-
Content Count
208,999 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo haatan dagaal adag kula jirta Kooxda Al-Shabaab ayaa waxa ay taageero kala duwan ka heshaa dalal oo badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca Milatariga ka taageero Soomaaliya, kaas oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo la hadlay Shabelle ayaa bixiyay xog badan oo ku saabsan taageerada ay siiyaan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo). Mr Yamamoto ayaa sheegay in Mareykanka Soomaaliya uu ka taageero dhinacyo ka mid ay tahay Sirdoonka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay jiraan unugyo guur-guura oo ay iyagu taageeraan, kuwaas oo baadi gooba xogta qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho. Waxa kale uu carabka ku adkeeyay in ay kala shaqeyn doonaan hay’adaha ammaanka, sidii looga hortagi lahaa weeraradaay Al-Shabaab, gaar ahaan qaraxyada ay ka geystaan gudaha Caasimadda. Dowladda Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogo ciidamo lagu qiyaaso 500 illaa 800, kuwaas oo caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya magaalada Muqdisho, kuwaas oo uu khasaaraha badan ka soo gaaro dadka rayidka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kulankii Amiirka Qadar iyo Trump oo wadnaha jaray Sacuudiga iyo Imaaraadka Soo dhaweyntii weyneyd oo uu Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani kala kulmay Dowladda Mareykanka ayaa caddeyn buuxda u noqotay inuu buray go’doonkii ay Qatar geliyeen Xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta sida uu qoray Wargeyska The Times Khamiistii Shalay aheyd. Tifaftiraha Wargeyska ee dhanka Bariga Dhexe Richard Spencer ayaa sheegay in Dowladaha Mareykanka iyo Qatar kala saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo aad u badan oo ay kamid tahay in Qatar laga iibiyo hubka Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa Dowladda Qatar ku tilmaamay inay tahay saaxiib dhow oo ay leedahay Washington sida uu hadalka u dhigay. ” Dadka Qatar waxay maalgelin xoog leh ku sameysteen dalkeena, waxay abuureen shaqooyin badan iyagoo lacago badan ku iibsaday saanado Militari oo ay kamid yihiin Diyaaradaha dagaalka” ayuu yidhi Trump. Dowladda Mareykanka ayaa Qadar ku amaantay sida ay uga qeyb qaadato la dagaalanka argagixisad, waxayna midaan meesha ka saartay doodii Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ahaa inay Qadar maalgeliso argagixisada sidaasna ay go’doon ku geliyeen. Madaxweynaha Mareykanka ayaa salaadadii lasoo dhaafay aqalka cad kusoo dhaweeyey boqorka Qadar, waxayna kala saxiixdeen heshiisyo waaweyn oo kusaabsan iskaashi dhexmara labada dhinac. Kulanka dhex maray Trump iyo Sheikh Tamim ayaa caddaynaya horumarka diplomaasiyadeed oo ay gaadheyso Qadar xilli 2017 ay go’doon dhan walba ah saareen qaar ka tirsan dowladaha Carabta oo ay hormuud u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladaha go’doonka geliyey Qatar ayaa kala ah Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn waxayna sabab uga dhigeen inay Qadar taageerto Argagixisada inkastoo ay Qadar arrintaas si weyn u beenisay ayna sheegtay inay dowladahaan rabaan inay meel uga dhacaan madax banaanida Qadar. Qaran News
-
weriye oo Reer Laascaanooda oo ku geeriyootey Qaraxii kismaayo Waxaa isa soo taraya dadka ku dhintay weerarkii ku bilawday Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Madiina oo horay loo oran jiray (Hotel Cascasey). Dadka ku geeriyooday weerarka waxaa kamid ah Hodan Naaleeye oo ahayd wariye madaxbanaan oo aasaastay Integration TV. Sidoo kale waxaa la geeriyooday Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac kasoo mid noqday Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland. Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood.Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, iyaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta. Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxanka. Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda.Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoonka labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka dhex jiray, kuna dhawaaqay in ay dardargelin doonaan howlaha shaqo ee horyaala oo ay ugu horayso arimaha doorashooyinka 2020. Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay in guud ahaan lasoo Afjaray Khilaafkii labadda Aqal, islamarkaana loo diyaar yahay u shaqeynta Umadda Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in howlaha Sharci dejinta ay yihiin qabyo hadii aysan wada shaqeyn labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in dhibaato badan lala kulmay intii uu Khilaafku ka dhaxeeyay labadda Aqal. Waxaa uu sheegay in hadda ay dardar galin doonaan howlaha Sharci dejinta gaar ahaan howlaha doorashooyinka iyo Dastuurka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si deg deganaa wuxuu ku booqday Isbitaalka Kismaayo Dadkii lageryay Isbitaalka ee ku dhawacmay Weerarkii Caawa lagu qaadey Hotel Ex.Cascasey. Dhimashada [...] Source
-
Waddamada Galbeedka waxaa ku soo kordhaya khilaafka ka dhexdhasha maamulada Masaajida ay Soomaalid gacanta ku hayaan. Khilaafkan ayaa u badan dalalka waqooyiga Yurub,siyaasadda wadamadan u dagsan ayaa ah in masuuliyadda Masaajidada ay hoos tagaan ururo ka diiwaan gashan halkaas oo u dhisan hab Dimuqraadiyadeed doorasho loo sameeyo. Waa wax iska caadi ah bulshooyinka in la’isku maandhaafo arrimaha meel la maamulayo, balse marka ay timaado goob cibaado, misane meesha ay timaado arrin qabiil, waa arrin qeyru caadi ah. Arrin tan la xiriirta waxa ay ka dhacday xaafadda Biskopsgården ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, halkaas oo masaajid ku yaala uu qarka u saaran in albaabada laysugu dhufto kadib markii muran iyo gacan qaad uu dhex maray masuuliyiinta haya maamulka masaajidkan oo u kala qeybsan laba garab. Muranka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo sidii maamulka masaajidka loogu qeybsan lahaa awood qeybsiga beelaha ee 4.5-ta loo yaqaano, kaas oo ku salaysan abtirsiimada beelaha, kaas oo ay hadda ku dhisantahay dowladda Soomaaliya ka jirta. Cali Yare Gaani oo arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa, goobjoogna ka ahaa dhacdada ayaa BBC-da u sheegay sababta la’isu heysto “haa waa run way jirta in 4.5 lagu qeysado awooda layskuna haysto,masajido badan ayaa jira oo maamulkooda lagu saleeyay 4.5, Dadkan meesha isku haysata noloshaydii ma arkin hada kadibna illaahay ima tuso,sababtoo ah dad aan Aakhiradooda ka fakarayn,Ummada ka fakarayn,foolxumda kafakarayn,foolxumada Muslimiinta ku dhacaysa ka fakarayn,labada nin waxay ku kala tageen waa bala in aan xidho iyo in aan xidho,ayaa laba kooxoon u kala safan tahay,sumcad xumo waan ka dharagnay,Soomaali baa qabiil isku haysata ayaa la qoray”. Wasiir iisu beddelay mu’addin masaajid Sawirrada dadki New Zealand lagu laayey iyaga oo msaajid ku dukanaya Giriigga oo dhisaya masaajid malaayiin doollar ku kacay Qaar ka mid ah warbaahinta waddanka Sweden ayaa soo bandigay sawirro booliska dalkaas oo gudaha u galaya masaajidka si ay u joojiyaan buuqa ka dhex taagan culimada Soomaalida ee ku dhex dagaalamaya gudaha masaajidka. Taariikhda Masaajidka iyo muhiimadiisa Masaajiddan waxa ku tukada boqolaal Muslimiin ah oo ay Soomaalidu u badan tahay,waxaa sidoo kale ku yaala goobo carruurta loogu dhigo Quraanka,waxa loo isticmaali jiray hawlaha muhiimka ka ah sida xalinta khilaafaadka qoysaska,caawinta bulshada Soomaalida dalka iyo dibad. “Masaajidkan waxaa la bilaabay bilowgii 1990 kii,markii hore waxan ku bilownay goob yar,Soomaalidu way ku yarayd waagaas Gothenburg ama Sweden,markii Muslimkii soo batay ayaan u wareegnay goob markii hore ahaan jirtay caweys khamrada lagu cabbo oo nagu dhaganayd ayaa qoladii iska lahayd ka baxday,sidaas ayaan ku balaarinay masaajidka,waxay noqotay goob qurxoon oo xaafadda iyo Muslimkuba ku faa’iiday” sidaas waxa BBC-da u sheegay Cali yare Gaani Cabdi oo kamid ah dadka xaafadaas daganaa waqtiga badan kana mid ah xubnaha ka shaqeeya arrimaha bulshada. Arrinkan waxa soo dhex galay maamulka degmada iyo ka gobolka kadib markii xalinta arrinkan uu ka gudbay Soomaalida dhexdeeda. Bbc somali Qaran News
-
A Somali official says at least 10 people have been killed in an extremist attack on a hotel in the port city of Kismayo. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dadka ku dhintay weerarkii ku bilawday Ismiidaaminta ee lagu qaaday Hotel Madiina oo horay loo oran jiray (Hotel Cascasey). Dadka ku geeriyooday weerarka waxaa kamid ah Hodan Naaleeye oo ahayd Gabar Caawin jirtay Haweenka danta yar, iyo wariye madaxbanaan oo aas aastay Integration TV. Sidoo kale waxaa la geeriyooday Seygeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac kasoo mid noqday Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland. Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood. Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, isaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta. Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxankta iyo Xiriirka. Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda. Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Warakii ugu dambeeyey ee qarax Kismaayo ayaa sheegaya iney ku dhinteen weriyeyaal ay ka mid yihiin Hodan Naaleeye iyo Axmed Sahal. Waxaa kale oo dadka geeriyoodey ka mid ahaa seyga Hodan oo ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Jubbaland iyo Xildhibaan ahaana murashaxa madaxtinnimada Jubbaland Maxamed Ismaaciil shakuur. Qaaraxaan caawa lagu Hotel Hotel Cascasey ee magaalada Kismaayo.ayaa waxaa ku nafwaayay ilaa shan ruux oo isugu jiray weriyeyaal, dad rayid ah iyo mid ka mid musharaxiinta u taagnaa qabashada xilka madaxtinimo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo ( SMN) Wararkii ugu dambeeyay aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa ku soo warramaya in dadka ku geeriyooday weeraradii Maqribnamadii Caawa ka dhacay halkaas uu ku jiro Wariye Gacmadheere loo yaqaanno oo ka tirsanaa Television ka SBC. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia. Ciidamada Ammaanka ayaa ka soo badbaadiyay halkaas Senetarro Aqalka sare ee DFS ka tirsan oo ay ka mid yihiin Iftiin Xasan Baasto, iyo Axmed Xaashi. Waxaa jira Khasaarooyin intaas ka badan balse aan la xaqiijin Karin illaa iyo Iminka. Dagaalamayaasha ayaa weli ka dhex dagaalamaya gudaha Hoteelkaasi ku yaalla Magaalada Kismaayo. Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ayaa Hooy u ahaa Musharrax Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho. Waxaana lagu soo warramayaa in dagaalamayaasha ku jira gudaha Hoteelka ay ka dhex dagaalamayaan qeybta uu ka deganaa Hoteelkaasi. View the full article
-
[contact-form] Al Shabaab said it attached an upscale hotel in the southern port city of Kismayo on Friday afternoon. Local residents said the attack began with a car bomb detonated at the entrance gate of the hotel followed by gunfire. Political leaders, MPs, elders and presidential candidates were at the hotel at the time of the complex attack. The attack comes as Jubbaland is preparing to hold presidential and parliamentary elections next month. Several people are feared dead and security forces are fighting with the attackers to end the seige. View the full article
-
Weerar Lagu Qaaday Hotel-ka Kismaayo oo La soo Gabagabeeyey
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Weerar caawa fiidkii lagu qaaday Hotelka Cascasey ee gudaha Kismaayo ayey lSoo afjareen laamaha ammaanka,sida uu Goobjoog News u sheegay. Afhayeenka laamaha amniga Cabdi nuur. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka caawa lagu qaaday Hotelka ku yaala Kismaayo , ayadoo hotelka ay daganaayeen Xildhibaano aqalka sare, kuwa baarlamaanka federaalka iyo Jubbaland. Gudihiisa Hotelka ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federalka iyo kuwa ka tirsan dowled gobaleedka Jubbaland. Xildhibaanada la soo badbaadiyay waxaa ka mid ah xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto waxaana hadda wali socda howlgalka ay wadaan ciidama ammaanka oo lagu ogaanayo khasaaraha dhabta ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Kismaayo (PP) ─ Warar dheeraad ah ayaa ka imaanaya weerarkii cuslaa ee galabta lagu qaaday hoteel ku yaalla bartamaha Kismaayo, kaasoo kooxda Al-shabaab ay sheegatay, waxaana la sheegayaa in uu weli weerarku socdo. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in xildihbaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya laga soo badbaadiyay hoteelka la weeraray, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Iftiin Xasan Baasto iyo Caano-nuug oo labadaba Jubbaland laga soo doortay. Weerarkan oo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee naftooda ku waayay, ayaa waxay wararku sheegayaan in dadka ku dhintay uu ka mid ahaa wariye u shaqeynayay telefishinnada afka Soomaaliga ku hadla, inkastoo wararka aan la hubin ay sheegayaan inay jiraan mas’uuliyiin kale oo weerarka lagu dilay. Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas ay iyagu mas’uul ka yihiin, ayna la beegsadeen hoteel ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan DF iyo maamulka Jubbaland, sidoo kalena ay joogeen xubno caddaan ah, sida uu hadalka u dhigay. “Innaga ayaa ka dambeynay weerarka, waxaan weerarnay hoteel Cas-casey oo ku yaalla bartamaha Kismaayo, waxaan weerarkaan ku billownay Qarax, intaas kaddibna waxaa hoteelka gudaha u galay ciidamadeenna, Hoteelka gudihisa waxaa daadsan dad badan oo uu ku jiro ruux caddaan ah,” ayuu ku yiri hadalkiisa afhayeenka hawlgallada ee Al-shabaab. Dhanka kale, wararka laga helayo Kismaay ayaa sheegaya in dagaal uu ka socdo gudaha hoteelka, ayna halkaas ku sugna yihiin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland, lana wado hawlgallo lagu badbaadinayo dadka ku sugnaa hoteelkaas. Weerarkaan ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay noociisa oo ururka Al-shabaab ay ka geystaan gudaha Kismaayo oo sanadihii u dambeeyay laga dareemayay magaaladaas ammaan la isku halleyn karo. Ugu dambeyn, Hoteelka la weeraray ayaa waxaa dadka daggan ka mid ahaa C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo ka mid ah musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxnimo ee dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. PUNTLAND POST The post Faah-faahinta weerarkii Kismaayo iyo Al-shabaab oo sheegatay appeared first on Puntland Post.