada iyo sharciga lagu qabi lahaa waa taas sii dhimanaysa ee dawladnimadii la wada ilaashan lahaa loo nisbeeyey reerka keli ah markii uu MBC dhinaca uga raray sida kas iyo maanka ah, cid u quturta oo ka diiddana uu waayey. Ugu dambayn waa taas cirka lagu laalay doorasho waddanka ka dhacda ee barlamaankii iyo golihii degaannada ee muddo-dhaafka ahaa sii muddo-dhaafayaan. Saddex arrin oo ay Somaliland iibin jirtey laba waa ay sii dhimanayaan, mid na werwer baa ku oogan. Waa doorashooyinkii iska dib u dhaca badnaan jirey iyo xorriyaddii hadalka oo labaduba sii muuq liita, iyo amnigii iyo kala dambayntii oo laga walbahaarsan yahay marka la eego maamul xumida siyaasadeed ee xukuumadda MBC iyo aflaaqooyinka siyaasadeed ee isbeddellada geeska ee karkaraya, gaar ahaan tummaatida siyaasadeed ee laga soo ganayo dhinaca DF Soomaaliya iyo beesha caakamka oo wayiig ka muujinaysa sida madaxweyne MBC uu wax u wado. Madaxweyne MBC waa uu badheedhay, wax se maqan badheedhihii mucaaridka, gaar ahaan Waddani oo haysta in ka badan 40% taageeradii shacabka Somaliland. Ishiisa laga arkaa ushiisa la la dhacaa, Lax kastaana shillalka ay is dhigtaa lagu qalaa. Mucaarid adag in Somaliland hesho waxa ku jira badbaadadeeda. Maxamed Baashe Xaaji Xasan Source
  12. Somaliland: President Muse Bihi And Delegation Welcomed Warmly In Guinea The Somaliland delegation led by President Muse Bihi Abdi have arrived to a warm welcome in Guinea. The delegation was met at the airport in Conarky by a high level delegation led by the Guinean Foreign minister, Mamadi Toure. The delegation then travelled by helicopter to the presidential palace, where they are expected to meet today with the Guinean president, Alpha Conde. The two parties are expected to discuss areas of mutual interest and the strengthen of the ties between the two countries of Somaliland and Guinea. Qarannews.com Qaran News
  13. (SLT-Hargeysa)-Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa xayiraadii ka qaaday Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, oo ay 03 Jan 2019 saartay xayiraad kooban oo ahayd in hudheelka la xidho 6-da makhribnimo taasi oo ka danbaysay eedo been abuura oo hudheelka laga gudbiyey. Maxkamada Gobolka Hargeysa oo mudo lix bilood ah uu ka socday kiiska dacwada eedaha loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ayaa kusoo gabgaboobay in waxba lagu waayey. Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa cadeeyey in kiiskii lagu soo eedeeyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex xukun kasoo saartay, kaasoo ay ku cadaysay in waxba lagu waayey eedihii loosoo jeediyey Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa, ee ay ku xayirtay markii hore. Mulkiilaha Hudheelka Beerta Libaaxyada Ee Hargeysa Md. Cabdirashiid Cali Maxamed Warancade oo u mahadnaqay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa gabagabadii waxa uu soo bandhigay nuqul kamida xukunka maxkamadu kasoo saartay kiiska Hudheelka. Source
  14. Xildhibaan C/laahi Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in marnaba aanay raali ka ahayn doorasho ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Wuxuu sheegay Xildhibaan C/laahi oo wareysi siiyey Goobjoog News, in dadka ku dhaqan degmada Cadaado ay ugu horreyn raali ka yihiin dib u heshiisiinta iyo sidoo kale in doorashada ay ka dhacdo xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Cadaado in la siiyo xaqeeda oo aan Dhuusamareeb la isugu darin ku qabashada shirka dib u heshiisiinta, doorashada, caasimadda Galmudug iyo caasimadda Galgduud. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in wax laga bedalo sida ay hadda wax ku socdaan si loo helo Galmudug oo mideysan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/WAREEYSI-XILDHIBAAN-CLLAAHI-CUMAR-MAXAMUUD-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Dubai)-Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay warbaahinta reer galbeedka ayaa aad u hadal haysay “baxsashada xaaska Amiirka Dubai, Sheekh Maxamad Bin Raashid Ala Maktum” iyo dacwadda ay gudbisay ee ay ku codsanayso in laga furo Sheekha Imaaraadka Carabta u dhashay. Sheekh Maxamed ayaa bartiisa Instagram soo dhigay tix uu si cadhaysan ugu eedeeyay haweeney aanu magacaabin oo uu sheegay inay khiyaamaysay. Amiiradda ayaa la sheegay in horraantii sannadkan ay u baxsatay dalka Jarmalka halkaas oo ay magangelyo weydiisatay, kadibna ay aaday magaalada London oo ay ku leedahay guri weyn. Amiirad Haya Bint Al-Xuseen waxay isku aabbe yihiin boqorka haatan Urudun, Cabdalla Bin Al-Xuseen. Amiirad Haya waxay ka soo jeeddaa boqortooyada Urdun, waxa ayna ka mid tahay lixda dumarka ah ee uu guursaday Amiirka Dubai Amiiradda ayaa magangelyo ka dalbatay dalka Jarmalka, balse waxay haatan labadeeda carruur ah kula nooshahay goob qarsoon oo ku taalla magaalada London ee dalka Britain. Dadaallo lagu soo celinayo Warbaahinta caalamiga ah qaarkeed ayaa sheegtay in Sheekh Maxamad Bin Rashid iyo Boqorka Imaaraadka Maxamad Bin Zayid ay u safreen Jarmalka, markay halkaas joogtay, si ay Amiirad Haya ugu qanciyaan inay noqoto balse ay ka diidday. Noolasheedii hore Amiirad Haya ayaa haatan ah 45 jir, waxay wax ku baratay dalka Britain, oo waxay ka soo qalanjebisay Jaamacadda Oxford, oo ah halka ay ka soo baxeen inta badan madaxda Britain iyo dunidaba. Waxay isku aabbe yihiin boqorka haatan ee Urdun, Boqor Cabdalla Bin Al-Xuseen, balse hooyadeed, Boqorad Calya, waxay ku dhimatay shil diyaaradeed oo dhacay 1977. Haya bint Al-Xuseen waxay sheegtay in dhimashada hooyadeed ka dib ay aad u murugootay, oo ay joojisay inay dadka dhex-gasho, ka dibna aabbaheed, Boqor Xuseen, ayaa siiyay Faras, sidaasna waxay ku noqotay qof aad uga hela fardaha iyo tartamada la xidhiidha. Sannadkii 2004-ta ayay is guursadeen Amiir Maxamad Bin Raashid, kaddibna waxay noqotay madaxa ururka fardayahannada caalamka, sannadkii 2014-ta ayay xilkaasi iska casishay 8 sano oo ay haysay ka dib. Amiir Maxamad Bin Raashid isaga waxaa uu London ku leeyahay goobta ugu weyn caalamka ee lagu xannaaneeyo fardaha, taas oo ay ku nool yihiin 4,500 oo faras, ayna ka shaqeeyaan ilaa 1,500 oo qof. Source
  16. Maamulka deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah wuxuu ka bixiyey qarax Miino oo ka dhacay deegaanka Muuri ee gobolkaasi. Axmed Taakow oo ah ku simaha guddoomiyaha deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxan oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah. Wuxuu sheegay in qaraxan ay Saddex qof ku dhaawacmeen, kadib markii gaarigii ay la socdeen ku qaraxday Miinada. Taakow ayaa intaasi ku daray in gaarigan uu ka yimid dhanka magaalada Muqdisho, kuna soo jeeday deegaanka Lambar 50. Dadka waxyeellada soo gaartay ayuu tilmaamay in xaalad ahaan ay aad u liitaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/GUDOOMIYE-XIGENKA-MUMBAR-50-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Mumbai)-Roobab xooggan oo ka dhashay duufaanta Monsoon ayaa dad badan ku dilay waddanka Hindiya, waxaana sidoo kale go’ay dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalada Mumbai. Commuters walk on waterlogged railway tracks after getting off a stalled train during heavy monsoon rains in Mumbai, India, July 2, 2019. REUTERS/Francis Mascarenhas – RC1A8A3DC920 Dhisme ku dumay magaalada ayaa waxaa ku dhintay 27 qof halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen. Waxaa sidoo kale hakad ku yimid isku socodkii gaadiidka kadib markii ay burbureen wadooyinka tareenada iyo gawaadhidu Adeegsadaan. Shacabka magaalada Mombai ayaana 24-tii saac ee la soo dhaafay iskaga xayiran Guryahooda. Dhanka kale dhowr qof ayaa la soo tabinayaa inay dhinteen kadib markii uu dumay gidaar iskuul oo ku yaalla magaalada Kalyan oo 42 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Mombai. Waaxda saadaasha hawada Hindiya ayaa sheegtay in laga yaabo in roobabka ay ka sii da’aan gobolada kale ee saaran Xeebaha. Source
  18. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib waxa ay u dhistay guryo ku yaallay deegaanka Sabiib Iyo Caanoole ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo la sheegay iney bur-buriyeen Al-shabaab. Guryahan ayaa waxaa lagu wareejiyey shacabkii horey deganaa, waxaana sidoo kale dib loo dhisay masjid halkaasi ku yaalla. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Isaaq Abow, wasiirka amniga Koonfur galbeed Isaaq Cali Subag iyo xildhibaanno ayaa wareejinta guryahan goob joog u ahaa. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in sidoo kale deegaankaasi laga hirgeliyey nalalka ku shaqeeya cad-ceedda. Wuxuu xildhibaanka tilmaamay in shacabkan ku dhaqan deegaankan ay aad usoo dhoweeyeen isbedallada iyo amniga hadda jira. Sabiib Iyo Caanoole waxaa horey u maamuli jiray Al-shabaab, hase ahaatee waxaa iminka gacanta ku haya ciidanka DFS. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-dalxa.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose. Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmadaas, isla markaana waxaa Guddoomiyihii Maxkamadda Shabeellaha Hoose u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolad, xili uu ku sugnaa gudaha degmada Wadajir. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Siciid Cumar Xasan Subeyr, waxaana si deg deg ah goobta uu falka ka dhacay uga baxsatay kooxihii ka dambeeyay dilkaas. Intaasi kadib ayaa waxaa halkaas gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka, isla markaana waxaa ay sameeyeen baadhitaano kooban oo ku aadan dilkaas, hayeeshee ma jiro weli cid loo soo qabtay falka. Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay kaga hadlayaan dilkii loo geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Source
  20. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa shalay ka jeediyay degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud in doorashada soo aadan ee Galmudug lagu qaban doono Dhuusa-mareeb, taasoo dhalisay caro xoog badan. Khayre ayaa hadalkiisa waxaa loo fasirtay inuu ka hiilliyay degmada Cadaado, isla markaana uu u hiilliyay Dhuusa-mareeb oo gobol qura kuwada yaalla, waxaana taasi ay keentay in shalay ay dibadbaxyo ka dhacaan degmada Cadaado. Degmada Cadaado oo ahayd halkii lagu dhisay maamulka Galmudug ayaa xarun u ahayd maamukaas muddo sannado ah, waxaase hoggaamiyeyasha Galmudug ay u wareegeen sannad ka hor magaalada Dhuusa-mareeb halkaa oo horay loogu asteeyay inay caasimadda maamulkaas noqoto. Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxay go’aansatay inay heshiis buuxa la gasho Ahlusunna, kaasoo keenay in maamulku uu u guuro Dhuusa-maraab, halkaasoo uu Khayre sheegay inay buuxisay shuruudihii laga rabay caasimad, sidaas daraadeedna lagu dhisi doono Galmudug-ta cusub. Dhanka kale, Waxgaradka Degmada Cadaado ayaa si kulul ugu eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Somalia inay ballantii uga baxeen, isla markaana ay doonayaan inay iska horkeenaan maamulka Galmudug. Balse, waxgrad kale oo u hadlay Galmudug ayaa sheegaey in siyaasadda Galmudug aan loo adeegsan qaab ganacsi, waxayna xuseen in degmada Dhuusa-mareeb ay tahay xarunta Galmudug, isla markaana halkaas lagu qaban doono doorashada Galmudug. “Qaylada ka baxaysa Cadaado, waxaan u aragnaa mid xiriir la leh siyaasad, waayo xubnaha baarlamaanka ku jira ee degmadaas kasoo jeeda ayaa iska leh dhammaan hoteellada iyo goobaha ganacsiga, waxayna doonayaan inaan xarunta Galmudug laga rarin Cadaado, taasna ma ahan wax la qaadan karo,” ayay waxgaradka hadlay ku yiraahdeen warbixin ay wadajir u soo saareen. Ugu dambeyn, Waxgaradkan ayaa sheegay inaan la isku xirn siyaasadda iyo ganacsiga, waxayna ka digeen in Galmudug oo burburta ay dhibaato ugu jirto cid walba oo maamulkaas ka tisran, aysanna jirin cid ay si gaar ah u saameyn doonto. PUNTLAND POST The post Cuqaasha Galmudug oo ku kala Qayb-samay hadal uu Khayre ka sheegay Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  21. Afgooye (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaallo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ka dhaceen gobolkaasi. Dagaalladan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab weeraro ay ku qaadeen tuulooyinka Buufow, Mashalaay iyo Danow oo ka tirsan Sh/ Hoose. Tuulooyinka oo hoos yimaada deegaanka Shalanbood ayaa waxaa fariisimo ciidan ku leh Milatariga Soomaaliya oo halkaas dagaal kula galay Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi iyo dagaallada xigan intaba. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan iska hor imaadyada oo ahaa kuwaxoogan. Xaaladda ayaa saaka dagan, balse ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo Milatari ka bilaabay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka K/ Galbeed Somalia. View the full article
  22. (SLT-Tripoli)-Ugu yaraan 40 muhaajir oo kasoo jeeda qaar ka mida dalalka Africa ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ku dhawaad 80 kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib marki xalay madaafiic lagu garaacay xero ay ku jireen dad muhaajiriin ah oo ku taalla dueedka magaalada Tripoli ee dalka Libya. Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Libya ayaa sheegay in tirada dhimashada dadka lagu laayay xerada degmada Tajoura ee bannaanka caasimadda Libya ay intaasi ka badnaan karto. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay shaqaalaha gargaarka dag dagga ah ay wali daad gureynayaan meydadka iyo dadka dhaawaca ah. Bayaan kasoo baxay Dowladda ay beesha caalamka aqoonsantahay ee Libya ayaa lagu cambaareeyay weerarka. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka danbeeyo janaraalka awoodda badan ee Khalifar Haftar. Ma jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday xarunta lagu hayay dadka muhaajiriinta ah ee Libya. Sidoo kale wali ma aysan soo bixin faah-faahin ku saabsan dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriinti xalay lagu dilay dalka Libya. Source
  23. Wafdi isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi. Ibraahim Aadan Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Radio-muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa. “Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Malleeshiyada arggixisada Ee Alshabaaab” ayuu yiri Gudoomiye najax. Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii. Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga xoreeyay maleeshiyad Al-Shabaab loogu soo celin lahaa dhamaan adeegyadii aas-aasiga ahaa ee Maleeshiyada Shabaab ay ka go”doomiyeen Shacabka isagooo shacabkana u sheegey dhawan guud ahaan gobalka la xureyn doono Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo guryo ku wareejisay qaar ka mid ah shacabka Sabiib appeared first on Puntland Post.
  24. (SLT-Al-jaris)-Guddoomiyahii Baarlamaanka Al-Jeeriya Mucaad Bouchareb ayaa xilka Iska casilay, sida uu baahiyay Tv-ga Ennahar. Arintaan ayaa timid kadib dibadbaxyo xooggan oo lagaga soo horjeedo oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka ee magaalada Al-Jaris. Guddoomiyaha baarlamaanka Al-Jeeriya ayaa hore wacad ugu maray in uu xilka ka dagayo muddo sadex bilood ah, balse waxaa arintaas ka biyo diiday dibadbaxayaasha oo sheegay in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynihii tallada laga Tuuray. Guddiga doorashada ayaa hakiyay doorashada madaxtinimo oo la filayay in la qabto 4-ta bishan kadib markii la waayay murashax Loolama. Dhanka kale war saxaafadeed ka soo baxay xarunta baarlamaanka ayaa si ku meel gaadh ah xilka loogu magacaabay Terbech Abderazak. Labadii bishii April ayey aheyd markii dibadbaxayaasha Al-Jeeriya ay ku qasbeen in uu xilka ka dago madaxweynihii hore, Cabdi Casiis Butafliiqa oo dalkaasi maamulayay 20-kii sano ee la soo Dhaafay. Source
  25. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, iney joojiyaan dagaalladaasi. Wuxuu sheegay in cid walbo oo gacan ka geysan karta joojintan dagaalladan waajib ka saaran yahay iney ku baxdo. Kheyre ayaa sheegay inuu dhammaaday waqtigii dagaalka, islamarkaana la galay xilligii nabadda iyo midnimada. Dib u dhiska dalka ayuu sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo si loo gaaro horumar. Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ayaa ka dhashay dagaal beeleed ka socda deegaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Reysalwazaare-kheyre.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com