-
Content Count
208,861 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha weeraro is-xigay oo maanta lagu qaaday tahriibayaal ajnabi ah oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Weerarada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa lala beegsay Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugnaa magaaladaasi. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay waddada laamiga ee soo gasha Boosaaso, kaas oo lagu beegsaday gaari ay la socdeen dad tahriibayaal ah. Sidoo kale weerar labaad ayaa ka dhacay gudaha magaalada, kaas oo isna lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen tahriibayaal kale. Ugu yaraan labo qof oo ay mid ka mid tahay haweeney ayaa ku dhintay weeraradaasi, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen idaacadda VOA. Dadka ku dhintay weeraradan iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa dhammaan ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa weeraradaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland. Shalay ayey aheyd markii iska hor imaad u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ilaalo u ah kooxaha wax tahriibiya uu ka dhacay deegaanka Mareero ee gobolka Bari. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa soo saarey Jadwalka Doorashadda Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka maamulkaasi oo loo mudeeyay 24-ka bisha Agoosto ee sanadkan 2019. Hoos akhriso war-saxaafadeedka guddiga View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Xeer Madaxweyne, Lr-39, ee Luulyo, 03, 2019, ku Aasaasay Wakaaladda Biyaha iyo Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub. Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo horumarinta Biyaha iyo Korontada. Wuxuu xeeriyey: Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Biyaha Dowladda Puntland. Waxaa la Aasaasay Wakaaladda Korontada Dowladda Puntland. Waxay labadaas Wakaaladood siyaasad ahaan hoos tegayaan Wasaaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo sameeyay wakaalado cusub appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo, ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo , ayaa markii ay gaareen Dhuusamareeb waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre oo degaannada Galmudug u jooga socdaal uu ugu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, sal adag, kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Wakiillada midawga Afrika iyo IGAD u qaabilsan Soomaaliya, ayaa boqgaadiyay dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu horumuudka u yahay ee dib-u-heshiiniista, dib-u-dhiska, u diyaar garowga loogu jiro doorashada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo qorshaha dib-u-habaynta Ciidanka. Francisco Madeira iyo Mohamed Ali Guyo, ayaa Dhuusamareeb u gaaray in ay la socdaan hannaanka ay u socdaan dedaallada loogu diyaar garoobayo dhismaha iyo dhammaystirka hay’adaha Dowlad Gobaleedka Galmudug. View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-38, ee Luulyo, 03, 2019, ku baabi’iyey Hay’adda “PSAWEN” iyo wareejinta Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February 10, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Wuxuu xeeriyey: Waxaa la baabi’iyey Hay’addii Biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah (PSAWEN). Waxaa Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka laga dhigay waax ka mid ah waaxyaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Baabi’iyey Hay’addii PSAWEN appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Kharaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan. Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo. Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumo ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawgu uga suganyahay dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayeesheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-04072019.mp3 View the full article
-
Gini (Guinea Conakry) waa Albaabka iyo Daaqadda uu Ruushku kasoo galo Qaarada Africa, xidhiidhka Ruushka iyo Guinea waxa uu soo jiray muddo 60 sano ah, xidhiidhkooga diblomasiyadeed wuxu soo taxnaa tan Iyo xilligii Midowgii Soviet-ka Xidhiidhka Ruushka iyo Guinea wuxu samaysmay kadib markii dalkan ku yaala Galbeedka Africa uu xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyay Dawladii France oo ah Wadankii gumaystay waxaana xidhiidhkoogu si wayn u xumaaday xilligii ay Dalalkaas kala hogaaminayeen de Gaulle iyo Sekou Toure Kadib markii dalkan Guinea uu ka baxay france-ku wuxu galay xaalad adag oo dhaqaale iyo musallaf baahsan maadaama uu ahaa wadan curdin ah, xilligaas waxa u gacan haadiyay oo god kasoo saaray Midowgii Soviet oo taagero laxaad leh u fidiyay dalkan yar ee curdinka ah, wuxuna ka mid noqday dalalkii ay ka hirgashay aragtidii Gooni-goosadku Dalkan sidoo kale waxa saamayn ku yeeshay loolankii Dagaalka Qabow ee dunida soo maray, mar walbana wuxu ahaa saaxiib dhow oo Ruushku ku leeyahay Qaarada Africa Xilligan danbe iyo xidhiidhka Russia iyo Guinea Ruushku wuxu taageero dhinacyo badan ah ka taageeraa Guinea sida Security-ga, Waxbarashada, Kabayaasha Dhaqaalaha, kallumaysiga, Caafimaadka, Difaaca, Macdanta Tamarta iyo meelo badan oo kale, Dalkani waa dalka ugu badan u loosoo dhoofiyo waxsoosaarka Ruushka ee Qaarada Africa yimaada Maalgalinta tooska ee Ruushku dalkan galiyay 2-dii sano ee u danbeyay waxay kor u dhaaftay $300M waxa uu ka hirgaliyay mashariic dhanka Wadooyinka, Dakadaha iyo Khadadka Tareenka ah Shirkadaha ugu waawayn ee Ruushka ee farsameeya Macdanta iyo Aluminium ayaa xarumo ku leh dalkan maadama Guinea ay qani ku tahay macdanta (bauxite) oo ay tahay dalka ugu wayn ee laga helo Adunka oo dhan Dalkan oo kaso kabanaya riiqdii ay tageen dagaalo dalka ka dhacay, sidoo kale waxa saamayn xoogani kasoo gaadhay dhanka Caafimaadka, 2013kii dhamadkiisi waxa dalka ka dilaacay Cudurka Ebola isagoo ahaa dalkii u horeeyay ee Bariga Africa ku yaal e Cudurkani ka dilaaco Ruushka ayaa ahaa dalkii taagerada ugu badan u fidiyay, wuxu Gueine Ruushku ka saaciday Guinea ladagaalanka cudurkan, sidoo kale wuxu maalgalin badan ku bixiyay xarumo Cilmi baadhis Caafimaadka ah oo laga hirgaliyay Guinea (epidemiology and microbiolgy Clinic Centres) si Cudurka Ebola dalka looga tirtiro Ruushku dalkan wuxu sanad walba ugu deeqaa in ka badan 2000 shaqaale xirfadle kuwa Dowalada ah oo deeqo loo geeyo Ruushka Madaxwaynaha Guinea Alpha Conde oo sanadii 2017ka soo noqday Gudoomiyaha Midowga Africa, mudadii uu xilkaa hayay wuxu safaro aan kala joogsi lahayn ku tagayay Ruushka, mudadaasna wuxu soo xerogaliyay Maalgalin toos ah oo Ruushku ku bixiyo Qaarada Africa oo qadarkeedu dhamaa $20 Billion, qayb badan oo maalgalintaas kamid ah waxa gaar u helay dalkiisa Guinea. Suragal ma tahay in Ruushku qayb ka ahaa martiqaadka Gueine ay ku casuuntay Somaliland? Dalka Guinea oo dhaca Galbeedka fog ee Qaarada Africa xubina ka ah Ururka Midowga Wadamada Galbeedka Africa (The Economic Community of West African States) Wuxu saamayn togan ku leh yahay midowgaas Sidaas oo ay tahay hadana ma jirin waligeed xidhiidh Diplomacy, Saaxiibtinimo, Dhaqan Bulsho iyo Dhaqaale toona oo ay Somaliland wadagaan, hadana marka laga shidaal qaato qaabka soo dhawaynta iyo meeqaamka lagu qaabilay Madaxwaynaha Somaliland oo aan haysan Ictiraaf Rasmiya waxay dhalisay su’aalo badan oo arintan la iska waydiin karo madaama xogta safarkan ay aad u adagtahay sida loo helaa Rushka oo ah saaxiibka ugu dhow ee Guinea ku leedahay Qaarada Africa waxa marmar badan la maqlay hadal haynta ku saabsan xiisaha uu u qabo inuu Saldhig Ciidan ka dhigto Jasiirad la moodka Saylac ee Badwaynta Somaliland. Arinta ah in Ruushku danaynayo in uu Saldhig Military ka dhigto Magaalada Saylac ayaa la kowsatay oo si xoog ahna ay hadal haynteedu usoo baxday intii uu xilka qabtay Madaxwayne Biixi oo Afka Ruushkana ku hadlaa, arintan oo la sheegay inay Somaliland ka dhago adeegtay muddo dhowr jeer ah. Marka loo eego booqashada Biixi ee xilligan ee Dalka Guinea oo ah arin ugub ku ah siyaasada Arimaha Dibada ee Xukuumada Madaxwayne Biixi iyo saamaynta uu dalka Ruushku ku leeyahay Dalkaasi Guinea ayaa abuuri karta tuhuno ah in Ruushku wax ka ogaan karo booqashadan hadii aanu Rushka laftiisu kaba shaqayn booqashadan, waase arin soo bixi doonta markii ay noqotaba. Boowe maxaa kuu baxay? W/Qoray Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga jadwalka doorashada madaxtinimo ee Jubbaland oo qeexaya habka iyo xilliga doorashada. Guddiga ayaa shaaca ka qaaday jadwalka xilli madaxweynaha musharraxa ah ee uu waqtiga kasii dhamaanayo ee Jubaland Axmed Madoobe uu maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaayo. Sida ku cad jadwalka, soo xulista iyo soo gudbinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ayaa bilaaban doonta inta u dhaxeysa 16 July illaa 6 bisha Agosto ee soo socota. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa la waqtiyeeyey inay dhacdo18-ka bisha Agosto. Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee sida aadka ah loo sugayo ayaa taariikhdeeda lagu asteeyay inta u dhaxeysa 24 Agosto illaa 30 Agosto ee sanadkan. Qaar ka mid ah musharrixiinta la tartamaya Axmed Maxamed Islaan oo hadda xilka hayaayaa horey walaac uga muujiyey hannaanka doorasho ee Jubbaland iyo soo xulista baarlmaanka dooran doona madaxweynaha. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa Dib u fasaxday shir hargeysa ka socday oo ay hore u joojisay. Haayada Somalia stability fund (SSF) ayaa shir sanadle ahaa oo ay ku qabsan jirtay Hargeysa ay xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaarada qorshayntu ay ka joojisay kowdii bishan todobaad markii uu hal maalin uun shirkaasi socday. Shirakan oo haayada u socon lahaa mudo sadex maalmood ah ayaa ay wasaarada qorshayntu sheegtay in aanay ka diiwaangashanayn Somaliland, isla markaana aanay haysan ogolaansho ay shirarka noocan ah ay kaga qabtaan Somaliland, waxaana ku saxeexnaa qoraalka diidmada ah ee haayadan lagaga joojiyay shirka wasiir ku xigeenka wasaarada qorshaynta Xuseen Ibraahim Buuni. Hase yeeshee go’aankan xukuumada ayay soo faragaliyeen haayadaha qaadhaan bixiyayaasha Somaliland taageera, faragalintaas oo sababtay in shirkii uu dib uga furmo hotel Ambassador magaalada Hargeysa, balse xukuumada Somaliland ayaana ka hadlin wali shirkaas ay joojisay iyo sababta ay dib ugu fasaxday. Source
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-37, ee Luulyo, 03, 2019, magaca kaga bedelay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February, 03, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta loo bedelay magac cusub oo ah Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Caddaalada Dowladda Puntland oo magaca laga beddelay appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii Talaadadii gaaray Caasimada dalka Jamhuuriyadda Gini ee bariga qaaradda Afrika. Madaxweyne Biixi aya marti-qaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, si ay uga wada-hadlaan xiriirka labada dhinac. Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa sii diiran u soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini Mudane Mamadi Toure. Wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi ayaa shaaca ka qaaday ujeedka rasmiga ah ee uu la xiriiro socdaalkaasi uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalka Gini. Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada ayaa si wada-jir ah u sheegay in ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi uu yahay sidii ay Somaliland u xoojin lahayd xiriirka dalalka galbeedka Afrika iyo weliba sidii ay dalkaas uga baran laheyd cashar ku saabsan qaabka uu u casriyeeyay dhaqaalihiisa. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in labada wadan ay ka wada-hadli doonan arrimaha danaha guud inta ay joogan dalka Guinea. Wasiir maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa isaguna waxa u sheegay in socdaalka Madaxweyne Biixi ee dalka Guinea uu yahay sidii ay Somaliland dalkaas uga soo baran lahayd qaabka ay Guinea u casriyaysay dhaqaalaha, gaar ahaan qaybta macdanta. Socdaalkan Madaxweyne Biixi ayaa muujinaya sida ay Somaliland u kobcinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, taasi oo ay muddooyinkii la soo dhaafay sare u qaadeysay xiriirkeeda arrimaha dibadda, iyada oo si toos ula fal-galeysay wadamo badan oo ku yaalla qaaradda Africa. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Kharaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan. Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo. Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumo ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawgu uga suganyahay dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si rasmiya u bilwoday diiwan-gelinta ciidanka Ahlu sunna appeared first on Puntland Post.
-
Somalia has announced the severing of diplomatic ties with West African country Guinea. The decision was announced in Mogadishu today after a cabinet meeting. The development is linked to relations between Guinea and Somaliland – the semi-autonomous region of Somalia. Leader of Somaliland flew to Conakry earlier this week according to officials on an official invitation from the president of Guinea, Alpha Conde. Foreign Minister of Somalia Ahmed Isse Awad whiles announcing the decision also cautioned other countries against violating the sovereignty and unity of Somalia. Formerly a British protectorate, Somaliland merged with former Italian Somaliland in 1960 to create Somalia. But it seceded and declared itself independent in 1991 as Somalia plunged into chaos after the fall of autocrat Siad Barre. Somaliland has been pushing for independence ever since. It has its own government based in the self-appointed capital of Hargeisa, its own army and prints its own currency. It is also considered much more stable than the rest of Somalia, which is plagued by clan disputes, corruption and a violent insurgency waged by the Al-Shabaab militant group. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shaacisay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dalka Guinea. Xukuumadda federaalka ayaa ku eedeysay wadankaasi Galbeedka qaaradda Afrika ku yaala in uu ku xadgudbay madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya. Wadanka Guinea ayaa waxa uu todobaadkan soo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo soo dhaweyn diiran la kulmay. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad, oo warkan ku dhawaaqey, ayaa sidoo kale wadamada kale uga digay talaabooyinka noocaan ah. View the full article
-
‘Djibouti parliament built with Iranian fund, debts unpaid’
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Many foreign governments and purchasers are in debt to the Export Guarantee Fund of Iran (EGFI), including Djibouti that its parliament has been financed and constructed by Iranians, the EGFI chairwoman has said. Source: Hiiraan Online -
Somalia has announced the severing of diplomatic ties with West African country Guinea. The decision was announced in Mogadishu today after a cabinet meeting. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirkii deblomaasiyeed u jirtay dalka Guinea-Conakry oo dhaca galbeedka Qaaradda Afrika kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu casumaad ka helay madaxda dalkaasi. Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay dowladdu ay xiriirka u jartay dalka Guinea-Conakry ee ku yaalla galbeedka Afrika kadib markii uu ku xadgudbay Qarannimada iyo wada-jirka jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhinaca kale Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta shirkoodii Khamiislaha ka digay tallaabooyin ay sheegeen in ay qaadday dowladda Soomaaliya oo khatar gelin kara amniga Mandiqadda islamarkaana qalalaase ka abuuri kara Geeska Afrika sida ay hadalka u dhigeen. “Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer” ayaa lagu yiri qoraalka. Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee wasiir Cawad PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo xiriirka u jartay dalka Guinea-Conakry appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xidhiidhka u jareen dalka Jamhuuriyadda Gini ee galbeedka Afrika. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in dalkaasi uu ku xadgudbay qarannimada Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa safar ku jooga dalka Gini, ka dib casuumad uu ka helay dawladda dalkaasi, Halkan hoose ka DAAWO wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shaaciyay warkan Source