-
Content Count
208,899 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerar ay kooxo ka tirsan Maanta ku qaadeen Koontaroolka Seybiyaano ee Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan ay weerarkaas fuliyeen isla markaasna ay u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan Koontaroolka sida ay hadalka u dhigeen. Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in ciidankooda ay weerareen koontaroolka islamarkaana ay laayeen ciidankii halkaas ku sugnaa. Sidoo kale wuxuu sheegay inay ciidankooda iska caabiyeen ciidamo gurmad ah oo soo gaaray goobta kuwaas oo uu sheegay inay khasaare culus gaarsiiyeen. “Koontaroolka cagta ayaan marinay ciidamadii joogayna waan leynay, ka dibna ciidankeena dib ayey kaga soo gurteen goobta marka laga reebo laba walaal oo halkaas nooga shahiiday” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al Shabaab. Mas’uuliyiinta hay’adaha Amniga ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada Ammaanka ay toogteen laba ka mid ah raggii rasaasta ku furay barta koontorool oo ay Ciidamada Dowaladda ku leeyihiin Seybiyaan,kuwaas oo doonayay inay si awood ah wadada ku maraan. Ilaha madaxa banaan ayaa sheegayo inay Kooxda Shabaab oo saarnaa gaari yar ay rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka isla markaasna ay toogteen qaar ka tirsan ciidamadii halkaas ku sugnaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegayo inay Ciidamada Dowladda toogteen Seddex ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday, waxaana meesha sidoo kale ku dhintay dad shacab ah oo gaarayo illaa 4 qof halka uu dhaawaca intaas ka badan yahay. Is rasaaseyntaan ayaa kusoo aadeyso saacado kadib markii ay Ciidamada Dowladda fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu xoog ku maro jid ay Ciidamada Dowladda ku xireen Carro iyo dhagxaan. Al-Shabaab weli ma aysan ka hadlin qaraxii lagu fashiliyey Muqdisho, waxaana caado u ah inaysan ka hadlin howlgalada ay ku fashilmaan. Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe aheyd meel dagan ayaa Maanta u muuqato mid khasan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay Odayaasha Magaaladaas ay diideen inay la kulmaan Ra’isulwasaare Kheyre. Ra’isulwasaaraha oo xildhibaano kasoo jeedo Cadaado u diray inay isugu keenaan Odayaasha ayaa waxaa ugu dambeyn la diiday inay kulmaan. Odayaasha Cadaado ayaa Xildhibaanadii u imaaday u sheegay inaysan marnaba la kulmi doonin Ra’isulwasaare Kheyre iyagoo sheegay inuu ka baxay ballan ay horey u galeen. Xildhibaanada kasoo jeedo Cadaado oo isku dayey inay odayaasha ku qanciyaan la kulanka Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inuu fashilmay kadib markii ay Odayaasha ku adkeysteen inaysan marnaba hor fadhiisan doonin Ra’isulwasaaraha. Odayaasha ayaa Xildhibaanada deegaankaas kasoo jeedo u sheegay inaysan iyaga laheyn go’aanka Cadaado sidaas darteedna ay go’aan ku gaareen inaysan wadahadal la furin Ra’isulwasaaraha oo ay ku eedeeyeen inuu ballan hore ku furay. Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa oo waji gabax kala kulmay Cadaado ayaa lasoo sheegayaa inay u baxeen dhanka Gaalkacyo iyagoo hadda sii marayo Gelinsoor. Ra’isulwasaaraha ayaa kusii jeedo Gaalkacyo waxayna wararka halkaas ka imaanayo sheegayaan in Odaayasha Gaalkacyo ay Ra’isulwasaaraha u diyaarsadeen shuruudo adag. Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
A woman was among four people executed by Al-Shabaab militants on claims that some of them have been spying on behalf of Kenya Defense Forces in Somalia. Details of the identity of the woman remain scanty before reports indicate that she was linked to spying network, precipitating execution in cold blood. Two others were executed with the woman on Sunday after trial by the Al-Shabaab court, which found them guilty of going against the rules. Also stoned to death was and found guilty of raping a 16-year-old girl in the town of Jamame, South West of Gedo region of Somalia. Spying on behalf of ‘enemies’ is a major crime in Al-Shabaab controlled regions and those linked to it are often executed by firing squad. The execution of the unidentified woman comes at a time KDF is planning to fully withdraw from Somalia to Kenyan borders with 2021 put as the final year. View the full article
-
Xubno ka tirsan ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, abwaaniin iyo qareennada difaaca weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa si adag u cambaareeyay xukunka ay maxkamadda magaalada Hargeysa saaka ku ridday weriye Coldoon. Maxkamadda magaalada Hargeysa, ayaa suxufigaasi ku saaka ku xukuntay, saddex sano iyo lix bilood oo xabsiya, kadib markii sida ay maxkamaddu sheegtay lagu helay in uu aflagaaddeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in uu sumcad-dil u geystay iskuulka Abaarso oo ku yaalla Somaliland. Haddaba, xubnaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, abwaanno iyo Qareennada difaacaya suxufi Coldoon ayaa caddaalad-darro ku tilmaamay xukunkaasi, waxaana ay sheegeen in aysan jirin aflagaaddo iyo sumcad-dil uu gaystay, balse lagu haysto ra’yigiisa shakhsiga ah iyo dhaliilo uu u jeediyay xukuumadda Muuse Biixi. Sidoo kale, waxay sheegeen in ra’yiga iyo dhaliisha uu suxufiga jeediyay, ay yihiin kuwa waafaqsan dammaanad-qaadka xorriyadda aas’aasiga ah ee uu muwaaddiinta Somaliland u ogolyahay Dastuurka, islamarkaana ciqaab lagu mutaysan karin. Waxaa kale oo ay maamulka Muuse Biixi ku eedeeyeen. in uu garsoorayaasha maxkamadda ku khasbay, xukun ay madaxtooyadu soo go’aamisay, taasi oo ay ku tilmaameen fara-gelin lagu sameeyay hannaanka Garsoorka Somaliland. Halkaan ka daawo shirkooda jaraa’id PUNTLAND POST The post Xukunkii lagu riday weriye Coldoon oo la sheegay in ay soo qortay madaxtooyada Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Wafdiga gudoomiyaha Golaha shacabka BJF soomaaliya Amb Mohamed mursal sheekh cabdiraxmaan ayaa waxaa Ku wehlinaya xilibaano , wasiiro katirsan xukuumadda , iyo saraakiil katitsan Dawladda , waxaana garoonka Ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo koonfur galbeed ka tirsan , Gudoomiyaha ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaradaha degmada xudur waxaa uu dadkii soo dhaweeyaya uu uga mahad celiyay sida gacaltooyada ah ee ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta balaaran ee ay usameeyeen shacabka degmada xudur Gudoomiyaha ayaa isla maanta waxaa uu dhagax dhigay dhismooyin cusub oo degmada ah halka kuwa kalena uu xarigga ka jaray , waxaana kamid xarumaha uu dhagax dhigay 1-Xaruunta Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Iyo 2-Airporka Degmada Xudur Sidoo kale waxaa goobaha xarigga uu kajaray gudoomiyaha Golaha shacabka ay ahaayeen 1-Iskuulka Hoose Iyo Dhexe ee Xudur iyo 2-Xaruunta Degmada Xudur Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Ku suganyihiin xarunta maamulka bakool ee xudur waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku dhaqan degmada xudur waxaana safarkaan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee gudoomiyahu Ku tago Xudur tan iyo markii uu Ku Guuleysatay doorashadii Xilka gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJF soomaaliya PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool appeared first on Puntland Post.
-
Naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa kulankii 2aad ciyaaraysa tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika 2019,iyadoo kulan adag la leh xidigaha Proline oo ka dhisan wadanka Uganda. Kooxda Heegan oo kulankii 1-aad ciyaartay tartanka Cecafa Kigame Club 06-July 2019 waxa ay guul daro 2-0 kasoo gaartay xidigaha Green Eagles ee ka dhisan dalka Zambia. Dhinaca kale kooxda Proline FC oo iyadana ka dhisan wadanka Uganda kulankii 1-aad ciyaarahan waxaa 1-0 kaga badiyay wilasha Apr FC oo ka mid ah naadiyada dalka Ruwanda oo tartankan marti geliya. “Tababar xoogan ayaan qaadanay kulan ka hor waxaan xooga saaraynaa in aan ka farxino taageerayasheena iyo in aan guul u soo hooyno dalkeena Soomaaliya” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay kabtanka kooxda kubbadda cagta Heegan Cumar Xaaji Baanow Gaxtaani. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecafa Kigame Club Cp Kooxaha-Heegan VS Proline Tariikhda-08-07-2019 Maalinta-Isniin Saacada:-1:00 pm Garoonka-Kigali Stadium Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP. Mudane Beyle iyo Guddiga ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen halka ay wax marayaan. Sidoo kale waxay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo la kulmay Guddiga deyn cafinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaanka dhaqanka Cadaado oo diiday in ay la kulman Khayre
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hoggaanka dhaqanka degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sida la sheegayo gebi aanba diiday in ay la kulmaan Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre Xasan oo saaka tegay degmadaasi Cadaado. Waxgaradka iyo odoyaasha ayaa diiday la kulanka ra’iisul wasaare Khayre waxaana ay ku eedeeyeen in uu uga baxay balan hore iyagoo caddeeyay aysan la kulmi doonin ilaa uu fuliyo balantii uu la galay. Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka sii gudbay degmada Cadaado kadib markii uu la kulmay siyaasiyiinta ku sugan degmadaasi oo uu ka codsaday in ay taageeran qorshaha dib u-heshiisiinta Galmudug oo sida uu sheegay ay waddo dowladda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa oo ka soo amba-baxay degmada cadaado ayaa waxay ku sii jeedaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay haatan ka socoto soo dhoweyntooda. PUNTLAND POST The post Hoggaanka dhaqanka Cadaado oo diiday in ay la kulman Khayre appeared first on Puntland Post. -
Puntland President Said Abdullahi Deni sacked the director general of the ministry of finance Abdirizak Mohamed Hassan, who has been in office for several years. Faisal Abdullahi Warsame was appointed as the new director general of the ministry of finance, according to a presidential decree issued early on Monday. The fired official who served as a general director of the ministry of finance since the formation of Puntland in 1998, has now been appointed the director of the livestock center. The president also dismissed central bank chief, auditor and accountant general of the government. In the presidential decree, the reason behind the sacking was not mentioned, but the president has been making steps seems to be reformed since he took office in January 2019. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxo hubeysan hubeysan oo watay gaari yar ayaa rasaas la dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Koontaroolka Gawaarida lagu baaro ee Seybiyaano Magaalada Muqdisho. Dableydaan oo loo maleenayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weerar toosh ah oo qorsheysnaa kusoo qaaday Koontaroolka Seybiyaano oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya. Rasaasta oo socotay dhawr daqiiqo isla markaasna la is dhaafsaday rasaas aad u culus ayaa waxaa la sheegayaa inay ka dhalatay khasaaro xooggan. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan waxaa halkaas ku dhintay ku dhawaad 8 qof oo isugu jiray Ciidamadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa iyo dad shacab ah oo halkaas joogay. Waxaa la sheegay in la dilay 3 ka tirsan Ciidamadii weerarka soo qaaday Gurmad badan oo Ciidamada Dowladda ah ayaa gaaray halkaas, waxaana hadda khasan goobta ay is rasaaseynta ka dhacday oo ah meel aan loo ogoleyn inay gawaarida maraan. Is rasaaseyntaan ayaa kusoo aadeyso saacado kadib markii ay Ciidamada Dowladda fashiliyeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu xoog ku maro jid ay Ciidamada Dowladda ku xireen Carro iyo dhagxaan. Xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe aheyd meel dagan ayaa Maanta u muuqato mid khasan. Wixii kusoo kordha kala soco Caasmadda Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Arrimaha Dastuurka u bedelay Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr 40, ee 8da Luulyo, 2019, ku bedelay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee 10ka February 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub. Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Saalax Xabiib Jaamac oo ahaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Arrimaha Dastuurka loo bedelay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna saxiixay Madaxweynuhu PUNTLAND POST The post Diktreeto: Wasiiru-dowlihii Dastuurka Puntland oo loo beddelay wasaaradda Caddaaladda appeared first on Puntland Post.
-
Somali police foiled a car laden with explosive in Mogadishu on Monday morning. The vehicle loaded with explosives explodes after it was intercepted by police in an area close to Erdogan hospital in Hodan district. The witnesses said the car exploded as security agencies were cordoning off the area. No casualties were reported according to Somali Intelligence agency. The number of car bomb attacks in the capital has reduced dramatically since the holy month of Ramadan in which the security of the city was intensified through the introduction of extra police and checkpoints. Scroll down for the latest pictures: View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud. Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Xildhibaano, wasiiro, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo dadweyne fara badan. Ujeedada uu mar kale dib ugu laabta Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay inay la xariirto sidii uu u qancin lahaa tabashada ay qabto magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kulamo wadatashi ah Khayre uu ka bilaabi doono halkaasi , si xal looga gaaro tabashada ay qabto beesha degta Cadaado. Beeshan ayaa si weyn uga hortimid in magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada Galmudug, sidoo kalena la dhigo gogosha dib u heshiisiinta maamulkaasi. Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre u sii gudbi doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro wafdigan ayaa laga dareemayaa halkaasi. In ku dow labo todobaad ayuu Ra’iisul wasaaraha XFS ku sugan yahay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaloya, isaga oo booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Maxamed (Amardambe) oo la hadlay wakaaladda wararka SONNA ayaa ku celiyay in uu weli furanyahay cafiskii madaxweyne Farmaajo u fidiyay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab ee isu soo dhiiba dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa ugu baaqay dhalinyarada u dagaallanta Al-shabaab in ay isu soo dhiiban dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ballan qaaday in cafis loo fidin doono islamarkaana dhaqan-celin loo samayn doono. Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku soo beegmay iyadoo bilihii u dambeeyay ay dowladda Federaalka Soomaaliya isu dhiibeen xubno ka tirsanaa Al-sahbaab oo ka tanaasulay firirkooda. PUNTLAND POST The post DFS oo ku celisay cafiskii madaxweyne Farmaajo u fidiyay dhalinyarada ka soo baxa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ayaa maanta waxa ay xukun xabsi ah ku riddey, wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon, oo bilooyin badan xabsi ku jiray. Coldoon ayaa lagu eedeeyey inuu u gefay qarannimada ay sheegato Somaliland, iyo sidoo kale inuu caqabad ku noqday gooni isku taaggooda, iyadoo dacwadda sidoo kale ay ku jirtay aflagaado la sheegay inuu wariyaha u geystay dugsiga abaarso. Waxaa Cabdi Maalik lagu xukumay Saddex Sano iyo sidoo kale Lix bil oo xarig ah, iyadoo marar badan sidan oo kale loo xiray Coldoon. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa saaka xukun adag ku riday Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo muddooyinkii dambe ku xirnaa gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Wariye Coldoon ayaa eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ahaa inuu aflagaadeeyey Madxaweynaha Soomaaliland, sidoo kalena uu wax ka sheegay dugsiga Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa Wariyahan ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiyadaasi. Coldoon ayaa marar badan la soo hor istaajiyey maxkamadda, balse ugu dambeyn saaka ayaa lagu riday xukunkaasi. Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa aad wax uga qora arrimaha Soomaalinad, gaar ahaa dhiilalaha maamulkaasi, kuna baahiya baraha Internet-ka. Somaliland ayaa dhowr jeer ku xirtay gudaha magaalada Hargeysa, kuna riday xukuno kala duwan. Inta badan Somaliland ayaa xabsiga dhigta dadka wax ka sheega, waxaana iyo had jeer lagu eedeeyaa in caburin xoogan ku heyso dadka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 35 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Siciid Faarax Maxamuud (Yare) loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Dikteeto: Madaxweyne Deni oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta Macdanta iyo Biyaha appeared first on Puntland Post.
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gaari oo saakay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Digfeer, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay iney ka shakiyeen gaarigan islamarkaana isku dayeen iney joojiyaan, balse shaqsigii waday uu damcay inuu fakado. Sida sawirka hoose ka muuqata, darawalka ayaa damcay in gaariga uu si awood ah u mariyo wado markii hore lagu xiray Carro iyo dhagxaan. Gaariga ayaa halkaasi mari waayey, waxaana ugu dambeyn la sheegay in shaqsigii waday uu is qarxiyey, wallow aan weli faah faahin intaan ka badan laga helin. Waxaa xiran weli halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana gaaray ciidamo dheeraad ah iyo sidoo kale kuwa baara qaraxyada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ku wajahan magaalada Xuddur
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in uu Isniinta maanta ah gaaro, magaalada Xuddur ee gobolka Bokool,halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta koonfur Galbeed iyo bulshada degaanka. Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka soconaysa magaaladaasi Xuddur,amaanka ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaadanaya maamulka gobolka Bokool,kan degmada iyo qeybaha bulshada,sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka Maxamed Xasan C/raxmaan. Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana la filayaa in halkaasi uu ka dhoco kulan looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Alshabaab iyo qorshayaal ku aadan dib u dejin loo sameeyo dadkii deegaanadoodi ay ka soo barakiciyeen Shabaab. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ku wajahan magaalada Xuddur appeared first on Puntland Post. -
Akhriso: Madaxweynaha Puntland oo sameeyay magacaabis cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Garowe (SMN) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi (Deni) ayaa sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Degreetadan ayaa waxaa lagu magacaabay hanti dhowraha guud ee Puntland, xiisaabiyaha guud ee maamulkaasi, agaasimaha guud ee Bankiga iyo agaasimeyaal wasaaradeed. Hoos ka akhriso wareegtada Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 41 ee 8da Luulyo 2019, ku magacaabay Hanti-dhowrka Guud iyo Agaasimayaasha Bangiga iyo Wasaaradda Maaliyadda. Madaxweynaha Maamulka Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo Horumarinta Hanaanka Maamul ee Maaliyadda iyo Isla xisaabtanka Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdirisaaq Cumar Faarax loo magacaabay Guddoomiyaha Hanti-dhowrka Guud ee Maamulka Puntland Waxaa Maxamed Faarax Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bangiga Puntland Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Maxjarka Waxaa Faysal Cabdullaahi Warsame loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa Cumar Saalax Aadan loo magaacabay Xisaabiyaha Guud ee maamulka Puntland Waxaa Keenadiid Cali Jaamac loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda Waxaa Abshir Maxamed Abshir loo magacaabay Agaasime Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, Waana saxiixay. View the full article -
Muqdisho (PP) ─ Qarax gaari oo inta badan laga maqlay Muqdisho ayaa ka dhacay goor-dhaw agagaarka isgoyska Digfeer ee Muqdisho, kaasoo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay, ayaa haddana warar aan caddeyn waxay sheegayaan inay gaariga ku jireen laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa darawalkii gaarigaas waday, ayna ku dhinteen. Sidoo kal, wararka ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo halkaas ku lahaa koontarool ay celiyeen gaariga, taasina ay keentay inuu qarxo, inkastoo ciidamadu ay markii horeba bixiyeen digniin ku addan inaan halkaas la marin. Qaraxan ayaa wuxuu geystay burbur xooggan, iyadoo ay burbureen inta badan guryihii halkaas ku yaallay oo u badnaa jiingado, waxaana haatan la xiray dhammaan wadda, waxaana dhacaysa rasaas goos-goos ah. Halka uu qarxau ka dhacay ayaa waxaa ku dhaw isbitaallo uu ka mid yahay Digfeer oo ay dib u dhistay dowladda Turkiga, waxaana kaloo ku yaalla isbitaal kale oo lagu magacaabo Somali-Sudanese oo ay ajaanib ka hawl-gasho iyo isbitaallo kale oo yar-yar. Dhanka kale, goobta ayaa ahayd marinka keliya ee ay maraan gadiidka dadweyne, kuwaasoo loo diiday inay maraan waddooyinka Muqdisho qaar ka mid ah, waxaana gaadiidka ay isaga goosi jireen inta badan Muqdisho. Ugu dambeyn, Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu eedeeyaa Al-shabaab, waxaana goobta ka socda baaritaanno ku aaddan sida qarxaan uu u dhacay iyo saameynta uu yeeshay. Wixii warar ah ee kasoo kordha waxaa kula socon doontaan Puntland Post haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Qarax aad u culus oo ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay u qeybsanaha Taageerada Hawl-gallada ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey, Atul Khare. Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Atul Khare ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, dadaalka Dowladdu ugu jirto dib u soo kabashada dalka iyo mashaariicda horumarineed ee ay Qaramada Midoobey ka waddo Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa U Qeybsanaha kala hadlay dardargelinta dadaallada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS) uu ku garab istaagayo hawlgallada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM si looga miradhaliyo dagaalka lagu la jiro kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa u soo jeediyay U Qeybsanaha dhanka Hawlgallada ee Xoghayaha Guud in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu xoogga saaro sidii mudnaanta koowaad loo siin lahaa in muwaaddiniinta Soomaaliyeed loo qaato shaqooyinka Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Mudane Khare kala hadlay in dhismayaasha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay noqdaan kuwo waara oo aan ku meelgaar ahayn si loogu adeego bulshada marka hawlaha haatan loogu tala-galay ay dhammaadaan, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta deegaanka. Ugu dambeyn, Khare ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran isaga oo ballan qaaday inuu ka shaqaynayo sidii wax looga qaban lahaa qodobbada ay ka wada hadleen iyo dardargelinta taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ergay ka socday Q/Midoobay appeared first on Puntland Post.