-
Content Count
208,896 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu maanta isu maro magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado islamarkaana uu xaliyo tabashada ay qabaan beelaha daga Cadaado iyo Gaalkacyo. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu la kulmi doono odayaasha, siyaasiinta iyo masuuliyiinta beelaha aan Sacad iyo Saleebaan waxana lagu qancin doonaa xilal muhiim ah si loo soo afjaro tabashadooda ku saabsan Galmudug. Beesha Saleebaan ayaa la sheegay in la doorsiin doono qaadashada Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana meesha laga saari doonaa Wasiirka hadda xilkaasi haayo ee Cabdi Maxamed Sabriye. Qorshaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ah In beesha Saleebaan la siiyo Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo xilal kale oo muhiim ah, halka beesha Sacad ay yeelan doonaan Madaxweynaha soo socda ee Galmudug iyadoo beesha Cayr ay heysato Caasimada Galmudug iyo xilal kale oo muhiim ah oo laga siin doono Galmudug. Tabashada ugu badan waxaa qaba beesha Saleebaan waxaana la filayaa in xoogga la saaro sidii loo qancin lahaa. Kheyrre ayaa diyaarad uga baxaya Dhuusamareeb waxa uuna ku tagi doonaa Gaalkacyo isagoo marka dambe soo mari doono magaalada Cadaado ee Galmudug. Waqti dheer ayey gelisay Xukuumadda Soomaaliya sidii ay u xalin laheyd tabashooyinka ka jira Galmudug iyo sidii ay u dhici lahayd doorashada iyo shirka dib u heshiisiinta beelaha daga Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tagay dalka Gini. Prof. Galeyr ayaa shaaciyey arrin uu ku sheegay in bulshada reer Somaliland laga qariyey isla markaana looga been sheegay, taasi oo ku saabsan socdaalka Madaxweyne Biixi uu ku tagay caasimada dalka Gini. Galeyr ayaa sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo dowladda Gini u saxiixday Madaxda Somaliland ee booqashada ku tagay, oo ay ku ictiraafeyso dowladda Somaliland. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in looo baahan yahay in dib loo furo Wada-hadalada fashilmay ee Somaliland iyo Somaliland, isagoona xusey in la diidan yahay in wada-hadaladaasi dib u furmaan. Prof. Cali Khaliif Galeyr oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “Heshiis ay Gini ku soo saxiixayso ma jirto, ictiraaf ay ku saxiixaysana ma jiro, war dadka yaan la madalufine, inagoo miyir qabna oo aan is yeel-yeeleyn aan wada-hadalno, wada-hadalna lama ogolo”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jamaame (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Gobolka J/Hoose ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xukun dil toogasho ah ku fulisay afar qof magaalada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Jamaame, waxayna afarta qof midkood ahayd haweeney, iyadoo haweeneyda lagu eedeeyay inay basaas u ahayd dalka Kenya, laba qof oo kale ayaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Sooomaaliya, iyadoo qofka afraad o uu ahaa nin lagu dilay dhagax oo lagu soo eedeeyay inuu gaystay kufsi. Dadka la toogtay ayaa kala ahaa: 1- Suleymaan Maxamed Siciid oo 21 sano jir oo la sheegay inuu katirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho, laguna qabtay weerar ka dhacay Afgooye. 2- Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 sano jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa maamulka degmada Diinsoor. 3- Iqra Cabdi Aadan oo 20 sano jir aheyd waxaa lagu eedeeyay inay u shaqeyneysay Sirdoonka dowladda Kenya, iyadoo deganayd degmada Mandheera. 4- Nuur Bakar Diiroow oo la sheegay inuu hore u guursaday laguna eedeeyay inuu kufsaday Gabar lagu magacaabo Xaawo Cabdi Muuse oo 16 sano jir ahayd, waxaana lagu dilay Dhagax Muddooyinkan danbe ayaa kooxda Alshabaab waxay xowli ku wadaa fulinta xukunno fara badan oo dil ah, waxayna bishan gudaheeda fuliyeen dilka 18 qof oo dembiyo kala duwan lagu soo eedeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Musuq-maasuaqa Madaxwayne xigeenka dowlada Puntland 1.1 Horudhac Ahmed Elmi Osman waxaa loo doortay madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland ee Somalia 8 August 2019. Ahmed waxuu ka soo qabtay dawlada Puntland xilal heer wasiir oo kala duwan sida, wasiirka duulista iyo garoomada oo ka uu ka noqday laba jeer, iyo wasiirka wasaarada arimaha gudaha. Waxuu xilka madaxwayne ku xigeenka isu soo shaxay laba jeer oo ku jirto markii ugu danbaysay oo uu ku guulaystay. Ahmed mudadii uu shaqaynayay waxaa lagu soo eedayay khaladaad fara badan oo ah dhanka shaqada lalana xiriiriyay aqoon daro, khibrad la’aan shaqo, musuq-maasuq, laaluush, dilal iyo isku day dilal qorshaysan. 1.2 Aqoon la’aan iyo khibrad xumada shaqada Ahmed waxuu waxbarashada kaga tagay dugsi hoose dhexe, muddo ka dib waxuu helay shahaado dugsi sare oo uu lahaa inaadeerkii lana orah jiray Ahmed Xasan Guure, waana hada magaca ay u yaqaanaan dhamaan shaqaalihii la shaqayn jiray xiligii dawladii Maxamed Siyaad Bare iyo dhamaan asxaabtii uu kulahaa magaalada Muqdisho xiligaas. Mudanahan, waxuu shaqo ka soo qabtay dawladii Maxamed Siyaad isagoo ka gaaray heer Agaasime waxed oo garabaysi ah. Sidoo kale intuu qaxooti ahaan u tagay Maraykanka waxuu ahaa Taxi driver, sida ku cad kaadhka wadida gaariga oo la helay mar uu ka lumay. Mid ka mida shaqaalaha la soo shaqeeyay Ahmed waxuu noo sheegeen in u soo fariisto xafiiska laba arimood oo uu aad u jecelyahay kalana ah “Shaah iyo faan”. Waxuu ku daray sidoo kale khibrad shaqo waxuu aad uga yaqaan isku dirka iyo warka shaqaalaha taas oo uu waqti badan ku lumiyo waxaa caydayn u ah, garoonka diyaadaaha ee caasimada Puntland markii laga baaciyay saddex shaqaale ah oo u keenay waxa uu yaqaan dhaga-dhagaysi ka dib markii ay awoodi waayeen in ay la shaqeeyaan dadkii iyo masuuliyiintii goobta ka shaqaynayay. 1.3 Musuq-maasuqa iyo Laaluushka Waxaa jira ciidan loogu yeedho ciidanka Ahmed Karaash oo ka qaramaysan ciidamada dawlada Puntland kuwaas oo wata gaadiid dhan 12 gaari oo ay soo gadeen jaaliyada Naalaye Ahmed xiligii uu madaxwaynaha ka ahaa maamulkii Sool clan dhisteen ee Khaatumo. Ciidanka tiradiisu waa 60 askari halka uu mushaharka uu ku qaato 183 askari. Dalacsiinta saraakiisha waxaa sameeya Ahmed karaash, waxaadna arkaysaa wiil uu adeer u yahay oo baadiye ka soo galay waligiina arag wax ciidan ah oo xiran darajada kornayl ama gaashaanle dhexe oo uu xidigaha uga soo gaday suuqayada wadanka Ciidanka waxaa hada sarkaal ka ah wiil uu adeer u yahay Mahamed Farah Jamc waxaana ku xegeen ka ah mid kale oo uu adeer u yahay Carabay waxaa sidoo kale xisaabiye ka ah wiil kale oo uu adeer u yahay Saciid Cali warsame xataa uma dhama xilka ciidanka beesha uu ka sii yahay Naalaye Ahmed ee Bihidarays. Sidaa darted markuu la hadlo saraakiisha ciidanka ee jiida la dagan kuna dhaho ciidamada waa la tira koobayaa waxay dhahaan kuwaaga ka soo bilow anagu waxaan xerada ciidankaaga u naqaan meesha lagu karkariyo musuq-maasuqa iyo caaglaysiga, “tuugna tuug ma baaro” ayay dhaheen saraakiisa ciidamada. Sidoo kale waxaa jirta qaybta booliska gobolka Sool uu haysto nin lagu magacaabo Aadan Foortayn waxayna ka kooban yihiin 83 askari oo isug jira degmooyinka gobolka Sool oo dhan. Ciidankan xaquuqdooda waxaa qaada taliyaha qaybta booliska gobolka sool. Ahmed Karaash markuu ka waayay wax laaluusha taliyaha qaybta gobolka Sool waxuu madaxwaynihii hore Abdiwali Ali Gaas ka soo qarameeyay ciidanka booliska degmada Xudun oo dhan 180 askari, waxaa la yaab leh Xudun baa boolis kabadan gobolka Sool waxuuna qaata xaquuq ka badan tan gobolka Sool sida Mushahar, Raashin iyo howlsocodsiin qaybta Xuddun. Waayaabe “Ahmed Karaash ma Madaxwaynaa Mise waa taliye qaybeed”. Ahmed waxuu aad u xiiseeyaa laaluushka, uma yaqaan wax xaaraan ah ama sharaf daro u keenta laakin wuu ku faana, dadka siin waayana way isku dilaan sidii uu wax u dhiibtay. Mar aanu wax ka waydiinyay xisaabiyihii gobolka Sool ee ku soo saaray degreetadiisii ugu horaysay, waxa ay isku qabteen, waxuu noo sheegay in Ahmed ka qaadi jiray Foosto shidaala oo baada ka dibna dhaqaalo xumo darteed markuu awoodi waayay uu dagaal toos ah ah ku soo qaaday kana baaciyay shaqadii, taas waxaa sii dheer oo uu noo sheegay in xiligii doorashada uu Ahmed waydiistay in uu hanti waxuu leeyahay u gado si uu laaluush ugu siiyo xildhibaanada dooraanaya uuna ka diiday taas ayaa aad ugu kicisay caro. 1.4 Dilal iyo isku day dilal qorshaysan Dhiiga dadka islaamka ah waa wax uu caadaystay Muddane Ahmed waxayna isugu jiraan shacab, ciidamo isaga lagu ogaa, iyo dad siyaasiyiin ah. Waxaa jirtay gabar uu mehersaday oo hada u haysa wiil ay u dhashay, gabadhaas oo uu Ahmed ka qariyo reerkiiska kale iyo qabiilkiisa maadaaba ay si nadiif ah ku bilowman xiriirkooda, uuna aaminsan yahay in ceeb ku tahay in lagu xiriiriyo, waxaa ogaatay xaaskiisa, waxayna u dirtay ciidanka in ay ka dhameeyaan nafta si qarsoodi ah. Allah dilaa dhintee dhaawac xun baa soo gaaray gabadhii waxaana lagu dhuftay xabad, kadib fashilkii isku dayga dilka ahaa Axmed waxuu ku qasbay gabadhii in ay ka baxdo Garowe, magaalada Hargaysana dagto kuna dhasho. Ilaa iyo hada nimankii isku dayga dilka sameeyay waxay joogaan guriga Ahmed wax laga qabtayna ma jirto wax wada xaajood ah na lalama galin gabadha reerkooda balse waxaa laaluush lagu siiyaa iyada si ay u qariso. Mar aanu wax ka waydiinay arkinkaa waxay noo sheegtay in biil iyo guri kiradii uu bixiyo Ahmed bil walba “Waa yaabe gabadhu iyadaaba majeerteenee tolkeed mee” Sidoo kale mudadii uu Ahmed ahaa Jabhada waxaa jiray ciidamo badan korna u dhaafaya 70 oo naftooda ku waayay dagaaladii uu hormuudka ka ahaa, kuwo badan oo kamida isaga ayaa amray in la dilo waxaana noo sheegay sarkaal ka tirsanaa ciidankiisa oo hada wax shaqo ah u hayn “Waxaan qarin doono ma jirto ee dhiiga dadka waliba tolka ha iska bixiyo hana qirto” ayuu dhahay sarkaalkani. Ciidankan uu laayay Ahmed waxay u badan yihiin beeshiisa waxuuna ku sababayn jiray waa amar diideen iyo waa basaas Somaliland ma Puntland ah. Taas waxaa ka sii yaab badan sarkaalku waxuu noo sheegay in ciidanka uu laayay Ahmed uu qaato musharkooda isagoo markuu Puntland soo galay ka qarameeyay ciidanka dawlada Puntland, waxuuna u yaqaan musharkii ciidanka dhimashada, “gooni baan uga dhignaa oo isaga ayaa qaata waxuuna ku beega kirada gurigiisa, nalka iyo biyaha” “Waxaad ka arki kartaan listiga ama magacyada ciidanka Ahmed karaash ee qaramaysan dhamaantood magacyadooda waadna waydiin kartaan reerahooda in wax musharaha la siiyo ciyaalka agoonta ah” ayuu dhahay sarkaalkan. Sida ku cad degreetada madaxwayna ee shaqo ka joojinta xisaabiye gobolka Sool oo an sharci ahayn, ma jirto wax eedayn ah oo ku cad qoraalka Ahmed, Wasaaarda maaliyaduna kuma raacin ama aqbalin go’aankan aan laga fiirsan ee Madaxwayne ku xigeenku gaaray kaligii. Mar aanu waydiinay wasaarada maaliyada sababta xaquuqda shaqaalahooda u ilaalin waayeen waxay noo sheegeen in ninkaas shaqada laga cayriyay ahaa shaqshida ugu wacan wasaarada laakin naftiisa u baqeen maadaaba Ahmed dhowr jeer ku goodiyay in uu dilayo haddi meesha laga baacin. 1.5 Gabgabadii Puntland waxay madaxwayne u dooratay nin aqoon alahayn oo ku shaqaysan jiray magac aanu lahayn, sidoo kale been ka sheegay baarlamaanka hortiisa inuu dhameeyay jaamac accountance ah. Sidoo kale waxay doorteed madaxwayne ah madax laaluushka iyo caaglaysiga, qaatana mushar, raashin iyo adeeg boolis oo aan sharci ahayn. Puntland waxay dooratay nin dilaa ah oo cadaystay dhiiga dadka Muslimka ah sida aan hore u soo sheegnay xoogna ku haysta xaquuqda ma yeeraanka ah sida gabdhaha reer Puntland oo isku dayay in uu dhilo. Sidoo kale waxay Puntland dooratay nin aan xeerin xaquuqda shaqaalaha dawlada aan raacin sharciga uga yaal dawlada Puntland ee shaqaalaha taasna waxaad ka garan gartaan degreetadii koowaad ee uu qoray markii la doortay oo dhamaan dadkoo dhan iyo wasaaradii uu ka tirsanaa shaqsiga uu xilka ka qaaday la yaabeen. xog.warameh@gmail.com Qaran News
-
In recent days, the ambassador of India to the Federal Republic of Somalia, His Excellence Shri Rahul Chhabra, who is also the High Commissioner of India to the Republic of Kenya, went on tour to Somalia visiting Mogadishu, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanah-07072019-OK.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin ka soo saaray Baadigoobka Hannaanka Doorasho ee ugu habboon sanadka 2020, warbixintan lagu salleeyay hab cilmi baaris ah oo la xiriira taxanaha doorashadii hore dalka uga dhacay. Markii shanaad ilaa sannadkii 2000, Soomaaliya waxa ay baadi-goobaysaa qaab doorasho oo dalka u horseeda hannaanka dimuqraadiyadda. Taasina waa arrin marna la bogaadiyo, marna astaan u ah dib-u-dhac, waji-gabax leh. Hadalhaynta hannaan doorasho oo dimuqraaddi ah waxa ay muujinaysaa in dalku uu hakasho la’aan cagta saaray waddadii dimuqraaddiyadda isaga oo dalku uu ku yaal gobol ay siyaasaddiisa la hareen, maamullo keli-talis ah. Dhanka kale, Soomaaliya waxa ay si joogto ah ugu fashilantay in ay iska rogto heeryada qabiil wax-ku-qaybsiga ee siyaasadda, ayna u gudubto si kama-danbays ah doorasho loo dhan yahay oo qof iyo cod ah. Soomaaliyana waxa ay ahayd, waddan dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah hiddo u leh, kuwaas oo soo bilaabay markii gobanimada la qaatay 1960. Weliba, madaxweynihii kowaad ee dalka, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), waa madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrika ee doorasho looga adkaado, kaas oo muran la’aan aqbala in laga cod-badiyey. Madaxweyne Aadan Cadde, waxa uu weliba diidey isku dayo taageerayaashiisa ay doonayeen in ay ugu qiil-dayaan si uu xukunka u sii hayo, isaga oo uga gol lahaa in uu xididada u sii aaso, dimuqraadiyaddii curdanka ahayd. Halkaan ka akhriso warbixinta oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay U Qeybsanaha dhanka Taageerada Hawlgallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Atul Khare. Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Mudane Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka. Dhankiisa, Mudane Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu joogay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool xariga ka jaray Mashaariic Kala Duwan oo ay kamid yihiin, Wadooyin oo dhismahooda mudo socday, waxaana dhismaha Wadooyinka iska kaashtat JPLG iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen wuxuu dhagax dhigey dhismaha MCH cusub iyo Dhismaha Wado muhiim u ah isku socodka Shacabka iyo Gaadiidka oo gaareysa 1.5KM qeyb weyna ka qaadaneysa horumarinta deegaanka. Madaxweynaha iyo qaar kamid ah Golihiisa wasiirada Koonfur Galbeed ayaa shacabka magaalada Xudur kula dardaarmay iney ka shaqeeyaan sidii deegaanka loo horumarin lahaa lana shaqeeyaan maamulka Koonfur Galbeed. Wasiirada Wasaaradaha Howlaha guud iyo Guryeynta iyo Maaliyadda KGS oo qeyb ka ahaa Wafdiga Madaxweynaha, islamarkaasina madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehlinaayey Xarig ka jarista Mashaariicda ayaa ka hadley Muhiimada ay u leedahey dadka deegaanka iyo sidoo kale Kaalinta wasaaradahooda ee horumarinta Gobalka Bakool. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa muhiimada mashaariicdaan qaarkood xariga uu ka jiray halka kuwo kale uu dhagax dhigay ku tilmaamay mid loogu talagalay iney shacabka degmada Xudur ka faa’ideystaan,wuxuuna u balan qaaday iney karaankooda ka hagran doonin shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-07072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda Soomaaliya ayaa maanta si adag uga hadlay habka Madaxda dalku ay u maamulan dowladda.Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowladda ay u dhaqmaan sidii ay maamulan dowlad dhisan oo awood leh, isagoona xusey inay Somaliya tahay dal ku guda jira geedi socodka dowlad dhisida. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey hadii fahamka siyaasadu uu qaldamo ay ka dhalan karaan natiijooyin uu ugu yeeray xagjirnimo iyo jahwareer, kuwaasi oo ah fahamka khaldan ee dowladnimada. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona xusey inay waxba ku kala duwaneen kuwa raba inay faham diimeed oo qaldan meel mariyan iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Si aad u garato halka aad u socoto waxaa lagama maarmaan ah in aad garanayso halka aad joogto. Soomaaliya waa dal ku guda jira geedi socod dawlad dhisid, waxaase muuqata madaxda talada dalka haysa in ay u dhaqmayaan sidii in ay dawlad dhisan maamulayaan oo kale. Haddii fahamku khaldan yahay, ha sugin in ficilku hagaago, haddii aadan garanaynin halka aad taagan tahay, way adagtahay in aad halka aad u socoto haleesho. Fahamka siyaasadeed oo khaldama, natiijadiisu waa xagjirnimo iyo jahwareer ah, sababtoo ah waxaa is herdinaya waxa uu meelmari is leeyahay ruuxa fahamka khaldan wata iyo dhabta waaqaca horyaala. Waxba isma dooriyaan qolada doonaysa in ay faham khaldan oo diineed meelmariyaan, iyo kuwa raba in faham khaldan oo dawladeed socod siiyaan”. Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
-
Dowled gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta ka soo hor jeesatay warqad qoraal aheyd oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha dib-u-heshiisiinta iyo faderaaleynta Soomaaliya, oo lagu xusay hannaanka iyo doorashada Jubbaland. Puntland waxaa ay sheegtay in dowladda dhexe ay faragalin qaawan ay ku hayso dowladdaha xubnaha ka ah, waxa ayna ugu baaqaday in ay ixtiraamto hanaankii Soomaali ay ku heshiisay ee federaalka. Puntland waxaa ay sidoo kale dowladda federaalka ugu baaqdey iney dhowrto heshiiska federaalka, farahana kala baxdo doorashada dowlad gobokeedyada Jubbaland iyo Galmudug Halkaan ka akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online)- Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Warka soo saartay Doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan maamul Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Puntland ayaa waxa looga hadlay Go’aankii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,kaasi oo looga hadlay habraaha Doorashada maamulka Jubbaland. Puntland ayaa dowladda Federaalka uga digtay inay faragelin ku sameeyso Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug,kuwaasi oo kala dhici doona Bishan July iyo Bisha soo socota ee 2019,iyadoona dowladda labada Doorasho horey war uga soo saartay. Sidoo kale maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka ku booriyay inay ixtiraamto dadka reer Jubbaland iyo Galmudug si ay u soo doortaan Madaxdooda si waafaqsan Shuruucda iyo Dastuurada u gaarka ah labada maamul Goboleed. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Puntland Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Some founders of Puntland universities taught or got educated at the Somali National University (SNU). Faculties of SNU had links with Italian universities. The relationship had a positive impact on the quality of the curriculum. After 1991 many Puntland professionals had tertiary education in Italy. They can play a role in creating links between Puntland and Italian universities. They can also pioneer to open Italian language schools because Italy is one G7 countries that own 58% of global wealth. The former FAI invested in the construction of the infrastructure on which Puntland relies. People of Puntland are grateful to Italian taxpayers. Higher education links between Puntland and Italian universities will positively contribute to the quality of the curriculum and universities’ administration. Before the collapse of the state in 1991 there were no universities in Puntland. It shares with other parts of Somalia the absence of institutional history as to how to run a university due to the looting of documents after state collapse. Puntlandpost urges Puntland Government to lend a hand to efforts aimed at creating technical cooperation between Puntland and Italian universities. The post Create links between Puntland and Italian Universities appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Puntland ayaa uga digtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya fara-gelinta qaawan ay ku hayso doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland oo sida qorshaysan dhici doonta 30-Agoosto 2019. War-saxaafadeed ka soo baxday wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo tixraacaya qoraalkii ay xalay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa habraaca doorashada Jubaland ayaa looga digay xukuumadda Federaalka fara-gelinta ay ku waddo doorashada madaxtinimada Jubaland. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Villa Somalia ku boorrisay in ay ixtiraamto doorashooyinka u qorshaysan dadka reer Galmudug iyo Jubaland si ay madaxdooda u soo doortan hab waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka. Dhanka kale Puntland waxay dowladda Federaalka iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ku waanisay in la ilaaliyo ku dhaqanka Dastuurka dalka lagana fogaado wixii khilaaf cusub iyo xiisad keeni kara. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Villa Somalia digniin ku siisay in aysan fara-gelin doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayey oo safar ugu maqnaa dalka Guinea conakry ee ku yaalla galbeedka Qaaradda Afrika, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada Somaliland oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madaxweyne Biixi ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayey dadkii soo dhoweeyay, ayaa ka warbixiyay safarkiisi dalka Guinea conakry oo uu ku tilmaamay mid guul u soo hoyiyay Somaliland, isagoo uga mahadceliyay madaxda waddanka Guinea sida ay hab-maamuuska ay siiyeen wefdigiisa. Dhinaca kale, wuxuu dameer ciyay ku tilmaamay hadalkii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku sheegtay in ay xiriirka u jartay waddanka Guinea conakry kadib markii Muuse Biixi si hab-maamus sare leh loogu soo dhoweeyay. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Somaliland oo dameer ciyay ku tilmaamay dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.