Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,966
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Wax-garad Soomaaliyeed ayaa bogaadiyey talaabadii ay shacabka Gaalkacyo kusoo dhaweeyeen wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka. Mudane Xasan Cali Khayre oo gobolada dhexe ee dalka socdaal ku maraya ayaa dhowaan tegay xarunta gobolka Mudug. Aqoonyahanadan oo u waramay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa talaabada ay qaadeen reer Gaalkacyo ku tilmaamay “Astaan muujineysa dowlad jecel”. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/FDS.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho kula kulmay danjiraha Mareykanka u fadhiya dalka. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Donald Yamamota ayaa kawada hadlay taageerada Mareykanka siiyo dowlada federaalka ah. Mareykanka ayaa ka taakuleeya Soomaaliya dhinacyadda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u dhiska hay’addaha dowladda. Wasiir Bayle ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay wuxuu ku sheegay in dowladdu ka mahad-celineyso taageerada Mareykanka. View the full article
  3. Gaalkacyo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa soo gabagabeynaya socdaalkiisa magaaladda Gaalkacyo. Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto Dhuusamareeb, caasimada Galmudug. Mudane Khayre ayaa intii uu ku sugnaa Gaalkacyo wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool halkaasi. In ka badan todobaad ayuu ra’iisul wasaaruhu ku sugan yahay degaanada Galmudug oo uu u tegay dhismaha maamulkaasi oo loo dhan yahay. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-12072019.mp3 View the full article
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn xoogan oo saacadihii la soo dhafay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Duqeynta oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday afar goobood oo Kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmadaasi. Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarunta degmada, saldhigga, xarun qaraxyada lagu diyaariyo iyo xarun kale oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno la sheegay in loo diyaarinayay inay weeraraan fariisimaha ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Ugu yaraan 19 dagaalyahan oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shababa ayaa ku dhintay duqeyntaas, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaank ah. Xubnaha la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray sarkaalkii maamulayay saldhigga degmada Jilib oo magaciisa lagu so gaabiyey Xasan Dheere iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cali. Sidoo kale dadka ku dhintay duqeyntan ayaa waxaa ka mid ah dad u xirnaa Al-Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa shan Qof. Dhinaca kale waxaa jira khasaare xoogan oo ka dhashay weerarada kale eel ala eegtay Al-Shabaab, balse aan la cadeyn karin inta uu la egyahay. Lama oha heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, hase ahaatee inta badan diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliya koofurta Soomaaliya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  6. Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gabagabeynaya socdaal uu saddex maalin ee la soo dhaafay ku joogay magaalada Gaalkayo ee xarunta gobolka Mudug. Khayre ayaa intii uu ku sugnaa halkan tagay meelo badan oo ka mid ah magaalada, sidoo kalena booqasho muran dhalisay ku gaaray dhinaca Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaruhu haatan kulamo uu la leeyahay waxgaradka Gaalkacyo, kadibna uu u soo ambabixi doono magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii la socday Ra’iisul wasaare Khayre iyo ilaaladiisa ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay gaareen Dhuusamareeb. Sida aan xogta ku helnay Xasan Cali Khayre ayaa markale kulamo ka bilaabi doono halkaasi, kuwaas oo xal loogu raadinayo aririmaha Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu la filayo in markale uu ku laabto reer Cadaado, si uu qanciyo tabashada ay qabaan. Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa horya uga biyo diiday la kulanka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inuu ballan uga baxay. In ka badan labo todobaad ayuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku sugan yahay gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  7. Today marks exactly four months since two Cuban doctors stationed in Mandera were abducted by gunmen on April 12. Source: Hiiraan Online
  8. Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa waxaa uu aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan loo soo magacaabay Cali Muxumad Carraale. Kulamo waqti dheer qaatay kadib oo xildhibaano ka tirsan Hirshabelle iyo kuwa federaalka ee ka soo jeeda Hirshabellew la qaateen Yusuf Dabageed ugu dambeyntii waxaa uu aqbalay in uu xilka wareejiyo muddo bil ah kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay. Muran ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa sababay in uu ku dhinto gacan ka hadal ka dhashay xil ka qaadistisa taliyihii ciidamada Booliiska ee gobolka Hiiraan. Hase yeeshee mudadii uu diidanaa inuu wareejiyo xilka guddoomiyanimada gobolka Hiiiraan Yuusuf Dabaged ayaa waxaa ku sugnaa magaalada Beledweyne Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare. Yuusuf Dabageed ayaana la filaayaa inuu xilka wareejiyo maalinimada sabtida taariikhduna tahay 13-7-2019 ka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Burco) “Wasiir Maxamed Kaahin Maha Nin Reer Ee Waa Nin Qaran”Xildhibaan Mubaarik Bidhi. Xildhibaan Mubaarik Bidhi Oo Kamida Xildhibaanada Ugu Saamaynta Badan Golayaasha Deegaanka Dalka Ahna Xildhibaan Laga Soo Doortay Degmada Burco Ayaa Ka Markhaati Kacay Kaalinta Muhiimka Ah Ee Uu Qaranka Ugu Jiro Wasiir Maxamed Iyo Halgankii Dheeraa Ee Uu Uso Maray Dibu Xoraynta Dalkani Xildhibaanka Oo Barta Uu Kuleeyahay Facebookga Ku Baahiyay Qoraal Kooban Oo Kaga Waramayo Miisaanka Iyo Qiimaha Uu Qaranka Ugu Fadhiyo Wasir Maxamed Kaahin Ayaa Waxa Uu Dhigna Sidatani[ Wasirka Arimaha Gudaha Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed , nin reer maaha,waa nin qaran. Waa nin mudan in talo loo dhiiso.waa nin mudan in Dalkan Madaxweyne ka Noqdo mar hadi Saaxibadi dalka Madaxweyne ka noqden AHN Cabdiraxmaan Tuur.Silaanyo.iyo Muse Bixi oo hada Madaxweyne ka ah . Miyaynan Mujaahid Maxamed Kaahin oo ahaa afarti Sarkaal ugu horeyay SNM u talaba uu ka mid yahay isla markana kaligi ka nool yahay ilaahay Cimrigisa iyo Caafimadkaba ha u barakeeyo anay ahayn inu mudan yahay Madaxweynaha Lixaad Somaliland. Mujaahid Maxamed Kahin colada Ceelafweyn dadka walaalaha waxaa umada somaliland markhaati ka tahay inu juhdi iyo wakhti badan ku bixiyay siday dadkaasi u heeshin lahaayen.cid ka badsata ma jirto sidu uga hawl galay inu colada dhameeyo. Mujaahid Maxamed Kaahin waa nin qaran dadka reer Somaliland waa isugu mid] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday sir culus oo la xariirta muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Cosoble ayaa sheegay inay maqlayeen warbixino ku aadan in Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay doonayaan inay ka laabtaan dacwadda haatan hortaalla Maxkamadda cadaaladd adduunka ee ICJ. Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in dowlado iyo safaarado ku yaalla Muqdisho ay cadaadis ku saarayaan dowladdu inay ka tanaasusho kiiskaasi, islamaarka lagu dhammeeyo meel banaanka ah maxkamadda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in arrintan lagaga gol leeyahay in lagu burburiyo maamul goboleedyada dalka, taas oo uu ka digay. “Todobaadydii ugu dambeeyay waxaan maqalnay oo meelaha qaar lagu soo qoray in dowladdo iyo safaarado ay riixayaan in maxkamada banaankeeda lagu dhameeyo dowladana ay dooneyso arrintaasi si maamul goboleedyada loogu riixo,mana ogolaaneyno mana fiicno in maamul goboleedyada loo bubur buriyo in uu ku bedesho qadiyad ay soomaali oo dhan leedahay ayuu yiri Xildhibaan Cosoble. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay beenisay in wax gor gorton ah ay ka geli doonto arrinta Badda. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda XFS ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo u qorsheysan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) inuu la yeesho dhiggiisa Kenya iyo Uhuru Kenyatta. Dacwadda hortaalla ICJ ayaa la filayaa in dib loo furo bisha September ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan gaar ah Madaxtooyada Soomaaliya kula qaatay Ugaaska Beesha Mareexaan, Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, oo safar ku yimid magaalada Muqdisho. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, ayaa u soo gaaray magaalada Muqdisho marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya waxaana la sheegay in ay kawada hadleen Arimaha Jubbaland iyo xaalado kale oo ka jira Gobalka Gedo. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ugaaska u sheegay qorshaha uu ka damacsan yahay doorashada maamulka Jubbaland ee sanadkaan 2020 isagoo ka dalbaday in lagu garab galo rabitaanka Dowladda ee qorshaha Jubbaland. Ugaas-ka Beesha Mareexaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in ay ku garab galayaan dhamaan qorshaha uu ka damacsan yahay Jubbaland ee lagu badbaadin karo dadka degan degaanada Maamulkaasi oo wajahaya dhibaato badan. Ugaas-ka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobalka Gedo iyo guud ahaan Beesha Mareexaan ee degta Jubbaland ay dhibaatooyin badan ka tabanayaan maamulka Axmed Madoobe islamarkaana ay doonayaan in uu isbadal ka dhaco hogaanka maamulkaasi. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Ugaaskiisa ayaa kawada hadlay dhibaatooyinka Ciidamada Kenya ay ka geysanayaan gobalka Gedo islamarkaana lagu dhibaateynayo dadka uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya. Farmaajo ayaa Ugaaskiisa u sheegay in uu sameeyay dedaalo badan oo arintaas wax looga qabanayo balse ay jirto caqabada ay ku suurta geli la’dahay xal u helidda arintaasi isagoo ka dalbaday in ay dulqaataan oo laga war sugo Dowladda Soomaaliya. Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow, waxaa ninka ugu sareeya saxiixiyaasha Jubbaland waxaana aad looga xushmeeyaa guud ahaan Jubbaland. Hadii ugaaska ka soo horjeesto Axmed Madoobe, waxaa halis ku jira rabitaanka iyo damaca Axmed Maxamed Islaam ee hogaanka maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay rag hubeysan oo ka tirsan Kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya. War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in xubnahaasi oo garayay labo lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka fuliyen banaanka magaalada Muqdisho. NISA ayaa shaacisay in ragga la soo qabtay ay hubeysnaaayeen, islamarkaana ay damacsanaayeen in dalal qorsheysan ay ka geystaan gudaha Caasimada. Sidoo kale warka ka soo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in labo qof oo kale oo ka shaqeynayay shirkado ganacsi la soo qabtay, kuwaas oo haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Warkan laguma shaacin magacyada xubnaha gacanta lagu so dhigay iyo halka laga soo qabtay marka laga reebo in howlgalka uu ka dhacay duleedka Muqdisho. “Howgal ay hay’adaha amnigu ka fuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta ku soo soo dhigeen laba dhagarqabe oo ka tirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa kordhiyey howlgallada lagu xaqiijinayo amniga degmooyinka gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa gacanka kusoo dhigay Laba xubnood oo ka ka tirsan Al-Shabaab, markii ay howl-gallo qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho. Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in ay soo qabteen Laba dhagar qabe iyo Hubkooda, xilli ay maleegayeen dilal lagu beegsanayo Shacabka. Qoraal kooban oo ay hay’adda NISA soo saartay ayay ku tiri, “Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi”. View the full article
  14. Baydhabo (SMN) – Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa Khamiistii gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Shirka oo ka qabsoomay xarunta ku meel gaarka maamulkaasi ee Baydhabo ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo xaalada dalka quseeya. Qodobada shirka lagu soo qaadey waxa kamid ahaa dadkii lagu laayey degaanada Galmudug ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed oo guddi heer federaal ah oo loo saarey dhacdadaasi ayaa golaah warbixin siiyey. Ugu dambeyntii, xubnaha ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in lasoo qabto raggii falalkaasi ka dambeeyay, lana horgeeyo sharciga. Codka wasiirka warfaafinta KGS oo sharaxaya https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-2.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa hogaanka maamul goboleedka Jubbaland ugu baaqey in ay cashar ka bartaan tanaasulka dhigooda Galmudug. Mudanahan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ayaa shaaciyey in ay muhiim tahay in la xushmeeyo madaxda dalka. Dalxa oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa tibaaxay in dalku galay isbedel siyaasadeed, loona baahan yahay in aanan la buun-buunin dhibaatada. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa haatan ku sugan degaanada Galmudug muddo ka badan todobaad, isaga oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay. Codkan halkan ka dhageyso https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-1.mp3 View the full article
  16. Somalia’s first tech innovation hub opened in 2017 while Ethiopian startups are learning to survive amid continued internet shutdowns by the government. Source: Hiiraan Online
  17. Africa must change its relationship with Europe if it wants to become self-reliant and exploit rich resources that could transform the continent, Ghana's president has said. Source: Hiiraan Online
  18. Leaders from 54 African nations met on Sunday to make a critical expansion to their continental free trade zone. If the massive deal works as hoped, it will connect 1.3 billion people, create a $3.4 trillion economic bloc, and heat up commerce within the continent itself. Source: Hiiraan Online
  19. Gaalkacyo (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa wuxuu ku guuldareystay in uu is hortaago socdaal uu ra’iisul wasaaraha dala, Xasan Cali Khayre ku tegay waqoyga magaaladda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Mudane Khayre oo si diiran halkaasi loogu soo dhaweeyay ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda, isaga oo kala hadlay xaalada guud ee dalka iyo horumarka la taaban karo ee xukuumadiisa ay sameysay. Halkan hoose ka dhageyso warbixin ku saabsan arrintan https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-12072019.mp3 View the full article
  21. Beledweyne (Caasimada Online)- Sida aan wararka ku heleyno waxaa xal rasmi ah laga gaaray xiisadii maamul ee ka taagneyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kadib dadaallo ay sameeyeen mas’uuliyiin ka socda dowladda federaalka iyo maamulka HirShabelle ayaa lagu guuleystay in la soo afjaro xiisadaasi. Khilaafkan ayaa ka dhashay xilka qaadis uu Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ku sameeyey guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), kaas oo ka hor yimid tallaabadaasi. Dabageed ayaa ka biyo diiday inuu xilka wareejiyo, islamarkaana uu baneeyo xarunta degmada, taas oo sababtay inay xiisadu xoogeysato iyo dagaal ka dhacay deegaanka Kala-Bayr ee gobolka Hiiraan. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa ku warramayaa in guddoomiyaha cusub Cali Muxumed Caraale uu shalay la wareegay xafiisyada degmada. Arrintan ayaa timid, kadib wada-hadallo muddooyinkii dambe ka socday halkaasi. Sidoo kale waxaa xalay kulmay guddoomiye Caraale iyo Dabageed, kuwaas oo is gacan qaaday, kuna dhawaaqay in la dhammeeyey khilaafkii taagnaa. Illaa iyo hadda xilka lama wareegin guddoomiyaha cusub, basle dhawaan ayaa la filayaa in la qabto xafladda uu xilka ku wareejinayo guddoomiye Dabageed oo hadda aqbalay. Xiisadan oo muddo ka taagneyd Beledweyne ayaa sababtya inuu ku dhinto taliyihii qeybta Booliska Maxamed Macow oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay duleedka magaaladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warbaahinta dalka Gini ayaa markii u horeysay ka hadashay safarkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tagay caasimada dalkaasi ee Conakry. Shabakada Mediaguinee oo kamida Warbaahinta dalka Gini ayaa sheegtay in socdaalkii Madaxweyne Biixi uu ku tagay dalkaasi ay horseeday in shacabka reer Somaliland si weyn u sharfaan calanka wadanka Gini iyo Madaxweyne Alpha Condé oo sawiradiisa la sudhay wadooyinka waaweyn ee caasimada Hargeysa. Waxa kale oo ay xustay shabakadu in shacabka Somaliland ay si weyn u bogaadiyeen madaxweyne Conde iyo shacabka reer Gini, oo Madaxweynahooda si meeqaam sarre leh loogu soo dhaweeyay caasimada dalka Gini. Jamhuuriyada Gini iyo Somaliland ayaa xiriir cusub yeeshay kadib socdaalkii Madaxweyne Biixi, kuwaasi oo la filayo inay yeeshaan iskaashiyo kala duwan oo dhinaca Ganacsiga iyo Dhaqaalaha. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Eritrea (MNN) – Thousands of Somalia refugees are on the move after the government in Eritrea decided to close down its only refugee camp. Source: Hiiraan Online