-
Content Count
208,861 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay iney xiriirka u jartay dalka Guinea, kadib markii sida ay sheegtay ku xad-gudubtay Qarannimada, midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo arrinkaas ka hadlayey ayaa intaasi ku daray “Waxaa soo badanayey dalalka xad-gudubyadaas sameynaya, waxaa la soo gaaray waqtigii aan adduunka u sheegi laheyn in dowladda federaalka ah iyo umadda aaney u dul-qaadaneyn faregelin lagu sameeyo qarannimada” Wasiirka oo shir jaraa’id oo xarunta wasaaradda ka dhacay ka hadlayey ayaa sidoo kale sheegay “Xukuumadda Soomaaliya waxay u taagantahay ilaalinta midnimada qarannimada Soomaaliyeed, go’aan kastana uu ku saleysan yahay u adeegga qarannimada Soomalaiya”. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu dalkaasi tagay todobaadkan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, loona soo dhoweeyey qaab heer sare ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday goor dhow inay xiriirka u jartay dalka Jamhuuriyadda Guinea kadib marti-qaadkii uu dalkaas u fidiyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib kulankii golaha wasiirada. Cawad ayaa Guinea ku eedeeyey inay ku xadgudubtay qarannimada Soomaaliya kadib markii sida madaxweyne dal oo kale ay usoo dhoweysay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqanaya magaalada caasimadda ah ee Conakry. Cawad ayaa sidoo kale dalalka kale uga digay inay ku xadgudbnaan qarannimada iyo midnimada Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in hadda kadib Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dalalka ku xadgudba qarannimada Soomaaliya ee mas’uuliyiinta gobollo ka tirsan Soomaaliya ula dhaqma sida hogaamiyeyaal dalal oo kale. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Fadhigii Khamiista Maanta ay yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa lagaga hadlay faro-gelin ay yeesheen in Soomaaliya ku hayso Arrimaha Somaliland. War-saxaafadeed laga soo saaray Fadhigii Maanta oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan “Kal-fadhigii 37-aad ee golaha wasiirrrada Jamhuuriyadda Somaliland, oo maanta oo ay taariikhdu tahay 04/07/2019, uu shir gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa warbiximo lagaga dhegaystay wasaarradaha, waxbarashada iyo sayniska iyo qorshaynta & horumarinta qaranka. laguna ansixiyey siyaasadda horumarinta ganacsatada dhexe iyo kuwa yaryar, Sidoo kalena baaq iyo digiin laga soo saaray. Ugu horayn wasiirka wasaarrada waxbarashada iyo sayniska ayaa warbixin golaha ka siiyey hawlaha wasaaradda iyo horumarka wasaaradu ku tallaabsatay, isagoo sheegay inay diirada saareen tayeynta waxbarashada iyo tababarada barayaasha, si loo horumariyo waxbarashada, wuxuuna tilmaamay inay wasaaradu kormeer joogto ah ka waddo goobaha waxbarashada, si kor loogu qaado kobaca waxbarashada dalka. Sidoo kale waxa uu xusay inay diyaariyeen xog ururinta waxbarashada waddanka iyo casriyeynta keydka manaahiijta qaranka. Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, ayaa golaha sharaxaad dheer ka siiyey hab maamulka iyo mashaariicda sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo (SDF), waxaanu ku dheeraaday ahmiyada weyn ee mashaariicda sanduuqaasi qaranka u leeyahay, isagoo sheegay inay si habsami ah guud ahaan dalka uga socdaan mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa (Somaliland Development Fund). Waxa kale oo goluhu ansixiyey siyaasadda horumarinta ganacsatada dhexe iyo kuwa yar yar oo ay soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga, wershedaha iyo dalxiisku. Golaha wasiirradu waxa ay fariin adag u dirayaan maamulka muqdisho oo marwalba ku foogan dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi oo muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland. Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd. Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer. Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda..” Source
-
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta shaaciyay jadwalka guud ee doorashada madaxtinimada Jubaland oo dhacaysa bisha Agoosto ee sannadkan. Guddiga ayaa sheegay in 16-ka bishan July ilaa 6-da bisha Agoosto ay socon doonto soo xulista xildhibaannada Baarlamanka Jubaland halka 16-ka ilaa 22 bisha July ay socon doonto diiwan-gelinta musharrixiinta doorashada madaxtinimada Jubaland. Diiwan-gelinta musharrixiinta guddoonka Baarlamanka ayaa iyana socon doonta 14_15 bisha Agoosto waxaan doorashada guddoonka Baarlamanku dhacaysa 18-ka bisha Agoosto ee soo socota sida ku xusan jadwalka. Guddiga ayaa mudda 15 cisho ah dib u dhigay doorashada madaxtinimada Jubaland oo dhici lahayd 15-ka Agoosto waxaana sida jadwalka ku cad ay doorashada madaxtinimada Jubaland dhici doontaa 30-ka bisha Agoosto ee socota. Halkan hoose ka akhriso jadwalka oo dhan PUNTLAND POST The post Jadwalka guud ee doorashada Jubaland oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa in cunuqabateyn ay ku soo rogto dalka Turkiga haddii dalkeeda loo daabulo gantaalaha difaaca Ruushka. Labada dal oo ka mid ah isbaheysiga Nato ayaa isku maandhaafay gantaalaha S-400 oo ruushka ka Iibiyay Turkiga. Maamulka Trump ayaa wacad ku maray in Turkiga uu cawaaqib xun uu la kulmi doono haddii dalkiisa uu ka laaban heshiiskan. Kadib kulankii G20 oo toddobaadkii hore ay Donald Trump Recep iyo Tayyip Erdogan ay isku arkeen ayaa Trump u sheegay in maamulka Ankara uu waajihi doono Cunaqabateyn. Source
-
London (Caasimada Online) – Amiirad Haya Bint al-Hussein oo ah xaaska amiirka Dubai Sheikh Mohammed Al Maktoum ayaa ka carartay seygeeda, ayada oo qaaday tallaabo aan caadi ka ahayn boqortooyada Imaaraadka Carabta. Amiiradda ayaa lagu warramayaa in iminka ay isku qarineyso guri ku yaalla magaalada London ee dalka Britain, sida la ogaaday. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa laga soo xigtay in amiiradda ay nolsheeda u cabsatay, maadaama ay isku diyaarineyso dagaal dhinaca sharciga iyo maxkamadda ah oo kala dhaxeeya ninkeeda, oo ay rabto inay iska furto.. Haya ayaa markii hore u baxsatay dalka Jarmalka horraantii sanadkan, ayada oo magangalyo doon ah, balse waxay kadib usoo wareegtay London, oo ay maxkamad kula kori doonto ninkeeda. Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum iyo Haya ayaa is-guursaday sanadii 2004, waxayna ahayd xaaskiisa lixaad. Amiirad Haya ayaa dhalatay bishii may 1974. Aabaheed waa boqor Xuseen-kii Jordan, hooyadeedna waa Queen Alia al-Hussein. Waxay jirtay saddex sano oo kaliya markii hooyadeed ay ku geeriyootay shil helicopter diyaaradeed. Waxay ku aabe tahay oo ay la dhalatay boqorka iminka ee Jordan, Boqor Cabdallah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Maamulka gobalka Banaadir ayaa maanta shaaciyey iney ku guuleysteen hirgelinta buugga caafimaadka ee ay isticmaalayaan dadka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraamih Mahad-alle oo arrinkan ka hadlay aya sheegay in baahida buuggana ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, qiimahana uu yahay $10, lagana qaadan karo goobaha tikityada laga bixiyo ama garoonka. Arrintan waxaa taageeray ganacsatada diyaaradaha iyo culimo, iyaga oo sheegay in soo-celintiisa ay ka dhigantahay soo-celinta dowladnimada. Dhanka kale, mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah oo aan dooneyn in magaciisa la xuso, lana hadlay Goobjoog News ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tilaabada gobolka Banaadir isaga oo intaa raaciyey iney tahay garab marid lagu sameeyey howlaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federalka ah, sharci-darro ah, halisna ku tahay nidaamka caafimaadka Soomaaliya. “Buuggaas wasaaradda caafimaadka kama warqabto, talaal aan shahaado dowladeed wadinin sidee loo hirgelinayaa, dadka yaa kontoroolaya, yaase baaraya, oo xaqiijinaya caafimaadkooda, shahaadana bixinaya, arrintan waa khatar, waana mid ka hor imaaneysa nidaamka caafimaadka dalka”. Mas’uulka oo sii hadlaya ayaa sidoo kale ka hadlay, “Haddii gobolka Banaadir uu sidaasi sameeyo, sow gobollada iyo dowlad goboleedyada midkooda ma sameysan doonaan, taasi waxay abuureysaa fowdo iyo in meesha laga saaro kaalinta wasaaradda caafimaadka ee si qaran, oo mid ah umadda loogu adeego, loona siiyo adeeg caafimaad oo qaran, oo isku mid ah, gobolka uu rabo ha joogee”. Goobjoog News waxaa ay la xiriirtay gobolka Banaadir, laakin uma suuro-gelin ayey ka helaan wax faahfaahin ah, oo la xiriira jawaabta wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ubax Axmed Xirsi waa hooyada dhashay gabar yar oo lagu magacaabi jiray Najmo Cabdulqaadir Xassan taasi oo u geeriyootay kufsi bil ka hor loogu geystay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Ubax oo maanta warbaahinta kula hadashay gudaha degmada Buurinle ayaa sheegtay in ay caddaymo u hayso saddex nin oo ku eedaysan kufsiga gabadheeda waxaana ay maxkamadda Garoowe ka codsatay in gabadheeda oo sida ay sheegtay agoon ahayd caddaalad loo sameeyo islamarkaana sharciga la mariyo eedaysanayaasha. Sidoo kale Ubax ayaa sharraxaad hor leh ka bixisay sida loo kufsaday gabadheeda iyo caddaymaha ay u hayso saddexda eedaysane ee lagu tuhmayo in ay kiiska geysteen. Hoos ka daawo Hooyada dhashay gabadha yar Dhinaca kale ku xigeenka Xeer- ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax oo maalmo ka hor idaacadda Radio Daljir ka wareysatay kiiskaasi ayaa sheegay in ehelada gabadha la kufsaday ay hay’adaha caafimaadka iyo laamaha baarista ee dowladda Puntland la soo xiriireen bil kadib kufsigeeda iyadoo uu baaba’ay raadkii kiiska. Xareed ayaa ehelada gabadha ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin in la waayo raadadkii Kiisa kufsigaasi maadaama sida uu sheegay bil kadib aysan laamaha baaristu heli Karin caddaymaha kiis duugoobay oo mar hore dhacay. Halkaan ka daawo wareysiga Xareed PUNTLAND POST The post Hooyada dhashay gabar lagu kufsaday Buurtinle oo sheegtay in ay caddaalad weyday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya ayaa ka Faallooday socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku joogo dalka Guinea ee ku yaalla galbeedka Afrika, oo uu martiqaad ka helay Madaxweyne Alpha Conde. Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay Telefishanka K24 TV oo laga leeyahay dalka Kenya, waxaanu booqashada madaxweynaha Somaliland ee Guinea ku sifeeyey “Tallaabo kale oo Somaliland u qaaday dhinaca diblomaasiyadda.” Kenya 24TV wuxuu intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Muuse Biixi uu calaamad dhab ah u yahay sida dalalka Afrika u aqbalayaan inay Somaliland la yeeshaan cilaaqaad Ganacsi iyo dhaqaale oo koraya. Telefishanku wuxuu iftiimiyey in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Alpha Conde ay ballanqaadeen inay raadinayaan sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen iskaashigooda dhinaca ganacsiga. K24TV wuxuu sheegay inay Somaliland horusocod ka sameysay qaddiyadda Ictiraaf raadinta, iyadoo ku tallaabsatay inay fursado ganacsi la yeelato dalalka Afrika, waxaanay aaminsan tahay in Somaliland oo ganacsi la yeelata dalalka Afrika iyo kuwa caalamkuba ay faa’iido u leeyihiin xoojinta ammaanka, horumarka iyo xasiloonida. Telefishanku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku soo baxay doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana awoodda la iskugu wareejiyey si nabadgelyo ah. Waxa kaloo K24TV sheegay in dawladda Kenya ay u heellan tahay inay iskaashi ganacsi la yeelato Somaliland oo ay ka joogaan 10 kun oo Kiiniyaan ah oo u shaqo tagay markii ay arkeen ammaanka ka jira Somaliland u safray si ay shaqo uga raadsadaan. Ugu dambayn, waxa Telefishankaas Kenya uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu 18kii bilood ee uu xilka hayey uu booqasho ku tagay saddex dal oo Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Jabuuti iyo Guinea,kuwaasi oo ay la leeyihiin xidhiidho kala duwan. Waxa kaloo Telefishanku ka hadlay khayraadka kala duwan ee ay leedahay Jamhuuriyadda Somaliland sida shiidaalka, macdanta iyo Xoolaha. Cumar Maxamed Faarax Source
-
Over the past three months the authorities in Somaliland appear to have stepped up their attack on dissenting voices by shutting down media houses, arbitrarily arresting and prosecuting individuals perceived as critical of government policies and officials, Amnesty International said today. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Iran)-Gabadha Heesaaga ah ee Joss Stone ayaa laga Mastaafuriyey Dalka IRAN, sida ay ku sheegtay Muuqaal ay ku baahisay Instagram. Joss Stone oo u dhalatay Dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho ku joogtay IRAN, balse si furan ugamay dhex muuqanin Dalkan oo qayb ka ah Dalal Caalamka ah oo ay Dalxiis ahaan ku tagayso Fannaanadu. IRAN ayaa ahayd halkii u dambaysay ee ay tagto Fannaanaddu, waxayse sheegtay markii ay gaadhayba in la xidhay, laguna daray Liiska Madow (Dadka aan tagi karin IRAN), lana kala dooransiiyey inay sii xidhnaadaan iyada iyo Kooxda la socotaa iyo in la mastaafuriyo. “Shaqsi ahaan, kumaan fikirayn inaan geli doono Xabsiga Iiraan..” ayay tidhi Stone Source
-
Nin Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacay Maraykanka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT- Minnesota)-Booliska magaalada Eagan ee Gobalka Minnesota ee dalkaasi Maraykanka ayaa sheegay in nin Soomaali ah lagu dilay toogasho fiidnimadii xalay ka dhacay magaaladaasi. Marxumka la dilay oo la odhan jirey Isaaq Cabdiraxmaan Aadan ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Is-rasaasayn dhex martay isaga iyo xubno ka tirsan Booliska. Sida laga soo xigtay Baadhayaasha waxay sheegeen inay saraakiisha toogteen Marxuumka, xilli ay baacsanayeen, isago oo watay qori, waa sida ay hadalka u dhigeen. Saxafi ka tirsan Warbaahinta KSTP ayaa sheegay inuu arkay Saraakiisha Booliska oo isku gedaamay halkii uu ku sugnaa Marxuumka, lana toogtay, markii uu diiday inuu qoriga iska dhigo. Taliyaha Booliska ee magaalada Eagan, Roger New ayaa isaguna sheegay inay dhowr saacadood isku tijaabinayeen inay Marxuumka wada-xaajood la galaan, balse ay ku guul-daraysteen. Si kastaba ha ahaatee, Marxuumka oo 23-jir ahaa ayaa la sheegay inuu dhaawacyadii soo gaadhay ugu geeriyooday Cisitaalka Regions Hospital. Source -
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay gudbisay dacwad ka dhan ah talaabadda ay Xukuumadda itaalka daran ee Soomaaliya ay ku sheegatay inay Hay’adda ICAO kala wareegtay maamulkii hawadda ee Soomaaliya iyo Somalilan-ba. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA ayaa soo xigatay Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa Uganda, oo maanta daabacay in Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar uu xaqiijiyey in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay dacwad u gudbisay UN-ka, maadaama oo uu hore u jiray heshiis la kala saxeexday oo ku wajahnaa maamulka hawadda oo hore Somaliland iyo Soomaaliya ugu kala saxeexdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, hase ahaatee ay heshiis jabisay Xukuumadda Muqdisho. Waxa kaloo danjire Baashe intaas ku daray in aanay Hay’adda maamulka hawadda u qaabilsan Qarammada Midoobay ee ICAO aanay fulinin heshiiskaas jiray ee jidaynayey in wadajir loo wada maamulo isla markaana ay gacanta ku hayso Hay’adda ICAO. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xarigii loo geystay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii qaabilsanaa Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International. Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inay Mas’uuliyiintaas soo xirtay CID-da ayna ku jiraan gacanta Dowladda. Bariise ayaa sheegay inay Mas’uulyiintaas xabsiga la dhigay kadib markii uu sheegay ay heleen xog ku saabsan musuq maasuq ay ku kaceen. Dadka la xiray ayuu sheegay inuu isugu jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiil kamid ah Ciidanka Booliska Qeybta Canshuuraha. Taliyaha ayaa xusay inuu baaritaanka ku socdo Mas’uuliyiintaas isla markaasna natiijadii kasoo baxdo loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh qaadista eedeymaha musuqa la xiriira ee lagu heysto. Taliyaha waxa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Canshuurta ay shacabka masaakiinta iyo ganacsatada kala duwan bixiyaan in shaqsi si gaar ah uu u isticmaalo taasna ay ka dhallan doonto in Maxkamad la isisoo taago. Bariise waxa uu sheegay in Shacabka Canshuuraha ay bixinayaan ay ugu tala galeen in ay ku kabaan dowladda si dalka uu u hormaro balse aanan la aqbali karin in shaqsiyaadiki lagu aaminay ay ku tagri falaan lacagahaasi Canshuuraha ah oo ay bixiyeen Shacabka. Mas’uuliyiinta falkaan musuq maasuqa u xiran oo aan dhawr jeer warbixino idinkaga soo gudbinay ayaa la sheegay inay yihiin illaa 9 waxaana noo suurtagashay inaan helno mgacyada iyo xilalka qaar ka tirsan oo kala ah: Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo , ayaa markii ay gaareen Dhuusamareeb waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre oo degaannada Galmudug u jooga socdaal uu ugu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u diyaar garowga loogu jiro doorashada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo, ayaa Dhuusamareeb u gaaray in ay la socdaan hannaanka ay u socdaan dedaallada loogu diyaar garoobayo dhismaha iyo dhammaystirka hay’adaha Dowlad Gobaleedka Galmudug. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo Dhuusamareeb ku qaabilay Wakiillada Midowga Afrika iyo IGAD appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah Ururka Midowga Africa ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Madeira ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaya Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Dr. Maxamed Cali Guyo iyo mas’uuliyiin kale. Wafdigan waxaa garoonka magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay wasiirada arrimaha gudaha, amniga iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug. Intaasi kadib waxaa mas’uuliyintaasi loo oo galbiyay gudaha Dhuusamareeb, gaar ahaan halka uu ka dagan yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Khayre iyo wafdigan ka socda IGAD iyo Midowga Africa ayaa yeeshay kulan gaar ah oo qaatay saacado badan. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee Galmudug, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan halkaasi. Shalay ayey aheyd markii Beesha Caalamka ay war ka soo saartay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, kaas oo lagu soo dhaweeyay dadaalada dib u heshiisiineed ee maanulkaasi. Isbedallo xoog leh ayaa ka dhacay Dhuusamareeb, tan markii dowladda federalka Soomaaliya ay wafdi u dirtay magaaladaasi, kuwaas oo guullo ka gaaray wada-hadallo ay la yeesheen Madaxda sare ee Ahlu-Sunna iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ayaa saaka si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo. Labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo. sidoo kale Madaxweynaha waxaa bartamaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay boqolaal dadweyne ah. Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland oo Saxaafada kula hadlay Aqalka Martida ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay Dalka kenya uu ahaa mid shaqo oo halkaas uu kula kulmay Xubnaha beesha Caalamka ee tageera Soomaaliya isla markana uu kala hadlay sidii tageerada ay siiyaan soomaaliya ay usii labo jibaari lahayeen. Dhinaca kalana Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu la kulmay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee halkaas ku nool gaar ahaan odayaasha iyo dadka waxgaradka ah. Madaxweyaha oo ka hadlay arimaha doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay si wadajir ah in loogu dadaalo sidii nabadgalyo iyo daganaan ay ugu dhamaan lahayeen howlaha la xiriira doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha isla markana looga danbeeyo gudiga xuduudaha iyo Doorashooyinka oo howshaas gacanta ku haya. Dadweynaha ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan oo midnimadooda ay adkeeyaan si howlaha la xiriira doorashooyinka aanay u khalkhal galin nabadgalyada iyo Nolosha dadweynaha. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in xoraynta dalka ay tahay masuuliyad la wada leeyahay gaar ahaan Jubbaland ayuu sheegay in dhankeeda ay diyaar u tahay sidii howlgalo midaysan loo qaadi lahaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo si weyn loogu soo dhoweeyay kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna. Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca. Waxaa haatan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka soconaya qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu diiwaan gelinayo Ciidanka Alhu Sunna. Taliyaasha Ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ee ahaa in la Qarameeyo Ahlu sunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga gun gaaraan, si loogu diyaar garoobo xoreynta degaannada ay haraadiga Al-Shabaab uga suganyihiin Galmudug. PUNTLAND POST The post Ahlu Sunna iyo dowladda oo ku heshiiyay in si dhakhso ah loo diiwan-geliyo ciidamada Ahlu Sunna appeared first on Puntland Post.
-
The Somali military court in Mogadishu has on Thursday sentenced 15 years jail term to convicted al-Shabaab operative in Mogadishu. Mohamed Abdullahi Mohamed was found guilty of being an al-Shabaab member when he was arrested. The terrorist identified as Ali Mohamed Abdullahi was apprehended by security forces back in May in Mogadishu. Mohamed who joined the group in August 2018 has been operating in the Somali capital, Mogadishu to execute the group’s plans. The court said the convict was the responsibility for transportation weapons and delivering guns to the group’s assassins in the city. During his stay in Mogadishu, he Was operating in Arafaad, Suqa-holaha and Towfiiq neighborhoods. According to the prosecution’s case, the suspect confessed that he had fought alongside the group in several clashes with the army. The military court often carries out sentences and executions to Al-Shabaab fighters and government soldiers who commit crimes despite condemnation from human rights groups including the European Union. View the full article
-
A court in Nairobi has sentenced one man to life in prison and two others to 41 years for abetting the second deadliest attack in the country’s history. The 2015 attack at Garissa University left at least 148 dead. Three men found guilty last month of being members of the al-Shabaab terror group and accomplices in the second-deadliest attack in Kenyan history were given long prison sentences in a Nairobi court on Wednesday. Rashid Charles Mberesero, a Tanzanian who represented himself before the court, was given life in prison, while Mohamed Ali Abdikadir and Hassan Aden Hassan, both Kenyan, were each sentenced to 41 years in prison. The men were found to have been in constant telephone contact with four attackers before they rounded up students and faculty at a university in the city of Garissa in the early morning hours of April 2, 2015, shooting those who were not Muslims. The gunmen were killed by security services, but not before they had executed at least 148 people. Mberesero’s longer sentence was attributed to the fact that he was found hiding at the university during the time the attack took place, whereas the others were off-site. Mbugua Mureithi, a defense lawyer for Abdikadir and Hassan argued for lighter sentences for the two, saying, “These men were not at Garissa University on a fateful day, they never pulled the actual triggers of the actual guns.” But relatives of the victims, such as Duncan Kandie, whose sister was killed in the attack, said the men were no different than the gunmen: “They killed her and they killed many others. They are terrorists, and terrorists have no place in society. Let them rot in jail.” Another relative whose brother was killed in the attack said they should have been hanged. Kenya does have the death penalty, though it has not executed anyone since 1987. Mohamed Mohamud, a former teacher at a Koranic school in Garissa, and suspected of being behind the university attack, was killed by US forces in Somalia in 2016. Deadly neighbors with an axe to grind The men were members of al-Shabaab, a Somali-based terror group with links to al-Qaeda. Al-Shabaab regularly launches attacks in neighboring Kenya in retaliation for Nairobi’s involvement in an African Union operation that drove the group out of the Somali capital Mogadishu in 2011. Though al-Shabaab only controls small pockets of countryside in Somalia, it remains committed to overthrowing the internationally backed government in Mogadishu. The group was responsible for the 2013 Westgate Shopping Mall attack in Nairobi, which killed 67 people, and a January attack on a luxury hotel in Nairobi that killed 21. The deadliest attacks to ever take place on Kenyan soil were carried out by al-Qaeda on August 7, 1998. In all, 224 people were killed in nearly simultaneous truck-bomb attacks on the US embassies in Nairobi, and Dar es Salaam, Tanzania. View the full article
-
PRESS RELEASE Migrants Preparing to Return Home With IOM’s Assistance Among Casualties of Libyan Detention Centre Airstrike IOM continues to call for an end to the arbitrary detention and reminds all parties that civilians are not a target TRIPOLI, Libya, July 4, 2019/ — An airstrike on Tajoura detention centre in Libya late Tuesday night killed at least 44 migrants and injured more than 130 others including some registered with IOM’s Voluntary Humanitarian Return (VHR) programme, several of whom were scheduled to return home in the coming days. “Innocent lives were lost in last night’s attack, and immediate action is needed from all sides,” said IOM Libya Chief of Mission Othman Belbeisi. “The suffering of migrants in Libya has become intolerable. It must be clear to all that Libya is not a safe port and that thousands of lives remain at imminent risk.” One hundred and eighty-seven of the more than 600 detainees from several countries were registered for VHR. Immediately following the attack, IOM doctors and nurses arrived at the detention centre accompanied by ambulances responding to the tragedy that destroyed the hanger where 180 male migrants were detained. IOM doctors provided assistance to people at the scene, referred those with severe injuries, some needing urgent surgical interventions, to clinics and continue to follow up on their cases today. The teams managed to locate a group of injured migrants who left Tajoura after the attack in the surrounding neighborhood and transferred them to hospital for further treatment. As night falls in Tripoli an estimated 250 migrants, many of them women and children, remain at the detention centre. IOM continues to call for an end to the arbitrary detention and reminds all parties that civilians are not a target. While the humanitarian situation in the capital Tripoli worsens for all civilians, some 3,300 migrants who remain detained in similar centres are considered at-risk. Distributed by APO Group on behalf of International Organization for Migration (IOM). SOURCE International Organization for Migration (IOM) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay tan iyo burburkii kadib sameyey buugga caafiimadka, kaas oo ay qadan doonaan muwaadininta ka dhoofaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ee Muqdisho ee aadaya dalka dibadiisa. Kulanka xalay ka dhacay magaalada caasimada ee Muqdisho ayaa waxaa loogu hadlay arrinta buugga caafimaadka iyo faa’iidiyoonka uu u leyahay muwaadinin ta Soomaliyeed in ay qaataan. Buugan ayaa waxaa hirgeliyay waaxda caafimaadka dowladda hoose ee maamulka gobolkan Banaadir. Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolkan Banaadir Ibraahim Cumar (Mahad-Alle) ayaa sheegay in buugga marka hore lagu bilaabayo dadka sanadkaan aadaya xajka, isla markaana qof walba oo soomaali ah una dhoofaya dalka dibadiisa laga doonayo in uu qaato. Sidoo kale, guddoomiye ku-xigeenka waxaa uu sheegay in buugaasi laga qaadan karo goob kasta oo tikid ka laga jaro, isla markaana qiimihiisu uu yahay $10 dollar, waxaana uu sheegay in buugaas loo sameeyay codsi ka yimid shacabka gobolkan Banaadir. Arrintan ayaa dadka qaar u arkeen mid yaab leh, ayaga oo is-weydiiyey sababta qof dhoofaya buuggan looga rabo, maadaama inta badan la weydiiyo dadka dalka soo galaya, sida caalamka caadi ka ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Hoos ka dhageyso codka Mahad-Alle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Gobolka.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com