-
Content Count
208,999 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta Cadaado ka bilaabay diiwangelinta ciidamada la qarameynayo ee ku sugan deegaanada Maamulka Galmudug. hase yeeshee islamaanta ayaa la joojiyay diiwaangelinta ciidanka. Sargaal katirsan ciidamada Dowlada ayaa sheegay in sababaha la joojiyay diiwaangelinta ciidanka ay salka ku heyso muran ka dhashay tirada ciidamada la qorayo ee ku sugan Degmado Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Saraakiisha kasocday dowlada dhexe ayaa sheegay in 200 oo askari ay ka diiwaan galinayaan Degmada Cadaado balse saraakiisha deegaanka ayaa sheegay inay hayaan askar intaas ka badan loona baahan yahay in dhamaan la diiwaangalsho. Wararka ayaa intaas ku daray in Isfahan waaga soo kala dhex galay Saraakiisha ka socota dowlada dhexe iyo Madaxda ciidamo ku sugnaa Cadaado ay salka ku heyso tirada ciidamada la diiwaangelinayo ayaa ugu dambeyn keenay in la joojiyo ciidamadii laga diiwaangelinayay degmad Cadaado. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin tiro aysan ku qanacsaneyn in laga diiwaangalsho Cadaado waxayna sheegeen in dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in magaalooyinka Galmudug ciidamo isla eg laga diiwaangalsho. Taliyayaasha Ciidanka Xoogga dalka eek u sugan deegaanada Galmudug ayaa wada qorshe ay ku qarameynayaan Ciidanka Meleeshiyaad ah ee hubka heysta ee ku sugan deegaanada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya . Saraakiisha Ciidanka diiwaan galinaysa ayaa horay Diiwaan galin uga bilaabay Dhuusamareeb, Balanbal, Xeraale,Huurshe iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Sudan's ruling military council (TMC) says it has foiled an attempted military coup and at least 16 officers have been arrested. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Kulanka maanta oo Jimco Muqdisho ku dhex-maray wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Bayle Ducaale iyo Safiirka Mareyknaka ee Somalia, Donald Yamamoto ayaa looga hadlay hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya. Wasiir Bayle iyo Danjire Yamamoto ayaa waxay kulankooda oo ka dhacay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxay isku soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyadoo loo marayo heshiiskii IMF-ta. Sidoo kale, Wasiir Bayle oo kulanka kaddib la hadlady warbaahinta ayaa ku tilmaamay kulankaas mid kusoo dhammaaday is-afgarad, isagoo xusay inay arrinta hagaajinta maamulka maaliyadda dalka ay horseedi doonto in dalka laga cafiyo dhammaan daymaha lagu leeyahay. “Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu Mareykanku siiyo Somalia ee ku aaddan dib u hagaajinta dhaqaalaheenna, xasilloonida maaliyadeed iyo rajada miro-dhalka ah ee deyn cafinta Somalia,” ayuu yiri Wasiir Beyle. Dhanka kale, Danjire Yamamoto ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay inay gacan siiso Somalia, isagoo xusay in qorshayaasha ay DF waddoa ay yihiin kuwo horseedi kara horumar ballaaran oo Somalia ay ku tallaabsato. Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan Dowladda Trump uu hoggaamiyo ay sheegtay inay dib u billaabayso taageerada ay siin jirtay ciidamada xoogga dalka Somalia, taasoo la joojiyay kaddib markii musuq-maasuq lagu eedeeyay dowladda Somalia. Ugu dambeyn, Xukuumadda Farmaajo ayaa waxay muddo dheer dadaal ugu jirtay sidii ay looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay, waxaana kulammo loo qabtay arrimaha dayn-cafinta lagu kala qabtay dalal badan oo uu ka mid yahay Mareykanka. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Somalia oo go’aan ka gaaray hagaajinta Maaliyadeed ee dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay dowlada federaalka ay ka taageeran dhinacyo badan. Donald Yamamoto oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle Tv ayaa shaaca ka qaadey in taageeradood ay kamid tahay dhanka sirdoonka. Yamamoto ayaa xusay in ay jiraan unugyo guur-guura oo ay iyagu taageeran kuwaasi oo baadigooba xogta qaraxyada caasimada ka dhaca. Safiirka oo sii hadlaya ayaa xusay in dhowaan ay yaraan doonan qaraxyadda ka dhaca magaala madaxda dalka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Danjire.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wax-garad Soomaaliyeed ayaa bogaadiyey talaabadii ay shacabka Gaalkacyo kusoo dhaweeyeen wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka. Mudane Xasan Cali Khayre oo gobolada dhexe ee dalka socdaal ku maraya ayaa dhowaan tegay xarunta gobolka Mudug. Aqoonyahanadan oo u waramay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa talaabada ay qaadeen reer Gaalkacyo ku tilmaamay “Astaan muujineysa dowlad jecel”. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/FDS.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay danjiraha Mareykanka u fadhiya dalka. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Donald Yamamota ayaa kawada hadlay taageerada Mareykanka siiyo dowlada federaalka ah. Mareykanka ayaa ka taakuleeya Soomaaliya dhinacyadda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska hay’addaha dowladda. Wasiir Bayle ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wuxuu ku sheegay in dowladdu ka mahad-celineyso taageerada Mareykanka. View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa soo gabagabeynaya socdaalkiisa magaaladda Gaalkacyo. Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Mudane Khayre ayaa intii uu ku sugnaa Gaalkacyo wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool halkaasi. In ka badan todobaad ayuu ra’iisul wasaaruhu ku sugan yahay degaanada Galmudug oo uu u tegay dhismaha maamulkaasi oo loo dhan yahay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-12072019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo saacadihii la soo dhafay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Duqeynta oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday afar goobood oo Kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmadaasi. Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarunta degmada, saldhigga, xarun qaraxyada lagu diyaariyo iyo xarun kale oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno la sheegay in loo diyaarinayay inay weeraraan fariisimaha ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Ugu yaraan 19 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shababa ayaa ku dhintay duqeyntaas, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaank ah. Xubnaha la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray sarkaalkii maamulayay saldhigga degmada Jilib oo magaciisa lagu so gaabiyey Xasan Dheere iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cali. Sidoo kale dadka ku dhintay duqeyntan ayaa waxaa ka mid ah dad u xirnaa Al-Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa shan Qof. Dhinaca kale waxaa jira khasaare xoogan oo ka dhashay weerarada kale eel ala eegtay Al-Shabaab, balse aan la cadeyn karin inta uu la egyahay. Lama oha heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, hase ahaatee inta badan diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliya koofurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gabagabeynaya socdaal uu saddex maalin ee la soo dhaafay ku joogay magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug. Khayre ayaa intii uu ku sugnaa halkan tagay meelo badan oo ka mid ah magaalada, sidoo kalena booqasho muran dhalisay ku gaaray dhinaca Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaruhu haatan kulamo uu la leeyahay waxgaradka Gaalkacyo, kadibna uu u soo ambabixi doono magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii la socday Ra’iisul wasaare Khayre iyo ilaaladiisa ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay gaareen Dhuusamareeb. Sida aan xogta ku helnay Xasan Cali Khayre ayaa markale kulamo ka bilaabi doono halkaasi, kuwaas oo xal loogu raadinayo aririmaha Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu la filayo in markale uu ku laabto reer Cadaado, si uu qanciyo tabashada ay qabaan. Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa horya uga biyo diiday la kulanka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu ballan uga baxay. In ka badan labo todobaad ayuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku sugan yahay gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Today marks exactly four months since two Cuban doctors stationed in Mandera were abducted by gunmen on April 12. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa uu aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan loo soo magacaabay Cali Muxumad Carraale. Kulamo waqti dheer qaatay kadib oo xildhibaano ka tirsan Hirshabelle iyo kuwa federaalka ee ka soo jeeda Hirshabellew la qaateen Yusuf Dabageed ugu dambeyntii waxaa uu aqbalay in uu xilka wareejiyo muddo bil ah kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay. Muran ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa sababay in uu ku dhinto gacan ka hadal ka dhashay xil ka qaadistisa taliyihii ciidamada Booliiska ee gobolka Hiiraan. Hase yeeshee mudadii uu diidanaa inuu wareejiyo xilka guddoomiyanimada gobolka Hiiiraan Yuusuf Dabaged ayaa waxaa ku sugnaa magaalada Beledweyne Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Yuusuf Dabageed ayaana la filaayaa inuu xilka wareejiyo maalinimada sabtida taariikhduna tahay 13-7-2019 ka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Burco) “Wasiir Maxamed Kaahin Maha Nin Reer Ee Waa Nin Qaran”Xildhibaan Mubaarik Bidhi. Xildhibaan Mubaarik Bidhi Oo Kamida Xildhibaanada Ugu Saamaynta Badan Golayaasha Deegaanka Dalka Ahna Xildhibaan Laga Soo Doortay Degmada Burco Ayaa Ka Markhaati Kacay Kaalinta Muhiimka Ah Ee Uu Qaranka Ugu Jiro Wasiir Maxamed Iyo Halgankii Dheeraa Ee Uu Uso Maray Dibu Xoraynta Dalkani Xildhibaanka Oo Barta Uu Kuleeyahay Facebookga Ku Baahiyay Qoraal Kooban Oo Kaga Waramayo Miisaanka Iyo Qiimaha Uu Qaranka Ugu Fadhiyo Wasir Maxamed Kaahin Ayaa Waxa Uu Dhigna Sidatani[ Wasirka Arimaha Gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed , nin reer maaha,waa nin qaran. Waa nin mudan in talo loo dhiiso.waa nin mudan in Dalkan Madaxweyne ka Noqdo mar hadi Saaxibadi dalka Madaxweyne ka noqden AHN Cabdiraxmaan Tuur.Silaanyo.iyo Muse Bixi oo hada Madaxweyne ka ah . Miyaynan Mujaahid Maxamed Kaahin oo ahaa afarti Sarkaal ugu horeyay SNM u talaba uu ka mid yahay isla markana kaligi ka nool yahay ilaahay Cimrigisa iyo Caafimadkaba ha u barakeeyo anay ahayn inu mudan yahay Madaxweynaha Lixaad Somaliland. Mujaahid Maxamed Kahin colada Ceelafweyn dadka walaalaha waxaa umada somaliland markhaati ka tahay inu juhdi iyo wakhti badan ku bixiyay siday dadkaasi u heeshin lahaayen.cid ka badsata ma jirto sidu uga hawl galay inu colada dhameeyo. Mujaahid Maxamed Kaahin waa nin qaran dadka reer Somaliland waa isugu mid] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday sir culus oo la xariirta muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Cosoble ayaa sheegay inay maqlayeen warbixino ku aadan in Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay doonayaan inay ka laabtaan dacwadda haatan hortaalla Maxkamadda cadaaladd adduunka ee ICJ. Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in dowlado iyo safaarado ku yaalla Muqdisho ay cadaadis ku saarayaan dowladdu inay ka tanaasusho kiiskaasi, islamaarka lagu dhammeeyo meel banaanka ah maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in arrintan lagaga gol leeyahay in lagu burburiyo maamul goboleedyada dalka, taas oo uu ka digay. “Todobaadydii ugu dambeeyay waxaan maqalnay oo meelaha qaar lagu soo qoray in dowladdo iyo safaarado ay riixayaan in maxkamada banaankeeda lagu dhameeyo dowladana ay dooneyso arrintaasi si maamul goboleedyada loogu riixo,mana ogolaaneyno mana fiicno in maamul goboleedyada loo bubur buriyo in uu ku bedesho qadiyad ay soomaali oo dhan leedahay ayuu yiri Xildhibaan Cosoble. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay beenisay in wax gor gorton ah ay ka geli doonto arrinta Badda. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo u qorsheysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) inuu la yeesho dhiggiisa Kenya iyo Uhuru Kenyatta. Dacwadda hortaalla ICJ ayaa la filayaa in dib loo furo bisha September ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula qaatay Ugaaska Beesha Mareexaan, Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, oo safar ku yimid magaalada Muqdisho. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, ayaa u soo gaaray magaalada Muqdisho marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya waxaana la sheegay in ay kawada hadleen Arimaha Jubbaland iyo xaalado kale oo ka jira Gobalka Gedo. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ugaaska u sheegay qorshaha uu ka damacsan yahay doorashada maamulka Jubbaland ee sanadkaan 2020 isagoo ka dalbaday in lagu garab galo rabitaanka Dowladda ee qorshaha Jubbaland. Ugaas-ka Beesha Mareexaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in ay ku garab galayaan dhamaan qorshaha uu ka damacsan yahay Jubbaland ee lagu badbaadin karo dadka degan degaanada Maamulkaasi oo wajahaya dhibaato badan. Ugaas-ka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobalka Gedo iyo guud ahaan Beesha Mareexaan ee degta Jubbaland ay dhibaatooyin badan ka tabanayaan maamulka Axmed Madoobe islamarkaana ay doonayaan in uu isbadal ka dhaco hogaanka maamulkaasi. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Ugaaskiisa ayaa kawada hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Kenya ay ka geysanayaan gobalka Gedo islamarkaana lagu dhibaateynayo dadka uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya. Farmaajo ayaa Ugaaskiisa u sheegay in uu sameeyay dedaalo badan oo arintaas wax looga qabanayo balse ay jirto caqabada ay ku suurta geli la’dahay xal u helidda arintaasi isagoo ka dalbaday in ay dulqaataan oo laga war sugo Dowladda Soomaaliya. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, waxaa ninka ugu sareeya saxiixiyaasha Jubbaland waxaana aad looga xushmeeyaa guud ahaan Jubbaland. Hadii ugaaska ka soo horjeesto Axmed Madoobe, waxaa halis ku jira rabitaanka iyo damaca Axmed Maxamed Islaam ee hogaanka maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay rag hubeysan oo ka tirsan Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya. War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in xubnahaasi oo garayay labo lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyen banaanka magaalada Muqdisho. NISA ayaa shaacisay in ragga la soo qabtay ay hubeysnaaayeen, islamarkaana ay damacsanaayeen in dalal qorsheysan ay ka geystaan gudaha Caasimada. Sidoo kale warka ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in labo qof oo kale oo ka shaqeynayay shirkado ganacsi la soo qabtay, kuwaas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Warkan laguma shaacin magacyada xubnaha gacanta lagu so dhigay iyo halka laga soo qabtay marka laga reebo in howlgalka uu ka dhacay duleedka Muqdisho. “Howgal ay hay’adaha amnigu ka fuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta ku soo soo dhigeen laba dhagarqabe oo ka tirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa kordhiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa gacanka kusoo dhigay Laba xubnood oo ka ka tirsan Al-Shabaab, markii ay howl-gallo qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho. Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in ay soo qabteen Laba dhagar qabe iyo Hubkooda, xilli ay maleegayeen dilal lagu beegsanayo Shacabka. Qoraal kooban oo ay hay’adda NISA soo saartay ayay ku tiri, “Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi”. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Khamiistii gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Shirka oo ka qabsoomay xarunta ku meel gaarka maamulkaasi ee Baydhabo ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo xaalada dalka quseeya. Qodobada shirka lagu soo qaadey waxa kamid ahaa dadkii lagu laayey degaanada Galmudug ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed oo guddi heer federaal ah oo loo saarey dhacdadaasi ayaa golaah warbixin siiyey. Ugu dambeyntii, xubnaha ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in lasoo qabto raggii falalkaasi ka dambeeyay, lana horgeeyo sharciga. Codka wasiirka warfaafinta KGS oo sharaxaya https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-2.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa hogaanka maamul goboleedka Jubbaland ugu baaqey in ay cashar ka bartaan tanaasulka dhigooda Galmudug. Mudanahan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa shaaciyey in ay muhiim tahay in la xushmeeyo madaxda dalka. Dalxa oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa tibaaxay in dalku galay isbedel siyaasadeed, loona baahan yahay in aanan la buun-buunin dhibaatada. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa haatan ku sugan degaanada Galmudug muddo ka badan todobaad, isaga oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay. Codkan halkan ka dhageyso https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-1.mp3 View the full article
-
Gaalkacyo (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa wuxuu ku guuldareystay in uu is hortaago socdaal uu ra’iisul wasaaraha dala, Xasan Cali Khayre ku tegay waqoyga magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Mudane Khayre oo si diiran halkaasi loogu soo dhaweeyay ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda, isaga oo kala hadlay xaalada guud ee dalka iyo horumarka la taaban karo ee xukuumadiisa ay sameysay. Halkan hoose ka dhageyso warbixin ku saabsan arrintan https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin.mp3 View the full article