-
Content Count
208,899 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxkamadda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa saaka saddex sano iyo lix bilood oo xarig ah ku ridday weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in suxufi Cabdi Maalik Coldoon lagu helay aflagaaddo madaxweyne iyo in uu sumcad dil u gaystay iskuul lagu magacaabo Abaarso oo ku yaalla Somaliland. Xukunka weriye Coldoon ayaa dhowr jeer oo hore dib loo dhigay kadib markii maxkamaddu dalbatay in la soo dhammaystiro dacwadaha loo haysto oo la xiriiray in uu maamulka Muuse Biixi dhaliilay iyo in uu wax ka sheegay sawirro laga qaaday iskuulka Abaarso oo anshax-xumo muujinaya. PUNTLAND POST The post Maxkamadda magaalada Hargeysa oo xukun ku ridday weriye Cabdimaalik Coldoon appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Muqdisho) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo ay fashiliyeen ciidamada ammaanka oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Digfeer degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa la sheegay in eryadeen gaariga, kadibna ay ka banjariyeen taayarada, sida ay Shabelle u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga ay saarnaayeen labo nin oo la sheegay inay diideen in ay ka soo dagaan, kadibna rasaas lagu furay ay dhalisay in gaariga uu qarxo. Lama shaacin weli khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta isku geedamay ciidamo ka tirsan kuw Booliska ee magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
Somaliland made a diplomatic breakthrough with the state visit of the country’s president Musa Bihi Abdi to Guinea. President Bihi is in Guinea at the invitation of President Alpha Conde. The visit is a sign of Somaliland’s rapid acceptance across the African continent and its growing economic and trading links with other nations as it looks for recognition as an autonomous territory. During the meeting, both presidents pledged to find ways working together in trade and fostering cooperation. The Somaliland government is steadily building its case for recognition based on trade and business opportunities with its fellow Africans, arguing that an independent Somaliland capable of trading with African and international partners will be a benefit to all and strengthen peace, prosperity and security. Somaliland’s Minister for Foreign affairs and International Cooperation, Yassin Haji Mohamoud, said the mission to Guinea is to build the same kind of close relations with West African countries as Somaliland enjoys with East African nations. “Of course the two countries will be discussing matters of mutual interest during our stay in Guinea,” the Minister said. Petroleum Africa Qaran News
-
Ceerogaabo (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa ku warramaya in dagaal khasaaro geystay saacadihii la soo dhaafay uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa dib uga qarxay agagaarka degmada Ceel-Afweyne ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay illa shan qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu sii xoogeysto, maadaama weli dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo gobolka Sanaag. Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku dagaalamay deegaano hoostaga degmada Ceel-Afweyne, waxaana iska dileen inta ay dagaalamayeentiro aad u badan. View the full article
-
Qarax xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Qaraxaan oo ahaa gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyey, wuxuuna yaalay meel u dhow isgoyska Digfeer. Gaarigaan ayaa waxaa ku hareereysnaa ciidamada Dowladda Soomaaliya, wuxuuna ahaa mid Surf Madow ah. Ku dhawaad hal saac ayaa gaariga waxaa ku hareereysnaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, waxaana la rumeysan yahay inay saarnaayeen Laba Qof. Ciidamada Dowladda ayaa markii hore gaariga ku riday xabo kor ah, balse dadkii saarnaa marnaba way diideen inay soo dagaan. Ugu dambeyntii Ciidamada ayaa rasaas toos ah ku furay gaariga taasoo keentay inay is qarxiyaan dadkii saarnaa. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay ciidamo ka tirsan Booliiskii ku hareereysnaa iyo dad kale oo shacab ah. Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho waxaa macquul ah inuu khasaaraha intaan ka bato.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga Caasimadda oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmooyinka gobolka Banaadir. Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan ka qeyb galay saraakiisha amniga, iyadoona uu shir guddoomiyey Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho. Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay askari baxsad ahaa oo ay in muddo ah ku raadjoogeen ciidamada Booliska Soomaaliya. Askarigaasi ayaa la sheegay in laga soo qbatay hoyga siyaasi caan oo uu ku dhuumaaleysanayay, inkastoo aysan shaacinlaamaha amnigu magaca siyaasigaasi. Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay kooxo hubeysan oo dhibaato ka geysanayay degmooyinka Hodan, Wadajir iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir. Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale warbixino la xariira amniga ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Caasimadda. Shirkan oo todobaadkiiba mar la qabto ayaa waxaa diirada lagu saaraa amniga iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Jamaame (SMN) – Al-Shabaab ayaa markale ayaa afar qof shalay gelinkii dambe ku toogtay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Toogashada ayaa ka dhacday faagaare weyn oo ku yaalla degmada Jamaame ee ee gobolkaasi Afarta ruux ee la toogtay ayaa saddex ka mid ah waxa ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka, halka mid ka mid ah uu ahaa ruux fal Zina ah ku dhacay isagoo guur soo maray, sida ay sheegeen Al-Shabaab. Magacyada dadka la toogtay ayaa waxaa lagu kala sheegay: 1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir wuxuu ka tirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho balse Al-Shabaab ayaa ku qabtay weerar ka dhacay degmada Afgooye. Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ah ayey sheeegeen Al-Shabaab inuu ka tirsanaa maamulka degmada Diinsoor sidoo kalena uu la shaqeynaya ciidamada Itoobiya ee ka howlgala halkaasi. 3-Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd waxay sheegeen in ay u shaqeynaysay sirdoonka dowladda Kenya, kuna nooleyd degmada Mandheera gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi. Sidoo kale fagaaraha degmada Jamaame waxaa shalay lagu dilay Nuur Bakar Diirow oo la sheegay in fal Zina ah uu ku kacay, isaga oo guur soo maray. Marxuumka ayaa dhagax lagu dilay, sida Al-Shabaab ay ku baahiyeen bartooda Internet-ka. Dhawaan ayey aheyd markii Al-Shabaab 10 qof oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo ku toogteen gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-080719.mp3 View the full article
-
Somaliland: A New Focus On Sub-Saharan Africa Diplomacy The recent visit to the Republic of Guinea by President Muse Bihi Abdi and the subsequent diplomatic fallout sees a new policy by the administration to engage the Sub-Saharan nations of Africa in the quest for de-jure recognition. The historic visit which caused the unelected and non-representative federal government of Somalia to commit the diplomatic folly of severing non-existing ties with the Republic of Guinea, makes it crystal clear that the weak entity in Mogadishu does not have any intention of engaging Somaliland to discuss future relations. On his return to Somaliland, President Muse Bihi Abdi, stated that the Italian government, a former colonial power and a staunch ally of Somalia, extorted enormous pressure on the Guinean government not to receive the Somaliland delegation. This was summarily rejected by the Guinean government. It is also worth noting that successive Italian governments kept the late former dictator Siyad Barre in power, even whilst his regime systematically destroyed the now defunct Somali Republic. So, there is nothing knew in the Italian political bias against Somaliland. However, with the recent visit to Niger by the Somaliland Foreign minister, Yasin Hagi Mohamud Hir, “Faraton” to take part in an AU Summit on Commerce, it is evident that Somaliland has decided to put the matter of it’s strong case for de-jure recognition before the African nations. Whether this bears fruit remains to be seen, even though Somaliland’s case is a unique one which adheres to the treaties on colonial borders in Africa. Somaliland became independent in 1960 and entered into a voluntary union with Somalia to create the now defunct Somali Republic. Somaliland reclaimed it’s independence in 1991. Qarannews.com Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii ay dhawaan wada gaareen Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Maxbuub ayaa sheegay in IGAD ay boggaadineyso heshiiskaasi ay magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen labada dhinac. Sidoo kale waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in Ahlu-Sunna ay oggolaatay in ciidamadeeda ay ku darto kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed. Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in tallaabadan ay dowladda dhexe u suurta galineyso in ay la wareegto guud ahaan amniga dalka. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan si rasmi ah Ahlu-Sunna ugala wareegay ciidamaddii hoostagayay, si loogu biiriyo kuwa dowladda. Xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ayaana diiwaan gelin ku bilaabay ciidamadaasi. Arrintan ayaa qeyb ka aheyd guulo ay dowladda federaalka ka gaartay maamulka Galmudug oo dhawaan galaya doorasho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Exactly a year ago Eritreans could hardly contain their joy as Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed touched down in Asmara. The city had seen nothing like it in a generation that knew war rather than peace. Men and women lined the streets and waved Ethiopian flags as Abiy arrived to seal a peace deal. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas yaalo gaari loo maleenayo in lagu soo xiray waxyaabaha qarxa. Gaariga ayaa yaal meel aan ka fogeyn Isgoyska Digfeer, gaar ahaan jidka aado Soone K, waxaana ku hareereysan Ciidamada Booliska Dowladda. Gaarigaan oo ah Surf Madow ayaa damacday inay ka baxsato Ciidamada Dowladda, wuxuuna darawalka kor marsiin rabay Carro ay Dowladda horey ugu xirtay Jidadka. Gaariga ayaa hadda waxaa ku hareereysan Ciidamada Dowladda, waxaana dhawr jeer lagu riday xabad. Waxaa la rumeysan inay gaariga saaran yihiin laba qof, waxaana dhawr jeer kor loogu riday xabo balse dadka saaran kaliya waxay daarayaan Fareejo mana jirto qof kasoo dagay. Dadka deegaanka ayaa kala cararay, waxaana loo badinayaa inuu gaariga yahay mid miineysan maadaama dadka saaran ku dhawaad 30 daqiiq aysan kasoo dagin iyagoo u jeedo in ciidamo ku hareereysan yihiin. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal gelinkii dambe ee shalay laba malayshiya-beeleed ku dhexmaray nawaaxiga degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay degaanka Duud-Carraale oo hoosyimaada degmada Ceel Afwe ee gobolka Sanaag kadib markii ay mid kamid ah labada malayshiya-beeleed ay weerartay halkaasi oo ay ku sugnaayeen malayshiyaadka kale. Dagaalka oo mudda saacado ah socday ayaa sida la sheegayo istaagay wax yar ka hor salaaddii makhrib ee shalay waxaana labada malayshiya kala joogan meela isu muuqda sida laga soo xigtay dadka degaanka. Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay ku baxeen degaanka lagu dagaallamay si ay u kala dhex galaan labada malayshiyaad oo mar kale isu hub uruursanaya balse weli laguma guulaysan in la kala qaado. Colaadda u dhexaysa labada beelood ee halkaas wada-dega ayaa soo noq-noqotay sannadihii u dambeeyay waxaana marar kala duwan buray heshiisyo hore loo dhex dhigay. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed markale ka qarxay degaanno hoosyimaada degmada Ceel Afweyn appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Loolan adag iyo lagdan xeeladeeysan ayaa saansaantoodu ka bilaabatay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee jubbaland oo uu ka socdo u diyaar garoowga Doorashadda Madaxweynaha iyo xulista Baarlamaanka. Waxa muuqata in durba uu hanaanku ku billowday diidmo, isjiid-jiid iyo ismaquunin. Wasaaradda arrimaha Gudaha ee Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya ayaa markii u horreeysay waxaa ay soo saartay war saxaafadeed gaar ah oo ku saabsan hanaanka Doorashadda Maamulka Jubaland. Sida ay dooneeyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa diidan oo kasoo horjeda sida uu doonayo Maamulka Jubbaland ee uu Hoggaaminayo madaxweyne Axmed Madoobe. Musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha Jubbaland oo is baheeystay ayaa dhankooda waxa ay diidanyihiin dhamaan talaabooyinka diyaar Garowga Doorashadda ee uu wado Guddiga Doorashadda Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay in guddigu uu ku jiro Gacanta Madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa muuqato inay Doorashada Jubbalanad noqon doonto mid adag oo xataa laga cabsi qabo inuu dhiig ku daato maadaama warark la helayo ay sheegayaan inay dowladda Soomaaliya halkaas ka sameyn rabto dhaqdhaqaaq ciidan. Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho isugu keento qaar badan oo ka tirsan Ugaasyada iyo Odayaasha Beelaha dago Jubbalanad kuwaas oo ay ka dhaadhacsiineyso sida u rabto inay u dhacdo Doorashada Jubbaland. Ugaasyada ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ah Ugaaska Beesha Mareexaan iyo Odayaal dhaqameedyo kasoo jeedo Ogaadeyn waxaana Magaalada ka socdo kulamo xasaasi ah iyadoo dhanka kalana uu Axmed Madoobe Kismaayo isugu geystay odayaal dhaqameedyo kale oo isaga taageersan. Axmed Madoobe ayaa u muuqdo mid aan marnaba u tanaasuli doonin Dowladda Dhexe cadaadis kasta oo saaro sida ay sameeyeen madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Xaaf iyo Shariif Xasan oo cadaadis badan kadib ogolaaday inay sameeyaan sida Dowladda rabto oo ah inaysan isku soo taagin xilka maamuladooda. Indhaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa usii jeedo dhanka Jubbaland maadaama lagu kala baxay loolankii ka socday Galmudug oo u muuqdo inay dowladda ku guuleysatay. Caasimada Online Xafiiska KIsmaayo Caasimada@live.com
-
DAR ES SALAAM (Bloomberg) -- Kenyan President Uhuru Kenyatta and his Tanzanian counterpart, John Magufuli, agreed to explore trading in natural gas, which companies including Equinor ASA are looking to develop for export. Source: Hiiraan Online
-
China's ambassador to the UK has denied that Muslim children in western Xinjiang are being systematically separated from their parents. Source: Hiiraan Online
-
The number of suspects arrested in Ethiopia in relation to the last month coup attempt has reached 223 in Bahir Dar city, over 140 in Addis Ababa, while 59 Kalashnikov guns with thousands of bullets are seized so far. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Dowladda Puntland 2. Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland 3. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka 4. Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda. 5. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland 6. Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda 7. Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland agaasimayaal cusub magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisada ka dhex taagan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Caafimaadka DF Somaliya. Xildhibaan Fiqi ayaa marka hore su’aal galiyay ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay dagaalka afka ah ee ka dhaxeeya Gobolka iyo Wasaarada Cafimaadka, kaasi oo ku sheegay in dagaalku ka taagan yahay cida qaadaneysa lacagta kasoo xaroonaysa buuga caafimadka. Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu iyadna su’aal galiyey sababta ay wasaarada maaliyadu u gabtay kaalinteedi, maadama iyada loo idmaday qabashada lacagaha soo gala dowladda. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Guddoomiyaha gobolka iyo wasaaradda caafimaadku waxay isku hayaan ma buugga caafimaadkaa mise waa cidda qaadanaysaa lacagta ka soo xaroonaysa buugga caafimaadka xujayda loo jarayo? Marka ay halkaa marayso wasaaradda maaliyadda aaway kaalinteedii? Masayrku wuxuu u fasirmayaa maaliyadda xujayda la Qaadi doono buuggaas! Haddii ay sidaas lacagtaas waa in lagu xareeyaa qasnadda dawladda”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com