Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,883
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (SMN) – Wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in uu dib uga dhashay Maxamed Siyaasad Barre isla markaana kacaankiisa uu dib uga dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa ku sifeeyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu yahay “Siyaasad Barre” waxayna dowladiisa ku eedeeyeen in uu xadgudub ku hayo wax ay ku tilmaameen dalkooda. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili dowlada ay xiriirka u jartay waddanka Galbeedka Afrika dhaca ee Gani, kaasi oo lagu eedeeyay in uu meel kaga dhacay qaranimada Soomaaliya. Talaabadaasi ayaa waxay timid markii hogaanka dalkaasi uu qaabilay Muuse Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland, kaasi oo booqasho maalmo qaadaneysa ku jooga caasimadda Jamhuuriyadda Gani. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha xukuumadda FS oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ka warbixiyey xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalka Shiinaha. Injineer; Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha, oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka oo dhowaan booqasho ku tagay Dalka Shiinaha ayaa ka war bixiyay safarkooda iyo ujeeddada ka dambeysay. Mudane; C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in ay halkaasi kaga qeyb galeen shirka bandhigga Koowaad ee Waddamada Afrika iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in halkaasi lagu soo bandhigay wax soo saarka Dalalka Qaaradda iyo Shiinaha, si loo horumariyo fursadaha maalgashiga, is-kaashiga iyo isu dheelli tirka waxyaabaha ay Labada dhinac isu dhoofiyaan. Wasiirka ayaa sheegay in ay la kulmeen, Ra’uul wasaare ku xigenka Dalka Shiinaha iyo xubno ka tirsan Xukuumaddaasi, waxanay kulankaasi Diiradda ku saareen horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga Labada Dal, iyagoo si wda jir ah u sameeyay guddi dhaqaale. “Labada dhinac waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada Dal, waxyaabaha Dal walba uu Dalka kale dhaafsan karo, sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa Fiisaha Dalkaasi, sidii ay Safaaradda Shiinaha si dhammeystiran uga howl geli lahayn Muqdisho, si ay ugu sahasho Dal ku galka ay u baahan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed, ayuu yiri Wasiir Xasan. Dowladaha ayaa sidoo kale ka wada hadlya sidii badeecadaha Soomaaliyeed loogu heli lahaa Suuq, in Shirkadaha Shiinaha lagu dhiirri geliyo in ay maalgashi ku sameeyaan qeybaha kala duwan ee wax soo saarka Soomaaliya, sida kalluumeysiga, Beeraha, Xoolaha iyo qeyraadka kale ee uu Dalku leeyahay. Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Dalka, isla markaana uu qeyb ka ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa intii ay halkaa ku sugnaayeen waxay booqdeen Wershadaha sameeya Gaadiidka iyo qalabka culus ee Tareennada. Bandhiggan oo Labadii Sanaba mar la qabto ayaa daba socday shirkii madasha is-kaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2018-kii lagu qabtay Magaalada Beijing, kulankaas oo uu Soomaaliya xilligaasi uga qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya , Maxamed C/llaahi Farmaajo. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-05072019.mp3 View the full article
  4. The Federal Government of Somalia (FGS) yesterday launched an exercise to incorporate forces of the Ahlu Sunna Wal Jama’a (ASWJ) group into the Somali Security Forces. Hassan Ali Khaire, the Prime Minister of Somalia, officiated at the launch of the exercise in Dhusamareb, the capital of the Galmudug State of Somalia. Also present were officials from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) regional bloc. The ASWJ militants will be integrated into the security agencies that include the army, police, intelligence service, and custodial corps. The integration, which involves capturing an individuals’ biometrics, supports efforts to build active Somali Security Forces. Prime Minister Khaire called on the integrated ASWJ forces to join in efforts to defend their state and Somalia. “We will not give up on ensuring the achievement of stability in Galmudug,” he added. The ASWJ forces based in Dhusamareb is responsible for kicking the extremist group Al-Shabaab from most parts of the region. In December 2017, ASWJ signed a power-sharing agreement with the state administration. Ambassador Francisco Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia, described the process as a milestone in reconciliation efforts. He praised Somali leaders for the commitment to peace and cooperation and commended the efforts of the government to reach out to all political forces to reach lasting peace and stability in Galmudug. Ambassador Madeira, who is also the Head of AMISOM, remarked that the integration of ASWJ militants reinforces AMISOM’s mandate. “This initiative is a clear testament that the journey to unity, integration, and reconciliation is in full swing,” remarked Ambassador Madeira, before adding, “We are leaving this place assured that Somalia’s future is bright. Somalia is on the path to overcoming challenges.” Dr. Mohamed Ali Guyo, the IGAD Special Envoy to the Horn of Africa, appealed to all stakeholders in Galmudug State to support initiatives that promote peace, reconciliation and stability. “We look forward to an inclusive process, accommodating all forces that can take the fight to Al-Shabaab and recover the remaining areas,” Dr. Guyo said. Dr. Sheikh Mohamed Shakir Ali Hassan, the leader of Ahlu Sunna, commended the federal government for taking the path to peace, reconciliation and unity. “This initiative will herald a unified Galmudug and Somalia. We are doing this with a clear conscience,” said Sheikh Shakir, who is also Galmudug state’s Chief of Ministers. Present were Abdi Mohamed Sabriye, the Federal Minister of Interior and Federal Affairs, as well as Mohamed Abukar Islow Dualle, Federal Minister of Internal Security as well as lawmakers, military and police chiefs, regional leaders and elders. View the full article
  5. Japan International Cooperation Agency (JICA) has selected Tanzania’s Fisheries Education and Training Agency (FETA) to train Somali experts on fish handling, processing and preservation. Source: Hiiraan Online
  6. Ethiopia’s destabilising regional frictions may worsen this month if the small Sidama ethnic group carries out a threat to unilaterally declare a new semi-autonomous region in defiance of the federal government, a global think-tank said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay sababta ka dambeysa in markale Qandaraaska loo kordhiyey shirkadda Favori oo maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo faah faahiyey heshiiskan ayaa sheegay in dib u dhis ay shirkaddu ku sameyn doonto dhismaha garoonka. Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Favori lacag dhab 14 Mliyan ay ku maal gelin doonto Aadan Cadde, taas oo lagu hormarinayo adeegyada garoonka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shaqadan lagu qaban doono muddo 2 sano, sida ku cad heshiiskan oo ay shalay saxiixeen golaha wasiirada Somaaliya. Wasiir Oomaar ayaa inaasi ku daray in sababaha loo kordhiyay heshiiska shirkaddan uu yahay, markii ay xukuumaddu aragtay, sida uu kordhay duulimaadka gaaroonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. Favori ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku heysay garoonka Aadan Cadde. Muddada ay shirkaddani ka howlgaleysay Muqdisho ayaa waxaa ay isbedal xoog leh ku sameysay shaqada garoonka oo ay ku soo xirteen shirkado caalami ah. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Kismaayo (Caasimadda Online)- Iyadoo Musharaxiin fara badan ay ku siii ququlayaan Magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan Tartanka Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa la Filayaa in maalinta Beri hadii uu eebe Idmo in Magaalaaas uu gaari doono Musharax kamid ah Masharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland waa Mudane Maxamed Ismaaciil Shuuriya Musharax Shuuriye waxaa uu sheegey in hadii loo doorto Xilka Madaxweynaha Jubbaland uu isbedel weyn la imaan doono gaar ahaan Dhinaca Amaanka , Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, adeegyada kale ee Bulshada iyo isku xirka Deegaanada Maamulka Jubbalanad Mudane Shuuriye oo ah Shaqsi Taageero badan ku leh Deegaanada Jubbaland isagoo kamid dadkii Dhidibada u taagey Maamulka Jubbalana waxaana uu Tartankaan Doorashada halku dhiga uu uga qayb galayo uu yahay “ XALKA JUBBALAND WAA XIKMAD IYO XASILOONI Musharax Shuuriye waxaa uu ka Codsadey Xildhibaanada Jubbaland in ay Codka Siyaan Shaqsiga u qalma in uu Hogaamiyo Maamulkaas iyagoo ka eegaya Khibradiisa Siyaasadeed iyo aqpoontiisa maadaama maanta Jubaland u baahan tahay qof samatabixiya oo isku keeni kara Dhamaan dadka ku nool Deegaanada Jubbalanad. Hadaba waa kuma Shuuriye? waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii Dowladii Xasan Shiikh isla markaana waxaa uu ka noqdey WasIir ku xigeenka Hawlaha guud iyo dib u dhiska XukumadIi Cabdi weli Shiikh Axmed. Shuuriye wuxau kamidaa shaqsiyadkii dhidibada u dhigay dhismihii Maamul Goboleedka Jubaland, waxaana Magaalada Kismaayo ka socdo Diyaargarow weyn oo loogu jiro soo dhaweyntiisa Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ehellada askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo bilowgii bishii hore lagu dilay degmada Xamarweyne ayaa sheegay in weli aan la aasin Meydka Marxuumka. Nabadoon Xaaji Xasan Calasow Gaab oo la hadlay Warbaahinta, kana mid ah ehellada Marxuumka ayaa sheegay in muddo 32 cisho ah haatan uu yaallo Meydka. Waxa uu tilmaamay in Qaboojiyo uu ku jira Meydka, islamarkaana ay socoto dood iyo baaris la xariirta sidii loo dilay askarigaasi. Sidoo kale Nabadoon Gaab ayaa sababta ay u aasi la’yihiin ku sheegay in aysan weli arag cid ay kala xisaabtamaan dilka loo geystay wiilkooda. Nabdoonka ayaa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay dad u soo xirtay kiiskaasi, balse aan weli go’aan laga gaarin. Dhacdadan kadib dowladda ayaa guddi gaar ah u xil saartay arrintan, gaar ahaan Madaxweynaha si ay u soo sameeyaan baaritaan dheeraad ah. Illaa iyo haddase ma jirto wax ka soo baxay baaritaanka guddigaasi oo haatan quus ay ka muujinayaan ehellada. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in askariga la dilay xilliga la tooganayay uu dhac ka geysanayay Suuqa Xamarweyne, taas oo ay si weyn uga biyo diideen ehelladiisa oo hadda go’aan ku gaaray in aan la aasin Meydka, inta laga cadeynayo kiiska wiilkooda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa waxay toogasho ku fuliyeen mar kale shan qofood oo ay ku eedeeyeen inay basaabiisn ahaayeen, waxaana ay toogashadani ka dhacday deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe. Goobta ay ka dhacday toogashadan Shantaan Qof oo dhamaantood rag ahaa waxaa ku sugnaa boqolaal ka mid ah shacabka deegaankaas, kuwaasoo Al-shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada u daawadaan. Shanta ruux ee ay Al-shabaab ku toogatay meesha fagaaraha ah ayaa lagu kala sheegay magacyadooda; Maxamuud Bashiir Hilowle oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. C/xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo ay ku eedeeyen inuu la shaqeynayay Dowlad-goboleedka Jubbaland. C/raxiim Axmed Yuusuf oo lagu eedeeyay inuu sirdoonka Mareykanka la shaqeynayay. Isxaaq C/llaahi Xasanoow oo ay kooxda Al-shabaab ku eedeeyaan inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur-galbeed. Idiris Yuusuf dhallin oo lagu eedeeyay inuu la shaqenayay ciidamada ban-craft ee ee uu tababaray Mareykanka. Qaaliga Maxkamadda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu dilay shantaan qof, isagoo sheegay in deegaanno kala duwan laga soo qabtay, isla markaana ay iyagu qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay, sidaas darteedna ay ku xukumeen dil toogasho. Ugu dambeyn, Waa maalintii labaad oo xriir ah oo ay kooxda Al-shabaab ku fuliyaan toogasho dad ay ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan DF iyo dalalka taageera, waxaana maalin ka hor fagaaro ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen shan ruux oo rag ah oo ay dhamaan ku eedeyisnaa basaasnimo. PUNTLAND POST The post Ururka Al-shabaab oo mar kale toogtay rag uu ku eedeysay inay Jaajuusiin ahaayeen appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Soomaaliya, ayaa faahfaahisay heshiiska ay shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Xamar loo kordhiyay, kaasoo dhawrkii sano ee lasoo dhaafay ay shirkadaas Turkiga laga leeyahay ku maamuleysay. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay heshiis cusub la gashay shirkdaas, kaasoo ku saabsan qandaraas dhinaca dhismaha ah, ayna dib u dhis iyo ballaarin lagu sameyn doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska ay ansixiyeen ay muddo ka shaqeynayeen, isla markaana ay waafajiyeen sida u roon Soomaaliya, ayna faa’iidooyin badan uga heli karaan garoonka. “Waxaan wadnaa qorshe aan ku doonayno inaan ku kordhinno hawlaha kala duwan ee garoonka diyaaradaha Somalia, waxaana rajeynaynaa in hawsha lagu ballaarinayo garoonka ay soo jiidato shirkado diyaaradeed cusub oo ku soo biiri doona kuwa hadda dalka yimaada,” ayuu yiri wasiir Oomaar. Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in hawlaha hawadahada Somalia ay marayaan meel wanaagsan, ayna dhawaan billaabi doonaan inay qalabeyn ku sameeyaan dhammaan garoommada dalka, si hawlaha garoomada loo xoojiyo, daqliga hawada naga soo galena loo kordhiyo. UGu dambyen, Heshiiska Qandaraaska loogu kordhiyay shirkadda Favori ee laga leeyahay Turkiga ayaa waxaa shalay ansixiyay golaha wasiirada DFS, kaddib shir ay ku yeesheen Muqdisho. DHAGEYSO; Hadalka Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya uu jeediyay kaddib Ansixintii Heshiiska Favori PUNTLAND POST The post Shirkadda Maamusha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo loo kordhiyay heshiiskii shaqo appeared first on Puntland Post.
  12. PRESS RELEASE Presidential Election in the Islamic Republic of Mauritania Statement by Press Secretary Takeshi Osuga TOKYO, Japan, July 5, 2019/ — The Government of Japan congratulates that the presidential election in the Islamic Republic of Mauritania was peacefully held on June 22 and Mr. Mohamed Ould Cheikh Mohamed Ahmed El Ghazwani was elected as the President of the Islamic Republic of Mauritania. Japan is committed to further strengthening friendly and cooperative relations with Mauritania on the basis of good relationship of trust established through bilateral cooperation in areas such as fishery and health. The Government of Japan also recognizes that Mauritania plays an extremely important role to ensure the stability in the Sahel region and hopes that the incoming President will exercise leadership in the economic and social development of the country as well as in the fight against terrorism so that the peace and prosperity in the region will be enhanced. Distributed by APO Group on behalf of Ministry of Foreign Affairs of Japan. SOURCE Ministry of Foreign Affairs of Japan Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka hadlayay go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jirtay dalka Guinea ayaa marka hore tallaabadaasi ku tilmaamay mid khalad ah. Wasiir Faratoon ayaa sheegay in dowladda federaalka ay Somaliland ku heyso go’doon, kana soo horjeedo horumarkeeda. Sidoo kale wuxuu shaaciyay in go’aankan uu cadaawad hor leh ka dhexe abuurayo Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Faratoon oo ku sugan Guinea ayaa intaasi raaciyey in Soomaaliya go’aankani ay ku weyn karto xiriirka dalal badan. Waxa kale uu carabka ku dhuftay in Somaliland haatan xiriir wanaagsanay la leeday dalal dhowr ah oo ku yaalla Africa, islamarkaana ay sii hormarin doonto. “Waxaa na soo gaadhay in maamulka Xamar sida ay yidhaahdeen ay calaaqaad u gooyeen dalka la yidhaahdo Guinea, oo ay ka xun yihiin booqashadayada, arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la’aani ku dheehan tahay. Aad mooddidna in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xidhan tahay, nasiib darro se malaa ma oga in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika ah, Bariga Dhexe iyo Yurub ka jira oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay” ayuu yiri wasiirku. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay in gabi ahaan ay xiriirka u jirtay dowladda Guinea, kadib markii si maamuus leh ay u soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland oo haatan booqasho ku jooga gudaha dalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. PRESS RELEASE UN Economic Commission for Africa (ECA) to play pivotal role in retooling Cameroon’s industrial masterplan A wide gamut of actions to be undertaken to overhaul Cameroon’s second generation Industrialization Masterplan were explored KIGALI, Rwanda, July 4, 2019/ — Cameroon’s Minister of Mines, Industry and Technological Development, Mr. Gabriel Dodo Ndoke has solicited the support of the Subregional Office for Central Africa of the UN Economic Commission for Africa (ECA) in the updating of Cameroon’s Industrial Development Masterplan (PDI, in French) and coordinating the contribution of a league of development partners in the implementation of its next phase. The PDI is seen as a switchboard for Cameroon’s sustainable development, especially with the advent of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA), which requires a transformation of production systems in favor of the manufacturing sector from any country that wants to reap substantial benefits from it. This would contribute to an increased share of trade in intermediate and manufactured products. During a meeting with a team of experts from ECA’s Office in Central Africa led by the Director – Antonio Pedro, a wide gamut of actions to be undertaken to overhaul Cameroon’s second generation Industrialization Masterplan, were explored. Minister Dodo Ndoke said that although the PDI, which was formulated in 2016 and presented to the public in March 2017, would continue to be the foundational document which would inform Cameroon’s industrialization drive, it was necessary, at this stage, to sharpen it and render it more current, dynamic and responsive to the new opportunities, including the AfCFTA. He noted that the concourse of SRO-CA to coordinate the exercise was justified given the Office’s networks across Africa and beyond, its credentials on economic diversification and industrialization processes as well in coordinating the work of development partners. The parties agreed, that it would be vital for the success of the review process and its implementation to bring on board the United Nations Industrial Development Organization (UNIDO) and the African Development Bank (AfDB), in particular. Mr. Antonio Pedro of ECA was upbeat about the vote of confidence in ECA’s work and indicated that ECA has strategic partnerships with both with UNIDO and the AfDB at operational and leadership levels. He added that the physical presence in Yaounde of both ECA’s and AfDB’s (as of July 2019) subregional offices for Central Africa, would certainly facilitate consultations. “Coordination among key ministries to review and operationalize the Industrialization Masterplan is also crucial as an industrial policy and strategy must federate efforts from across several government departments to render it successful,” Pedro told an attentive Minister Dodo Ndoke. “This included the ongoing work to formulate Cameroon’s AfCFTA national strategy”, he added. The parties agreed that developing and operationalizing a masterplan that speaks seamlessly to Central Africa’s regional value chains, was vital. It must therefore collocate, for instance, with CEMAC’s Regional Economic Program (PER CEMAC, in French), which, by coincidence, would be the object of a regional consultative review process in Douala, Cameroon, on 5-6 July 2019. Addressing binding constraints such as inadequate infrastructure and poor quality of services was considered vital to industrializing the region and boosting Central Africa’s competitiveness. ECA experts noted that Cameroon was well-endowed with natural and human resources to lead the subregion along this path, including the production of renewable energy. On Cameroon’s endowments, Pedro rejoiced and said “The recently announced discovery of over 300 new mineral occurrences in the country (including cobalt, nickel and manganese), the largest since independence, places Cameroon in a good position to join DRC, the world largest producer of cobalt, in the development of a profitable regional battery and electric car value chain”. He noted that it is projected that the global electric vehicle market would grow from the current 2 million vehicles/year to 160 million vehicles/year by 2050, a factor which the PDI should not ignore. Lomie, in the East Region of Cameroon has one of the largest, if not the largest, lateritic cobalt deposit in the world. The privileged place of the digital economy, its transformational processes and its architecture for the success of Cameroon’s overall industrialization strategy was also in focus as the discussions with the Minister of Industry and his team, comprising Secretary General – Mr. Fru Jonathan and Director of Industry, Mr. Ntakeu Bruno Armel, progressed. In all of these, the ECA delegation which comprised of Mr. Adama Coulibaly , Head of the Subregional Initiatives Section and Ms. Mama Keita, Head of the Economic Diversification Section Of ECA’s Central Africa Office, stressed the need for experience-sharing with other African countries, including Ethiopia, which have made considerable progress in industrial development. The Government of Cameroon considers its Industrialization Masterplan as indispensable for achieving the status of an upper middle-income country by 2035. According to the Minister, the plan is being reviewed against a backdrop of three urgent goals for the country: accelerating the pace of economic growth, regaining Cameroon’s leadership in the industrial sector and cushioning the country against structural or systemic shocks, through deeper economic diversification. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
  15. Muqdisho (PP) ─ Iyadoo dowladda Somalia ay shalay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dalka Guinea oo ku yaalla Galbeed Afrika, ayaa waxaa ka jawaabay go’aankaas maamulka Somailand, iyagoo sheegay in Guinea aysan ahayn dalkii ugu horreeyay oo ay madaxtooda si weyn loogu soo dhaweeyo. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamed (Faratoon) oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan dalka Guinea ayaa sheegay in DF ay go’doomin ku heyso Somaliland, isla markaana ay ka horjeedo horumarada ay ku tallaabsatay, taasina ay tahay mid ay ku kala fogaanayaan. “Maamulka Xamar mar walba waxay wadeen sidii ay u hagar-daameyn lahaayeen Somaliland, balse maamulkayagu taas uma joojinayo oo wuu sii wadi doonaa horumarrada iyo xiriirrada uu caalamka la sameynayo,” ayuu yiri Faratoon oo hadalkiisa ay ka muuqatay caro. Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa ku daray in Somaliland dalal dhowr ah oo ku yaalla Afrika iyo caalamka intiisa kale ay xiriir wanaagsan la leedahay, balse Dowladda Somalia qorshaha ay wado ay ku weyn doonto saaxiibtinimada dalal badan. “Waxay nala tahay hadda uun bay ku baraarugeene, innagu dalal badan ayaan la sameynay xiriirro dublamaasiyadeed oo kala duwan, waanu sii wadi doonaa,” ayuu hadalkii ku daray, isagoo sheegay in Guinea-Conakry keliya aysan ahayn dalalka sida weyn loogu soo dhaweeyay madaxtooyada ee ay ka mid tahay Itoobiya dalalka hab-maamuuska ballaaran u sameeyay. Dhanka kale, Go’aanka Dowladda Federaalka Somalia ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea ayaa waxaa sabab u ahaa in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu laba cisho ka hor safar ku tegay dalkaas, isla markaana loosoo dhaweeyay sida madaxweyne dal kale. Ugu dambeyn, Dalka Guinea-Conakry ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka kasoo yeeray dowladda Somalia, iyadoo la ogyahay in labada waddan aysan lahayn xiriir muuqda oo sababi kara in xiriirka ay isku jaraan, sidoo kalena kuma yaallaan wadda hal gobol. DHAGEYSO: Warka uu Saxaafadd Siiyay wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ku sugan dalka Guinea PUNTLAND POST The post Somaliland oo jawaab ka bixisay go’aankii ay dowladda Somalia xiriirka ugu jartay Guinea appeared first on Puntland Post.
  16. SABABAHA SOMALIA UGU DHEGANTAHAY SOMALILAND Sababaha ay Somalia ugu dhegantahay Somaliland waxa weeye in dadka Somalia ogyihiin in Somaliland tahay hoygii geesinimada, deeqsinimada, qalbi-wanaagga, suugaanta, fanka, ilbaxnimada iyo istaraatiijinimada (goobta ay ku taal oo muhiim ah) oo ay waayeen. Waxaa kale oo ay ogyihiin inay waayeen dalkii ay 30 sano (1960-1990) xukumayeen oo ay dhacayeen hantida dadkiisa. Laakiin waxay illowsanyihiin in dadka Somaliland u keeneen dowladnimadoodii 1960 dabadeedna ay ugu abaalgudeen duudsi, cadaalad-xumo, gumaad iyo burbur ka baxsan Islaamnimada, Somalinimada iyo insaaniyadda. Markaas dadka Somaliland laguma dagikaro midnimo dambe oo huwan dhagar iyo khiyaamo. Mar haddii qabyaaladda Somalidu ka xoogweyntahay Diinta Islaamka oo aan dhiig, dulmi iyo dhac midna laga xishoonayn sow ma habboona in la kala ahaado laba dal oo jaar ah oo walaalo ah. Sow lama oga in arrimahaas awgeed aan midnimo dambe hirgelayn balse laga dhaxlayo uun dhiig daata oo cusub iyo cadaawad hor leh. Waxaa habboon in la kala quusto xagga midnimada laakiin la noqdo laba dal oo walaalo ah oo iskaashada dhinackasta. Dadka Somaliland waxay xagga dhaqanka iyo hiddaha aad isugu dhowyihiin dadka Kilinka 5aad ee Somalida, haddii ay xoroobaan waxaa aad u suurtogal ah inay ku soo biiraan Somaliland. Ibrahim Hassan Gagale July 5, 2019 Qaran News
  17. Muqdisho (SMN) – Afhayeenka baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa soo dhaweeyay dadaalada uu hormuudka ka yahay ra’iisul wasaare Khayre ee ku aadan dib u heshiisinta dowlad goboleedkan. Mr Cali oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa wuxuu sidoo kale dowlada federaalka Soomaaliya ka dalbadey in ay xaliso tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah dadka dega degaanada maamulka. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu gudoomiyuhu bogaadiyey tanaasulka uu qaatay madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, inkasta oo uu xusay in laga mudnaa in uu mar hore qaato si xasilooni waara loo helo. Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in uu soo afjarmay khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Galmudug kadib dadaalo badan oo ay ku bixisay dowladda federaalka gaar ahaan wasiirka koowaad ee xukuumada. View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka guddoomay dhihgiisa Dalka Masar Mudane Cabdifataax Al-Siisi hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya. Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Masar shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Mudane Cabdifataax Al-Siisi ayaa sidoo kale ku amray Xoghayaha Madaxtooyada Masar in uu Safaaradda Soomaaliye uu kala qeyb qaato farxadda iyo dabbaal degyada sannadguuradii 59-aad ee xornimada Soomaaliya. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Mudane Cabdifataax Al-Siisi bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna. Madaxda dalalka aan walaalaha iyo saaxiibbada nahay ee caalamka ayaa la wadaagaya Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyada Todobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun – 1-da luulyo, taas oo ka tarjumaysa dib u kabashadeenna dowladnimo iyo doorka muhiimka ah ee aan ku leennahay Gobolka Geeska Afrika. View the full article
  19. Dhuusamareeb (SMN) – Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacdey magaaladda Dhuusamareeb oo lagu diiwaan-gelinayey ciidamada Ahlu Sunna, ra’iisul wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu baaq u diray bulshada ku nool Galmudug. Wasiirka Koowaad ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa cid kasta oo haysata hub iyo ciidan maleyshiyo ah ku tartarsiiyey in ay hubka kusoo wareejiyaan isla markaana la diiwaan gelinayo lana qarameynayo. Mr Khayre oo sii hadlaya ayaa waxa uu balanqaadey in xuquuqda ay si joogto ah u heli doonan ciidamada maamulka Ahlu Sunna iyo kuwa kale ee lagu biirinayo ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed. Sikastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Khayre oo safar shaqo ku jooga degaaanada maamulka Galmudug ayaa halkaasi kawada dadaalo dib u heshiisiin ah, kuwaasi oo illaa iyo haatan ay natiijo wax ool ah ay kasoo baxeen. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – AlShabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Salagle ee gobolka Jubadda Dhexe waxay ku toogatay rag kale oo ay ku eedeysay in ay la shaqeeyaan sirdoonada dowlada Soomaaliya iyo dalalka taageera. Magacyadda ragga ay toogatay Al-Shabaab ayaa waxay lagu kala sheegay; Maxamuud Bashiir Hilowle, oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka ee CIA. C/raxiin Axmad Yuusuf, oo isna lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka ee CIA. Idiris Yuusuf Dhallin, oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay ciidanka xooga Soomaaliyeed ee Bankaraf. C/Xakiin Xuseyn C/Nuur, oo lagu eedeeyay inuu u shaqeynayay Sirdoonka maamul goboleedka Jubbaland. Isaaq Cabdullaahi Xasanow, oo isna ay Al-Shabaab ku eedeysay lagu eedeeyay Sirdoonka Koofur Galbeed. Maalin kahor ayay ahayd markii ay Al-Shabaab fagaare ku yaala degmada Xagar ee Jubadda Hoose ay ku toogatay shan rag kuwaasi oo ay ku eedeysan in ay jaajuus u ahaayeen dowlada iyo wadamada taageera. GAROWE ONLINE View the full article
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in markale Al Shabaab fal toogasho ah ay ka fuliyeen gobolkaaasi. Illaa shan qof oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen maamullada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo dowladda Mareykanka ayey toogteen Al-Shabaab. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe. Goobta lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo boqolaal dadweyne ah oo la’iskuugu yeeray halkaasi. Magacyada ragga la toogtay ayaa waxaa Al-Shabaab ay ku kala sheegeen: 1-Maxamuud Bashiir Hilowle oo 22 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka. 2-Cabdi Xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo 23 sana jir ah wuxuu ubasaasayay maamulka Jubbaland. 3-Cabdi Raxiim Axmed Yusuf oo 26 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka. 4-Isxaaq Cabdullaahi Xasanoow oo 29 sana jir ah wuxuu basaas u ahaa maamulka Koonfur Galbeed. 5-Idiris Yuusuf dhallin oo 37 sana jir ah wuxuu u shaqeynayay ciidamada Bangaraafta Mareykanka. Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac ay fulinayaan dhaq dhaqaaqan Al-Shabaab, waxaana shalay gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen illaa 5 qof oo sidoo kale ay ku eedeeyeen inay basaas u ahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa shisheeye. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-05072019.mp3 View the full article
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa safar uu ku aadi dalka Rwanda ka baaqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib cilad farsamo ay soo wajahday diyaarad ka qaadi laheyd magaalada Muqdisho. Ka hor inta aysan isku dayin in ay ka duusha diyaaradaan garoonka magaalada Muqisho ayaa lagu wargeliyay in aysan mari karin hawada dalka Kenya, sida aan ka soo xiganay Saraakiil katirsan garoonka magaalada Muqdisho. Sida caadiga ah markii ay diyaaradaha ka baxayaan dal islamarkaana ay ku sii jeedaan dal kale waxaa lagu wargeliyaa waaxda socdaalka ee dalka marinka ah, markii ay madax ka gudbayaana kuma sii jirto. Waaxda duulimaadka Soomaaliya ayaa Madaxtooyada ku wargelisay in Kenya ay diiday in Hawada dalkeeda ay marto diyaarad u kireesneed Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana markaas la isku raacay in la maro Hawada dal kale balse waxaa cilad qabsatay diyaaradii qaadi laheyd Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waa markii ugu horreysay oo ay tilaabadaan qaadato Kenya waxayna qayb ka tahay xadgudubyada ay kula kacayso Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa wali wada tanaasul iyo dulqaad maadaama ay Kenya wajaheyso guul darrooyin badan. Dowladda Soomaaliya oo ka gudubtay xadgudubyo badan oo uga yimid Kenya ayaa u aragto in Kenya oo gacanta waxba ku heynin ay markeeda wajihi doonto guul darrooyin badan oo ka dhasha dooda ay gelisay Badda Soomaaliya. Soomaaliya wali kama aysan hadlin baaqashada madaxweynaha iyo go’aanka Kenya, balse waxaa jiray qoraalo cudur daar oo ay Internet-ka isku dhaafsadeed Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Rwanda kuwaas oo lagu cadeeyay in cilad farsamo ay soo wajahday diyaaradii qaadi laheyd wafdigii Soomaaliya ee ku wajahanaa Rwanda. Thank you President M.Farmaajo for your kind words. We know you were also supposed to join us on this occasion had it not been for last minute technical problem ….! — Paul Kagame (@PaulKagame) July 4, 2019 Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com