Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,860
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PRESS RELEASE ​​​Somaliland: Escalating censorship, harassment and prosecution of government critics 4 July 2019 Over the past three months the authorities in Somaliland appear to have stepped up their attack on dissenting voices by shutting down media houses, arbitrarily arresting and prosecuting individuals perceived as critical of government policies and officials, Amnesty International said today. Between 17 April and 9 May, four individuals were arrested: a journalist, an opposition youth leader and a civil servant were detained after publishing critical Facebook posts, and a Member of Parliament was detained after he publicly questioned the significance of celebrating 18 May as a national day. One of them told us he sustained injuries during the arrest. On 18 June, the authorities also arbitrarily suspended two privately-owned television stations – Horyaal 24 and Eryal TV – for allegedly “airing information that is threat to national security” without specific details. The ban on the two stations was lifted on 30 June after a “mutual understanding” was reached between the Ministry of Information and the TV owners. Many have interpreted this as arm-twisting the two media houses to censor their content. “The increase in harassment and intimidation of government critics we are witnessing underscores the intolerance that the current government displays towards diverse opinions, and their lack of regard for human rights protections,” said Joan Nyanyuki, Amnesty International’s Director for East Africa, the Horn and the Great Lakes. “These arrests and suspensions make a total mockery of the Somaliland constitution which explicitly guarantees the right to freedom of expression.” Amnesty International interviewed some of the victims, their family members and lawyers during a fact-finding mission to Hargeisa between 15-24 June 2019 and attended one of the court hearings for the journalist. The organization found that all four men were targeted for expressing critical views. On 17 April, freelance journalist, Abdimalik Muse Oldon, was arrested outside his home in Burao for criticizing President Muse Bihi Abdi on Facebook. He was charged on 6 June with “spreading anti-national propaganda” and “disseminating false news”. On 24 April, Jamal Abdi Muhumed, an employee of the Ministry of Interior, was arrested at his office in Hargeisa over Facebook posts criticizing the effectiveness of police services. On 19 June, he was charged with “insulting the police” and “insulting a public officer”. On 2 July, he was found guilty and sentenced to six months in prison. He was released on 3 July after paying a fine. On 1 May, Mohamed Sidiiq Dhame, leader of the opposition Waddani party’s youth wing, was arrested at his home in Hargeisa for a Facebook post criticizing the state of emergency imposed on three districts of Sanaag region. He was charged on 8 June for “offending the honour and prestige of the president” and “incitement to violence”. On 27 June, he was found guilty on the first charge and sentenced to six months in prison. On 9 May, Mohamed Ahmed Dhakool, a Member of Parliament from Sool region, was arrested for “opposing” commemorating 18 May as a national day; (Somaliland declared its breakaway status from Somalia on 18 May 1991). The police claimed he made “anti-national statements” and “opposed the existence of Somaliland”, but the courts refused to entertain the case because of his parliamentary immunity. After 39 days in detention, he was released on 17 June. Abdimalik and Mohamed are currently held at Hargeisa Central Prison as their cases are heard and determined. “The authorities are using the vaguely worded, outdated criminal offences in the penal code of 1962 to crackdown on freedom of expression. The problematic provisions in the penal code must be repealed and aligned with the constitution so that the authorities fully respect, protect, promote and fulfil the freedom of expression in Somaliland,” said Joan Nyanyuki. “The Somaliland authorities must immediately and unconditionally release these men who are detained solely for exercising their freedom of expression and desist from this wanton harassment of government critics.” Background Amnesty International spoke to the Attorney-General of Maroodi Jeex region, where Hargeisa is located, Moulid Abdi Muse, who justified the government actions saying they were protecting national security. “The Somaliland constitution protects the right to freedom of expression but also limits this right. We are therefore obliged to make sure individuals are not abusing this right especially when it comes to issues threatening the stability of the country and transgressing on the rights of others,” Moulid Abdi Muse said. Qaran News
  2. MOSCOW (SMN) – Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,ayadoo shirka intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliyeed ayaa shirka inta uu socday ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi. Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,ayadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka. Gabagabadii shirka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ruushka Fladamir Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka Baarlamaanada Adduunka ee xalinta dhibaatooyinka jira. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Garowe (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo careysan ayaa goor dhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa isaga soo baxay fariisimo ay ku lahaayeen aaga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gaduud dartiis uga soo baxeen deegaankaasi oo ay in muddo ah iska hor fadhiyaan maamullada Somaliland iyo Puntland. Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhowr bilood oo xiriir ah aysan helin wax mushaar ah. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramaya in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu haatan ku sugan yahay magaalada Garowe oo ay tageen ciidamadaasi. Ma jiro illaa iyo haatan war ka soo baxay madaxda Puntland oo ku aadan arrimaha ciidamadaasi. Ciidanka Puntland ayaa muddo dheer ka cabanaya mushaar la’aan, waxaana marar badan gadood ka sameeyeen magaalooyinka wa weyn ee maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
  4. Barbaarinta Ubadka Banii Aadamku waxa la yidhaa waxay isku af-gartaan Hadalka iyo wax isu sheegga, Xayawaan kuna urta. Waxa hubaal ah in waalidkeen inna jecelyihiin isla markaana innala jecel yihiin waxa wanaagsan, Sidaa si la mid ah carruurtuna waa ay jecel yihiin waalid kood. Qormadan waxa aan ugu talo galay in aan ku soo bandhigo isla markaana ku iftiimiyo dhibaato xooggan oo dhextaal waalidka iyo ilmaha ay dhaleen. Ilmuhu waa uu dhashaa ka dib marka uu warkani soo yeedho waxaa la is waydiyaa ilmaha dhashay ma wiilbaa mise waa Gabadh? tahniyadda ka imanaysa asaxaabta iyo Ehelka ayaa Bilaabanta, ilmahan ay ka qayb qaadanayaan Soo dhawayntiisa Asaxaabta iyo Ehelkuba waxa bilaabanta in korintiisa, kobcintiisa iyo kool-koolintiisuba halkaa kasii socoto. Haddaba ilmahan sidee ayaa loo korinayaa? Jidhkiisa iyo Caqligiisa sidee la isugu miisamaya? Waxa aynu aragnaa Waalidka oo Amarro kala duwan faraya ilmihiisa wiil ha ahaada ama gabadh ha ahaatee (Tusaale ahaan, Ax, kadaa, Car, Xuux IWM). ilmaha Sanadka ilaa Shan sano jira Usamee Sidan:- Ku ammaan waxa wanaagsan ee uu sameeyo/ay samayso. Bar hadalka oo hadduu kalmada badh sheego badhka kale u dhammaystir. Ku dadaal in ay indhihiisu qabtaan waxa wanaagsan ee ay samaynayaan dadka kawayn ee guriga joogaa. Bar sida wax loo akhriyo loona qoro isaga oo jooga guriga. Bar Quraanka Kareemka ah. Uga sheekee waxa wanaagsan waxa xuna ka reeb kuna bar-baari sidaaa. Horta waa hubaal qofka ilaahay waaniyaa waansan, qofka ilaahay hadeeyo ayaa hadaysma. waxa jira ubad badan oo aan helin barbaarin wanaagsan haddan ka wanaagsan kuwo helay in badan oo aynu kasoo sheekaynay balse, waxa hubaala wixii lagu cel-celiyaa inay noqdaan sidaa loogu celceliyey oo ay midho dhalaan. Sida aynu wada ogsoonahay ilaahay ha innoo hadeeyo ubadkee xilligan caruurtu waxay marayaan meel ilaahay uuni ogyahay, hadda ha umalayn carruurtani inay tahay dad ay waalidkood dayaceen ama aanay siin daryeelkii loo baahnaa balse waxaaba laga yaabaa inay yihiin dad xufaada oo xifdiyey Qawlka Eebbe Sidoo kale kasoo baxay ama dhigtaba Dugsiyo aad ugu wanaagsan barbaarinta ubadka ilaahay ayaa wax barbaariyee. Hadaba, halkay sartu ka qudhun tay? Ma waalidkaa qaldan? Ma macalinkiisa ayaa qaldan? Ma manhajka ilmahan ayaan ahayn mid ku haboon? Waa suaalaha ka dhex guuxaya dhammaan bulsha-waynta Somaliland. Bal sheekadan ila eeg: ‘Maalin dhawayd anoo ka xiiranaya Timo-jare ku yaal Xaafadda aan ka deggan ahay magaalada Hargeisa ayaa waxa Rayislaha soo galay Nin Oday ah iyo Wiil uu dhalay aabbuhu waxa uu Rabaa inu ka xiiro timo aad u dhaadheer oo uu wiilku labaxay, Da’ ahaan wiilku waa ilaa 15 jir ama ka yarba Rayislihii ayuu aabbuhu amar siinayaa isagoo leh “dhammaan kaxiir timaha oo ka dhukur” wiilkuna waaba maroora dilaacsanahay Ugu danabayn laga xiir wiilkii walaw aanu ku qanacsanayn sida laga yeelay oo uu dareemayey Afduub iyo Jujuub Wiilka yari waxa uu Ugu hanjabayey aabbaha in uu wax samayn doono anuu aan markaa u maleyey inuu leeyahay hadaan baxsan waayo ama wax lamida’ . Wiilkaas yar Malaga yabaa inu aabuhu ka eego meel aanu mahadin? Malaga yabaa in uu samayn karayey Hab kale oo ka fudud inu inankiisa kusoo Dhawaysto? Aniga Ahaan waxan odhan lahaa malaha wuu Xalin kari lahaa waanu soo dhawayn kari lahaa wiilkiisa inta aanay lumin kalsoonida ka dhaxaysaa. Bal aynu kala qaadnee horta hablaha iyo wiilashu waa kala korriin iyo ilaalin duwan yihiin oo dee hablaha ayaa ka adag oo Nabigeena suubbani NNKH waa kii xadiis ku lahaa “Waalidka koriya Saddex Hablood ee Ku toosiya Dariiqa saxda ah jannada ayuu galayaa”. Waxa uu ogaa nabigu NNKH in ilaalin iyo toos toosin badan ay u baahan yihiin habluhu. Wiilashu iyagu waa ay ka duwan yihiin marka loo eego dhinacyo badan laakiin iyagaba waqtgian la joogo ma hawl yara korintoodu. Wiilku marka uu soo Gaadh0 hilaadahan waxa dhacda inta badan in uu waalidku ka qariyo hayntiisa, hantidiisa,Shaqadiisa iyo wax kasta oo uu qabto, kaliya aabaha ilmahan dhalay waxa uu ku dadaalayaa In uu ku hayo waar waxbaro waliba waa aabbaha ugu wanaagsan wakhtigan aynu joogno. Tani waa ta dhasha marka danbe inay isu qabsadaan caruurtu hantidii uu lahaa aabbohood isaga oo nool ama ay isaga laftiisa ku qabsadaan hantida uu u hayo iyaga taasoo sababta in ay walaaluhu birta iska aslaan ama ay waalidkoodba dilaan ama dhaawacaan. Maanta immisaa walaalo ah oo aan dabka kala qaadan? Immisaa waalaalo ah oo aan is bariidin? Immisaa walaalo ah oo aan iyagu isbixinayn? Waxas oo dhan waxa ka masuul ah waalidka dhalay ubadkan sababta oo ah ma ay barin wax wada lahaanshaha, Mana ay barin In ay hantidan iyagu leeyihiin islamarkaana wada manaafacaadsaaan, umanay sheegin hantidani halka ay taalo iyo sida ay u shaqayso hadday u sheegaanna mid ama laba kamid ah ayaa og ee dhammaan caruurta Xaafadda ka dhalataa ma wada oga. Tani waa sababta keenta in uu ilmuhu yidhaahdo waan tahriibayaa haddii kale hala ii smayeeyo waxa aan rabo. Tani waa ta sababta in la arko ilmaha oo balwado aan fiicnayn yeesha sida jaadka, sigaarka, xashiidad iyo qaarkale oo badan. Tani waa ta sababta in wiilku uu noqdo budhcad dadka waddooyinka u istaata oo ah ta ugu badan wakhtigan xagga wiilasha. Hadaan u imaad Gabadha aad dhashay, Hoos ula hadlideeda iyo u kuur galkeeda waxa ku habboon hooyada dhashay inantan. Intaaanan Galin Doorka hooyada bal aan soo yara kooba hooyadii Soomaaliyeed ee Hore ama Miyiga Degganayd. Waxa ay fari jirtay inanteeda hawlahan marka ay istaagtaba. Hooyadu waxay Ku barbaarin jirtay inanta inay iyadu tahay Inan, inantana laga rabo inay ka caawiso hooyadeed hawlmaalmeedka guriga oo Waa tii Maah maah soomaaliyewd ahayd “Inantii Hooyadeed Hadhuudhka tuntaa, iyana Haadiskay Barataa”. Hooyadu waxa ay bari jirtay inanta in ay inan tahay oo anay dhex galin wiilasha ama rabga ba oo waynnagii Mocooyooyinkeen ka maqli jirnay Iyadoo la leeyahay “Naa Dhiidhiibso” Labadaa Qodab haddi aynu yara dul saarno kuna miisaamno dhaqanka iyo barbaarinta ka dhexaysa hooyada cahdigan, hooyooyinka maanta qaarkood inanta waxba ma baraan aan ka ahayn sida loo hadlo, sida loo jaaso ma loogu ciyaaro muusikada, Sida loo daawado Musalsalka iyo Filimada aan wanaagsanayn ee yaalla guryaheena Markaa miyeynaan odhan karin “Inantii Hooyadeed Filimada Daawataa iyana Fidnaday daawataa”. Intanta yar wakhtigii hore hadii la odhan jiray “dhiidhiibso” hadda waxaaba la odhanayaa waxa Style ah inaad Dhinac ka banayso jidhkaaga haddii kale waxbaa ka dhiman labbiskaaga. Markaa tani waa ta sababtay in aynu aragno mar walba hablo aad u da’yar oo xilliyo danbe oo habeenkiiya meeraysanaya hudheelada cawayska ee waawayn iyagoo la socda niman aan qabin balse aan ehel u ahayn (muxrim) lagana yaaba inay sidaa kaga maqnaadaan guryahooda oo meelo kale u dhaxaan. Tani waa sababtaa aad u arkayso Inan loo diray waxbarasho oo tagaysa meelo kale. Tani waa sababta aad u arkayso inan Qaawan oo lugaynaysa suuqyada waa wayn ee magaalooyinkeena xilliyada dambe ee habeenkii. Tani waa sababtaad u arkayso inan Kad haxayso reer kooda habeen, laba iyo in ka badanba. Tani waa sababta aad u arkayso inan Samaynaysa xumaano badan oo aynaan halakan kusoo koobi karayn. Qoraalka ayaan dheereeyee waxa aan kusoo Gebo-gebayn lahaa dhawr qodob oo aan is leeyahay malaha waa laga faa’idi lahaa haddii la sameeyo: Ugu horrayn waa in waalidku bartaa dhaqanka suubban ee islaamika si uu u ababiyo una barbaariyo caruur wanaagsan. Wiilka guur doonka ahi waa in uu raadsadaa hooyo fiican oo ubadkeedu kaga dayan karaan wanaagga. Gabadha guur doonka ahi Iyana waa in ay ka taxaddirtaa wiil balwad waayo ubadka uu dhalaa inta badan waxa ay kaga dayan karaan dhaqan xumadaasi. Hooyada iyo aabbuhu waa in ay noqdaan laba is jecel si uu ugurigu u noqdo mid naxariis iyo jacayl ka buuxo ubadkuna ay ugu barbaaraan jacaylkaasi waalidkood ay ka dhaxlayaan. waalidiinta caruurta dhalay waa in ay ubadkooda ka qayb geliyaan hawlaha guriga ka socda sida: shaqo maalmeedka guriga iyo talooyinka qoyska. Ilmaha yari waxa uu xaq u leeyahay in la waraysto haddii uu hadlayana la dhagaysto oo aan la odhan “adigu waad yar tahaye naga aamu” iwm. Aabbo ama hooyo waligaa ilmahaaga ma u sheegtay meesha aad ka shaqayso magaceeda, shaqada aad meeshaa ka qabato iyo waliba mushaharka aad ka qaadato? Aan kula wadaago sheego gaaban oo dhab u dhacday macno ballaadhanna xambaarasn” ‘wiil yar ayaa hooyadii ka dalbaday in ay soo qorto meel luuqadaha lagu barto gelinka dambe maaddaama ay subax kasta shaqo tagto, waxa ay hooyadii u sheegtay ilmaha in aanay qaadanin mushahar ku filan sidaas darteed aanay ka bixin Karin lacagta waxbarashada gelinka dambe, waxa ay kula talisay in uu gelinka hore dugsigiisa iska dhigto. Maalmo kooban ka dib ayaa ilmihii yaraa waxa uu arkay warqadda lacag qaadashada(cheque) oo qolka hooyadii taalla oo ay ku qoran tahay mushahar aad u badan. Ilmihii yaraa maalintaa laga yaabo waxa uu ka aamin baxay hooyadii waxaana uu qorshaystay in uu iskaga tago qoyskooda maaddaama ay hooyadii oo dad ugu dhawayd been u sheegtay waanu tahriiby’ Waalidku waa in uu ilmaha ku dhiirri geliyaa wax kasta oo wanaagsan. Waalidku waa in uu caruurtiisa u caddaalad sameeyaa oo aanu kala jeclaysanin. Macallinka koowaad ee ilmuhu waa hooyada iyo aabbaha dugsigiisa koowaad na waa guriga halkaa sida uu ku yahay uun buu bulshada dhexdeedana ku noqonayaa. Mukhtaar Ali Sheekh mokhtaralisheikh@gmail.com Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun adag ku riday nin ka tirsanaa Al-Shabaab. Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa la xiray bishii Fabruary ee sanadkan, kadib howlgal laga sameeyay magaalada Muqdisho Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in ninkani Kooxda Al-Shabaab uu u qaabilsanaa kala gudbinta hubka fudud ee lagu geysto dilalka qorsheysan. Xuseen Dheer ayaa la sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray bilowgii Augusta ee sanadkii hore, islamarkaana ay ku tashkiiliyeen labo ka tirsan Ehelkiisa. Sida ay shaacisay maxkamaddu ninkan ayaa saddex jeer magaalada u kala gudbiyay hub uu ka soo geliyay gobolka Shabeelada Hoose, islamarkaana uu rag kale oo ka tirsan Al-Shabaab ugu geeyay xaafadaha Towfiiq, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha ee Muqdisho Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda u horkeenay cadeymo muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo boorsadii uu ku qarinaaye, qiraalka eedeysanaha iyo markaatiyaal ay ku jiraan ciidamadii amniga ee soo qabtay. Sidoo kale Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn karin gacan siin, maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka ciidamada weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa. Ugu dambeyn Garsoorayaasha maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa saaka go’aan ka soo saaray, waxa ayna maxkamaddu ku xukuntay shan iyo toban Sano oo xabsi ciidan ah sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya. Haddii uusan ku qanacsaneen xukunkan Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,ayadoo shirka intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunka ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliyeed ayaa shirka inta uu socday ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi. Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,ayadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka. Gabagabadii shirka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ruushka Fladamir Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka Baarlamaanada Adduunka ee xalinta dhibaatooyinka jira. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Aqalka Sare oo khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaanada Adduunka appeared first on Puntland Post.
  7. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ka warbixiyey howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaa oo ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Odowaa Yuuruf Raage, taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanno ay muddo ku sugnaayeen Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay in Al-shabaab laga saaray deegaanno hoostaga magaalada Marka, sidoo kalena ku wajahan yihiin deegaanno kale. Meelaha ay ciidanku la wareegeen ayuu taliyaha ku sheegay iney ka mid yihiin, Mooro Gaabey, Ceel la helay iyo deegaanno kale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/taliska-ciidmada-xooga-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Maamulka cusub ee degmada B/xaawo, gobolka Gedo ayaa sheegay iney wax badan ka qaban doonaan xaaladda ammaanka ee degmadaasi. C/casiis Xareed C/laahi, guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in haddii ay wadashaqeyn buuxda ka helaan shacabka degmada B/xaawo ay aad u sahlanaaneyso in laga shaqeeyo amniga. Guddoomiyahan ayaa dhanka kale u mahadceliyey maamulkii isaga ka horreeyay oo uu sheegay in wax badan uu ka qabtay degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/gudoomiyaha-cusub-ee-balad-xaawo-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. MUQDISHO (SMN) – Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary sanadkan ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud ee dilalka lagu geysto. Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Al-Shabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore, Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu sheegay in ay ku qanciyeen ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab. Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu ugu kala dhiibayay qeyba ka mid ah Xaafada Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Al-Shabaab, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd markii sedaxaad ay suura gashay in ay qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu ku waday Boorsooyinka Xarragada. Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer). Bishii Afaraad dabayaaqadeedii ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay. Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay. Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa. Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Xarakada Al-shabaab ayaa meel fagaare ah oo ku taalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen Shan qof oo ay sheegeen iney la shaqeynayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka taageera dowladda. Waxa ay Al-shabaab halka ay raggan ku dilayeen ay isugu keeneen dadweyne badan oo laga soo bixiyey goobaha ay ka deganaayeen deegaanka Xagar. Ragga la dilay ayaa kala ahaa: Cismaan Cabdulle C/laahi, waxaa lagu eedeeyey la shaqeynta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka. C/kariin Muumin Axmed, waxaa lagu eedeeyay inuu u shaqeynayey hay’adaha sirdoonka dalka. Xasan Barre Isaaq waxay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey ciidanka Kenya ee AMISOM. Cumar Xasan Axmed, waxay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey CIA-da Maraykanka. Axmed C/laahi Warsame waxay Al-shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey CIA-da Maraykanka. Al-shabaab ayaa horey sidan oo kale waxay deegaannada ay maamulaan ugu toogteen rag ay sheegeen iney la shaqeynayeen dowladda federaalka iyo sidoo kale dowladaha taageerada DF. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. KISMAAYO (SMN) – Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in shalay gelinkii dambe in Al-Shabaab 5 qof ay ku toogteen gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa xubnahan ku eedeeyeen inay Jawaasiis u ahaayeen dowladaha Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya. Fagaare ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu toogtay raggaasi, waxaana goobta ku sugnaa dadweyne fara badan iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Raga la toogtay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa Al-Shabaab magacyadooda ay ku kala sheegeen: 1-Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay Maleeshiyaadka Mareykanku Tababaray ee bangaraafta loo yaqaan. 2-Cabdikariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan PS 3-Xasan Barre Isxaaq (Jiirow Barrow) oo 35 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay dowladda Kenya 4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da 5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaa wuxuu u basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dil ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  12. Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay amar culus kusoo rogay dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, amarkaas oo nqoonaya kii ugu horreeyay noociisa tan iyo burburkii dalka. Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Arrimaha Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Alle ayaa sheegay in qof walba oo ka baxa garoonka Muqdisho laga doonayo inuu haysto buug caafimaad, kaasoo uu qiimihiisa ku sheegay inuu ku kici doono 10-doollar. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in arrintaan lagu soo qaaday kulan uu maamulku yeeshay xalay, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid ka timid dhanka shacabka ee aysan ahayn mid uu go’aansaday maamulka gobolka Banaadir. “Caalamka oo dhan dadku markay baxayaan waxaa laga rabaa inay wataan buug caafimaad, kaasoo muujinaya bad-qabka caafimaad ee qofkaas dalka ka dhoofaya, innagana maadaama aan dowlad jirta nahay waa lagama maar-maan in dadka dhoofaya ay wataan bug caafimaad,” ayuu Ibaahim Dheer eku yiri hadal uu jeediyay. Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in buuga caafimaadka lagu billaabi doono dadka sannadkan aadaya xajka, balse wixii markaas ka dambeeya qof walba oo ka dhoofaya garoonka Muqdisho laga doonayo inuu wato buug caafimaad, haddii kale uusan ka bixi doono garoonka Xamar. “Buugga caafimaadka wuxuu qofku ka qaadan karaa garoonka diyaaradaha ama meelaha tikidhada lagu iibiyo,” ayuu hadalkiisa daba dhigay, isagoo ku nuun-nuuxsaday in taallaabadan ay tahay mid la doonayo inay weligeed ka shaqeyso dalka oo aanay muddo kooban ku ekaan. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan lagu soo rogay dadka dalka ka dhoofaya inay la yimaadaan warqado lagu xaqiijnayo inaysan dalka dambi ka gelin, kuwaasoo dhibaato badan laga maro sidii lagu heli lahaa. DHAGYSO: Codka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar cusub kusoo rogay Dadka ka Dhoofaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia, ayaa waxay ku riday nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa ururka Al-shabaab, isla markaana hubka u kala gudbin jiray. Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse oo loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray bishii Feberaayo sanadkan 2019-ka inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, gaar ahaan kooxda hubka fudud ee dilalka lagu geysto kala gudbiya. Sida uu ku sheegtay caddeymaha ay ka qoreen hay’adaha baarista amniga Al-shabaab wuxuu ku biiray bilowgii bishii Ogoosto 2018-kii, Laba kale oo ka tirsan ehelkiisa ayuu sheegay inay ku qanciyeen ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab. Tiro saddex jeer ah ayuu sheegay inuu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeellada Hoose, wuxuu ugu kala dhiibayay qeyba ka mid ah xaafadda Towfiiq shaqsiyaad kale oo ay kuwada jiraan kooxda Al-Shabaab, carafaad iyo Suuqa xoolaha oo u ahayd markii seddaxaad ay suura-gashay inay qabtaan ciidamada amniga isagoo hub ku waday boorso uu watay. Hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay in eedeysane, Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) lagu soo qabtay; laba bastoolad, seddax qasnad iyo 23-xabo oo rasaas ah, kuwaasoo uu ku watay boorso uu xambaarsanaa. Dabayaaqadii bishii afaraad ee sannadkan ayaa loo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna xilligaas wixii ka dambeeyay ku gudo-jiray xafiisku dhamaystirka baarista kiiskan si cadaalada loo horgeeyo, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe. Xafisika xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda horgeeyay dambi muujinaya hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo boorsadii uu ku qarinaaye, qiraalka eedeysanaha iyo markaatiyaal ay ku jiraan ciidamadii amniga ee soo qabtay. Sidoo kale, Xafiiska ayaa ku dooday in eedeysanahu ahaa keyd haya hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Al-shabaab dilalka gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay kusoo eedeeyeen. Dhanka kale, Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku doodaya inuusan Maxamed C/llaahi geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn karin gacansiin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay eedeysanaha, waxayna garsoorka ciidamada weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa. Garsoorayaasha maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, iyadoo lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur [Shuute] guddoomiyaha mxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. Ugu dambeyn, Xukunka Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) oo dhacay maanta ayaa la sheegay inuu haysto fursad kale oo uu ku dalban karo rafcaan. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukun ku Ridday Ruux lagu eedeeyay Dambi Culus appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka u wakiishay doorashada Galmudug. Hay’adaha kala ee Galmudug ayuu faray iney sii wataan waajibaadkooda shaqo, balse arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka u wakiishay wasaaradda arrimaha gudaha. Xaaf ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo inta uu magaalada joogay la kulmay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, halka Ra’iisul wasaaraha uu kula soo kulmay magaalada Cadaado. Halkaan hoos ka akhriso qoraalka: Source: goobjoog.com
  15. MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Axmed Ducaale Geelle ayaa markii u horreysay shaaciyay inuu ogolaaday in XFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ay hoggaamiso geeddi socodka arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka maamulkaasi. War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in markii uu arkay qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka dowlad giboleedka Galmudug, baahida loo qabo in dadajiyo arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyo markii uu tixgeliyay xaaladda cakiran ee maamulkaasui uu go’aansaday in geeddi socodka doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta uu u wakiishay wasaaradda arrimaha Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article
  16. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-040719.mp3 View the full article
  17. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riddey shaqsi la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab, sidoo kalena u kala gudbin jiray hubka. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan lagu yiri: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary sanadkan kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka Dhagarta ah ku geystaan maleeshiyada. Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore, Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab. Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu ugu kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Maleeshiyada, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd markii sedaxaad ay suura gashay in ay qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday Boorsooyinka Xarragada. Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer). Bishii Afaraad dabayaaqadeedii ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay. Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay. Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa. Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan. Source: goobjoog.com
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Lugta dowladda General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahiyey howlgallo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Odowaa ayaa sheegay in ciidamadu ay weerareen saldhigyo Kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen agagaarka degmada Xudur ee gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaal xoogan labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi, islamarkaana ay guullo ka gaareen ciidamada dowladda. Taliyaha ciidanka Lugta ayaa intaasi ku daray in dagaalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo u badnaa Ajaaniib, inkastoo uusan shaacin tiradooda. Waxa kale uu xusay in qabsadeen hub iyo saanad ay Al-Shabaab uga tageen saldhigyadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xoogaga Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshii ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa gobollada Shebeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ka jiray xiisado dagaal oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Odawa.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  19. Over the past three months the authorities in Somaliland appear to have stepped up their attack on dissenting voices by shutting down media houses, arbitrarily arresting and prosecuting individuals perceived as critical of government policies and officials, Amnesty International said today. Source: Hiiraan Online
  20. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee shalay fagaare ku yaalla degaanka Xagar ee gobolka Jubada hoose, waxay ku toogteen 5 nin oo ay ku sheegeen basaasiin. Al-shabaab ayaa 5-ta nin ku eedaysay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka, waxaana dhammaantood lagu toogtay goob fagaare ah, kadib markii ay xukuntay maxkamadda Shabaab ee gobollada Jubbooyinka. Cismaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sano jir ah iyo Cabdikariin Mu’min Axmed oo da’diisu tahay 48 sano, ayaa Al-shabaab sheegtay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Halka Cumar xassan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sano jir ah iyo Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sano jir ah, ay Al-shabaab sheegtay in ay u shaqeynayeen C.I.A Maraykanka. Sidoo kale, ninka shanaad oo magaciisa Al-shabaab ku sheegtay Xassan Barre Isxaaq (Jiirow Barroow) da’diisuna tahay 35 sano jir, ayaa maxkamadda Al-shabaab sheegtay in lagu helay denbi ah in uu la shaqeynayey Sirdoonka dowladda Kenya. Maxkamadda Al-shabaab ma soo bandhigin wax caddaymo ama qiraal ah oo muujinaya in ragga la toogtay lagu helay denbiyadii ay ku eedaysnaayeen. PUNTLAND POST The post AL-shabaab oo dad ku laayay goob fagaare ah appeared first on Puntland Post.
  21. Eagan police were saying little Wednesday about gunfire exchanged the previous evening between officers and a domestic assault suspect who was shot to death. Source: Hiiraan Online
  22. Boeing is giving $100m (£80m) to help families affected by the two crashes of the company's 737 Max planes in Indonesia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa loo ogolaaday in ay qortaan dhalinyaro cusub oo Jaamciyiin ah iyo kuwa ka soo baxay Dugsiyada Sare, kuwaas oo loo diyaarinayo in ay noqdaan Sirdoonka Booliiska Soomaaliya iyo hey’adda NISA. Saraakiisha Booliiska iyo Nabad Sugidda ayaa sheegay in guulo wanaagsan ay soo hoyeen dhalinyaro dhowr boqol ah oo si tijaabo ah looga howlgeliyay hey’adda NISA islamarkaana ay si wayn uga soo muuqeyn dedaallada nabad-galyada Muqdisho lagu raadinayo. Xukuumadda Soomaaliya iyo Saraakiisha amaanka ayaa isku raacay in Booliiska loo sameeyo dhalinyaro sirdoon ah dharcad oo si gaar ah ula shaqeeya, waxaana dhalinyaradaas la sheegay in ay noqonayaan aqoonyahaano si niyad furan ah loo soo xulay. Talo aruurin la sameeyay ayaa lagu sheegay in la isku raacay in Xildhibaanada la siiyo fursad ah in ay soo xulaan dhalinyaro ay ku kalsoon yihiin oo aqoon leh, islamarkaana aysan noqon kuwa Balwad leh. Fursadaan lama siinin Xildhibaanada oo dhan balse waxaa la sheegay in la siiyay xubno kooban oo ku xiran Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Dowladda Qatar oo si tijaabo ah Barnaamijkaan uga fulisay Xafiiska NISA ayaa la sheegay in hadana si tijaabo ah dhowr boqol ugu qoreyso Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa aan badneen oo lagu biirinayo hey’adda NISA. Qatar ayaa la sheegay in ay bixin doonto Tababarka iyo xuquuqda kale ee Ciidamadaan waxaana la soo marsiin doonaa Xukuumadda Soomaaliya. Fursadaan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxaa loo arkaa in ay muhiim u tahay ammaanka magaalada Muqdisho oo hadda mararka qaar marti geliya dilal iyo Qarax. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. BEIRUT—Few world leaders are known to write poetry. Fewer still offer it up for public consumption. And almost none record their marital breakups in verse on their personal websites. Source: Hiiraan Online
  25. Wedged in the middle of chaos, bordered by the long-running instability of South Sudan to the northwest and Somalia to the east, the East African nation of Kenya is striving to maintain the feeble balance of welcoming refugees while securing their borders from the infiltration of terrorists. Source: Hiiraan Online