Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,899
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (SMN) –Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha waxaa Gaalkacyo ku soo dhaweeyey, mas’uuliyiin ka tirsana Galmudug iyo qaar ka mid ah shacabka magaaladaasi. Khayre ayaa la filayaa in kulamo uu ka bilaabo halkaasi, kuwaas oo looga hadlayo nabadda gobolka Mudug. Ra’iisul wasaaraha ayaa horay booqasho ugu bixiyey deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo ku soo dhammaaday. View the full article
  2. Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya , Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool. Gudoomiyaha , ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo maareynta musoobooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed , Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen) Wasiirro , Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanaya Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed. Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan , ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan. Wuxuu Guddoomiye Mursal, ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda, mar walbana u taagan horumarinta degaannada Koofur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Garowe (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland. James Swan iyo wafdigiisa waxaa Puntland ku soo dhaweeyey Madaxweyne Siciid Cabdullahi (Deni) oo ku qaabilay xafiiskiisa. Labada mas’uul ayaa yeeshay kulan gaar ah, kaas oo looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, horumarinta iyo gargaarka bani’aadanimo. Madaxweynaha maamulka Puntland oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen isaga iyo James Swan. “Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa” Ayuu yiri Deni. Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey in ay ka maamul ahaan ku faraxsan yihiin doorka ay ka qaadanayaan nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” ayuu yiri mar kale Madaxweynuhu. Waa safarkii ugu horreeyay ee wakiilka cusub ee QM James Swan uu ku tagay Garowe, kaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beye, ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP. Mudane Beyle iyo Guddiga ayaa waxay kulankooda kaga wada hadleen halka ay wax marayaan. Sidoo kale, waxay guddiga iyo wasiirku ka doodeen fulinta iyo dhameystirka shuruudaha ka dhiman cafinta deymaha lagu leeyay Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan ugu jirta sidii deymaha lagu leeyay loogu cafin lahaa, iyadoo kasoo baxday shuruudo badan oo ku hor gudbanaa deyn cafinta. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Odeyaasha dhaqanka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta diiday iney la kulmaan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa. Xasan Kheyre ayaa la sheegayaa in Cadaado gaaray kadib safar dhulka ah uu uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ku sugnaa xarunta madaxtooyada muddo hal saac ah, laakin waxaa uu barnaamijkiisa isbadalay markii odeyaasha dhaqanka uu rajada ka lagaa la kulankooda ay iska diideen aragtidiisa ama la kulankiiba. Ilo lagu kalsoon yahay, oo ku sugan gudaha Cadaado ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in odeyaasha dhaqanka ay marka hore ka xumaadeen inuu Kheyre yimaado magaalada isaga oo safar ah, oo meel kale uga sii gudabaya iyo in uu ka baxay balamo ay ka mid aheyd in Cadaado qeyb ka noqoto go’aan ka gaarista halka lagu qabanayo shirarka dib u heshiisiinta bulshada Galamudug iyo sidoo kale in lagu qabto doorashada Galmudug sida uu amray madaxweyne Axmed Geelle Xaaf. Dhankiisa siyaasiyiin la kulmay Xasan Kheyre, ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu ku wargeliyey in aanu sheegin meesha doorashada ka dhaceyso, taasina lagu go’aamin-doonno shirka dib u heshiisiinta, laakin xataa mar-marsiyahaasi waa lagu diiday, taasi uu keentay inuu hungoobo, iskana sii-wato socdaalkiisa, isaga oo aadey dhanka Galkacyo. Bulshada Galmudug waxaa ay shaki badan ka qabaan niyadda dowladda federaalka ah ee ku aadan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaana shakiga sii kor dhiyey markii ay Villa Somalia go’aamisay meesha shirarka ka dhacayaan iyo markii ay wasaaradda arrimaha gudaha is hoos-geysay maamulka doorashada. Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo 24-kii bishii hore safar ku tagay Galmudug ayaa ilaa hadda ku guuldareystay isu keenista dhaqanka, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin arrimaha dib u heshiisiinta iyo hannaanka doorashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. PRESS RELEASE National Energy Services Reunited Corp. Announces Multiple Contract Awards in Bahrain NESR is steadfast in its commitment to be a partner and key enabler in the Kingdom of Bahrain’s extensive upstream growth plans HOUSTON, United States of America, July 8, 2019/ — National Energy Services Reunited Corp. (“NESR” or the “Company”) (https://www.NESR.com/) (NASDAQ: NESR) (https://yhoo.it/2L5UgVr) (NASDAQ: NESRW), a national, industry-leading provider of integrated energy services in the Middle East and North Africa (“MENA”) and Asia Pacific regions, today reported multiple awards of contracts for well intervention services by Tatweer Petroleum – Bahrain Field Development Company W.L.L. Mr. James Kenneth Eastlack, CEO of Tatweer Petroleum commented: “We are pleased to see NESR expanding and we look forward to their successful activities in the Kingdom of Bahrain.” ”We are pleased to establish a strong presence in the Kingdom of Bahrain which we will achieve with solid investment as well as recruiting and developing the talented national workforce. NESR is steadfast in its commitment to be a partner and key enabler in the Kingdom of Bahrain’s extensive upstream growth plans,” said Sherif Foda, Chairman of the Board and CEO of NESR. “The E&P Industry has a long history in Bahrain as this is where the first well was drilled in the region, and with the new discovery in Khalij Al-Bahrain Basin, the E&P industry in Bahrain is poised to take a big leap forward under the guidance of H.E. Shaikh Mohammad bin Khalif Al Khalifa, Minister of Oil.” Mr. Foda added: “As has been aptly stated by H.E. Minister of Oil, this high-quality tight oil and gas reservoir will require a newer approach and will need higher intensity and more complex services. This in turn provides opportunities to enterprising service providers like NESR who can bring all the required technology and best practices to help economically access these reservoirs. I would also like to take this opportunity to thank Tatweer Petroleum and H.E. Shaikh Mohammed bin Khalifa Al Khalifa, Minister of Oil, for their trust in NESR and allowing us to contribute towards the nation’s Economic Vision 2030.” Distributed by APO Group on behalf of National Energy Services Reunited Corp. Media Contact: Dhiraj Dudeja National Energy Services Reunited Corp. 832-925-3777 investors@nesr.com About National Energy Services Reunited Corp.: Founded in 2017, NESR (https://www.NESR.com/) is one of the largest national oilfield services providers in the MENA and Asia Pacific regions. With over 3,700 employees, representing more than 40 nationalities in over 15 countries, the Company helps its customers unlock the full potential of their reservoirs by providing Production Services such as Cementing, Coiled Tubing, Filtration, Completions, Stimulation and Pumping, and Nitrogen Services. The Company also helps its customers to access their reservoirs in a smarter and faster manner by providing Drilling and Evaluation Services such as Drilling Downhole Tools, Directional Drilling Fishing Tools, Testing Services, Wireline, Slickline, Fluids and Rig Services. About Tatweer Petroleum – Bahrain Field Development Company W.L.L.: In December 2009, Tatweer Petroleum – Bahrain Field Development Company W.L.L. (http://TatweerPetroleum.com/) assumed responsibility for the stewardship and revitalization of the mature Bahrain Field and the execution of all activities related to the petroleum operations pursuant to the terms and conditions of the Development and Production Sharing Agreement (DPSA). The DPSA, dated 26th April 2009, was entered into between the National Oil and Gas Authority (NOGA) and Occidental, Mubadala, and The Oil and Gas Holding Company (nogaholding). As of July 2016, the Company is wholly owned by nogaholding, the business and investment arm of NOGA of the Kingdom of Bahrain, which acts as the steward for the Government’s investment in a diversified range of energy-related companies. Tatweer Petroleum is now responsible for all upstream operations in the Kingdom, including oil and gas exploration, development, and production activities, in addition to gas distribution and sales. The Company’s primary goal is to increase the production of oil and the availability of gas to meet the future energy demands of the Kingdom of Bahrain, in line with the nation’s Economic Vision 2030. Tatweer Petroleum utilizes the latest oil exploration, production, and recovery technologies whilst upholding its commitment to the highest standards of health, safety, and environmental protection, and the development of Bahraini nationals. This will support the Company’s contribution to energizing the Kingdom’s economic growth and social prosperity while maximizing value for stakeholders. Forward-Looking Statements: This communication contains forward-looking statements (as such term is defined in Section 27A of the Securities Act of 1933, as amended, and Section 21E of the Securities Exchange Act of 1934, as amended). Any and all statements contained in this communication that are not statements of historical fact may be deemed forward-looking statements. Terms such as “may,” “might,” “would,” “should,” “could,” “project,” “estimate,” “predict,” “potential,” “strategy,” “anticipate,” “attempt,” “develop,” “plan,” “help,” “believe,” “continue,” “intend,” “expect,” “future,” and terms of similar import (including the negative of any of these terms) may identify forward-looking statements. However, not all forward-looking statements may contain one or more of these identifying terms. Forward-looking statements in this communication may include, without limitation, statements regarding the benefits resulting from the Company’s recent business combination transaction, the plans and objectives of management for future operations, projections of income or loss, earnings or loss per share, capital expenditures, dividends, capital structure or other financial items, the Company’s future financial performance, expansion plans and opportunities, and the assumptions underlying or relating to any such statement. The forward-looking statements are not meant to predict or guarantee actual results, performance, events or circumstances and may not be realized because they are based upon the Company’s current projections, plans, objectives, beliefs, expectations, estimates and assumptions and are subject to a number of risks and uncertainties and other influences, many of which the Company has no control over. Actual results and the timing of certain events and circumstances may differ materially from those described by the forward-looking statements as a result of these risks and uncertainties. Factors that may influence or contribute to the accuracy of the forward-looking statements or cause actual results to differ materially from expected or desired results may include, without limitation: the ability to recognize the anticipated benefits of the Company’s recent business combination transaction, which may be affected by, among other things, the price of oil, natural gas, natural gas liquids, competition, the Company’s ability to integrate the businesses acquired and the ability of the combined business to grow and manage growth profitably; integration costs related to the Company’s recent business combination; estimates of the Company’s future revenue, expenses, capital requirements and the Company’s need for financing; the risk of legal complaints and proceedings and government investigations; the Company’s financial performance; success in retaining or recruiting, or changes required in, the Company’s officers, key employees or directors; current and future government regulations; developments relating to the Company’s competitors; changes in applicable laws or regulations; the possibility that the Company may be adversely affected by other economic and market conditions, political disturbances, war, terrorist acts, international currency fluctuations, business and/or competitive factors; and other risks and uncertainties set forth in the Company’s most recent Annual Report on Form 20-F filed with the Securities and Exchange Commission (the “SEC”). You are cautioned not to place undue reliance on forward-looking statements because of the risks and uncertainties related to them and to the risk factors. The Company disclaims any obligation to update the forward-looking statements contained in this communication to reflect any new information or future events or circumstances or otherwise, except as required by law. You should read this communication in conjunction with other documents which the Company may file or furnish from time to time with the SEC. SOURCE APO-opa.orgNational Energy Services Reunited Corp. Announces Multiple Contract Awards in Bahrain Qaran News
  7. Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo qof oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan. Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka. “ Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas,” ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed. sidoo kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boolska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakaye Xuseen Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Shacabka Xogta la wadaagay Hay’adaha amniga ka dib markii ay Hay’adaha amniga horay digniin uga bixiyeen gaariga maanta Qarxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Barnaamijka “OGAAL” ee baxa Goobjoog TV, uuna wado Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa todobaadkan looga hadlay cunto-yari ah ay ka digeen hey’adaha caalamiga oo soo wajaheysa ilaa 5.4 milyan oo Soomaali ah. Barnaamijka waa marti ku ahaa Prof. Xuseen Iimaan oo khabiir beeraha ah ahna agaasimaha machadka bey’ada, beeraha iyo biyaha iyo Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo ah dhaqaale yahan, madax ka ah qeybta dhaqaalaha ee jaamacadda Soomaaliya. Prof, Xuseen Iimaan oo ka jawaabayey su’aal aheyd heerka xaaladda abaarta dalka ayaa ku dooday in dadkeennu aanu faqiir aheyn ee ay duruufo nagu heeran oo dadka ka dhigaya faqiir iyo dhaqanka ku soo kordhay ee cuntada, abaaraha oo dagaallada sokeeye ay saameeyen, ganacsiga oo ay saameeyeen dagaallada iyo isbadalka cilimiga, isaga oo intaasi ku daray “ Qeylo-dhaantaasuna ee hey’adaha caalamiga ah ee Soomaali ay sheegayaan arrintaas waxaa ay igula qurxoonaan laheyd-walow data iyo NGO ay helaan- hadana waxaa kaga habooneeyd dowladda oo xogta beeraha iyo nolosha beeraleyda ka war qabtay abaartaas iney sheegaan iyo sida ay u jirto”. Su’aal kale Prof, Xuseen Iimaan laga weydiiyey haddii dalkeenu hodan yahay maxaa keenay in 5 milyan cunto yari soo wajahdo ayaa ku jawaabay “ Dalkaas kheyrka badan ee malaayiinta Hektar ee beeraha ah oo qeyb waraab tahay, qeybna roob falato tahay, badarka laga soo saaro, waqtiyo waqtiyada ka mid ah, xili Soomaalida tijaabisay oo isku filnaashiyo la gaaray ayaa jirtay, anigu wasaaradda beeraha ayaan ka soo shaqeyn jiray, 30 sano ee dagaallada iyo wixii ka horeeyeba xogtii ayaan heynaa, waxaa isbadalay waxaa ay tahay diiradda dadka beeraleyda ah tacabkii ay ku tashan jireen wax badal ayaa keenay in baahidaasu timaado, oo ay ka mid tahay dagaalladii badnaa ee la galay, dad badan ayaa barakacay, oo beeladeydii tacabka ku howlaned bey aad u saameysay, %50 haddii dadkiisi ay barakaceen, kaalintoodii waa maqan tahay, kuwaasi oo galay dadka loo qeylinayo”. Dhankiisa, Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo ka hadlay abaarta ayaa sheegay in dowladda ay u taagantahay wax ka qabashada arrimahan, abaarahan iney soo noqnoqdaan waxaa uu sababteeda ku sheegay dagaallada ka socdo meelo badan sida labada dhasheelle iyo Hiiraan iyo bey’ada. Mr. Cabdi fitaax waxaa uu soo qaatay in xiliyadii hore abaarta la arki jiray 40-kii sano mar, laakin hadda ay sanad dhaaf u dhacaan. Maxaa loo diyaar-garoobi la’yahay, oo loo la’ yahay nidaam ka hortag ah, su’aashaas ayuu Cabdullahi Maxamed Shirwac hor dhigay martida, Prof, Xuseen Iimaan ayaa ku ammaanay wasaaradda beeraha iyo hey’ado kale in dowladda Soomaaliya ay bilowday 2013-kii in raashiinka macaawinada laga iibiyo beeraleyda, si tacabkii u sii socdo, lana yareeyo waxa dibadda laga keenayo, laakin ciladda waxaa uu sheegay iney tahay colaadaha, barakaca iyo qeybinta cuntada. Dhanka canshuuraha ayaa laga hadlay, Prof. Cabdi fitaax Abuukar oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “ waxa ka soo baxa beeraha iyo dhulka daaqsiinka ah waxaa ay yimaadaan suuqa, labo mushkilad ayaa dhacaya: (1). Inta badan waxaa dhaca sicir barar, sicirka isku mid ma aha, marka aad wadamada u fiirisid waxa laga gadayo galeyda, digirta, khudaarta waxaa ay leeyihiin qiimo go’an, mushkiladda Soomaaliya heysto dowladda kontoroosha iyo nimaad ma jiro, marka aad weydiiso dadka beeraha ka keena, ee suuqa keena, oo ka hela dakhliga, waxaa ay ku leeyhiin mushkiladda aad sheegtay oo ah in gaadiidka la kala duwaasho, in meelo badan lacag looga soo qaadayo, in la canshuuraayo iyada oo aan la sameyn siyaasad gaar ah (2). Tan xigta waa isbadalka bey’adaha, abaaraha, roobka oo ka dhasha daadad, iyo dalai dhicidda wax soo-saarka ah iyo in aan loo helin wax ku filan, oo dadka ama reerkooda u qeyliyaan ama in jidadka galaan, oo isbaaro dhigtaan. Madashan looga doodayey abaarta ayaa sidoo kale ka digtay in dadka abarakacayaasha xoog lagu kiciyo, xaqna u leeyihiin deegaameyn, waxaa kale oo ay soo-jeediyeen Istaraatiijiyad iyo in loo abuuro shaqo, oo arrinta aaney noqon mashruuc iyo mid daba-dheeraato. Ugu dambeyntii, waxaa lagu dheeraaday dadkiisa side xaaladda looga saari karaa iyo waxa ay mudan yihiin haddii ay ahaan laheyn nolasha barakaca iyo kadibba, waxaana mas’uuliyadda dusha laga saaray dowladda Soomaaliya, waxaana la adkeeyey in kahor taggu ka fiicanyahay marka dhibaato dhaco, taasina u baahanyahay abaabul iyo jiheyn rasmi ah. Akhriso: Qoraal La Xiriira Xogta uu Barnaamijka falanqeynayo Daawo: Barnaamijka “OGAAL” oo dhameystiran. Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyadda ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA Justin Brady, Madaxa WFP ee Soomaaliya Lauren Bukera iyo Masuuliyiin kale. Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo. “Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa. Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray. Waxaan sidoo kale u cadeynay inaan diyaar unahay inaan kaalinta nagu haboon ka qaadano Geedi-socodka loogu jiro Soomaaliya inay meeshay hada joogto meel ka fiican gaarto” Ayuu yiri, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka warbixiyey kulanka ay la qaateen Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey. Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Soodhoweynta, Wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan wadashaqeynta iyo Mashaariicda Qaramada Midoobey ka fuliso Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka Wafdiga Qaramada Midoobey ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Xaange, Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Waraabka Ismaaciil Diiriye Gamadiid, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamina Cismaan Xaaji, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani. Halkaan hoose ka daawo shirkooda jaraa’id PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Garoowe ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa xafiiska madaxtooyada ee Garoowe kula kulmay u qaabil sanaha xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya [...] Source
  11. Hargeysa (SMN) – Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa maanta xukun ku riday Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid Wariyeyaasha ka howlgala Somaliland Wariye Coldoon ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu wax u dhimay Qaranimada Somaliland, sidoo kalena uu wax ka shegay Dugsiga Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah. Xukunkan ayaa waxaa sharci darri ku tilmaamay, kana horyimid qaar ka mid ah Wariyeyaasha iyo Abwaanada ku dhaqan Somaliland Coldoon oo wax badan ka qora arrimaha maamulka Somaliland ayaa ayaa dhowr jeer lagu xiray gudaha magaalada Hargeysa, isagoona lagu riday xukuno kala duwan. View the full article
  12. Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Isniinta maanta cod aqlabiyad leh ku mamnuucay in Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera ee Somaliland, la keeno degaannada Puntland. Golaha ayaa sheegay in Konteenarada laga soo dejiyo Berbera ay curyaamin ku yihiin, dekedda magaalada Boosaaso oo laf dhabar u ah ganacsiga Puntland. Baarlamanka ayaa sidoo kale u codeeyay, in canshuur xad-dhaaf ah oo u dhiganta %500 la saaro, badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland. Go’aanka Golaha wakiilada Puntland ayaa ku soo beegmay, iyadoo todobaadkii hore ay wasaaradda Maaliyadda Puntland canshuur laba-jibbaaran ah saartay badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland. Dikreeto 29-june-2019 ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa lagu amray in badeecadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland laga qaado, canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%. Go’aanka wasaaradda ayaa lagu sheegay mid lagu ilaalinayo xuquuqda ganacsatada Puntland,islamarkaan lagu yareynayo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furan dhinaca Somaliland. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo mamnuucay Konteenarada laga soo dejiyo dekedda Berbera appeared first on Puntland Post.
  13. Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu Puntland waxaa lagu gabagabeeyay shirar muddo u socday beelaha Aadan Cabdiraxmaan, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka Sidii lala wada socday, shirar muddo u socday Beelaha Aadan C/raxman soona bilowday sannadkii 2017-kii, kana kala dhacay magaalooyinka Baargaal, Taageer, Qoraxaad iyo Boosaaso, shirarkaas oo beelaha Aadan Cabdiraxmaan si wadar ah, oo aan wax khilaaf ah lahayn, isugu waafaqeenin ay yeeshaan isim mideeya, isla shirarkaas beeluhu waxay ku sifeeyeen qofka ay doonayaan iyo shuruudo qoraal ahaan loo soo gudbiyey, oo saxiix leh. Iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo soojeedintii beelaha waxaa la dhisay guddi xeerbeegti iyo indheergarad ah, oo sameeya hannaan iyo xeerar haga xulista iyo ansixinta isimka cusub. Iyadoo xeerarkaas la dabakhayo, bishii Febraury 2018 shir ka dhacay magaalada Boosaaso, oo ay ku kulmeen nabadoono iyo waxgarad ayaa waxaa la calaamadiyey in Sh. Maxamed Muuse Axmed(Indhataag) noqon karo shakhsigii ay doonayeen beelaha Aadan Cabdiraxmaan. Intaas ka dib, xeerarka la dejiyey waxay dhigayeen in ergo isu dheelitiran, oo beelaha Aadan Cabdiraxmaan si madax bannaan u soo xushaan, ay hal meel ku kulmaan, loona soo bandhigo isimka la calaamadiyey, oo ay ka doodaan, wixii turxaan iyo tabasho ahna iska qanciyaan, ka dibna si wadar ah ku aqbalaan. Haddaba, si beeluhu u aqbalaan isimka cusub ayaa markii ay taariikhdu ahayd 15-kii April 2019 kulan uu guddigu ku yeeshay Bosaso wuxuu bixiyey iclaan ku saabsan in shirka aqbalaada suldaanku ku qabsoomi doono Baargaal marka taariikhdu tahay 15-ka bisha soonfur ( oo ku beegan 19-kii June 2019) Waxaa Beelaha lagu wargeliyey in ay soo diyaarsadaan mudadaas ka hor 55 guurti ah: 15 xubnood beesha liibaan cabdisamad, 15 xubnood beesha Yoonis Cabdisamad, 10 xubnood beesha Maxamuud Cabdisamad, 15 xubnood beesha Ibraahim Cabdisamad. Iyagoo shaqadaas fulinaya, ayaa 8 xubnood oo guddiga qabanqaabada ka mid ah waxay Bosaso kasoo safreen markii la gaaray waqtigii shirka loo balansanaa. Sidoo kale aqlabiyadii guurtidii lagu balansanaa ayaa soo xaadiray Baargaal waqtigii la cayimay. Shirka oo la furay 1dii July 2019, soona idlaaday 07/07/2019 ayaa waxaa uu marayey marxalado kala gedisan oo isqancin, turxaanbixin, wacyigelin iyo doodo furan ah. 6dii bisha July 2019 ayaa shirka oo ay soo xaadireen 50 xubnood oo guurti ah, waxay si wadar ah u aqbaleen in Suldaan Maxamed Muuse Axmed uu yahay suldaanka guud ee beelaha Aadan Cabdiraxmaan mideeya. Sidaa awgeed, go’aadan ayaa meelmaray: 1. In Taariikhdan laga bilaabo uu Suldaan Maxamed Muuse Indhataag yahay isimka guud ee beelaha Aadan Cabdiraxmaan, uuna beesha iyo ummadda soomaaliyeedba ka mudan yahay ixtiraam isimnimo. 2. In xafladda caanashubka Isimku ay dhacdo 1da November 2019. 3. In guddiga qabanqaabadu soo gudbiyo goobta caanashubka, isla markaasna uu iclaamiyo muddo 60 cisho ah ka dib taariikhdan. Sidoo kale, guurtidii, korjoogtadii, culimadii, nabadoonadii iyo jaaliyadihii shirka kasoo aragti dhiibtay waxay soo jeediyeen kuna baaqeen: 1. In si guud looga qayb qaato horumarinta Gobolka gardafuu iyo amnigiisa 2. In loogu baaqo dowladda, hay’adaha iyo dhammaan shacabka reer puntland in si degdeg ah wax looga qabto musiibada dabiiciga ah ee ku dhacday magaalo madaxda gobolka Gardafuu ee Caluula. 3. Shirku wuxuu ugu baaqayaa in Dowlada (Federal iyo Puntland) iyo shacabka reer puntland inay ka qayb-qaataan hirgelinta wadada halbowlaha ah ee Kalabayr-Caluula. 4. In si guud looga shaqeeyo horumarinta deegaanka lagana hortago wax kasta oo keeni kara xaaluf deegaan oo saameeya badda iyo birigaba. 5. In la dhiirigeliyo nolosha reer miyiga loona abuuro fursado lagu taageerayo. 6. In laga wada qaybqaato hirgelinta ceelka Qorraxaad iyo dhammaan dhulka biyo la’aantu ka jirto. Liiska guurtida 1. Siyaasi: C/raxmaan Caynab Muuse 2. Caaqil: Saalax Cumar Samatar 3. Caaqil: Maxamud Ismaaciil Liig 4. Caaqil: Maxamed Abshir Yuusuf 5. Caaqil: Carays Muumin Xisaab 6. Caaqil: Dacar Cadaawe 7. Maxamed Cumar Cabdalle 8. C/kaariin Maxamed Ismaaciil 9. Aqoon: Abdi Saalax Muuse 10. Maxamud Maxamed Cumar 11. Sh. Siciid Yusuf Aadan 12. Rooble Cartan Dumbuje 13. Jaamac Caduur 14. Nuux Saalax Xuseen 15. Siciid Maxamed Axmed 16. Ganacsade: Warsame Shire Cismaan 17. Caaqil: Cabdi Xaaji Yuusuf 18. Caaqil: Mire Caynab Siciid 19. Sh. Cali Saciid Cali 20. Mudane: Ayaanle Abshir Axmed 21. Ganacsade: Buruuj Buux C/raxmaan 22. Caaqil: Aadan Cali Muumin(Aadan Bacaraar) 23. Sh. Bootaan Muse Maxamed 24. Caaqil: Cawil Macalin Maxamuud 25. Ganacsade: Shire Cali Kolon 26. Maxamed X. Axmed Awcali 27. Siciid Awaare Saalax 28. Sh. Daahir Faatax Maxamud 29. Mudane: Jaamac Ciise Jaamac 30. Aqoonyahan: C/fataax Maxamed Muse 31. Xareed Maxamed Muse 32. C/raxmaan Axmed Tuurcade 33. Maxamed Siciid(Maax) 34. Cali Xaaji Cumar 35. Abdi Muse Yusuf (Abdi biid) 36. Siciid Cali Saalax 37. Axmed Maxamedu Bilaaweciid 38. Warsame Hiirad 39. Maxamed Jaamac Muuse (Sumaag) 40. Warsame Baxsi Bile 41. Cabdi Axmed Salaad 42. Faarax Saalax Yuusuf 43. C/raxmaan Maxamud Saalax 44. C/laahi Maxamud Siciid 45. Yusuf Maxamud Siciid 46. Warsame Nuur Maxamed 47. Yaxye Cumar Siciid Sharmaarke 48. Cismaan Sicii 49. Cismaan Saalax Maxamed 50. C/risaaq Maxamuud Siciid Liiska ka qaybqaatayaasha Jaaliyadaha dibadda 1. Jaaliyadda UK: Siyaasi Aadan Maxamed Cali 2. Jaaliyadda Canada: a. Proff Maxamud Maxamed Muse b. Proff: Maxamed Saalax Cabdalla (Caqli beeso) 3. Jaaliyadda Yemen: a. Sh Jamac Caynab Siciid (Jaamac Gaas) b. Maxamud Ibraahim Muse Sagaaro(Afka Ganacsatada Yemen) 4. Jaaliyadda Swezerland: Proff Maxamed Xareed Cali 5. Jaaliyadda Holand: Proff Maxamed Alore 6. Hargeysa: Siyaasi C/raxmaan Maxamed Bangax 7. Muqdisho: a. Cumar Salaad C/raxmaan b. Maxamed Maxamuud Daldal c. Maxamud Axmed Cisman d. Xuseen Salaad C/raxmaan Nabadoonada 1. Nabadoon: C/laahi Caynab Muuse 2. Nabadoon: Axmed Salaad C/raxmaan Martisharaf kor u dhaafaysa 50 qof Xubnaha guddiga qabanqaabada shirka 1. Proff: Maxamed Muumin Yuusuf 2. Sh. Maxamud Maxamed Bulxan 3. Sh. Xuseen Cumar Siciid 4. Ex. Xil: Maxamed Maxamud Saalax (Abubaraa) 5. Samafale: Cumar Cismaan Siciid 6. Gan: Ducaale Siciid Maxamuud 7. Ustaad : Xareed Saalax Yuusuf 8. Eng : Ali Said Omar The post Baargaal: War-murtiyeed laga soo saaray Shir u socday Beelaha Aadan Cabdiraxmaan appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey sharcigan, kaas oo ay u soo gudbisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Illaa 139 mudane oo ka tirsan golaha shacabka ayaa Haa ugu codeeyay, ma jirin cid diiday, balse waxaa ka aamusay hal xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay guddoonka baarlamaanka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahadceliyay xildhibaanada meel marinta Xeerka Saxaafadda Soomaliyeed. Aadan Isaaq ayaa sheegay in sharcigani uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda. Xeerkan oo muddo kadib wax ka bedal lagu sameeyey ayey ugu dambeyn ansixiyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya. Madaxda warbaahinta iyo wariyeyaasha madax banaan ayaa horay dood uga keenay xeerkan, taas oo keentay in markale dib loogu laabto qodobada qaar ee ku jira. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed. 139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Golaha Shacabka iyo Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda. Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimadda Online)- Ciidamada Amniga ayaa ka hortagay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray oo saaka ku qarxay agagaarka Isbitaalka Digfeer, kaddib markii gaariga uu isku dayay inuu maro jid xirnaa oo carro ku go’neyd. Gaarigan oo ahaa nooca Toyota Prada ayaa darawalka waday uu isku dayay inuu ka bootiyo carro-tuurka, balse waxaa ka shakiyay Ciidamada Amniga, kuwaasoo ku amray inuu gaariga ka dego. Ciidamada ayaa dhowr rasaas ku riday, waxaana ciidamada ku amreen dadka inay ka fogaadaan, iyadoo saacad ku dhowaad kadib uu gaariga qarxay, iyadoo ninkii darawalka ahaa aanu gaariga bannaanka uga soo bixin. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawacyo soo gaaray Ciidamada gaariga hareereeyay, waxaana dhaawacooda yahay mid fudud, sidoo kale dad kale ayaa iyana lagu soo waramayaa in khasaare ka soo gaaray qaraxa oo ahaa mid aad tankiisa u badnaa. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ka muuqday burbur xooggan oo sababay qaraxa, waxaana muuqatay in qaraxa uu ahaa mid aad tankiisu u badnaa, isla markaana uu geysan lahaa khasaare intaas ka badnaa, haddii uu u gudbi lahaa goobaha dadka ku badan yihiin. General Zakiya ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay dhawr qoraal oo ay ku faahfaahineysay qaraxaas la fashiliyey waxaana qoraaladeeda kamid ahaa: ” Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka” “Waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxa” ” Waxaan si gaar ah ugu mahad celineenaa shacabka xogta nala wadaagay anagoo awal digniin ka bixinay gaariga qarxay” La Taliyaha Amniga Madaxweynaha Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ku ammaanay Ciidamada Amniga sida geesinimada leh ee ay uga hortageen gaariga qarxay ee Muqdisho ku soo socday, waxaana uu xusay in awoodda Ciidanka Booliska ay sii xoogeysaneyso, tallaabooyinka degdega ee ay uga hortagayaan iyo xirfadooda sare. Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari kale oo qarax sida uu ku jiro magaalada, waxaana Ciidamada lagala hadlay gacanka qadka isgaarsiinta, iyadoo lagu amray inay ka hortagaan gaariga oo la sheegay in noociisu yahay kan Soomaalida u taqaano Leyla-Calaawi. Ciidamada Amniga ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgalada lagu sugayay amniga Caasimadda Muqdisho, iyagoo xiray jidad badan oo magaalada ka mid ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. At least three people including a policeman were killed and five others injured after a vehicle loaded with explosives went off at a security checkpoint in Mogadishu on Monday. A security officer who confirmed the incident said the two al-Shabab militants and the policeman were killed during a confrontation when a vehicle-borne improvised explosive device attempted to forcibly pass through a security checkpoint but was thwarted. “The vehicle loaded with explosives exploded after security officers manning the checkpoint intercepted it in an area close to Erdogan hospital in Hodan district,” said a police officer who declined to be named. The officer said the suicide bomber blew him up after being prevented to pass through the checkpoint, damaging some of the nearby buildings. The Somali National Army backed by African Union Mission in Somalia drove al-Shabab out of Mogadishu, but the group is still capable of conducting attacks, targeting government installations, hotels, restaurants and public places. View the full article
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay ajaanib ka shaqeysa dekadda Berbera oo dad careysan ay weerar ku qaaden. Muwaadiniinta reer Somaliland ee ka xamaasha dekeda Berbera ayaa todobaadkii la soo dhaafay weerar dhaawacyo culus sababay u geystay shaqaale Ajaanib ah oo ka howl-galayay isla dekedaasi. Hind Jaamac Xersi, Wasiirka Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada Somaliland ayaa si adag u cambaareysay falkaasi dhaawacyada culus loogu geystay 5-qof oo kamid ah ajaanibka ka howl-gala dekeda Berbera. Hinda ayaa ka dhawaajisey in falkaasi ay ku kaceen dadkaasi uu ka soo horjeedo sharciga iyo dastuurka u dagsan Somaliland, isla markaana laga ogolaan doonin in dadka leyska weeraro. Waxay sidoo kale xustay in qofkasta oo wax tabanay uu soo maro sifaha uu sharcigu u jideeyay in uu ku dhiibto cabashadiisa, iyadoona markale si adag uga digtay dadka ku kacaya falalkaasi inay caadeystan. Hinda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in xeerka Shaqaalaha rayidka Somaliland uu horyaallo Golaha wakiilada, isla markaana ay rajeynayaan in la ansixiyo Maalinta Khamiista ah ee so socota, kaasi oo wax ka qaban doonta cabashooyinka bulshada reer Somaliland kasoo gudbiyaan shaqooyinka la siiyo dadka Ajaanibka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal toos ah oo ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsa Al-Shabaab maanta ku dhex maray xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa yimid, kadib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay xoog ku soo dhaafaan bar koontarool oo ciidamadu ku leeyihiin halkaasi. Intaasi kadib ayaa la sheegay in iska hor imaad xoogan u dhex maray labada dhinac, kaas oo uu ka dhashay khasaare xoogan. Ugu yaraan 7 qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjogaayal ah. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dagaalkaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen labo ka tirsanaa kooxihii weerarka soo qaaday. Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay waxa ay sheegeen in weerarka ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, islamarkaana khasaare lixaad leh ayku gaarsiiyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa intaasi ku daraya in ay cagtay mariyeen koontorool lagu baaro gaadiidka oo ciidamadu ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaaciyay in dhankooda labo xubnood ay uga dhinteen dagaalkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax loo adeegsaday gaari Baraado ah oo laga soo buuxiyey walxaha oo saaka ka dhacay agagaarka isgoyska Digfeer, gaar ahaan ka soo hor jeedka xarunta Daaqa Qaranka ee magaalada Muqdisho. Gaariga qarxay oo ay fashiliyeen ciidamada ammaanka ayaa waxaa la sheegay in ay la socdeen illaa labo ruux oo diiday inay ka soo dagaan, taas oo keentay in la lagu furo, rasaas dhalisay in gaariga uu qarxo. Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo isugu jiro askar iyo shacab. Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xuseen Indhe-Gaduud, kaas oo la sheegay inuu ahaa 16 sano jir. Ma jirto illa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ay ka hortageen ciidamada Booliska Soomaaliya. View the full article
  20. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-08072019.mp3 View the full article
  21. Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey xeerka saxaafadda Soomaaliyeed. 139-mudane ayaa Haa ugu codeysay cid diidday ma jirto,hal Xildhibaan ayaana ka aamusay,sidaas ayuuna ku ansaxay Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa uga mahad celiyay Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo isgaarsiinta ee Golaha shacabka meel marinta iyo wax ka bedelka xeerka saxaafadda. Mudane Aadan Isaaq, Ku simaha ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Xeerkaan uu aas-aas u yahay geedi socodka dimuqraadiyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. East African bloc on Sunday welcomed the launch of an exercise to integrate forces of moderate Islamic group Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) into Somali security forces. Source: Hiiraan Online
  23. 01-Juun 2019-Guddoomiyaha Kooxda kubbadda cagta Horseed DR Maxamed Axmed Maxamed ayaa kulan la qaatay Ciyaartooyda,Macalamiinta iyo shaqaalaha kooxda,isagoo ugu Mahad celiyay horomarka ay kooxdiisa samaysay labadii sano lasoo dhaafay. 02-Juun 2019-Tababaraha Kooxda Horseed Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa sheegay in ay soo laabtay haybadii lagu yeeqeenayay kooxda Ciidanka xooga ee Horseed,isagoo qeexay in uu haysto ciyaartood da’yar ah oo kaalin wanaagsan ka qaadan kara ku guulaysiga hanashada tartamadda kubbadda cagta gudaha sanadaha soo aadan. 03-Juun 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada maamulka Galmudug Bashiir Maxamed Aw Cali ayaa isku duwaha gobolka Galgaduud ee wasaarada ciyaaraha u magacaabay Cali Mahad oo ka mid ah dhallinyarada fir fircoon ee Galmudug. 04-Juun 2019-Xoghayaha naadiga Muqdisho City Club Maxamed Cumar Xaashi iyo guddoomiyaha taageerayaasha kooxda Axmed Salaad Dhiblaawe ayaa kulan la qaatay taageerayaasha kala duwan ee kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City waxaana kulankaas lagu gorfeeyay mideenta isku xirka maamulka,Ciyaartooyda iyo taageerayaasha Muqdisho City Club. 05-Juun 2019-Madaxda xiriirka kubbadda cagta ee kala Cabdiqani Saciid Carab,Cali Cabdi Maxamed iyo DR.Yuusuf Muxidiin Axmed ayaa waddanka Faransiiska ugu qeybgalay shirka istaraajiyada iyo horomarinta kubbadda cagta iyo dib u doorashada guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta calaamka Ginao Infantino oo markale loo doortay hogaaminta xiriirka kubbadda cagta ee FIFA. 06-Juun-2019-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa soo dhaweeyay ka qeybgalka tartanka kooxaha Afrika ee Caf Confedaration,waxayna sheegeen in ay guulo lagu farxo usoo hooydoono dalka markii ay ka qeybgalaan. 07-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed Cabdi (Cali Shiine) ayaa wadanka Faransiiska kula kulmay macallin Fabio Capello,Michael Essien iyo Ricardo Santos Leite Kaka waxayna ka wada hadleyn arimo badan oo ku aadan kobac iyo horomarka kubbadda cagta . 08-Juun 2019-Shir sanadeedka maamulka ciyaaraha gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay caasimada Muqdisho waxaana ka qeyb galay madaxda gobolka Banaadir,wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyaradda dowladda iyo guddoomiyaasha isboortiga degmooyinka Gobolka waxaan lagu soo bandhigay wixii qabsoomay 2018 iyo waxyaalaha la doonayo in la qabto sanada 2019. 09-Juun 2019-Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Horseed DR.Maxamed Axmed Maxamed ayaa amaanay da’daalka ay muujiyeen ciyaartoyda kooxdiisa labadii sano lasoo dhaafay,isagoo sheegay in ay maamul ahaan ay raali ka yihiin wax qabadka xidigahooda 10-Juun 2016-Wasiirka wasaaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Oradyahan Cabdullahi Jaamac Maxamad oo ku guuleystay Bilad Dahab ah. 11-Juun 2019-Ciyaaryahan Anas Aadan Maxamed oo ka mid ah oo da’yarta Soomaaliyeed ee ciyaara kubbadda cagta kuna sugan dalka Austria ayaa ku guulaystay koobka klasse zillertal wuxuuna laacibkan ku haminayaa in guul waaweyn ka gaaro xirfadda kubbadda cagta. 12-Juun 2019-Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada munaasabad dhiirrigelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Orodyahanadii wadanka u soo hooyay guulaha kuwaas oo tataramo kala duwan kaga qeyb galay yurub iyo Afrika. Munaasabaddan ayaa waxaa lagu abaalmariyay oradyahanada kala ah Cabdullaahi Jaamac Maxamed, Cabdisalaam Maxamed Axmed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaalmaha hore ka galay tartarmo kala gedisan oo ka dhacay wadamada Jubuuti iyo Rwanda. 13-Juun 2019-Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Awow Shiikh Suufi ayaa magaalada Baydhabo ka furay tartanka ururuka kubbadda cagta Koonfur Galbeed ee (South West State Super League) waxaana tartankan ka qeybgalay ilaa 8-koox oo u diiwaangashan xiririka kubbadda cagta Koonfur Galbeed waxaana qabsoomada iyo abaabulka howshan door wacan ka ciyaaray waxaada horomarinta maamul goboleedyada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta. 13-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti iyo iyo guddoomiyaha Isboortiga gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish ayaa soo xeray tartanka u socday caruurta agoonta Ciidanka booliska iyo Asluubta Soomaaliyeed,maamulka Gobolka ayaa caruurta ciidanka booliska iyo kuwa Asluubta ee tartanka ka qayb galay ku abaalmariyay abaalmarino laacaged. 14-Juun 2019-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdirahman Cumar Cusmaan ( Injineer Yariisoow) ayaa soo xeray tartanka kubbadda Cagta oo ka socday degmada Kaaraan waxaana koobkan ka guulaytsay kooxda kubbadda Cagta Jabuuti oo ka dhisan degmada Kaaraan. 15-Juun 2019-Daadir Amiin Cali Raage ayaa kooxdiisa Elman u dhaliyay goolkiisii u horeeyay tan iyo markii uu kusoo biiray 17-November 2018 wuxuuna gool laad ama (Free Kick) ,isagoo ka dhaliyay kooxda Dekedda,xili Elman ay 2-0 kaga badisay Dekedda. 16-Juun 2019­-Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ka shaanaya waxyaaalaha kala duwan ee naadiga ayaa sanadkii labaad hindisay mashruuca dhisida da’yarta kubbadda cagta kuwaas oo loo diyaarinayo ka mid noqashada horomarka kooxda iyo sidoo kale in ay ka faa’deestaan naadiyada ka dhisan dalka iyo xulka qaranka. 17-Juun 2019-Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland,agaasimaha wasaarada iyo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Puntland Maxamed Cali Ciise (Ciiro) ayaa Degmada Boocame ee Gobolka Sool kusoo xeray koobka u socday kooxaha horyaalka heerka 1aad ee demada Boocame ee gobolka Sool 18-Juun 2019-Guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Elman Cabdirisaaq Faarax (Garooje) ayaa bogaadiyay isku xir wanaagsan ay ciyaartooyda kooxdiisa muujiyeen dib ay usoo celiyeen hanaanka kooxda ka dib markii ay ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee horyaalka Somalia Preimie League 2018-2019. 19-Juun 2019-Kooxda Heegan ayaa la shaaciyay in ay ka qeyb galayso koobka bariga iyo bartamaha Afrika waan markii 2aad ay ka qeybgalayso mudo dhan afar sano gudahooda,maadaama kooxdan sanadkii 2015 ay ku guulaystay horyaalka Soomaalia Premier League. 20-Juun 2019-Kooxaha kubadda cagta Horseed iyo Dekedda oo ku loolamayay hanashada horyaalka Somalia Premier Legue 2018-2019 ayaa kulankoodii 2aad ee xili ciyaareedka ku kala baxay barbaro 1-1,balse kulankaa waxaa loo diiwaan geliyay kulankii ugu taageeraha badnaa horyaalka Somalia Premier League fasal ciyaareedka 2018-2019. 21-Juun 2019-Gudoomiye ku Xigenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale iyo guddoomiyaha isboortiga gobolka Banaadir Xasan Yabarow Wiish ayaa ka furay tartan kubada Cagta oo loo qabanayo 6da waxood oo ka tirsan waxyaha Degmada yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. 20-Juun 2019-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng.Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan( oo ay wehliyaan madaxda Gobolka Banadir ayaa degmada Boondheere kusoo xeray tartan u socday dhallinyarada degmada,guddoomiye Yariisow ayaa bogaadiyay is-dhaxgalka bulshada ay wadaan madaxda ciyaaraha degmooyinka. 22-Juun 2019-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo wasiirka ciyaaraha dowladda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dhagax-dhigay dhismaha Wadada u dhaxeysa Isgoysyada Cali Kamiin & Ifka Xalane ee Magaalada Muqdisho.Wadadaas oo kala kala tirsan Wadooyinka Warshadaha iyo Soddonka ayaa hormarta Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho 23-Juun 2019-Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani iyo Xiriirayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga iyo Hey’adaha Caalamiga Injineer Baana Cabdalla Cali ayaa ka qeyb galay Shiweynihi 17-aad ee Xiriirka kubadda Koleyga qaaradda Afrika kaasoo lagu dooranaya hogaanka cusub ee kubadda Koleyga Qaaradda Afrika ee afarta sano ee soo socota iyo hogaamiyaasha heer Zone ee qaaradda kaasoo ka dhacay dalka Mali. 24-Juun 2019-Caadil Nuur Cali ayaa guul ugu horeeyay horyaalka Somalia Premier League u dhaliyay kooxdiisa Dekedda,isagoo kaga soo biiray naadiga dowladda hoose ee Muqdisho City Club. 25-Juun 2019-Gudoomiyaha isportiga Gobolka Benadir Xasan Aadan Xaaj Yabarow ayaa kormeeray garoonka qoob dooro ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Kormeerkaan oo ahaa mid uu ugu kuur galaaya habsami u socodka iyo dayactirka ka socda garoonka kormeerkaan oo qeyb ka ah hormarka sportiga iyo dib u soo noleynta Garoomadi burburay. 26-Juun 2019-Kooxda Kubbadda Cagta L.L.P Jeenyo ayaa u laabtay horyaalka heerka 2aad ee (Division 1),ka dib markii ay ku dhameestay kaalinta 10-aad ee kala horeynta horyaalka Somalia Premier League 2018-2019. 27-Juun 2019-Cayaarahanka Liverpool, ee kasoo jeeda dalkeena Cabdi Shariif, ayaa kooxda England u saxiixay qanadaraaskii ugu horeeyay,ee heerka kooxda waaweyn,ka dib markii uu Liverpool tababar la bilaaway,isagoo jira 6-sano iminkana waxaa loo arkaa mid wax badan kusoo kordhin kara kooxda Reds. 28-Juun 2019-Feysal Axmed Xasan oo ka tirsan kooxda dowladda ee Muqdisho City Club ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay horyaalka Somalia Premier League,xidigan ayaa ka ka mid ahaa dhallinyaradii dalka usoo gaaray ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada. 29-Juun 2019-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xirirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa guul u rajeeyay kooxaha kala ah Heegan,Dekedda,Muqdisho City Club iyo Horseed oo sanadkan ka qeyb galay tartamada kala duwan ee qaarada Afrika,Dekedda ayaa ka qeybgalaysa Caf Champains League,Muqdisho City Club ayaa iyadana ka qeyb galaysa Caf Confederation,Heegan ayaa qeyb ka ah tartanka Cecafa,halka xidigaha,Horseed ay iyagana ka qeybgalayaan tartanka Jamaacatul Carabta waana mudo dheer ka dib afar koox ay safaro u aadan dibadda. 30-Juun 2019-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday garoonka kubbadda Cagta Dhuusamareeb,Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la jimicsaday dhallinyarada garoonka ku qaadanaysay tababar wuxuuna dhallinyarada ciyaaraha ee dhuusamareeb u sheegay in ay dowladda dib u dayactir ku samaynsano garoomada kubbadda cagta dhuusamareeb,si ay dhallinyarada ay xirfadooda ugu soo bandhigaan goobo casri ah. Halkan Ka Daawo Warbixinta Dhacdooyinka Bisha Juun 2019 Oo Muuqaal Ah W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com