Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,974
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in Saakay ay soo afjareen weerarkii Hotelka Cascasey ay ku qadeen xubno ka mid ah Al-shabaab. Weerarkaan ayaa ku bilowday qarax Gaari, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay Hoteelkaasi, iyadoo halkaasina ay dad badan ku dileen. Hotelkan waxaa deganaa Ergo, Xildhibaann, waxgarad, wasirro iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo xilliga weerarka uu bilaabanayey halkaasi ay aad u mashquul ahayd. Inkastoo aanay weli dowlad goboleedka Jubbaland aanay xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, ayaa hadana wararku waxay sheegayaan iney dhinteen ugu yaraan 15 qof, iyadoo dhaawucuna ka badan yahay 40 qof. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa xalay wuxuu isbitaallada ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi, iyadoo maanta qaar ka mid ah dhaawacyada loo soo qaadayo magaalada Muqdisho. Waxaa adag isgaarsiinta Kismaayo, iyadoo ciidamo badanna lagu arkayo magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Guddoonka labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay kulan socday mudo laba saac ku dhow ku yeeshay Magaaladda Muqdisho. Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Abshir Axmed Maxamed (Abshhir Bukhaari),waxaana ugu dambeyn guddoomiyaasha labada aqal oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay uu guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi sheegay in shirka laga soo saaray in laga gudbo wixii cabasha ahaa ee labada aqal dhexdooda ahaa islamarkaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii labada Aqal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in maadaama dalka uu doorasho u diyaar garoobaayo islamarkaana labada aqalba ay horyaalaan shuruuc muhiim ah lagu heshiiyay horumarinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta labada dhinac,sidoo kalena la sameeyo xeer hoosaad labada aqal ka dhaxeeya iyo sidoo kale dhisida guddiga adeega Baarlamaanka. PUNTLAND POST The post Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka heshiiyay khilaaf u dhexeeyay appeared first on Puntland Post.
  3. MOGADISHU (Reuters) — Somalia’s security forces on Saturday ended an overnight attack by the al Shabaab Islamist militant group on a hotel in the southern port city of Kismayu that killed at least 13, a police officer said. Source: Hiiraan Online
  4. Kismaayo (SMN) – Ciidanka Aminiga Jubbaland ayaa soo afjaray weerarkiii Al Shabaab ay kula galeen Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ee Magaalada Kismaayo. Waxaa uu dagaalka socoday muddo ka badan 10 Saacadood ah , ilo deegaanka ah oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in 2 ka mid ah Dagaalamayaashii weeraray Hoteelka ay baxsadeen. Inta la xaqiijiyay waxaa ku Geeriyooday weeraradaasi oo isugu jiray Qaraxyo iyo Tacshiirad ku dhawaad 10 qof , halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa baaritaanno ka wada waxaana lagu soo warramayaa in Maamulku Damiyeen Qadkii Isgaarsiinta. Al Shabaab oo ka hadlay weeradaasi ayaa sheegay in ragga gudaha hoteelka ka dagaallamaya ay muddo sedax jeer ah iska difaaceen weeraro uga yimid ciidamo huwan ah islamarkaana ay Saacado badan heysteen dhismaha Hoteelka Madiina Ex Cascaseey. Dadka ku Geeriyooday weeraradaasi isugu jiray Qaraxyada iyo Tacshiirada ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shakur oo ahaa Musharax u taagan xilka Madaxweyne ee maamulka Jubaland horayna u soo noqday Wasiir ku xigeenki Howlaha Guud Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed. Madaxii Hay’adda Saado Deeq Ciise , Jaamac Fariid oo isna soo noqday Wasiirkii Ganacsiga Maamulka Jubbaland , ahaana Seygii Wariye Hodan Naaleeye oo iyana ka mid ahayd dadkii uu gallaaftay weerarkaasi. Hodan Naaleeye ayaa ahayd Saxafiyad u dhaq dhaqaaqda Arrimaha Bulshada Soomaaliyeed , iyadoo Barnaamijyo soo jiidasho leh ka sameyn jirtay Horumarrada iyo Hal Abuurka Bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa Isna ka mid ahaa Dadka weerarkaan ku Geeriyooday Wariye Mohamed Sahal Omar ( Gacmadheere ), oo Wakiil Wareed uga ahaa Magaalada Kismaayo Television-ka SBC ee fadhigiisu yahay Puntland Dhinaca kale waxaa dadkii weeraradaasi ku dhaawacmay ka mid ahaa Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , oo isagu ka mid ahaa Dadkii ku sugnaa Hoteelka wax ka dhaceen. Ilo wareedyada ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Ammaanka ay u suura gashay bilowgii weerarka in Hoteelka ay ka badbaadiyaan Senatarro ay ka mid yihiin Iftiin Xasan Baasto,iyo Axmed Xaashi ayaa laga Badbaadiyay Hoteelka. Hoteelka Madiina Ex Cascaseey ayaa waxaa Degenaa , Xubno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Somalia, Musharrixiin , qaarkood ah kuwa ugu Cad Cad doorashada Madaxweyne ee maamulka Jubbaland sida Musharaxa Cabdullahi Ciilmooge Xirsi oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Dad kala duwan oo ay ku jiraan Ergooyin taabacsan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intooda badan dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo. View the full article
  5. Somali-Canadian, Hodan Nalayeh, Among Those Killed In Kismanyo Attack Prominent Somali-Canadian journalist, Hodan Nalayeh and her husband, Farid Jama, were among those killed in a deadly attack on Hotel Madina (formerly Hotel Casaseyeh) in the town of Kismanyo, Somalia. The attack on the hotel which has been claimed by the militant group Al-Shabaab occurred on Friday whilst several prominent local politicians were holding a meeting in one of the halls. According to reports, armed gunmen stormed the hotel after a deadly car bomb. Reports of gunfire inside the hotel’s compound continued for some time. Reports also confirm another fatality of the attack was a prospective candidate for the Jubbaland regional presidency who had just arrived in the town to begin his campaign. It is expected the number of total fatalities will rise from the seven so far confirmed. Ms. Nalayeh was born in Las Anod, Somaliland, but raised and educated in Edmonton, Alberta and worked for an online media station called, Integration TV, which was dedicated to the Somali community at home and abroad. Qarannews conveys it’s condolences to her family and the families of the other victims. Qarannews.com . Qaran News
  6. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqdayxalay Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixisadu maanta ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo. Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa, isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaareen waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin. Ciidamada amaanka ayuu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii xoogaana ee ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga. Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland. View the full article
  8. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-13072019.mp3 View the full article
  9. Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhowaad saacad ka hor soo gabagabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-casey oo ka mid ahaa hotelada ugu mashquulka badnaa ee magaalada Kismaayo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dableydii weerartay hotelka ee saacadaha badan ka dhex dagaalameysay, waxaana la sheegayaa inay gaarayeen in ka badan shan dagaalame. Tirada dadka ku dhintay ayaa iyana si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa ku jira dad isugu jira Wariyeyaal, Ergooyin, gabar caan ka aheyd baraha bulshada oo lagu magacaabayay Hodan Naaleeye iyo seygeeda oo Wasiir hore ka soo noqday Jubbaland. Dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin sodomeeyo, waxaa la filayaa in qaarkood loo soo qaado magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka ku yaalla Kismaayo, waxaana uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa ee ay ku qaadaan Kismaayo, iyadoo weerarkan ku soo aaday xilli magaalada isu diyaarineyso doorashooyinka Jubbalan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay inuu sii kordhayo culayska dowladda UK lagu saarayo sidii ay u aqoonsan laheyd Somaliland, xili uu dhowaan golaha deegaanka Birmingham uu ku dhawaaqay inuu Somaliland u aqoonsaday dal madax banaan. Shabakadda MediaMax Network, ayaa waxay xaqiijisay in xildhibaanno ka soo jeeda xisbiyada waaweyn ee UK ay warqad wadajir ah u qoreen Raysul Wasaraha UK Mrs. Theresa May iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mr. Jeremy Hunt, taasi oo ay ku boorinayeen inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax bannaan. Shabakada ayaa waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland oo hore u ahaan jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray ay xoriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, iyadoo 28-kii sannadood ee la soo dhaafay ay maamulayeen dawladdo la soo doortay oo baadi-goob ugu jiray sidii ay u heli lahaayen ictiraaf caalamiya. Sidoo kale waxay ka dhawaajisey in Wakiilka Somaliland ee UK, Ayaan Maxamuud Cashuur inay si weyn u amaantay Golaha Deegaanka Birmingham, isla markaana si shucuur leh ugu mahad-celisay Golaha. Shabakada ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu isaguna si weyn ugu mahad-celiyey Golaha deegaanka magaalada Birmingham, isagoona talabadaasi ku sifeeyay Madaxweynuhu mid geesinimo leh oo uu Golahu qaaday, taasi oo sii dhiirigelineysa qadiyada aqoonsi raadiska Somaliland. Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  11. Kismaayo (PP) ─ Hay’adaha amniga Jubbaland ayaa sheegay inay soo af-jareen weerarkii Al-shabaab ay shalay gellinkii dambe ku qaadeen Hoteel ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo aad u fara badan. Inta la ogyahay weerarkaas oo socday muddo 10-saac ka badan ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ka badan soddomeeyo qof, kuwaasoo lagu daweynayo isbitaalka guud ee Kismaayo. Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ku jira wariyeyaal, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo dad kale oo shacab ah, kuwaasoo hoteelkaas ku sugnaa xilliga weerarku dhacayay. Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa laga soo xigtay in magaalada xalay oo dhan laga maqlayay rasaas iyo qaraxyo u dhexeysay ciidanka Jubbaland iyo xoogaggii weeraray hoteelkaas, kuwaasoo loo maleynayo in gabi ahaan la dilay. Ururka Al-shababa ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, waxayna qaar ka mid ah warbaahintooda ku sheegeen inay hawlgalkoodaas ku dileen dad ay ku jiraan ajaanib, sidoo kalena ay muddo dheer maamulayeen hoteelkaas oo ku yaalla bartamaha Kismaayo. Hotelka la weeraray oo lagu magacaabo Madiina horayna loo oran jiray Cas-caseey ayaa ku yaalla bartamaha Kismaayo, waxaana dagganaa dad badan oo qurbaha kasoo laabtay iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaana ka socday xilliga la weeraray shir ay lahaayeen xubno ka tirsan Jubbaland, Dowladda Somalia iyo Waxgarad ka soo jeeda Jubbooyinka. Dhanka kale, Weerarkaan ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madaxweynayaasha Somalia iyo Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, kuwaasoo sheegay in Al-shabaab ay doonayso inay dhibaatooyin u geysato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Ugu dambeyn, Xaaladda Kismaayo ayaa weli kacsan, waxaana hoteelka ku jira ciidammo badan oo kuwa amniga ah, kuwaasoo diiday inay cid kale u gudbto gudaha hoteelka inta laga xaqiijinayo amnigiisa. PUNTLAND POST The post Weerarkii lagu qaaday Kismaayo oo lasoo af-jaray iyo khasaarihii ka dhashay oo kordhay appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii shalay gelinkii dambe lagu qaaday hotelka Cas-casey oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkaasi, sidoo kalena ku dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg deg ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa amray hay’ada amniga inay sare u qaadaan sugida ammaanka. Sidoo kale wuxuu xukuumadda Soomaaliya faray in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka dowlad goboleedka Jubbaland inay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, islamarkaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga ee maamulkaaasi. Weerarkan oo ay sheegteen Al-Shabaab ayaa weli ka socda magaalada Kismaayo, iyadoona rag hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan gudaha hotelka la weeraray. In ka badan 10 Qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Hodan Naaleeyee iyo Sayigeeda oo lagu magacaabi jiray Fariid Jaamac, kaas oo ka soo mid noqday Wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli uu socda howlgal lagu soo afjarayo weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  13. Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo ku sugan magaaalada Madrid ee xarunta waddanka Spain ayaa halkaasi kaga qeyb-galay shir ku saabsan Qorshaha Maal-gelinta adkaysiga magaalooyinka ee (Resilience investment planning). Shirka oo uu soo qaban-qaabiyay Baanka Adduunka ayaa waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday 26 magaalo oo ku yaalla Qaaradaha dunida waxaana dalka Soomaaliya ku matalayey caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaalada Muqdisho. Duqa caasimadda Garoowe ayaa shirkaasi ku soo bandhigay Qorshayaasha horumarineed ee ka socda magaalada Garoowe iyo meelaha mashaariicda cusub u baahan ee ay doonayaan in laga taageero. Baanka Aduunka ayaa ku amaanay maamulka caasimadda Caasimadda Garoowe Nidaamkooda hufnaanta isla-xisaabtanka iyo Dahfurnaanta ku dhisan isla markaasna wuxuu ballan qaaday inay Mashaaric Waxter leh Ka fulin-doonan Garoowe. Geba-gabadii shirka ayaa maamullada Garoowe iyo Muqdisho waxay gudbiyeen mashruuc biyaha Lagaga maaraynayo magaalooyinka Garoowe iyo Muqdisho ( (Drainage Network System)kaasoo ku kacaya in ka badan 200 Milyan. PUNTLAND POST The post Caasimadda Garoowe oo ka qeyb-gashay shirka Maal-gelinta magaalooyinka dunida ee Madrid appeared first on Puntland Post.
  14. Kismaayuo (Caasimadda Online) – Rasaas ayaa wali ka socota Hoteelka Cascasey ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Ku dhawaad 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa iyo Weerarka lagu qaaday Hoteelka, waxaana wali dagaal ka socdaa Gudaha Hoteelka. Madaxda maamulka Jubbaland qaarkood ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka, islamarkaana Saacaddaha soo socda lasoo Afjari doono. Ciddamada ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka. Wararka ayaa sheegayo in weerarka lasoo afgaray balse weli ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay. Weerarkaan ayaa noqday midkii ugu horreeyey oo noociisa ah oo Kismaayo ka dhacay tan iyo markii uu madaxweyne Jubbaland ka noqday Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  15. Shipping companies sailing through the waters around the Gulf in the Middle East are being urged to avoid using private armed security guards onboard as the risk of escalation in the region rises, industry associations say. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu,--Two years after the prolonged 2016/2017 drought destroyed livelihoods and displaced almost one million Somalis - but also triggered a massive and successful scale-up in humanitarian response to avert famine, severe climatic conditions, combined with other persistent drivers of humanitarian crisis - armed conflict, protracted and continued displacement and a spike in evictions of internally displaced persons Source: Hiiraan Online
  17. Hodan Nalayeh, a Somali-Canadian journalist who built a career telling uplifting stories of the Somali community, has died in a hotel attack in Somalia, according to local media. Source: Hiiraan Online
  18. US officials say an American man accused of sexually molesting girls at a Bomet orphanage he founded with a church's help has been arrested. Source: Hiiraan Online
  19. A failed regional coup in Ethiopia has exposed rare divisions in the alliance that has dominated the country for three decades, with two of the four ethnic parties that form the ruling coalition trading insults in a public feud. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa magaalada Boosaaso kulan kula qaatay bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Kulankan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Taliyaha qaybta gobolka, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Karaash oo la hadlay shacabka ka soo qayb galay kalankaasi ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay iyadoo habeena inuu la kulmo bulshada magaalada, kalana xaajoodo nabadgelyada, horumarka iyo xasiloonida Boosaaso, waxa uu xusay in Boosaaso amni tahay, horumar ka socdo, intaasina ay ku hagaagayso wada-shaqaynta shacabka iyo dowladda. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay muhiimadda cashuurta ayaa xusay in ay qayb muhiima ka tahay cashuur bixintu dhismaha dowladnimada, Isla markaana uu xurmo gaar ah leeyahay cashuur-bixiyuhu, waxa uu ku booriyey shacabka reer Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso inay bixiyaan cashuurta si dalka loo horumariyo Logan shaqeeyo amnigiisa. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa masuuliyiinta iyo shacabka gobolka Bari ku booriyey inay ka wada-shaqeeyaan xasiloonida, nabadgelyada iyo horumarka gobolkooda, si cadawga ku Dhexjira gacan bir ah loogu qabto, taasna ay sahli karto ku xidhnaanta lambarada laamaha amniga ay isticmalaan hadba sida loo dhaqangeliyo. Halkaan hoose ka daawo khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo xalay La Kulmay Bulshada Magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  21. A Russian plane carrying the first components of the S-400 surface-to-air defense system landed in Turkey on Friday, in a move that is opposed by the Pentagon and could damage Turkey’s relationship with the United States and other NATO allies. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.” ayuu yiri Madaxweynaha Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland. Mudane Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee kismaayo appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Argagixiso ee shalay lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa, isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaareen waxaa kale oo madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin. Ciidamada amaanka ayuu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  24. Muuse Biixi Oo Arin Layaab leh Sameeyay+Macsuumad Qado & Qosolka Ku Duugan. Madaxweyne Biixi ayaa maanta gurigiisa ku sameeyay Macsuumad Qado ah oo la isku arkay taasi oo kulan siisay Odayaal kasoo kala jeeda Jufooyinka Somaliland Oo dhan, kuwaasi oo illa heer Gobol iskaga yimid. Qisada layaabka leh ee meesha kujirta ayaa ah inaanay is ogayn odayaasha madashani lagu macsuumay, waxaanay beel walba dhankeeda u filanaysay oo ay u qarsanahay inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynuhu, balse waxa ay arini timid markii ay gurigiisa ay iskugu yimaadeen Wajiyo badan oo caan ah oo kasoo kala jeeda beelaha Somaliland. Tusaale ahaan waxa suuqa soo gaadhay saacado ka hor intaanay Macsuumadu furmin ee aan guriga la tagin inuu Madaxweynuhu kulan gaar ah oo qado ah u sameeyay Odayaasha Beesha degta Gobolka Saaxil kuwaasi oo ubadnaa dhinaca martida la sooryeeyay. Sikastaba ha noqotee, Ujeedada Qadadan maanta uu Sameeyay Madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay mid loogu ducaynayay Arooska wiil uu dhalay Madaxweyne Biixi oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Biixi oo Todobaadkan ka dhacday Dalka Jabuuti. Qaran News
  25. Sacuudiga Oo Markab 20-Kun Oo Neef Oo Adhi Ah Siday Dib Ugusoo Celiyay Dekedda Berbera+Shuruud uu ku xidhay Markab u rarnaa Ganacsatada reer Somaliland oo labaatan Kun oo Neef oo adhi ah geeyay Dalka Sacuudiga ayaa dib loogu soo celiyay Dekedda Berbera ee Somaliland kadib sida la sheegay markii la weydiiyay ee laga waayay Warqadii Caafimaadka Xoolaha Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya. Markabkan oo magaciisa lagu sheegay MV-FAHAD ayaa Wararka Shabakadda Foore helaysaa sheegayaa inuu maalin saddexaadii ka baxay Dekeda Berbera isagoo 20- kun oo Neef oo adhi ah sida, islamarkaana markii uu gaadhay Dalka Sacuudiga la waydiiyay Warqaddi Caafimaadka Xoolaha ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Soomaaliya, markii laga waayayna waxa amar lagu siiyay inuu xoolaha ku celiyay halkii uu kasoo qaaday ee Berbera. Dhawaan ayuu dalka Sacuudigu shaaciyay in dhamaan Xoolaha uga tagaya Soomaalida oo ay kujirto Somaliland inay dalkiisa ku soo gali karaan oo qudha ogolaanshiyaha warqaddaCaafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, taasi oo qudhana uu aqoonsan yahay, arintaasi ayaa waxa ganafka ku dhufatay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Islamarkaana waxay Somaliland markii dambe shaaciyay inuu Sacuudigu ka ogolaaday inuu si gaar ah ula macaamilayo Xoolaha Somaliland iyo Dekeda Berbera. Arintan ayaa fajiciso ku noqotay Ganacsatadii Xoolahan lasoo celiyay Lahaa, waxaanay markabkan saaka Wasaaradda Beeraha Iyo Xoolaha ee Sacuudigu u soo jartay Warqaddii soo celinta, iyadoo sida lanoo xaqiijiyay uu markabkaasi iyo adhigii uu siday ay kusoo jeedaan Dekeda Berbera. Sidoo kale waxa uu caawa walaacii ugu cuslaa soo food saaray Ganacsatada Boqolaal Kun oo neef oo adhi ah oo ku xeraysan Maxjaradda Dekedda Berbera kuwaasi oo u diyaarsanaa in iyagana loo raro dhinaca Dalka Sacuudiga. Majiro wax war ah oo rasmi ah oo Markabkan ku saabsan oo Kasoo baxay dhinaca Somaliland. Qaran News