Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,899
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhoobley (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in qaraxa ay ku dhinteen dad rayid ah xalay uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay inuu haleelay gaari siday Caano oo ay la socdeen dadkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kalen oo ka mid ahaa rakaabkii la socday gaarigaasi. Lama oga sababta loo beesaday gaarigan, balse inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo Miino waddadaasi kula eegta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan qaraxaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa qeybo ka mid ah gobollada Jubbooyinka howlgallo ka waday ciidamada huwanta, iyaga oo weeraro kala kulamayay Al-Shabaabh. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Isniinta maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz. Wasiir Sadiiq Warfaa oo uu waheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa wada-hadal la yeeshay safiirka dowladda Turkiga,ayada oo wada-hadallada diiradda lagu saaray heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga. Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.”Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka.” ayuu yiri wasiir Sadiiq.Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay safiirka dowladda Turkiga dedaalada socda ee la xiriira harumarinta shaqaalaha ,taaso uu sheegay in lagu gaarayo helista shaqaalo xirfad wanagsan u leh howl fulinta qaranka,waxaana uu boggaadiyay garab istaaga dowladda iyo bulshada Turkiga ee Soomaaliya, isagoo marka sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xiriirka wanagsan ee labada dal in ay uga faa’iideysato sidii dalka uu mar kale usoo kaban lahaa. “Farriinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee an ku howlgalno ayaa ah in qarankan loogu shaqeeyo sidii uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa, Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu ku daray wasiir Sadiiq. Safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa caddeeyay dowladda Turkiga inay saxiixday heshiiska is afgaradka oo marka uu ka soo dhammaado dhinaca dowladda Soomaaliya la guda-gali doono fulintiisa, waxa uu inta ku daray dowladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya. Ambassador,Mehmet Yılmaz ayaa sidoo kale ku dhiirrigaliyay wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna marka u xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed. Wada-hadallada ayaa marka ay soo dhammaadeen , waxaa wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo safiirka dowladda Turkiga ay si wadajir ah u kormeereen qeybaha ay ka koobantahay wasaaradda,waxaana dhismayaasha qaar laga arkayay raadadkii ay ku reebeen weerar argagixiso oo wasaaradda ka dhacay dabayaaqadii bishii Maarso,waxaana wasiirka uu u caddeeyay safiirka inaysan ku niyad-jabin oo si isxilqaan ah ku dhiseen qeybo muhiim ah u ah wasaaradda,howlaheedinna ay si joogta ah u socdaan. View the full article
  3. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-090719.mp3 View the full article
  4. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) commanders ended their three-day meeting in Mogadishu on Monday featuring further enhance coordination with the Somali security forces to implement the transition plan. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay booqashadii uu magaalada Garowe ku tahay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrumaha Soomaaliya James Swan. UNSOM ayaa shaacisay in booqashadani ay aheyd tii ugu horreysay ee James Swan ku tagay meel ka baxsan Muqdisho, tan iyo markii dhawaan loo soo magacaabay xilkaasi. Sidoo kale UNSON ayaa sababta uu Puntland ku doortay inuu ku bilaabo safarkiisa ku sheegtay inay tahay maamulkii ugu horreeyay ee Soomaaliya, islamarkaana hormarao ka gaaray dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha. “Waxa uu u doortay Garowe in booqashadiisii ugu horeysay ay noqoto ayaa ah iyadoo Puntland ay tahay Maamul goboleedka ugu horeeyay ee laga dhiso Soomaaliya sanadkii 1998dii,isla markaana hogaamiyaasheeda ay door weyn ka ciyaarayaan horumarka dhinaca federalka ee socda.”ayaa lagu yiri qoraalka. Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) oo yeeshay kulan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Sidoo kale kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday xiisada dagaal u dhexeysa maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoona James Swan labada dhinac uu ugu baaqday in wax weliba ay ku dhammeeyaan wada-hadal, si looga gaabsado in markale ay dagaalamaan. “Waxaan ku faraxsanahay booqashada Puntland waxaana aan la qaatay wadahadal miro dhal ah Madaxweyne Deni iyo xubno ka mid ah maamulkiisa. Waxaan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya ee gobolada Sool iyo Sanaag.”ayuu yiri James Swan. Shalay ayey aheyd markii ay Puntland si diiran u soo dhaweysay wafdigani ka socday QM, kaas oo uu hoggaaminayey Ambassador James Swan.
  6. Authorities in Pakistan say counterterrorism forces have arrested a man who funding for al-Qaeda militants under the cover of a non-governmental organization. Source: Hiiraan Online
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ay ku dhinteen dad shacab ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu qabsaday gaari Hoomey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah. Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Gaariga ayaa xilliga qaraxu haleelay marayay nawaaxiga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in gaariga uu siday Caano uu ka soo qaado tuulooyin hoos yimaada degmadaasi. Ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay qaraxani ay waxyeelada ka soo gaartay dadkaasi Rayidka ah. Lama oga waxa loo beesaday gaarigaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa dhabaha qaraxyo Miino u galiya ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka howlgalla halkaasi. Al-Shabaab ayaa weli ku xoogan deegaanada Jubbaland, waxaana inta badan weeraro ay ka fuliya gudaha maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  8. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya (UNSOM,) oo looga warbixiyay socdaalkii shalay uu Garoowe ku yimid wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa lagu amaanay doorka shariifka ah ee madaxdii kala dambaysay ee Puntland ay ka ciyaartay, dib u-dhiska dowlanimada Soomaaliya iyo hirgelinta hannaanka Federaalka tan iyo markii la aas’aasay Puntland sannadkii 1998-dii. “Wuxuu doortay in Garowe ay noqoto halka ugu horreyso ee uu booqdo ee ka baxsan magaalo madaxda qaranka sababtoo ah Puntland waxaa dhidibada loo aasay 1998-kii, taas oo ka dhigeysa dowlad goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya ee federal ah. Madaxdeedu waxay dowr muhiim ah ka cayaareen oo ay gacan ka geysteen horumarka socdo ee hanaanka federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed Af-Soomaali ku qoran oo ka soo baxay UNSOM. War-saxaafadeedka waxaa kale oo lagu sheegay, in Mr Swan uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay shaqada hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay ay ka hayaan degaannada Puntland oo isugu jira kaalmada banii’aadanimo ee xaaladaha deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee mudada dhexe iyo mudada fog, waxaana lagu xusay in hawlgallada Qaramada Midoobay iyo sanduuqyadeeda maal-gelinta ay gacan ka geysteen dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowladda Puntland iyo sarreynta sharciga. “Md. Swan ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda iyo ku-haboonaanta ay leedahay shaqada bahda QM ay hawlo kala-duwan oo ballaaran uga hayaan Puntland, hawlahaas oo iskugu jira kaalmada bani’aadanimo ee xaaladaha degdega ah ilaa mashaariicda horumarineed ee muddada dhexe iyo muddada fog. Hawlgallada QM iyo hay’adeheeda, sanduuqyadeeda maal-gelinta, iyo barnaamijyadeeda waxay gacan ga geysteen dadaallada ay hay’adaha Puntland ku horumarinayaan tayada hay’adaha, ku xoojinayaan sarreynta sharciga, ku hagaajinayaan horumarinta waaxda hab-nololeedka (livelihood sector), ku fududaynayaan dib-u-heshiisiinta siyaasadeed, iyo hawlaha kaleba” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu soo qaaday xiisadda u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ee ka jirta gobollada Sool iyo Sanaag, taasi oo ay shalay ka wada-hadleen madaxweynaha Puntland iyo wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaana sida war-saxaafadeedka ku cad uu Mr Swan walaac ka muujiyay xiisadda sii kordhaysa ee ka aloosan Sool iyo Sanaag, isagoo madaxda Puntland iyo Somaliland ku boorriyay in ay xal u raadiyaan khilaafkaasi. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo Puntland ku amaantay sida ay dowladnimada uga hirgelisay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Todobaadka soo socdo u safri doono Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Sida illo lagu kalsoonan karo ay xaqiijinayaan Madaxweynaha ayaa halkaas kula kulmi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Kulanka labada Madaxweyne ku dhex mari doono Adis Ababa ayaa waxaa gadaal ka riixeyso Dowladda Mareykan oo dooneysa in arrinta muranka badda labada dal wada hadal ka galaan. Dowladda Mareykanka ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan Muranka dhanka Badda ee u dhaxeeyo labada dowladood, wuxuuna Safiirka Mareykanka u fadhiyo Kenya ku baaqay in miiska wada hadalka la fadhiisto. Safarka uu Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde ku imaaday Muqdisho ayaa hor dhac u ahaa kulanka labada Mas’uul waxaana la sheegay Inuu Shiddo farriin soo gaarsiiyey Madaxweyne Farmaajo. Sida illo wareedyo rasmi ah xaqiijiyeen farriinta uu Axmed Shidde kasoo qaaday Abiy Ahmed ee uu soo gaarsiisay Farmaajo ayaa ujeedkeeda ugu weyn wuxuu ahaa dadaalada uu labada dal ka dhex wado iyo sidii wajiga labaad ee kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya loo qaban lahaa. Kulanka Uhuru Kenyatta iyo Farmaajo ayaa waxaa la filayaa inuu Adis Ababa ka dhaco 13-ka bishaan oo ku beegan Sabtida soo socoto. Lama ogo go’aanka uu Farmaajo qaadan doono marka uu la kulmo Uhuru Kenyatta, balse falanqeeyaasha siyaasadda ayaa aaminsan in cadaadis xoog leh lagu hayo Farmaajo ayna macquul tahay inuu madaxweynaha aqbalo go’aanka lagu dhex dhexaadinayo labada dhinac isla markaasna la joojiyo dacwadda taalo maxkamadda ICJ. Inuu jiro wadahadal dhex mari doono labada dhinac iyo in kiiska Dacwadda la xirayo ayaa hadal heynteeda waxay socotay muddo badan, waxaana siyaasiyiinta sheegay inay wadahadalo u socdaan Soomaaliya iyo Kenya kamid ahaa Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka digay inay dowladda aqbasho wadahadalkaas taasoo sabab u noqon karto inay Soomaaliya lumiso badeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. They could be your Uber driver or the security guard at a local airport. The elderly neighbor living next door or the operator of the neighborhood ice cream shop. They came to the United States from all corners of the globe -- Somalia, Rwanda, El Salvador, the Balkans, Germany, Iraq -- claiming to have been persecuted. In reality, they were the persecutors. Source: Hiiraan Online
  11. Somalia and Kenya should avoid descending into a diplomatic row over their maritime boarder dispute in the Indian Ocean, according to a former leader. Source: Hiiraan Online
  12. Somali militant group al-Shabab has executed 18 people since Wednesday, an unprecedented rate of executions for the group, which is under pressure from U.S. airstrikes. Source: Hiiraan Online
  13. Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacmeen dagaallo culus oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday tuulooyin hoosyimaada degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag. Dagaalka oo u dhexeeya laba beelood oo halkaasi wada-deggan ayaa soo bilowday maalin ka hor balse sida la sheegayo waxaa xooggiisu dhacay isniintii shalay oo dagaalku ku fiday degaanno horleh islamarkaana labada malayshiya-beeleed ay isu adeegsadeen hubka culus. Dad kala duwan oo ku sugan tuulooyin ka tirsan Ceel Afweyn ayaa soo sheegay in dagaalkii Isniintii shalay halkaasi ka dhacay uu khasaare badan gaarsiiyay xoola-dhaqatada miyiga iyo bulshada ku nool tuulooyinka hoos yimaada Ceel Afweyn iyo Dararweyn oo ka tirsan galbeedka gobolka Sanaag. Qaar kamid ah degaannada lagu dagaallamay ayaa la soo sheegayaa in uu ka bilowday bara-kac baahsan iyadoo dadka rayidka ah ay u baxsanayaan tuulooyinka ka fog dhulkaasi dagaalku ka socday labadii maalmood ee la soo dhaafay. Sidoo kale gurmadka ay helayaan labada malayshiya-beeleed ayaa sii xoogaysanaya waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu sii socdo maadaama aysan jirin cid kala dhex gashay labada ciidan. Dhinaca kale Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in ay ka gaabisay joojinta dhiiga shacabka ee isku qubanaya balse xukuumadda ayaan weli ka hadlin dagalkaasi. PUNTLAND POST The post Dagaalkii Ceel Afweyn oo sii xoogaystay dhimashada iyo dhaawaca oo ka badan 50 ruux appeared first on Puntland Post.
  14. DESPITE the risks posed by deadly routes across the Mediterranean, unscrupulous agents facilitating the movement of migrants and hostile legislation by European government, African nationals continue streaming into Europe in search of greener pastures. Source: Hiiraan Online
  15. Local officials rolled out a vision for an “African village” in Cedar-Riverside last month, but not all neighborhood residents agree the project is best for the community. Source: Hiiraan Online
  16. Amazon's annual Prime Day is just around the corner, and as has been the case with previous Prime Days, some of the retail giant's workers will be going on strike during the event to protest their poor working conditions. Source: Hiiraan Online
  17. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) commanders ended their three-day meeting in Mogadishu on Monday featuring further enhance coordination with the Somali security forces to implement the transition plan. Source: Hiiraan Online
  18. Wilfried Zaha secured a 1-0 win over Mali for Ivory Coast with a late goal in their Africa Cup of Nations last-16 clash in Suez while Tunisia also advanced with a penalty shootout victory against Ghana – and are in the quarter-finals despite having drawn all four of their matches so far. Source: Hiiraan Online
  19. Gaalkac (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ku hoyday Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyaga oo safar dhinaca dhulka ah shalay gelinkii dambe uga ambabaxay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa tan iyo xalay waxaa ay kulamo ka wadaan Gudaha Magalada Gaalkacyo,iyaga oo la kulmay Maamulka degmada iyo kan Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug. Maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu la kulmo Odayaasha iyo Waxgaradka Magalada Gaalkacyo, iyaga oo kala hadli doona tabashada ay ka qabaan dowladda Federaalka iyo dhismaha Galmudug mideysan. Shalay Odayaasha dhaqanka degamada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa diiday in ay la kulman Ra’iisul wasaare Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo saakay gaaray Cadaado. Odayaasha ayaa la sheegay in ay iska diideen lakulanka Ra’iisul wasaaraha waxa ayna ku eedeeyeen in uu uga baxay balan hore oo ay sheegeen in lagaleen haatana aysan la kulmi doonin ilaa uu fuliyo balantii ay la galeen. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa intaas ka dib la kulmay siyaasiyiinta deegaanka waxa uuna ka codsaday in la taageero qorshihiisa Galmudug sidoo kalena lala kulan siiyo odayaasha balse siyaasiyiinta ayaa u sheegay Ra’iisul wasaare Khayre in talada reer Cadaado ay ka go,do odayaasha dhaqanka. Balse waxaan weli la ogaan Karin in Odayaasha Dhaqanka Magalada Gaalkacyo ay dhankooda Ra’iisul Wasaaraha la kulmi doonaan,waxaana Warar soo baxayay ay sheegayeen in Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo ay shuruud uga dhigeen la kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu ka warsugo kulan 10-k Bishaan ay Gaalkacyo ku yeelanayaan Odayaasha & Waxgaradka Gobolka Mudug. Xaalada Maamulka Galmuudg ayaa weli waxaa ay u muuqataa mid aan hagaagin,waxaana jira tabashooyin ay qabaan Beelaha qaar ee dega deegaanada Galmudug,waxaase xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku guuleystay in Ciidamadii Ahlusunna la qarameeyo kuna biiraan kuwa dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  20. Iran warned world powers they will not be able to negotiate a better deal than the landmark 2015 nuclear agreement, as the United States vowed the Islamic Republic will never acquire an atomic weapon Source: Hiiraan Online
  21. [Istanbul] The Turkish currency took a hit on Monday as markets reacted for the first time since President Recep Tayyip Erdogan fired the head of the central bank on July 6, a move that will increase concerns over the independence of the country’s monetary policy, analysts have told The Media Line. Source: Hiiraan Online
  22. Xarakada Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday magaalada Muqdisho kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi. Al-shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee magaalada Muqdisho loo magacaabay Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab. Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaadada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017. Al-shabaab ayaa maamul ahaan laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen boqollaal ruux. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo guddoomiye cusub u magacowday magaalada muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injireer; C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow), oo Xalay guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda ayaa sheegay in ay laamaha ammaanku fashiliyeen qarax iyo isku day weerar, isagoo sidoo kale ku ammaanay Shacabka Muqdisho oo ciidamada ku wargeliyay qaraxyada la fashiliyay. Wuxuu sheegay in ay maamulka Gobolka, Degmooyinka, hay’adaha ammaanka iyo Shacabkuba isku xireen, taas oo sababtay in ay Habeen kasta qabtaan Shir looga hadlaya ammaanka Caasimadda iyo halka uu marayo. Mas’uuliyiinta ayuu faray in ilaaladooda ay qaataan lebiska lagu yaqaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray Askarta Millitariga ah ee Tuutaha ku mara dariiqyada , isagoo u soo jeediyay in ay isu sheegaan Ciidanka ammaanka ee Waddooyinka ka howl gala, si aysan ugu soo dhex dhuuman Argagixisada Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa Dadka leh Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ugu baaqay in ay samaystaan aqoonsiyo, is diiwaan geliyaa haddii ay iska iibinayaanna ay ka beddelaan Magacooda, haddii kale ay ciqaabteeda dusha u ridan doonaan. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Guddoomiye Yariisow oo awaamiir dul dhigay ciidamada ka hawlgala Muqdisho appeared first on Puntland Post.