-
Content Count
208,899 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaaciyey inay heleen xog cusub oo sheegeysa in Al-Shabaab gudaha dalkaasi ay la galeen walxaha qarxa. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay abaabulayaan weeraro hor leh oo ay ka geystaan qeybo ka mid ah dalka Kenya. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la qorsheynayo in weeraradaasi ay dhacaan midkood July ama August ee sanadkan. Laamaha amniga, gaar ahaa sirdoonka Kenya ayaa intaasi ky daray in weeraradaasi lala damacsan yahay goobaha Dalxiiska ama meelaha ay dadka ku badan yihiin ee dalkaasi. Kenya ayaa shacabka ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka taxadaraan amnigooda. Sirdoonka dowladda Kenya ayaa dhowr jeer soo saaray digniino ka dhan ah Al-Shabaab oo weeraro xoogan ka geysta dalkaasi. Weeraradii ugu waa weynaa ee Kenya ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah weerarkii Westgate Mall 2013-kii , weerarkii Empkatoni ee 2014-kii, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee 2015-kii iyo weerarkii Dusit D2 ee 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay 3 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Hoteel Naasa-Hablood2 ee M/Muqdisho ,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay. Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Golaha degaanka magaalada Birmingham ee waddanka Ingiriiska ay dal madax-bannaan u aqoonsadeen maamulkiisa Somaliland. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi oo ku hadlaya magaca Somaliland uu hambalyo iyo mahad-naq u jeedinayo Golaha degaanka Birmingham oo dal madax-bannaan u aqoonsaday Somaliland “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan” aya lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa amaan u jeediyay Golaha degaanka Birmingham oo uu sheegay in ay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini’aadanimo oo aad u qiima badan kadib markii sid uu sheegay ay dal madax bannaan u aqoonsadeen maamulka Somaliland. “Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa” ayuu sii raaciyay. Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee dhanka dal madax-bannaan isagoo Beesha Caalamka ka codsaday in ay tix-geliyaan oo ictiraaf siiyaan Somaliland. “Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo”. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi oo sheegay in Somaliland laga aqoonsaday magaalo ku taalla dalka Ingiriiska appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa ka tanaasulay ka qayb-galka doorashada Galmudug ee sanadkaan 2019 kadib kulamo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xaaf oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Sii-hayaha Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame, iyo masuuliyiin kale ayaa la isku raacay in Madaxweyne Xaaf uusan kamid noqon tartanka Madaxwweynaha Galmudug ee doorashada sanadkaan 2019. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Axmed Ducaale Geelle ayaa la sheegay in uu qaatay malaayiin lacag ah oo qayb ka aheyd heshiiskii uu la galay dowladda Soomaaliya kaas oo lagu gaaray magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud. Lacagta la siiyay Madaxweyne Xaaf oo lagu kala qaatay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la bixiyay habeenkii uu warqadda soo saaray Madaxweyne Xaaf ee ku beegneed 3-dii bishaan. Warqadaas waxaa ku qornaa in wixii hadda ka dambeeya dooraashada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta ay garwadayn ka tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya. Dadka aan la hadalnay ayaa noo xaqiijiyay in Xaaf uu hadda ka dhamaaday Arimaha Galmudug islamarkaana uu saxiixay heshiis ah in uusan ka qaybgali doonin tartanka Galmudug wixii hadda ka dambeeyana ay maamusho dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya ee Xaaf siiyay lacagtaan oo lagu sheegay in ay ka badan tahay 3 milyan oo dollar ayaa Madaxweyne Xaaf u ballan qaaday in xil muhiim ah loo magacaabi doono dad uu wato.. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hore meesha uga saaray Madaxweynihii Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan kadib markii ay saareen cadaadis taas oo markii dambe sababtay inuu Iscasilo kana tanaasulo doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-subax-10072019.mp3 View the full article
-
Rag weerar ka geystay Muqdisho oo lagu fuliyey xukun dil ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dambeeyey weerarkii 28 October sanadkii 2017 lagu qaaday Hoteelka Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho. Ragga la xukumay oo gaarayey illaa saddex ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarkaasi oo dhaliyey khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Saddexda qof ee la toogtay ayaa kala ahaa: Farxaan Maxamed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule. Halkan hoose ka aqriso habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda. Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com -
Dawlada Somalia ayaa saaka oo Arbaco ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex eedeysane oo rag ah kuwaas oo loo heystay ka qeyb-qaadashada weerar lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee magalada Muqdisho. Weerarkaas ayaa hotelka Naasa-Hablood 2 waxaa lagu qaaday taariikhdu marka ay aheyd 28kii bishii Octoobar ee sanadkii 2017, waxaana ka mid ahaa dadkii weerarkaasi ku dhintay wasiirkii arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed. Ragga saaka dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa: 1 : Farxaan Maxamed Samatar 2 : Cabdi Naasir Dhaqane 3: Abshir Maxamed Xaaji. Horraantii sanadka 2018 ayay maxkamada ciidamada qalabka sida xukun dil ah ku ridday saddexdan ragga ah, iyagoona ugu dambeyn saakay xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay. Qaran News
-
NEW YORK -- The NBA will stage its latest Basketball Without Borders Africa camp in Senegal later this month, the organization revealed on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhawaan ka baxay ballan uu la galay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha daga magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsaneed go’doonka Gobalka Banaadir. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu damacsanaa in uu fuliyo ballantii uu la galay odayaasha balse uu ka diiday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in uu dib u dhigo ballanta odayaasha muddo aan la cayimin isagoo usoo bandhigay sababo badan oo muujinaya in laga baxi karo balantaasi. Sida aan xogta ku helnay, Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku yiri. “Muadne Madaxweyne intii ay dadka naga dhiman lahaayeen, hanaga dhibtoodaano.” Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaatay talada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxayna ku balameen labada Mas’uul in cabashada odayaasha lagu wareejiyo Xasan Cali Kheyre. “Haddii ay ku yimaadaan odayaasha dhaqanka u soo wareeji xafiiskayga aniga ayaa qaabili doono” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo baajiyay balan uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay noo sheegeen xubno ku dhow xafiiska madaxweynaha. Kulankaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhacay maalin ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ka bixin magaalada Muqdisho una safrin Galmudug. Lama oga halka uu ka dambeyn doono Jawhareerka ka jira magaalada Muqdisho iyo loolanka u dhaxeeya odayaasha iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan go’doonka Gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nicki Minaj Nicki Minaj oo ka mid ah fannaaniinta dumarka ah ee caanka ah, ayaa baajisay bandhig lagu casuumay oo todobaadka soo socda ka dhacaya dalka Sacuudiga, iyadoo sheegtay inay dooneyso inay taageero u muujiso xuquuqda dumarka iyo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Talaabadan ay ku baajisay ka qeyb galka bandhiga ka dhacaya magaalada Jeddah ayaa timid, kadib markii dad ay walaac ka muujiyeen rikoorka ka yaala dalkaasi oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Dadka qaar ayaa su’aalo iska weydiinayay sida ay uga soo hor muuqan doonto boqortooyada lagu yiqaano asturnaanta iyo illaalinta dhaqamada diinta islaamka, maadama ay fanaanadan baneyso qeybo badan oo jirkeeda ka mid ah. Sacuudi Carabiya ayaa isku dayaysay inay furfurto xanibaada ay saartay madadaalada si loo hormariyo qeybta madadaalada.Tallaabada oo qeyb ka ah isbadal bulsho iyo mid dhaqaalaba. Waxaa aad isha looga haayay xaalada xuquuqda aadanaha ee wadankaasi, taas oo ka sii dartay ka dib dilkii saxafiga Jamal Khashoggi oo lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October. Bishii Maarso, boqortooyada ayaa dhaleeceyn kale la kulantay kadib markii ay xirtay 10 haween oo u dhaq dhaqaqa xuquuqda aadanaha. “Inkastoo aan rabo inaan taageerayaasheyda Sacudiga aan u qabto bandhig faneed, hadana waxaan ogaaday inay muhiim tahay inaan si dhab ah u muujiyo taageerada aan u hayo dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, xuquuqda dumarka iyo xorriyatul qowlka”ayay tiri Nicki Minaj. Jimcihii la soo dhaafay, Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa warqad u dirtay Minaj, iyagoo ka codsaday in aysan ka qeyb galin bandhiga lagu casuumay ee dhacaya 18-ka July. Hay’ada waxay ugu baaqday in ay “diiddo lacagta dawladda” oo ay fursada ku siideynta 10-ka haween ee u dhaq dhaqaaqa arimaha xuquuqda aadanaha oo xabsiga ku jira. Toddobaadkii hore, qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha isgaarsiinta bulshada, ayaa go’aankeeda ku aadan ka qeyb galka bandhig faneedka ku tilmaamay inay munaafaqnimo tahay maadaama dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda laga mamnuucay Sacuudi Carabiya. Qaran News
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay safiirka Ingiriiska u fadhiya Mareykanka inuu yahay nin doqon ah oo aanan fakarin. “Waa nin doqon ah” ayuu yiri Madaxweyne Trump, xilli Ingriiska iyo Mareykanka ay ka dhex taagan tahay xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay Emailo soo shaac baxay. “Waa in uu ka hadlaa arrimaha ka taagan dalkiisa iyo Ra’iisul wasaaraha UK, May guuldarrada ay kasoo hoyisay arrinta ka bixidda Midowga Yurub, wax dan ah kama gelin dhaleeceenta lii jeedinayo si kastaba ha u xumaadeen ” ayuu yiri Trump. Hadalkan Trump ayaa kusoo beegmaya xilli xafiiska Downing Street ee looga taliyo dalka Ingiriiska uu soo saaray war murtiyeed lagu sheegay in Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ay kalsooni buuxda ku qabto safiirka u fadhiya Maraykanka, inkasta oo madaxweynaha dalkaas Donald Trump uu sheegay in uusan la shaqayn doonin Sir Kim Darroch. Axaddii ayay aheyd markii ay bannaanka usoo baxeen Emailo muujinayaa aragtida uu safiirka ka qabo maamulka Trump, isaga oo ku tilmaamay mid qalalaase ka samaysan, islamarkaasna ay wax badan ka qaldanyihiin. Safiirka Ingiriiska u fadhiyo Mareykanka Sir Kim ayaa la sheegay in uusan kulan la qaadan doonin gabadha Trump, Ivanka, kulankaas oo la qorsheeyay maanta, sida loo sheegay BBC. “Safiirka waalan ee UK ee sanka laga galiyay Maraykanka ma ahan qof aan ku faraxsanahay, waa mid doqonimada ay ka tan badatay” ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka. Theresa May ayaa safiirka ku tilmaamtay nin daacad ah oo runta ka sheega waxa uu arko ama dareemo. Hadalka Trump ee ah ‘lama shaqayn doono Kim’ ayaa ka dhignaan kara in danjiraha si rasmi ah looga eryay Maraykanka, lana siiyay waxa loo yaqaano Persona Non Grata. Qaran News
-
Maxkamadda derejada kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Arbaco ah xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ku eedaysnaa weerar sannadkii 2017 lagu qaaday hotelka Naasa-hablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Saddexda nin ee saaka Maxkamaddu xukunta dilka ah ku fulisay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Farxaan Maxamed Samatar Cabdinaasir Dhaqane Xassan iyo Abshir Maxamed Xaaji oo sida maxkamaddu sheegtay dhammaantood lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab islamarkaana ay fuliyeen weerar ka dhacay Hoteel Naasa-hablood 2. Weerarka lagu qaaday hoteel Naasa-hablood 2 oo dhacay 28-dii October 2017 ay xilligaasi mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxa ku dhintay 18 ruux waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale . Halkan hoose ka akhriso xukunka ku dhacay Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:- 1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud. 2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale. Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa. WABILAAHI TOWFIIQ PUNTLAND POST The post Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo xukun dil ah ridday appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON: The United States on Tuesday (Jul 9) renewed its warning to Turkey that there will be consequences if it buys a Russian missile system, despite President Donald Trump's sympathy for the NATO ally's case. Source: Hiiraan Online
-
Conflicts over clan dominance, loss of revenue from cross-border smuggling and infighting in Al-Shabaab in Somalia are behind the current surge in attacks and kidnappings targeting Kenyans and foreigners on the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
-
The Trump administration is urging Turkey to stop oil-and-gas drilling off the coast of the divided island of Cyprus. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay maanta shaacin doonto natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada afraad ee dugsiyada sare. Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo lagu socod-siiyay guddoomiyaasha Waxbarashada heer gobol iyo heer degmo maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland iyo walidiinta ayaa lagu sheegay in maanta oo Arbaco ah la soo bandhigi doono natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland. “Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyayaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer dagmo, Maamulayaasha dugsiyada sare ee Puntland iyo waalidiinta in maanta oo arbaco ah Taariikduna Tahay 10 bisha julay 2019, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland Saacaddu marka ay tahay 11:00 am barqanimo” ayaa lagu yiri qoraal wasaaaradda. Sidoo kale wasaaradda ayaa dhammaan ardayda ugu baaqday in ay is dejiyaan oo si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda”dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardeydu oo si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyadoo la isticmaalayo roll-numberkooda imtixaanka iyaga oo galinaya Shirkada Golis 299 ama Webka Wasaaraadda ka dalaca doona Natiijadda Imtixaanka sida”. PUNTLAND POST The post Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo maanta la shaacinayo appeared first on Puntland Post.
-
A unit of the Tunisian Maritime Guard has rescued 71 illegal immigrants of different nationalities off the coastal city of Sfax in southeastern Tunisia, Tunisian state television reported Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
HARGEISA, Somaliland — If she were to meet someone from her past life, Halima Dahir Mahmoud is not sure they would recognize her. She’s lost weight and is constantly stressed. She was once a nomadic herder who would roam the Ethiopian countryside with her 200 sheep and goats, and 50 camels. Now she lives in a displacement camp on the outskirts of Somaliland’s capital city of Hargeisa. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamulka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ay u sameeyeen. Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug ee Galmudug oo munaasabadda soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo dadaalladiisa dhismaha Galmudug dh, waxa ayna codsadeen in dowladdu wax ka qabto baahiyaha bulsho ee ka jira koonfurta degmada Gaalkacyo. Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa Galmudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin. Ra’iisul Wasaaraha oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Koonfurta Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Dowladda Jamhuuriyadda Gini ay wajaheyso ciqaab adag oo ka dhalatay qaabkii ay u casuuntay Madaxweynaha Somaliland kadib markii ay ka carootay Soomaaliya islamarkaana xiriirka u jartay dalka Gini. Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Caasiamda Online u sheegay in Gini loo gudbiyay warqado badan oo canbaareyn ah lagana dalbaday in ay raali gelin ka bixiso gafkii iyo xadgudubkii ay u geysatay dal kamid ah Midowga Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa u dacwootay Ururka Midowga Afrika oo ay kawada tirsan Soomaaliya iyo Gini kadib markii ay Gini ku xadgudubtay xeerarka Midowga Afrika. Sharciyada Midowga Afrika ayaa waxaa kamid ah in dal kasta oo ka tirsan Midowga Afrika uu ilaaliyo Madaxbanaanida iyo Midnimada dal kale ee katirsan AU, waxa uuna sharcigaas sababay in Midowga Afrika ay ku dhegaan Dowladda Gini. “Midowga Afrika ayaa Gini ka dalbaday in ay ka soo jawaabto sababtii keentay in ay ku xadgudubto Midnimada Soomaaliya oo ka tirsan AU” ayuu yiri Sarkaal sare oo katirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya. Madaxweynaha Somaliland ayaa maalin ka hor magaalada Hargeysa ka sheegay in Dowladda Gini ay wajaheyso cadaadis dibadda ah oo ay ku kasbatay aqoonsi uu sheegay in ay siisay Soomaaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@lkive.com
-
Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed is planning to send some 50,000 Ethiopians to United Arab Emirates (UAE). According to him, the plan is geared to alleviate unemployment in the country. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay dhawaaq ka soo yeeray Golaha Deegaanka Birmingham, kaasi oo ay Somaliland ugu aqoonsadeen dal madax-banaan. Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu si weyn uga mahad-celiyay dhawaaqa aqoonsi ee ka soo yeeray Golahaasi, waxaana sidaasi lagu sheegay War-murtiyeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, wuxuuna u dhigna sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan. Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu mar labaad ku hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa golaha deegaanka magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Ingiriiska tallaabadii ku dhaca iyo geesinamada lahayd ee ay qaadeen shalay oo Isniin ahayd, kuna aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Sidoo kale shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahadnaqayaan cidkasta oo isu xilsaartay qadiyadda Somaliland islana garabtaagtay tallo iyo taageero lagu raadinayo aqoonsiga dalkan iyadoo mudooyinkii u danbeeyey golayaasha deegaanka ee ingiriisku ku dhawaaqayeen ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana hore ugu dhawaaqay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha Deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets, shalayna ay ku soo biirtay Birmingham, taasina waxay ka turjumaysaa tallaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen magaalooyinkaasi, kuwaas oo mudan inay beesha caalamku kaga dayato. Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com