Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,861
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in markale Al Shabaab fal toogasho ah ay ka fuliyeen gobolkaaasi. Illaa shan qof oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo dowladda Mareykanka ayey toogteen Al-Shabaab. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe. Goobta lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’iskuugu yeeray halkaasi. Magacyada ragga la toogtay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku kala sheegeen: 1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka. 2-Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo 23 sana jir ah wuxuu ubasaasayay maamulka Jubbaland. 3-Cabdi Raxiim Axmed Yusuf oo 26 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka. 4-Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo 29 sana jir ah wuxuu basaas u ahaa maamulka Koonfur Galbeed. 5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay ciidamada Bangaraafta Mareykanka. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac ay fulinayaan dhaq dhaqaaqan Al-Shabaab, waxaana shalay gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen illaa 5 qof oo sidoo kale ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-05072019.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa safar uu ku aadi dalka Rwanda ka baaqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib cilad farsamo ay soo wajahday diyaarad ka qaadi laheyd magaalada Muqdisho. Ka hor inta aysan isku dayin in ay ka duusha diyaaradaan garoonka magaalada Muqisho ayaa lagu wargeliyay in aysan mari karin hawada dalka Kenya, sida aan ka soo xiganay Saraakiil katirsan garoonka magaalada Muqdisho. Sida caadiga ah markii ay diyaaradaha ka baxayaan dal islamarkaana ay ku sii jeedaan dal kale waxaa lagu wargeliyaa waaxda socdaalka ee dalka marinka ah, markii ay madax ka gudbayaana kuma sii jirto. Waaxda duulimaadka Soomaaliya ayaa Madaxtooyada ku wargelisay in Kenya ay diiday in Hawada dalkeeda ay marto diyaarad u kireesneed Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana markaas la isku raacay in la maro Hawada dal kale balse waxaa cilad qabsatay diyaaradii qaadi laheyd Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa markii ugu horreysay oo ay tilaabadaan qaadato Kenya waxayna qayb ka tahay xadgudubyada ay kula kacayso Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa wali wada tanaasul iyo dulqaad maadaama ay Kenya wajaheyso guul darrooyin badan. Dowladda Soomaaliya oo ka gudubtay xadgudubyo badan oo uga yimid Kenya ayaa u aragto in Kenya oo gacanta waxba ku heynin ay markeeda wajihi doonto guul darrooyin badan oo ka dhasha dooda ay gelisay Badda Soomaaliya. Soomaaliya wali kama aysan hadlin baaqashada madaxweynaha iyo go’aanka Kenya, balse waxaa jiray qoraalo cudur daar oo ay Internet-ka isku dhaafsadeed Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Rwanda kuwaas oo lagu cadeeyay in cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradii qaadi laheyd wafdigii Soomaaliya ee ku wajahanaa Rwanda. Thank you President M.Farmaajo for your kind words. We know you were also supposed to join us on this occasion had it not been for last minute technical problem ….! — Paul Kagame (@PaulKagame) July 4, 2019 Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Britain has been plunged into a diplomatic row with Iran after Royal Marines seized an Iranian oil tanker as it passed through the Strait of Gibraltar, in a move likely to further inflame tensions in the Gulf. Source: Hiiraan Online
  5. The family of a 12-year-old refugee schoolgirl who drowned in a river in Bury have called for further investigation into her death, and claimed police were not fully cooperating with them. Source: Hiiraan Online
  6. The Somali government on Thursday severed its diplomatic ties with Guinea, saying the west African nation has violated the sovereignty and unity of Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Sacad ee Habar-gidir ayaa go’aano kasoo saartay shir ay Muqdisho ku yeelatay shalay, kaasi oo ku saabsanaa xaaladda maamulka Galmuudg. Kulankan oo ay yeesheen waxgaradka beesha Sacad ee gobolka Banaadir, ayaa wadatashi dheer ka dib, waxey soo jeediyeen in la ilaaliyo dastuurka Qaranka iyo kan dawlad goboleedka Galmudug, dhanka kalena in la dhorwo nidaamka federaalaynta dalka iyo u madaxbanaynta dawlad goboleedka iyo dadkeeda hanaanka dib-u-heshiisiinta iyo doorashooyinka. Qoraalka beesha Sacad ayaa lagu sheegay in beesha “aysan aqbali doonin heshiis kasta oo ka soo horjeeda heshiiskii awood qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Galmudug ay ku gaareen magaalada Cadaado sannadkii 2015-tii.” Beesha Sacad ayaa sidoo kale sheegtay in 10 July 2019 in la isugu yimaado shirweynaha AAYA-KA-TALINTA beesha oo ay qeybaha kale duwan ee isugu jira dhaqanka, siyaasiyiinta, xildhibaanada heer qaran iyo heer dawlad goboleed, haweenka iyo dhallinyarada ka soo qeybgalayaan kaasoo ka dhacaya magaalada Gaalkacyo. Qoraalka Beesha Sacad ayaa waxay uga digtay “in talada dhismaha dowlad goboleedka Galmudug aysan cid gaar ahi isku kali yeelin go’aan ka gaarista aaya ka talinta Galmudug” Waxaa ugu dambeyn ay beesha ugu baaqday beelaha Galmudug in ay iskaashi, dibu heshiisiin iyo midnimo uga gudbaan marxaladdan adag ee dowlad gaboleedka Galmudug uu marayo si loo helo Galmudug ka mideysan xaga siyaasada, maamulka iyo amniga. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. The solicitor general wants a case seeking to compel Kenya to withdraw from the maritime boundary dispute at the International Court of Justice dismissed. Source: Hiiraan Online
  9. The solicitor general wants a case seeking to compel Kenya to withdraw from the maritime boundary dispute at the International Court of Justice dismissed. Source: Hiiraan Online
  10. KHARTOUM - Sudan’s ruling military council and a coalition of opposition and protest groups reached an agreement to share power during a transition period leading to elections, setting off street celebrations by thousands of people. Source: Hiiraan Online
  11. Turkey secured the seventh spot in a survey by HSBC Group among countries best for living and working. Ahead of Germany, the United Arab Emirates (UAE) and Vietnam in a list topped by Switzerland, Turkey provides a good environment for foreigners, the Expat Explorer survey says.The survey, based on the opinions of more than 18,000 expatriates from 163 countries, shows Turkey's ranking rose from 22nd place last year to seventh. The 12th annual edition of the survey examines countries in terms of quality of life, work and life balance, financial revenues and family life. It is regarded as one of the most comprehensive surveys of expatriates. Source: Hiiraan Online
  12. Roob la’aanta sanadkii hore dhamaadkiisa iyo sanadkan bilowgiisa dhacdey darteed ayaa sabab u noqotay iney kuleyl daran iyo abaaro ka dhacaan gudaha Soomaaliya. Roob yarida bilaha u dhaxeeyey March iyo May ee sanadkan ayaa xaaladda uga sii daray, oo ay sii dheer tahay dadka oo la il-darnaa dagaalada, barakaca qasabka ah, abaaraha Iyo cuduro dilaacay sida shuban biyoodka. Abaarta hadda ka jirta Soomaaliya waxaa uun ka xoog badneyd tii dhacday sanadkii 2011-kii oo ay ku dhinteen 250,000. Hadda waxaa gargaar u baahan ilaa 5.4 million, dadkaasi 2.2 million ka mid ah waxaa ay u baahan yihiin cunno degdeg ah. Soomaaliya ilaa 2.6 million ayaa hadda barakac ku ah gudaha Soomaaliya, 2,000 oo meel ayey joogaan barakacayaal, bil kasta ilaa 26,000 ayaa si kumeel gaar ah looga qixiyaa deegaan ay joogaan magaalooyinka. Waxaa dhibaatada qeyb ka ah Al-shabaab oo la leeyahay caruurta ay wey afduubaan, weyna askareeyaan. Ilaa 870,000 oo Soomaali ah ayaa qaxooti ku ah dalalka Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Yemen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay UN-ka u gudbisay dacwad ka dhan ah dowlada federaalka Somaliya oo dhawaan saxiixday heshiis muhiim ah oo ay kula wareegayso hawada Somaliya. Sida uu Wargeyska East African Business Week ku waramayo, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa xaqiijiyey in Somaliland ay dacwad uga gudbisay UN-ka dowlada federaalka Somaliya. Danjire Baashe Cawil ayaa sheegay in dowladda federaalku ay jabisay heshiis ay hore Somaliland iyo Somaliya ugu kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaasi oo ku saabsanaa maamulka Hawada Somaliya. Baashe ayaa waxa kale oo uu Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada iyadna ku eedeyay inaysan fulin heshiiskii ka dhacay magaalada Istanbul. Somaliland ayaa si adag uga hadashay heshiiskaasi ay dhawaan kala saxiixdeen Dowladda Federaalka ah ee Somaliya iyo Hay’adda ICAO, kaasi oo ahaa heshiiskii ugu dambeeyay ee ay dowladda Somaliya kula wareegeyso maamulka Hawada Soomaaliya. Iyadoona heshiiskaasi ku sheegtay inay ka dambeeyen wada-hadalo qarsoodi ah oo ay wada yeeshen dowladda Somaliya iyo Hay’adda ICAO. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay muddo dhaafka ku yimaada doorashooyinka Somaliland. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dhaqan u noqotay dib u dhaca doorashooyinka ku yimaada, isagoona ka dhawaajiyey sababaha hortaagan qabsoomida doorashada golaha wakiilada. Xildhibaan Xuseen ayaa dusha u saaray dibu dhaca doorashooyinka Xukuumada Madaxweyne Biixi, isla markaana eedeymo u jeediyey xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo dhawaan heshiis ka gaaray khilaafka doorashooyinka. Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay dagaal uu sheegay inay dowlada Somaliya ay kula jirto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland, wuxuuna yiri: “Waxaa dhaqan inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib u dhacaan, Doorashada Wakiiladana qodob badan oo loo baahnaa in la sii dhammeeyo ayaan ilaa hadda laga hawl-galin, sida saami-qaybsiga, maxaa yeelay Beelaha darafyadu waxay doonayaan inay Doorashada Wakiilada ku galaan saami-qaybsi, waxayna marar badan ku celiyeen in aanay galaynin Doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya”. “Waxay ahayd inay Xukuumaddu mar horeba ka sii hawl-gasho, laakiin ilaa hadda umay dhaqaaqin oo caalamatul su’aal ayey galisay, waana kii Madaxweynuhu Beelaha Awdal ka codsaday in saami-qaybsi aan la sameeynin, ta kale Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyey in Komishankan la kala diro oo Komishan loo siman yahay la sameeyo, balse haddana calaamatul su’aal ayaa la galiyey”. Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, oo hadda isku noqday Xisbi qudha, ayaa haddana doonaya in aan Komishankana la kala dirin, Doorashadana sidii hore loo galo, Xisbiga Waddani sharci buu ku taagan yahay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddu diyaar uma ah inay Doorashada dalka ka dhacdo, iyadana caalamatul su’aal galinaysa, qodob kasta oo ku xidhan qabsoomida Doorashada”. “Dawladda Somaliya, dagaal bay inagula jirta, waxayna rabtaa inay ka faa’iidaysto aqoonsiga aynaan wali Caalamka ka helin, ee si wada jir ah aynu u waajahano, oo waliba si wada jir ah aynu aqoonsigeena u raadino, oo aynu Wadamada kale duwan ee Caalamka aynu ka dhaadhicino sidii dalkeena loo aqoonsan lahaa, loona tusi lahaa inaynu ka madax banaan nahay Somaliya”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Abu Dubai (Caasimadda Online) – Wargeyska The Wall Street Journal ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa qoray inay dowladda Imaaraadka carabta kala baxday dalka Yeman qeybo kamid ah ciidamadii ka joogay iydoo ka cabsaneyso inay weeraro la kulanto maadaama uu dagaal ka dhex biowday Mareykanka iyo Iiraan. Wargeyskaan ayaa sheegay in asbuucyadii ugu dambeeyey ay Abu Dubai Yeman kala baxday Taangiyo, Diyaariyadaha dagaalka iyo boqolaal ciidan oo ka joogay Badda Cas, waxaana kamid ahaa ciidamada ay la baxday kuwii ku sugnaa Magaalo xeebeedka Al Hudaydah ee dalka yeman halkaas oo ah meesha laga dajiyo gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yeman oo ay dhibaateeyeen Imaaraadka iyo Sacuudiga. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ah garabka Militari ee ugu muhiimsan oo ay heysato Dowladda Sacuudiga oo dagaal ku qaaday Xuutiyiinta Yeman ee taageerada ka helo Iiran tan iyo Maarso 2015, dagaalkaas oo lagu dilay kumanaan qof oo ka tirsan Shacabka Yeman, iyadoo ay dalkaas ka dhacday musiibo Bini’aadanimo tii ugu xumeyd caalamka sida lagu sheegay warbixinada hey’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Bixitaanka qaar ka tirsan Ciidamada Imaaraadka ee dalka Yeman ayaa kusoo aadayo xilli ay sii xoogeysatay Xiisadda Bariga Dhexe ee u dhaxeyso Iiraan iyo Mareykanka, inkastoo ay Washington iyo Tehran sheegeyn inaysan dagaal diyaar u aheyn, haddana waxaa socday weeraro lagu qaadayo Doomaha iyo Maraakiibta isticmaalo xeebaha Imaaraadka taasoo cabsi badan ku abuurtay Abu Dubai, waxayna dowlado ay kamid yihiin Mareykanka weeraradaas ku eedeeyeen Iiraan iyagoo ugu baaqay inay arrintaas joojiso. Wargeyska ayaa sheegay inay Imaaradka dareentay cabsi weyn kadib markii ay soo badatay diidmada Mareykanka ee dagaalka Militari ee Yeman, iyo iyadoo isku aragtay inay tahay bartilmaameedka koowaad oo ay Iiraan ku aargudan doonto haddii uu madaxwyenaha Mareykanka Trump amro in duqeymo Militari lagu qaado Iiraan. Wargeyska oo soo xiganayo Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegay inay Imaaraadka Dagaalka Daacish ay ku badalneyso beegsiga Kooxaha Al-Qaacidda, Daacish iyo Kooxaha kale ee xaqjiriinta ah. Dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa weli qarinayo ka bixitaanka Imaaraadka ee dalka Yeman maadaama ay u arkaan haddii uu warkaan faafo inay guul u tahay Xuutiyiinta Yeman iyo Iiraan Cabsida Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa cirka isku shareertay kadib markii ay Xuuyiyiinta Yeman bilaabeen duqeymo ay ka fulinayaan gudaha Sacuudiga, halka ay Xeebaha Imaaraadka ka bilowdeen weeraro lagu qaadayo maraakiibta taasoo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeyso Iiraan oo difaac u ah Xuutiyiinta. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa hadda shanley ka taagan weerarkii ay ku qaadeen dalka Yeman oo aysan ka helin ujeedkii ay ka lahaayeen oo aheyd inay burburyaan kooxda xuutiyiinta balse taas badalkeeda ay dhacday inay Xuutiyiinta awood u yeeshaan weeraro ka dhaco gudaha Sacuudiga halka Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadkana ay dagaalka Yeman ku xasuuqeen shacab kumanaan ah oo ay ku jiraan carruur aad u badan. Caasimada Online Xafiiska Abu Dubai Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Shirkii Golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa waxa fariin adag loogu diray Mas’uuliyiinta DF Somaliya. Golaha wasiirada ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ay marwalba ku foogan tahay dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi oo muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland. War-murtiyeed kasoo baxay shirkii golaha wasiirada Somaliland, ayaa wuxuuu u dhigna sidan: “Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana villa Muqdisho aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar-walba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd. Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in mamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer. Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Ethiopia’s prime minister oversaw the chaotic release of thousands of prisoners, including many ethnonationalist militants. His amnesty may now be coming back to haunt him. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar__-Qumanaha-04072019-OK.mp3 View the full article
  19. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa sheegay inaysan Dowladda Soomaaliya kula heshiin in la burburiyo Ururkaas iyo Ciidamada. Shiikh Isaaq Mursal Geesa Dheere oo kamid ah Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa xusay inaysan Ahlu Sunna ka tanaasulin dhaqdhaqaaqyadoodi hubeysanaa ee Gobalada Dhexe balse ay qaateen qorshe ah in ay lugta la galaan Siyaasadda iyo Maamul Goboleedyada. Wuxuu sheegay in qorshahaas hadda laga fulinayo Galmudug isla markaasna ay ku xigi doonto inay Ahlu Sunna ka qeyb noqoto Maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jiro. Wuxuu tilmaamay in qarameynta ciidamadooda ay ka saacideyso inay Ahlu Sunna awood ku yeelato Galmudug isla markaasna ay mushaar uga hesho Dowladda Soomaaiya. Kheikh Isaaq Mursal geesa Dheere oo kamid ahaa Horjoogayaashii dhanka Dagaalka ee Ururka ee Koofurta Soomaaliya ayaa Idaacada Simba u sheegay inay Xiligaan ay u gurteen dhanka Siyaasadada iyo Xasiloonida Islamarkaana ay Ciidamada Dowladda ay ugu wareejiyeen inay qeyb ka qaataan Dagaalka Al-shabaab. Hadalka kasoo yeeray Mas’uulkaan ayaa imaanayo iyadoo Maanta ay Dhuusamareeb gareen guddoomiyaha guddiga Midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo Ergeyga gaarka ah ee IGAD Mohamed Ali Guyo si ay marqaati uga noqdaan dhameystirka heshiiska Ahlu Sunna iyo Dowladda. Sidoo kale Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna. Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Cawil.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. NAIROBI, Kenya – Wedged in the middle of chaos, bordered by the long-running instability of South Sudan to the northwest and Somalia to the east, the East African nation of Kenya is striving to maintain the feeble balance of welcoming refugees while securing their borders from the infiltration of terrorists. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (SMN) – Shirka golaha wasiirrada oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu asixiyay heshiiska cusub ee dhex maray dowladda federaalka iyo shirkadda Favori ee gacanta ku heysa garoonka Aadan Cabdulle. Heshiiska oo golaha ay u soo gudbisay wasaarada duulista hawada ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay. Shirka maanta ay golahu yeesheen ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda XFS. Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin, taagero iyo duco isugu daray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug u jooga dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. View the full article
  22. The Weak FGS Severs Diplomatic Ties With Guinea Over Somaliland The weak federal government in Mogadishu has decided to sever diplomatic ties with the Republic of Guinea as a direct result of the visit to that country by the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, at the invitation of the Conakry. President Muse Bihi Abdi and his delegation arrived in Guinea on a two day visit, and the federal entity in Mogadishu, upset at the invitation and the welcome afforded the Somaliland delegation began an offensive to counter the visit. It has been reported that the FGS “ambassador” to the EU was dispatched to West Africa to try and forestall any further visits in the region by the Somaliland delegation. This has yet to produce any results. Furthermore, the severing of diplomatic ties with the Republic of Guinea over an issue that is entirely in the prerogative of Conakry, makes the politicians in Mogadishu look petulant and immature. If the weak FGS in Mogadishu wants to be taken serious, then they must engage the original partner of the 1960 union which helped to create the defunct Somali Republic, and that is Somaliland. Anything else, is just hubris. Qarannews.com Qaran News