-
Content Count
208,861 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar-__-Qumanaha03072019-OK.mp3 View the full article
-
Somaliland has made another diplomatic breakthrough with the state visit of the country’s president Musa Bihi Abdi to Guinea. President Bihi is on state visit to the West African nation of Guinea, on invitation by President Alpha Conde. The visit is a sure sign of Somaliland’s rapid acceptance across the African continent and its growing economic and trading links with other nations. President Musa Bihi and President Conde pledged to find ways working together in trade and fostering cooperation. The Somaliland government is steadily building its case for recognition on the basis of trade and business opportunities with its fellow Africans, arguing that an independent Somaliland capable of trading with African and international partners will be a benefit to all and strengthen peace, prosperity and security. Bihi who came to power after a peaceful, free and fair election with a peaceful transfer of power only 18 moths ago has been on a shuttle diplomacy to build Somaliland’s case for recognition. He has already Ethiopia, Djibouti, the United Arab Emirates. Somaliland already enjoys warm and growing ties in East African, most notably with Kenya and it is keen on marketing itself as a new and profitable frontier economy in the region with considerable untapped resources. Unlike neighboring Somalia which continues to be ridden with violence, instability and terrorism, Somaliland is enjoys stability and peace. Unlike Somalia which continues to battle Al Shabaab on a daily basis despite massive support from AMISOM peacekeepers has suffered 589 documented acts of terrorism and assassination. By comparison, Somaliland has see only 1 act of terrorism in 27 years. This peace and stability and open market economy is the reason why 10,000 Kenyans have made the journey to Somaliland in search of jobs and economic opportunity. Kenyans can be found living freely and making a good living in the Somaliland capital, Hargeisa working as teachers, hotel managers, restauranteurs, architects, advisors in agriculture, construction and much more. Somaliland minister for foreign affairs and international cooperation Yassin Haji Mohamoud said the mission to Guinea is to build the same kind of close relations with West African countries as Somaliland enjoys with East African nations “Of course the two countries will be discussing matters of mutual interest during our stay in Guinea,” the minister said. Guinea is richly endowed with minerals, possessing an estimated quarter of the world’s proven reserves of bauxite, more than 1.8 billion metric tons of high-grade iron ore, significant diamond and gold deposits, and undetermined quantities of uranium. Somaliland is also endowed with considerable mineral wealth particularly iron ore, uranium, platinum, rare-earth metals, gold, copper tine and manganese. Recent geological surveys indicate that Somaliland also has abundant deposits of gemstones, from emerald to aquamarine, ruby and sapphire as well as vast amounts of garnet, quartz and opal as well as lesser-known minerals such as titanite and vesuvianite . Somaliland also is known to be a highly promising country for oil and gas. Two international oil exploration companies, the British company Genel and the UAE based RAK Gas will begin drilling their first exploration wells early next year. No doubt the Somaliland delegation will want to learn from Guinea’s experience in this field as the International Monetary Fund {IMF} has identified mining as the key sector in Guinea’s economy. “The Guinean economy is growing at a fast pace, driven by a buoyant mining sector,” Giorgia Albertin, the IMF’s mission chief for Guinea, said previously. Somaliland finance minister Dr Saad Ali Shire who is part of the delegation to Guinea said the tour is to learn how the country has modelled its economy especially in the mining sector. But there are other untapped business opportunities that Somaliland wants to attract African investors and companies too. Somaliland has an 900km coastline with some of the richest seafood and marine resources which is barely touched as well as fertile agricultural lands which remain uncultivated. But the economic transformation of Somaliland is already underway with the $450 million investment by the UAE global logistics company DP World currently transforming Berbera port in Somaliland into a regional transportation hub. On the flipside, Somaliland’s economy is currently vastly dependent on remittances from its committed diaspora community, which provide 55% of the GDP. The country too is active in livestock exportation. President Musa Bihi aims to foster deeper and closer links with African countries on the basis of trade, business opportunities and investment in order to transform the economy of Somaliland and benefit African partners. Guinea is the third African nation the Somaliland president has visited this year after his visit to Djibouti and Ethiopia in February. However, another crucial part of President Musa Bihi’s visit to Guinea is to build a case for the country’s international recognition which is slowly but surely gathering momentum. The infomer Qaran News
-
Nairobi (SMN) – Maxkamad ku taala Nairobi, magaala madaxda waddanka Kenya, ayaa xukuno kala duwan ku riday rag ku eedeysan weerarkii Jamaacadda Garissa ee sanadkii 2015-kii. Rashid Mberesero, oo u dhashay dalka Tanzania, kaasoo ku eedeysan in uu fududeeyay duulaankaasi, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in, sidda uu ku dhawaaqey garsooraha maxkamada. Xasan Edin iyo Maxamed Cabdi, oo muwaadiniin Kenyan ah, ayaa waxaa dhankooda lagu xukumay 41-sano oo ay ku qaadan doonan xabsi markii la sheegay in dambiga ku cadaadey. Weerarkaasi oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku naf-waysay ku dhowaad 150 ruux kuwaasi oo badankooda ahaa arday waqtigaasi ku sugneyd xaruntaasi waxbarasho. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Iyadoo dhawaan ra’iisul wasaaraha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo ay booqasho ku marayeen deegaanno ka tirsan Galmudug, isla markaana uu kulammo la qaadanayay waxgaradka iyo cuqaasha kasoo jeeda deegaannadaas, ayaa waxaa warbixin kasoo saartay arrintaas beesha caalamka. Dalalka Farnaasiiska, Finland, Denmark, Germany, Talyaaniga, Netherland, Poland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Britain, Maraykanka, hawl-galka AMISOM, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, QM iyo saaxiibbada Somalia, ayaa waxay si wadajir ah u soo dhoweeyeen wadahadallada xilligan ka socda Galmudug iyo isku soo dhaweynta garabyada siyaasadeed ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Somalia. Warbixin qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM, ayaa lagu sheegay inay daneeyayaasha iyo saaxiibbada Somalia ammaanayaan wada-hadallada ka socda Galmudug, si ay u midoobaan garabyada halkaas isku haya, korna loogu qaado xasilloonida deegaannadaas, taasoo wax-tar u leh dadka halkaas ku dhaqan iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, Qoraalkan ayaa lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Somalia ay sii wadaan dadaalkooda iyo inay maamulka Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin loo dhan yahay, taasoo horseedi karta doorasho hufan oo ka dhacda halkaas, kana soo baxaan hoggaan cusub si aan dhibaato lahayn. Dhanka kale, Xubnaha beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay kalsoonida ugu qabaan in dadaallada ka socda Galmudug ay noqodaan kuwo miro-dhal ah, isla markaana la isku raaci doono dadaallada ay waddo dowladda dhexe ee Somalia. Waxgaradka degamda Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay ka waddo deegaannada Galmudug kala qoqob iyo dumin, iyagoo ku baaqay in aan laga gudbin wanaaggii ay reer Cadaado u galeen Galmudug oo markii la dhisayay ay hiil iyo hooba la garab-istaageen. Ugu damheyn, Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa hadal u ka jeediyay dhawaan magaalada Dhuusa-mareeb wuxuu ku sheegay in lagu qaban doono kulam dib u heshiisiin ah Caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb halkaasna lagu qaban doono doorashada lagu soo xulayo xubnaha hoggaamin doona maamulkaas. PUNTLAND POST The post Dalalka iyo Ururada Daneeya Soomaaliya oo Qoraal kasoo saaray xaaladda Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Pyanyang)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump waxa uu safar taariikhiya uu ku tagay isniintii carada dalka Waqooyiga Kuuriya isagoo halkaasi kula kulmay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un. Kulankani waxa uu banaanka soo dhigay sirihii qarsoodiga ahaa ee loo ilaalinayey iyo qalabkii lagu ilaalinayey amaanka Madaxweyne Kim. Nolosha Kim Jong Un waxa ku dahaadhan sir badan, ilaaladiisu waxay ahaayeen kuwo si xiiso leh u muuqday intii lagu gudo jiray safarkii Singapore uu ku tagay sanadkii la soo dhaafay ee uu Maraykanka wadahadalka kula yeeshay, taas oo la arkayey darsin ilaalada Kim oo dhinacyada ka yaacaya gaadhigii madaxweynaha, oo iyadu markaasi bogaga hore ee warbaahinta qabsatay. Waxaana la ogaaday in fikrada ilaaladan uu ka helay Filim laga matalay markii la shirqoolay madaxweynihii dalka Maraykanka John F. Kennedy, filimkaasi oo la yidhaa (In the Line of Fire) ayaa ilaalada qarsoon ee loo yaqaano “Secret Service agents” ay hareero yaacayeen gaadhiga madaxweynaha dalka Maraykanka. Hase yeeshee in aad Bodyguard aad u noqoto hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya waa mid aad u adag – sida uu sheegay Lee Yeong Guk, oo bodyguard ama ilaalo u noqday Kim Jong Un Aabihii Kim Jong Il, kaas oo yidhi “Way ka adagtahay in aad ku gudubtid Irbad daloolkeed,”. Sida caadiga ah in ilaalinta Madaxweynaha laguu shaqaalaysiiya waxa ay ka timaadaa milatariga, iyo in aad ka gudubto dhawr tijaabo oo dhinaca Caafimaadka, Aragtida indhaha iyo muuqaalkaaga iyo qof ahaantaba iyo qoys ahaan taariikhda aad leedahay. Madaxweynaha dalka Kuuriyada Waqooyi waxa uu leeyahay talis dhan oo qaabilsan ilaalinta madaxweynaha oo kaliya kuwaas oo lagu qiyaaso 100,000- oo ciidamo xoogan ah, waxaanay qabtaan shaqooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhadhaminta cunta inta aan loo keenin, marka uu xataa mushqusha tagayo in la ilaaliyo, isla markaana marka DNA-diisa in aan qof ajnabi ahi aanu macluumaadk ka helin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Khilaafkii ka dhaxeeyey labada aqal ee baarlamaanka Somaliland ee guurtida iyo wakiilada ayaa kor u sii kacay. Khilaafka labada golle oo salka ku haya xeerar ay ansixiyeen golaha wakiiladu oo aan la sii marin golaha guurtida ayaa haatan isla galay maxkamada dastuuriga ah ee ugu saraysa sharciyada dalka. Golaha guurtida somaliland ayaana maxkamada dastuuriga ah u gudbiyey dacwada ka dhanka ah golaha wakiilada, iyaga oo sugaya jawaab sharci oo ay ka helaan maxkamada, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Beesha Caalamka oo warbixin kasoo saartay xaaladda Galmudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda iyo isu dumidda Garabyada siyaasadda ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM , ayaa lagu sheegay in ay daneeyayaasha iyo saaxiibbada Soomaaliya ammaanayaan wada-hadallada ka socda Galmudug ,si ay u midoobaan Garabyada, korna loogu qaado xasilloonida degaannadaas, taas oo wax tar u leh Dadka halkaa ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaaliya. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya ay sii wadaan dedaalkooda iyo in ay Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin ballaaran oo loo dhan yahay, taas oo horseedi karta doorasho hufan oo caddaalad ah, kana soo baxaan hoggaan cusub , si aan dhibaato lahayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com -
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay inay Xukuumaddu aanay diyaar u ahayn Doorashada Golaha Wakiilada oo dalka ka qabsoonta. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaa dhaqan inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib u dhacaan, Doorashada Wakiiladana qodob badan oo loo baahnaa in la sii dhammeeyo, ayaan ilaa hadda laga hawl-galin, sida saami-qaybsiga, maxaa yeelay Beelaha darafyadu waxay doonayaan inay Doorashada Wakiilada ku galaan saami-qaybsi, waxayna marar badan ku celiyeen in aanay galaynin Doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya, waxay ahayd inay Xukuumaddu mar horeba ka sii hawl-gasho, laakiin ilaa hadda umay dhaqaaqin oo caalamatul su’aal ayey galisay, waana kii Madaxweynuhu Beelaha Awdal ka codsaday in saami-qaybsi aan la sameeynin, ta kale Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyey in Komishankan la kala diro, oo Komishan loo siman yahay la sameeyo, balse haddana calaamatul su’aal ayaa la galiyey,oo Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, oo hadda isku noqday Xisbi qudha, ayaa haddana doonaya in aan Komishankana la kala dirin, Doorashadana sidii hore loo galo, Xisbiga Waddani, sharci buu ku taagan yahay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddu diyaar uma ah inay Doorashada dalka ka dhacdo, iyadana caalamatul su’aal galinaysa, qodob kasta oo ku xidhan qabsoomida Doorashada” Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya, dagaal bay inagula jirta, waxayna rabtaa inay ka faa’iidaysto aqoonsiga aynaan wali Caalamka ka helin, ee si wada jir ah aynu u waajahano, oo waliba si wada jir ah aynu aqoonsigeena u raadino, oo aynu Wadamada kale duwan ee Caalamka aynu ka dhaadhicino sidii dalkeena loo aqoonsan lahaa, loona tusi lahaa inaynu ka madax banaan nahay Somaliya”. Dhanka kale Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ka digtoonto cabudhinta Saxaafadda, talaabo adagna ka qaado cid kasta oo isku dayda inay ku xad gudubto dhaqanka iyo diinta islaamka. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dowladaha France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, howlgalka AMISOM, Midowga Yurub Urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada Soomaaliya, ayaa waxay si wada jir ah usoo dhoweeyeen wada hadallada Galmudug ka socda iyo isu dumidda Garabyada siyaasadda ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM , ayaa lagu sheegay in ay daneeyayaasha iyo saaxiibbada Soomaaliya ammaanayaan wada-hadallada ka socda Galmudug ,si ay u midoobaan Garabyada, korna loogu qaado xasilloonida degaannadaas, taas oo wax tar u leh Dadka halkaa ku dhaqan iyo guud ahaan Soomaaliya. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu faray in dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya ay sii wadaan dedaalkooda iyo in ay Galmudug kusoo dabbaalaan dib u heshiisiin ballaaran oo loo dhan yahay, taas oo horseedi karta doorasho hufan oo caddaalad ah, kana soo baxaan hoggaan cusub , si aan dhibaato lahayn. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha deegaanka gaar ahaan golaha deegaanka gobolka saaxil, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Nuur Cabdilaahi Beegsi (Cawl) oo ku geeriyooday dalka Malaysiya 01-07-2019, maanta oo ay taariikhdu tahay 03-07-2019, aas qaran loogu sameeyey xabaalaha Baqiic ee waqooyiga Caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweyne ku xigeenka oo ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey marxuumka ayaa ku sifeeyey inuu ahaa oday qaranka ka baxay door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa xildhibaanada golaha deegaanka ee berbera, sidoo kalena ahaa odayaasha iyo ganacsatada dalka. Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha deegaanka ee gobolka saaxil, ganacsatada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayeesheena ku xiran website-keena ku xiran waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-03072019.mp3 View the full article
-
Madaxweyne degmada Faraweyne ma adigaa handarabaya mise cid kalaa walaaqaysa? Degmada Faraweyne ee gobolka Maroodijeex ,waxay ka mid ahayd degmo sugayaashii 1960 madkii ,xuduudaheeguna waxay kala ahayeen dhinaca oogada xadka Somaliland iyo Itoobiya ,kuna dherarin xududa xadka labada dal dhinaca galbeedk balayga Abusite oo 4 km u jira degmada Alaybaday ilaa bariga tuulada Gumuraha dhinaca waqooyiga waxay ku eekayd tuulada Ceel la helay Degmadu sadex iyo sodonkii kursi baarlamaan ee Somaliland 1960kii degmadani waxay ku lahayd 1 kursi barlamaan Wakhtigii halganka degmadani waxay ka mid ahayd meelihii dalka laga xoreeyey ee snm kalsoonida badan ku qabtay shacabkeeduna ahaayen wada halgama Lagana xoreeyey magaalada hargeisa Dadku libinta wey wada sheegtaan laakin degmadani somaliland abaal bay ku leedahay lakinse kamay helin Arimaha sida gaarka looga xusi karo waxa ka mid ah 18/01/1987 bixitankii ciidankii la magac baxay gaaska cad oo tiradiisu dhamayd 150 askari iyo taliyehogii mujaahid Cumar Jaamac saanadiisun u dhamaystirnayd dhamaantoodna ka soo jeeday degmadan Bishii april 1987 degmadan waxa iskaga hayaamay dadkii deganaa oo ka soo horjeestay mamulkii Afweyne una talaabay Itoobiya halkaaana lagu qaabilay noqdayna qaxoontigii ugu horeyey ee reer Somaliland ee Itoobiya qaabisho waxayna dhanayeen ilaa 1500 qof 1984 degmadani waxay ahayd xaruntii Snm ee aaga galbeed ahaydna tuulada lafta Faraweyne ee degmadani 1989 degmadani waxay ahayd degmadii gogosha u fidisay oday dhaqmedkii guurtida somaliland halkaasna lagu aasaasay golaha guurtida somaliland Degmada caynkaas ahayd intii somaliland madaxbanaanida la so noqotay degmadan malinba maalinta la danbaysa waxa laga jarayey tuulooyin badan hada badankooguna yihiin degmooyin sida Degmada bali cabane Degmada sayla bari Degmada darasalaam Hada oo la joogo waxa la isku dayey inkastoo lagu guulaysan in degmada la jaro tuulada dacarta oo hada loogu yeedho degmo iyadon haba yaratee wax shuruud degmo nimo aan buuxin Taas micnahoogu tahay in lagu wiiqo awooda degmada iyo baaxada dhul ahaneeed Degmada faraweyne wakhtiga doorashooyinka waa degmada kaliya ee la isku haleeyo cod badana siisay xisbiga kulmiye kana cod badan dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobolka maroodijeex Intaaasi waa degmada arimaheega hadaba aan u soo noqdo maxa ku cusub degmada haaatan ,xaaalad nooce ah ayey ku sugan tahay Degmada Faraweyne waxa jira in la doonayo in la wiiqo degmo nimadeeda iyo baaxada dhul ahaaneed isla markaana ay ka wada shaqeynayaan xukuumada hada talada dalka haysa iyo niman aanu ognahay cida wadata iyo halkay ka socotaba hawshu Madaxweynaha somaliland waxaanu leenahay madaxweyne degmadani waa degmadad ku dhalatay sharaf bY ka mudan tahay laakin inad dumiso kaamay mutaysan waa degmadii wakhtigii ololaha ducada ku qabatay codkiina adiga ku wada siisey Madaxweyne waad la socota oo cidi kaagama war roona degmada faraweyne waa inaad degdeg wax u qabta arimaha ka taagan degmada ee ay ugu horayso maamul xumadu waa inaad madaxweyne cida doonayso inay degmada tuuloyin u kala qaybiso waa inad so qabata waad ogatahaye hadii kale cidna u daba fadhiisan mayno hadanu nahay qurbo joogta degmada faraweyne hadii degamda sidan laga dayn waayo ogow waa halkii laga so gali lahaa dadka degaankana waxanu ku qancini donaa inay dagalman oo cidii isku dayda inay ka shaqeynayso burburinta deganka inay la dagalman anaguna dhaqalaha ayaanu u so diri donaa Wadankii oo dhan baa handaraaban maaantana ma faraweyna la handarabaya maadaxweyne Baalayo madax la qabtay leedahay ee daba lama qabto ma leh ayan ku so ururinayaa maqaalkaygan Osman ali Social activist Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen Dowladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Hay’adda ICAO, kaasi oo ahaa heshiiskii ugu dambeeyay ee ay dowladda Somaliya kula wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya. Somaliland ayaa heshiiskaasi ku sheegtay inay ka dambeeyen wada-hadalo qarsoodi ah oo ay wada yeeshen dowladda Somaliya iyo Hay’adda ICAO. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Yaasiin Faratoon oo ka hadlay heshiiskaasi, ayaa sheegay inay adag tahay in la hirgeliyo heshiiskaasi ay kala saxiixdeen DF iyo ICAO, isagoona xusey inay jiraan cabashooyin kale oo laga qabo heshiiskaasi. “Arintaas waxaan u aragnaa mid khalad ah oo si khaldan u dhacday caalamkuna aanu ogolayn anaguna aanaan ogolayn imikana aanan filayn inay sidaas ku sii socoto” ayuu yiri Wasiir Faratoon. Wuxuuna intaas kusii daray “Si ay ku dhacdayba hay’adda ICOA iyo dawlada Soomaaliya wada-hadal qarsoodiya oo aan la ogayn cidinka kula socon ayaa dhexmaray, hawadiina ay ku wareejiyeen meelo badana waa laga qaylinayaa una malayn maayo inuu hirgelayo”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdi Xaaji Cumar Sandhool inuu noqdo agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada, sida ay ogaatay Caasimada Online. Cabdi Xaaji ayaa beddeli doona madaxii hore ee agaasimaha habmaamuuska madaxtooyada Saciid Kampala oo bishii tagtay ka baxsaday Muqdisho kadib markii uu lugaha la galay arrimo la xiriir muran dhuleed, si qaldanna u adeegsaday ciidamada dowladda. Cabdi Xaaji Cumar Sandhool ayaa wuxuu ka mid ahaa dadka taageersan Madaxweyne Farmaajo ee ku nool dalka Ingiriiska, hase ahaatee markii uu Farmaajo guuleystey waxaa uu rajeynaayey xil wasiir, taasi oo aan dhicin. Mas’uulkan ayaa la sheegay inuu abti ugu aadan yahay xaaska madaxweynaha oo hooyadeed ay xigto yihiin. Marwada madaxweynaha ayaa muddooyinkan dambe waxaa la arkaa in ay dad badan oo xigtadeeda ah ay ku soo biirineyso dowladda. Cabdi Xaaji Cumar Sandhool ayaa waxaa la magacaabey shalay isagoo jooga London, waxaana uu dhowaan iman doonaa Xamar si uu shaqada loo magacaabey u qabsado. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Source
-
The African Union force in Somalia believes it has managed to stabilise areas of the country under its control despite sporadic attacks from the Al Shabaab terrorist organisation. This is a transitional phase for both Amisom and the Somali National Army, as one force downsizes while the other is to increase its troops. Source: Hiiraan Online