-
Content Count
208,899 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
African Continental Free Trade Agreement African leaders agree on an continent-wide free trade zone, which encompasses all African nations except for Eritrea and Somaliland. The various European territories located in Africa are also excluded. It will be the largest free trade zone since the creation of the World Trade Organization. It took African countries four years to agree to a free-trade deal in March. The trade zone will unite 1.3 billion people, create a $3.4 trillion economic bloc and usher in a new era of development across the continent. Reported by DW Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Jamhuuriyadda Somaliland oo hadda sideed iyo labaatan Sannadood jirtay, waxaa Xukunka si nabadgalyo iskaga dambeeyay Shan madaxweyne kuwaasi mid waliba waayaheeda iyo wakhtigeeda lasoo qaatay. Waxa ay shacabka Reer Somaliland farta afka ku hayeen oo walaacii ugu cuslaa soo waajahay, Hogaaminta labadii Madaxweyne ee u dambeeyay Siilaanyo Iyo Muuse Biixi oo hadda xukunka haya. 7-sannadood oo Madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo dalkan haystay oo aanay Somaliland mahadin, iyadoo bulshada laga dhaadhiciyay inuu tamar gabay islamarkaana hogaamintii dalku gacan kale u gashay, waxa wakhtigaasi uu Siilaanyo dalka Xukumayay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen guud ahaan Sumcadii Somaliland iyadoo wakhtigaasi la sheego in hantidii ugu badnayd ee maguurtada ahayd iyo lacagtii ugu badnayd dalka laga dhacay, waxayaabaha ugu culus ee illaa hadda xal loo laayahay waxa ka mid ah “Hawadii Somaliland” oo ay lacag ku badesheen islamarkaana Dawladda Soomaaliya u saxeexeen inay la wareegto iyo arimo badan oo kale oo lafjab ah. Waxa sidoo kale dalka ka dhacay dagaalo beeleedyo illaa maanta dalka kasii soconaya kuwaasi hab siyaasaydan u socday islamarkaana dhiig badani ku daatay. Sidoo kale, 2-sanadood oo Madaxweyne Biixi dalkan hadda maamulayay, waxa uu gud madaw ku riday guud ahaan sumcaddii iyo hanaankii hogaamineed ee Dalkani, waxaanu dalkii iyo dadki ka dhigay goob murugo iyo wal wal hadheeyay. Madaxweyne Biixi oo lagu xanto inaanu qorshe siyaasadeed oo uu udejisnaa aanu jirin markii uu dalka la wareegay, ayaa waxa uu haatan dalkii ka laad laadaa haadaan,taasi oo keentay in xiitaa Mucaaridkii iyo siyaasiyiintii kasoo horjeeday ay aamus doorbidaan, si ay ugu tudhaan dalka oo aanu u burburin…. Losoco Qaybo Dambe OO Xiiso Leh…. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ku xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Jamaal Jaamac Xaamud ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu xilka ka qaado Maxamed Kaahin wasiirka arrimaha gudaha waxaanu ku eedeeyay in uu yahay masuul ku fashilmay hawsha wasaaradda arrimaha gudaha. Waxa uu ka hadlay dhibaatada colaadda soo noqnoqotay ee aagga Ceelafweyn. “Ciiddanka Ceerigaabo hadda(Isniin) ka baxaya waxay ahayd in ay shalay baxaan ilayn xabaddu shalay bay dhacday oo habeenka isugu dumaye, haddii shalay (Dorraad) la bixi waayay waxay ahayd in xalay la baxo laakiin, hadda ayaa la baxaya waa masuuliyad xumo dawladda ah, waa masuuliyad xumo wasiirka arrimaha gudaha ah, madaxweynuhu maaha in uu ka xishoodo oo yidhaa hebel meel ku ixtiraam haddii hebel hawshiisa ka soo bixi waayo waa in uu hebel ka baxa meesha oo qof kale oo ka soo baxaya la geeya haddii ay noqoto hebel ku daa ama hebel ku ixtiraam dee way isla dumaysa Somaliland, marka waxa aanu leenahay madaxweyne arrimaha guduhu way fadhidaa, fadhiid bay noqotay, hawsheedii bay gabtay ee Maxamed Kaahin ha kula joogo madaxtooyada laakiin, cid wax ka qabata arrimaha gudaha u dhiib, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Colaada Deegaanada Ceel-Afweyn Iyo Agageerkeeda Dadkeenii Way Ku Madheen , Gurmadna Inaguma Yara E , Ma Mashruuc Baa Tolow Waa Yaabe ? !!! ( Masuuliyiinta Dawlada Iyo Oday Dhaqameedkii Deegaanadaa Ee Intaas Oo Goor Arinkaas Galay Ee Waxba U Qabsoomi Waayeen Maanta Yaanay Galin , Hana Iska Casilaan Masuuliyadaha Ay Hayaan ) Ceel-Afweyn waxa ay u baahan tahay; 1- Gurmad dhiiga dadka iyo colaada lagu qaboojiyo, 2- Fulin waxii lagu heshiiyey cidii jabisay lagu qaado, 3- Go’aan Kama dambays ah oo laga soo saaro Amniga iyo nabadgalyada dalka waxa ka masuul ah xukuumada oo ay tahay in ay ka hortagto waxkasta oo amni daro ku keenaya dadka reer somaliland si ay u ilaaliso dhiigooga iyo dhaqnaantooda oo ay ugu noolaadaan nabadgalyo iyo xasilooni waarta. Xaalada deegaanada Ceel-Afweyn iyo agagaarkeedu waa boog ku taalla qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo aan si wanaagsan loo bogsiin , Somalidu waxa ay ku maah-maahdaa xisaabi hadii ay xidhmi waydo wax baa ka maqan ama waxbaa ku dheeraad ah , haddaba dhibaatada soo noqnoqotay ee boqolaalka qof ku dhinteen boqolaalka kalena ku dhaawacmeen ma mid xal loo waayeybaa? Ilama aha in xal loo waayey ee milil guudkii lama dhayo e meeshaa waxa ku jira ee dadka dhiigooga u qabanayaa waxa ay iila muuqataa in marwalba iyada oo wax qabyo yihiin la yidhaahdo waala heshiiyey, waayo hadii heshiis aan hugun hoose iyo cadaalad daro aan cidi tirsanayn waa lagu kala bogsan lahaa baan qabaa , inkasta oo waxa meesha ka socdaa camal shaydaan yahay. Waxa aan u soo jeedinayaa dadka walaalaha ah , ilmaabtiga ah , habrawadaaga ah , walaalaha ah ee ilmaadeerka ahi in ay colaada joojiyaan oo aanay halkaa dhaafin , dad meel kala tagaya am ihidin, cadaw kala cadgoosanaya ma tihidin ee waxaa aad tihiin ab iyo isir iswada dhalay oo Alle swt goob kuwada beeray oo iyagu kala beermay. Somalidu barigii hore wacadka oo ah heshiiska way ilaalin jirtay , dhaarta iyo qawlka la is yidhaahdo cidhib xumadeeda ayaa ay dadku baqan jireen oo dad waxa ay galaan aan ka bixin ayey ahaan jirtay , umad dhaqankeeda iyo culimadeeda iyo dawladnimadeeda ilaalisa ayey ahaan jireen laakiin hada mooyi si la noqday. Waxa aan soo jeedinayaa Dadweynaha iyo Dawladaba in aan laga niyad jabin walaaleheena shaydaanku isku qaatay ee dhiigoogu qubanayo ee waa in aynu u gurmanaa oo aan caruur iyo ciroole cidi ka hadhin maanta arinkaa sidii loogu guntan lahaa ee dhibtaasi ay halkaa ugu istaagi lahayd, Waayeelka, aqoonyahanka, culimada, dhalinyarada , haweenka iyo guud ahaan dadka reer somaliland iyo umada muslimka ahiba waa in ay ku kala guntataa dhibaatada ku soo noqnoqotay walaalaha Ceel-Afweyn. Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa dhamaan dadka ka soo jeeda beelaha is dilaya iyo dadkeena kale ba , in aan la buunbuunin dhibaatada iyo mashaqada xun ee halkaa ka dhacday si aanay u noqon fidmo umada kale oo dhan gaadha oo aanay u fidin , ee waa in carab wanaagsan iyo caqli wanaagsan lagaga hadlaa arinkaa Ceel-Afweyn oo cagta loo dhigaa. Waxa aan u soo jeedinayaa masuuliyiinta ka soo jeeda deeganadaa ee ku fashilmay in ay dadkoogii in ay wax ka qabtaan , waxgarad iyo kuwa masuuliyada maamul leh ee qaabilsan nabadgalyada guud iyo ta deegaankaasiba in ay is casilaan maadaama ay ku guulaysan waayeen in ay dadkoogii nabadgalyo iyo xasilooni ku qancin Kari waayeen oo aan cidina u qabsoomayn dhibtiina istaagi wayday. Waxa aan iyagana u soo jeedinayaa odayada dhaqanka iyo waxgaradka deegaankaasi in ay faraha ka qaadaan hawshaa nabadaynta deegaanadaa maadaama aanay dadkoogii u qabsoomayn dhibaatadiina ay noqotay mid aan dhamaanayn oo iska daa deegaanadaasiye looga baqayo in ay Somaliland inteeda kale gaadho oo cabsi wayn galisay guud ahaan qarankii. Waxa aan u soo jeedinayaa xukuumada iyo goleyaasha qaranka ee somaliland in ay qaadaan talaabooyin maamul oo isbadel muuqda ka dhaliya deeganadaa ay dhibaatadu haysato , iyada oo xooga la saarayo marka ugu horeysa in la kala qaboojiyo oo la baajiyo dhiiga dadka walaalaha ah , marka labaad cidii jabisay heshiisyadii la galay laga qaado talaabo adag , cidii u saxeexdayna jeelasha lagu guro si nabadgalyo loo dhaliyo waarta oo ay fulin dawladeed u muuqato. Marka ugu dambaysa Waxa aan u soo jeedinayaa guud ahaan dadka Somaliland in ay gurmadaan oo wanaag ku gurmadaan oo duco ku gurmadaan oo caqli ku gurmadaan oo aduunyo ku gurmadaan oo arin ku gurmadaan oo fadhiga laga kaco oo aan cidna lala safan ee meeshaasi cadaalad iyo run bay u baahan tahaye dhayda laga cadeeyo waxa meesha ku jira oo lagu Alle bariyo si aanay dhibtaasi inoogu soo noqon insha Allah. Allow kala qabooji oo baaji dhiiga dadkayga iyo dhiilada colaadeed Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Source
-
(SLT-London)-Xoghayaha Arrimaha ka bixitaanka dowlada UK u qaabilsan midowga Yurub Stephen Barclay ayaa sheegay in waajib ay tahay in UK ay ka baxdo midowga Yurub. Wuxuu sheegay in Yurub laga doonayo in ay dib u furto wadahadalada kaasi oo ay hore ugu fashilantay Theresa May. Xubnaha baarlamaanka ayaa UK ayaa saddex mar ka hor yimid hanaanka siyaasadeed ee May. Balse Stephen Barclay ayaa sheegay in waajib ay tahay in bisha October ay UK ka baxdo midowga Yurub. Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada London ayaa wuxuu sheegay in heshiis la,aan ay uga bixi doonaan UK. Labada dhinac ayaa wali isku af garan arimo ay ka mid yihiin dhanka is dhexgalka iyo dhanka socdaalka marka ay UK ka baxdo midowga Yurub. Muwaadiniin badan oo ka soo jeeda dalalka Yurub ayaa waxay ku nool yihiin gobolada kala duwan ee Ingariiska. Boris Johanson oo la filayo in uu badalo Theresa May ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in 31 October ay ugu danbeyn doonayaan in ay ka baxaan Yurub. Source
-
(SLT-Nairobi)-Martha Anne Bwore oo ka mid ah Weriyeyaasha Kenya ayaa soo bandhigtay dhibaatada ay la kulmaan Hablaha Da’da yar ee Uur qaada, iyagoon lahayn Aqoon Waaalidnimo oo ay ku xallin karaan dhibaatooyinka la soo dersa qaarkood. Martha Anne Bwore ayaa Waraysi la yeelatay Jael Musumba, waxayna Jael ka warrantay dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulantay Markii Caloosheeda uu Ilmuhu ku abuurmay, waxayna sheegtay inay iska soo ridday illaa 7 Carruur ah oo u Calool galay. Laakiin, dhibaatooyinka haweenka Ugubka ahi la kulmaan ka sakow, waxay Haweenayda la waraystay sheegtay arrin layaab leh, waxayna sheegtay in Marka ay Seexato ay Maqasho Oohinta Carruurtii ay iska soo ridday, arrimahaasi ay Maskaxdeeda ku shidaan wer-wer “7 ilmood ayaan iska soo ridey..” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Oohintooda ayaan Maqlaa markaan seexdo” Haweenaydan waxay sheegtay in Ficillada ay Ilmaha iskaga soo ridday ay ku kacday xilli ay Waxbarasho u joogtay Dalka Hindiya, hase-ahaatee ay arrintaa ka dhaxashay isku buuq maskaxeed iyo wer-wer. Haweenaydan ayaa ka qoomamaynaysa Ficilladaa ilmo iska soo ridka ah ee ay muddada wadday, waxayna hadda door ku leedahay dedaallada lagula dagaalamayo in Habluhu Carruurta iska soo ridaan. Source
-
(SLT-Dubai)-Dowladda Imaaraadka carabta ayaa sheegtay inay dhimi doonto ciidankeeda ku sugan dalka Yemen oo qeybta ka ah isbaheysiga u hoggaaminayo Sacuudiga. Saraakiil ka tirsan Imaaraadka ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidankooda ay la baxayaan maadama Yemen ay u joogaan kaliya nabad Ilaalin ayna hadda soo hageegeyso xaalada Amni. Sababaha aan u joogno Yemen waa in aan sugnaa amniga goobaha Muhiimka ah sida magaalada xeebta ah ee Xudeydah iyo xarumaha dowlada. Si kastaba ha ahaatee lama oga sababta ka dambeysa in Imaaraadka uu dhimo Ciidankiisa ka jooga Yemen ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cadaadis, caburin iyo jirdil aan xad laheyn ayey Ciidamada Booliiska Soomaaliya ka geestaan magaalada Muqdisho maalin walba sida ay xaqiijiyeen dadka ku nool Gobalka Banaadir. Dhalinyaro badan oo Akhyaar ah isuguna jira aqoonyahaano iyo kuwa katirsan Shaqaalaha Dowlada ayey Ciidamada si karaama beel ah ugu jirdilaan xaafadaha Gobalka Banaadir mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinkaas ka jira Muqdisho. Caasimada Online ayaa la hadashay qaar kamid ah dhalinyarada dhibka loo geestay waxayna sheegeen in ay xaalad adag heysato taas oo lagala kulmayo Booliiska Soomaaliya. “Sharaf dil, iyo karaama beel ayaa kala kulanaa Ciidamada mana naqaano cid aan uga dacwoono” ayuu yiri qof ka tirsan dhalinyarada Gobalka Banaadir. “Mararka qaar waxaa ku qabanaysa inaa la dagaalanto wax kasta oo aad heli karto kula dagaasho waayo waxay sameynayaan waa karaamo dil” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay oo naga codsaday in aan qarino magaciisa. Caasimada Online waxay la kulantay dhalinyaro isu diyaarinaya in ay kamid noqdaan Ciidamada Soomaaliya si ay uga nabad galaan qatarta Booliiska halka qaar kalane ay kuu sheegayaan in ay doonayaan in ay ka baxaan Muqdisho maadaama aysan heysan xorriyad iyo amni. Dadka ka foolaada Arimaha amaanka ayaa qaba in dadka oo dhalinyarada oo la caburiyo iyo xorriyadda hadalka oo aan la tixgelin ay sababi karto in dhalinyarada ay kamid noqdaan Kooxaha Argigixisada iyo in ay ka sii fogaadaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya. Dadka ugu badan ee dhibaatada la kulma waa Ardayda wax ka dhigata Jaamacadaha iyo Iskuulada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa ku jira shaqaale katirsan Dowladda Soomaaliya. Si guud jirdilka Muqdisho waxa uu kamid noqday nolal maalmeedka caadiga ah ee Gobalka Banaadir, ayada oo inta badan askarta booliska ay yihiin kuwa aan tababar wanaagsan lahayn, qaarkoodna aysan magaaladab fahamsaneyn oo gobollo kale laga keenay. Jirdilka waxaa sii dheer cabsi gelinta lagu hayo dadka ayada oo mar walba qoryaha la isaga taago, qaarkoodna lagu rido xabado sababa dhimasho iyo dhaawac. Ayada oo ay tahay in ciidamada looga mahad-celiyo sugidda amniga iyo marxaladda adag ee ay ku shaqeeyaan, haddana dowladda federaalka waa inay ka war-haysaa tacaddiyada dhacaya islamarkaana ciidamada siisaa tababar ku filan, kuwa dhibka gaysta ay sharciga marsiisaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Editorial: Has Italy Declared A Diplomatic War On Somaliland? The recent visit to the Republic of Guinea by the Somaliland President Muse Bihi Abdi not only caused mayhem in Mogadishu, but seems to have ruffled feathers in Rome, Italy. Let us be clear, Italy, a former colonial power is a staunch ally of Mogadishu. Always has been and always will be. Successive Italian governments have carried the water for the regime of the late dictator, Siyad Barre, up until the day, ordinary Somalis were climbing the walls of villa Somalia on that fateful day in January, 1991. During the thirty year union of the defunct Somali Republic, Italy never paid much attention to Somaliland. Hargeisa was Anglophile and Mogadishu was Italo centric. In those thirty years, it is near impossible to recall a single project carried out in Somaliland by the various Italian governments. Every dollar went south. Every EU project spearheaded by Italy went south, even the Somali National University curriculum was taught in Italian! Despite this kind of unbalanced treatment in an already unbalanced union, the people of Somaliland never had any ill feelings towards the Italian peoples, who are by nature very simpatico. Their various governments and their policies were a different kettle of fish. The recent attempt to run interference for the ragtag and futile politicians in Mogadishu against the visit to Guinea by President Muse Bihi Abdi marks a new departure. Not only did the attempt to exert pressure on the Guinean government to cancel the visit failed, but Italy lost face in the process, all for the sake of unelected and unrepresentative administration! The moral of the story; what is right and the truth always prevail. Italians will always receive a warm welcome in Somaliland, some even now work and support the local children’s hospital, but please don’t let the bankrupt entity in Mogadishu sully your good name. After more than three decades and billions of dollars spent, Somalia still remains a moral and political vacuum. Somaliland, on the other hand is, however imperfect, a place of hope and aspirations. Qarannews.com Qaran News
-
The UN top envoy in Somalia on Monday visited Somalia’s semi-autonomous region of Puntland where he discussed the ongoing tensions between Somaliland and Puntland over the Sool and Sanaag regions. James Swan, the special representative of the UN Secretary-General for Somalia, said that while in Garowe, he held talks with Puntland president Said Abdullahi Deni and members of his cabinet and called for peaceful resolution of the dispute. “We are concerned about this continuing problem and the sporadic fighting in areas of Sool and Sanaag in recent months,” Swan said in a statement issued after the visit. “That has heightened tensions in the area, and we urge the leaders of Puntland and Somaliland to seek a peaceful resolution of this dispute,” he added. The two regional Somali states have clashed previously since 2002 over control of disputed regions in northern Somalia. Swan, who arrived in Somalia on June 25 to take up his duties as special envoy and the head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), said he chose to make Garowe his first port of call outside the national capital because Puntland was founded in 1998, making it Somalia’s oldest federal member state. He said Puntland leaders have played a key role in contributing to the ongoing development of Somalia’s federal model. “I am pleased to have visited Puntland and engaged in a very constructive meeting with President Deni and members of his administration,” he said. Swan said the UN will work closely with the people of Puntland and the federal member state administration in order to implement the UNSOM mandate and the activities of the entire UN family more effectively, including efforts to support inclusive dialogue among the Somali government and the Federal Member States. Swan noted the relevance of the UN family’s engagement in a wide variety of activities in Puntland, ranging from emergency humanitarian assistance to medium- and long-term development projects. UN missions and agencies, funds and programs, he said, have supported the efforts of Puntland authorities in developing institutional capacity, strengthening the rule of law, improving livelihood sector development, facilitating political reconciliation, and promoting security sector reform and human rights, among others. View the full article
-
A witness says at least four civilians have died and two others wounded in a roadside bomb explosion struck a passenger vehicle near Somalia’s border with Kenya. The bomb ripped through a car ferrying milk from the rural area and heading to the border town of Dhobley in Lower Jubba region of southern Somalia on Monday night. It’s not clear why the civilians have been targeted with the IED, but, the area has been the scene of several ambush and bomb attacks against Kenyan troops by Al-Shabaab. Local Somali officials are yet to comment on the incident which comes amid intensified military operations against Al-Shabaab militants in Gedo province and the border areas. View the full article
-
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) contingent commanders have resolved to further enhance coordination with the Somali security forces to implement the Somali Transition Plan. The commanders, along with their Somali counterparts, met for three days in Mogadishu to evaluate the progress made in implementing the mission’s concept of operations (CONOPS). During the meeting, the commanders also discussed the operational readiness of the Somali security forces, which is crucial to the successful implementation of the Somali Transition Plan. Under the transition plan, AMISOM will transfer security responsibility to Somali security forces ahead of AMISOM’s anticipated exit in 2021. Ambassador Francisco Madeira, the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission (SRCC) for Somalia, commended the Somali security forces for carrying out recent offensives to liberate areas in the Lower Shabelle region. Also, the recent commencement of integrating Ahlu Sunna Wal Jama’a forces into the national army, police, intelligence and custodial corps, is a significant step towards creating unified Somali forces. “This commitment shows that Somalia wants to move forward despite existing challenges. The work of their national forces deserves increased support,” Ambassador Madeira noted. He also commended the federal government and international partners for supporting AMISOM to fulfill its mandate. “I recognize the role our partners are playing in training and creating the conditions necessary for operations to take place. We are implementing the Somali Transition Plan and the AMISOM exit strategy. The progress made so far indicates that we are on track in executing our mandate,” he remarked. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland ka socda Shirar ku aadan Doorashada oo ay qabanayaan Musharaxiinta ku Tartamaya Xilka Madaxweynaha Afarta sano ee soo socta ee Jubbaland , waxayna Kulamada intooda badan ay Musharaxiinta la yeelanayeen Qaybaha kala duwan ee Bulshada Sida Odoyaasha, Culimada, Waxgaradka, Cuqaasha, Haweenka iyo Dhalinyarada Musharax Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo dhawaan Gaarey Magaalada Kiismaayo ayaa Durbaba la kulmey Bulshada nool Deegaanada Jubaland wuxuuna sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto Kismaayo islamarkaana Sannadkaan uu ka mid noqdo Masharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Jubbaland . “Waxaa la gaarey Xiligii Dadka Ku Nool Jubaland ay I dooran lahaayeen waxaan ahay Shaqsigii samatabixin lahaa Jubbaland, waxaan ahay Masuul Hore Xilal u soo qabtey wax badan ka yaqaan Baahida ay qabaan Maamulada Dalka” Sidaa waxaa yiri Musharax Shuuriye oo inta raaciyey. ” Waxaan isku xir ku Samayn doonaa Degmooyinka Jubaland waxaan xooga Saari Doonaa Garsoorka iyo Amniga guud ee Jubbaland si lo helo Ummad Dhinac waliba ka Hormarsan waxaan ka Shaqayn doonaa Adeegyada Bulshada” “Waxaa la gaarey Maalinkii aan saxi lahaa Wixii Qaladaad ah ee hore u dhacay, waxaan Dib u Heshiisiin Dhex Dhigi doonaa Bulshada ku Nool Deegaanada Jubaland oo Baahi weyn u qaba” ayuu yiri Musharax Shuuriye waxaa uu u soo jeediyey Xildhibaanada la soo xulayo ee dooranaya Madaxweynaha Jubbaland in ay Doorashadoodda ku saleeyaan Cadaalad si loo helo Masuuliyiin si Hufan uga soo dhalaala wixii loo doortey oo ah Horumarinta Deegaanada Jabbaland Musharax Shuuriye oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Jubaland ayaa Maalmaha soo socda waxaa uu Magaalada Kismaayo ka soo wadi doonaa Ololahiisa Doorashada sidoo kale waxaa uu kulamo la yeelan doonaa Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Jubbaland si ay isu meel Dhigaan qaabka ugu Haboon oo ay u Dhici lahayd Doorashada. Sidoo kale waxaa jiro musharixiin kale oo gaaray Magaalada Kismaayo halkaas oo iyagana lagu soo dhaweeyey, waxayna arrintaan cabsi ku abuurtay Madaxweyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo culeys badan kala kulmayo Dowladda. Magaalada Kismaayo ayaa hadda ah mid mashquul badan, waxaana ka socdo shirar iska soo horjeedo iyo hardan siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Minister for Labour and Social Affairs, Federal Republic of Somalia Sadik Warfaa held a meeting with Turkish ambassador Mehmet Yilmaz at his office in Mogadishu on Monday. During their meeting, the two sides discussed the country’s ongoing labour enhancements and how both Somalia and Turkey can collaborate in this field. “Honored to welcome Ambassador Mehmet Yilmaz extremely grateful & highly appreciate strong partnership btw our two countries,” said minister Sadik Warfaa in a Twitter post. Somalia’s labour and social affairs minister on Saturday concluded a week-long training on enhancing labour policies and erecting competent workforce in the country. Top regional representatives have attended it View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab guddoomiye cusub ay u magacawday gobolka Banaadir, kaas oo wakiil uga noqon doono howlgallada ay ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha cusub ayaa loo magacaabay Daahir Macalin Salaad, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Ninkan ayaa horay uga tirsanaa sirdoonka Xoogaga Al-Shabaab, sida aan xogta ku helnay. Daahir Macalin Salaad ayaa bedalaya Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al-Shabaab ugu magcawnaa magaalada Muqdisho. Cali Jabal oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab ayaa duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay sanadkii 2017-kii. Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan Al-Shabaab aysan awood muuqata ku laheyn Muqdisho, balse ay ka fuliyaan qaraxyo iyo weeraro toos ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa 2011-kii gabi ahaan Al-Shabaab ka saaray Caasimada, kadib daaallo dhex maray labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaloya Mudane Xasan Calo Khayre ayaa xalay kulamo ka bilaabay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxa uu Ra’iisul wasaaruhu ka qaatay odayaasha dhaqanka, qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta magaaladaasi. Intooda kulamadan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda gobolka Mudug iyo dhibaatooyinka jira magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi. Ra’iisul wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray degmadan, ayaga oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray amaro deg deg ah oo lagu dajinayo xaalada dagaal ee kasoo cusboonatay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag. Madaxweynaha ayaa shalay galankii dambe kulan deg-deg ah la qaatay Saraakiisha ciidamada Somaliland, iyaga oo ka wada hadlay dagaalkaasi ka soo cusboonaday degmada Ceel Afweyn. Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xiranyihiin oo warbaahintu aysan goob joog ka aheyn, ayaa hadana xogaha kasoo baxaya waxay sheegayan in Madaxweyne Biixi uu saraakiisha ku amray inay Ciidamada Milaterigu ay si deg-deg ah u kala dhex-galaan beelaha isku hor fadhiya deegaano ka tirsan degmada Ceel Afweyn. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale wuxuu Saraakiisha u sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalada soo laab-laabtay ee ka soo cusboonaanaya deegaanka Ceel Afweyn, kuwaasi oo ay ku naf waayen dagaalkaasi inta la xaqiijiyay Sagaal qof halka Labo iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen. Warar kale oo aan helayno ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland ay dhowrkii saacadood ee la soo dhaafay ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanadii lagu dagaalamay ee Ceel-Afweyn, iyaga oo fulinaya amarkii Madaxweyne Biixi ee ahaa in ciidamadu kala dhex galaan beelaha isku hor fadhiya deegaanadaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waxaa xoogeystay dagaal u dhaxeeya Laba beel oo wada deggan gobolka Sanaag, kaasi oo ka socda deegaanno duleedka ka ah degmada Ceel-afweyn ee gobolkaasi. Dagaalkaan ayaa xooggiisa dhacay shalay gelinkii dambe, waxaana la sheegayaa in saakay rasaas laga maqlayo deegaanka Duud-caraalle iyo deegaanno kale. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey 25 qof, iyadoo dhaawucuna ka badan yahay 30 kale. Dagaalkan ayaa ah mid soo noq-noqday, iyadoo marar badan ay sidan oo kale Labadan beel u dagaallameen. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland ayaa ammar degdeg ah ku bixiyey in ciidan la kala dhex-dhigo beelahan, mana jirto illaa iyo hadda cid kala dhex-gashay maleeshiyaadkan dagaallamaya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Cabdi Barre Cabdi oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Kheyre ay qas ka waddo deegaannada Galmudug. Wuxuu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu sii fogeeyey dad markii hore uu sheegay iney usoo dhabar adeegeen dhismaha Galmudug. Cabdi Barre ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu u muuqdo qof ku jira ololaha doorashada ee 2020. Dhanka kale, siyaasigan ayaa sheegay in loo baahan yahay iney dowladda dejiso xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, bedalkii ay dab kusoo shidi lahayd waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/xildhibaan-hore-cabdi-bare-yuusuf.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa badashay go’aankeeda ku aadanaa cidda ay u sharaxeyso Doorashada dhawaan ka dhaceyso Galmudug. Ra’isulwasaare Kheyre iyo dowladda oo markii hore la sheegay inay gadaal ka riixayeen Cabdulaahi Faarax Wehliye oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada oo kasoo jeedo Beesha Duduble ayaa hadda wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inuu isbadal weyn ku imaaday go’aankaas. Madaxda ugu sareyso dalka ayaa isku raacay ugu dambeyn in musharaxooda Galmudug uu noqdo Wasiir Axmed Cabdi Qoor Qoor maadaama ay qasab tahay in la qanciyo Beesha Saleebaan oo ka gadoodsan in looga baxay ballan ku aadan inay Cadaado noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayna magaalada ka dhacdo Doorashada Maamulkaas. Qoor Qoor ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta ay ku tashato Nabad iyo Nolol isla markaasna laf dhabar u ah ololaha ay ka wado Galmudug ayey isku raacday inuu noqdo musharaxooda . Qoor Qoor oo kasoo jeedo Cadaado ayaa wuxuu cadaadis xoog leh kala kulmayaa Xildhibaanada ay isku Beesha yihiin oo ay ugu horeeyaan XIldhibaan Odawaa, Sanateer Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Saabir kuwaas oo ku sugan Cadaado isla markaasna meel ku xirtay Odayaasha Cadaado kuwaas oo qorshuhu yahay inay gebi ahaanba qaadacaan inay doorasho ka dhacdo Cadaado. Qoor Qoor iyo Xildhibaano kale ayaa shalay awoodi waayey inay Odayaasha Cadaado ka dhaadhacsiiyaan inay kulan la qaataan Ra’isulwasaare Kheyre, waxayna odayaasha ku xiran yihiin Xildhibaanada mucaaradka. Ra’isulwasaare Kheyre oo Cadaado kulan kula qaatay Siyaasiyiinta Cadaado ayaa ka codsaday inay kala shaqeeyaan Doorashada Galmudug balse waxay u sheegeen in go’aanka Cadaado ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ayna macquul aheyn inay daba maraan. Dhibaatada ugu weyn ee uu Qoor Qoor la kulmi doono ayaa ah inuu taageero ka waayo Odayaasha Cadaado kuwaas oo u arko inuu yahay nin ku shaqeeyo rabitaanka Dowladda isla markaasna aysan uga fadhin inuu u doodo Maqaamka Cadaado. XIldhibaan Odawaa, Sanateer Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Saabir ayaa ku dhagan go’aankooda ah inay Cadaado hesho maqaamkeeda waxayna taas ka saaciday inay gacanta ku qabtaan Odayaasha Cadaado oo iyaga ay dabiiciyanba ka go’an tahay inay Cadaado maqaam hesho ayna marnaba gorgorton ka geli doonin arrintaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xalay wuxuu kulamo kala duwan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadii xalay ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, dib u dhiska iyo iskaashiga dadweynaha. Kheyre oo maalmahan ku sugnaan doona magaalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa inuu booqdo xarumaha ciidamada ee magaaladaasi, halkaasi oo ay ku xareysan yihiin ciidamo Galmudug ah. Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la arkayo ciidamo badan oo ku sugan waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi. Xasan Cali Kheyre ayaa maalmahan dambe wuxuu socdaal ku marayey deegaannada Galmudug, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa Galmudug oo mideysan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/wareysi-caliceyn-gaalkacyo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo waxyeello soo gaarsiiyey dad rayid ah. Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in Miinadan ay la kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo halkaasi marayey. Gaariga ay miinadan la kacday ayaa ahaa sida la sheegay Homey, shalay subax caano ka qaadday degmada Dhoobaley, balse soo noqonkoodii ayeey miinadan haleeshay. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku geeriyootey Shan ruux oo shacab ah, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan yahay. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse Al-shabaab ayaa inta badan miinooyinka sidan oo kale ah ku aaso waddooyinka ay adeegsadaan ciidanka dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo AMISOM. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Shirka amniga Caasimadda oo uu shir guddoomiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay inta badan saraakiisha dhanka laamaha amniga iyo sidoo kale xubnaha maamulka gobolka Banaadir. Intii socday shirkan ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo baaritaanada ka socda magaalada Muqdisho. Gabagabadii shirka ayaa waxaa mas’uuliuyiintii ka qeyb galay ay soo saareen amaro culus oo la xariira amniga Caasimadda, waxaana ay isku raaceen: In mas’uuliyiinta wata ilaalada hadda wixi ka dambeeya aysan xiran karin askartooda dharka Tuutaha ee ciidanka Milatariga Soomaaliya. In milkiilayaasha gaadiidleyda, sida BL-ka, Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isa soo diiwaan geliyaan, si loola socdo dhaq dhaqaaqyadooda. Guddoomiiyaha maamulka gobolka, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka warbixiyay muhiimada shirkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-gobolka-banadir-.mp3 View the full article
-
Maamulka kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ka shaanaya waxyaaalaha kala duwan ee naadiga ayaa sanadkii labaad hindisay mashruuca dhisida da’yarta kubbadda cagta kuwaas oo loo diyaarinayo ka mid noqashada horomarka kooxda iyo sidoo kale in ay ka faa’deestaan naadiyada ka dhisan dalka. Xoghayaha naadiga dowladda hoose xamar Maxamed Cumar Xaashi Muhaa ayaa sharxaad ka bixinaya wax maamulka kooxda ku dhaliyay in ay bilaawaa barnaamijka iyo faa’ida ugu jirta Muqdisho City Club. Maxamed Jeylaani Ajeelow waxa uu ka mid ahaa laacibiintii u soo ciyaartay kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club iminka waxa uu ka mid yahay macalimiinta naadiga waxa aad bogaadiyay barnaamijka dhisidda da’yarta,isagoo sheegay waqtigooda in aysan jirin fursadaha nuucaan oo kale.isagoo dhalinyarada fursadaha helay kula dardaarmay in ay si wanaagsan ugu faa’ideestaan waqtigooda iyo waxa la barayo. Ciise Cabdiqaadir Ibaarihim oo ah kabtanka Muqdisho City Club kuna hadalay magaca ciyaaryahanada kooxda ayaa dhalinta kusoo biirtay mashuuracan u jeediyay hadalo bogaadin ah wuxuuna kula dardaarmay in si wanaagsan ugu faa’ideestaan casharada ay siinayaan macalimiintooda si ay noqdaan jiilka badili lahaa iyaga. Gudoomiyaha tageerayasha naadiga Muqdisho City Club Axmed Salaad Dhiblaawe ayaa u mahad celiyay maamulka kooxdiisa fikraha wanaagsan ay markasta soo bandhigaan ka taageero ahaan ay diyaar u yihiin doorkooda ka qeyb qaadashada horomainta dhisidda da’yartan. Maxamed Axmed Iimaan oo ka mid ah dhallinyarada ka faa’ideesanaya diyaarinta da’yarta M.C.ayaa sheegay in ay kag’antahay in heer wacan ka gaaro kubbadda cagta kuna haminayo in tariikho ka sameeyo ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika. Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo ah la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir kana mid ah mas’uuliyeenta kooxda Muqdisho City Club ayaa sheegay tan iyo marikii ay bilaawayeen fikradan ay kasoo baxeen tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo iminka qeyb ka ah naadiga dowladda hoose iminka ay rajaynayaan in ay ka helaan kuwo kale oo badan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Dhisidda Da’yarta Muqdisho City Club W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay amniga iyo howlgallada ka socda gobolka Banaadir. Shirka oo haa mid xasaasi ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha qaabilsan amniga, masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyey shirkan, iyadoo intiisa diirada lagu saaray, sida looga hortagi karo falalka liddiga ku ah nabad galyada iyo weerarada Al-Shabaab. Sidoo kale intii uu socday shirka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda Caasimada, kuwaas oo ka faa faahiyey weeraradii shalay ka dhacay magaalada Caasimada ah Muqdisho iyo sidii looga hortagay. Intaasi kadib dhinacyada ka qeyb galayey shirkani ayaa isku raacay go’aanno culus oo wax looga qabanayo amniga, waxaana ka mid ah qodobada la’isku raacay: In ilaalada gaarka ah ee mas’uuliyiinta hadda wixi ka dambeeya aysan xiran karin dharka Tuutaha ee ciidanka Milatariga Soomaaliya. In gaadiidleyda, sida BL-ka, Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay ay isa soo diiwaan geliyaan, si loola socdo dhaq dhaqaaqyadooda. Guddoomiye Yariisow oo la hadlay Warbaahinta shirka marka uu soo idlaaday ayaa ka warbixiyay go’aannada ka soo baxay, waxaana ay sheegay in ay dhaqan gelin doonaan. Shirkan oo ah mid joogta ah ayaa ku soo aadaya, xilli shalay weerar toos ah iyo qarax uu ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana weerarka masuuliyaddiisa dhabarka u ritay Al-Shabaab, kaas oo ay ku sheegteen, kuna dhaawacmeen askar iyo dad shacab ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-gobolka-banadir-.mp3