-
Content Count
208,899 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Guinea conakry ee ku yaalla galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayey dadkii soo dhoweeyay, ayaa ka warbixiyay safarkiisi dalka Guinea conakry oo uu ku tilmaamay mid guul u soo hoyiyay Somaliland, isagoo uga mahadceliyay madaxda waddanka Guinea sida ay hab-maamuuska ay siiyeen wefdigiisa. Dhinaca kale, wuxuu dameer ciyay ku tilmaamay hadalkii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheegtay in ay xiriirka u jartay waddanka Guinea conakry kadib markii Muuse Biixi si hab-maamus sare leh loogu soo dhoweeyay. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo dameer ciyay ku tilmaamay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Atul Khare. Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro Al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Mudane Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka. Dhankiisa, Mudane Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cadaado (SMN) – Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari Cabd Bile ah oo maanta ku rogmaday duleedka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Gaarigan ayaa la sheegaya in ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad goboleedka Galmudug. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale oo ka tirsan Ciidamada maamulkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa lagu soo warramayaa in ay ku jiraan kuwa halis ah, kuwaas oo hatan xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo Cadaado Dhinaca kale taliyeyaasha ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaaladaasi. Taliyeyaashan oo ka soo baxay Dhuusamareeb ayaa Cadaado ay u tagay arrimo la xariira diiwan gelin ciidan oo ay dowladdu ka wado deegaanada Galmudug. Kadib booqashadii Ra’iisul wasaare Khayre ee Galgaduud dowladda dhexe ayaa la wareegtay ciidamadii Ahlu-Sunna iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa gobolkaasi. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada Booliska Galmudug ayaa maanta bandhigay Haweeney la sheegay in ay iska dhigi jirtay nin, taas oo in muddo ah ku nooleyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Deeqo Cabdullaahi, balse waxa ay dadka deegaanka u yaqaaneen Deeq Cabdullaahi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Haweeneydani ay hubeysneyd, islamarkaana lagu soo qabtay Bistoolad ay sheegtay inay ku ilaalsan jirtay Dukaan ay laheyd Maxamed Nuur Cali oo ah taliyaha Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan, ayna ku socdaan baaritaano xoogan. Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Haweeneydani ay xiriir la sameysay Haween kale, iyada oo iska dhigeysa Rag. Lama oga waxa ku kalifay Deeqo tallaabada ay qaaday, balse waxaa weli dabagal ku haya laamaha amniga ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Haregeysa (SMN) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dib ugu laabtay Hargeysa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladaasi. Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey dadweyne fara badan oo isugu baxay magaalada Hargeysa oo xarunta maamulkaasi. Sidoo kale banaanbaxyo waa weyn oo qeyb ka ah soo dhaweynta wafdigan ayaa ka dhacay halkaasi. Dadweynaha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Madaxweynaha Somaliland iyo sidoo kale kuwa ay ku qoran Erayo ay ugu mahadcelinayaan shacabka iyo madaxda dalka galbeedka Africa ku yaalla ee Guinea. Muuse Biixe Cabdi ayaa u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, waxaana uu sheegay in Somaliland ay si wadi doonto qorshaha ay ku ballaarineyso xiriirka arrimaha dibadda. Dhawaan wafdigani ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Guinea, taas oo sababtay in dowladda federaalka ay gabi ahaan xiriirka u jarto dalkaasi, kadib markii ay sheegtay inuu ku xadgudbay Madax bananida iyo Qaranimnada Soomaaliya. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in baraqanimadii maanta Markab sida hub uu ku xirtay Dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Markabkan ayaa la sheegay inay dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana hubkaasi loo wado qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inuu isku dayay in si hor istaag ku sameeyso hubkaasi, balse waxaa ka hortagay tallaabadaasi ciidamada MAISOM. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in ugu dambeyn ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 43-aad ay la wareegn hubkaasi. Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in bandow xoogan Madaxweyne Axmed Madoobe uu ku soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kuwaas oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magaciisa sababo dhinac ammaanka ah ayaa Shabellle uga warramay arrimahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Wareysi-Nuur-Cabd-Dayib-.mp3 View the full article
-
Nigeria and Benin signed a landmark African trade pact alongside the continent's heads of state at the African Union (AU) Summit, in Niger on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Baarlamanka Puntland oo diiday xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018 Golaha wakiilada dowladda Puntland oo maalmahan ka doodayey, xisaab-xirka Miisaaniyaddii Puntland ee 2018 ee wasiirka Maaliyaddu uu Golaha horkeenay 30-June-2019, ayaa maanta cod gacan-taag ah ku diiday ansixinta Miisaaniyaddaasi. Golaha ayaa kor inta aysan u codayn xisaab-xirka Miisaaniyadda, waxay warbixin ka dhegaysteen Hanti-dhawrka guud ee Puntland, waxaana Xafiiska Hanti-dhawrku sheegay in aan gebi ahaanba lagu dhaqmin Miisaaniyaddii Puntland ee sannadkii 2018, islamarkaana ay khaladaad badan ka muuqdan sida loo kharash gareeyay dakhligii soo xerooday. Warbixinta Xafiiska Hanti-dhawrka guud kadib, ayaa mudanayaasha Baarlamanku cod gacan-taag ah u qaadeen, ansixinta xisaab-xirka Miisaaniyadd,a waxaana ogolaaday 12 mudane, halka ay diideen 27 mudane oo kale, hal xildhibaanna ka aamusay, iyadoo wadarta guud ee kulanka fadhiday ahaayeen 40 mudane. Xisaab-xirka Miisaaniyaddii 2018 ee maanta Baarlamanku diiday, ayaa loo gudbin doonaa xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland, sida uu qabo qodobka 137.2 ee Dastuurka dowladda Puntland. Golaha ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh ku meel-mariyay, in dib u-habayn lagu sameeyo Hanti-dhawrka guud iyo Bankiga dhexe ee Puntland, islamarkaana dib loo eego xeerarka ay ku shaqeeyaan, iyadoo qodobkaasi ay ogolaadeen 39 mudane hal xildhibaannada ka aamusay. Waxaa kale oo Goluhu ogolaaday in uu soo saaro, xeer cusub oo Xisaabiyaha guud ee Puntland looga madax-bannaynayo wasaaradda Maaliyadda. Halkaan ka daawo sida codayntu u dhacday PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo gebi ahaanba diiday xisaab-xirka Miisaaniyadii Puntland ee 2018 appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Hargeysa ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay Go’ankii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas. Waxa uu sheegay in markii ay tageen,isaga iyo wafdigiisa dalka Gini si weyn loosoo dhaweeyay,isla markaana warka kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya uu yahay mid la iska yiri. “Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso,waxaana leeyahay annaga ma nihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay”ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya,isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso. Dowlada Federalka ayaa ku dhowaaqday in xiriirkii ay u jartay dowlada Guinea kadib markii uu booqasho uu ku tegey Madaxweynaha Somaliland loona soo dhoweeyay sidii Madaxweyne dal madaxbanaan mas’uul ka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Former Kenya’s parliament speaker Farah Maalin has accused Saudi Arabia and United Arab Emirates [UAE] of fuelling the current tension between Somalia and Kenya over the maritime boundary row. In an exclusive Interview with Shabelle TV, Maalin said the intelligence agents from the two Gulf countries have grown their presence in Nairobi as part of the efforts to pour fuel on the fire. The former speaker further stated that Kenya’s minister of foreign affairs Monica Juma presided over several anti-Somalia meetings held in Nairobi which used to stain the good image of the country. The two neighboring countries are currently at loggerheads over a sea border dispute which the UN’s ICJ – International Court of Justice is expected to rule by the end of this year. View the full article
-
Tehran (Caasimadda Online) – Dowladda Iran ayaa shaacisay inay sare u qaadday heerka uranium-keeda tayaysan. Arintan ayaa kusoo beegmaysa toddobaad kadib markii uu dalkaasi shaaciyay inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii 2015-kii kaasoo ku aaddan xaddiga loo oggol yahay ee keydkiisa uranium-ka ay tayadeedu hooseyso. Go’aankan ay gaartay xukuumadda Tehran ayaa qeyb ka ah dadaalka ay ku dooneyso inay cadaadis ku saarto dalalka Yurub si ay uga khafiifiyaan cunaqabateynta Maraykanka ee wax u dhintay dhaqaalaha Iran. Ku xigeenka wasiirka arimaha dibada ee dalka Iran Abbas Araqchi oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in wali ay daneenayaan ilaalinta heshiiskaasa. Balse wasiirka ayaa wadamada Yurub ku dhaliilay in ay ku fashilmeen ilaalinta go’aamadooda ku aadan heshiiskan. Mr Araqshi ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay bilaabi doonto sara u qaadidada Yuraaniyamkeeda 3.67% taas oo aad uga hor imaanayso heshiiskii 2015. Sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa Mareykanka iskaga baxay heshiiska xakamaynta Niyukleerka isagoona dib usoo celiyay cunaqabateenadii saarnaa dalka Iran. Iran ayaa bishii May mudo 60 maalin ah u qabatay wadamada wali heshiiskan qaybta ka ah sida Shiinaha, Faransiiska, Germal’ka, Ruushka, iyo UK in ay kaga soo jawaabaan cunaqabateenta Mareykanka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Iran ayaa ka codsaday waqti dheeraad ah oo ay uga soo tashadaan arintan. Dalalka Yurub ayaa ku dadaalaya inay ka hortagaan fashil ku yimaada heshiiska, balse haddii Iran ay sii wado inay jebiso qodobada, waxaa lagama maarmaan noqoneysa inay isaga baxaan. Heshiiskii 2015, waxaa loogaga gol-lahaa in Iiraan lagaga qaado cunaqabateynta taa badelkeedana ay soo afjarto barnaamijkeeda nukliyeerka, hasayeeshee Mareykanka ayaa sannadkii tegay isaga baxay heshiiskaasi iyadoo cunaqabateyn cusubna uu dalkaasi ku rogay. Mareykanka waxa uu gacanka geeyay maraakiib iyo diyaarado dagaal waxa uuna amray in shaqaalaha aan sida degdega ah loogu bahnayn ee Ciraaq ku sugan ay halkaasi isaga soo baxaan, isagoo sheegay inay jiraan warar sirdoon oo sheegaya suuragalnimada halis ciidammada Mareykanka kaga timaado waddanka Iiraan. Ku dhawaaqista Iran ee go’aankan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron lahadalay dhigiisa Hassan Rouhani kaas oo walaac xoogan kaga muujiyay ka bixida heshiiskan. Caasimada Online Xafiiska Tehran Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay sharciga Shaqaalaha Rayidka oo wax ka bedel lagu sameeyay. Wasiir Warfaa, ayaa xaqiijiyay sharcigan oo laf-dhabar u ah dedaalada socda in wax ka bedelka lagu sameeyay uu sahlayo in la helo shaqaale xirfad leh, isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka. “Tan iyo markii uu ii magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaan xoogga saaray sidii is bedel loogu sameyn lahaa arrimaha shaqada iyo arrimaha bulshada , gaar ahaana dib u habaynta sharuucda iyo soo saarista siyaasad qaran oo hagta wasaaradda.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa oo intaa ku daray” Sharciga adeegga rayidka ah wuxuu lafdhabar u yahay dadaalada aan ugu jirno in la helo shaqaale Soomaaliyeed oo loo qoro hab furan, leh xirfad shaqo isla markaana fulin kara howlaha adeegga qaranka hor yaalla. Sharciga adeegga rayidka waa mid lagu maamullayo shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed wuxuuna sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay hab sami u socodka howlaha qaranka. “Wasiirka ayaa caddeeyay sababaha keennay in is bedel lagu sameeyo sharciga Shaqaalaha Rayidka , waxaa uu qodobka koowaad ku sheegay, dalka oo isku bedelay Federaal, sharcigii hore ma uusan qeexeyn qiimeynta booska uu qofka ka shaqeynayo, halka wax ka beddelkan ee sharciga uu u gogol xaarayo hab gaar ah oo lagu maamullo. “Sharciga cusub wuxuu ahmiyad siinaya khayraadka aadamiga ah .” ayuu ku daray wasiirka.Ugu dambeyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa Xildhibaannada ka codsaday in ay meel mariyaan sharcigaan ka dib marka ay waajibkooda ka gutaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-07072019.mp3 View the full article
-
Beledweyne (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegya inuu u dhexeeyay Al-Shabaab iyo dad Xoolo dhaqato ah. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo ka dhacay agagaarka deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo qariyay magacooda sababo dhinac ammaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaare labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii Xoolo dhaqatadu ay ka biyo diideen Lacago iyo Xoolo lagu sheegay Sakawaad oo ay weydiisteen Al-Shabaab. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo la xariira dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa deegaano dhaca gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Waa markii labaad oo Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ay dagaalamaan, dhawaana ayey aheyd markii iska hor imaad labad dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. View the full article
-
Somali PM to announce a committee to seek Galmudug solution
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire said that he will announce soon the Galmudug reconciliation committee following talks with local elders and politicians. The PM thanked the leaders of Galmudug for their decision to find a lasting solution to the long-continued political crisis hampered the Federal State. Meanwhile, Somali Prime Minister is expected to reach Galkayo, capital of Mudug region on Sunday with reports that the city’s security has been extremely beefed up. Security is also tightened, with additional troops being seen on the main streets ahead of the PM’s arrival, according to Radio Shabelle’s correspondent in the town. The Prime Minister has been in Galmudug for more than a week in search of solutions. View the full article -
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo khamiistii, waxaa socda dagaal afka oo ka dhaxeeya wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka ah iyo gobolka Banaadir kadib markii kuwa dambe ay soo saareen buug caafimaad oo ay isticmaalayaan dadka ka dhoofa iyo kuwa ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde. Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraamih Mahad-alle oo arrinkan ka hadlay aya sheegay in baahida buuggana ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, qiimahana uu yahay $10, lagana qaadan karo goobaha tikityada laga bixiyo ama garoonka. Arrintan waxaa taageeray ganacsatada diyaaradaha iyo culimo, iyaga oo sheegay in soo-celintiisa ay ka dhigantahay soo-celinta dowladnimada. Isla khamiistii, mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federaalka ah oo aan dooneyn in magaciisa la xuso, lana hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay tilaabada gobolka Banaadir isaga oo intaa raaciyey iney tahay garab marid lagu sameeyey howlaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda federalka ah, sharci-darro ah, halisna ku tahay nidaamka caafimaadka Soomaaliya. “Buuggaas wasaaradda caafimaadka kama warqabto, talaal aan shahaado dowladeed wadinin sidee loo hirgelinayaa, dadka yaa kontoroolaya, yaase baaraya, oo xaqiijinaya caafimaadkooda, shahaadana bixinaya, arrintan waa khatar, waana mid ka hor imaaneysa nidaamka caafimaadka dalka”. Ayuu intaasi raaciyey. Haddaba, Sabtidii wasaaradda caafimaadka DF waxaa ay si rasmi ah u soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegeyso qodoobadan: Wasaaradu waxay diyaarisay shaqaalihii, agabkii iyo goobihii ay ka heli lahaayeen adeegyada caafimaakda ee musaafirku u baahanyahay Wasaaraddu waxay diyaarisay tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay musaafirka iyada oo la tix-raacayo xeerarka caalamiga ah ee caafimaadka isu gooshka ( IHR 2005 ), Wasaaraddu waxay adeeg caafimaad oo baaritaan ah u samayn doontaa xujayda sanadkaan nasiibka u yeeshay inay booqdaan baytka Alle, si loo hubiyo bad qabka xaajiga, isla markaana loola socdo xaaladda dadka qabi karo cudurrada daba dheerada sida (sokorta, dhiigkarka ), Wasaaraddu waxay xujayda siin doonta tallaalada asaasiga ah ee looga baahanyahay xaajiga intuusan safrin ka hor iyadoo la tixraacayo shuruudaha ku xusan warqada Wasaaradda Caafimaadka Boqortooyada Sucuudigu la soo wadaagtay Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaalya Wasaaraddu waxay siin doonta xujayda buug caafimaadka kadib marka la siiyo tallaalada asaasiga ah Iyada oo kala shaqaynayso Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxay Wasaaradda Caafimaadku hubin doontaa in xaajiga uu helo adeeg caafimaad inta lagu guda jiro xajka, iyada oo la hubin doono inay la socdaan xujayda xirfadlayaal caafimaad oo ka war-qaba caafimaadkooda Saacado kadib, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bartiisa facebooga soo dhigay ”Waa nasiibdaro in Wasaarada Caafimaadka DFS ay ka maseyrto Maamulka G/Banaadir oo ay si xaasidnimo u dhaqanto. Weligeedba Caafimaadka Aasaasiga iyo Buuga Caafimaadka waa mas’uuliyada G/Banaadir iyo dhammaan dhaqangelinta howlaha Caafimaadka, halka Wasaaradu ay mas’uul ka tahay Siyaasada heer Qaran ee Caafimaadka Dhammaan gobolada”. Maxaa La isku heystaa: Wasaaradda caafimaadka iyo gobolka Banaadir waxaa la isku heystaa ciddii bug caafimaad siin laheyd ilaa 11,500 qof oo sanadkan xajinaya, oo midkiiba laga rabo $10. Dad badan oo arrinta la socdo waxaa ay ku doodayaan in lacagta ay tahay hafadka ugu weyn ee dagaalka labada dhinac Caafimaadka la rabo: Hey’adda WHO waxaa ay soo jeedisay in dadka xajka aadaya laga talaalo cagaarshowga nooca A & B, Tiifowga, Jadeecada iyo cuduro kale. Buugga caafimaadka waa muhiim, laakin waxaa ka muhiimsan in talaal sharci ah, oo qofka ku mari karo meel walbo uu helo, waxaana arrintaasi qaban kara hey’adaha dowladda, oo tababar iyo ogolaashiyo ka heysta hey’adaha caalamiga ah. Khubaro caafimaadka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog waxaa ay qabaan in talada caafimaadka dalka talaal iyo dawaba laga rabo iney kontoroosho wasaaradda caafimaadka, isla markaana aan looga maarmin iyadana ay muhiim tahay in la shaqeyso gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada. Xigasho: Radio Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in waanwaantii laga dhexwaday madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay mareyso meel wanaagsan rajana laga qabo in 24 saac gudahooda la gabagabeeyo. Wasiir ku-xigeenka oo Goobjoog News la hadlay ayaa sheegay dadaal badan oo lagu bixiyay hadda ay wax marayaan meel aad u wanaagsan ayna rajeynayaan in dhawaan xal waara la gaaro isaga oo yiri“ Arritaan dhowr iyo 20-tan maalin ayeey qaadatay waxaa aan u joognay waxaa ay aheyd is qancin in la sameeyo ayuu doorkeenu ahaa, kadib waxaa nagu soo biiray xildhibaanada federaalka oo nala jooga ilaa 11 maalmood, gudoomiyihii hore waxaa uu dalbaday inuu la hadlo madaxweyne Waare tiina xalay ayeey dhacday”. Sidoo kale Daqare oo hadalkiisa sii-wato, ayaa xusay in xildhibaanada federaalka iyo heer gobol ay is ku dayeen sidii loo gaari lahaa heshiis looga hortagayo in colaad ay isku badasho khilaafka ka taaganaa gobalka Hiiraan. Waqtiga dheeraaday waxaa keenay in nidaam dowli ah lagu abaaro, ayadoo laga hortagayay in caqabad ay timaado lakiin hadda nidaamkii wuu socdaa dib u shiisiinta iyo in lagu qanciyo inuu xil wareejin uu sameeyo gudoomiyihii hore ee gobalka” Dhanka kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, ayaa sheegay in Hirshabeelle ahaan ay rajo weryn ay ka qabaan in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee gobalka Hiiraan. Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha dowled gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) aya“ Rajo fiican ayaan ka qabnaa xildhibaanadii dhamaan waa ay joogaan muddo dheer ayeey ku qaaday sidii xalka loo heli lahaa,maamul ahaanna waan rajayneynaa in ay dhamaato”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa amar culus dul-dhigtay hay’adaha caalamiga ah ee ka howgalka gudaha magaalada Muqdisho. Amarkan ayaa la xariira magaca garoonka Adan Cadde, kaas oo la sheegay in uusan ahayn garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, balse uu yahay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa lagu wargeliyay dhammaan hay’aduhu inay isticmaalaan magaca saxda ah. Sidoo kale warqadan ayaa loo diray QM, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha, shirkadaha duulimaadka iyo dhammaan hay’adaha kale ee degan magaalada Muqdisho. Ujeedada ayaa lagu sheegtay inay tahay mid lagu weyneynayo magaca Madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde). Ugu dambeyn beesha caalamka ayaa looga dalbaday qoraalkani inay bedasho magaca garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, kaas oo weli ku jira warqadaha rasmiga ee la isu diro. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com