Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,999
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Faisal Abdi Roble I just concluded listening to a piece of detailed information about the foiled visit of PM Khayre to North Galkayo. The information [...] Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Caarre oo cadho kaga goostay ciidammada qaranka somaliland ayaa ganafka ku dhuftay codsi uga yimid maamulka Puntland iyo dawlada Soomaaliya. Dawlada Soomaaliya oo soo dhexmaraysa maamulka Puntland ayaa kornayl Caarre u soo jeedisay inuu fuliyo qodobo ka dhan ah jiritaanka qaranimada somaliland kuwaas oo uu ka qaatay go’aan aan ka farxin dhinacyadii soo abaabulay codsiyada dhagaraysan. Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa soo bandhigay qodobada laga codsaday kornayl Caare waxaanu yidhi “Caare iyo Puntland waxay isku mari waayeen qaabka maamulkaasi u taageerayo jabhada Kornaylka iyo wajiga uu dagaalkiisu noqonayo, Caare isaga oo Qardho jooga ayuu odhan jiray somaliland, waana geesi halyey qaran ah waana nin rag garta waayey.” Siyaasi Cismaan Cumar Dool ayaa sidoo kale cadeeyey halka ay isku seegeen kornayl Caare iyo maamulka Puntland oo fulinaya go’aamo laga soo faray Muqdisho waxanu yidhi “Kornayl Caare waxay isku maandhaafeen maamulka Puntland iyo dawlada soomaaliya in lagu yidhi magaca soomaaliya qaado oo aanu kugu caawino, isna waxa uu ku yidhi ma doonayo magaca soomaaliya ee somaliland is haysata ayaanu nahay ee sidaas miyaad igu garab galaysaan iyaguna waxay ku yidhaaheen maya oo somaliland ma aqoonsanin namana khusayso, sidaas ayaanu Caare ku waayey in baabuur tigniko ah la siiyo in lacag la siiyo iyo in askar la siiyo, waxaanu noqday qof mabda leh oo is yidhi dadkaaga iyo umada somaliland ha khiyaamaynin, sidaas ayaanu kaga soo baxay maamulka Puntland kuna soo galay somaliland iyada oo aanay waxba ku soo kordhin ciidankii uu la tagay.” Kornayl Caare oo ay ciidamada qaranka isku hor fadhiyaan buurta Daallo ayaa siyaasi Cismaan Cumar Dool ku baaqay inaan tabashada sarkaalkaas iyo ciidanka la socda aan lagu xalin dagaal “Caare halka uu maanta ku jiro ninka yidhaahda halagu laayo oo weerar halagu xaliyo waa nin ka shaqaynaya in dabku sii fido, Caare waa in si macquul ah loola hadlaa oo la dhagaystaa waxa uu tabanayo.” Source
  3. Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in weerar toos ah iyo weliba ismiidaamin lagu qaaday Hotel Medina oo hore loo oran jirey Hotel Cascasey oo ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo. Qarax xoog leh ayaa laga maqlay hotelka waxaan xigey dabley hubeysan oo gudaha u gashay hotelka iyadoo weli laga maqlayo rasaas sida ay soo sheegayaan dad ku sugan magaalada Kismaayo. Hotelka ayaa waxaa degenaa xildhibaano iyo weliba qaar ka mid ah musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Jubbaland. Wararka ayaa intaa ku daraya in aagga hotelka laga maqlayo rasaas xoogan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in rag hubeysani ay gudaha u galeen hotelkaasi. Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay aad u kacsan tahay, isla-markaan ay ciriiri tahay isgaarsiinta Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Hotelka oo ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Beel Ka Mid Labadii Beelood Ee Ku Dagaalamay Ceel-afweyn Oo Wareejisay Gaadiid Dagaal Iyo Hub Ay Haysatay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Kooxo hubeysan oo ku bilaabay Ismiidaamin iyo rasaas ayaa gudaha ugalay Hotel Cascasey Magaalada Kismaayo. Kooxda ayaa qarax iyo Rasaas xoog uge galay Hotelka Donna [...] Source
  6. (SLT-Ankara)-Shixnadii ugu horaysay ee gantaalada Difaaca ee dalka Ruushku uu ka iibiyey dalka Turkiga ayaa gaadhay dalkaasi, sida uu sheegay Wasiirka difaaca ee dalka Turkiga. Wasiirka dufaaca dalka Turkiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta oo jimce ah ku sheegay in Qalabkii ugu horeeyey ee lagu casriyeynayey hanaanka difaaca uu soo gaadhay saldhiga ciidamada cirka ee Murted oo ku yaala magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Waxaanu intaasi ku daray in sidoo kale ay dalkaasi soo gaadhi doonaan maalmaha soo socda qaybaha hadhay ee hubkan difaaca cirka ee dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka. Hubkan dalka Turkigu uu ka iibsaday dalka Ruushka ayaa xiisad ka dhex abuuray dalka Maraykanka iyo Turkiga, kaas oo dalka Maraykanku aanu jeclaysan talaabada ay qaaday dawlada Turkigu maadaama oo ay ka wadatirsan yihiin isbahaysiga NATO. Source
  7. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa sheegayo inay weli ciidamadii hubeysnaa ku jiraan gudaha Hotel Cascasey oo ay gelinkii dambe ee Maanta ku galeen weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana socdo dadaalo xooggan oo lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ku jiro Hotelka. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey in Hotelka laga soo badbaadiyey Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto. Sidoo kale waxaa jiro Xildhibaano iyo Diasparo badan oo kasoo jeedo Beesha Axmed Madoobe kuwaas oo ku xayiran Hotelka isla markaasna aan la xaqiijin karin nolol iyo geeri. Wasiiro ka tirsan Jubbaland ayaa ka mid ahaa sidoo kale dadka Ciidanka Nabad suggida Jubbaland ay soo badbaadiyeen. Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland ayaa howlgal ka wado Hotelka, waxayna wararka sheegayaan inay gudaha hotelka weli jiraan kooxihii Al-Shabaab ka tirsanaa ee weerarka kusoo qaaday. Waxaa jiro khasaaro xooggan oo ka dhashay weerarkaas qaraxa ku bilowday, inkastoo aysan weli noo suurtagelin inaan helno tirada saxda ah.
  8. PRESS RELEASE UNAIDS to launch 2019 Global AIDS Update in KwaZulu-Natal, South Africa The report will be launched by the Executive Director a.i. of UNAIDS, Gunilla Carlsson, and the Deputy President of South Africa, David Mabuza GENEVA, Switzerland, July 10, 2019/ — News media are invited to attend the global launch of the 2019 Global AIDS Update, Communities at the Centre, in Eshowe, KwaZulu-Natal, South Africa, on 16 July 2019. The report contains the latest data on the progress and challenges in the AIDS response and highlights the enormous impact community health workers have in successfully expanding access to treatment, supporting adherence and preventing new HIV infections. The report will be launched by the Executive Director a.i. of UNAIDS, Gunilla Carlsson, and the Deputy President of South Africa, David Mabuza. Civil society and members of the local community will also be present. EVENT Launch of the UNAIDS 2019 Global AIDS Update, Communities at the centre DATE Tuesday, 16 July 2019 WHERE King DinuZulu Stadium, Eshowe, KwaZulu-Natal, South Africa WHEN 11.00–12.30 South Africa (09:00-11:30 GMT) (opportunity for interviews with UNAIDS Executive Director a.i. at 12.30) SPEAKERS David Mabuza, Deputy President of South Africa Gunilla Carlsson, UNAIDS Executive Director, a.i. Zweli Mkhize, Minister of Health, South Africa Community representatives IMPORTANT Ground transport will be available from Durban to Eshowe and return for registered media. Embargoed materials will be available from Monday 15 July. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Programme on HIV/AIDS (UNAIDS). SOURCE United Nations Programme on HIV/AIDS (UNAIDS) Qaran News
  9. (SLT-Nairobi)-Qaar ka mid ah Saxaafadda Kenya ayaa ku warrantay in uu sii kordhayo culayska Dawladda Ingiriiska lagu saarayo inay dal madax-bannaan u aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland oo ah waddan uu hore u xukumi jiray Ingiriisku. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay Warsidaha Media maxnetwork oo laga leeyahay Kenya isla markaana ah Hay’adda warbaahineed ee leh Telefishanka Kenya 24TV, oo warbixin ka qoray go’aankii Isniintii Toddobaadkan Golaha Deegaanka ee Birmingham u aqoonsadeen JSL dal madax-bannaan. Shabakadda Media maxnetwork, waxay caddeysay in xildhibaanno ka soo jeeda xisbiyada waaweyn Ingiriiska oo kala ahaa Xildhibaan Ian Ward oo ka tirsan Xisbiga Labour-ka, Robert Alden oo ka mid ah xisbiga Conservativeka iyo Xildhibaan John Hunt, oo ka socday xisbiga Liberal Democrat Group ay warqad wadajir ah u qoreen Ra’iisul-wasaraha UK Mrs. Theresa May iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mr. Jeremy Hunt oo ay ku booriyeen inay JSL u aqoonsadaan waddan madax-bannaan. Mareegta Media maxnetwork waxay intaas ku dartay in Somaliland oo hore u ahaan jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray ay xoriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, iyadoo 28kii sannadood ee la soo dhaafay ay maamulayeen dawlado la soo doortay oo raadinaya ictiraaf caalamiya. Xildhibaan Ian Ward oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha UK, ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku sifeeyey xiddigta Nabadgelyadda Geeska Afrika, waxaanu ku dooday inay si wadajir ah Ra’iisul-wasaare May ugu dalbadeen inay JSL u ictiraafto qaran madax-bannaan. Xildhibaan Ward wuxuu xusay inay Gole deegaan ahaan u middeysan yihiin Somaliland oo muddo 28 Sannadood ah dal gaar ah ahayd, waxaanu carabaabay inay tahay xiligii beesha caalamku taageeri laheyd JSL. John Hurt oo ka tirsan Liberal Democrat Group ee golaha deegaanka Birmingham ayaa qiray Jamhuuriyadda Somaliland ay jid dheer u soo martay inay qoto xuddunta Nabadgelyada Geeska Afrika. Sidoo kale, waxa Warsiduhu sheegay in Wakiilka Somaliland ee UK Ayaan Maxamuud Cashuur ay ammaantay isla markaana si shucuur leh ugu mahadcelisay Golaha Deegaanka Birmingham. Geeska kalena, Shabakadda Media maxnetwork, wuxuu sheegay in Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi uu si weyn ugu mahadceliyey Golaha deegaanka magaalada Birmingham, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey tallaabada ay qaadeen mid geesinimo ah oo dhiirigelinaysa Qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu intaas ku daray in dalkiisu uu istaahilo in la ictiraafo. Ugu dambeyn Magaalada Birmingham ayaa ku soo biirtay magaalooyinka Cardiff, Tower Hamlets iyo Sheffield United oo hore ugu dhawaaqay aqoonsiga qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland. Cumar Maxamed Faarax Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xiisada ka dhaxaysa Somalia iyo Somaliland waxay baaqi ku sii ahayd mid kacsan. Xudunta halka la isku mari waxa weeyi Somaliland oo taagan siyaasi ahaan in 1991 ay ku dhawaaqeen madaxbanaanidooda iyo Somalia oo diidan. Xidhiidhkuna waxa uu sii cakirmay sanadkii 2018-kii ciidamo ka socda Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Somalia ee Puntland oo daacad u ah dawladda Federalku ee Muqdisho uu dagaal ku dhexmaray dhul ay ku muran san yihiin. Heshiisyadii ay Somaliland la gashay Imaaraadka iyo Ethiopia si loo maamulo dakadeeda ugu weyn – ayaa Muqdisho ay u aragtay inay caqabad ku tahay madaxbanaanideeda – Waxaanay abuurtay inay si qoto dheer uga soo horjeedo. Balse kala duwanaanshahaasi waxa uu si fudud u galay sanadkii 2019, oo cadaadis dibadeed uu abuuray in dib loo dhaqaajiyo wada xaajood dhexmara labada dhinac, taas oo markii ugu dambaysay ee ay si dhab ah u wada hadlaan ay ahayd 2015. Waxaanay labada dhinac ay xiligaasi wadahadalkoodu uu ahaa mid farsamo, oo diirada lagu saarayay amaanka iyo dhaqalaha, iyadoo laga fogaanayey mar kasta arinta siyaasada qaangaadhka ah ee Somaliland. Cida dhexdhexaadka ah, sida Midawga AFrika waa inay ugu yeedhaan wada hadalka, sidaa darteed maadaama oo dawladaha saamaynta ku leh gobolku in ay u arkaan in dhexdhexaadintu ay khatar galinayso danahooda. https://www.crisisgroup.org/africa/horn-africa/somalia/280-somalia-somaliland-perils-delaying-new-talks?fbclid=IwAR2WJ26twweDVpFeZ0U9btRbhGIlDZ5y8TMQYG8zCBXuCzEDi3EpGXXDohI Source
  11. (SLT-Addis Ababa)-Xisbiga Dimuqraadiga ee Amxaarada ee ADP ayaa weerar afka ah ku qaaday xisbiga xoreynta Tigreega ee TPLF kaas oo uu sheegay inuu halis ku yahay mustaqbalka Isbaheysiga haya talada Itoobiya. Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee (EPRDF) ayaa waxaa ku buhoobay ilaa afar xisbi oo ay kamid yihiin ADP iyo TPLF. Arbacadii, xisbiga TPLF ayaa ku eedeeyay xisbiga Amxaarada inay la shaqeynayeen ciidammadii khaska waday isla markaasna ay carqaladeeynayaan amniga gobolka. Waxay arrintani imaaneysaa xilli bishii hore isku day afgembi oo ka dhacay gobolka Amxaarada lagu dilay madaxweynihii gobolkaas Ambachew Mekonen iyo saraakiil sare. “Xisbiga ADP waa inuu eegaa xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha, ayna baaritaan ku sameeyaan dhacdadii lagu dilay saraakiisha iyo waa inay raalli bixiyaan” ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay xisbiga TPLF. Shalay, Xisbiga ADP waxaa uu sheegay in aysan wax raalligelin ah bixin doonin. Marka ay timaaddo arrimaha amni darrada, xisbiga Amxaarada waxaa uu ku eedeeyaa inay lug ku leeyihiin xisbiga Tigreega. “Waa ay na garab istaagi lahaayeen xilligii aan dhibaatada ku jirnay, xisbiga TPLF ma baddali doono siyaasadihiisa musuqa ah” ayaa lagu yidhi qoraal xisbiga ADP uu kusoo qoray Facebook. Khilaafkan soo kala dhexgalay saraakiisha ka tirsan isbaheysiga ka arrimiyo Itoobiya ayaa waxaa uu halis ku yahay midnimada iyo wadashaqeynta xisbigaas, sida uu BBC u sheegay qof falanqeeyo siyaasadda dalka Itoobiya. Source
  12. (SLT-Canada)-Ugu yaraan 37 qof ayay dhaawacyo ka soo gaadheen shirkadda Air Canada oo xaaladi ay la soo daristay kadib markii ay si dhakhso ah usoo cago dhigatay. Diyaaradan Air Canada ayaa siday 284 rakaab iyo shaqaalaha diyaarada isugu jiray waxaanay ka soo duushay Vancouver iyadoo u socotay Sydney balse waxay ku khasbanaatay inay si degdeg ah ugu dagto Hawaii. Sodon qof oo ka mid ah rakaabkii diyaarada ayaa loo qaaday cusbitaalka Honolulu, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada bileysku. Diyaaradan shilku qabsaday ee Air Canada ayay nooceedu ahayd Boeing 777-200 jet, waxaanay cilad kala kulantan dhinaca hawada. Badi dadka dhaawacyadu soo gaadheen ayaa ka soo go’ay xaga sare ee diyaarada kadib markii ay madaxa ku dhufteen markii ay diyaaradu sida dhakhsaha ah ay usoo cago-dhiganaysay. Waxaanay badi dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada saarnaa ay ahaayeen kuwo anfariirsan oo aad u naxsan. Source
  13. ADDIS ABABA (Reuters) - A failed regional coup in Ethiopia has exposed rare divisions in the alliance that has dominated the country for three decades, with two of the four ethnic parties that form the ruling coalition trading insults in a public feud. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Khartoum)-Guddiga millatariga Suudaan ayaa ka badbaaday afganbi millatari waxaana xabsiga la dhigay 16 sargaal sida ay tabisay warbaahinta Dowlada. Afganbigaan dhicisoobay ayaa imaanaya iyadoo wadahadalo ay u socdaan golaha qaran ee Millatariga haya tallada iyo dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suudaan. Saraakiisha la xidhay ayaa iskugu jira xubno ka tirsan laamaha Millatariga sirdoonka iyo kuwa adeega qaranka oo waday isku day Afganbi oo ka dhan ah Janaraal Jamaal Cumar. Tv-ga dowlada Suudaan ayaa xaqiijin xiliga uu dhacay isku daygan lagu maja xaabinayay golaha qaran ee millatariga Suudaan. Dhanka kale Janaraal Cumar ayaa sheegay inay ku raad joogaan askar kale oo ku lug laheyd afganbiga Dhicisoobay. Source
  15. Kismaayo (SMN) – Weerar ku bilowday qarax ayaa lagu qaadey huteel caan ah oo ku yaala magaaladda Kismaayo, xarunta ku meel gaarka maamulka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku bilowday qarax gaari kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo dhacay iyadda oo huteelka ay shir ku lahaayeen Xildhibaano iyo ddayaasha dhaqanka. Ma cadda illaa iyo haatan waxyeeladda ka dhashay dhacdadaasi oo imaaneysa xili Kismaayo laga dareemayo qaban-qaabada doorashadda. Bisha dambe ayaa la filayaa in ay qabsoonto coddeynta oo ay ku tartamayaan murashaxiin uu kamid yahay madaxweyne Axmed Madoobe. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-habeen-12072019.mp3 View the full article
  17. MOGADISHU (Reuters) - A car bomb went off in a hotel in Somalia’s port city of Kismayu where local elders and lawmakers were meeting, followed by gunfire, a police officer said on Friday. Source: Hiiraan Online
  18. Kismaayo (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay Mas’uuliyadda weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Hotel ku yaal Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland. Jugta qarax xooggan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Hoteel ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo oo ay deganyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland. War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteelka Cascaseey “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Jubbaland” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hoteelka Cascaseey halkaas oo ay ka wadaan toogasho.
  19. Kismaayo (PP) ─ Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in weerar ku billowday is-qarxin uuna xigay mid toos ah laggu qaaday Hotel Cas-caseey oo ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo. Kooxda weerartay hoteelka ayaa la sheegay in qaraxa kaddb ay gudaha u galeen hoteelkaas oo ay dagganaayeen xubno ka tirsan Dowladda Somalia iyo maamulka Jubbaland, waxaana weli socda dagaal culus. Sidoo kale, wararka la helayo ayaa sheegaya in goobaha la weeraray ay ku jirto xarun ay dhallinyarada isugu yimaadaan oo lagu magaaabo Maamuus oo aan ka fogeyn hoteelka. Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa laga soo xigtay in weerarku uu ahaa mid si lama filaan ah ku billowday, isla markaana uu yahay mid culus oo u dhexeeya kooxaha weerarka soo qaaday iyo ciidamada maamulkaas ee gaaray halkaas. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhasay weerarkaas, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho aad u badan iyo dhaawacyo kale oo aan cadad lahayn, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ku sugnaa hoteelkaas oo ah mid ay dad badan ku sugnaayeen. Xubnaha dowladda Somalia ka tirsan ee ku sugnaa hoteelkaas ayaa waxay u badnaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, iyadoo weerarku uu kusoo beegmayo iyadoo bisha soo socota lagu wado inay Kismaayo ka dhacdo doorashada xildhibaanada iyo midda hoggaanka maamulkaas. Dhanka kale, ma jirto koox sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas, balse weerarrada noocan oo kale ah, ayaa waxaa sheegata Al-shabaab oo ka talisa deegaanno ka tirsan Jubbooyinka, gaar ahaan gobolka Jubbada dhexe oo dhan iyo deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo. Ugu dambeyn, Wixii warar ah ee kasoo kordha weerarkaan oo illaa hadda socda waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado. PUNTLAND POST The post Weerar ku bilowday Qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday Hoteel ku yaalla Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  20. Kismaayo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaaladda Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan. Qaraxa ayaa la sheegayaa in lagu weeraray Huteel lagu magacaabo Cas-casey, kaasi oo la sheegayo in ay gudaha ugu daateen rag hubeysan. Iska hor-imaad ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu haatan socdo isla markaana xaaladu ay tahay mid aad u kacsan. Warar dheeraad ah kala soco shabelle.com View the full article
  21. Kismaayo (Caasimadda Online) – Qarax Weyn ayaa laga Maqlay Gudaha Magaalada Kusmaayo Caasimadda kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland sida ay Caasimadda u xaqiijyeen goobjoogayaal. Qaraxa ayaa ka dhacay Hoteelka loo yaqaan Cas Caseey iyo Maamuus oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo. Waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyabaaha Qarxa oo lagu dhuftay Iridda Hoteelka, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay ku qaadeen Hoteelka Koox hubeysan. Waxaa Magaalada laga maqlayaa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan Ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa ka tirsan Jubbaland. Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu hotelka daganaa mid kamida ah musharixiinta Jubbalanad iyadoo la sheegay inay halkaas ka socdeen kulamo. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online
  22. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa Kormeeray dhismaha wadada lamiga ah ee Biyo kule iyo dhismaha wadooyin yar yar, saldhigga badhtamaha magaalada iyo xaafadda Guryo Samo oo laga hirgelinayo duleedka galbeed ee magaalada Boosaaso. Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Taliyaha qaybta gobolka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey kormeer kiisa shaqo ee uu maanta ku tegey dhismaha Wadooyinka, saldhigga badhtamaha iyo xaafadda cusub ee Guryo Samo. “Waxaan ku faraxsanahay sida maamulka gobolka uu u wada shaqaynaayo iyo madaxda sare ee korjoogtada u ah ee dowladda dhexe, waan idinku bogaadinayaa shaqooyinka badan ee socda sida aad uga wada-shaqaynaysaan, wadooyinka laamiga ah ee socda waxay ku dhismayaan wada shaqayn iyo kala dambayn, waxaan kaloo ku faraxsanahay dhismaha saldhigga Badhtamaha ee looga shaqeeyey sida tayadaleh, markii iigu dambeysey Saldhigga iyo maanta aad bay u kala duwan yihiin waan garan waayey”. “Shaqooyinka ka socda Boosaaso waa kuwii ay xaqa u lahayd, talaabadaa iyada ah ku wada baan idin leeyahay, anana wixii karaankayaga ah waan ka qayb qaadanaynaa, inagoo dhammaanteen Alle ‘SWC’ kaashanayna, Ganacsatada hirgelinaysa Xaafadda Guryo Samo waan bogaadinayaa, waxay makhraanti u yihiin nabadgelyada ka jirta mandaqadda iyo horumarka isasoo taraya” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Boosaaso mudan tahay in il gooniya lagu eego, maadaama ay tahay ishii dhaqaalaha dalka, Isla markaana ay muhiim tahay inay dowladdu ku shaqayso si loo dhiirigeliyo Ganacsatada, loona kobciyo koboceena dhaqaale. PUNTLAND POST The post Karaash: ‘Boosaaso waxay mudan tahay in il gooniya lagu eego’ appeared first on Puntland Post.
  23. Washington (Caasimadda Online|) – Soo dhaweyntii weyneyd oo uu Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani kala kulmay Dowladda Mareykanka ayaa caddeyn buuxda u noqotay inuu buray go’doonkii ay Qatar geliyeen Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta sida uu qoray Wargeyska The Times Khamiistii Shalay aheyd. Tifaftiraha Wargeyska ee dhanka Bariga Dhexe Richard Spencer ayaa sheegay in Dowladaha Mareykanka iyo Qatar kala saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo aad u badan oo ay kamid tahay in Qatar laga iibiyo hubka Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa Dowladda Qatar ku tilmaamay inay tahay saaxiib dhow oo ay leedahay Washington sida uu hadalka u dhigay. ” Dadka Qatar waxay maalgelin xoog leh ku sameysteen dalkeena, waxay abuureen shaqooyin badan iyagoo lacago badan ku iibsaday saanado Militari oo ay kamid yihiin Diyaaradaha dagaalka” ayuu yiri Trump. Dowladda Mareykanka ayaa Qadar ku amaantay sida ay uga qeyb qaadato la dagaalanka argagixisad, waxayna midaan meesha ka saartay doodii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ahaa inay Qadar maageliso argagixisada sidaasna ay go’doon ku geliyeen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa talaadadii lasoo dhaafay aqalka cad kusoo dhaweeyey boqorka Qadar, waxayna kala saxiixdeen heshiisyo waaweyn oo kusaabsan iskaashi dhexmaro labada dhinac. Kulanka dhex maray Trump iyo Sheikh Tamim ayaa caddeynayo horumarka diplomaasiyadeed oo ay gaareyso Qadar xilli 2017 ay go’doon dhan walba ah saareen qaar ka tirsan dowladaha Carabta oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladaha go’doonka geliyey Qatar ayaa kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn waxayna sabab uga dhigeen inay Qadar taageerto Argagixisada inkastoo ay Qadar arrintaas si weyn u beenisay ayna sheegtay inay dowladahaan rabaan inay meel uga dhacaan madax banaanida Qadar. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  24. Baladweyne (PP) ─ Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] ayaa aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacabay Gobolka Hiiraan, Cali Muxumad Carraale. Daba-geed ayaa horay u sheegay inuusan jirin mas’uul uu xilka ku wareejin doono, kaddib markii uu sheegay in maamulka gobolka Hiiraan laga dhigay goob maamulkiisa isbedel lagu sameeyo markii la doono. Kulammo muddo bil ah socday kaddib ayuu Yusuf Daba-geed aqbalay inuu xilka wareejiyo mas’uulka bedeli lahaa, waxaana uu sheegay inuu si dhaw ula shaqeyn doono, maaddaama uu xlika hayay muddo dheer. Sidoo kale, Muran ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Daba-geed ayaa sabab u noqday dhimashada taliyihii ciidamada gobolka Hiiraan, kaddib dagaal aan muddo badan socon oo ka dhacay dulleedka Baladweyne. Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa tan iyo markii uu Daba-geed diiday inuu xilka wareejiyo ku sugnaa Baladweyne, isagoo tan iyo xilligaas waday kulammo lagu qaboojinayo xiisadda taagan. Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan, Carraale oo shalay la hadlay wabaahinta ayaa sheegay in hawlaha gobolka ay si rasmi ah u billaaban doonaan, isla markaana aan loo xayirnaan doonin shaqi aan ogolayn in bulshada gobolka loo adeego. Ugu dambeyn, Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu soo maray marxalado dhanka maamulka ah oo kala duwan, waxaana dhawaan guddoomiyaha degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan loo magacaabay haweeneydii ugu horreysay, taasoo xilka la wareegtay. PUNTLAND POST The post Yuusuf Daba-geed oo Aqbalay inuu wareejiyo xil uu Muddo dheer diiddanaa Wareejintiisa appeared first on Puntland Post.