Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,885
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Caafimaadka Cuba Jose Angel Portal Wasiirka Caafimaadka dalka, Cuba Jose Angel Portal ayaa Jimcihii shalay sheegay, in ay weli nool yihiin laba dhakhtar oo u dhashay dalkiisa, kuwaasi oo bishii April ee sannadkan laga afduubay xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Havana, ayaa sheegay in dowladda Cuba ay wax kasta oo ay awooddo ku bixinayso, sidii loo soo dayn lahaa dhakhaatiirtaasi oo lagu haysto gudaha dalka Soomaaliya, balse kama hadlin mada-furasho ay warbaahinta qaar sheegtay in lagu xiray sii dayntooda. Mr Portal ayaa xusay in dadaalka lagu sii daynayo labada dhakhtar ee Landy Rodriguez iyo Assel Herrera, uu yahay mid adag oo u baahan wakhti si loogu guulaysto “dowladda Cuba ma joojin doonto dadaalkeeda ku aaddan sii dayntooda “ ayuu yiri Jose Angel Portal. Madaxweynaha waddanka Cuba, Miguel Diaz-Canel ayaa dhowaan khadka taleefonka kula hadlay madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, si loo agaasimo dadaalka lagu soo celinayo labada dhakhtar oo ay afduubteen kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab oo ka hawlgala xuduudka labada dal. PUNTLAND POST The post Cuba ma waxay doonaysa in ay hawgal qorshaysan ka fuliso gudaha Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  2. Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug kusii qulqulayo wufuuddii loogu talagalay inay ka qeybgasho Shirka la filayo inuu Magaaladaas ka furmo. Shirkaan oo ay yeelaneyso beesha Habar-gidir islamarkaana la sheegay inuu yahay mid looga hadlayo maalgashiga deegaanada Galmudug ayaa la filayaa inuu hub ka furmo 15 Bishaan. Magaalada Hobyo ayaa si weyn ugu diyaar garowday shirweynaha ay Beelaha Habargidir ku yeelanayaan kaasoo la filayo in looga wada hadlo ka tashiga aayaha deegaanada Habargidir iyo sidii loogu sameyn lahaa maalgashi. Wufuudda ilaa hadda gaartay Hobyo ayaa la sheegay inay yihiin maskaxdii ka dambeysay shirweynahaas 15 bishaan ka dhacayo Magaalada Hobyo. Guddoomiyaha Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Cabdullaahi Cali Faad ayaa Mas’uuliyiintaas kusoo dhaweeyey halkaas. Magaalada Hobyo oo ah magaalo xeebeed leh Dakad macmal ah ayaa u muuqato inay tahay mid laga heli karo fursado maalgashi haddii looga heshiiyo shirweynahaas. Waxaa shirkaas lagu wadaa inay ka qeyb galaan Jaaliyadda Galmudug ee Daafaha Caalamka, Qeybaha kala duwan ee Bulshado, Aqoonyahanada iyo waxgaradka. Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka taagan Doorashada Galmudug kadib markii uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre sheegay inay Doorashada ka dhici doonto Magaalada Dhuusamareeb iyadoo hadalkaas ay kasoo hor jeesteen Beesha dagto Cadaado. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Afar nin oo ah maleeshiyo hubeysan ayaa is hortaagtay cabir lagu sameynayay waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose bilaawgii todobaadkaan. Ragaan ayaa soo eryay shaqaale Turki ah oo cabirayay Laamiga iyo dhowr Askari oo la socotay kadib markii ay weydiisteen lacag baad ah. Shirkadda dhismaha ee waday shaqaalahaan ayaa ku wargelisay Dowladda Soomaaliya, waxaana kadib loo diray Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya kuwaas oo toogasho ku dilay 2 qof halka 2 kalane ay dhaawaceen kadibna ay soo qabteen. Sidoo kale, Booliiska ayaa hubkii ka qaatay ragan waxaana la sheegay in ay ahaayeen Maleeshiyo degaanka ah. Arintaan ayaa ka dhacday agagaarka degaanka Sarkuusta waxayna aad ugu dhowdahay halka loo yaqaano Xaafadda Galmudug. Hey’adaha amaanka wali arintaan kama aysan hadlin balse waxaa taagan xiisad ka dhalatay dadka la dilay. Mas’uuliyiin ka tirsan Saraakiisha Xoogga dalka, Baarlamaanka iyo siyaasiin kale ayaa la sheegay in ay ku doodayaan in dadkaan aysan is hortaagan dhismaha balse ay toogasho toos ah u geesteen Ciidamada Booliiska Soomaaliya. Dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgelineyso Dowladda Qatar ayaa wali bilaabin waxaana laba jeer Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in ay bilaaban doonto todobaadka cusub markii loo eego xiligii uu hadlayay. 2 sano kadib ilaa ma bilaaban dhismaha waxaana la aaminsan yahay in aysan soo dhawayn bilaabashada dhismaha waddadaasi oo muhiim ah labada Gobal ee Banaadir iyo Shabeelada Hoose. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa su’aallo ka keenay go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Guinea ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay Qaranimadda Soomaaliya. Hadalka Juxa ayaa siddaan u qornaa: Sidee loo fasiri karaa, maxaase ka dhalan kara xiriirka ay Somalia sheegtay inay u jartay Jamhuuriyada Guinea? 1. Horta, Guinea ma aqoonsan Somaliland, mana jiro war kasoo baxay xageeda oo arrintaas ku saabsan. Keli ah waxay booqasho ku Casumeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. 2. Qarsoodi maaha in Somaliland 28-kii sano oo u damaysay ay sheegtay inay Somalia ka go’day, aduunkana siyaabo kala duwan ula macaamilaysay. 3. Somalia xiriir safaaradeed Gunea lama laha, mana jiro xiriir diplomasiyadeed oo la gooyaa. Hadaba sidee arrintan loo fasiri karaa, maxaase ka dhalan kara? Keli ah waxay tani muujinaysaa “khalkhal, jaahwareer iyo Nugayl diplomaasiyadeed” oo xad dhaaf ah dhinaca Dawladda Federaalka, waxaana ka dhalan kara “kala fogaansho iyo damqasho boogihii tabashada reer Somaliland iyo Mugadishu.” Waa talo iyo talaabo aan laga fiirsan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Maadaama Madaxweyne Muse Biixi Abdi uu qiray in aanay dalka jirin Xeerka iskaashiga dawlada iyo ganacsiga gaar ka ah ( PPP Act ). A)- Maadaama aanay jirin Xeerarka iyo xeegaanada Maalgelinta Madaniga ah ee lagu wareejin lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha Dawlada. B)- Maadaama aanay jirin Xeerarka Maareynta iyo Maalgelinta Hantida Guurtada iyo ma guurtada ee qaranka Somaliland. C) Maadaama aan loo cuskan wareejinta hantida qaranka ee hoose xeer-nidaamiye dawli ah oo ummadda u qeexaaya waajibaadka masuuliyayeed ee saaran shirkadaha la siiyey qandaraasyadaa kala duwan ama lagu wareejiyey hantidii ma guurtada aheyd ee ummadda Somaliland wada laheyd. D) Maadaama yoolka Shirkadaha lagu wareejiyey aanay ku saleysneyn istiraajiyad qaran oo xukuumadu ku leedahay saamiyo badan oo waafiya. E) Maadaama aanay jirin heshiisyo marag-gal iyo marag-fur ah oo ku saleysan tiir sharciyeed heshiis laba dhinac ah. F) Maadaama aan loo marin hab-wareejintoodii tartan hufan oo xor iyo xalaal ah (fair competition) oo ummadda iyo ganacsatada dalka oo dhan loo soo bandhigay-Waxaa dhamaan Heshiisyadan Hoos ku taxan lagu bixiyey il-duuf sharci, taa soo lagu-tagri falay hanti qaran iyo Kaabeyaal dhaqaale oo qaranku wada lahaa, sidaa daraadeed waxaa dawlada madaxweyne Muse Biixi looga fadhiyaa in ay dhamaan hantidii dawlada ee hore loo bixiyey iyo dhamaan mashaariicdan hoos ku taxan ee dhawaan la bixiyey in dib loo eego oo lagu soo celiyo gacanta dawlada iyo kefedii miisaanka aheyd ee sharciga aheyd. Ummadda Somaliland kuma qanacsana in mashaariicda yar yarna gudida qandaraasyada la geeyo oo mikirifoonada lagaga adimo Mashaariicda Waaweyn ee muga lehna Maquuuno iyo Abaal celin malaasan laysu siiyo oo daaha dabadiisa lagu dhameysto. Rusqada mashruuca soo saarista milixda ee shirkada Salternas LTD ka wado Galbeedka Berbera oo loo xidhaayo dhul gaadhaya 150km (lama naadin ) Rusqada la siiyey Shirkada MSG si loo scan gareeyo shixnadaha ka soo dega Dekeda Berbera ( Lama naadin ganacsatadii dalbatayna waa laga eexday) Mashruuca Baaxada leh ee shirkada Hadhuub ay GPS-ka Caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda ugu sameynayso ( lama naadin ) Mashruuca Jufo Nuur Company ee qandaraaska lagu siiyey dhismaha Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama naadin ) Mashruuca Ali Waraabe Construction company lagu siiyey dib u dhiska Wadada Berbera Corridor ( lama naadin ) Mashruuca Guleed Engineering company ee lagu Siiyey dhismaha balaadhinta wadada Berbera Corridor ( lama Naadin ) Mashruuca Guri Barwaaqo Construction company ee lagu siiyey Balaadhinta Wadada Berbera Corridor ( lama Naadin ) Mashruuca baaxada leh ee dhismaha wershada sibidhka Berbera ee ay ku heshiiyeen labada shirkadood ee MSG groups iyo SAOG ( lama naadin) Ruqsada Mashruuca Somaliland Heath and Nutrition programme ee ay Malaayiinka dollar ku maalgeliso Dawlada ingiriiska (DFID-UK) Far baa ku godan ! Mashruuca dib u habeynta shaqaalaha dawlada ” Civil Servant Reform Project ” oo World Bank ku bixisay $10 Million dollar. Far baa ku godan ! Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa mar walba in sife cadaalad ah loogu qaybsado midhaha dawladnimo, si loo helo badbaado qaran waa in qandaraasyadan badan ee sare ku taxan laga dabo tagaa oo dib tendher loo wada geliyaa, oo tar tan xor ah oo xalaal ah loo soo wada maraa cidii ku guuleysatana la siiyaa ama gacanta dawlada dib loogu soo wada celiyaa. Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. Hadii sinaan iyo cadaal la waayo oo wax lawada yeelan waayo waxaa dhici doonta in wax la kala yeesho “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.! Shacaboow …Tiraa Kaa gedmane ….wax isu …gey… geyso” ! Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  6. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa urur-goboleedka IGAD ayaa ku hawllan dhismaha guddi Qaran oo xakameeya hubka fudud iyo rasaasta. Dowladda Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD ayaa kala saxiixday heshiis lixda bilood ee soo socda lagu diyaarinayo dhismaha guddi Qaran oo xakameeya hubka fudud ee waddanka. Guddiga ayaa ka shaqeyn doona sidii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd hubka fudud ee waddanka yaalla si aanu gacanta ugu gelin malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish ee dagaalka kula jira dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. Qorshahan cusub ayaa dowladda Federaalka ka caawin doona in laga qaado cuna-qabateynta dhanka hubka ah ee saaran sida laga soo xigtay urur-goboleedka IGAD. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa guddi xakameeya hubka fudud appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, Oomaar ayaa sheegay in uu jiro tartan u dhaxeeyo shirkadaha Duulimaadyada sameeya ee imanaya Soomaaliya. Waxa uu tilmaamay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in ay kasoo degaan shirkado dhowr ah oo kuwo Caalami ah, isla markaana sameeya duulimaadyo kala dalal kala duwan. Isbadal dhanka qiimaha lagu raaco Diyaaradaha ayuu sheegay Wasiir Oomaar in uu jiro, isaga oo si gaar ah u tilmaamay in marka shirkad soo kororto qiimaha shirkadaha uu hoos u dhaco. Ka wasaarad waxa uu sheegay in ay kor kala socdaan qiimaha, si ay ugu ilaaliyaan sameynta qiimo sare oo dhibaato ku noqota dadka rakaabka ah. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa shaaciyay in kaliya isbadalka qiimaha shirkadaha uu yimaado xiliyada safarka, taasina ay la qabaan shirkadaha iyo dalalka kale ee caalamka. Dhanka ammaanka Garoonka Diyaaraha ee Aadan Cadde waxa uu sheegay Wasiirka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar in uu sare u qaadan yahay. Qaar kamid ah mas’uuliyiinta shirkadaha Duulimaadyada sameeyo ayuu sheegay in ay usoo jeediyeen in la yareeyo askarta ammaanka ee ka howlgasha garoonka, taasina ay muujineyso in mas’uuliyad ballaan la iska saaray. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa xiriirka diblumaasiyadeed u goysay dalka Galbeedka Afrika dhaca ee Guinea markii uu hab-maamuus madaxweyne uu ku qaabilay Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha Somaliland. Somaliland ayaa waxay sheegataa madax banaani tan iyo 1991-dii kadib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, illaa iyo haatanse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed hoos-yimaada xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho. Kadib talaabo noqoneysaa tii diblumaasiyadeed ee ugu adkeyd oo ay xukuumada hadda jirto qaadato, waxaa soo ifbaxey su’aalo horleh oo ay kamid tahay sababta ay go’aan noocan ama u soo dhow uga qaadan weyday dalka Kenya. Nairobi oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeysa Muqdisho kuna aadan xuduud dhul-badeed ayaa bilooyinkii lasoo dhaafey ku dhaqaaqdey talaabooyin ay kamid tahay in ay aad ugu sii dhawaaneysay maamulka Hargeysa. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa ku tilmaamtay Somaliland “dal” taasi oo keentay in xukuumadda Muqdisho in loo yeerto safiirka Kenya kaasi oo lagu wareejiyey warqado cabasho ah. Axmed Ciise Cawad, wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo su’aashan la hordhigay ayaa waxa uu tilmaamay in ay “dulqaad badan” ugu muujinayaa Kenya derisnimadda iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay. “Kenya waa ay nooga duwan yahay Guinea, xiriiro badan baa naga dhaweeyay, wax is-dhaafsi badan baa naga dhaxeeyay. Malaha sabbar dheeraad ah ayaan u muujinay, xiriirkeena meeshuu ahaa iyo derisnimada naga dhaxeysa daraadeed,” ayuu Cawad u sheegay BBC-da. Marka laga reebo cilaaqaad guud, ma jirin xiriir dhow oo dhinaca diblumaasiyadda ah oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Guinea, taasoo dhalisay su’aal ah “Muqdisho ma waxay xiriirka u jartay dal aanu xiriir kala dhaxeynba?” Intaasi waxaa wehlisa, labada dowladood midkoodna kan kale dhulkiisa kuma lahan wax safaarad ah xitaa ma jiro danjireyaal u qaabilsan arrimaha wadamadooda. Hasa ahaatee wasiir Cawad oo arrintaan ka jawaabay ayaa yiri: “Xiriirka qaabab kala duwan buu leeyahay. Ma jiro wakiilo diblumaasiyadeed ama safaarado balse xiriir baanu lahayn sida wadamo kale oo aanu safaarado ku lahayn ama aysan u joogin [dalka]. Marka, Guinea Midowga Afrika bey ka tirsan tahay, waana dal aanu xiriir la lahayn, waana u dignay oo ka jooga baanu ku dhahney balse waa ay ku dhiiradeen, annagana go’aankan baanu qaadanay”. Ugu dambeyntii, Cawad oo arrinta badda wax laga waydiiyay ayaa cadeeyay in dowladda ay ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamada Cadaaladda Aduunka, isaga oo dadweynaha ka codsadey in ay xukuumada garab-istaagan. Isha: Garoowe Online
  9. Ethiopia’s regional frictions may worsen this month if the small Sidama ethnic group makes good on its threat to unilaterally declare a new semi-autonomous region in defiance of the federal government. The Sidama make up about 5 percent of Ethiopia’s 105 million people and are the largest of more than half a dozen ethnic groups in the Southern Nations region. Members say they will declare their own region on July 18 unless granted a referendum. Ethiopia already has nine regional states, mainly along ethnic lines, with considerable autonomy which the Sidama also want. Ethiopia’s constitution guarantees all ethnic groups the right to vote on forming a new regional state if their leaders request one. Achieving that status would gain them the right to levy some taxes, choose their official language, run their own security force and pass laws on issues including education and land administration. The Sidama are emboldened by a more open political climate – and a weaker ruling coalition – since reformist Prime Minister Abiy Ahmed took office in April 2018 and eased the iron first of his predecessors. However, that has also brought a surge of long-repressed rivalries between Ethiopia’s 80 plus ethnic groups, forcing 2.4 million people out of their homes and killing hundreds, according to the U.N. and monitoring groups. The Crisis Group, which seeks to help reduce conflicts worldwide, said conceding to the Sidama could encourage other groups to follow suit and cause more chaos. But blocking them could bring mass protests that may turn lethal in Ethiopia’s volatile and violent climate. “All options for managing the Sidama’s statehood demands come with risks,” the group said. The Crisis Group said at least eight more ethnic groups are campaigning for region status. Abiy addressed the Sidama issue on Monday, telling parliament the government had received their referendum request. He urged patience and warned against “unlawful” action. “The government will not bargain away the unity of Ethiopia,” he said. The reforms and the regional muscle-flexing have weakened his ruling coalition, the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front, which faced down years of protests and unrest before appointing him. Sidama activists held a rally on Thursday in Hawassa, the capital of Southern Nations region and the city they want to be their capital. “The people have already decided and we are making a lot of preparations,” said activist Tessema Elias, 33, an assistant professor of law at Hawassa University. “The government simply has to recognize us and if they refuse to, this will lead to a crisis.” CGTN Africa Qaran News
  10. (SLT-Laas-canod) Maamulka Gobolka Sool Ayaa Soo Dhaweeyey Safarkii Madaxwaynaha Somaliland Ee Dalka Gini Source
  11. (SLT-Hargaysa)Bulshada Gobolka Maroodi Jeex Oo Taageray Safarka Madaxwaynaha Somaliland Ee Dalka Gini. Source
  12. Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu kaga hadlay mowqifka ay xukumadda Farmaajo ka qaadatay dalka Gini waxa uu u dhignaa sidan “Go’aanka Xukuumadda Federaalka ahi xiriirka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed. Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin. Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata; 1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey. 2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo. 3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xiranto” . Qaran News
  13. (SLT-Burco) Xildhibaan Bidhi Oo Dawlada Guinea Ku Bogaadiyey Jawaabtii Ay Ka Bixisay Xidhiidhkii Ay Somaliya Sheegtay Inay Ujartay Guinea. Source
  14. Facing persecution, violence, lack of health care and myriad other barriers to safety, millions of refugees leave home each year seeking a better life in a different country. Source: Hiiraan Online
  15. Mudooyinkii danbabe laanta afka Somaaliga ee BBC waxa ay warar Iyo ciwaano qaldan ka bixinayeen jamhuuriyada Somaliland, bal u fiirso ciwaankani Iyo warka hoos yaala Aqoonsi raadinta Somaliland ma wuxuu ka riday Guinea oo ay dadkeeda fuqaro yihiin? – BBC News Somali Madaxweynaha Jamhuuriyadda gooni iisu taaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Muse Biixi Cabdi, ayaa safar ku jooga dalka Guinea, halkaas oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay. Balse arrintaasi ayaa dhalisay muran hor leh oo ka dhex-dilaacay Soomaaliya iyo Somaliland, kaddib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Guinea. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo la weydiiyay in dowladdiisa ay horey xiriir ula lahayd Guinea ayaa sheegay in labada dal aysan horey u lahayn matalaad diblumaasiyadeed. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir Faratoon, ayaa sheegay inay halkaas u tageen inay sii wadaan xiriirkooda ay la leeyihiin dalalka dunida. Haddaba Guinea waa dal caynkee ah? Macdanta laga helo Guinea ayaa ka dhigtay mid ka mid ah dalalka ay tahay inay ugu qanisanaadaan qaaradda Afrika, balse dadkeeda ayaa ka mid kuwa ugu faqiirsan galbeedka Afrika. Waxaa dib u dhigay hanti-wadaag muddo dheer lagu dhaqayay, iyo labo sano oo ay militeri ka talinayeen. Balse haatan, inkasta oo sanadkii 2010-kii ay dowlad rayid ah meesha qabsatay, waxay dalka u horseedday iska horimaad hubeysan. Waxaa intaa u sii dheer, in boqollaal kun oo qaxooti ah oo ka soo kala jeeda dalalka Liberia iyo Sierra Leone ay halkaasi ku nool yihiin, oo ay culays dheeri ah ku keeneen dhaqaalaha dalkaasi. Somalia iyo Guinea horey xiriir ma u lahaayeen Soomaaliya iyo Guinea ma lahayn wax xiriir diblumaasiyadeed ah, horeyna uma jirin wax dano ah oo soo kala dhex-galay labada dal, balse waxay labaduba xubin ka wada yihiin Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Xaqiiqooyin la xiriira Guinea Magaca: Jamhuuriyadda Guinea Caasimadda: Conakry •Tirada dadka: 10.5 milyan •Masaaxada: 245,857 sq km (94,926 sq miles) •Luqadaha: Faransiis, Susu, Fulani, Mandingo •Diinta: Islaam, Masiixi, Diimaha dhaqanka Xigasho: Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka Madaxweynaha Guinea Qaran News
  16. Muqdisho (SMN) – Dhagetsyataasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-05072019.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay go’aanka dowlada federaalka Somaliya ay xiriirkii ugu jartay dalka Gini. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in go’aankaasi ay xukuumada Farmaajo qaadatay uu ka muuqday fudeyd iyo biseyl la’aan diblomaasiyadeed. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona shaaciyey qodobo uu ku sheegay inay ka muuqdeen go’aankaasi, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Go’aanka Xukuumadda Federaalka ahi xiriirka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaar la’aan diblomaasiyadeed. Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh horey ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xiriirna uma jarin. Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata; 1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo horey u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey. 2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaar la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xiriir jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma ahan tan laga bilaabo. 3- Go’aanku wuxuu kala durjinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xiranto. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. The Federal Government of Somalia (FGS) yesterday launched an exercise to incorporate forces of the Ahlu Sunna Wal Jama’a (ASWJ) group into the Somali Security Forces. Source: Hiiraan Online
  19. Balanballe (SMN) – Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Wasiiru dawlaha wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta gaarey degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud. Mas’uuliyiinta oo soo dhaweyn diiran la kulmay ayaa halkaasi waxay u tageen diiwaan-gelinta iyo qarameynta ciidamo, hub iyo gaadiid dagaal lagu wareejiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Tani ayaa qeyb ka ah dadaalo ay waddo Dowladda Soomaaliya oo ku aadan sidii loo qarameyn lahaa maleyshiyaadka ku hubeysan qaybo kamida Galmudug, isla markaana looga biirin lahaa xoogga dalka. View the full article