-
Content Count
209,005 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
JULY 13, 2019 / 10:15 AM / ISTANBUL (Reuters) – Russia flew a fresh shipment of advanced air defense equipment to Turkey on Saturday, the [...] Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Ciidamada Ammaanka ee magaalada Kismaayo saaka subaxnimadii hore soo gabagabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-casey oo ka mid ahaa hotelada ugu mashquulka badnaa ee magaalada Kismaayo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dableydii weerartay hotelka ee saacadaha badan ka dhex dagaalameysay, waxaana la sheegayaa inay gaarayeen in ka badan shan dagaalame. Bur bur Xoog leh ayaa ka muuqda Dhismaha Hoteelka shalay la weeraray ee Kismaayo, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 26 qof ayna ku dhaawacmeen 56 ruux. Hoteelka ayaa waxaa soo gaaray burbur, Maadaama Iridda hore ee Hoteelka lagu dhuftay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ka hor inta aysan weerarka qaadin Kooxda hubeysan. Sidoo kale dhibaatada Hotelka soo gaartay ayaa waxaa kamid ah rasaas culus oo ay Ciidamada Jubbaland ku garaaceen Hotelka. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay hadda xaaladda tahay mid dagan, waxaana Hotelka kusii qulqulayo mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala ah; Kenyan 3 qof. Canadian 1 qof. British 1 qof. American 2 qof. Tanzanian 3 qof. China 2 qof, dhaawac Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarkii Al-Shabaab shalay gelinkii dambe ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Guterres ayaa Tacsi u diraty Ehellada ay dadkoodu ku geeriyoodeen weerarkaasi, isaga oo kuwa dhaawaca soo gaaray u rajeeyey caafimaad deg deg ah. Sidoo kale wuxuu weerarkan ku tilmaaamay mid baahalnimo ah oo lagu laayey dad aan waxba galabsan. Xoghayaha guud ee QM ayaa intaasi raaciyey inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale dowladda Canada ayaa war ka soo saartay weerarka ku bilowday Ismiidaaminta ee ka dhacay Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo. Qunsuliyadda Canada ee ku taalla Nairobi ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, islamarkaana ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay weerarkaasi oo ay ku jiraan Muwaadiniin u dhashay dalkeeda. Sidoo kale AMSIOM ayaa si kulul uga hadashay weerarkan oo qaatay muddo ku dhaawad 15 saacadood oo xiriir ah. Wakiilka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Fransisco Madeira ayaa cambaareeyay weerarkaasi. Madeira ayaa tilmaamay in Al-Shabaab aysan guuleysaneyn, islamarkaana looga adkaanayo gudaha Soomaaliya. Jubbaland ayaa shaacisay in weerarkan lagu dilay 26 Qof, sidoo kalena lagu dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah. Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somalia’s security forces on Saturday ended an overnight attack by the al Shabaab Islamist militant group on a hotel in the southern port city of Kismayu that killed at least 13, a police officer said. “The operation is over,” police officer Major Mohamed Abdi told Reuters by telephone from Kismayu. “So far we know 13 people died. Many people have been rescued. The four attackers were shot dead.” Members of the al-Qaeda linked group stormed the hotel after targeting it with a car bomb on Friday while local elders and lawmakers were meeting to discuss approaching regional elections. A second witness put the death toll at 14. “The operation was concluded at 7 a.m. We know at least 14 people died including journalists and (local election)candidates. These are prominent people. The death toll is sure to rise,” local elder Ahmed Abdulle told Reuters. A journalists’ group had confirmed on Friday that two journalists were among the dead; Somali-Canadian journalist Hodan Naleyah, the founder of Integration TV, and Mohamed Sahal Omar, reporter of SBC TV in Kismayu. Separately, Mohamed Ibrahim Moalimuu, general secretary of the Federation of Somali Journalists, said in a statement: “We are saddened and outraged by this loss of life, and condemn in the strongest possible terms this appalling massacre.” Al Shabaab was ejected from Mogadishu in 2011 and has since been driven from most of its other strongholds. It was driven out of Kismayu in 2012. The city’s port had been a major source of revenue for the group from taxes, charcoal exports, and levies on arms and other illegal imports. Kismayu is the commercial capital of Jubbaland, a region of southern Somalia still partly controlled by al Shabaab. Al Shabaab remains a major security threat, with fighters frequently carrying out bombings in Somalia and neighboring Kenya, whose troops form part of the African Union-mandated peacekeeping force that helps defend the Somali government. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dadkii Shacabka ahaa ee lagu laayay weerarkii magaalada Kismaayo iyo Qaraxii lagu qaaday Hoteelka Cascasey. War kasoo baxay Madaxweynihii hore ee dalka ayaa loogu baaqay Shacabka Soomaaliyeed Midnimo iyo ka hortaggidda Weeraradda Al-Shabaab. Warka kasoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siddan u qornaa: Anigoo aad uga murugeysan dhibaatadii xanuunka badneyd ee xalay ka dha magaalada Kismaayo ee ay argagaxisadu ku laayeen dad Soomaaliyeed oo waxgalka u ahaa bulshadeena ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, kuwii ku dhaawacmayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo. In kooxahan argagaxisada ah ay meel weliba oo dalka ka mid ah ku beegsadaan, kuna laayaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujineysaa in ay cadow ku yihiin jiritaanka umaddeena oo dil, dhaawac iyo burburinba ay la daba joogaan. Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto dagaalka kooxahan nabaddiidka ah ee mar weliba ku faana laynta dadkeena waxgalka ah. Wax ay inoo reebanayaan oo nagu khasbaya in aan indhaha ka fiirsano ma jirto waa dagaal qof kaliya ama dowlad lagu haleynayo uusan jirin ee loo baahan yahay in aan u istaano, una midowno cadowgan nabadda inoo diidan ee har iyo habeen dilka, dhaawaca iyo burburkaba nala dul jooga. Soomaaliya ha guuleysato cadowgeeda gudaha iyo dibaddana haka guuleysato. Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Jubbaland oo shaacisay dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Midiina Ex Cascasey oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa 26 Qof, kuna dhaawacmeen 56 kale. Dadka dhintay wuxuu tilmaamay inay ku jiraan dad Ajanabi ah oo u kala dhashay dalalka : Kenyan 3 qof, Canadian 1 qof, British 1 qof., American 2 qof, Tanzanian 3 qof iyo China 2 Qof oo dhaawac ah Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa intaasi ku daray in ragga weerarka soo qaaday ay gaarayeen afar, islamarkaana labo ka mid ahaa la toogtay, halka mid nolosha lagu qabtay, midna uu is qarxiyey. Ugu dambeyn waxa uu ku amaanay ciidamada ammaanka, sida ay uga jawaabeen weerarkaasi, ugana hortageen. View the full article -
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo. War lagu daabacay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkii Kismaayo ay ku dhinteen 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa kamid ah Hodan Naleeyeh oo ah gabar saxafiyad ah haysatayna dhalashada Canada oo ay dhowaan kasoo laabatay ayaa ku geeriyootey dhacdadaasi oo ay Al-Shabaab sheegatay. Wararka ayaa intaasi ku daraya inseygeeda, Fariid Jaamac, kaasi oo wasiir kasoo noqdey Puntland ahaana ganacsade uu kamid noqday dadkii ku baxay mashaqadaasi. Marxuumadda ayaa ah aas-aasaha muuqaal-baahiyaha Integration TV kaasi oo ka warama arrimaha maxaliga ah ee dalka iyo qurba joogta Soomaaliyeed. Hodan ayaa ku dhalatay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 1976-dii, waxaa la dhashay 4-wiil iyo 7-gabdhood. Hodan Naaleeye iyo Qoyskeeda waxa ay Canada galeen 1984-tii, iyaga oo saldhigtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta. Waxbarashadeeda hoose waxa ay ka baxday West Humber Collegiate Institute, halka University of Windsor ay ka qaadatay Shahaada Bachelor-ka, iyada oo ka baratay Farshaxankta iyo Xiriirka. Waxa ay ahayd qof ku firfircoon baraha Bulshada, waxaana ay ku lahayd dad badan oo ku xirnaa baraheeda. Hodan iyo Seygeeda waxa ay muddooyinkii dambe ku noolaayeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Maxamed Sahal Gacmadheere, wariye ka tirsanaa talafishinka SBC isla markaana fadhigiisu yahay magaaladda dekadda leh ayaa isna la sheegay in uu kamid noqdey murxuumiinta. Deeq Ciise Cabdulle, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bini’aadanimadda ayaa dhankiisa ku jira dadka ku naf-waayey Is-miidaamintaasi. Si lamid ah nabadoon ayuu galaaftey weerarka. Dadka kale ee ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ahaa Ganacsade lagu magacaabi jiray Arbacow Rukun,waxaa kale oo dadka dhintay ka mid ahaa Deeq Ciise Wabi oo u shaqeynayay Hay’ad aan dowli ahayn. Sidoo kale waxaa weerarka Hotelka Cas casey ku dhintay Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ahaa musharrixiinta xilka madaxweynaha doorashada Jubaland. Waxaa kale oo weerarkaas ku dhintay Mahad Cabdullahi Nuur (Garguurte) oo ka dhashay qoys Ganacsiga caan ku ah islamarkaana deggan Tanzania,waxaa isaga iyo ganacsato u kala dhashay China iyo Tanzania u tageen Kismaayo in ay qiimeyn ku sameeyaan Ganacsi ay maalgashan karaan, mid ka mid ah dadka u dhashay China ayaa ka mid ah dadka dhintay. Dadka weerarka Hotelka ku nafwaayay waxaa ka mid ah Nin magaciisa lagu sheegay Ina Cigaal Shidaad oo Kismaayo u joogay arrimaha doorashooyinka Odayaasha dhaqankana ka mid ahaa. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala ah; Kenyan 3 qof. Canadian 1 qof. British 1 qof. American 2 qof. Tanzanian 3 qof. China 2 qof, dhaawac Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii argagixisadu ku qaadday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka, halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo tilmaamay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka Kenyan 3 qof. Canadian 1 qof. British 1 qof. American 2 qof. Tanzanian 3 qof. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay. Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay. Madaxweynaha ayaa shacabka reer kismaayo uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin. Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalkii ay muujiyeen ciidamada amaanka oo dad farabadan kasoo badbaadiyay hotelka sidoo kalana wakhti kooban kusoo afjaray kooxda weerarka soo qaaday waxaa uu intaas ku daray in amaanka gacan bir ah lagu qaban doono isagoo faray Hay”adaha amaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagi doonan. Dhamaan umada Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan gurmadka ay Jubbaland u fidinayso dadka ay waxyeeladu gaadhay isagoo u mahad celiyay Dowladaha iyo dhamaan dhinacyadii la qaybsaday ree Jubbaland tiiraanyada. Madaxweynahu wuxuu xusay in Warbixin dheerad ah oo la xiriirta sida ay wax u dheceen dhawaan ay Jubbaland soo saarayso kadib marka Hay”adaha amaanku ay dhameeyaan baaritaanada ay wadaan taas oo la xidhiidha waxyaabaha xiligan kusoo beegay falkan maadama Kismaayo ay nabadgalyo buuxda ka jirtay. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay qaraxii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo. War lagu daabacay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkii Kismaayo ay ku dhinteen 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala ah; Kenyan 3 qof. Canadian 1 qof. British 1 qof. American 2 qof. Tanzanian 3 qof. China 2 qof, dhaawac Inta kale waa dad Soomaali ah sida lagu sheegay warka ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland. Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Ragga Hotelka weeraray ay afar ahaayeen qaarkoodna is qarxiyeen halka mid kale nolosha ay ku qabteen Ciidanka Amniga Jubaland sida uu yiri. Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dilalka shaqsiga ah ee ay isku gaysanayaan dadka shacabka ahi ayaa ku soo badanaya Magaalada Hargeysa waxaana Xalay iyo habeen hore ka kala dhacay laba arimood oo aad u naxdin badan. Alle ha unaxariistee Nin magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan Jasiira ayaa meydkiisa laga dhex qaaday habeen hore masaajid kuyaala Dhakhtarka weyn ee Hargeysa dabadiisa oo layidhaa “Shamsudiin” kaasi oo loo xidh xidhay dadkii masaajidkaasi ku sugnaa, waxaanu meydka Ninkaasi illaa Shalay yaalay Qolka Meydka Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa. Alle ha unaxariistee sheekhan ayaa waxa uu hore imaam uga ahaan jiray Masaajidkaasi, waxaanay dad aqoon ulahaa noo sheegeen in xannuun loo malanayo dhinaca maskaxdu uu ku dhacay, kaasi oo uu muddo uga maqnaa Masaajidka. Dadka masaajidka masuuliyeedada hadda hayay oo la sheegay inay ehel ahaayeen Marxuumkan dhintay ayaa sida warkani hadda nagu soo gaadhay waxa doraad u yimid ninkan oo aad u kacsan, waxaana isku dayeen inay dejiyaan xaaladiisa. Waxay ku xidh xidheen xadhko la sheegay in loo malaynayo inay sababeen geeridiisa. Waxa baadhis ku haya meydka Marxuumkan Hay’addaha Amniga Somaliland, waxaana xabsiga lagu wada guray dadkii habeen hore masaajidka ku sugnaa oo ay kujiraan imaamkii iyo mu’adinkii Masaajidkaasi. Dhinaca kale, Alle ha naxariistee hooyo kolay jaad ku haysatay jidka u dhexeeya Isgoyska Xero Awr iyo Idaacadda Hargeysa ayaa iyadoo meheradeeda ku sugan uu baas mariyay nin hubaysnaa. Wararka aanu ka helayo ayaa sheegaya in ninka toogtay ay walaalo yihiin, iyadoo warar is khilaafsani kasoo baxayaan. Alle ha unaxariistee Meydka Marxuumaddan ayaa yaala Qolka Meyka Cisbitaalka Hargeysa waxaanna gacanta ku haya oo baadhaya sababta dilkeeda Hay’addaha Amniga Somaliland Source
-
(SLT-Doha)-Markab u rarnaa Ganacsatada reer Somaliland oo labaatan Kun oo Neef oo adhi ah geeyay Dalka Sacuudiga ayaa dib loogu soo celiyay Dekedda Berbera ee Somaliland kadib sida la sheegay markii la weydiiyay ee laga waayay Warqadii Caafimaadka Xoolaha Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya. Markabkan oo magaciisa lagu sheegay MV-FAHAD ayaa Wararka aanu helayno sheegayaa inuu maalin saddexaadii ka baxay Dekeda Berbera isagoo 20- kun oo Neef oo adhi ah sida, islamarkaana markii uu gaadhay Dalka Sacuudiga la waydiiyay Warqaddi Caafimaadka Xoolaha ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dawladda Soomaaliya, markii laga waayayna waxa amar lagu siiyay inuu xoolaha ku celiyay halkii uu kasoo qaaday ee Berbera. Dhawaan ayuu dalka Sacuudigu shaaciyay in dhamaan Xoolaha uga tagaya Soomaalida oo ay kujirto Somaliland inay dalkiisa ku soo gali karaan oo qudha ogolaanshiyaha warqaddaCaafimaadka ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, taasi oo qudhana uu aqoonsan yahay, arintaasi ayaa waxa ganafka ku dhufatay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Islamarkaana waxay Somaliland markii dambe shaaciyay inuu Sacuudigu ka ogolaaday inuu si gaar ah ula macaamilayo Xoolaha Somaliland iyo Dekedda Berbera. Arintan ayaa fajiciso ku noqotay Ganacsatadii Xoolahan lasoo celiyay Lahaa, waxaanay markabkan saaka Wasaaradda Beeraha Iyo Xoolaha ee Sacuudigu u soo jartay Warqaddii soo celinta, iyadoo sida lanoo xaqiijiyay uu markabkaasi iyo adhigii uu siday ay kusoo jeedaan Dekeda Berbera. Sidoo kale waxa uu caawa walaacii ugu cuslaa soo food saaray Ganacsatada Boqolaal Kun oo neef oo adhi ah oo ku xeraysan Maxjaradda Dekedda Berbera kuwaasi oo u diyaarsanaa in iyagana loo raro dhinaca Dalka Sacuudiga. Majiro wax war ah oo rasmi ah oo Markabkan ku saabsan oo Kasoo baxay dhinaca Somaliland. Source
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in cudur aan weli la aqoonsan uu fara kulul ku hayo gobolkaasi. Cudurkan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu ka dilaacay tuulooyin hoos yimaada deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Inta la xaqiijiyey waxaa Cudurkaasi u dhintay illaa 7 Qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, halka ay haatan la’il daran yihiin 12 kale. Dadka uu soo ritay xunuunkan oo aad uu liita ayaaa loo soo qaaday gudaha magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad. Sida ay ogaatay Caasimada Online dadka dhintay iyo kuwa haatan xanuunsan ayaa ah kuwa Ehel ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Cudurka uu leeyahay Qandho fara badan, islamarkaana uusan waligiis arag. “Waa xanuun aad u Qandho badan oo qofka ku ridayo tabar yari, kadib uu dhimanayo” ayuu intaasi raaciyey. Ugu damgbeyn wuxuu ugu baaqay maamulka HirShabelle iyo dowladda dhexe ee fedeaarlka in loo soo gurmado, si looga hortago Cudurkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka Itoobiya Cabdixakiim camey ayaa 10-July-2019-kii magaalada Addis Ababa qado sharaf ugu sameeyay Ugaaska guud ee Beelaha Gedobuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi iyo Maxamed Cabdillaahi Obsiiyo wasiirkii shaqada ee xukuumaddii Siilaanyo. Waxa ay ka wada hadleen xaaladaha Somalia maanta marayso iyo midnimada Somalia. Waxa Fadhiga iyo qadadaba ku weheliyey wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Federaalka ee Ethiopia Saxarla Cabdillaahi Xaaji Bahdoon iyo Ex wasiir Maxamed C.laahi Obsiiyo, Odayaal, Qurbojoog iyo dhalinyarro. Danjire Camay oo ka soo jeeda gobolka Sool waa madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland mana cadda qorshaha uu ula kulmay siyaasiyiintan iyo madaxdhaqameedka reer Awdal Xigasho: Xoghayaha Ugaaska Source
-
(SLT-Washington)-Siyaasi Maraykanka u dhashay oo u tartamaya xilka barasaabka gobolka Mississippi ayaa diiday in ay kaligeed waraysato gabadh wariye ah, wuxuuna ka codsaday in ay la timaado nin la shaqeeya oo wehel u ah. Gabadha lagu magacaabo Larrison Campbell ayaa sheegtay in siyaasiga Robert Foster ay weeydiisatay in ay ku wehliso safar 15 saacadood qaadanayay oo ay kula socon lahayd badhasaabka oo ku jira olole doorasho. “Kani waa gaadhigayga, gaadhigaygana waxaa lagu dhaqmayaa sharciga aan aniga dajiyo” ayuu u sheegay CNN, isaga oo intaas ku daray in sababo diintiisa awgeed iyo balan uu ka qaaday xaaskiisa, taas oo ahayd in aanu meel kula kaliyoobi doonin qof dumar ah oo aan xaaskiisa ahayn. Waxaa sidan oo kale hore u sheegay in aanu qof kale oo dumar ah kaligeed cunto la cuni doonin madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence. “Aragtida dadka ay aaminaan waa xaqiiqda jirta dunidaan aan joogno, ma doonayo in dadka ay fikrad iga qaataan taasoo ah in aan samaynayo wax aysan ahayn in aan sameeyo” ayuu yidhi Foster. Siyaasigan ayaa sheegay in ragga weerar culus lagu hayo, isaga oo tusaale usoo qaatay ololihii dumarka badan ay ku sheegteen in la faro xumeeyay. Gabadhan wariyaha ah ayaa go’aanka siyaasiga ku tilmaamtay mid sooc ah, gaar ahaan lagu soocayo sinjigeeda dumarnimo. Siyaasigan ayaa markii la weeydiiyay sida uu ku maareyn doono xaaladaha qaar marka la doorto haddii ay danta qasabto in uu dumar la kaliyoobo, ayuu sheegay in uu albaabka furnaan doono, ama dad isaga la socda ay ku sugi doonaan qolka ku xiga. Arrintan uu sheegay siyaasiga ayaa dib usoo kicisay doodda ah in ragga ay si isa soo taraysa ugu qanacsanayn in ay dumar la kaliyoobaan kadib ololihii dumarka badan ku sheegteen in la wax yeeleeyay. Source
-
The Secretary-General condemns the terrorist attack that took place on 12 July in Somalia’s port city of Kismayo. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Badda ee dalka Tunisia ayaa soo helay maydadka 72 qof oo doon ay saarnaayeen ay kula dagtay xeebaha dalka Tunisia todobaadkan, sida ay sheegayaan saraakiisha hay’adda gargaarku shalay oo jimce ah. Tirada ilaa iyo hada ku dhimatay shilkan ee maydadkooda la soo helay ayaa gaadhaya 72 qof, sida uu sheegay Mongi Slim, oo ah madaxa hay’adda Laanqayrta cas ee dalka Tunisia, kaas oo sheegay in maydadkan laga soo helay gobolka koonfurta ee Medenine. Doontan ayaa ku dagtay magaalada ku taala koonfurta dalkaasi ee Zarzis maalintii arbacadii iyadoo siday tahriibayaal Afrikaan ah oo tiradoodu gaadhaysay 86. Halkaas oo Afar kaliya la soo badbaadiyey, inkastoo markii dambe midi uu cusbitaalka ku dhintay. Todoba iyo Afartan Mayd ayaa maalintii Khamiistii la soo saaray iyagoo dul sabaynayey oogada sare ee biyaha, dadka dhintay ayaa waxa ku jiray ilmo yar iyo shan haween ah. Doontan ayaa qorshaheedu ahaa inay gaadho Yurub maalintii isniintii markii ay ka dhaqaaqday dalka ay jaarka yihiin ee Liibiya. Xeebaha dalka Tunisia ayaa mudooyinkii u dambeeyey caan ku noqday inay ka baxaan kumanaan tahriibayaal ah oo ay ku jiraan Tunisian nolol fiican ka raadsanaya dalalka Yurub inay ka tahriibaan dalkaasi. Source
-
Kadib dhex-dhexaadin uu muddo socotay, ugu dambeyntii waxaa xalay heshiis taariikhi ah ku gaaray Muqdisho labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo muddo 6 bil aanu ka dhaxeyn wax wada shaqeyn ah. Waxaa arrintan si gaar ah mas’uuliyad isaga saaray guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee aqalka sare Abshir Axmed Maxamed iyo dhiggiisa aqalka hoose Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ . Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo ugu horeyntii ka hadlay ayaa sheegay iney ka heshiiyeen wixii jiray isaga oo yiri “ Waxaan go’aansanay in wadashaqeyntii labada aqal ay bilaabato, oo wixii qaladaad ahaa ee jiray la saxo, shaqadii baarlamaankuna ay bilaabto oo aan dalka u shaqeyno”. Dhankiisa, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay iney tahay arrin taariikhi ah, maadaama khilaafkii la xaliyey “Waxaa noo yaalo dastuur, waxaa noo yaalo sharciga doorashooyinka, shacabka Soomaaliyeed waxaa u sheegeynaa in laga bilaabyo caawa ay labada ay wada shaqeyn-doonaan, lana sameeyo si degdeg xeer hoosaad ay labada aqal leeyihiin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Kismaayo)-Gelinkii dambe ee shalay ayaa Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab waxaa ay weerar ku Bilowday qarax iyo mid toos ahaa ay ku qaadeen Hotelka Cas-caseey ee ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad isugu jira Wariyeyaal,Qurbojoog,Musharax Madaxweynaha Jubbaland, Ganacsade iyo dad shacab ah, kuwaasi oo dhammaantood ku sugnaa Hotelka. Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa kamid ah Weriye Hodan Naaleeye oo aheyd Gabar siweyn looga yaqaanay baraha Bulshad kana timid dalka Canada, Fariid Jaamac oo isna ahaa Seyga Hodan Naaleeye, Maxamed Cumar Sahal Gacmo Dheere oo Wariye ahaa,kaasi oo u shaqeyn jiray TV-ga SBC iyo Radio Ergo. Sidoo kale dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray Musharax Madaxweynanaha maamulka Jubbaland Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo maalmo kahor tagay Kismaayo kana waday olole iyo Mahad Xaji Abdulahi Nuur (Garguurte) oo ahaa Nin Ganacsade ah,kaasi oo saakay Meydkiisa laga helay gudaha Hotelka Cas-caseey. Dad kale oo shacab ahaa,isla markaana xiliga uu weerarka dhacaayay ku sugnaa gudaha Hotelka ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan,kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo. Dhinaca kale Ciidanka amniga Jubbaland ayaa soo badbaadiyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xildhibaano kamid ah Jubbaland,Siyaasiyiin iyo dad shacab oo sugnaa Hotelka. Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo,waxaana weerarka la soo Afjaray saacad kahor,kaasi oo qaatay saacado badan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay kulan socday mudo laba saac ku dhow ku yeeshay Magaaladda Muqdisho. Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka sare Mudane Abshir Axmed Maxamed ‘’Abshhir Bukhaari’’,waxaana ugu dambeyn guddoomiyaasha labada aqal oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay uu guddoomiyaha golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu sheegay in shirka laga soo saaray in laga gudbo wixii cabasha ahaa ee labada aqal dhexdooda ahaa islamarkaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii labada Aqal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhankiisa sheegay in maadaamaa dalka uu doorasho u diyaar garoobaayo islamarkaana labada aqalba ay horyaalaan shuruuc muhiim ah lagu heshiiyay horumarinta iyo dar dar gelinta wada shaqeynta labada dhinac,sidoo kalena la sameeyo xeer hoosaad labada aqal ka dhaxeeya iyo sidoo kale dhisida guddiga adeega Baarlamaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Musharrax Madaxweyne C/laahi Ciilmooge Xirsi oo u warramay Shabelle ayaa ka hadlay weerarkii shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Ciilmooge ayaa sheegay in la filayay in xilliyadan oo kale Al-Shabaab ay kordhiyaan weeraradooda, maadaama lagu gali rabo doorashada maamulkan Jubbaland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isagu uu ka mid ahaa mas’uuliyintii daganaa Hotelka la weeraray. Musharrax Ciilmooge ayaa ugu baaqay ciidanka Jubbaland inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay kordhiyaan baaritaanada lagu xaqiijinayo amniga. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/ciil.mp3 View the full article
-
(SLT-Washington)-Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in cunaqabateyn ay ku soo rogi doonto shirkadaha hubka ee dalka Mareykanka oo lacag gaadheysa $2.2 Billion hub kaga Iibiyay dowlada Taiwan. Wasiirka Arimaha dibadda shiinaha Wang Yi warning ayaa sheegay in Washington ay ku ciyaareyso Dab. Mareykanka ayaa markii ugu horreysay heshiis Millatari la galay maamulka Taiwan oo markii ugu horeysay ka baxday xukunka Milatari oo dowlad dimuquraadi ah loo Doortay. Tani ayaa sii xumeysay xidhiidhka Washington iyo Beijing oo markii hore uu u dhaxeeyay dagaal dhanka Ganacsiga. Hubka uu Mareykanka ka Iibiyay Taiwan wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbanaanida Shiinaha iyo shuruucda caalamiga, sidaasi waxaa yidhi afhayeenka wasaarada arimaha dibada Geng Shuang. Mareykanka ayaa dal madax banaan u aqoonsaday Taiwan, halka Shiinaha uu u arko Jasiirad ka tirsan Dalkiisa. Si loo badbaadiyo danaha qaran ee dalka Shiinaha waxaan amrayaa in cunaqabateyn lagu soo rogo shirkadaha hubka Mareykanka waxaa sidaa warfidiyeenada u sheegay wasiirka Arimaha dibadda Shiinaha Yi warning. Dagaalo sokeeye oo u dhaxeeyay Shiinaha iyo Taiwan ayaa dhacay sannadkii 1949-kii balse tan iyo xiligaas ma helin aqoonsi caalami ah maamulka millatari ee Taiwan. Balse Mareykanka ayaa xidhiidh la lahaa maamulka fadhigiisu yahay magaalada Taipei ee caasimada u ah Taiwan. Source
-
(SLT-Kismaayo)-Ciidammada Ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa ku dhowaad saacad ka hor oo saaka subaxnimadii la soo gabagabeeyay weerarkii ku bilowday qaraxyada ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-casey oo ka mid ahaa hotelada ugu mashquulka badnaa ee magaalada Kismaayo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada dableydii weerartay hotelka ee saacadaha badan ka dhex dagaalameyay, waxaana la sheegayaa inay gaadhayeen in ka badan shan dagaalame. Tirada dadka ku dhintay ayaa iyana si rasmi ah loo ogeyn, balse waxaa ku jira dad iskugu jira Wariyeyaal, Ergooyin, gabadh caan ka aheyd baraha bulshada oo lagu magacaabayay Hodan Naaleeye iyo seygeeda oo Wasiir hore ka soo noqday Jubbaland. Dhaawacyada ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin sodomeeyo, waxaa la filayaa in qaarkood loo qaado magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Hotelka ku yaalla Kismaayo, waxaana uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa ee ay ku qaadaan Kismaayo, iyadoo weerarkan ku soo aaday xilli magaalada isku diyaarineyso doorashooyinka Jubbaland. Source
-
Qaran News