-
Content Count
208,966 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
This is a question many Somalis ask each other whenever a certain politician brings up the status of Mogadishu in a federal Somalia. Yesterday Abdulqadir Osoble, a Somali MP from Mogadishu, delivered an impassioned speech. He said they will convene a consultative conference on the status of Mogadishu. “We cannot accept the use of text messages or tweets for the appointment or sacking of a Mogadishu governor” he added. Osoble, who ran for the Somali presidency in 2012 and 2017, warned against what he describes as efforts to resurrect the Somali Revolutionary Socialist Party. Osoble particularly took issue with Patriotic Forces, a non-governmental group of activists in Mogadishu. A Mogadishu thoroughfare Osoble said that the former military government with heavy weapons failed to impose its will on people. It did not bother him that the current occupant of Villa Somali is related to the late military leader, Barre, clanwise. What makes Osoble’s remarks different from remarks made by other politicians is that he toned down the rhetoric on the ownership of the capital city, “in which people from all Somalia’s clans live.” This extension of ownership rights is a clever trick. Governor of Mogadishu and district chairmen belong to the same clan as Osoble’s . His call would carry more weight if MPs from other Somali clans were present at the meeting to ram home the message that Mogadishu is a capital city for all and that no clan has the privilege claim Mogadishu as a stronghold. The Draft Constitution does limit the role of Mogadishu to that of a seat for the Federal Government. If Mogadishu gains a federal status— meaning a clan or a consortium of clans will decide who become a governor— then it will have to lose the capital city status. Osoble and his friends cannot have their cake and it too. © PUNTLAND POST 2019 Send comments to: pp@puntlandpost.com The post Who Owns Mogadishu? appeared first on Puntland Post.
-
Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Bilaaway Isticmaalka Aalada GPS
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciyaartooyda xulka qaranka dalka ayaa bilaaway isticaamlka aalada lagu ogaanayo fayqabka heerka tababarka ee loo yaqaano (On Device Monitring Physical Fitness Preformence) waxaana aalada horay u isticmaalay garsoorayaaasha kubbadda Cagta bishii April 2019. Macallin Maxamed Cabdulle Farayare oo ka mid ah tababarayaasha farsamada xiriirka kubbadda cagta ayaa sheegaya in qalabanka uu wax badan ka badali karo badqabka iyo horomarka ciyaarahanada xulka. Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa iyagana soo dhaweeyay qalabkan casriga ah iyagoo madaxada xiriirka kubbadda cagta kaga mahad celiyay da’daalka iyo horomarka ay la garab taaganyihiin. Sadde bilood ka hor ayay aheyd markii waxaada garsoorka xiriirka Soomaaliyeed ee kubaddda cagta ay bilaaweeen isticmaalka Gps,hadaba maxaa iska baday heerka garsoorka Soomaaliya maxayse ku kala duwanyihiin ciyaaryahanada iyo garsooryaasha marka ay isticmaalayaan qalabkan waxaa sharxaada ka bixina madxada tababarka garsoorayaasha xiriirka kubadda cagta tababare Cabdi Cabdulle Baasaale. Kubbadda cagta iminka waxa ay noqotay xisaab ku dhisan maskax talaabdan waxa ay kor u qaadaysaa yoolkeena horomarinta kobaca iyo yadadeelada dhallinyarada matalaysa Ocean Starts waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Macllin Bashor Hayford. Inkastoo qalabkan casriga uu xiriirka kubadda cagta ka her geliyay caasimada Muqdisho madaxa tababarka garsoorayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdi Cabdulle Baasaale waxa uu Goobjoog u sheegay in aaladan ay gaarsiindoonaan xiriirka kubbadda cagta maamul goboleedyada. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qalabkan Casriga Ah Ee Lagu Ogaanayo Heerka Tababarka W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com -
Madaxwene Ku-xigeenka Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo Laabtay, kana soo degey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso kadib sarfar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee qaatay 15 cisho, kaasi oo uu ku horeeyey Jalka Jabuuti oo uu kala qayb galay malinta xuriyadda dalkaasi Juun, 27, 2019. “Aad bay farxad iigu tahay inaan Boosaaso maanta si rasmi ah uga soo degno aniga iyo weftigaygu, qorshaha waa iigu jirtey inaan halkan imaado, waxaa jirey safar shaqo oo aan hore ugu imi gobolka, lakiin rasmi muusan ahayn waxaan salaantii iyo ujeedkayagii shaqo idiin soo faray Guddoonka gobolka iyo degmada. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Boosaaso oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha gobolka, kan degmada iyo cid kasta oo nasoo dhoweysey waa Alle mahaddiis”. “Aniga iyo wefti aan hogaaminayey waxaanu safar shaqo ku tagnay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Jabuuti waxaanu kala qayb galay xuskii maalintooda xuriyadda oo ahayd Juun, 27, 2019, aad iyo aad bay noo soo dhoweeyeen, si dowladdnimo leh ayay noo qaabileen, intii aanu joogneyna kulamo badan baanu yeelanay, abaal ayay inagu leeyihiin, waxaa tusaale u ah hiil Walaal. Safarka kaas noogu xigey wuxuu ahaa Imaaraadka, waxaanu ku kulanay Jaaliyadda dalkaasi ee reer Puntland ee u badan Ganacsatada. Alle mahaddii safaradaasi waxay noogu soo dhammaadeen Guul”. Ugu dambayn, Madaweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, waxa uu kulamo muhiim ah la qaadan doona masuuliyiinta dowladda, isimada, nabadoonada iyo qaybaha kale ee bulshada magaaladaasi. PUNTLAND POST The post Madaxwene Ku-xigeenka Puntland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay appeared first on Puntland Post. -
Sawir laga soo qaaday gaariga la weeraray Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay saddex kalena waa ku dhaawacntay kadib markii koox hubaysan ay duhurnimadii shalay jidka u galeen gaari siday oo marayey meel u dhexaysa tuulada Gaxandhaale iyo degaanka Saaxo oo ka tirsan gobolka Mudug. Gaariga la weeraray oo ay saarnaayeen dad xoola-dhaqato ah ayaa sida la sheegayo ka yimid dhanka tuulada Gaxandhaale waxaana uu ku socday degaanka Saaxo balse kooxda hubaysan oo ka soo gudbay dhinaca koonfurta Mudug ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ula dhacay maatadii gaariga saarneyd oo ay ku jiraan haween iyo carruur sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen. Dadka degaanka ayaa sheegay in dadka gaariga saarnaa 5 ruux kamid ah isla goobta ku geeriyoodeen halka saddex kalena meesha laga qaaday iyagoo dhaawacyo culus qaba. dhinaca kale kooxdii dadka laayay ayaa goobta ka baxsaday. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad ka yimid Galmudug oo dad shacab ah ku laayay gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
A Democracy of a country thrives on the integrity, competency and neutrality of the institutions administering its elections. Election commission (EC) is the single most important institution of conducting an election; and it is the central pillar of a country’s democracy. It is so critical for a democracy that quality of this institution is a baseline to evaluate the overall veracity of representative institutions. They are the gardeners who can grow and develop well and vigorously the democracy of that country. EC is constitutionally entrusted to work as an agent who ensures that the sanctity and veracity of the election process is not vitiated or distorted; and it should have the confidence of all parties concerned. If the election commission of a country is first neutral and has an ability to do the job of administering the elections successfully and efficiently, it thrives the democracy and credibility of that country. When the EC of a country act honestly and impartially, then that trustworthy EC would take responsible and care of the rest of the election challenges and would ensure the rule of electoral laws and right to vote without discrimination. The competency and credibility of the EC can thus shape overall perceptions and confidence in the integrity of the election. The task of EC becomes even easier in a democracy like Somaliland where there is no diversity that exists along its community. The task of EC starts right from the enrolment or voter registration process; which is the most massive task that EC is to do. The right to exercise one power trusted by all (EC) to vote is the bedrock of modern democracies. EC is also entrusted with the task of ensuring to be in the level of a referee in a playing field with good spirit and neutral for all; observing the constitutional ideals. So the government of that country is responsible to ensure that the election commission must be a commission with credibility and has the confidence of all the parties In fraudulent elections the equal opportunity of the public was denied and the Election Commission loses their neutrality. In such elections the EC is the sole responsible institution and it would render into empty shells and the spirit of democracy is dampened; and they will not be trusted again. Governments formed in this way would tend to begin with violence and confronting disputes among the people of that country. We slightly experienced this violence in our last election, but God saved the country to go deep in to the violence. To avoid this evil to occur again in our country, the trust worthiness of the Election Commission by all competing parties in the elections is most vital to be respected. The first step of an election preparation is to build professional and competent electoral commission; who have the confidence of all the parties and that of the public; with full independence of action to administer the election in a transparent manner. When EC works in an environment of government authority interventions, there is always a strain between the parties or between EC and the opposition parties; and this is what is going on in Somaliland. This election commission already failed to monitor the model code of conduct devised and signed between the election stakeholders. It failed to do its duties independently by taking directives from one of the playing teams in the field. This EC is also alleged of its silence about the continuous constitutional usurpation by the government and its party. In the last election, this EC has transformed itself into an institution which cannot be trusted by Somaliland people. Its various partial refereeing actions caused these political standoff challenges the country is within. Their lack of neutrality, their lack of efficiency, their lack of independence and their lack of working ethics distorted Somaliland democracy; harmed the unity of the population and damaged the people’s faith in the elections. This EC is now working with two parties on their unconstitutional proposal to conduct an election for two parties. How can such commission who sided with one side of the parties on their political dispute be neutral and impartial on conducting an election for them? Everybody who is thinking positively for the betterment of Somaliland understands that it is a clear testimony that they deserve to be removed out of the office and new commission members is to be established. I wonder why the government is so rigid on this Election Commission accused with dirty hands of partiality and unfair refereeing. Does the government want them to do the same mess and repeat the country to the violence that God saved from us? Adam Ali Younis aayonis@hotmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa xafiiskeeda kusoo bandhigtay macallinkeeda cusub kaas oo u dhashay wadanka Tuniisiya wuxuuna xiligan ka badalayaa Mbalangu Husein oo kasoo jeeda Uganda. Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in aad ugu kalsoonyahay qibrada macallinkan wax badan uu ku kordhindoono hanaanka horomarka kooxdiisa. Is badalka ay sameeyeen maamulka naadiga dowladda hoose waxaa aad u soo dhaweeyay ciyaartooyda kooxda,iyagoo macallinkooda cusub ka rajeeyay in ay la qabsadaan falsafadiisa hogaamineed.Maxamed Mistiri Lamjed oo u dhashay dalka Tuniisiya ayaa noqonaya badalka Hussein Mbalangu oo kasoo jeeda Uganda oo naadiga Muqdisho City Club hogaaminayay shantii sano lasoo dhaafay wuxuuna macallinka reer Tunisia sheegay in uu ku faraxsannahay laylinta kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Taageerayaasha naadiga Muqdisho City Club ayaa maamulkooda kaga mahad celiyay da’daalka ay ku bixinayaan horomarka kooxdooda,iyagoo balanqaaday in ay si dhaw ula shaqeendoonaan tababarahooda. La taliyaha maamulka isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu waqti badan ku bixinayo kobaca iyo horomarka kooxda Muqdsiho City Club. Halka Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Qaabka Loo Soo Dhaweeyay Macallinka Muqdisho City Club W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Baydhabo(Caasimada Online) – Sida lagu baahiyey boggaga taageera Al-Shabaab waxa ay saacadihii la soo dhaafay weerar culus ku qaadeen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka ayaa waxaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo ka dhacay gudaha magaaladaasi, kaas oo dhex maray ciidanka dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa 10 askari, kuna dhaawaceen 7 kale. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Al-Shabaab weerar kale ay ku ekeeyeen fariisimo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Labada dhinac aya la sheegay inay is weydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha ka dhashay halkaasi. Ma jiro weli war ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalladaasi. Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed socdaal dhinaca cirka ah uu ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Kooxda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa kulankeedii 3-aad ee tartanka bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee Group C la balansan xidigaha Apr FC oo ka dhisan Rwanda. Xidigaha Heegan oo ka socda Soomaaliya ayaa laga filayay natiijo aad u wanaagsan,balse ciyaartooyda qaar ayaa sheegay in goolashii laga dhaliyay ay ahaayeen kuwa iyaga ay ku qaldanaayeen. 06-July 219-Heegan ayaa ciyaartii 1-aad ee tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika la dheeshay xidigaha Green Eagles ee ka dhisan Zambia waxaana kulankaas 2-0 ku badiyay naadiga Green Eagles.“Goolasha naga dhashay kulankaa waxa ay aheyd kuwa daciif ah,balse xaga rabi waxaa inooga qornaa in aan anaga guul daraysano kubbadda cagta waa in aad ka filataa wax kasta” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay goolhaye kooxda Heegan Mustafa Maxamed Yuusuf (Mustaf Nakuja). 08-July 2019-Xidigaha Heegan waxa ay kulankoodii 2-aad ee Cecafa la ciyaareen xidigaha Proline FC oo ay kuwada jireen Group C ka dhisan dalka Uganda waxaa kulankaas Heegan natiijo 2-0 ay guul daro kala kulantay ciyaartooyda Proline FC. “Ma aanan filanaynin natiijada oo kale dadka oo dhan ayaa inoo mahad celiyay kubbaddii qurxooneed ee aan soo bandhigay,iyagoo u riyaaqay isku xirkeena wanaagsan,balse mararka qaar adaga oo wanaagsan ayaa la kulmaysaa natiijo xumo” waxaa sidaas Goobjoog Sports sidaa u sheegay laacibka Heegan Cabdirisaaq Cali. Naadiga Heegan ayaa kulankeeda u danbeeya ee tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika 2019 la balansan kooxda ka dhisan dalka Rwanda Apr FC waa ciyaar aad u xiiso badan,inkastoo xidigaha Heegan ay xooga saarayaan in ciyaarta ay badiyaan ka dibna ay kusoo laabtaan caasimada Muqdisho. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecafa Kigame Club Cp Kooxaha-Heegan VS Apr FC Tariikhda-011-07-2019 Maalinta-Khamiis Saacada:-2:00 pm Live –Azam TV- Rwanda Garoonka-Kigali Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Sidey inoo sheegeen dad deegaanka ah, Saddex qof ayaa ku geeriyootey rasaastan lagu furay gaariga, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 5 qof kale. Gaariga ayaa marayey deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la geeyey isbitaalka magaaladaasi. Maleeshiyaadkii falkaasi geystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi ka dambeysa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maqnaanshiyaha guddiga adeegga garsoorka iyo dhameystir la’aanta dastuurka KMG ah, waxaa ay keentay in dagaal dastuuri ah ka dhex bilowdo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka iyo maxkamadda sare ee dalka. Dagaalkan oo qoraallo la isku dhaafsaday, waxaa uu salka ku hayaa labo qodob oo kala ah: Diyaarinta sharciga mac-hadka tababarka garsoorka iyo hab-raaca abuurista mac-hadka. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay heshay 3 warqad oo ay is dhaafsadeen maxkamadda sare iyo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka, waxaanna akhristayaasha u faah-faahin-doonnaa sida ay wax u jiraan. Ugu horeyn, July 6, 2019-kii, guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa wasaaaradda cadaaladda u diray casuumaad ku aadan ka soo qeyb-galka shir looga tashanayo aas-aaska machadka tababarka garsoorka. Wasaaradda cadaaladda ayaa jawaabteeda ku sheegtay in ay gacanta ku heyso diyaarinta qoraalka iyo dhameystirka “Xeerka Mac-hadka garsoorka, oo mari-doona hab-raacyada loogu talo-galay, waxaa kale oo ay ku dooday in mac-hadka uu ahaa waax ka tirsan wasaaradda, waxayna soo-jeedisay in aan lagu degdegin dhameystirka hey’adaha garsoorka inta uu dhaqan-gal noqonayo Xeerka Mac-hadka garsoorka, arrintanna ay wasaaradda lafteeda wadatashi gelin-doonto. July 8, 2019-kii, Guddoomiya maxkamadda sare ayaa magacaabay 7 xubin, oo ah “guddi imtixaan”, guddigan ayaa loogu talo galay iney qaadaan imtixaan loogu tartamayo jagooyinka garsoorenimo iyo kaaliyenimo ee ka bannaan garsoorka dalka. Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka oo arrintan ka jawaabtay ayaa sheegtay in hab-raaca loo mari jiray xilliyadii hore uu ahaa labo midkood: (1). Golaha sare ee garsoorka ayaa leh soo-jeedinta magacaabista, xilka-qaadista, anshax-marinta iyo dalacsiinta xubnaha garsoorka. (2). In la magacaabo dad gaar ah, kuwaas oo ah sharci-yahano, macalimiin jaamacad sharci ugu yaraan 10 sano, kuwaas oo leh khibrad iyo waay-aragnimo, laguna kalsoonaan karo, Wasaaradda Cadaaladda oo sii-hadleysa ayaa qortay in hadda dastuurka KMG ah, maadaama dalka uu federaalka ah noqday awoodda magacaabista, xilka-qaadista, anshax-marinta iyo dalacsiinta xubnaha garsoorka uu siiyey golaha adeegga garsoorka, mar haddii uu golahaasi jirinna ay tahay in magacaabis kasta laga talo-geliyo wasaaradda cadaaladda iyo iney magacaabis kasta ku soo baxdo dekereeyo madaxweyne Xogtan Lama Qaadan Karo, Xigasho La’aan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Kulamadan oo ay isugu yimaadeen Xildhibaanada HirShabelle ayaa waxa ay uga arrinsadeen Mooshin la sheegay in ay ka wadaan Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Cismaan Barre Maxamed. Sida ay ogaatay Caasimada Onlin Xildhibaanada ayaa bilaabay inay saxiixaan Mooshinkaasi ka dhanka ah Waare iyo Barre. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiintaasi xil gudasho la’aan iyo in ay baalmareen Dastuurka u yaalla dowlad goboleedka HirShabelle. Cabdi Xuseen Geedi guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka ayaa horboodaya Mooshinka, kaas oo fariimo uu ku wargalinayo kulamo caadi ah u diray Xildhibaanada. Kulamadan ayaa lagu soo warramayaa in looga xaajoonayo xaaladda soo korortay. In muddo ah waxaa xiran kulamada baarlamaanka HirShabelle, kadib markii uu golaha fasax galiyey guddoomiye Barre. Dhaq dhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa ku soo aadaya,xilli haatan Madaxdweynaha HirShabelle iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo xal u raadinaya xiisada ka taagan halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dastuurka DF oo ay wehliyaan La-taliyayaal iyo agaasime-waaxeedyo katirsan wasaaradda dastuurka ayaa kulan la yeeshay agaasimaha guud ee Madaxtooyada dalka oo ay wehliyaan agaasime-waaxeedyo katirsan mdaxtooyada Qaranka iyo qaar ka mid ah La-taliyayaasha madaxweynaha JFS. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid warbixin iyo xog ku saabsan arrimaha dastuurka lala wadaagayay masuuliyiinta Madaxtooyada Qaranka. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa jeediyay warbixin ku saabsan howlihii Wasaaradda u qabsoomay, qorshaha Wasaaradda iyo caqabadaha ku hor-gudboon dhameeystirka Dastuurka. Agaasime Maxamed Zubeyr ayaa sheegay in qodobada dastuurka ee u baahan wax-kabadal arrimo farsamo ah la soo dhameeystiray balse ay weli wax ka qabasho u baahanyihiin qodobada arrimaha siyaasadda. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in Wasaaradda ay dedaal badan ku bixisay arrimaha wacyigelinta iyo waxbarashada madaniga ah ee dib-u-eegista dastuurka. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Fuudsade ayaa soo jeediyay in xooga la saaro arrimaha wacyigelinta oo dadka aad loo fahansiiyo micnaha dastuurka iyo muuhimadda uu leeyahay, waxuuna ballanqaaday in Madaxtooyada ay garab istaagi doonto Wasaaradda si looga mira-dhaliyo howlaha dhameeystirka dastuurka. Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in kulanka noocan oo kale ah la joogteeyo si Madaxtooyada Qaranka ay xog-ogaal uga noqoto howlaha dib-u-eegista Dastuurka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Dastuurka oo Madax ka tirsan DFS uga Warbixiyay Arrimaha Dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa shalay galab garoonka Wiish ee degmada Cabdulcasiis ka furay koob kubadda gacanta ee degmooyinka gobolka Banaadir. Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen Degmooyinka Hodan iyo Xamar-weyne ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Cayaaraha ee heer gobol, masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah oo usoo daawasho tagay. Goddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cayaaraha ahmiyad gaar ah u leeyihiin horumarka iyo isdhexgalka bulshada Caasimadda. “Waxaan halkan ka fureynaa tartanka degmooyinka ee kubada gacanta, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka caasimadda, waxaan rabnaa inaan uga mahad celino doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska,” ayuu yiri Yariisow. Dhanka kale, Inj. Yarisow ayaa tilmaamay soo nooleynta kubadda gacanta in ay ka tarjumaysaa aragtida maamulka Gobolka Banaadir uu ku soo nooleynayo sidii ay barisamaadkii ahaan jireen tartamada kala duwan ee cayaaraha. Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsheyaal lagu doonayo inay isku dhex-galaan dhalinyaradu, kagana fogaadaan fekradaha xagjirnimada ah. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo furay Tartanka Kubadda Gacanta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay magaaladda Muqdisho ka bilaabay howlgal lagu burburinayo goobaha sharci daradda ah ee ku yaala hareeraha wadooyinka. Howlgalkan oo xalay laga sameeyay wadada Maka Al Mukarama ayaa waxaa ka qeybqaatay ciidanka ilaalada degaanka iyadda oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta qaar ee degmooyinka. Madaxda ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay howlaha uu maamulku wado ee bilic soo celinta caasimadda si ay ula tartatanto dhigeeda magaalooyinka kale ee caalamka iyo dalalka deriska. Cabdifitaax Cumar Xalane, Agaasimaha Waaxda Nafaadda maamulka gobolka gobolka Banaadir, ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in muddo 90 casho ah ay caasimada uga nadiifinayaa qashinka Mr Xalena ayaa shaaciyey in amarkan uu bixiyey gudoomiyaha gobolka ahna duqa caasimada, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, kaasoo dhankiisa kormeer ku sameeyay howlgalka. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday dad rayid ah oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay gaari Rakaab ah oo marayay agagaarka deegaanka Saaxo oo hoostaga magaalada Gaalkacyo ay ku fureen rasaas geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen, tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Raggii ka dambeeyey falkaasi ayaa goobta isaga baxsaday aayar, sida aan wararka ku heleyno. Gaariga la rasaaseeyey ayaa ka soo ambabaxay degmada Galdogob, waxaana la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Lama oga ujeedka loolaayey dadkaasi, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobolka Mudug ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaallo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil. Dhawaan ayey aheyd markii dad rayid ahaa oo gaarayay 13 Qof lagu toogtay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ka soo kala jeeday deegaanada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada. “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”, ayuu yiri Khayre. Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa hadalka ka sheegay markii uu shalay tegay waqoyga xarunta gobolka Mudug oo uu ka armiyo maamul goboleedka Puntland. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Dabley hubeysan ayaa la sheegayaa in xalay ay rasaas ooda uga qaadeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah. Gaari la rasaaseeyay ayaa lagu waramayaa in uu marayey degaanka Saaxo oo u dhaxeeyay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Goldogob. Dadka saarnaa baabuurka ayaa sheegayaa in ay kasoo jeedeen degmada Goldogob ay kusoo wajahnaayeen xarunta gobolka Mudug. Inta la xaqiijiyey afar ruux oo rayid ah ku dhimatay dhacdadaasi xili ay ku dhaawacmeen tirro kale oo intaasi ka baxay. Kooxaha hubeysan ee falka sameysay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen xili aanan wali la ogeyn waxa keenay falkan. Mas’uuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Mudooyinkii dambe waxaa degaanada gobolka Mudug waxaa kusoo kordhayey dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil. View the full article
-
Ceerigaabo (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa lagu waramayaa in uu ciidamo dheeraad ah kusoo daabulay agagaarka magaaladda Ceerigoobo ee gobolka Sanaag, waqoyga Soomaaliya. Talaabadan ayaa imaaneysa xili ay halkaasi shalay ka dhaceen dibad-baxyo rabshado watay kuwaasi oo waxyeelo sababay. Ciidamada ayaa la sheegayaa ay bilaabeen howlgalo ay uga hortagayaan in mar kale ay halkaasi ka dhacaan banaanbaxyo rabshado wata. Dhanka kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in laga cabsi qabo isku dhac mar kale qaybo kamid ah gobolkaasi ku dhexmara ciidamada Somaliland iyo Jabhadda uu hogaamiyo Korneyl Caare. Jabhadda Korneylka iyo ciidamada Somaliland ayaa dhowr jeer horey ugu diriray qaybo kamid ah gobolkaasi oo ay wali isku hor-fadhiyaan. Xaaladda gobolka ayaa la sheegayaa in ay tahay mid kacsan isla markaana laga cabsi qabo iska hor-imaad dhinacyadaasi dhex-mara. Mudooyinkii dambe qeybo kamid ah gobolka Sanaag waxaa kusoo laa-laabanyey dagaalo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Jabhadda Korneyl Caare. View the full article
-
Click here Qaran News
-
London (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda federaalka ayaa beeniyay in ay jiraan kulamo xal loogu raadinayo dacwadda badda ee ka dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale waxbo kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan dowladdo dhexdhexaadin ka dhex-wado labadda dowladood oo doonaya in ay xaalada wada ku dhameeyaan. Mr Cawad ayaa ku nuux-nuux saday in dowladda federaalka aysan marnaba gorgortan ka geli doonin dacwadda badda, ayna ka dhowrsugayaan go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Dunida. Dabayaaqadda sanadkan 2019 ayaa la filayaa in uu soo baxo go’aanka ICJ, kaasi oo mid kamid ah dhageysiyadiisa ugu dambeeya la filayo in dib loo bilaabo bisha soo aadan ee September 2019. Hadalka wasiirka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili ay taagneyd hadal-heyn ku aadan in uu isbedelay mowqifka madaxda dalka ee kiiska badda, taasi oo uu horey u beeniyay xafiiska madaxweyne Farmaajo. View the full article