Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,888
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ay la socdaan wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda tubaha qaranka ayaa maanta kormeeray xarunta wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kormeerka ugu kuur gelayay wixii wasaaradda ugu qabsoomay ballamadii Ra’iisul Wasaaraha ay la galeen ee ahaa in shaqooyin badan oo qayb ka ah halbeegyada ay ku leedahay Tubaqa Qaranka in sannadkaan 2019 ay ku qabanayaan. Intii uu kormeerku socday ayaa wasiirka qorsheynta XFS waxa uu warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka shaqooyinka u qabsoomay iyo howlaha qabyada u ah ee ay doonayaan in ay ku qabtaan xilligii loo qorsheeyay. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka, iyo dhammaan agaasimayaasha in ay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ka mira dhalinta shaqada ay qaranka u hayaan. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ganacsatada ayaa looga hadlay arrimaha nabadeynta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Ganacsatada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in ay qaadanayaan dowrka uga aaddan Nabadeynta, Dhismaha iyo Horumarinta dowlad gobaleedka Galmudug. Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si looga shaqeeyo dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-06072019-1.mp3 View the full article
  4. Cabdiraxmaan Yariisow, duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka jawaabayey buug caafimaad oo ay soo saaratay wasaaradda caafimaadka ayaa ku tilmaamay mid ay ka muuqato maseyr iyo xaasidnimo. Mr. Yariisow oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri ”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Duqa Muqdisho oo sii-hadlaya waxaa uu yiri “Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasadda heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta goor sii horeysay Soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso iney dhameystirka buug caafimaad, oo qalabkii iyo shaqaalihii ay diyaarisay, Arrintan oo u cuntami weysay gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Hobyo (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa weerar Jid gal ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Nin lagu magacaabo Maxamed Gafaaje oo horay uga tirsanaa jiray hoggamiyeyaashii Barcad badeedii Soomaaliya. Weerarka lagu qaaday kulunyadaas ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare is kugu jira dhimasho iyo dhaawac, inta la xaqiijiyey waxaa dhimatay Seddax ruux oo ka tirsaanaa ilaalada Maxamed Gafaaje waxaana jira dhaawacyo kale oo aan tiradooda la xaqiijin. Xiliga la weerar ayuu marayey inta u dhaxeysa deegaanka Gawaan iyo degmada Hobyo ee Gobolka Muudug, oo qiyaastii isku jira 30-KM. Maamulka degmada Hobyo oo uu ka tirsanaa sarkaalka la weeraray oo aan la sameynay xiriiro kala duwan ayaa noo sheegay in ay Ciidamo u direen halka lagu weeraray salkaalkaas ka tirsanaa, isla markaana aysan macluumaad dheeraad ah ka bixi Karin qaabkii uu u dhacay werarkaas iyo cida geysatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Soomaaliya aaney dowlad ka jirin, qaladna ay aheyd in la dhaho waxaa lala hadlayaa Soomaaliya, isaga oo soo-jeediyey in Muuse Biixi uu soo saaro qaraar lagu joojinayo wada hadalka. “ Qalad bey aheyd inaan niraahno Soomaaliya baan la hadlaynaa, dowlad aan jirin inaan la hadalno maahan, waxaan jecelnahay markii uu madaxweynuhu yimaado in qaraar dowladdu soo saarto oo la yiraahdaa, wax wada hadal ah aan Soomaaliyo la yeelanayno majiro, maadaama aysan jirin wax dowlad ah oo dadka ka wakiil ah oo nala siman oo dadku soo doorteen” Sidoo kale Faysal ayaa carabka ku dhuftay in Soomaaliya ay Soomaaliland u horseeday dhibaato, ayna ku daaleen wada hadalka aan miro dhalin ee marwaliba Soomaaliya ay la yeeshaan. “ Wada hadalka Soomaaliland ay la leedahay kolba kooxdii timaada Xamar waxaa ay nagu noqotay dhibaato, markaan addunka u tagno waxaa nagula yiraahdaa Soomaaliya ayaad wadahadal kula jirtaan waa intaas oo heshiisaan ka hordhici mayno” Dhanka kale Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Soomaaliya Kacaankii ka dib aan dowlad ka dhalanin, assaga oo ugu baaqay saxafiyiinta ka howlgala Soomaaliland inaan mar danbe la oranin dowladda Soomaaliya. “ Dowladdii dhacday ka dib dowlad may jirin, waxaan leenahay wadahadalka hala joojioyo, cilaaqaadkooda hala joojiyo, hana la joojiyo mediyaha dowladda Soomaaliya aad leedihiin” Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii ay Soomaaliya xiriirka u jartay dalka Gini, kaas oo si heer sare todobaadkii tagay u soo dhoweeyey madaxweynaha Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu hor yimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo Kiiska badda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ka mid ah xildhibaanaddaasi ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka ay Shaki badan ka qabaan sidda ay wax ku waddo Xukuumadda Soomaaliya. “Waxaan codsanayaa in uu Baarlamaanka horyimaado Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre” ayuu yiri Xildhibaan Ciyaar Jecel. Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey ayaa golaha ka hor sheegay in ay la socdaan xaaladda muranka Badda Soomaaliya ee ay Kenya waddo, isagoo intaa ku daray inay eegayaan bal cidda wax ka bedesha. Dhowr jeer oo hore Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu hor-yimaado, waxaa ka meer meeray Guddoonka oo aan codsigooda u fulin, una yeerin Ra’iisul Wasaaraha, taasoo shaki badan keeneysa sida Baarlamaanka aanu xilligan ula xisaabtamin Xukuumadda. Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii Xukuumaddiisa la ansixiyay labo sano ka hor waxaa uu balan-qaaday la shaqeyn doono, mar walba oo ay timaado la xisaabtanka Xukuumadda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo markii la ansixiyay Xukuumaddiisa aanu hortagin Baarlamaanka, waxaa taa bedelkeed uu gaashaan adag ka dhigtay Xildhibaano badan oo Xukuumaddiisa ka tirsan, oo marka uu culeys uga yimaado Baarlamaanka u taagan inay difaacaan. Dowladda Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday dadaallo ay ku doonayso in ay kaga baxdo Kiiska badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamada Caalamiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar-jecel oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre in uu hor-yimaado Golaha shacabka si uu warbixin uga siiyo arrimaha kiiska badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganayso. Mudane Ciyaar-jecel oo ka hadlayay kulankii Golaha shacabka ee naanta ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyo in ay Baarlamanka warbixin ka siiso halka ay marayso arrinta kiiska badda Soomaaliya ee Kenya ku soo xadgudubtay. “Waxaan codsan lahaa haddii Baarlamanku igu raaco in xukuumaddu ay na hor-timaaddo Prime minister Khayre uu hortayada yimaado mowqifka dowladda oo aan ku jirin lab-laab iyo debloomaasiyiin siyaasadaysan in uu Baarlamanka ka hor akhriyo” ayuu yiri xildhibaan Ciyaar-jecel. Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumaddu aysan Golaha shacabka xog ka siin halka ay marayaan arrimaha kiiska badda Soomaaliya ee Kenya muranka gelisay sidaasi darteedna ay Baarlamanka ku adkaatay in ay shacabka u caddeeyan mowqifka dowladda. Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa dhowr jeer oo hore ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu hor-yimaado, waxaase dalabkaasi ka war-wareegay guddoonka Golaha oo aan codsiga xildhibaannada fulin, una yeerin Ra’iisul Wasaaraha. Hoos ka daawo hadalka xildhibaanka PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo laga dalbaday in uu Baarlamanka hor-yimaado appeared first on Puntland Post.
  9. NBA Finals MVP Kawhi Leonard is signing with the Los Angeles Clippers, ESPN reported early Saturday. Leonard, a free agent after winning the NBA title with the... Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Alshabaab ee ku taalla magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Nin la sheegay inuu Sixiroole ahaa oo dadka u adegsan jiray Sixirka iyo Madiidadooyinka. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cali Xasaneey Axmed Kaaytooy oo ahaa 35 sano jir ayaa shalay lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Bu’aale, wuxuuna Garsooraha maxkamadda Al-shabaab sheegay in ninkani uu dadka ku diri jiray Jinniga, kadibna uu ka saari jiray markuu ka qaato lacag, isagoo sidoo kale adeegsan jiray inuu dadka ku sameeyo madiido oo ah inuu dadka is-jecleysiiyo ama is nacsiiyo. Xukunka Maxkamadda Alshabaab oo ahayd in la dilo ayaa lagu fuliyey, iyado dad fara badan ay goobta joogeen, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Alsahbaab xukunno kala duwan oo toogasho ah ku fulisay 11 qof. Degmooyinka Xagar iyo Salagle ayaa lagu dilay 10 Nin oo ku eedaysnaa inay dowlado shisheeye basaas u ahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Jaamacadaha Puntland qaarkood waxaa asaasay dad iskugu jira kuwo wax ka soo bartay iyo kuwo wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ( JUS). Kulliyadaha JUS waxay xiriirro la lahaayeen jaamacadaha Talyaaniga. Xiriirkaas wuxuu saamayn wanaagsan ku lahaa tayada manhajka kulliyadaha. Xirfadleyaal badan oo reer Puntland ah ayaa wax ku soo bartay dalka Talyaaniga burburkii dowladdii dhexe kaddib iyo ka horba. Waa kuwa looga baahan yahay inay sameeyaan xiriirro u dhexeeya jaamacadaha Puntland iyo jaamacadaha Talyaaniga. Waxay kale oo horseedi karaan furista dugsiyo lagu barto af Talyaaniga waayo Talyaanigu wuxuu ka mid yahay dalalka la isku yaraahdo Kooxda 7 ( Group 7) oo 58% leh hantida adduunka. Hay’addii FAI ( Sanduuqii Kaalmada Taalyaaniga) waxay maalgelisay dhisidda kaabayaasha maanta Puntland ay ku tiirsan tahay. Reer Puntland abaal wayn bay u hayaan canshuur-bixiyeyaasha Talyaaniga. Xiriir tacliin sare oo dhexmara jaamacadaha Puntland iyo kuwa Talyaaniga wuxuu wax ka tari karaa tayada manhajyada iyo maamulka tacliinta sare. Puntland may lahayn jaamacado ka hor burburkii dowladdii dhexe sidaas darteed waxay kala mid tahay qaybaha kale ee Soomaaliya la’aanta xusuus hay’adeed ku saabsan maamulka jaamacadaha ka hor 1991kii waayo xogtii maamulka kulliyadiihii Soomaaliya waxaa la bililiqaystay markii dowladdii dhexe ay burburtay. Puntlandpost wuxuu soo jeedinayaa in dowladda Puntland ay gacan ka geysato dadaallada keenaya in jaamacadaha Puntland ay iskaashi farsamo la yeeshaan jaamacadaha Talyaaniga. © Puntlandpost.com 2019 Wixii falcelis ah u soo dir adoo mahadsan: pp@puntlandpost.com The post Jaamacadaha Puntland iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
  12. The Weak FGS In Mogadishu Warns Neighbouring Countries About Somaliland Ties After the embarrassment of severing non-existent ties with the Republic of Guinea as a result of the visit to the country by the Somaliland President Muse Bihi Abdi, the weak federal entity in Mogadishu called together all the foreign envoys based around the main airport to warn them about receiving delegations from Somaliland. The visit to Guinea, at the invitation of Conakry, by President Muse Bihi Abdi appears to have unhinged the un-elected and powerless leadership of the weak federal entity in Mogadishu. Speaking to the gathered foreign envoys and the media, the hapless FGS Foreign minister, warned that “the neighbouring countries of Kenya & Djibouti must not receive the Somaliland president or any Somaliland delegation”. The hapless minister continued by stating that “Somaliland is part and parcel of Somalia, and we speak for them”. No, it is not and no, they do not. Once again, it is quite obvious that the delusional FGS entity in Mogadishu, who do not represent a single Somalilander, were not voted for by a single Somalilander and are unable to set a single foot on Somaliland, somehow want to convince the international community that they represent Somalilanders!?. They do not. The people of Somaliland are represented by it’s president and other directly elected officials, who were voted for in a one person, one vote elections, and not by some hopeless group hiding behind AMISON forces in fortified bunkers. Somaliland is a de-facto state awaiting de-jure recognition and it’s leaders can travel to any country they choose to and sovereign nations can invite whomever they wish. Wa Bilaahi Towfiiq Ali Mohamed Abokor Qaran News
  13. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaarisay buug caafimaad, shaqaale iyo qalabkii loogu talo-galay in loogu adeego xujeyda Soomaaliyeed. Qoraalka waxaa ku jirtay in wasaarrada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda shaqo ee ku aadan u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed, iyada oo ku dadaalayso hubinta badqabka muwaadinka Soomaaliyeed, u hogaansamayso, hubinaysana xeererka caalamiga ee caafimaadka isu gooshka, kuna baraarugsan adeegga iyo shaqada dheeriga ee loo baahanyahay xilliga Xajka barakaysan, ay soo saartay qodobo dhowr ah. Qodobbada Waxaa Ka Mid Ahaa: 1. Wasaaradu waxay diyaarisay shaqaalihii, agabkii iyo goobihii ay ka heli lahaayeen adeegyada caafimaakda ee musaafirku u baahanyahay 2. Wasaaraddu waxay diyaarisay tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay musaafirka iyada oo la tix-raacayo xeerarka caalamiga ah ee caafimaadka isu gooshka ( IHR 2005 ), 3. Wasaaraddu waxay adeeg caafimaad oo baaritaan ah u samayn doontaa xujayda sanadkaan nasiibka u yeeshay inay booqdaan baytka Alle, si loo hubiyo bad qabka xaajiga, isla markaana loola socdo xaaladda dadka qabi karo cudurrada daba dheerada sida (sokorta, dhiigkarka ), 4. Wasaaraddu waxay xujayda siin doonta tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay xaajiga intuusan safrin ka hor iyadoo la tixraacayo shuruudaha ku xusan warqada Wasaaradda Caafimaadka Boqortooyada Sucuudigu la soo wadaagtay Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaalya 5. Wasaaraddu waxay siin doonta xujayda buug caafimaadka kadib marka la siiyo tallaalada asaasiga ah 6. Iyada oo kala shaqaynayso Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxay Wasaaradda Caafimaadku hubin doontaa in xaajiga uu helo adeeg caafimaad inta lagu guda jiro xajka, iyada oo la hubin doono inay la socdaan xujayda xirfadlayaal caafimaad oo ka war-qaba caafimaadkooda Ama qoraalka wasaaradda caafimaadka oo Pdf ah, Guji halkan War-saxaafadeed- Buugga Caafimaadka.. (1) Todobaadkii hore, gobolka Banaadir ayaa soo saaray buug caafimaad, isaga oo taageero ka helay culimo iyo ganacsato, arrintaas waxaa iska diiday wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah, kuna tilmaantay sharci-darro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ganacsatada ayaa looga hadlay arrimaha nabadeynta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay kana shaqeysa danaha reer Galmudug. Ganacsatada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in ay qaadanayaan dowrka uga aaddan Nabadeynta, Dhismaha iyo Horumarinta dowlad gobaleedka Galmudug. Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si looga shaqeeyo dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhuusamareeb Kula Kulmay Ganacsatada Kasoo Jeedda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  15. Wasiirka arrimaha debadda jamhuuriyadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo duhurnimadii maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho kadib kulan uu la qaatay safiirada iyo wakiilada caalamka ee jooga caasimadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay arrimaha kulankaasi looga hadlay. Wasiirka ayaa sheegay in uu wakiilada dalalka Caalamka ee uu la kulmay u sharraxay sababta dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dalka guinea Conakry kadib markii waddankaasi ku xadgudbay midnimada wadajirka iyo madax-bannaanida jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Cawad ayaa sheegay in maamulka Somaliland aysan ahayn dowlad madax-bannaan ee ay yihiin gobolka ka tirsan jamhuuriyadda Soomaaliya sidaasi darteedna dalkii ula dhaqma waddan madax-bannaan uu ku xadgudbay midnimada dhuleed iyo Qarannimada dalka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya uu ka dhammaaday dulqaadkii islamarkaana aysan haatan wixii ka dambeeya ogolaan doonin in lagu xadgudbo jiritaanka iyo midnimada dalka isagoo ka digay in dowladaha caalamku aysan Soomaaliya u gacan dhaafin gobolladeeda. Halkan ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhan PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dalalka Caalamka uga digtay in ay u gacan dhaafaan maamullada dalka appeared first on Puntland Post.
  16. Somalia’s Foreign Affairs Minister, Ahmed Isse Awad held meeting with foreign diplomats in the country in the capital, Mogadishu on Saturday. Speaking during a press conference after the meeting, ambassador Awad warned against external interferences on Somali internal affairs saying the move is becoming an obstacle to an understanding between Mogadishu and Hargeysa. He explained why his Government recently cut diplomatic ties with the Republic of Guinea. Foreign Minister told the diplomats that his country will not accept from Guinea or any other country to interfere in Somalia internal affairs and sovereignty. “Somalia has been patient with other countries, we’ve exercised restraint,” Ahmed Isse Awad told diplomats. Somalia’s top diplomat emphasized that the Federal government is ready for dialogue with Somaliland administration. The meeting with representatives of states with embassies in Somalia follows after Somaliland leader, Muse Bihi Abdi was welcomed and accorded with a head of state protocol in Conakry on Thursday. The move angered the federal government of Somalia leading to the severing of the diplomatic ties with the West African nation. View the full article
  17. Hobyo (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal maanta ka dhacay deegaanka Gawaan ee koonfurta gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyay maleeshiyaad uu wato Maxamed Fagaaje oo ah hoggaamiye Burcadbadeed ah iyo sidoo kale maleeshiyaad deegaanka ah. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu ka dhashay weerar lagu qaaday nin horay uga tirsanaa kooxaha Burcadbadeeda oo ku sugnaa halkaasi. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. View the full article
  18. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay kamid tahay waddamada muhiimka ah ee dhaca geeska Afrika, kullaala Badweynta Hindiya, talo iyo go’aanna ku leh Gacanka Cadmeed islamarkaana si togan iyo si tabanba u saameeyn kara isku xirka adduunka iyo socdaalka ganacsiga. Muhiimadda Istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah mid siineysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Kaar siyaasadeed (Political capital) ma aha mid maanta iyo shalay dhalatay balse waxa ay soo jirtay qarniyo hore, geesku weligiiba waxa uu ahaa meel ay isha kuwada hayaan awoodaha waaweyn iyo boqortooyooyinkii maamulayey muddo dhul kamid ah geeska Afrika, sababtuna waa in Geeska Afrika kulaalayo marinada waaweyn ee ganacsiga adduunka, Badda iyo Berriga labadaba, laga soo billaabo qarnigii 15aad illaa maanta waxa kor u kacayey tartanka iyo xusulduubka reer galbeedka iyo carabtu ay ugu jiraan si ay awood fulineed ugu yeeshaan gobolka, tartaankaas ayaa mararka qaarkood isu rogayey Hardan iyo dagaal ujeedkiisu yahay in cidda gacanta ku haysa marinada ganacsiga adduunka ee geeska Afrika ay go’aamineyso horumarka iyo koboca dhaqaalaha adduunka! Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa ay leedahay laba ujeeddo oo waaweyn kuwaas oo kalaha: Illaalinta danaha iyo Qiyamka Soomaaliyeed Horumarinta iyo hagaajinta danahaas. Illaalinta danaha iyo Qiyamka Soomaaliyeed. Illaalinta danaha iyo Qiyamku waxa ay u baahan tahay feejignaan, xeerin iyo adeegsiga gobaadsiga xiriirka iyo Afka ee dowladaha danuhu kala dhexeeyaan Soomaaliya iyada oo si gaar ah loo illaalinayo danaha joogtada ah, kuwa degdegga ah iyo masaalixda ganacsiga iyo socdaalka. Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya oo muddo laba sano ah ay soo mareen laba wasiir arrimo dibadeed waxa ay kujirtaa xaalad wareer iyo iskudhexyaac ah oo kuwajahan sida ay ula taacaaleyso isbeddelka diblomaasiyadeed ee kadhacaya gobolka geeska Afrika, sidaas awgeed waxa ay hadda si foorarta u adeegsaneysaa tallaabooyinka ay diblomaasiyaddu marto, tusaale ahaan halkii ay ahayd in arrinta Guinea-Conakry ay u marto una raacdo sida ay u kala horreeyaan tallaabooyinka wada-xaajoodka hannaanka diblomaasiyadda (Stages of the Negotiation Process in Diplomacy) waxa ay qaadatay tallaabadii ugu dambeysay uguna khasaaraha badnayd, taas oo kadhigan in Wasaaraddu kuwareersan tahay xiriirka caalamiga ah. Guinea-Conakry iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay kuwada jiraan ururada Islaamka iyo midowga Afrika, Ururka Islaamka (OIC) oo ay Soomaaliya ku lahayd dhismihiisa kaalin libaax xubinna ka tahay laga soo billaabo 1969 waxaa guddoomiya Boqortooyada Sucuudiga oo xiriir wanaagsan kala dhexeeyo Soomaaliya islamarkaana ay kawada dhexeeyaan dano muhiim ah, waxaa kale oo xiriir fiican laleh Guinea-Conakry Waddanka Turkiga oo isna xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya. Halkii ay ahayd in Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya cabashadeeda marsiiso ururradaas iyo golayaasha kale ee wadaayga iyo saaxiibka waxa ay qaadatay in ay ku dhawaaqdo tallaabada ugu dambeysa ee wada-xaajoodka hannaanka diblomaasiyadda. Guinea-Conakry waxa ay soo dhoweysay wafdiga madaxweynaha Somaliland oo muddo kudhow 30 sano raadineysa aqoonsi caalami ah, iyada oo aan wasaaraddu hubsan nuuca soo dhoweynta iyo heerka ay Guinea-Conakry u la macaamiishay Wafdiga Somaliland ee aqoonsi iyo xiriir doonka ah ayay qaadday tallaabada qar iskaxoornimada ah ee ay xiriirka danjire la’aanta ah ugu jartay Guinea, taas oo muujisay sida ay gebi-dhacleynta ugu jirto siyaasadda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Horumarinta iyo hagaajinta danaha. Siyaasadda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya waxa kale oo haysta mashaakil dhinaca Wacyiga iyo fahamka ah, tusaale ahaan billowgii sanadka 2019 waxaa booqday Somaliland madax sare oo kasocotay dhowr waddan oo kaladuwan, kuwaas oo dhammaantood dabajoogay dano u gaar ah oo ay ahayd in ay kala-xaajoodaan Soomaali wadajirta balse ay fursad u helay in ay kala xaajoodaan Soomaali kalaqaybsan. Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ku adag in ay si deggan u aqriso arrimaha isku aadaya kaddibna ka qaadato go’aan ku dhisan xikmad iyo diblomaasiyad, tusaale ahaan booqashada wafdiga Somaliland ee Guinea-Conakry waxa ay salka ku haysaa dadaal isa soo taraya oo kasocda dhanka isutagga Imaaraadka Carabta kaas oo iskudeyaya in uu suuqgeeyo Somaliland si uu cadaadis u saaro Dowladda Soomaaliya, halkii ay ahayd in Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya fahamto lana tacaasho jilayaasha aan muuqan ee kudhex qarsoon Arrinta Somaliland waxa ay dooratay in ay mashquul ku noqoto miraha kadhalanaya xiriirka xun ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka. Xog-hayaha gaashaandhigga UK iyo MW SomalilandGavin Williamson xog-hayaha gaashaandhigga ee Ingiriiska ayaa tegey Hargeysa January-2019, waxa uu la kulmay madaxweynaha Somaliland gaashaanle sare Muuse Biixi Cabdi, inkasta Wakiilka Somaliland ee Nairobi uusan beenin islarakaana rumeyn haddana waxa soo baxay in booqashada Williamson ujeedkeedu ahaa sidii UK saldhig Milateri uga heli lahayd waddan kuyaal geeska Afrika, Cumar Baashe wakiilka Somaliland ee Nairobi waxa uu sheegay in booqashada Williamson ay indhaha adduunka kusoo jeedineyso Somaliland islamarkaana ay cadaadis kusaarayaa beesha caalamka in ay aqoonsi siiyaan Somaliland. Danjiraha Sucuudiga ee Soomaaliya iyo MW SomalilandMaxamed Cabdi Qayad danjiraha Boqortooyada Sucuudiga ee Soomaaliya ayaa May-2019 waxa uu booqday Hargesa, booqashadaas ujeeddadeeda la qeexay waxa ay ahayd in Sucuudigu kacaawiyo Somaliland dhinacyada Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo in la qaado xayiraadda dhoofka xoolaha oo Somaliland lagu xiray in ay ogolaansho dhoofka xoolaha kahesho Muqdisho. UAE ayaa xiriir iyo wadashaqeyn toos ah oo aan loo marin dowladda federalka waxa ay la yeelatay Somaliland, iyada oo madaxweyne Muuse Biixi dhowr mar booqasho heer sare ah ku tegey Imaaraadka, Soomaaliya ayaa ka gaabsatay in ay Imaaraadka kala hadasho arrinta dekedda Berbera markii dambana waxa ayba Soomaaliya soo saartay go’aan lagu baabi’iyey heshiis wadahadal iyo heshiis kusaabsan dekedda Berebera oo u dhexeeyey Somaliland iyo Imaaraadka, go’aankaasina maaddaama aan hab deggan oo diblomaasiyadeed loo marin waxa uu sii fogeeyey dad badan oo kasoo jeeda Waqooyiga kuwaas oo ku qanacsan midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidaas oo kale Itoobiya, Masar iyo Erateriya ayaa ku tegey Hargeysa booqasho heer sare ah iyaga oo dabasocda dano dhaqaale iyo kuwa xiriirka gobolka ah, waxa layaabka lehna waa in dowladda Soomaaliya aanay dhammaan booqashadaas kaladuwan fududeyn iyo gacan muuqata kulahayn. Meelaha Jilicsan ee Muhiimka ah Waddan walba waxa uu leeyahay meelo jilicsan oo u baahan in siyaasaddooda arrimaha dibaddu aqoonsato kaddibna ay iskudaydo sidii ay u gufeyn lahayd, si gaar ah waddamada kalaqaybsanaanta siyaasadeed iyo collaaduhu kajiraan. Somaliland iyo Puntland waxa ay kamid yihiin meelaha sida aadka ugu jilicsan faragelinta iyo kadaneysiga Soomaaliya, taasna waxa sabab u ah kalaqaybsanaanta siyaasadeed ee kajirta Soomaaliya iyo Muqdisho oo aan weli qaadan kaalinteedii ay ku xagsan lahayd dadka iyo maamulada Soomaaliyeed ee kudhaqan goboladaas. Tusaale ahaan xiriirka siyaasadeed ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Hargeysa waxa uu xumaaday laga soo billaabo 1983dii markii ay curteen jabhadihii ku kacsanaa xukunkii Milateriga ee Soomaaliya, xiriirkaas xumaa waxa uu sameeyey horumar xun oo dhinaca bulshada ah, waxa uu sameeyey kalaqaybsanaan sii baahday iyo iskawarqab la’aan sababtay in mujtamaca Soomaaliyeed ee kunool Hargeysa uu wax xun uun ka maqlo Muqdisho iyada oo sidaas oo kalana Mujtamaca Soomaaliyeed ee kudhaqan Muqdishana ay u taagan tahay midnimada Soomaaliya waa Muqadas iyada oo ay yaraadeen waxyaabaha ay labada magaalo wadagaan oo ay wada illaaliyaan, xiriirkaas xun waxa uu hadda taagan yahay heer uu dhibaato gaarsiin karo ganacsiga iyo Soomaalinimada labadaba. Haddii Dhaqaale xumo ku hayso Af gobeedsi ha ka tegin Dhinaca ganacsiga gudaha Soomaaliya badeecooyinka laga ganacsado ee isaga gudbo Xamar iyo Hargeysa, Xamar iyo Boosaaso ama Xamar iyo Kismaayo waa kuwo aad u kooban, ganacsiga ugu badan ee gaadiidka dhulku qaado ee taga magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso waa Khudaarta iyaduna waxa ay la kulantaa dhibaato dhinaca Jidadka iyo sigaarsiinta ah, taasi waxa ay muujineysaa in gacansiga u kala gudba Soomaaliya uu yahay mid kooban marka lagarab dhigo ganacsiga dhexmara Soomaaliya iyo waddamo kale. Tusaale ahaan Imaaraadku waxa ay doonayaan in ay Kalluun daray ah (Fresh) ka dhoofiyaan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso sidaas awgeed waxa ay 1km oo dhabbe ay diyaaraduhu ku ordaan ku darayaan garoonka Boosaaso, ohowgan Kalluunka Boosaaso looma dhoofiyo Xamar, Berbera iyo Kismaayo midna sababtuna waa in magaalooyinkaas qudhoodu u baahan yihiin wax ka dhoofsada Kalluunka. Muqdisho waxa ay haysataa sharciyadda iyo Shatiga kalluunkaasi uga dhoofi karo magaalooyinkaas, waxaa yaal saxiixa kamadambeysta ah ee ganacsigaas ku noqonayo mid xallaal ah oo lagu dabaqay qaanuunka ganacsiga badaha ee Caalamiga ah. Waajibka dowladda Federaalka ah ee Muqdisho fadhsa looga baahan yahay waa laba xi loo ay tahay in ay u gudato si deggan: In aan Shatiga dowladnimada lagu dareemin habayaraatee dhibaato kadhan ah qof , Qolo iyo gobol Soomaaliyeed, taas macnaheedu waa in Kalluunka laga dhoofinayo Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo ay dowladda Soomaaliya uga helaan sharciyadda iyo shtiga si fudud xitaa haddii ay wax iskudiidan yihiin. In aanay u baahan cid kale iyaga oo ka cararaya Muqdisho. Shirkadda Dubai Port World oo Imaaraadka Carabta u qaabisaln dekadaha ayaa dekedda Berbera kala hadashay Somaliland iyada oo Baarlamaanka Somaliland muran kaddib meelmariyey heshiiska xukuumadda iyo DP World ee kusaabsan Berbera sidaas oo kale Imaaraadku waxa uu kasameysanayaa Berbera Saldhig ciidan hayeeshee howsha Saldhigga iy dekeddaba waxa uu kala xaalay Somaliland balse dhinaca sharciyadda iyo Shatiga ayaa sababay dood dhinaca qaanuunka ah. Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyada oo ciyaari karta kaalinteeda islamarkaana Somaliand kalashaqeyn karta ganacsiga iyo fududeynta ayay go’aansatay go’aan sababay in Imaaraadku kadido isaga oo Soomaaliya xijinaya Turkiga iyo Qatar oo aanay lahayn xiriir iyo wadashaqeyn, taasna waxa xigay in Imaaraadku joojiyo wadashaqeyntii iyo iskaashigii uu la lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddibna waxa uu billaabay horumarinta siyaasad col ku ah danaha Soomaaliya. Haddaba Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya xaggee u socotaa? Xigasho: Radio Mustaqbal
  19. Xudur (SMN) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, degaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed. Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada. “Waxaan u nimid inaannu ogaanno howlaha Dowladda ee ka socda degaannada Gobolka , gaar ahaan Degmada xudur iyo inaan dardar gelinno, dhhiirri gelinno , sida shaqada ku socotana ogaanno, oo aynu ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne ,Lafa gareen. Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Lafta gareen in ay wax ka qaban doonaan adeegyada Bulshada, gaar ahaan wax barashada iyo caafimaadka, isla markaana ay la kulmi doonaan, maamulka, ciidamada, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si guud iyo si gaar ahna ay isu arki doonaan, Ciidamaduna ay ku samayn doonaan dib u dhis iyo tiro koob. Madaxweynaha ayaa Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta KG ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada, inta uu joogana ay kooxda Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil iyo dhaawac uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka geystay magaalada Muqdisho. Falkan ayaa ka dhacay waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo kaxeynayay mootada nuuca loo yaqaano Bajaajta, halka sidoo kale lagu dhaawacay qof kale oo rayid ah. Dhacdadan ayaa timid ayaa timid, kadib markii darawalka Bajaajta uu biyo wasaqeysan ku seyriyay askariga, kaas oo la sheegay inuu ka carooday, kadibna uu rasaas ku furay. Intaasi kadib ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, balse waxaa la sheegay inuu baxsaday askarigii ka dambeeyay falkaasi. Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal ka dhan ah Bajaajleyda ka geystay gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  21. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo Sabtida maaanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku baaqay in la joojiyo wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Somaliland ay dhib ku qabto wada-hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana xukuumadda Federaalku aysan matalin shacabka Soomaaliyeed sidaasi darteedna loo joojiyo wada-hadallada inta laga helayo dowladda shacabku soo doortay. Faysal Cali Waraabe ayaa madaxda dowladda dhexe ku eedeeyay in ay Soomaaliya dib ugu celinayaan wakhtigii Kacaanka iyagoo adeegsanaya lacago ay caalamka ka soo qaateen iyo Nabadsugidda dalal uu ku tilmaamay diktataro. Sidoo wuxuu digniin u diray xukuumadda Puntland oo uu sheegay in ay ku soo xadgubtay xuduudaha Somaliland ee gobolka Sanaag waxaana uu suldaanka guud ee gobolka Sanaag ugu hanjabay in haddii loo soo diyaar-garoobay aysan Puntland waxba ka dhicin Karin. Halkaan hoose ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhan PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland oo si adag ugu hanjabay Suldaanka guud ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.