-
Content Count
208,860 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Inkasta oo dhaxalsugaha Sucuudiga Maxamed Binu Salmaan uu isku dayayaa in uu wanaajiyo wajiga iyo fikradda laga heysto boqortooyada Sucuudiga, balse ma ahan arrin ku filan in ay qanciso dad badan. Dad muslimiin ah oo tiradooda isa soo tarayso ayaa ku baaqaya in la qaadoco aaditaanka xajka oo ka mid ah tiirarka Islaamka, sababtoo ah waxa ay ku doodayaan in lacagta uu Sucuudiga ka sameeyo xajka uu u isticmaalo dagaalada Yemen ee dadka badan ku dhamaadeen iyo meelo kale. Sida ay qoreyso majaladda Foreign Policy, dadka ku baaqaya waxaa ka mid ah mustiga reer Liibiya ee suniyiinta dalkaas madaxda u ah Sadiiq Al-Qariyaani iyo Sheekh Yuusuf Al-Qardhaawi. Sheekh Qardhaafi ayaa yiri “Quudinta muslimiinta baahan, daweynta bukaanka, iyo siinta hoyga ee dadka ayaa xag Alle ku qiimo badan halkii lacagta Xajka lagu bixin lahaa”. Mid ka mid ah waxyaabaha muslimiinta sida weyn uga xumaadeen ayaa ah dilkii foosha xumaa ee loo geystey wariyihii Jamaal Khaashuqji. Awoodda Sucuudiga oo kaliya kuma tiirsana shidaalka iyo quwadda militari ee ay leedahay, balse sidoo kale waxa ay ka heleysaa saameynteeda diimeed, iyada oo sannad kasta ay dalkaas xajka u tagaan labo malyan iyo saddex boqol oo kun oo muslimiin ah iyo kuwa kasii badan oo u taga cumrada. ‘ Markii uu kacaanka islaamka ka dhacay Iran 1979-kii, Sucuudiga waxa ay biloowday mashruuc balaaran oo ay adduunka ugu faafinayso mad-habteeda iyo fahamkeeda gaarka ah ee diinta Islaamka, waxaana ku baxday balaayiin doolar. Sidoo kale Sucuudiga waxa ay muddo dheer isku dayaysay in ay noqoto dalka ugu awoodda badan ee Bariga Dhexe, balse waxaa taas lid ku noqday dowladda Iran oo kaliya. Gabood falada uu Sucuudiga geysto ayaa keenay in Maraykanka iyo Ingiriiska ay wax ka badelaan heshiisyadii ay hubka uga gadayeen Sucuudiga, gaar ahaan hubka casriga ah. Fatwada Sheekh Al Qaryaan wax badan ayay kaga duwantahay kuwii hore, waxa hadda si wadajir ah u aqbalaya dad ku kala duwan madaahiibta islaamka, oo sunni iyo shiicaba isugu jira. Olole laga bilaabay baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka ayaa waxaa hal qabsi looga dhigay #HalaQaadocoXajka, waxaana lasii faafiyay wax ka badan 16 kun oo jeer. Bishii June, ururka suniyiinta dalka Tunisia ayaa ku baaqay in la qaadoco xajka, iyaga oo ku dooday in lacagta cibaadada lagu soo guto ay ku dhacdo jeebka boqortooyada, waxayna doontana ay ku samayso. Sannad kasta waxaa boqortooyada Xajka kasoo gala $12 bilyan oo doolar, taas oo ah boqolkiiba 20% daqliga dalkaas ee aanan shidaalka ka imanin. Sucuudiga laftiisa ayaa siyaasadaynaysa arrimaha xajka, waxayna dhowaan Makka ka hor istaagtay muwaadhiniinta Qatar iyo Iran kadib khilaafkii dublamaasiyadeed ee dalalkan ka dhex qarxay. Mid ka mid ah Imaamyada Xaramka Sheekh Cabdiraxmaan Sudeys ayaa isaga oo khudbad jeedinaya sannadkii hore sheegay in aysan banaanayn in dadka muslimiinta ah ay ka hor imaadaan dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan bbcsomali Qaran News
-
The African Union force in Somalia believes it has managed to stabilise areas of the country under its control despite sporadic attacks from the Al Shabaab terrorist organisation. This is a transitional phase for both Amisom and the Somali National Army, as one force downsizes while the other is to increase its troops. Amisom, the African Union Mission in Somalia, is progressively downgrading its troops ahead of a full withdrawal due in 2021. The Somali National Army is meanwhile attempting to reinforce its forces in order to control the Amisom territories when that deadline falls. This, however, is a delicate phase that Al Shabaab intends to exploit. Amisom’s Brigadier General Michael Kabango is the commander of 5,000 Ugandan troops deployed in sector 1 which includes Mogadishu, Banaadir and the Lower Shabelle region. He sat down with RFI’s Sébastien Nemeth in Somalia’s capital, Mogadishu. What is the security situation in your area? The situation is stable even though there are still challenges as Al Shabaab has enough disruptive potential. But we’ve noticed a decrease in their activities. Al Shabaab controls pockets like Merka, Awadigle, Janaale, Mubaraka, Sablale, Kurtunuare and elsewhere. If we go back to 2010, Al Shabaab was holding parts of Mogadishu and their mode of fighting was conventional, that is holding positions and fighting physically against Amisom. They changed tactics after being expelled from Mogadishu in 2011, 2012. They have gone more into insurgency and applied their most preferred tactics of targeted attacks, using VMIEDs [car bombs] assassinations. Over time they tend not to occupy areas physically, but function in smaller groups attacking weak targets. Since then, the security situation in Mogadishu has improved as Al Shabaab has degraded, although from time to time there are car explosions and assassinations. Al Shabaab still controls large areas of the country, allegedly 20% of Somalia. Amisom faces criticism for not conquering more territories and for being stuck in a waiting position. Al Shabaab is in existence only in the regions we do not have the capability to occupy. Amisom’s numbers have been limited to a ceiling of 20,000 to 22,000. Now it will be reduced to 19 thousand. The SNA [Somali National Army] is around 10,000 plus. If we can’t occupy an area, then Al Shabaab by default occupies that area. It is not that we cannot go there but the numbers don’t allow it and the government is still building up its forces. Of course, means will never be enough but we could do better if we had more helicopters, armoured vehicles, more personal and if the Somali National Army was increasing at the right pace, then things would be better. We cannot fulfil our obligations of protecting the population centres because we don’t have the numbers to be everywhere. One of our objectives is to degrade Al Shabaab but we don’t have attack helicopters. So, when they converge, we can’t move quickly. Also, we can’t protect the population centres, we can’t properly secure the main supply routes for the population business to move on. The problem is we are in transition. So, now the question should be what numbers should the Somali National Security Forces build? What numbers of police? But I would say they [the international community] would need to persevere with us and keep the [support] for some time. And they know what we need. Amisom is supposed to withdraw by December 2021. Meanwhile, the number of troops are progressively being reduced. Don’t you fear this situation might create too wide a gap in order to keep the same level of security? We are making progress. Since January, the Somali government has been able to generate over five units of 1,000 men each. That is tremendous. So, as Amisom is losing, maybe we are gaining on the other side. It’s balancing. If they build the capacity, then cutting down on Amisom will not be an issue. Somali troops are supposed to take over in December 2021. Do you think it is realistic? If we keep at this pace, it is achievable as long as each of us plays their part as we are now. View the full article
-
TRIPOLI (SMN) – Ugu yaraan 44 ruux ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ku habsatay meel lagu xiro dadka soo galootiga ah oo ku taalla dalka Liibiya, iyadoo dhaawacana uu gaaray 130, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Caruur iyo Haween. Xerada la duqeeyay ayaa waxaa ku jiray dad gaarayay illaa lix boqol oo qof, kuwaas oo dhamaan ahaa Tahriibayaal ku xirnaa halkaasi. Waxaa la sheegay in dadka dhintay badankood ay Afrikaan yihiin, kuwaas oo ka soo jeeda dalalka Somalia, Ereteria iyo Sudan Sanadihii dhawaa Liibiya ayaa xudun u noqotay dadka Tahriibaya ee doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Dalka Liibiya waxaa ragaadiyay rabshado iyo kala qaybsanaan tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheeraa ee Mucamar Qaddaafi 2011-kii. Dhinaca kale guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay In baaritaan madax bannaan lagu sameeyo duqeyntaasi. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu yahay dambi aad u qaab daran, wuxuuna ku sheegay inuu doonayo in lagula xisaabtamo dadkii geystay. Ugu dambeyn Mahamat ayaa dalbaday in si degdeg ah xabadda loo joojiyo, dhinacyada oo dhana ay ku dadaalaan badqabka iyo ammaanka shacabka, il gaar ahna ay ku fiiriyaan dadka soo galootiga ah ee ku go’doonsan goobaha Muhaajiriinta lagu xiro. View the full article
-
DUBAI, United Arab Emirates (AP) — Saudi Arabia said Wednesday that hip-hop star Nicki Minaj will perform in the ultraconservative kingdom as it sheds decades of restrictions on entertainment. The female rapper is known for her outlandish, provocative style and hits like “Anaconda,” where she raps about her “big fat” backside. Her lyrics are often laced with profanities and her skin-bearing music videos often include twerking. Christian groups criticized her 2012 Grammy Awards performance, which included dancing priests and an exorcism. Saudi organizers announced she would be the headline act at the Jeddah World Fest on July 18. The concert, which in line with Saudi laws is alcohol and drug-free, is open to people 16 and older and will take place at the King Abdullah Sports Stadium in the Red Sea city. Reactions on social media ranged from shock and joy to criticism and disappointment. In a profanity-laced video posted on Twitter and viewed more than 37,000 times, a Saudi woman wearing a loose headscarf accuses the Saudi government of hypocrisy for inviting Minaj to perform but requiring women who attend the concert to wear the modest full-length robe known as the abaya. Most Saudi women also veil their hair and faces. “She’s going to go and shake her ass and all her songs are indecent and about sex and shaking ass and then you tell me to wear the abaya,” the Saudi woman says. “What the hell?” Saudi organizers said the concert will be broadcast globally and covered by MTV. Other performers include British artist Liam Payne and American DJ Steve Aoki. The kingdom is also promising quick electronic visas for international visitors who want to attend. Over the past several months, the kingdom has seen performances by Mariah Carey, Enrique Iglesias, the Black Eyed Peas, rapper Sean Paul, and DJs David Guetta and Tiesto. That’s despite the widespread international backlash since October over the killing of Saudi critic and writer Jamal Khashoggi by Saudi agents close to the crown prince in the kingdom’s consulate in Turkey. Such concerts are a stark change from when Saudi morality police would raid establishments that played loud music. Gender segregation between single men and women is still enforced in many restaurants, coffee shops, public schools and universities, but other rules have loosened with women now allowed to drive and attend events in sports stadiums Qaran News
-
Nabi yuunas cs waxaa loo diray qoomkiisii inuu hanuunka iyo wadada toosan ee ILAAHAY ummadihiisa u jeexay uu ku hago. Muddo dheer ayuu ugu yeedhayey Diinta Islaamka iyo wanaaga jidka wanaagsan lkn qoomkiisu wuxuu ahaa qoom aad uga madax adaygay qaadashada Dacwada uu ugu yeedhayo markuu wakhti dheer waday ayuu ku daalay oo ka niyad jabbay. Wuxuu go’aansaday inuu iskaga tago qoomkan madaxa adag ee uu la dhibaatooday u sheegista dacwada, ugu danbayntii wuu ka dhaqaajiyey qoomkiisii taasoo ahayd qaladka uu galay waayo Allah muu siinin go’aanka uu kaligii qaatay. Ugu dambayn wuxuu raacay Doon si uu uga tago qoomkiisii, markii doontii shiraacatay oo ay dhex mushaaxday biyihii ayaa waxa ku kacday mawjado waaweyn waxaana doontii ka luntay dheeli tirkii waxaana go’aan lagu gaadhay in la yareeyo culayska saaran doonta waxaana la daadiyey alaabadii lkn waxaa nasiibdaro noqotay in aanay wali doonto dheeli tirmayn waxaana go’aan lagu gaadhay in qof ka mida dadka doonta laga tuuro si dadka kale ee saarani u badbaadaan. waxaa go’aan noqotay in la qori tuuro oo qofka nasiibkiisu uu ku dhaco doonta laga tuuro waxaana la bilaabay, qori tuurkii wuxuu ku dhacay nabi Yuunas cs lkn dadkii doonta ayaa yidhi ha lagu celiyo waayo ninkani wuxuu leeyahay haybad ama waji qof wanaagsan. Mar labaad ayaa lagu celiyey nasiib daro se isagii uun bay ku dhacday, mar sadexaad ayaa lagu celiyey waxa ay ku dhacaday isla Nabi Yuunas CS waxaana laga tuuray doonidii markiiba waxa qabtay oo liqay Nibiri. Nabi Yuunus waxa uu galay calooshii Xuudka ama nibiriga, waxa uu umaleeyey inuu geeriyooday, markaasuu dhaqdhaqaajiyey lugihiisa, kadibna waxa uu dareemay inuu noolyahay. Nabi Yuunus sadex maddow oo isku dhex jira ayuu kusii hoos jiray madowga habeenka Madowga badda madowga caloosha nibiriga. isagoo madowyadaa dhexdood ku jira ayuu u sujuuday Allah,Isaga oo leh Ilaahayow waxaan kuugu sujuuday meel aan waligii bashar kuugu sujuudin, ee iga tawbad aqbal. Waxaana kalmadihii qaaliga ahaa ee uu Allah ku baryey ka mid ahaa (لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين). Oo macnaheedu yahay “ALLAH ADIGA AH MOOYEE ALLAH KALE MA JIRO ANIGUNA WAXAAN KA MID AHAY KUWA GEFEY” kalmadii wanaagsanayd ayaa sare u kacday, waxayna gaadhay samooyinka, kadib waxa maqlay malaa’iktii waxayna yidhaahdeen, Rabbiyoow waxaan maqalaynaa cod aanu garanayno balse ka hadlaya meel annagu aananu garanayn. Ilaahay waxa uu yidhi waa adoonkaygii Yuunus oo ku sugan sadex mugdi dhexdood, mugdigii habeenka, mugdigii badda iyo mugdigii Nibiriga dhexdiisa. Malaa’igtii waxay Allah ka dalbadeen inuu koryeelo Nabi Yuunus. Allahna wuxuu u waxyooday kalluunkii inuu sii daayo Yuunus, geeyana xeebta. Xuudkii ama nibirigii waxa uu ku tuuray xeebtii isaga oo buka, gaajoonaya, oo harraadan sidoo kale qorraxdu ay hayso diirkii oo dhana ka baxay jidhkiisa. markaasuu Allah kasoo bixiyey geed la yidhaa Yaqdiin xeebtii, markaasuu Nabi Yuunu cunay midhihii geedka, waana hadhsaday sidoo kale waxa u imanaysey maalin kasta Garanuug ama deero, kadibna waxa uu cabi jirey caanaheeda. Nabi Yuunus (N.N.K.H) waa caafimaaday kadiba waxa la faray inuu ku noqdo qoomkiisii, markuu ku noqday qoomkiisii ayuu la kulmay mucjiso, dhammaantood way rumeeyeen waanay soo dhaweeyeen Nabi Yuunus cs. Haddaba akhriste sheekadan waxa ku jirta aayad duco ah oo haddii aad akhrido dhibkasta Ilaahay kaa qaadayo ا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين). Waa duco mustaajabo ah oo hadaad akhrido ilaahayna ku barrido lagaa dul qaadayo wax kasta oo ku saarnaa. Qalinkii Cabdi Cawiye. Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kormeer ku tegay Xarunta Ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad. Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi gaaray wuxuu salaan Ciidan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta, kadibna wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta. Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Ciidamada oo ay ka qeyb-galeen Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Daraawiishta, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Saraakiishii hore ee soo shaqeeyay xiligii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladdihii kala danbeeyay ee Puntland. Waxaana ka mid ah Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Gen. Maxmed Xirsi Morgan, waxaana kulankaas ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani. ” Ujeedka Kormeerka Madaxweynaha iyo Kulanka gaarka ah ee uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha Ciidamada Dowladda Puntland, si loo helo Ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan-qaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni”. ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni ayaa bogaadiyey Ciidamada Dowladda ee habeen iyo maalin u heelan amniga iyo difaaca dalka, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan Saraakiisha in la fududeeyo si dhakhso ah hirgelinta tayeynta Ciidamada Dowladda. Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muhiimad gaar ah siinaysa Dhismaha Ciidamada, Waxaana Madaxweyne Deni intii uu xafiiska joogay uu sameeyay kormeero iyo kulamo ku saabsan hirgelinta qorshaha dib-u-habeynta Ciidamada Dowladda Puntland. Kormeerka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Deni oo booqday Taliska guud ee ciidamada Difaaca Dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulllaahi Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in marnaba aanay raali ka ahayn doorasho ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaan Cabdulllaahi oo ka tirsan beesha Saleebaan islamarkaana wareysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in dadka ku dhaqan degmada Cadaado ay ugu horreyn raali ka yihiin dib u heshiisiinta iyo sidoo kale in doorashada ay ka dhacdo xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Cadaado in la siiyo xaqeeda oo aan Dhuusamareeb la isugu darin ku qabashada shirka dib u heshiisiinta, doorashada, caasimadda Galmudug iyo caasimadda Galgduud. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka Cadaado, odayaasha iyo siyaasiyiintooda aysan ka qeyb-gali doonin doorashada. Go’aanka doorashada ay uga dhaceyso Dhuusomareeb ayaa waxaa qaatay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhowaan heshiis la galay kooxda Ahlu-Sunna, taasi oo aad uga carreysiiyey bulshada Cadaado. Xildhibaan Cabdulllaahi ayaa a’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in wax laga bedalo sida ay hadda wax ku socdaan si loo helo Galmudug oo mideysan. Halkaan hoose ka dhageyso waryesiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/WAREEYSI-XILDHIBAAN-CLLAAHI-CUMAR-MAXAMUUD-.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The African Union’s top envoy in Somalia has hailed Burundian troops for their efforts in stabilizing Somalia. Francisco Madeira, the special representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), saluted AMISOM’s Burundi contingent for their pivotal role in liberating Somalia and defeating armed opposition groups. “AMISOM salutes the government and people of Burundi for the unquantifiable efforts and sacrifice, which has led to considerable stabilization of Somalia,” Madeira said in a statement issued on Tuesday after joining Burundian troops in Mogadishu to mark Burundi’s 57th Independence anniversary. Burundi gained independence from Belgium on July 1, 1962. Burundi deployed troops in Somalia to serve under AMISOM in December 2007. The Burundi contingent secures Somalia’s Middle Shabelle region, with headquarters in Jowhar town. Other AMISOM troop-contributing countries include Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda. View the full article
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has held talks with traditional leaders and community representatives in Guriel on Tuesday. The premier made a stopover at the town as his tour to criss-cross the Galmudug region continues. Kheyre and cultural leader, Ugas Hassan Ugas Mohamed Ugas Nur discussed the role of the traditional leaders in reconciliation and re-establishment of government services in the region. The PM underlined that his tour in the region is solely based on the resumption of government services, the institution of state with a strong foundation with good working relations with the federal government. Ugas Hassan Ugas Mohamed Ugas Nur thanked the PM efforts in peacebuilding and reconciliation while presenting him a horse as a reward for his recommendable actions. View the full article
-
KHARTUUM (SMN) – Madaxa Golaha Ciidamada ku meel-gaarka ah ee dalka Suudaan ayaa xafiiskiisa kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisa dhamaaday. Warsaxaafadeed uu soo saaray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayuu ku xusay qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna intaasiraaciyay inuu kaga mahadcelinayo Madaxa Golaha Ciidamada, xukuumadda iyo shacbiga Suudaan, garab istaaggii iyo taageeradii walaalahooda dhabta ah ee Soomaaliya, sidoo kalana ay Soomaaliya taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, wuxuuna Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud xiriirka labada dal ku tilmaamay mid soo jireen ah. Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ayaa shacbiga Walaalaha ee Suudaan u rajeeyay midnimo ,wadajir iyo Xasillooni, Wuxuuna yiri “ qofka caaqilka ah waa kan ku tusaale qaata duruufaha dadka hareerihiisa la kulmaan” waxaana loo baahan yahay ayuu yiri in wax laga barto xaaladaha adag ee soo maray qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Suudaan. Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayaa ugu danbayntii warsaxaafadeedkiisa ugu mahadceliyay xukuumadda iyo shacbiga Suudaan gacansiintii wanaagsanayd uu ka helay muddo xileedkiisii danjirannimo, Shacbiga Suudaanna wuxuu u rajeeyay degenaansho iyo barwaaqo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
BOOSAASO (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday agagaarka degmada Iskushuban oo ay ku xoogan tahay kooxda Daacish. Ma cadda khasaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga illaa iyo hadda cida fulisay weerarkaasi dhanka cirka ah. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan duqeyntaasi. Dhanka kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ilaalo u ah koox Tahriibka ka shaqeysa oo ku sugan halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ay weerareen maleeshiyaadkan oo xarun ku lahaa deegaanka Mareero ee gobolka Bari. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 2 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ay ku jiraan dad rayid ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdani lagu tuhmay dil shalay askari ka tirsanaa ciidamada Puntland loogu gaystay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, basle ciidamada Puntland ayaa la wareegay gabi ahaan goobihii lagu dagaalamay View the full article
-
MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, islamarkaana uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay Mas’uuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha. Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-03072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu baaqday kulan uu Saxaafadda isugu yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad . Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa looga wacay Wariyeyaasha gudaha iyo dibadda, iyadoo loo sheegan inay kasoo qeybalaan shir jaraa’id oo uu qabanayo Wasiirka. Saacad ka hor waqtigii loo ballansanaa shirka Jaraa’id ayaa la sheegay inuu baaqday kulankii uu Saxaafadda isugu yeeray Wasiirka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha keenay balse loo badinayo inuu Wasiirka soo saari doono war saxaafadeed qoraal ah. Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu wasiirka ka hadli rabay booqashada Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Guinea iyo maqaamka soo dhoweynta ee loo sameeyay taasoo ka careysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayey illo wareedyadaas xaqiijiyeen inay dacwad ka dhan ah Dalka Guinea u gudbineyso Midowga Afrika maadaama ficilkaas ay u aragtay inuu yahay mid ay Dowladda Guinea ku aqoonsaneyso Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen. Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa Garoonka caalamiga ah ee Conakry ama Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure. Intaa kaddib, madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa Garoonka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (Helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini sida uu ku soo waramayo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kheyre iyo Mahad Salaad Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanada mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeeday dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa hadda ka mid noqday muxaafadka daacada ah. Mahad Salaad oo kamid ah Golaha shacabka ayaa har iyo jeer dhaliili jiray siyaasadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Waasaare Kheyre, wuxuuna inta badan eedeymo kulul u marin jiray baraha bulshadu ku xiriirto, gaar ahaan Fcebook-ga Twitter-ka . Mahad Salaad waxay aad isugu dhawaayeen Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dowladiisii kasoo qabtay xilal wasiirnimo, sidoo kale wuxuu kamid ahaa xisbiga muraadka UPD ee hogaamiyo Xasan Sheekh. Iyadoo ay sidaas tahay ayuu Xildhibaan Mahad Salaad mar qura ka soo dhexmuuqday madal ay ku sugnaayeen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qaar kamid ah golihiisa xukuumadda oo lagu xusayay 1-dii Luuliyo, taas oo ka dhacday Dhuusamareeb, waxayna taasi muujisay in ay si hoose u heshiiyeen, maadaama ay horey u kala aragti fogaayeen. Sidoo kale wuxuu Nabad iyo Nolol taageero weyn ugu muujiyay baraha bulshadu ku xiriirto oo uu horey uga mucaaradi jiray siyaasadeeda. Is fahamka Kheyre iyo Mahad Salaad ayaa ku soo aaday, iyadoo Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug ay dhawaan heshiis ku gaareen Cadaado, iyo sidoo kale Kheyre oo booqasho ku marayo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo laga soo doortay Xildhibaan Mahad. Is fahamkan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay isku danaysi, maadaama labadooduba ay dano siyaasadeed leeyihiin mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoos u dhigay mucaaradkiisii, iyadoo uu heshiis la gaaray qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ahaa xukuumaddiisa. Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ee mucaaradka noqda ma ahan kuwo siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, ee waxay ku fushadaan mucaaradnimada dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa iyaduna kuwa siyaasad ahaan ka soo horjeeda u isticmaasha ereyo ay ka mid yihiin “qaran dumis” shisheeye kalkaal” iyo dowlad diid, waxayna wakhta badan ku bixisaa sidii ay ula dagaalami lahayd mucaaradka, taas oo ay ku ilowday howlo badan oo horyaalay. Dowladda hada jirta waxaa muddo xiliyeedkeedii uga haray sanad iyo bar ah, waxaana muuqada in aysan intoodii badnaa fulin ballan-qaadyadii ay horey u sameysay. PUNTLAND POST The post Maxay ku midoobeen Kheyre iyo Mahad Salaad? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta abaal mariyay guddigii qaban qaabada munaasabadaha xuska maalmaha Xorriyadda ee 26-ka Juun iyo kowda Luulyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada ku guddoonsiiyay xubnaha guddigaasi billad sharaf oo ay ku muteysteen howshii ay qabteen. Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay u qabteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl. Waxa kale oo uu guddigu ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha. Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Marxuumkaasi oo la odhan jirey Sheekh Maxamed Bin Sultaan Bin Maxamed Al-qaasimi ayaa la sheegay in maydkiisa laga helay Suuliga Hoygiisa oo ku yaalla DegmaddaEast Grinstead oo dhanka Koonfur kaga toosan magaalada London. Marxuumka oo 39-jir ahaa waxa uu Milkiyad u lahaa Rugta Naqshadaynta Istaylka Labiska ee “Qaasimi”, wuxuuna ganacsigaasi ku soo dhex jiray tan iyo sannadkii 2008-dii. Wargeyska The Sun ee ka soo baxa London ayaa qoray in Marxumka maydkiisa shalay laga dhex helay Suuliga Qubeyska ee Dhismihii uu degganaa, iyadoo ay hareerahiisa daadsanaayeen Cirbadaha duritaanka, iyo Taay si xoogan ugu xidhnaa gacantiisa. Dowladda Imaaraadka waxay ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroor-diiq Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka dalkaasi. Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Khalifa Bin Zayed Al-nahyan waxa uu ka tacsideeyey geerida Marxuumkaasi. Source
-
(SLT- Kagoshima)-Magaalada Kagoshima oo ku taala dalka Japan ayaa laga saaray dhamaan dadkii deganaa oo gaadhaya 600,000 qof, iyadoo laga cabsi qabo roobab xoogle oo da’a halkaasi. Dadkan degan magaalada Kagoshima oo ku taala koonfurta dalkaasi Japan ayaa loo sheegay inay gabaad ka raadsadaan oo loo daad gureeyey badhtamaha dalkaasi goobo ay kaga badbaadaan masiibo ka dhalata daadad soo rogmada oo soo jara dhulka. Deegaankaasi dadka laga daad gureeyey ayaa maalmihii u dambeeyey wajahay roobab heerkoodu aanu caadi ahayn. Taas oo lagu qiyaaso 900mm (35 inches) oo roob ahi inay da’ayo koonfurta badidoodu ay tahay Kyushu tan iyo bishii June sida ay baahisay warbaahinta NHK. Roobabkan calculus ayaa la saadaalinayaa inay sii socdaan ilaa maalinta khamista ah. Tiro ka badan 200 qof ayaa ku dhintay galbeedka dalka Japan July-dii sanadki hore, markii ay da’een roobab soo rogay daadad dhul farabadan soo jaray. Source