Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,888
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. What is the point of sending someone to prison - retribution or rehabilitation? Twenty years ago, Norway moved away from a punitive "lock-up" approach and sharply cut reoffending rates. The BBC's Emma Jane Kirby went to see the system in action, and to meet prison officers trained to serve as mentors and role models for prisoners. Source: Hiiraan Online
  2. Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku caddeynayso in dowladda federaalka Soomaaliya aysan Wax door ah ku lahayn hannaanka doorashada dhawaan ka dhici doonta Jubbaland. war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlad goboleedka Jubaland ay gebi ahaanba iyadu mas’uul ka tahay qabashada doorashadeeda sidaasi darteedna aan dowladda Federaalka Soomaaliya waxba laga weydiin doonin arrimaha doorashadaasi. Sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in haddii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka waantoobi weydo xad-gudubyada joogtada noqday ay dowlad goboleedka Jubaland joojin doonto dhammaan wixii cilaaqaad iyo wada-shaqeyn ahaa ee kala dhexeeyay Villa Somalia. Jubaland ayaa ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqday in ay si dhow ula socdaan siyaasadda gurracan ee sharciga baalmarsan oo sida ay sheegeen Villa Somalia kula dhaqmayso Jubaland. PUNTLAND POST The post Jubaland oo jawaab adag siisay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Somaliland has hit back at Somalia for what it termed at the latter’s bullying of her international friends. Source: Hiiraan Online
  4. The White House said in June the visit would deal with economic and security ties as well as counterrorism issues Source: Hiiraan Online
  5. Ganacsade Soomaaliyeed ayaa xalay Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah waxay ku dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa gudaha waddankaasi sid ay soo sheegayaan Soomaalida halkaasi ku nool. Ninka dhalinyarada ah oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir ayaa Goob Ganacsi kulahaa degaanka ka tirsan gobolka Mpumalanga ee Wadanka koonfur Afrika waxaana sida la sheegayo uu ganacsiga halkaasi ka bilaabay dhowaan. Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa warbaahintu ka soo xigatay in muwaaddinka la dilay uu waddanka Koonfur Afrika ku noolaa muddo 9 bilood kaliya isla markaana dhawaan uu ka tegay Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Shabellaha Dhexe. Kooxa Burcada aheyd ee dilka geysatay ayaa Goobta ka baxsatay,waxaana Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida oo deris la ahaa Ninka la dilay. PUNTLAND POST The post Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  6. Jigjiga (Caasimada Online) ― Madaxweynaha maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafa Muxumed Cagjar ayaa ka hadlay safarka uu Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka Gini. Madaxweyne Cagjar ayaa si weyn u soo dhaweeyay safarkaasi, isagoona xusey inuu aad ugu faraxsanyahay aqoonsi ay Somaliland ka hesho dalalka caalamka. Cagjar ayaa guul weyn ku tilmaamay in dal kale oo Soomaaliyeed oo dunida laga aqoonsan-yahay u soo biiro umada Soomaaliyeed. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri: “Walaaleheen Somaliland inay dunida la macaamilaan kana helaan aqoonsi aad baanu ugu faraxsanahay, dal kale oo somaliyeed oo dunida laga aqoonsan yahay Guul weyn ayay u tahay umada somaliyeed”. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Senator ka tirsan Aqalka Sare ee waddanka Nigeria ayaa ka fal-celiyey go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya cilaaqaadka diblumaasiyadeed ugu goysay Guinea. Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa ku eedeyey waddankan dhaca Galbeedka Afrika in uu meel kaga dhacay midnimadda, wadajirka iyo madax banaanida Soomaaliya. Senator Shehu Sani oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon Senate-ka ee waddanka ugu dadka badan qaaradda ayaa si cad wuxuu u garab-istaagay Soomaaliya, isaga oo dhaliil culus kala dhacay Guinea. “Waa khalad in Guinea ama dal kale oo Galbeedka Afrika ah uu nooc kasta oo aqoonsi ah uu siiyo Somaliland ama qeyb kamid ah Soomaaliya oo gooni u goosad ah,” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Talaabada ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartey Gini ayaa ka dambeysay markii dalkaasi uu socdaal rasmi ah uu ku tegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo si heer ah loosoo dhaweeyay. “Waxaa jirta hal Soomaaliya,” ayuu daba dhigay hadalkiisa, isaga oo raaciyey “Kaasi waa mowqifkeena, mana isbedeli doono”. Mudanaha oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray: “Isbedelada Soomaaliya waxa ay leeyihiin mar-xalado, waxayna imaan doonan maalin un, taariikhda. Hadalkan sharcidejiyahaan oo sidoo kale u olaleeya arrimaha dimoqraadiyadda ayaa imaanaya xili wasiir Cawad uu ka dhawaajiyey in ay jiraan waddamo wada olale halis u ah midnimada Soomaaliya. Nigeria oo xiriir wanaagsan oo dhinacyo kala duwan leh uu kala dhaxeeyaa Soomaaliya ayaa waxay isku mandiqad kawada tirsan yihiin Guinea, taasoo ah Galbeedka Afrika. Somaliland ayaa sheegata in ay tahay dal madax banaan tan iyo 1991-dii. Balse caalamka wuxuu u arkaa maamul goboleed hoos-yimaada Soomaaliya. Wasiir ayaana mar kale carabka ku adkeeyay arrintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. ‪ Somaliland Must Prepare for War With Somalia United Nations is already undermined by powerful countries. International laws are weakened and not as effective as before. Military aggressions and violations are on the rise. Countries are threatened or invaded just because of their natural resources or of their sovereignty. This is the current appalling order of the world. In the case of Africa, borders are based on territory, not on tribal lineage. The independence and diplomatic recognition of each African country is based on its colonial territorial borders. Somaliland is not an exception and has the right to be sovereign nation as any other African country. Somaliland sovereignty (achieved on 26 June, 1960) is based on its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate while Somalia’s sovereignty (achieved on July 1, 1960) is based on its colonial borders inherited from Italy. Somaliland is a peace loving country and wants to have good relations and interactions with its neighbors. But, Somalia, which committed all kinds of atrocities in Somaliland in the 1980s, is again raising its ugly head to threaten Somaliland sovereignty and existence. There is only one thing that counts in today’s world for survival: It is military might or power. Somaliland should focus on building best and strongest military in the Horn of Africa to defeat its sworn enemies surrounding it. Most of the available resources of Somaliland Republic including human resource must be allocated to the military. Somaliland military must have the best training and the best available military hardware to easily defeat Somalia and even conquer and occupy parts of it to liberate itself from being claimed by Somalia and force Somalia to respect and recognize Somaliland. Somaliland people must choose readiness over complacency, strength over weakness, perseverance over idleness and resilience over vulnerability. Foreign aggressions are always doomed to defeat. Ibrahim Hassan Gagale Jibrahim_hg@yahoo.com Qaran News
  9. Thembinkosi Lorch scored the winner for South Africa in their shock 1-0 victory over Egypt in the Africa Cup of Nations Source: Hiiraan Online
  10. The Marodi Jeh regional court has concluded the trail phase of the case against reporter Abdimalik Coldoon. The trail which had lasted for over a week will now be referred to the bench for the verdict. Journalist Abdimalik Caldoon is accused of libel, slander and sedition by the administration of President Muse Bihi Abdi. Previously, the former Justice of the Marodi Jeh regional court had refused to hear the case, since the journalist was accused and arrested in a different jurisdiction. However, that particular judge was summarily replaced and transferred to the Appeals court and his replacement gave the go ahead for the trail to take place in Marodi Jeh. According to reliable sources, the lawyers for journalist Abdimalik Coldoon are not too optimistic of a just verdict from the bench and plan to appeal if their client is, as expected, is convicted of the charges. Qarannews.com Qaran News
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___Qubanaha-06072019-OK.mp3 View the full article
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay Arrimo badan oo xasaasiya oo ay ka mid tahay safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Gini. Guddoomiye Faysal ayaa ugu horeyntii si weyn ugu mahad-celiyay Madaxda iyo shacabka wadanka Gini, sidii meeqaamka sarre ahaa ee ay u soo dhaweeyen wafdigii Madaxweynaha Somaliland, isagoona ku tilmaamay inay tahay talaabo ay Somaliland qaaday oo u horseedi karta siday u heli laheyd aqoonsi caalamiya. Faysal ayaa ka dhawaajiyey inaysan dowlad ka jirin dalka Somaliya, isla markaana ay qalad weyn aheyd inay Somaliland ay tidhaahdo wada-hadal baanu la galeyna dowlad aan jirin. Guddoomiyaha ayaa waxa kale oo uu shaaciyay inay Somaliland ay soo saari doonto go’aan ay ku joojineyso wada-hadalada kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Somaliya isla marka uu Madaxweyne Biixi kasoo laabto safarkiisa dalka Gini. Faysal ayaa sidoo kale dhaliilo culus u jeediyey Dowladda Federaalka, isagoona sheegay inay Villa Somalia ay sidey doonan ka yeelan shaqsiyaad uu ku sheegay 4-qof oo uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale waxa uu shaaciyey labo awood ay isticmaalan shaqsiyaadka uu ku sheegay inay gacanta ku hayaan Villa Somalia, kuwaasi oo ku kala sheegay awood lacageed iyo mid ciidan ajnabi ah, oo labadoodaba ay gacan ka geystan waddamo shisheeye, sida uu hadalka u dhigay. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag u weeraray Madaxweyne Farmaajo oo uu ku sheegay shaqsi madaxa wax ka qaba oo qabiiliya, isagoona ku tilmaamay hadhaagii Maxamed Siyaad Barre. Guddoomiye Faysal ayaa ugu dambeyntiina Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ugu baaqay in uu mideeyo umada reer Somaliland oo uu sheegay inay kala qeybsanaan soo kala dhex-gashay waqtigii lagu jiray ololaha doorashada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal kasoo saartay qaabka ay u dhaceyso xulista xubnaha baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa ka koobnaa ilaa shan qodob, kuwaas oo gun dhig u ah qaabka iyo hanaanka ay u dhaceyso doorashada dowled gobaleedka Jubbaland oo la filaayo in dhawaan lagu qabto magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland, waxaana ka mid qodabada ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha . 1. Waa in odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah ay isla wada ansixiyaan wasaaradda arrimaha gudah fedaraaleenta iyo dib-u- heshiisiinta dalka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland. 2.Odayaasha dhaqanka rasmiga ah ee Jubbaland, waa inay soo xulaan xildhibaanada golaha wakiilada Jubbaland iyadoo hal kursi loo xulaayo hal xildhibaan oo kaliya iyo hal magac. 3. Si loo xaqiijiyo doorka haweenka ku leeyihiin golaha wakiilada Jubbaland in beel kasta oo leh sedex xildhibaan, ay hal kurtsi u qorsheeyaan qof haween ah, haddii beeshu leedahay shan kursi waa in labo ka mid ah ay ahaadaan haween . 4 Goobta doorashada Madaxweynuhu waxaa ay noqonaysaa Akaadamiyada Booliska Jubbaland, xarunta Qaramada Midoobay ee U N COMPOUND, si loo fudeediyo geedi-socodka doorashada iyo ka qeyb qaadashada goobgoogayaasha caalamiga ah bilow ilaa dhamaad. 5 Geedi-socodka doorashada Jubbaland waxaa goobjoog ka noqon doona, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo wakiilo ka socda beesha caalamka. Halkaan ka Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (SMN) – Kala aragti duwanaanshiyo cusub ayaa waxay soo kala dhex-gashay Wasaaradda Caafimaadka iyo maamulka gobolka Banaadir. Murankan ayaa wuxuu salka ku hayaa cidda bixineysa adeega caafimaadka ee la siinayo dadka sanadkan aadaya Xajka. Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in uu isagu diyaari-garoobay arrintaasi, isla markaana uu isaga sharci ahaan xaq u leeyahay bixintiia. Balse wasaaradda caafimaadka ayaa dhankeeda war-saxaafadeed ay soo saartey ku sheegtau in ay iyaddu bixineyneyso, una diyaarisay koox. Hasa ahaatee, duqa Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si kulul u dhaliilay Wasaaradda, isaga oo ku qaadey weerar afka ah. “Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir, halka Wasaaradu mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka gobolada oo dhan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow]. WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA View the full article
  15. Wafti uu hogaaminaayo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Faratoon ayaa goordhawayd ka degay caasimada Niamey ee dalka Negar, dalkani oo dhaca galbeedka Afrika ayaa maanta si heer saraysa wasiir Faratoon loogu soo dhaweeyay madaarka dalkaasi iyada oo uu maadaarka ku qaabilay dhigiisa dalkaasi iyo saraakiil sar sare oo ka socotay wasaarada arimaha ee dala Republic of the Niger. Lama hubo inta cisho ee uu waftigu joogi doono dalkaasi hase ahaatee waxa ay wararka ay helayso shabakada qarannews, xaqiijinayaan in wasiirku uu halkaasi ku tagay martiqaad rasmi ah sidoo kalana uu halkaasi kaga qayb gali doono shir caalami ah oo wadamo badan oo caalmka ahi ay halkaasi isugu imanyaan, waxana ay wararku sheegayaan in shirkaasi Somaliland si rasmi ah loogu marti qaaday. Wasiir Faratoon ayaa ka mid ahaa wafti balaadhan oo booqasho ayaamahanba ku joogay dalka Guinea, waftigaasi oo uu hogaaminaayay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, socdaalkaasi oo ka cadhaysiiyay dawlada taagta daran ee lagu ilaaliyo magaalada Muqdisho, taasi oo aan wax shaqo ah ku lahayn Somaliland oo midnimadii ay la gashay 1960kii dib uga laabatay 1991kii. Somaliland ayaa ku taagan xuduudihii isticmaarka ee Afrika iyo meelo badan oo dunida ahba lagu kala calaamadiyay, Somalilandna kama mid ah dawlada fadaraalka ee Somaliya ee ku fashilantay wixii loo sameeyay oo ahayd dib u heshiisiinta dadkeeda. Qaran News
  16. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa War Saxaafadeed ka soo saartay howlaha doorashooyinka Jubbaland. Hadaba Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda. Mabaadii’da iyo Hab-raaca Guud ee Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS 25-kii May Halka hoose ka Akhriso. View the full article
  17. Cabdiraxmaan Yariisow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho ayaa tiray qoraal uu ku weeraray Wasaaradda caafimaadka, isaga oo ku tilmaamay mid maseyrsan, oo xaasid ah. Yariisow waxaa qoraalkiisa ku jiray. ”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Duqa Muqdisho oo sii-hadlaya waxaa uu yiri. “Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”. waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan qoraalka uu soo saaray Yariisoow. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ayaa soo saartay qodobo gaar ah oo ku saabsan doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland. Qoraalka ay wasaaraddu soo saartay ayaa ka koobnaa shan qodob, iyadoo lagu amray maamulka Jubbaland in soo xulista odayaasha ay isla ansixiyaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Jubbaland iyo midda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday in odayaasha rasmiga ah ay soo xulaan xildhibaannada Jubbaland, isla markaasna halkii kursi loosoo xulo hal xildhibaan, iyadoo aysan jirin isku dhex-yaac. Wasaaradda ayaa sheegtay in la ilaaliyo qoondada haweenka, lagana rabo in beel walba ay haweeney kusoo daraan baarlamaanka, gaar ahaan kuwa hela saddex xubnood oo baarlamaanka u galaya, kuwaasoo laga doonayo inay mid ka mid ah noqoto haweeney. Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa amar ku bixisay in meesha doorashada lagu qabanayo ay noqoto Dugsiga booliiska Jubbaland ama xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Kismaayo si loo fududeeyo geeddi-socodka doorashada. Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa xustay inay doorashada goobjoog ka noqon doonaan xubno ka socdo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia iyo wakiillo metelaya Beesha Caalamka. AKHRISO: War-saxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya; PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo soo saartay Qodobbo la Xiriira doorashooyinka Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  19. Cabdiraxmaan Yariisow, duqa Muqdisho iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka jawaabayey buug caafimaad oo ay soo saaratay wasaaradda caafimaadka ayaa ku tilmaamay mid ay ma muuqato maseyr iyo xaasidnimo. Mr. Yariisow oo arrinkaas ka hadlaya ayaa yiri ”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Duqa Muqdisho oo sii-hadlaya waxaa uu yiri “Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”. Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta goor sii horeysay Soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso iney dhameystirka buug caafimaad, oo qalabkii iyo shaqaalihii ay diyaarisay, Arrintan oo u cuntami weysay gobolka Banaadi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Diib u heshiisiinta ayaa soo saartay qodobo xasaasi ah oo Maamulka Jubbaland looga dalbanayo inuu ku dabaqo doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Kismaayo. Wasaaradda oo soo saartay illa 5 qodob ayaa Maamulka Jubbaland ku amartay in soo xulista Odayaasha ay isla ansixiyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulkaas iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya . Wasaaradda ayaa ku baaqday inay xildhibaanada soo xulaan Odayaasha Rasmiga ah ee Jubbaland isla markaasna halkii kursi loo soo xulo Hal Xildhibaan oo kaliya. Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay iyadoo la tixgelinayo qoondada Haweenka in laga rabo beel kasta oo ay kusoo aado 3 xildhibaan inay halmid ka dhigaan Haween. Wasaaradda ayaa amartay in Meesha doorashada lagu qabanayo ay noqoto akadeemiyada Booliska Jubbaland ama Xarunta Qaramada Midoobay si loo fududeeyo geedi socodka Doorashada. Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa sheegtay inay doorashada goobjoog ka noqon doonaan xubno ka socdo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Xubno matalayo Beesha Caalamka. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Caafimaadka Somalia, ayaa ka biyo-diidday go’aan dhawaan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, kaasoo ku aadan qaadasha buugga caafimaadka xilliga laga dhoofayo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somalia ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay inay u adeegto bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaarisay goobihii ay ka heli lahaayeen caafimaadka aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta doonaya inay dalka ka dhoofaan. Inkastoo war-saxaafadeedka wasaaradda aan lagu soo hadal qaadin buugga uu dhawaan gobolka Banaadir shaaciyay inuu diyaarinayo, ayaa hadana lagu xusay qoraalka in wasaaradda caafimaadka ay hawlaheedu yihiin sidii ay u hubin lahayd bad-qabka caafimaad ee muwaadinka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo u muuqda inuu hadalkan ka carooday ayaa wuxuu bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu dhaleeceynayo wasaaradda caafimaadka oo uu ku sheegay in buugga caafimaadka uu yahay mid weligiis u diyaarin jiray maamulka gobolka banaadir, balse wasaaradda shaqadeeda ay tahay inay ilaaliso badqabka caafmaad ee dalka oo dhan. AKHRISO; Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Somalia; PUNTLAND POST The post Wasaarada Caafimaadka DF oo ka hor-timid go’aan kasoo baxay Maamulka G/Banaadir appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa weerar ah Afka ah ku qaaday Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay maamulka gobolka Banaadir faragalin ku heyso. Waxaa uu sheegay Gudoomiye Yariisow in Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay dooneyso maamulida howlaha Caafimaadka ee gobolka Banaadir loo idmaday. “Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqan gelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay Buug maamulka gobolka Banaadir uu soo saaray oo laga rabo in ay qaataan dadka aadaya dalka dibadiisa. Waxaana buuggaasi qaar ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ay ku tilmaameen Caqabad bulshadda lacago looga sameynaayo. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay khilaaf ku saabsanaa habka bixinta Buugga Caafimaadka oo ay waday Waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir, iyadoo tallaabadan ay diidaneyd Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka. Dhowr jeer oo hore waxaa jiray in Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka ee fadhigooda yahay Muqdisho in Maamulka Gobolka Banaadir ay isku qabteen adeegyo bulsho la qabanayay, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku andacoonayay inuu xaq u leeyahay, halka Wasaaradaha oo meesha kaliya ka howl galaan ay Muqdisho tahay ay iyagana ku doonayeen inay fuliyaan adeegyadaas. Halkaan hoose ka akhriso qoraalkii kasoo baxay Wasaaradda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Galgaduud (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) oo ku sugan degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa kormeer ku tagay Saldhigyada Ciidanka Boliiska ee Caabudwaaq, Balanballe iyo Xeraale. Janaraal; Ameeriko, ayaa xarumahii uu booqday kula kulmay Saraakiisha Saldhigyada iyo qaar ka mid ah Ciidanka Boliiska, isagoo si goonni-gooni ah ugu wareystay xaaladda halkaasi ka jirta iyo waxyaabaha ay tabanayaan, si looga gacan siiyo. Bashiir Cabdi Maxamed, taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa wuxuu Boliiska Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay sii Laba laabaan dedaalkooda, kana soo dhalaalaan shaqada adage ee ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed. View the full article