Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,883
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Abaarso School Ma Wax Loo Dhiga Jira? Waxa soo dhaw sanad guuradii 10-aad ee Abaarso School oo ku beegan 10-ka bishan Julay School-ka waxa aasaasay dad samafaleyaal Maraykan ah oo uu hormood ka ahaa Jonathan Starr oo dadaal badan galiyay, duruufo adagna kala soo dabaashay hirgelinta School-ka. Todobadii sannadood ee ugu horeeyay isaga ayaa gacanta ku hayay toosna u maamulayay oo wakhtigiisa oo dhan u huray laakiin, markii school-ku taabbo galay ee uu hubsaday wuxuu si dadban uga maamula magaalada New York oo fadhigiisu yahay, sanadkiiba 3-4 jeer ayuu kormeer iyo qiimayn ugu yimaadda. Imaatinka dalka iyo dhismaha School-ka waxa ku dhiiri geliyay, gacanna ku siiyay muwaadiniin Maraykan ah oo Somaliland ka soo jeeda iyo dadweynaha tuulada Abaarso oo soo dhaweeyay. Waxbarashada tayadeedu sarayso ka sakow ardayga waxa laga raba in uu noqdo arday dhammaystiran oo dhinac walba ka dhisan (squire student), waxa lagu barbaariya in uu ahaado qof jira oo isku kalsoon, jidh ahaan dhisan, akhlaaq wacan, dhaqan wanaagsan, Diinta ku fiican oo aammin ah, wakhtigiisa firaaqadana bulshada u adeega. Si kastaba ha ahaatee Abaarso School waxa lagu tilmaami kara johorad ka dhex ifaysa Somaliland. Lixdii sannadood ee u dambeeyay waxa deeq waxbarasho ka helay 130 arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal, waxa loo ogolaaday in ay galaan jaamacadaha ugu magaca weyn uguna qaalisan Maraykanka ( The most prestigious universities) oo arday badan oo Maraykanka u dhalatay aanay gali Karin ama aanay kharashkooda bixin Karin, markaa bal qiimeeya arday kasta lacagta ku bixi karta sanadkii. Ardayda Somaliland ee waxbarashada u taga Masar, Sudan, Saudi Arabia, Pakistan, Turkey, Malesia ama India waxa lagu khasba in ay soo qaataan basaboorka Soomaaliya laakiin, ardayda Abaarso School waxay ku safraan oo ay Maraykanka ku galaan basaboorka JSL. Haddaba Muwaadin Abaarso School ma wax loo dhigo ayaa jira. Ardaydu marka ay Maraykan u dhoofayaan arday waliba wuxuu sii qaata calanka JSL oo weyn, waxay ku soo bandhigaan ama ka taaggan hoolka Jaamacadda marka xafladaha ama doodaha lagu qabanayo, waxaanay si aftahannimo ah khudbado ugu jeediyaan kumanaan kun oo qof iyaga oo u sharraxaya qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guulaha Abaarso School iyo waxa uu ugu fadhiyo Somaliland. Ardayda Abaarso School waxa xiiseeya oo waraysiyo iyo barmaamijyo ka qabta TV-yada ugu caansan Maraykanka sida: CNN, CBS, ABC iyo qaar kale. Sidaas daraadeed ardayda Abaarso School ee Maraykanka jooga waxay isu xilqaameen in ay dhankooda ka qayb qaataan ololaha loogu jiro citiraaf raadinta JSL, waxaanan u malaynaya waa sabab ka mid ah waxaanay dadka qaar u jeclayn Abaarso School. Ardayda wacdaraha ka dhigay jaamacadaha ee soo jiitay indhaha bulshada Maraykanka waxa ka mid ah Deeqa Aadan, Nimco Ismaaciil, Mubaarik, Nadiira Yuusuf iyo qaar kale oo badan. Haddaba Abaarso School ma wax loo dhiga jira La Soco Qaybta Dambe Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  2. Afgooye (SMN) – Sida lagu baahiyay bogagga Internet-ka Al-Shabaab ayaa illaa saddex askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya. Toogashada ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kurtun-Waareey ee gobolkaasi. Fagaaraha lagu toogtay askartaasi ayaa waxaa ku sugnaa badweyne fara badan xubno ka tirsan Al-Shabaab. Magacyada raggan ayaa Al-Shabaab waxa ay ku kala sheegeen Amiin Tifow oo 23 jir ahaa, Muxiidiin Maxamed Cabdiraxiin oo 36 jir ahaa iyo Cabdiwahaab Axmed Xasan oo 30 jir ah, waxaana ay tilmaameen in askartaasi ay ku qabteen dagaallo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Jubbaland ayaa ku warramaya in Al-Shabaab ay toogasho kale ka fuliyeen degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe. Dilkaasi ayaa waxaa lagu fuliyay nin magacaabi jiray Cali Xasaney Axmed Kaaytoy, kaas oo 35 jir ahaa. Qaadiga maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkaasi uu ahaa Saaxir, islamarkaana uu qirtay. Maalmihii dambe Al-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana Arbacadii iyo Khamiistii la soo dhaafgay ay dileen illaa 10 qof oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo. View the full article
  3. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-06072019.mp3 View the full article
  4. The UN Security Council called Friday for a ceasefire in Libya as the death toll from a three-month offensive on Tripoli reached 1,000, including scores killed in an air strike that hit a detention centre for migrants. Source: Hiiraan Online
  5. Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta qof shacab ah ku dilay mid kalana ku dhaawacay gudaha magaalada Muqdisho. Ruux dhintay ayaa lagu sheegay inuu ahaa wiil Mooto Bajaajle ah, kaas oo askari xabadda ku dhuftay, waxaana soo gaaraay dhaac culus, maadaama xabaddu uga dhacday qeybta sare ee jirka, isbitaalka oo dhaawac ahaan loo gaarsiiyay ayuu ku geeriyoodey. Sidoo kale ruuxa dhaawmay ayaa ahaa nin ka watay gaari –dameer, waxaana dhaawacay xabaddii ka soo gudubtay marxuumka dhintay, dhacdadaan ayaa ka dhacday meel u dhow Iskuulka Dhagaxtuur ee dagmada Hodan ee gobalka Banaadir. Lama oga sababta, laakin dad ayaa Goobjoog News u sheegay in arrinta ka dhalatay kadib markii biyo wasaq ah lagu farjiyey askariga. Dhanka kale, ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa ka qaaday dhaawaca labada ruux , ayadoo uu dhaawac culus ahaa wiilkii darawalka Mooto Bajaajka waday , markii dambana geeriyoodey. Askarigii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday, mana jiraan warar ka soo baxay laamaha ammaanka ee ku aadan dhacdaan lagu dilay qofka shacabka ah mid kalena lagu dhaawacay. Ciimada dowladda ayaa dilal badan u geystay wadayaasha Mootada, waana yar tahay kuwa la qabto ama la ciqaabo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay kulan maanta ka dhacay Gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Suudaan Wasiirka ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudan, waxaana uu sheegay in dhammaan Safiiradda ay isla garteen in la taageero heshiiskii dhawaan ay gaareen Golaha Milatariga Suudan iyo Kooxda Banaanbaxyadda wadda. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto Sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka Suudaan, islamarkaana Ururka Jaamacadda uu ku dadaali doono in dowlad buuxda laga dhiso dalka Suudaan. Arrimaha Guinea Wasiirka Cawad oo uu ku dheeraaday Sababtii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea waxaana uu sheegay in dowladdaasi ay si cad ugu xadgudubtay Soomaaliya Qaranimadda, islamarkaana qeyb ka mid ah Soomaaliya ay Casuumaad dal ahaan ah ay u fidiyeen. Waxaa uu sheegay in sababta ay arintaasi u gaareen ay tahay in dal walba uu ixtiraamo Qaranimadeena. Waxaa uu xusay in go’aanka xiriirka loogu jaray uu yahay mid laga baaran degay, islamarkaana Waqti badan laga fakiray. Waxaa uu sidoo kale qiray iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida dalkan, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin. Soomaaliya iyo Somaliland Waxaa uu xusay Wasiir Axmed Ciise Cawad in dowadda Soomaaliya ay Somaliland u aaminsan tahay in ay ka mid ah tahay dhulka Soomaaliya, ayna jiri karin dowlad u sameyn karta Maqaamka dowladeed ee Soomaaliya oo kale. Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland hormarkeena ay jecel yihiin laakiin uusan waxba ka badali karin in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya oo cidii dowlad u aqoonsataa in jabisay Qaranimadda Soomaaliya iyo Wadajirka Umadda Soomaaliyeed. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Galmudug. Waxaa uu ka hadlay Safarka Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ee degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in guulo waa weyn laga soo hooyay oo Ra’iisul Wasaaraha uu booqday magaalooyin badan haddana uu booqon doono Magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Wasiir Cawad oo la kulmay Wakiilada Caalamka u Jooga Soomaaliya ayuu wuxuu sharaxaad ka bixiyey sababta ay Xiriirka uge jareen Dalka Gini Kanaky, wuxuuna Wasiirku [...] Source
  8. APO Group content is copyright free and can be republished at will. African Development Bank Group (AfDB) PRESS RELEASE African Union Commission calls for further financial input for the New Partnership for Africa’s Development Infrastructure Project Preparation Facility (NEPAD-IPPF) Special Fund The African Development Bank approved in June 2019 the allocation of UA 3 million from its 2018 Net Income to NEPAD-IPPF ADDIS ABABA, Ethiopia, July 5, 2019/ — The 29th Oversight Committee (OC) meeting of the New Partnership for Africa’s Development Infrastructure Project Preparation Facility (NEPAD-IPPF) Special Fund held at the headquarters of the African Union Commission in Addis Ababa, Ethiopia, has ended with calls for increased investments to accelerate the closure of Africa’s infrastructure gap. The meeting, held on 28 June 2019, was hosted by the AUC and chaired by KfW Development Bank (Germany). Topics discussed included the NEPAD-IPPF Independent Review report, the introduction of reimbursable grants as part of the new business model, the mid-year progress report, updates on continental infrastructure initiatives, and adoption of a proposed joint AUC/AUDA/AfDB Domestic Resource Mobilization Strategy. Michael Andres, the Oversight Committee Chairman, commended the achievements of NEPAD-IPPF and noted that more resources are required given the increasing demands being made on the fund. “The NEPAD-IPPF Special Fund must continue to focus on key priorities, such as PIDA Projects to support the African 2063 Agenda.” Andres said. While speaking on the Fund’s progress in the first semester of 2019, African Development Bank Director for Infrastructure and Urban Development Amadou Oumarou urged participants to consider the continent’s enormous infrastructure needs. “New contributions from Spain (Euro 3 million) and the African Development Bank (UA 3 million) are indications of confidence in the Fund’s ability to successfully fulfil its mandate, and also recognition that the NEPAD-IPPF is playing a critical role in infrastructure development in Africa. It is therefore expedient for (the Fund) to be further strengthened with the necessary resources to enable it to meet its objectives and mandate,” Oumarou said. The meeting convened over 30 participants including donors providing financial support to the NEPAD-IPPF Special Fund, representatives from the African Development Bank, the African Union Commission, the African Union Development Agency (AUDA-NEPAD), Regional Economic Communities (RECs), River Basin organizations and regional corridors authorities. For AUC Director for Infrastructure and Energy, Cheikh Bedda, “The Programme for Infrastructure Development in Africa (PIDA), and Africa’s infrastructure priorities cannot be implemented without adequate resources committed to the NEPAD-IPPF, a critical instrument to prepare high quality bankable regional infrastructure projects across Africa”. Providing updates on the Fund’s operational performance NEPAD-IPPF Fund Manager Mike Salawou, stated that cumulative contributions by donor partners including the African Development Bank amounted to $102 million, out of which $96.1 million had been committed to approve 91 projects. As at June 2019, 60 studies have been completed, 9 cancelled and 22 are on-going, he noted. The African Development Bank approved in June 2019 the allocation of UA 3 million from its 2018 Net Income to NEPAD-IPPF. In addition, the Spanish Government announced a new contribution of EUR 3 million to NEPAD-IPPF in May 2019. Among the studies completed by the Facility, 30 have so far reached financial close and attracted financing of $24.2 billion for physical implementation of power plants, bridges, ports, roads, hydropower schemes, and ICT projects. Of these successful projects, 17 have been constructed, 11 are under construction and two are yet to commence. “While disbursements of committed funds on supported projects have reached a record, beyond that and without any new contributions to the Fund, NEPAD-IPPF will not be in position to support additional project preparation activities, therefore, there is a need for urgent replenishment of the Special Fund,” Salawou stressed. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). View multimedia content Media Contact: Amba Mpoke-Bigg Communication and External Relations Department African Development Bank Email: a.mpoke-bigg@afdb.org Tel: +225 57 25 77 00 Karine M’Bengue-Maingé Infrastructure and Partnerships Division African Development Bank About the African Development Bank Group: The African Development Bank Group (AfDB) (www.AfDB.org) is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank (AfDB), the African Development Fund (ADF) and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 44 African countries with an external office in Japan, the AfDB contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. For more information: j.mp/AfDB_Media About NEPAD-IPPF: The New Partnership for Africa’s Development Infrastructure Project Preparation Facility (NEPAD-IPPF) Special Fund, hosted by the African Development Bank, is a leading project preparation facility in Africa, which plays a catalytic role in mobilizing resources for preparation of regional projects and programs such as the Programme for Infrastructure Development in Africa. It’s a multi-donor Fund established in 2005 to assist African countries, Regional Economic Communities (RECs) and Infrastructure related institutions for: (i) preparing high quality and viable regional/continental infrastructure projects with a view to requesting financing from public and private sources; (ii) developing a consensus and partnership for project implementation; and (iii) promoting infrastructure projects and programs aimed at enhancing regional integration. The Fund supports projects in transport, energy, ICT, and water sectors. The special fund is currently supported by the Bank as host institution, Canada, Germany, United Kingdom, Norway, Denmark, and Spain. Participation in the special fund is open to donors, institutional funds and other special infrastructure funds. SOURCE African Development Bank Group (AfDB Qaran News
  9. Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland lagu sharxay saaka sawirrada madaxweynaha dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Guinea, iyadoo lagu dul qoray ereyo mahadcelin ah. Madaxtooyada Somaliland ayaa daabacday sawirrada madaxweynaha dalka Gini Alpha Conde, kuwaasoo la suruy baalayaasha waaweyn ee agagaarka xarunta Madaxtooyada Magaalada Hargeysa, garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka waaweyn, waxaana sidoo kale sawirrada ka mida muuqaalada Madaxweyne Muuse Biixi. Arrintan ayaa ka dambeysay markii madaxweynaha Somaliland booqasho ku tegay dalka Gini, halkaasoo lagu soo dhoweeyay, isla markaana dowladda Somalia ay xiriirkii diblomaasi u jartay dalka Gini. Dhinaca kale dalka Imaaraadka carabta oo xiriir dhow la leh dalka Gini, isla markaana maalgelin weyn ku sameeyay ayaa la sheegay inuu ku lug leeyahay qorshaha tegista madaxweynaha Somaliland ee dalka Gini, iyadoo dowladda Somalia iyo Imaaraadka uu xiriirkooda aad u xun yahay xilligan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Commanders of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) military component are meeting in Mogadishu to review and evaluate the implementation of the mission’s Concept of Operations (CONOPs). The CONOPs provides a framework to guide the implementation of AMISOM’s gradual transfer of security responsibilities to the Somali Security Forces and exit from Somalia. The meeting, which started today, is attended by commanders of the various AMISOM military contingents, Somali National Army (SNA) the United Nations and other development partners. The AMISOM commanders will, over the next three days, deliberate on progress to implement the CONOPs during the last three months. Ambassador Francisco Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission (SRCC) for Somalia who opened the meeting, called for improved coordination and encouraged commanders to ensure the mission meets its objectives. “We committed to undertake certain operations, and it is important that we see the results of those operations,” remarked Ambassador Madeira. Ambassador Madeira commended the SNA and AMISOM troops for liberating Sabiid, Anole and Bariire, highlighting this as a milestone in efforts to restore peace and stability in Somalia. Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, the AMISOM Force Commander, attributed the success in operations to enhanced coordination between AMISOM, Somali Security Forces and international partners. Lt. Gen. Tigabu noted that joint operations in the Lower Shabelle region had positively impacted on the security in Mogadishu city. “It has significantly reduced incidents of Improvised Explosive Devices explosions and mortar attacks, which Mogadishu had been experiencing,” Lt. Gen. Tigabu remarked. View the full article
  11. The lawmakers of Somalia’s Federal parliament is debating on Saturday the Labour and manpower development bill. Radio Shabelle’s correspondent at the house says the MPs will discuss the first reading of the bill and possible amendment on the significant act before its approval. If it endorsed the bill will help reshape labor and manpower rights in the horn of the African nation, which is challenged by a high rate of unemployment. On the other hand, the speaker of the lower House Mohamed Mursal has strongly warned members against absentia during the business days. This came after previous parliamentary sessions were canceled due to lack of quorum. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay illaa saddex askari oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dileen gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Toogashada ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacday deegaanka Kurtun-Waareey ee gobolkaasi. Fagaaraha lagu toogtay askartaasi ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Amiin Tifow oo 23 sana jir ah, Muxiidiin Maxamed Cabdiraxiin oo 36 sana jir ah iyo Cabdiwahaab Axmed Xasan oo 30 sana jir ah . Al-Shabaab ayaa tilmaamay in askartaasi ay ku qabteen dagaallo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay Fagaarahaasi ayaa hanjabaad u diray shaqaalaha iyo ciidamada dowladda Soomaaliya. Waxa ay sheegeen inay beegsan doonaan cid kasta oo la shaqeysa shisheeyaha, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa toogasho kale ka fuliyay degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu fuliyay nin lagu sheegay inuu Saaxir ahaa. Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Xasaney Axmed Kaaytoy , kaas oo 35 sano jir ahaa. Maalmihii la soo dhaafayAl-Shabaab ayaa kordhiyay falalka toogashada ah, waxaana Arbacadii iyo Khamiistii ay dileen illaa 10 qof oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ay xilalka kula wareegayeen gudoomiyaha gobolka Karkaar, taliyaha qaybta booliska gobolka iyo taliyaha [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa dil iyo dhaawac uu askari ka tirsan ciidanka dowladda ka geystay magaalada Muqdisho. Toogashadan ayaa ka dhacday waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo kaxeynayay mootada nuuca loo yaqaano Bajaajta. Sidoo kale waxaa rasaasta uu furay askarigaasi ku dhawaacmay qof kale oo shacab ah oo ka agdhawaa halkaasi. Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad Goobjoogayaal ah dhacdadan ayaa timid, kadib markii darawalka Bajaajta uu biyo wasaqeysan ku firdhiyay askariga dilka geystay, kaas oo la sheegay inuu ka carooday, kadibna uu rasaas ku furay Marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaatay goobta, balse waxaa la sheegay inuu baxsaday askarigii ka dambeeyay falkaasi. Ciidamada dowladda ayaa inta badan dilal ka dhan ah Bajaajleyda ka geysta Muqdisho, waxaana marar badan Caasimada ka dhacay banaanbaxo looga soo horjeedo dilalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Qareenka guud ee kenya ayaa doonaya in maxkamadda ay daaqaddaa ka tuurto kiis ay soo gudbiyeen dad reer Kenya ah oo doonayo in dowladdooda ay ka baxdo kiiska la xiriira muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaliya. Kiiska ayaa waxaa gudbiyay labaatan sharci yaqaan oo uu hor kacayo Weldon Korir, kuwaasi oo ku doodaya in ka qeyb galka Kenya ee kiiskani uu ka hor imaadsanyhay sharciga dalka. Qareenka guud ee Kenya, Kennedy Ogeto, ayaa sheegaya kiiska ay geeyeen Kiriro wa Ngugi iyo labaatanka kale uu yahay mid iska ciyaar ah. Dacwad oogeyaasha ayaa waxaa matalyay qareen Kibe Mungai. Kenya ayaa Maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka waxaa ka dacweeyay Soomaaliya bishii August ee sannadkii 2014-kii, kadib markii ay ku murmeen dhul badeed gaaraya ilaa 100,000 oo kilometre oo isku wareeg ah. Markaa kadib Kenya ayaa iyadana soo oogtay dacwad ay Soomaaliya isaga difaaceyso, iyada oo ku doodeeyso in Maxkamadda ICJ aysan awood u lahayn in kiiskan ay dhageeysato. Kenya ayaa ku doodeeysay in marka hore la raadiyo waddo kale oo lagu xalliyo khilaafka dhanka badda ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliya. Maxkamadda ICJ ayaa 2-dii bsihii Febaraayo ee 2017-kii gaashaanka u daruurtay, taas oo ku doodeeyso in heshiiska is afgarshada uunsan xal u noqon Karin kiiska badda ee Soomaaliya. Kiriro iyo 19-ka kale ee sharci yaqaanada ah ayaa aaminsan ka qeeyb qaadashada Kenya ee kiiska badda ee loo asteeyay in la dhageeysto inta u dhxeeyso 9-ka September iyo 13-ka, uu wax ka baddeli karo xadkeeda iyo khariiraddeedaba. Waxa ay doonayaan in Maxkamadda Sare ay soo saarto qoraal amar ah oo ay ku joojinayso in ICJ ay dhageeysato kiiska badda ee Soomaliya kala dhexeeyo maadaamaa aysan haynin caddeymo sharci ah, sidoo kalan heshiiska is afgarshada ee la gaarayna uu mad-madaw ku jira. Labaatanka qareen ayaa waxay aaminsan yihiin in dawladda Kenya aysan horay usii wadi karin kiiskan iyadoo la eegayo sharciga kenya u yaalla. Garsoore Weldon Korir ayaa go’aanka gaari doona 11-ka bishan July. Labaatankan ayaa sheegay in Kenya aysan sii wadi dooonin ka qeeyb qaadashada dhageysiga Maxkamdda iyada oo aan ka baqayn in dhulkeeda lumo sidoo kalana ka cabsi qabin in dhulkeeda iyo madax-banaadideedaba gorgortan u gelin . Maxkamdda ayaa waxaa loo sheegay in inkastoo Kenya ay aqoonsantahay xukunka ICJ, haddana Kenya uu shaki uga jiro kiiskaasi. Dadka dacwadda geeyay ayaa waxay aaminsayihiin sababta ay uga hor yimaaden inay tahay inay suutro gal ahayn in dhammaan khilaafyada lagu xalliyo maxakamadaha. Dhibaatooyinka ama khilaafyada qaar ayaa waxa ay u baahan-yihiin in lagu xalliyo geedi socod dhanka siyaasadda ah amaba diblomaasiyadda ah taasi oo ay lagama maarmaan tahay in la’ is hor keeno muwaadiniinta waddamada khilaafka uu ka dhaxeeyo oo ay iyaga go’aanka ugu dambeeya gaaran. Arrintan la xiriirta xuduudda badda ayaa dhalisay khilaaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaala xuduuda lagu mursan yahay. Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xsuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka. Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola simo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo. Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay waxa uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah. Bormanews Qaran News
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo IGAD ayaa kala saxiixday heshiis lagu dhisayo guddiga Qaran ee xakameynta hubka fudud iyo rasaasta, kaas oo halis ku ah Kooxda Al-Shabaab. Lixda bilood ee soo socoto ayaa la sheegay in lagu dhisi doono guddigaasi oo xilligan muhiim u ah Soomaaliya. Guddiga ayaa ka shaqeyn doono, sidii ay dhammaan dowladda Soomaaliya ula wareegi laheyd hubka fud fudud iyo rasaasta. Sidoo kale guddigani ayaa hubka ka ilaalin doono inuu gacanta u galo Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya Waxa kale oo ay la socon doonaan in aan hub laga gudbin, amaba laga soo gelin guud ahaan xududaha dalka. Dowladda iyo IGAD ayaa sidoo kale sheegay in shaqada guddigan ay ka mid noqon doonto qorshaha kala guurka ee AMISOM amniga ugu wareejineyso ciidamada Soomaaliya. Arrintan ayey IGAD sheegtay in Soomaaliya ay ka caawineyso in laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran. Soomaaliya oo haatan ka soo kabaneysa burbur lixaad leh ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha weli heysta hubka sharci darrada oo inta badan loo sii gudbiyo Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama gudaha dalka. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Boosaaso (SMN) – Xubnaha Guddiga xaqiiqa raadinta ahaa ee ka kala socday Xildhibaanada golaha shacabka iyo maamulka Koonfur galbeed oo gaaray magaala xeebeedka boosaaso ee xarunta gobolka bari waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi. Guddiga ayaa magaaladda boosaaso kulan kula qaatay bulshada kasoo jeeda deegaanadda koonfur Galbeed ee ku nool magaaladaasi iyagoo ka xog wareystay xaalka deegaanadda ay ku noolyihiin iyo hadii ay jiraan caqabado heysta iyagoo intaaasi ka dib kormeeray xabsiyada magaaladaasi oo ay dad eedeymo kala duwan loo heysto ay ku xiranyihiin,waxaana ka hadlay qaar ka mid bulshadii iyo waxgaradkii Kulanka ka qeybgay iyo sidoo kale xildhibaano. Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan la qaatay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana ma mid ah wasiirka Dekadaha,Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha,Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale taliska qeybta booliska,waxaana kulanka inta uu socday aad looga hadlay dadka xabsiyada ku xiran iyo dembiyada loo heysto iyo sidoo kale in la kala saaro oo si deg deg dadka xiran maxkamad loo horkeeno si dembiilayaasha ay garsoor cadaalad ah u helaan kuwii dembi lagu waayana dib xoriyadooda loo siiyo. Guddigan ayaa loo diray in ay warbixino xaqiiiqo raadin ah ka keenaan dhibaatooyinkii dadka Badan lagu laayay ee dhawaan ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. Kismaayo (SMN) – Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan hoggaanka Jubbalan ayaaa eedeyn u jeediyay guddiga doorashooyinka maamulkaasi. Ciilmooge oo la hadlayay Shabelle ayaa sheegay in guddigu uusan dhex dhexaad ka aheyn doorashada Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha ee Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in beesha caalamka oo kor joogta ka ah doorashooyinkaasi ay la socoto arrimahaasi. Musharrax Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi ayaa intaasi ku daray in inta badan hoggaanka dhaqanka Jubbaland ay ku sugan yihiin Muqdisho, islamarkaana ay isaga soo tageen magaala Xeebeedka Kismaayo, kadib caburin lagu sameeyay, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambgeyn waxa uu ugu baaqay guddiga doorashooyinka Jubbaland inay si cadaalad ah u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah. Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka ee Jubbaland lagu qabtay magaalada Kismaayo oo haatan looga dareemayo qaban qaabadeeda. View the full article
  19. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka Al-Shabaab looga saarayo deegaanada maamulkaasi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalkaasi. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo. View the full article
  20. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-06072019.mp3 View the full article
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in markale maanta ay ku dhawaaqdo go’aan culus oo ku aadan xiriirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibada XFS ayaa saacadaha soo socda qaadaneyso go’aankan, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online. Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiir Axmed Ciise (Cawad) ayaa lagu wargeliyay Wariyeyaasha kuwa gudaha iyo dibadda in ay ka soo qeyb galaan shir jaraa’id oo ay qabaneyso wasaaradda. Warkan ayaa lagu sheegay in lagu sheegay in shirka uu dhici doono Subaxa hore ee Sabtida oo maanta ah. Wararka qaara ayaa sheegaya in laga yaabo in wasiirka uu ku dhawaaqo doono go’aan ka dhan ah Keny oo uu haatan khilaaf xoogan kala dhexeeyo Soomaaliya. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay gabi ahaan xiriirkii u jartay dalka Guinea, oo si maqaam sare ah u soo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo booqasho ku jooga dalkaasi. Go’aankan iyo kuwa dhawaaqistiisa ayaa waxaa ka fal-celiyay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood sheegay in waxba uusan soo kordhineyn, iyaga oo sabab uga dhigay in Guinea aysan wax xiriir ah oo sidaa u weyn markii horeba ay la laheyn Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Two Cuban doctors abducted along Kenya's troubled border with Somalia in April are alive, Cuban Health Minister Jose Angel Portal said on Friday. Source: Hiiraan Online
  23. Mudane ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa ka digey duqeymo uu sheegay in lala eegto deegaanno ay degan yihiin dad rayid ah. Xildhibaan Mahad Dhoore oo la hadlay Goobjoog, ayaa tusaale usoo qaatay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose oo dad rayid ah lagu dilay. Ciidamada Maraykanka iyo kuwa xoogga dalka ayuu sheegay in dhacdooyin badan oo shacab lagu diley ka fuliyeen Shabellaha Hoose, islamarkaana sanadkan ugu daran tahay waxyeellada lasoo gaarsiiyey rayidka. Wuxuu ku baaqay xildhibaan Dhoore in DFS looga baahan yahay baaritaan iney ku sameyso dhacdooyinka Shabellaha Hoose, si aanu shacabka u kicin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-koonfur-galbeed.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Hundreds of people have gathered in Bury to mourn a 12-year-old refugee schoolgirl who drowned in a local river, before the memorial turned into a protest outside her school. Source: Hiiraan Online