-
Content Count
208,885 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baarlamanka Puntland oo diiday xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018 Golaha wakiilada dowladda Puntland oo maalmahan ka doodayey, xisaab-xirka Miisaaniyaddii Puntland ee 2018 ee wasiirka Maaliyaddu uu Golaha horkeenay 30-June-2019, ayaa maanta cod gacan-taag ah ku diiday ansixinta Miisaaniyaddaasi. Golaha ayaa kor inta aysan u codayn xisaab-xirka Miisaaniyadda, waxay warbixin ka dhegaysteen Hanti-dhawrka guud ee Puntland, waxaana Xafiiska Hanti-dhawrku sheegay in aan gebi ahaanba lagu dhaqmin Miisaaniyaddii Puntland ee sannadkii 2018, islamarkaana ay khaladaad badan ka muuqdan sida loo kharash gareeyay dakhligii soo xerooday. Warbixinta Xafiiska Hanti-dhawrka guud kadib, ayaa mudanayaasha Baarlamanku cod gacan-taag ah u qaadeen, ansixinta xisaab-xirka Miisaaniyadd,a waxaana ogolaaday 12 mudane, halka ay diideen 27 mudane oo kale, hal xildhibaanna ka aamusay, iyadoo wadarta guud ee kulanka fadhiday ahaayeen 40 mudane. Xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018 ee maanta Baarlamanku diiday, ayaa loo gudbin doonaa xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, sida uu qabo qodobka 137.2 ee Dastuurka dowladda Puntland. Golaha ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay, in dib u-habayn lagu sameeyo Hanti-dhawrka guud iyo Bankiga dhexe ee Puntland, islamarkaana dib loo eego xeerarka ay ku shaqeeyaan, iyadoo qodobkaasi ay ogolaadeen 39 mudane hal xildhibaannada ka aamusay. Waxaa kale oo Goluhu ogolaaday in uu soo saaro, xeer cusub oo Xisaabiyaha guud ee Puntland looga madax-bannaynayo wasaaradda Maaliyadda. Halkaan ka daawo sida codayntu u dhacday PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo gebi ahaanba diiday xisaab-xirka Miisaaniyadii Puntland ee 2018 appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Hargeysa ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay Go’ankii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas. Waxa uu sheegay in markii ay tageen,isaga iyo wafdigiisa dalka Gini si weyn loosoo dhaweeyay,isla markaana warka kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya uu yahay mid la iska yiri. “Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso,waxaana leeyahay annaga ma nihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay”ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya,isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso. Dowlada Federalka ayaa ku dhowaaqday in xiriirkii ay u jartay dowlada Guinea kadib markii uu booqasho uu ku tegey Madaxweynaha Somaliland loona soo dhoweeyay sidii Madaxweyne dal madaxbanaan mas’uul ka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Former Kenya’s parliament speaker Farah Maalin has accused Saudi Arabia and United Arab Emirates [UAE] of fuelling the current tension between Somalia and Kenya over the maritime boundary row. In an exclusive Interview with Shabelle TV, Maalin said the intelligence agents from the two Gulf countries have grown their presence in Nairobi as part of the efforts to pour fuel on the fire. The former speaker further stated that Kenya’s minister of foreign affairs Monica Juma presided over several anti-Somalia meetings held in Nairobi which used to stain the good image of the country. The two neighboring countries are currently at loggerheads over a sea border dispute which the UN’s ICJ – International Court of Justice is expected to rule by the end of this year. View the full article
-
Tehran (Caasimadda Online) – Dowladda Iran ayaa shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa toddobaad kadib markii uu dalkaasi shaaciyay inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii 2015-kii kaasoo ku aaddan xaddiga loo oggol yahay ee keydkiisa uranium-ka ay tayadeedu hooseyso. Go’aankan ay gaartay xukuumadda Tehran ayaa qeyb ka ah dadaalka ay ku dooneyso inay cadaadis ku saarto dalalka Yurub si ay uga khafiifiyaan cunaqabateynta Maraykanka ee wax u dhintay dhaqaalaha Iran. Ku xigeenka wasiirka arimaha dibada ee dalka Iran Abbas Araqchi oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in wali ay daneenayaan ilaalinta heshiiskaasa. Balse wasiirka ayaa wadamada Yurub ku dhaliilay in ay ku fashilmeen ilaalinta go’aamadooda ku aadan heshiiskan. Mr Araqshi ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay bilaabi doonto sara u qaadidada Yuraaniyamkeeda 3.67% taas oo aad uga hor imaanayso heshiiskii 2015. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa Mareykanka iskaga baxay heshiiska xakamaynta Niyukleerka isagoona dib usoo celiyay cunaqabateenadii saarnaa dalka Iran. Iran ayaa bishii May mudo 60 maalin ah u qabatay wadamada wali heshiiskan qaybta ka ah sida Shiinaha, Faransiiska, Germal’ka, Ruushka, iyo UK in ay kaga soo jawaabaan cunaqabateenta Mareykanka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iran ayaa ka codsaday waqti dheeraad ah oo ay uga soo tashadaan arintan. Dalalka Yurub ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan fashil ku yimaada heshiiska, balse haddii Iran ay sii wado inay jebiso qodobada, waxaa lagama maarmaan noqoneysa inay isaga baxaan. Heshiiskii 2015, waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sannadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu dalkaasi ku rogay. Mareykanka waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan. Ku dhawaaqista Iran ee go’aankan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron lahadalay dhigiisa Hassan Rouhani kaas oo walaac xoogan kaga muujiyay ka bixida heshiiskan. Caasimada Online Xafiiska Tehran Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay. Wasiir Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka. “Tan iyo markii uu ii magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaan xoogga saaray sidii is bedel loogu sameyn lahaa arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada , gaar ahaana dib u habaynta sharuucda iyo soo saarista siyaasad qaran oo hagta wasaaradda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo intaa ku daray” Sharciga adeegga rayidka ah wuxuu lafdhabar u yahay dadaalada aan ugu jirno in la helo shaqaale Soomaaliyeed oo loo qoro hab furan, leh xirfad shaqo isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka hor yaalla. Sharciga adeegga rayidka waa mid lagu maamullayo shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed wuxuuna sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay hab sami u socodka howlaha qaranka. “Wasiirka ayaa caddeeyay sababaha keennay in is bedel lagu sameeyo sharciga Shaqaalaha Rayidka , waxaa uu qodobka koowaad ku sheegay, dalka oo isku bedelay Federaal, sharcigii hore ma uusan qeexeyn qiimeynta booska uu qofka ka shaqeynayo, halka wax ka beddelkan ee sharciga uu u gogol xaarayo hab gaar ah oo lagu maamullo. “Sharciga cusub wuxuu ahmiyad siinaya khayraadka aadamiga ah .” ayuu ku daray wasiirka.Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-07072019.mp3 View the full article
-
Beledweyne (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegya inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo ka dhacay agagaarka deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magacooda sababo dhinac ammaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaare labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii Xoolo dhaqatadu ay ka biyo diideen Lacago iyo Xoolo lagu sheegay Sakawaad oo ay weydiisteen Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa deegaano dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Waa markii labaad oo Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ay dagaalamaan, dhawaana ayey aheyd markii iska hor imaad labad dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. View the full article
-
Somali PM to announce a committee to seek Galmudug solution
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire said that he will announce soon the Galmudug reconciliation committee following talks with local elders and politicians. The PM thanked the leaders of Galmudug for their decision to find a lasting solution to the long-continued political crisis hampered the Federal State. Meanwhile, Somali Prime Minister is expected to reach Galkayo, capital of Mudug region on Sunday with reports that the city’s security has been extremely beefed up. Security is also tightened, with additional troops being seen on the main streets ahead of the PM’s arrival, according to Radio Shabelle’s correspondent in the town. The Prime Minister has been in Galmudug for more than a week in search of solutions. View the full article -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo khamiistii, waxaa socda dagaal afka oo ka dhaxeeya wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah iyo gobolka Banaadir kadib markii kuwa dambe ay soo saareen buug caafimaad oo ay isticmaalayaan dadka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraamih Mahad-alle oo arrinkan ka hadlay aya sheegay in baahida buuggana ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, qiimahana uu yahay $10, lagana qaadan karo goobaha tikityada laga bixiyo ama garoonka. Arrintan waxaa taageeray ganacsatada diyaaradaha iyo culimo, iyaga oo sheegay in soo-celintiisa ay ka dhigantahay soo-celinta dowladnimada. Isla khamiistii, mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah oo aan dooneyn in magaciisa la xuso, lana hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tilaabada gobolka Banaadir isaga oo intaa raaciyey iney tahay garab marid lagu sameeyey howlaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federalka ah, sharci-darro ah, halisna ku tahay nidaamka caafimaadka Soomaaliya. “Buuggaas wasaaradda caafimaadka kama warqabto, talaal aan shahaado dowladeed wadinin sidee loo hirgelinayaa, dadka yaa kontoroolaya, yaase baaraya, oo xaqiijinaya caafimaadkooda, shahaadana bixinaya, arrintan waa khatar, waana mid ka hor imaaneysa nidaamka caafimaadka dalka”. Ayuu intaasi raaciyey. Haddaba, Sabtidii wasaaradda caafimaadka DF waxaa ay si rasmi ah u soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegeyso qodoobadan: Wasaaradu waxay diyaarisay shaqaalihii, agabkii iyo goobihii ay ka heli lahaayeen adeegyada caafimaakda ee musaafirku u baahanyahay Wasaaraddu waxay diyaarisay tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay musaafirka iyada oo la tix-raacayo xeerarka caalamiga ah ee caafimaadka isu gooshka ( IHR 2005 ), Wasaaraddu waxay adeeg caafimaad oo baaritaan ah u samayn doontaa xujayda sanadkaan nasiibka u yeeshay inay booqdaan baytka Alle, si loo hubiyo bad qabka xaajiga, isla markaana loola socdo xaaladda dadka qabi karo cudurrada daba dheerada sida (sokorta, dhiigkarka ), Wasaaraddu waxay xujayda siin doonta tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay xaajiga intuusan safrin ka hor iyadoo la tixraacayo shuruudaha ku xusan warqada Wasaaradda Caafimaadka Boqortooyada Sucuudigu la soo wadaagtay Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaalya Wasaaraddu waxay siin doonta xujayda buug caafimaadka kadib marka la siiyo tallaalada asaasiga ah Iyada oo kala shaqaynayso Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxay Wasaaradda Caafimaadku hubin doontaa in xaajiga uu helo adeeg caafimaad inta lagu guda jiro xajka, iyada oo la hubin doono inay la socdaan xujayda xirfadlayaal caafimaad oo ka war-qaba caafimaadkooda Saacado kadib, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bartiisa facebooga soo dhigay ”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”. Maxaa La isku heystaa: Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir waxaa la isku heystaa ciddii bug caafimaad siin laheyd ilaa 11,500 qof oo sanadkan xajinaya, oo midkiiba laga rabo $10. Dad badan oo arrinta la socdo waxaa ay ku doodayaan in lacagta ay tahay hafadka ugu weyn ee dagaalka labada dhinac Caafimaadka la rabo: Hey’adda WHO waxaa ay soo jeedisay in dadka xajka aadaya laga talaalo cagaarshowga nooca A & B, Tiifowga, Jadeecada iyo cuduro kale. Buugga caafimaadka waa muhiim, laakin waxaa ka muhiimsan in talaal sharci ah, oo qofka ku mari karo meel walbo uu helo, waxaana arrintaasi qaban kara hey’adaha dowladda, oo tababar iyo ogolaashiyo ka heysta hey’adaha caalamiga ah. Khubaro caafimaadka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxaa ay qabaan in talada caafimaadka dalka talaal iyo dawaba laga rabo iney kontoroosho wasaaradda caafimaadka, isla markaana aan looga maarmin iyadana ay muhiim tahay in la shaqeyso gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada. Xigasho: Radio Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in waanwaantii laga dhexwaday madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay mareyso meel wanaagsan rajana laga qabo in 24 saac gudahooda la gabagabeeyo. Wasiir ku-xigeenka oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay dadaal badan oo lagu bixiyay hadda ay wax marayaan meel aad u wanaagsan ayna rajeynayaan in dhawaan xal waara la gaaro isaga oo yiri“ Arritaan dhowr iyo 20-tan maalin ayeey qaadatay waxaa aan u joognay waxaa ay aheyd is qancin in la sameeyo ayuu doorkeenu ahaa, kadib waxaa nagu soo biiray xildhibaanada federaalka oo nala jooga ilaa 11 maalmood, gudoomiyihii hore waxaa uu dalbaday inuu la hadlo madaxweyne Waare tiina xalay ayeey dhacday”. Sidoo kale Daqare oo hadalkiisa sii-wato, ayaa xusay in xildhibaanada federaalka iyo heer gobol ay is ku dayeen sidii loo gaari lahaa heshiis looga hortagayo in colaad ay isku badasho khilaafka ka taaganaa gobalka Hiiraan. Waqtiga dheeraaday waxaa keenay in nidaam dowli ah lagu abaaro, ayadoo laga hortagayay in caqabad ay timaado lakiin hadda nidaamkii wuu socdaa dib u shiisiinta iyo in lagu qanciyo inuu xil wareejin uu sameeyo gudoomiyihii hore ee gobalka” Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ayaa sheegay in Hirshabeelle ahaan ay rajo weryn ay ka qabaan in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee gobalka Hiiraan. Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) aya“ Rajo fiican ayaan ka qabnaa xildhibaanadii dhamaan waa ay joogaan muddo dheer ayeey ku qaaday sidii xalka loo heli lahaa,maamul ahaanna waan rajayneynaa in ay dhamaato”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa amar culus dul-dhigtay hay’adaha caalamiga ah ee ka howgalka gudaha magaalada Muqdisho. Amarkan ayaa la xariira magaca garoonka Adan Cadde, kaas oo la sheegay in uusan ahayn garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, balse uu yahay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa lagu wargeliyay dhammaan hay’aduhu inay isticmaalaan magaca saxda ah. Sidoo kale warqadan ayaa loo diray QM, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha, shirkadaha duulimaadka iyo dhammaan hay’adaha kale ee degan magaalada Muqdisho. Ujeedada ayaa lagu sheegtay inay tahay mid lagu weyneynayo magaca Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). Ugu dambeyn beesha caalamka ayaa looga dalbaday qoraalkani inay bedasho magaca garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, kaas oo weli ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Hay’adda Qandaraas-bixinta dowladda Puntland, ayaa degmada Bander-bayla ee gobolka Karkaar ka joojisay, qandaraaskii mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, kadib markii sida ay hay’addu sheegtay hab musuq-maasuq lagu bixiyay qandaraaskaasi. “Waxaan Xafiisyada Warqdan tooska ugu Socoto iyo kuwa ay ogaysiinta ku tahay ku wargelineyna in la joojiyo qandraaska JPLG-ga ee laga furey Degmada Bander-beyla June 2019 kaaso lagu furey si aan sharciga waafaqsaneyn Taas oo qandraas-qaatayal badan ay ku sheegen iney horseedey Musuq maasuq iyo eex baahsan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’adda Qandaraas-bixinta Puntland. Hay’adda ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cali Nuur Jubba, waxay ku eedaysay in uu maamulay musuq maasuq iyo eex baahsan oo lagu sameeyay bixinta qandaraaska mashruuca JPLG ee degmada Bander-bayla ee gobolka karkaar. “Musuq maasuqa iyo isdaba Marintan ayaa lagu eedeyey Agaasimaha guud ee Wasaarada Arimaha gudaa Juba Cali Nuur iyo Xilibaan ka tirsan golaha deeganka degmada Bander-beyla oo la sheegey iney shirkado ay samesysteen ay ku qaaten mashaaricdii JPLG-GA Sanadka ee degmada Bander-beyla ee gobolka karkaar” ayuu sii raaciyay qoraalka. Waxaa kale oo hay’addu sheegtay, in la baal-maray dhammaan nidaamkii dowliga ahaa ee hay’adda Qandaraasyada Puntland, maadaama sida ay caddaysay aan lambarka xayaysiinta laga qaadan hay’adda Qandaraas bixinta Puntland, laguna wargelin furitaanka Qandaraaska. “waxaa la garab marey dhamaan Nidaamki dowliga ahaa ee hay’ada qandraasyada Puntland ee sharciga Lr.11 ee 16/08/2000 oo Barlamaanka Puntland meel mariyey iyo kan caalamiga ha kadib markii la furey qandraaskan iyada oo aan lanbarka Xayeysiinta laga qaadan Hay’ada qandaraas bixinta dowlada puntland Laguna wargelin furitaanka qandraaskan” ayey tiri hay’adda. Halkan ka akhriso qoraalka lagu joojiyay mashruuca PUNTLAND POST The post Mashruucii JPLG ee degmada Bander-bayla oo musuq maasuq loo joojiyay appeared first on Puntland Post.
-
Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayey gobolka Hiiraan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo muddo saacado ah qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah, sida ay Caasimada Online u xaqiiiyeen ilo dadka deegaanka ah. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Mid ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka la dagaalamaya Al-Shabaab oo qariyay magaciisa ayaa sheegay inay dileen illaa 5 ka tirsanaa Kooxdaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xubnaha ay dileen isugu jiraan saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsanaa Al-Shabaab. Dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen Lacago Sakawaad ah, taas oo sababtay in ay la agaalamaaan Al-Shabaab. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay xiisado u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa waxa ay ka taagnaayeen gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Gobolladan ayaa waxaa ka aas aasmay koox deegaanka ah oo la magac baxday Macaawiisley oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com -
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u soo bandhigay Haweeney la sheegay in ay iska dhigi jirtay nin, taas oo in muddo ah ku nooleyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi, balse waxa ay dadka deegaanka u yaqaaneen Deeq Cabdullaahi. Sawirro laga soo qaaday Haweeneydan ayaa la arkayay iyada oo xiran dharka Ragga, gaar ahaan Macaawiis, Shaati iyo Camaamad. Wararka ayaa intaasi ku daray in Haweeneydani ay hubeysneyd, islamarkaana lagu soo qabtay Bistoolad ay sheegtay inay ku ilaalsan jirtay goob ganacsi oo ay laheyd. Taliyaha Booliska gobolka Mudug Maxamed Nuur Cali ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan, ayna ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Haweeneydani ay xiriir la sameysay Haween kale, iyada oo iska dhigeysa Rag. Lama oga waxa ku kalifay Deeqo tallaabada ay qaaday, balse waxaa weli dabagal ku haya laamaha amniga ee maamulka Galmudug. Sheekadan ayaa dhalisay hadal heyn badan, iyadoo ay si aad ul yaaban yihiin dadka ku dhaqan gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Tan iyo khamiistii, waxaa socda dagaal afka oo ka dhaxeeya wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah iyo gobolka Banaadir kadib markii kuwa dambe ay soo saareen buug caafimaad oo ay isticmaalayaan dadka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraamih Mahad-alle oo arrinkan ka hadlay aya sheegay in baahida buuggana ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, qiimahana uu yahay $10, lagana qaadan karo goobaha tikityada laga bixiyo ama garoonka. Arrintan waxaa taageeray ganacsatada diyaaradaha iyo culimo, iyaga oo sheegay in soo-celintiisa ay ka dhigantahay soo-celinta dowladnimada. Isla khamiistii, mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah oo aan dooneyn in magaciisa la xuso, lana hadlay Goobjoog News ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tilaabada gobolka Banaadir isaga oo intaa raaciyey iney tahay garab marid lagu sameeyey howlaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federalka ah, sharci-darro ah, halisna ku tahay nidaamka caafimaadka Soomaaliya. “Buuggaas wasaaradda caafimaadka kama warqabto, talaal aan shahaado dowladeed wadinin sidee loo hirgelinayaa, dadka yaa kontoroolaya, yaase baaraya, oo xaqiijinaya caafimaadkooda, shahaadana bixinaya, arrintan waa khatar, waana mid ka hor imaaneysa nidaamka caafimaadka dalka”. Ayuu intaasi raaciyey. Haddaba, Sabtidii wasaaradda caafimaadka DF waxaa ay si rasmi ah u soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegeyso qodoobadan: Wasaaradu waxay diyaarisay shaqaalihii, agabkii iyo goobihii ay ka heli lahaayeen adeegyada caafimaakda ee musaafirku u baahanyahay Wasaaraddu waxay diyaarisay tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay musaafirka iyada oo la tix-raacayo xeerarka caalamiga ah ee caafimaadka isu gooshka ( IHR 2005 ), Wasaaraddu waxay adeeg caafimaad oo baaritaan ah u samayn doontaa xujayda sanadkaan nasiibka u yeeshay inay booqdaan baytka Alle, si loo hubiyo bad qabka xaajiga, isla markaana loola socdo xaaladda dadka qabi karo cudurrada daba dheerada sida (sokorta, dhiigkarka ), Wasaaraddu waxay xujayda siin doonta tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay xaajiga intuusan safrin ka hor iyadoo la tixraacayo shuruudaha ku xusan warqada Wasaaradda Caafimaadka Boqortooyada Sucuudigu la soo wadaagtay Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaalya Wasaaraddu waxay siin doonta xujayda buug caafimaadka kadib marka la siiyo tallaalada asaasiga ah Iyada oo kala shaqaynayso Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxay Wasaaradda Caafimaadku hubin doontaa in xaajiga uu helo adeeg caafimaad inta lagu guda jiro xajka, iyada oo la hubin doono inay la socdaan xujayda xirfadlayaal caafimaad oo ka war-qaba caafimaadkooda Saacado kadib, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bartiisa facebooga soo dhigay ”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”. Maxaa La isku heystaa: Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir waxaa la isku heystaa ciddii bug caafimaad siin laheyd ilaa 11,500 qof oo sanadkan xajinaya, oo midkiiba laga rabo $10. Dad badan oo arrinta la socdo waxaa ay ku doodayaan in lacagta ay tahay hafadka ugu weyn ee dagaalka labada dhinac Caafimaadka la rabo: Hey’adda WHO waxaa ay soo jeedisay in dadka xajka aadaya laga talaalo cagaarshowga nooca A & B, Tiifowga, Jadeecada iyo cuduro kale. Buugga caafimaadka waa muhiim, laakin waxaa ka muhiimsan in talaal sharci ah, oo qofka ku mari karo meel walbo uu helo, waxaana arrintaasi qaban kara hey’adaha dowladda, oo tababar iyo ogolaashiyo ka heysta hey’adaha caalamiga ah. Khubaro caafimaadka oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay qabaan in talada caafimaadka dalka talaal iyo dawaba laga rabo iney kontoroosho wasaaradda caafimaadka, isla markaana aan looga maarmin iyadana ay muhiim tahay in la shaqeyso gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
1. Baahida in beelahaasi HJ iyo GX is calool xaadhaan oo xagga maskaxda ka midoobaan ayaa maanta daray ah, caafimaadkaana inta kartidooda ah ku sii ballaadhiyaan fidintiisa beelaha kale ee bariga iyo galbeedkaba ka xiga. Mar haddii xukuumaddii la igmaday ka gaabisay midaynta bulshada Somaliland wixii ka dambeeyey doorashadii iyo xukuumaddii la dhisay, abuurtay na wax sii kala fogeeya oo u daran wax wada yeelashadoodii waa muhiim in beeluhu kala fogaantaas sii baahaysa soo ururiyaan inta ay goor goor tahay, bulshadana isu soo dhoweeyaan, inta aan danniga iyo is waagu ku sii dhex baahin. 2. Salaadiinta gogoshan fidisay oo ay hormuud u yihiin rag haybad iyo maqaam weyn bulshada Somaliland ku dhex leh oo qawlkooda, uurkooda iyo ficilkoodu midaysan yihiin, sida Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo ragga kale la midka ah ee arrinta ku weheliya. Laba arrimoodba waan ku taageeray shirkaas iyo gogoshaas Burco la dhigay ee la isugu imanayo bishan July 20-da, sida maanta la soo saaray ee rasmiga ah. Talo ahaan waa in shirka iyo taladiisu ka gudubtaa gogashaas East Burco Clan iyo West Burco Clan oo bariga iyo galbeedkaba intifaaceedu u geeddi galaa ilaa Sanaag Bari iyo East Sanaag Clan, Sool iyo Sool clan, Awdal iyo Awdal Clan iyo Ciise, Hawd iyo Arab, Saaxil, Gebiley iyo Gabiley Clan, Ayuub, Fiqi Shinni, Gabooye iyo idil ahaan inta Somaliland degta ee Dir iyo Daarood ba leh. Haddii talo iyo qorshe tummaatidaas leh Burco laga soo unko waxa suurta gal ah in xukuumadda Somaliland ee hoggaankeedu xadhigga sii goosanayo in lagu soo celin karo garoonka wada tashiga iyo wax wada lahaanshaha, gaar ahaan qaybsiga awoodda iyo ilaha dhaqaale ee yar ee waddanka si caddaaladda u dhow, taas oo baajin karta kala fogaanta bulshada oo sii fogaata. Waa hawl culus, muhiim na u ah beelaha isu imanaya iyo Somaliland oo dhan. “Marka aad Duleedow Sidaad doontay weydaa Sidaad diiddey yeeshaa”. Waa xaqiiq oo markii dawladnimo dabkeedii gamaaray ee uu ilko beel ku dhowaadey ayaa halkan loo irkanayaa, candhona waa xubinoo waxa laga filaa ee ka soo baxayaa waa wax wadarta iyo dawladnimada diirin kara. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Jabhadda ONLF ayaa waxaa looga hadlay isbedalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhulka deegaanka Soomaalida Ethiopia, gaar ahaan colaado ka soo cusboonaaday halkaasi. ONLF ayaa baaq nabadeed u dirtay Beelo ku dagaamaya deegaano iyo degmooyin hoostaga ismaamulka Soomaalida Ethiopa. Halkan hoose ka aqriso War-Saxaafadseedka. Tan iyo markii ay isbedallada siyaasadeed ka dheceen dalka ee la soo afjaray caburintii iyo cadaadiskii lagu haayay bulshada Soomaalida Ogaadeenya, waxaa soo kordhayay colaadaha iyo isku dhecyada beelaha dhexdooda ah, kuwaasoo dhibaatooyin badan gaarsiiyay dadwaynaha, islamarkaana carqalad ku noqday taabba-gelinta nabadda iyo horumarinta deegaanka. Waxaa jira dagaallo badan oo dhex-maray beelaha Soomaalida Ogaadeeniya oo gaystay waxyeellooyin dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, kuwaasoo ka dhashay dhulal la isku haysto. Waxaa sidoo kale jira meelo badan oo la is hor-fadhiyo, lagana cabsi qabo inay dagaallo ka billowdaan, oo u baahan in laga qaado tallaabooyin lagu baajinayo dhiig macnadarro ah ku daata. Colaadaha beelaha dhexdooda ah waxaa sabab u ah tuulooyin ama dhul deegaan ah oo la isku haysto, waxaana intooda badan raad ku leh siyaasadii taliskii hore ee ahayd abuurista tuulooyin ka turjumaya danaha amni ee taliska ee aan ka turjumaynin danaha bulshada deegaannadaas deggan. Arrintaasina waxay halis galisay amnigii dalka iyo xiriirkii wanaagsanaa ee u dhexeeyay beelaha wada-dega ama deriska ah. Waxay sidoo kale khatar ku tahay daryeelka dhulka daaqsinta ah cimilada guud. Sidaas darteed, waxay Jabhaddu ugu baaqaysaa bulshada Soomaalida Ogaadeeniya inay si degdeg ah u joojiyaan isku-dhacyada dhexdooda ah, isla markaana ay wada-xaajood iyo is af-garad ku dhammeeyaan xurgufaha u dhexeeya. Jabhaddu waxay sidoo kale dowlad deegaanka ugu baaqaysaa inay la timaado barnaamij wax ku-ool ah oo lagaga hortegayo isku-dhacyada soo noq noqonaya ee beelaha u dhexeeya, islamarkaana ay diyaariso qorshayaal cad-cad oo lagu xakamaynayo isku-dhacyadaas iyo hay’adihii qorshayaashaas fulin lahaa. Jabhaddu waxay dhinaceeda diyaar u tahay inay dowlad deegaanka kala shaqayso sidii xal waara loogu heli lahaa colaadaha beelaha ee maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya. Jabhaddu waxay aaminsan tahay in xaqiijinta midnimada shacabka iyo dib u-heshiisiinta bulshadu ay fure u yihiin xaqiijinta amniga dalka. Jabhaddu waxay si cad uga soo horjeeddaa tuulooyinka aan nacfiga u lahayn bulshada ee qaabka siyaasadaysan loo abuurayo, kuwaasoo danta laga leeyahay ay tahay is riix-riixiyo in Qabandi lagu helo. Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in la hirgeliyo barnaamijyo wacyigalin ah oo dadwaynaha lagu barayosarrayo sharciga iyo in kala-dambayntu ay fure u tahaynabadda iyo horumarka deegaanka ayaa lagu soo geba-gabeeyay warka ka soo baxay ONLF. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Pretoria (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Africa. Wararka qaar ayaa sheegaya in Marxuumka lagu dhex toogtay goobtiisa ganacsi, iyadoona raggii ka dambeeyay dilkiisa oo burcaad ahaa ay goobta isaga baxsadeen. Marxuum Xuseen Cali Saqiir ayaa la sheegay in kaliya sagaal bilood uu joogay gudaha dalkaasi. Inta badan waxaa Koonfur Africa dhibaatooyin xoogan loogu geystaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi. View the full article
-
Bishii Juun 2019, ee ina dhaaftay ayaa waxaan ka qaybgalay koorso ku saabsanayd doorashooyinka caalamiga. Bare Sare Jeff F, oo ah macallinkii inoo dhigaayey casharada doorashooyinka ayaa wuxuu dhowr jeer na weyddiiyay su’aallooyin la xiriira doorashooyinka Somalia. Shakhsiyan, way igu adkaatay in aan wax badan ka jawaab-celiyo, waxaana u saabab ahaa aniga oo aan xog badan ka hayn nidaamka doorasho, codeynta iyo qaab-hawleedka guddiga doorashooyinka qaranka. Si taasi aan meesha uga saaro ayaa toddobaadkii la soo dhaafay waxaan akhris badan ku sameeyay nidaamka doorasho ee dalka, dowrka nidaamka xisbiyada badan iyo moodeelka “Centripetal power-sharing model” ee awood-qaybsiga. Intii aan akhriska waday, waxaan ku dul kufay qoraallo badan oo laga sameeyay dowrka togan ee doorashooyinku ku leeyihiin nabadaynta iyo dibu-dhiska qaran-burburay. Culummada wax ka qoray waxaa ka mida Ben Reilly, Andrew Reynolds, Arend Lijphart, Horowitz iwm. Intooda badan waxay isku hawleen raadinta nooca nidaam doorasho ee ku habboon bulshada qabaa’ilka ah, ee ka soo bogsanaysa colaadaha sokeeye. Si la mida, anigana maqaalkan waxaan diiradda ku saarayaa sahminta nidaamka doorasho, codeyn iyo awood-qaybsiga ku habboon Somalia. Qaybta koowaad, waxaan kaga hadli doonaa nidaamyada doorasho iyaga oo faahfaahsan. Qaybta labaad, waxaan ku lafoguri doonaa moodalada kaladduwan ee awood-qaybsiga gaar ahaa kuwa ku habboon Somalia. NIDAAMYADA DOORASHO: Sida uu qabo Reynolds (2005), waxaa jira dhowr nidaam doorashooyin laakiin waxaa ugu caansan ama loogu isticmaalka badan yahay saddexdan qaybood, oo kala ah: Nidaamka aqlabiyadda (Plurality) Nidaamka Metelaadda (Proportional) Nidaamka iskudhafka (Mixed) Qaybaha ugu muhiimsan ee uu ka kooban yahay nidaamyada doorasho, waxaa ka mida qaaciddada doorashada (Tus. Cod-dheerida, metelaadda iyo iskudhafidda), haykalka codeynta (U codeynta xisbiyada ama u codeynta musharaxiinta; hal doorasho ama doorashooyin badan) iyo tiro deegaanaydka (Halkii degmo hal xildhibaan-SMD mise degmadii ba laba ama saddex xildhibaan-MMD). Saddexdaas nidaam doorasho ee kor ku xusan waxaa hoos yimaada sagaal nidaam doorasho hoosaadyo, kuwaas oo kala ah: First Past the Post, Block Vote, Alternative Vote, Party Block Vote and the Two-Round System, Parallel, Mixed Member Proportional, List Proportional Representational iyo Single-transferable vote. Intaas waxaa soo raaca kuwa kale balse ku xareysan qaannad kale. (Menocal, n.d). Astaamaha Nidaamka Aqlabiyadda: Nidaamkani wuxuu ku dhaqmaa qaaciddada hal dheerida ah. Yacni musharaxiii ugu cod badan ayaa ku guulaysanaya kursiga degmada. Wuxuu kaloo caan ku yahay “Single-Member District” oo macnaheedu yahay in degmadii ba hal qof uu ka soo baxo. Waa nidaamka ugu badan ee la isticmaalo, iyada oo sidaas ah haddana kuma habboona bulshada dhaqan iyo isir ahaan ba kala qaybsan ee qabaa’ilka ah. Anigu, marnaba kuma taliyeen in Somalia qaadato nidaamkan doorasho waayo wuxuu lumin karaa kalsoonida beelaha laga tiro badan yahay iyo in uu is-horistaago xuquuqdooda metelaadda siyaasiga ah. Astaamaha Nidaamka Metelaadda: Kani wuu ka duwan yahay midka hal dheerida ah. Wuxuu caan ku yahay in xisbi walba saamigiisa codeed uu baarlamaanka tiro kuraas ah kaga helo, isaga oo isticmaalaya soo bandhigidda liiska musharaxiintiisa. Waa liis noqon kara mid xiran iyo mid furan (closed and open lists). Nidaamkani wuxuu fursad ka qaybgalineed siinayaa bulshada qaybaheeda kaladduwan gaar ahaan dumarka, laakiin waa metelaad ku xiran in nidaamka codeyntu noqdo mid furan. Marka uu furan yahay ayaa u roon dumarka iyo dabaqad walba oo rabta in ay ka qaybgasho awood-qaybsiga dalka. Somalia waxay dooratay nidaamka doorasho ee ku dhisan metelaadda listada (LIST-PR) gaar ahaan qaybtiisa codeynta ee listada xiran (PR-Closed lists). Kan dambe aad baan uga dayrinayaa waayo waa nidaam ay ku sii dulmanaan karaan bulshada qaybteeda laga awood roon yahay, kaba sii darane wuxuu caqabad ku noqonayaa islaxisaabtanka cod-bixiyaasha (Electoral Accountability), waana mid u nugul musuqmaasuq, eex iyo masuuliyad-darro. Marka ay timaaddo musuqa, qofka xildhibaanka ah (ee doorashada ku yimid) kama cabsanayo islaxisaabtanka laba qolo: xisbiyada mucaaradka iyo cod-bixiyaasha. Maxaayeelay nidaamkan wuxuu awoodda la xisaabtanka siinaya xisbiyada, taas oo ugu dambayn keenaysa in qofka la doortay uu ka cabsado hoggaanka sare ee xisbiga intii uu ka welweli lahaa dadkii soo doortay. Taasi waa dibu-dhac weyn, si looga hortagona waxaan soojeedinayaa in laga guuro nidaamka listada xiran, taa beddelkeeda la qaato nidaamka listada furan, iyada oo la tixgelinayo nidaamka codeynta ee kala xulashada (Preferential voting system), si gaar ahaaneed labada nidaam codeyn ee kala ah: Single-Transferable Vote iyo Alternative Vote. Labaduba waxay awood kala doorasho iyo islaxisaabtan siinayaan cod-bixiyaasha. Qofka musharaxa ee kursi-doonka ah wuxuu ku qasbanaan doonaa in uu cod badan ka dhex raadsado dhammaan beelaha degmo wadaaga ah intii uu isku halayn lahaa keli codka jufadiisa. Sidoo kale, xisbiyada ku loollamaya kursiga degmada iyagana waxay soo xulan doonaan musharaxa kasban kara codadka dhammaan beelaha degmo wadaaga ah. Marka laga soo tego doorashada baarlamaaniga ah, tan madaxtinnimada dalka iyadana waxaan soojeedinayaa in laga dhigo doorasho dadweyne, weliba la tixgeliyo qaab codeynta loo yaqaano Alternative Vote, oo ah mid musharaxiinta ku qasbaya in tiro cayiman oo codad ah ay ka haystaan maamul-gobolleedyada dalka. (Fiiri habka codeynta ee doorashada madaxweynaha dalka Nayjeeriya). Tani wuxuu awood dheeraad ah siinayaa cod-bixiyaasha ama muwaaddinka waayo waa isaga qofka kala xulanaya musharaxiinta, wuxuu isweyddinayaa kee baa ka shaqayn kara maslaxadda guud ee beelaha aynu isla nahay isku deegaan/maamul-gobolleed? Markan oo kale, qofka musharaxa ee cod raadiska ah wuxuu ilaalinayaa, weliba ku dadaalayaa sumcaddiisa iyo masuuliyadda ka saaran deegaanka intii uu ku mashquuli lahaa iska iibinta hoggaanka sare ee xisbiga. Waayo nidaamka listada furan wuxuu awoodda islaxisaabtanka siinayaa muwaaddinka/codbixiyaasha. NIDAAMKA AWOOD-QAYBSIGA: Maqaalka ay qortay Alina Rocha ee cinwaankiisu yahay “Why Electoral Systems Matter,” iyada oo soo xiganaysa buugga “Electoral Systems and Conflict in Divided Society” ee ay wada qoreen Ben Reilly iyo Reynolds ayaa waxaa ku xusan saddex moodeel oo awood-qaybsiyada jira ka mid ah, kuwaas oo loogu talaggalay in lagu maareeyo khilaafka siyaasiga iyo loollanka ka dhexeeya bulshooyinka hab beelleedka ku qaybsada figta sare ee awoodda dalka. Waxaan ka soo qaadanayaa laba ka mid ah, waxayna kala yihiin: Moodeelka “Consociationalism” oo ah mid lagu isticmaalo nidaamka doorasho ee metelaadda listada ah (List PR), waxaa lagu kala ilaaliyaa qowmiyadaha ku nool dalka Belgium, Switzerland iyo South Africa. Moodeelka “Centripetalism,” isagana waa mid lagu isticmaalo nidaamka codeynta ee Alternative Vote ka, kaas oo hoos yimaada nidaamka doorasho ee aqlabiyadda. Dalalka adeegsada waxaa ka mida Papua New Guinea iyo Fiji. Awood-qaybsiga 4.5 ta: Wixii ka dambeeyay markii uu gumeysigu ka tegay Somalia, moodeelka awood-qaybsiga dalku wuxuu ku bees gareysnaa qaaciddada 4.5 ta oo ah nidaam awood-qaybsi, kaas oo Soomaalidu ku kala qaybsato awoodaha sare ee dalka. Waa nidaam hagraya beelaha darafyada, xuquuqdooda metelaadda siyaasigana duudsiinaya; si kale u dhig, beelaha laga tun roon yahay, dumarka, cuuryaaannada iyo dhallinyarada. Wuxuu na liddi ku yahay horusocodka dimuqoraaddiyadda Somalia. Haddaba, si nidamkani meesha looga saaro waxaan soojeedinayaa in la tijaabiyo nidaamka “Centripetalism.” Waa nidaam ku dhisan awood-qaybsi dhiirrigelinaya in musharaxiinta kala metela danaha beelaha Soomaaliyeed ay si siman ugu wada loollamaan kuraasta degmooyinka. Wuxuu musharaxa ama siyaasiga xukun-doonka ah ku qasbayaa in uu iska gado dhammaan beelaha Soomaalida ama beelaha wada dega degmada uu markaasi kursiga ka rabo. Sidoo kale, wuxuu abuuri karaa wadashaqayn dhex mara siyaasiyiinta dalka, waana wax u fiican nabadaynta iyo dibu-dhiska Somalia. WQ: Hassan Mudane Lafogure Arrimaha Afrika Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macalin oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa shaaciyey dalalka ka dambeeya xiisada xoogan ee haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Faarax Macalin oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sucuudi Carabiya ay yihiin dalalka hoos ka hurinaya xiisadaasi. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya ayaa xusay in sirdoonada dalalkaasi oo ku xoogeystay Nairobi ay gadaal ka riixayaan muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Kenya lagu leeyahay deymo badan, sidaasina ay uga faa’iideysanayaan dalalka Carbeed oo uu xusay inay faragelinayaa arrimaheeda. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay horay lacago u siiyeen dalalka Ethiopia iyo Eritrea, si ay uga qeyb qaataan xiisadan, balse Madaxda dalalkaasi ay Lacagaha qaateen, islaamarkaana ay ballamadii uga baxeen, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale waxa uu eedeyn u jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma oo uu sheegay inay marar badan ka soo muuqatay shirar ka dhan ahaa Soomaaliya. Faarax ayaa sheegay in haatan ay sii hurineyso khilaafka labada dal, iyada oo ah wasiiradii arrimaha dibadda ee dowladda Kenya. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli bisha September ee sanadkan la filayo in Maxkamadda ICJ ay dib u furto dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/ccaaa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shacabka iyo dowladda Puntland oo iskaashanaya ayaa deegaan xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug waxa ay kawadaan dhismaha mid kamid ah dekedaha ugu casrisan dhulka Soomaaliyeed, [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Keyna Faarax Macalin oo uu warramayay Shabelle ayaa ugu horreyn ka hadlay xiisada u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo salka ku heysa arrimaha Badda. Faarax Macalin ayaa sheegay inay horay wasiirka arrimaha dibada Kenya Munica Juma ay goojoog uga soo aheyd shirar ka dhan ahaa Soomaaliya, islamarkaana adduunka intiisa kale looga gudbanayo in dad xun ay yihiin Soomaalidu. Waxa kale uu tilmaamay in haatan ay iyadu hormuud ka tahay khilaafkan, islamarkaana ay sii hurineyso, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Faarax Macalin ayaa ku eedeeyay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga in ay gadaal riixayaan xiisadaasi. Guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Keyna ayaa carabka ku dhuftay in sirdoonada dalalkaasi oo ku xoogeysatay gudaha Kenya, islamarkaana ay qeyb weyn ku leeyihiin khilaafka sii xoogeysanayaa ee Soomaalia iyo Kenya. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cc.mp3 View the full article