-
Content Count
208,966 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowled gobaleedka Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan, oo maanta ka hadlayay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay ardeyda dhameystay dugsiyada sare ee deegaanda Puntland, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay fagalin ku heyso waxbarashada Puntland. Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe in ay siyaasadeysay soo saarista shahaadooyinka ardayda ka qalin jabisay dugsiyada sare sanadkaan, waxaa uuna xusay in arrintaas ay tahay wax nasiib darro ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Arrintaas shahaadada ee federaalka wali wax xal lama gaarin, waana la siyaasadeeyay oo bulshada Puntland waa ay ogtahay, 5000 oo arday oo ku noool Puntland in la siyaasadeeyo shahaadooyinkooda waa wax aad looga xumaado”. Sidoo kale wasiir Cabdullahi ayaa xusay in Puntland marwaliba ay ka go’an tahay in dadka Soomaaliyeed ay isku soo dhawaadaan, siyaasad ahaan iyo waliba waxqabad ahaan. “ Waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed ay isku soo dhawaadaan, waxqabad iyo siyaasad ahaanba, annagu diyaarbaan u nahay inaan kala shaqeyno wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka wixii ay nooga baahato” Dhankale wasiirka wasaaradda waxbarashada dowled gobaleedka Puntland, ayaa sheegay in wada shaqeynta dowladda federaalka ay la leedahay Puntland ay aad u liidato, waxa uuna ugu baaqay in madaxda wasaaradda waxbarashada federaalka iyo kuwa Puntland sida ugu dhaqsiyaha badan loo xaliyo arrintaan. ”Mushkiladda jirta waxaa weeyaan wax wada shaqeyn ah oo dhankaas nooga imaaneysa majirto, waxaan ugu baaqayaa madaxda federaalka iyo kuwa Puntland waxaan ka codsaneynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xaliyo arrintaan” Ugu danbeyn wasiirka Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa ardayda u sheegay in shahadada Puntland ay diyaar tahay, waxaa uuna rajo ka muujiyay in sida ugu dhow ay u heli doonaan midda dowladda federaalka isaga oo yiri “waxaan ardayda ugu bishaaraynayaa midda Puntland waa diyaar taasna waxaan rajaynaynaa in ay xalisanto”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Dhoob ee ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka qarxay dagaal beeleed xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland. Dagaalka oo weli socda ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u xoogan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jira gurma u imaanaya labada dhinac. llaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo uu dagaalkana ku soo beegmay xilli ay Somaliland gobolka ku soo rogtay bandow. labada dhinac ayaa isku haya maamulka gobadala Sool iyo Sanaag, waxaana in badan ku soo laab laabtay dagaalo u dhaxeeyo labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland. Wararka oo faahfaahsan kala soco, Goobjoog Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan 40 cesho waxaa Finijeer ku jira Askari ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada 14-ka Oktoober kaas oo la dilay dhamaadkii Bishii Ramadaan kadib israsaaseen ka dhacday degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir. Askarigaan oo ay qaraabo yihiin Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage ayaa wali ku jiri Finijeer waxaana diiday in la aaso General Odawaa oo dalbaday in uu raadin doono Cadaaladda Marxuumka dhintay. Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Marxuumka dhintay oo lahadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qarashka iyo waxkasta oo ku baxaya Meydka Marxuumka oo Finijeer ku jira uu dusha saartay Generaal Odawaa islamarkaana uu ka dalbaday odayaasha in lagala hadlin raadinta xuquuqda Marxuumka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer dalbaday in la aaso Maxruumka balse ma dhicin waxaana la sheegay in Madaxweynaha kulamo uu la qaatay dhaqanka Marxuumka iyo ehelkiisa ay diideen dalabka Madaxweynaha maadaama uu gadaal ka fadhiyo General Odawaa Yuusuf Raage oo ka dalbaday in aysan soo qaadan dalabka Madaxweynaha. Kiiska dilka Askariga ayaa hadda loo gacan geliyay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, balse su’aasha ay dad badan isweydiinayaan ayaa ah yaa u doodaya dadkii kale ee halkaas ku dhintay oo dad shacab ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qeyb galay shirkii Baarlamaannada Adduunka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Ruushka. Mudane Xaashi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirka. Cabdi Xaashi Cabdullahi, Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu kulan la qaatay Labada Aqal ee Baarlamaanka Ruushka, kana wada hadleen sidii loo soo celin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay Dalalka Soomaaliya iyo Ruushka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kusimaha Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Avv. Hersi Haji Olosow, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee Ruushka, Mudane Mikhail Golovanov. Kusimaha Xoghayaha joogtada ayaa urajeeyay Safiirka cusub in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday, isagoo carabka ku adkeeyay in uu si dhammeystiran utaageeri doono xoojinta xariirka laba geesoodka ee qotada dheer u dhaxeeya labada dal ee saaxiibada ah si iskaashi dhow dhinacyo badan leh loo sameeyo. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta sarkaal ka tirsanaa Al-Xarakada Shabaab oo isa soo dhiibay ku soo bandhigay deegaanka Baarsanguuni oo hoostaga magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Magaca ninkaasi ayaa saraakiisha ciidamada dowladdu waxa ay ku sheegeen Xuseen Xasan Cambeer. Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ninkani uu Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka kooxda jugta culus, waxaana ay tilmaameen inuu ka howlgali jiray gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Gaashaanle sare Ismaciil Sheekh Isxaaq Abaanduulaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in isa soo dhiibista sarkaalkan ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Al-Shabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo. Ma jiro illaa haatan wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan sarkaalkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah ee Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article
-
Until recently, Jail Ogaden in Ethiopia’s eastern Somali Region housed thousands of prisoners, many of them illegally arrested government critics and opposition figures who had been detained for years. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Marka ee Caasimadda gobolka Shabeelada Hoose. Guddoomiyaha gobalka Shabeelada hoose, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay halkaasi. Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Xuddur ee Caasimadda gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in uu uga warbixiyo maamulka iyo Shacabka Marka wixii uu halkaasi kula soo kulmay, iyaga oo sidoo kale la filayo in ay kala war qaataan, si ay ula socdaan xaaladda guud ee Gobolka Sh/ Hoose. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
(SLT-Burco)-Mudaharaad lagaga soo horjeedo dagaal gobolka Sanaag ku dhex-maraya Ciidammada qaranka Somaliland iyo kuwa jabhadda Kornayl Caarre gobolka Sanaag ayaa goordhawayd ka bilaamay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa magaalada Burco. Sidoo kale, shacabka ayaa taayiro ku gubaya waddooyinka qaar ee magaaladaasi. Dhinaca kale, dagaal ayaa ka socda deegaanka Dhoob ee bariga degmada Ceerigaabo, kaasi oo u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Korneyl Caarre, waxaanu mudaharaad ka bilaamay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco. Source
-
Somalia's military says it executed three men convicted of carrying out a deadly attack on a hotel in the capital in 2017. Source: Hiiraan Online
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caarre ay weerar ku qaaden Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku sugnaa deegaanada biya gaduud iyo dhoob ee bariga gobolka Sanaag. Ciidamadan ayaa ilaa hadda ku dagaalamaya deeganadasi oo magaalada Ceerigaabo u jira 30-KM, waxaana la soo sheegayaan in ilaa Saddex ruux ay ku geeriyoodeen halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay. Warar ayaa sidoo kale waxay sheegayan in qaar kamida dadweynaha ku nool magaalada Ceerigaabo ay dhigayaan mudaharaad ay kaga soo hor-jeedan dagaalka ka qarxay duleedka magaladaasi. Ilaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Xukuumada Somaliland iyo Jabhada uu hogaamiye Korneyl Caarre oo ku aadan dagaalkana maanta ku dhex maray deeganada bariga Sanaag. Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Ceerigaabo)-Mudaharaad Rabshado wata ayaa ka socda wadooyinka magaalada Ceergaabo, kaas oo lagaga soo horjeedo dagaalaka u dhexeya Ciidanka qaranka Somaliland iyo ciidammo ka amar qaata kornayl Caarre oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa degaanada Dhoob, Higlo iyo biyacas. Rasaas fara badan ayaa laga maqli suuqyada magaalada, dad goob joogayaal ah ayaa noo sheegay in ciidanka Somaliland ridayaan si ay dadka dibad baxa wada ugu kala kaxeeyaan. Khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ayaan weli cadayn in kasta oo la shageya in uu jiro khasaare labada dhinacba ah. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Jabhada Caarre ay ka soo guurtay Degaanka Qardho una koloyeystay sidii ay saldhigyo uga samaysan lahayd dhanka buuraha gobolka Sanaag. Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Siyaasiga reer Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo sheegay in waqtigii Hogaamiye kooxeedyada uu dhammaaday oo ay tahay inuu dabagalo saaxiibadii Shariif Sakiin iyo C/weli Gaas, sida uu hadalka u dhigay. Faarax Macalin oo si weyn u taageera Madaxweyne Farmaajo ayaa farriimo soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in dadka qabiil ahaanta ku taageeraya Axmed Madoobe ay ka kooban yihiin qaar kasoo jeeda magaalada Gaarisa, Itoobiya iyo Qurbe-joog, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada dhowaan ka dhaceysa Jubbaland. Wuxuu sheegay in dadka degaan ahaanta u leh Jubbaland uu xoog ku heysto Axmed Madoobe, wuxuuna Axmed Madoobe ku tilmaamay nin aan caqli lahayn oo mar kasta ku celinaya khalad uu hore u galay. “Soomaaliya waxaa la degay muddo 40 sanadood ah hoggaamiye kooxeedyo aan aqoon lahayn oo afduubtay beelahooda, daba-dhilifyadii Tigreega waa kii ugu danbeeyay. Madoobe waa inuu raacaa saxibkiis Getachew ama Sakiin iyo Gaas..” ayuu yiri Faarax Macalin oo weerar aan hore loo arag ku hal-gaaday Axmed Madoobe oo mar kale doonaya in loo doorto Madaxweynaha Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka aan ka heleyno deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaan dhinaca Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka qarxay dagaal Xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Jabhadda Kornel Saciid Cawil Jaamac Caarre iyo kuwa ka tirsan Ciidammada qaranka Somaliland. Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanka Dhoob oo ka tirsan Gobolka Sanaag, kaasi Magaalada Ceergaabo ka xiga Bari una qiyaastii 45 KM,isla markaana waxaa uu dhexmarayaa Ciidanka Jabhadda Korneel Caare iyo Ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo ka tegay degaanka Yubbe. Dadka deegaanka ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in dagaalkaas uu yahay mid xoogan, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, welina lama oga Khasaaraha ka dhashay. Source
-
Ceerigaabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaaga ayaa ku warramayaa in barqanimadii maanta dagaal u dhexeeyay Ciidamada Somaliland iyo Jabhadda hubeysan ee uu hoggaamiyo Korneyl Caare uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaaasi. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Korneyl Caare ay weerar ku qaadeen fariisimo kuwa Soomaaliland ay ku leeyihiin bariga gobolka Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo qaatay dhowr saacadood la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanada Dhoob iyo Biya Gaduud oo 30 KM u jira magalaada Ceerigaabo. Ku dhawaad 5 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo shacab. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana aagagii lagu dagaalamay isku horfadhiya ciidamada labada dhinac. Dhinaca kale Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in bandow ay ku soo rogeen deegaano ka tirsan degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag. Ciidamada ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo ay uga hortagayaan maleeshiyaad Beeleed dhawaan ku dagaalamay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay gabi ahaan hakad galiyeen dhaq dhaqaaqyada deegaanada ku xeeran degmadaasi. Shalay Madaxweyne Biixi ayaa amar ku bixiyey in Milatariga Somaliland ay ku baxaan xiisadan, islamarkana ay kala dhex galaan maleeshiyaadka ku dagaalamaya halkaasi View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-10072019.mp3 View the full article
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa wakiilo u kala diray dalalka Kenya iyo Somalia si ay xal ugu helaan khilaafka xadka badda ee u dhexeeya kaas oo uga sii daray xidhiidhka diblomaasiyadeed ee liita ee labada dale e ku yaala Geeska Afrika. Waxaana ay sheegayaan saraakiil ku kala sugan Nairobi iyo Mogadisho in Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu sheegay gudoomiyaha urur goboleedka IGAD iyo wakiilada dhinaca Amaanka ee Gobolku ay mudeeyeen in todobaadkan ay kulmaan Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Mohammed Farmajo 13-ka bishan July. Si kastaba ha ahaatee, kulanka labada masuul ayaa ilaa hadda u baahan in aad loo xaqiijiyo. Warkan ayaa ku soo beegmaya kadib markii maalintii shalay ay soo baxeen warar kutiri ku teen ah oo sheegayey in khilaafkii meesha la isku hayo laga saaro maxkamada Cadaalada Aduunka oo iyadu kiiskaasi mudo dheer gacanta ku haysay, isla markaana dhagaysigiisa u mudaysay 9-ka bisha September. Hase yeeshee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa arintaasi beeniyey waxaanu sheegay in halkii ay dawlada Federalka ee Somalia ay ka taagnayd kiiska yaala maxkamada Cadaalada aduunka aanay waxba iska badalin. Waxaanu intaasi ku daray in xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud uu baadhayo meeshii ay ka yimaadeen wararkaasi borobogaandhaha ah ee aan sal iyo raad toona lahayn, sida uu sheegay Abdinur Maxamed Axmed oo warbaahinta u qaabilsan Madaxtooyada Somalia. Source
-
Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda Col. Caarre uu haatan ka socdo degaanka DHoob oo qiyaastii 45 km dhanka bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland oo ka baxay degmada Yubbe ay weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan jabhadda Caarre oo ka yimid dhinaca magaalada Qardho kuna sii jeeday buuraleyda Hal-dhaadan oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Ceerigaabo. Warar laga helayo degaanka ayaa sheegaya in taliyaasha ciidamada Somaliland ay amar ku bixiyeen in weerar lagu qaado jabhadda Caarre si looga hor-istaago in ay dhufays ka helaan buuraleyda dhanka waqooyi ee magaalada Ceerigaabo halkaasi oo Col. Caarre uu degaan ahan ka soo jeedo. Dadka ku nool tuulooyinka Dhoob iyo Biya-guduud ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan hubka culus oo ay isu adeegsanayaan labada dhinac inkastoo aan faahfaahin laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda nawaaxiga degaanka Dhoob. Dhinaca kale muddaraadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo xukuumadda Muuse Biixi ayaa hadda ka socda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaana sawirro laga soo qaaday muujinayan shacab dhagxaan ku xiraya qaar kamid ah waddooyinka degmadaasi. PUNTLAND POST The post Dagaal Culus oo ka socda degaanka Dhoob ee gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.