-
Content Count
208,999 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka kooxda Elman Sports Club ayaa kulan mahad celin iyo baraarjin la qaatay ciyaartooyda,ka dib ay xidigahoooda ay ku dhameysteen kaalinta sadexaad ee kala sareynta horyaalka Somalia Premier League. Cabdirashiid Cabdulle Maxamed (Joorje) oo ah maamulka kooxda Elman ayaa u mahad celiyay ciyaartooyda,macallimiinta iyo shaqaalaha naadiga wuuxna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda si ay ugu guulaystan tartamada kale ee soo socda ee gudaha iyo tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika. Ali Xaaji Abuukar oo ah tababaraha kooxda kubbadda cagta Elman kana soo jeeda dalka Ghana ayaa sheegay in uu aaad ugu faraxsahanay wax qabadka muuqda ay soo bandhigeen ciyaartooydiisa wuxuuna kula dardaarmay in aysan is dhigin oo ay halkooda kasii anba qaadan,si ay u tiigsaday kaalinta 1-aad ee horyaalka. Qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda Elman oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ay kaalinta 3-aad ay ku imaadeen isku xir wanaagsan ay muujiyeen taageerayaasha,macalimiinta iyo maamulka sare ee kooxda. Saddex ciyaartooy oo kasoo jeeda wadanka Ghana iyo tababarahooda ayaa iyagana qeyb ka ah da’daalka ay muujisay naadiga Elman ,Zakariye oo ka mid ah xidigaha ajaanibta ee ku sugan kooxda Elman ayaa door wanaagsan ka ciyaaray qeybta daafaca,Zaki waxa uu aad ugu mahad celiyay taageerayaasha kooxdiisa isagoo sheegay in la’aantooda aysan imaan laheyn kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya 2018-2019. Maamulka kooxda Elman ayaa is badal ku sameeyay xafiisayada shaqada waxaana kolkii aad booqato aad kusoo jiidaanaya koobabka ay naadiga hanatay sanadihii laga soo gudbay,guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa sheegay in ay qorsheenayaan arimo badan oo horomar ah. Gabagabdii ciyaartooyda ay lagu duunsiiyay bilado taas ay ku mutaysteen booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka Somalia Premier League waxaana talaabadan door wacan ka ciyaarayay taageerayaasha naadiga. Halkan Ka Daawo Ku Saabsan Kulankii U Dhaxeeyay Maamulka Iyo Ciyaartooyda Kooxda Elman W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dadka qaba dhaawacyad halista ee wax ku noqday weerarkii Kismayo ayaa maanta diyaarad looga soo qaaday magaaladaasi. Dadkan oo xaaladdooda aad ay u liidato ayaa waxaa loo kala qaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ilo Caafimaad ayaa Caasimadda Online u sheegay in dhaawacyadaasi wax looga qaaban waayey isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dadkaaso dhaawacyada ah iyo Ehelladooda ku sii sagootoyey garoonka magaaladaasi. Sidoo kale warar aan helnay ayaa ku warramaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya diyaarad siday daawo iyo gurmad caafimaad ay u dirtay Jubbaland, taas gar gaar geysay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG maamulkaasi. Weerarka lagu qaaday hotelka Cascasey ayaa ahaan weerarkii ugu xooganaa ee Kismaayo ka dhaca, tan iyo markii 7 sano ka hor laga saaray Al-Shabaab. Jubbaland ayaa shaacisay in lagu dilay 26 qof, laguna dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah. Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawo Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay Guddiga Amniga magaalada Boosaaso. Kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Guddiga Amniga Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. “Waxaa Madaxtooyada magaalada Boosaaso noogu qabsoomay shirkii Amniga gobolka Bari oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ujeedada ugu weyn ee laga wada-hadlaayeyna waxa ay ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa Amniga magaalada, sidii isku xidh amni loo helilahaa” “Iyo in Madaxweynuhu warbixin ka qaato qorshayaashii hore wixii ka qabsoomay ee dowladdu dejisey, waxa qabyada ka ah iyo sababta ay u qabsoomiwaayeen, waxaan rajaynaynaa xogta iyo shaqooyinka aanu qabanay ee aanu u gudbiney inuu la wadaago xukuumadda, sidoo kale waxaan rajaynaynaa inaan hirgelino talooyinka iyo amaawiirta uu nafaray” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Hobyo (SMN) – Ciidamada maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay adkeeyeen amniga degmada Hobyo ee gobolka Galgaduudud. Ciidamada ayaa baaritaano xoogan oo lagu xaqiijinayo nabad galyada ka wada gudaha magaaladaasi. 15-bishan ayaa la filayaa in Hobyo lagu qabto shirka dib u heshiisiinta qeyb ka mid ah Beelaha daga dowlad goboleedka Galmudug. Odayaal, siyaasiyiin iyo ergo kale oo ka qeyb galeysa shirka ayaa haatan ku sii qul qulaya degmadaasi. Shirkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Dhuusamareeb uu ka dhici doono shirka guud ee dib u heshiisiinta Galmudug, kaas oo ay wado dowladda Soomaaliya. Dhawaan ayaa sidoo kale la filayaa in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo mida Baarlamaanka ee maamulkaasi. View the full article
-
Cadale (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxayaweerar kooxo hubeysan ay ku qaadeen gaari rakaab ah oo marayey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe. Gaariga oo ahaa Hoomey ayaa lagu soo warramayaa in lagu rasaaseeyey inta u dhexeysa degmada Cadale iyo deegaanka Biyo Cade ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa rasaastaasi ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 kale oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee la socday gaariga. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxaha ka dambeeyey falkaasi ay dhac baahsan u geysteen rakaabkii saarnaa gaariga, iyaga oo ka qaaday agabkii ay siteen. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe dhibaatooyin xoogan ka geysta kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab oo horay u sheegatay mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo ayaa shaacisay inay weerarkaas ku dishay ku dhawaad 40 ruux oo ay ku jiraan siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo Ajaanib kasoo jeeda wadamada Mareykanka, Africa iyo Asia. “Allaah fadligii wuxuu howlgalku ku soo dhamaaday guul, waxaana ku dilnay ku dhawaad 40 cadow ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacnay 60 kale oo cadowga ka mid ah. dadka aan dilnay waxaa u badnaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha maamulka iyo tiro ajaanib ah oo kasoo jeeda wadamo kala duwan” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Xarakada Al-Shabaab. Idaacadda Andalus ayaa baahisay magacyada qaar ka mid ah xubnaha lagu dilay weerarkaas iyadoona shaacisay in ay soo gudbin doonto dhammaan magacyada saraakiisha iyo mas’uuliyiinta lagu dilay weerarkaasi. Dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey oo ay Al-Shabaab sheegatay waxaa ka mid ahaa Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo wasiir kasoo noqday xukuumaddii Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii sagaalaad. Shuuriye ayaa hadda ahaa Musharax madaxweyne oo u tartamayey xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa siyaasiyiinta daganaa Hotelka la weeraray. Xubnaha weerarkaas ku dhintay waxaa sidoo kale ka mid ahaa nin lagu magacaabo Fariid Jaamac Saleebaan oo ahaa wasirkii hore ee ganacsiga ee maamulka Jubbland, sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsan maamulkaas sida ay sheegtay Al-Shabaab oo ku sheegtay inay guul ka gaareen ujeedkii weerarkaas. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaas ku dishay Shiine Xasan Xanafi oo ku sheegtay inuu ahaa taliyaha tabarka Academy-yada booliska Jubland, iyo Nuur Deeq oo ay ku tilmaamtay inuu u ahaa Sarkaal u shaqeynayey hay’adda UN-ka, iyo nin magaciisa lagu soo koobay Shire oo ay ku sheegtay inuu ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Bangaraafta qeybta Jubbland sida baahiisay Idaacadda Andalus ee Al-Shabaab. Sidoo kale ayaa AL-Shabaab ayaa sheegatay in dadka ugu badan ee Hotelka ku dhintay inay ahaayeen odayaasha ergooyinka ah ee soo xulay xildhibaanada kuwaas oo ay sheegtay in badankood ay joogeen Hotelka xilligii weerarka dhacayey. Ugu dambeynti waxay Al-Shabaab sheegtay inay soo gudbin doonto liiskaas oo dhameystiran. Illo madax banaan ayaa sheegayo in dadkii ku dhintay Hotelka la weeraray ay u badnaayeen Dadka shacab ah oo aan Maamulka Jubbalanad ka mid aheyn iyo kuwa kale oo dalka dibadiisa ka imaada. Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
New York (SMN) – Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxeysa, António Guterres, ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadday shalay Hotel ku yaalla magaalada Kismaayo. Afhayeenka xoghayaha guud, Stephene Dujarric, ayaa sheegay in sidoo kale uu Mr; Guterres uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaadhay gaadhay halkaasi. Xoghayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa,Antonio Guterres, ayaa ugu dambeyn sheegay in ay Qaramada midoobay Bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-13072019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen. Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalal kale Soomaali Kenyan 3 qof. Soomaali Canadian 1 qof. Soomaali British 1 qof. Soomaali American 2 qof. Soomaali Tanzanian 3 qof. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay. Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay. Madaxweynaha ayaa shacabka reer kismaayo uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin. Waxaa Madaxweynahu uu amaanay dadaalkii ay muujiyeen Ciidamada amaanka oo dad farabadan kasoo badbaadiyay hotelka sidoo kalana wakhti kooban kusoo afjaray kooxda weerarka soo qaaday waxaa uu intaas ku daray in amaanka gacan bir ah lagu qaban doono isagoo faray Hay”adaha amaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagi doonan. Dhamaan umada Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan gurmadka ay Dowlad Goboleedka Jubbaland u fidinayso dadka ay waxyeeladu gaadhay isagoo u mahad celiyay Dowladaha iyo dhamaan dhinacyadii la qaybsaday ree Jubbaland tiiraanyada. Madaxweynahu wuxuu xusay in Warbixin dheerad ah oo la xiriirta sida ay wax u dheceen dhawaan ay Jubbaland soo saarayso kadib marka Hay”adaha amaanku ay dhameeyaan baaritaanada ay wadaan taas oo la xidhiidha waxyaabaha xiligan kusoo beegay falkan maadama Kismaayo ay nabadgalyo buuxda ka jirtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Dadkii lagu laayey weerarkii gabal dhicii Jimcaha ay Al-Shabaab ku ekeysay huteelka Cascasey ee Kismaayo ayaa isla maanta lagu aasay xarunta gobolka Jubadda Hoose. Munaasabada Salaada Janaasada ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyiin kale kuwaasi oo marxuumiinta u duceeyay una rajeeyay Janatul Firdowsa. Sidda uu sheegay Axmed Madoobe, 26 ruux oo ay ku jiraan ajaaniib ayaa ku geeriyootay qaraxaasi oo si lamid ah ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 60 ruux oo lamida ay Shiinees yihiin. Qoysaska ayaa hoygooda ku qabsanaya munaasabadaha baroor-diiqda xili ay tacsida uga kala imaaneysa dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan madaxda dowlada federaalka ah. Bukaanada ayaa lagu dhabiibayaa Isbitaalka guud ee caasimada ku meel gaarka Jubbaland, halkaasi oo habeenimadii Jimcaha uu booqdey Axmed Madoobe isagoo u rajeeyay soo kabasho. Axmed Madoobe ayaa amray ciidamada in ay xoojiyaan howlgalada lagu sugayo ammaanka Kismaayo oo bisha dambe ay ka qabsoomeyso doorahada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka maamulkan. Wadooyinka Kismaayo qaarkood ayaa ah kuwa haawanaya tan iyo xalay oo uu boolisku ku dhawaaqey xaalada degdeg ah, taasi oo ujeedka ku sheegeen in lagu soo celinayo xasiloonida magaaladda. Xaalada ayaa haatan ah mid degan, iyadda oo sawirro laga soo qaadey huteelka ay muujinayaa burbur baaxad leh oo soo gaarey qeybaha ugu muhiimsan taasi oo ka dhalatay qaraxa iyo is-rasaaseynta. Madaxweyne Axmed Madoobe oo tibaaxay in la qabtey mid kamid ah ragga weerarka soo qaadey ayaa xusay in laba kamida la toogtey mid kalena uu is-qarxiyey – taasi oo ka dhigan in dableydu ahayd afar. Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu dhimashada badnaa oo ay Al-Shabaab ka fuliso magaalada dekadda leh tan iyo markii laga saarey sanadkii 2012-kii, sanad kadib markii laga xoreeyay Muqdisho. Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo iyo xog kale oo xasaasi ah halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Xanaannada Xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa xaqiijiyay in dekedda magalada Jidda ee dalka Sucuudiga lagu xannibay Markab siday xoolo, kaasi oo ka dhoofey dekedda Berbera. Sababta Markabkan loo xannibay ayaa ah in aanu haysan shahaadada caafimaadka xoolaha ee dawladda Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
UN Secretary-General Antonio Guterres condemns the terrorist attack on a hotel in southern Somalia, which killed at least 10 people, his spokesman said Friday. Guterres expresses his condolences to the families of those who lost their lives in the attack and wishes a swift recovery to the injured, Stephane Dujarric said. The spokesman added the secretary-general reaffirms the UN’s support for and solidarity with the Somali people in their pursuit of a peaceful future. Earlier Friday, armed militants stormed a hotel in the Somalian port city of Kismayo after they rammed a vehicle loaded with explosives at the entrance. The hotel is popular among members of parliament and ministers. Some lawmakers were reportedly residing at the hotel at the time of the attack. Residents said the hotel recently hosted the delegates for the upcoming presidential and parliamentary elections in Jubaland, an autonomous region in southern Somalia. View the full article
-
(SLT-Washington)-Wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay inay dowladda Sacuudiga soo wajahday rajo xumo aad u weyn oo ku aadan tallaabadii ay Dowladda Imaaraadka Carabta qaar ka tirsan ciidamadeeda kagala baxday dalka Yeman. Wargeyskaan ayaa qoray inay dowladda Sacuudiga cabsi weyn soo wajahday kadib go’aankii imaaraadka Carabta, waxayna Sacuudiga isku dayday inay Imaaraadka ku qanciso inay kasii mid ahaato duulaanka lagu qaaday dalka Yeman. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si hoose qaar ka tirsan ciidamadeeda ugala baxday dalka Yemen, wuxuuna wargeyska sababta aan loo shaacin ku sheegay inay tahay Imaaraadka oo ka cabsanayo inuu xumaado xidhiidhka kala dhaxeeyo Sacuudiga. Wargeyska oo arrintaan wax ka waydiiyey Mas’uul ka tirsan Safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa ka gaabsaday , wuxuuna kaliya sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay heshiis ku yihiin Istaraatijiyad ahaan ahdaafta laga leeyahay dagaalka Yeman. Isniintii lasoo dhaafay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in sababta ay ciidamadeeda ka joogay Yemen u yeedhisay ay tahay inay istaraatiijiyadeedii Militari u badaleyso mid nabadeed. Warbaahinta Caalamka ayaa maalmihii ugu dambeeyey tabinayey warbixino ku saabsan inay Imaaraadka Carabta kala baxday inta badan ciidamadeeda howlgalka Militari oo ay Xulafada Sacuudiga ku qaadeen Yemen si loola dagaalamo Xuutiyiinta. Dowladda Imaaraadka ayaa asbuucyo ka hor la baxday inta badan Ciidamadii, Taangiyadii iyo diyaaradihii dagaalka ee ka joogay Yeman gaar ahaan Xeebta u dhow Dekadda Al Hudaydah. Tallaabada ay Imaaraadka qaaday ayaa lagu sheegay inay sabab u tahay cabsi ay ka qabto inay bartilmaameedka koowaad u noqoto Iiraan oo dagaal siyaasadeed oo laga yaabo inuu isku badalo gacan ka hadal kala dhaxeeyo dowladda Mareykanka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa khasaaro xoog leh kala kulantay duulaanka lagu qaaday Yeman, waxaana halkaas kaga dhintay ciidamo badan sidoo kalana waxay ku weysay hanti badan iyo sumcadii ay adduunka ku laheyd sida uu sheegay Wargeyska New York Times. Source
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) deeply mourns the deaths of two journalists following a car bomb went off in a popular hotel in Somalia’s port city of Kismayo where political figures and traditional elders were meeting. Islamist group Al-Shabaab said it had carried out this suicide attack. Journalist Mohamed Sahal Omar, known Ga’ma-Dhere, who works for Puntland-based Somali Broadcasting Corporation (SBC) was killed by Al-Shabaab fighters who stormed the hotel after the car bomb blast at Asasey Hotel. Female journalist, Hodan Nalayeh, founder of Integration TV, was also gravely wounded in this attack and died in the hospital. Omar was shot in the head as he trying to take pictures of the Al-Shabaab fighters, according to 2 people who were rescued from the attack. “We mourn the senseless deaths of our two colleagues, Mohamed Sahal and Hodan Nalayeh, who were both murdered in a cowardly and senseless terrorist attack. NUSOJ extends its deepest condolences to the families of Mohamed and Hodan, and to our professional colleagues in Kismayo for this terrible tragedy,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. The death of two respected journalists is a serious loss for journalism in Somalia and shows how danger often lurks for conscientious professionals in the most unexpected places. Hodan Nalayeh recently returned from Canada and has been running popular TV program on social issues. Hodan’s husband was also killed in the attack. “The death of Hodan and Mohamed speaks of the continuing hazards that journalists face in Somalia” added Osman. “They were deeply committed to independent journalism and the principles of a free media”. Hodan Nalayeh, 43, and Mohamed Sahal Omar, 35, are the first two journalists who were killed in Somalia in this year. View the full article
-
(SLT- New Zealand)-Deraasiin reer New Zealander ah ayaa Dawladda Dalkaasi ku wareejiyey Hubkoodii fududaa, kaasi oo qayb ka ah Qorshe Dadka lagaga dhigayo Hubka Darooriga u dhaca. khatarta Hubka Dadka Gacantooda ku jira, gaar ahaan Hubka daran-darooriga u dhaca ayaa khatartiisa lagu baraarugay xasuuqii Masaajiddada Christchurch loogu geystay Muslimiinta Afar bilood muddo laga joogo. 250-kii Qof ee ugu horreeyay ee Hubkooda Wareejinaya oo isaga kala yimid Dalka oo dhan ayaa Sabtida Maanta isugu yimid Magaalada Christchurch, halkaasi oo ah halkii 51 Qof oo Muslimiin cibaadaysanaya lagu laayey. Dawladda oo taageero ka helaysa Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa markii dhibaatada Christchurch ka dhacday waxay Baarlamaanka ka codsadeen inay adkeeyaan Shuruucda Hubka. Mulkiileyaasha Hubka ayaa haysta illaa 20-ka bisha December ee sannadkan 2019-ka inay Dawladda ku wareejiyaan Hubkooda, maaddaama oo Dawladdu Mabnuucdo Hubka fudud noocyo ka mid. Booliska Qaabilsan inay kormeeraan Hub Wareejinta, ayaa sheegay 169 Qof oo Hub lahaa ay wareejiyeen 224 Qori iyo 217 qaybood oo Qalabka loo adeegsado ah, sida rasaasta. Hubkaa ayaa markii la wareejiyey waxa lagu burburiyey meel xidhan oo la dhigay, laakiin Dadka Hubkaa Wareejiyey waxay Mag-dhow ahaan u heleen Lacag gaadhaysa $ 290,300. Taliyaha Booliska Gobolka Canterbury, Mike Johnson ayaa sheegay inay gobolkiisa oo ay Christchurch ka mid ah laga diwaangeliyey 903 Qof oo hub leh, lana diwaangeliyey 1,415 Qori. Source
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay inay dowladda Sacuudiga soo wajahday rajo xumo aad u weyn oo ku aadan tallaabadii ay Dowladda Imaaraadka Carabta qaar ka tirsan ciidamadeeda ugala baxday dalka Yeman. Wargeyskaan ayaa qoray inay dowladda Sacuudiga cabsi weyn soo wajahday kadib go’aankii imaaraadka Carabta, waxayna Sacuudiga isku dayday inay Imaaraadka ku qanciso inay kasii mid ahaato duulaanka lagu qaaday dalka Yeman. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si hoose qaar ka tirsan ciidamadeeda ugala baxday dalka Yemen, wuxuuna wargeyska sababta aan loo shaacin ku sheegay inay tahay Imaaraadka oo ka cabsanayo inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeyo Sacuudiga. Wargeyska oo arrintaan wax ka waydiiyey Mas’uul ka tirsan Safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa ka gaabsaday , wuxuuna kaliya sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay heshiis ku yihiin Istaraatijiyad ahaan ahdaafta laga leeyahay dagaalka Yeman. Isniintii lasoo dhaafay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in sababta ay ciidamadeeda ka joogay Yemen u yariisay ay tahay inay istaraatiijiyadeedii Militari u badaleyso mid nabadeed. Warbaahinta Caalamka ayaa maalmihii ugu dambeeyey tabinayey warbixino ku saabsan inay Imaaraadka Carabta kala baxday inta badan ciidamadeeda howlgalka Militari oo ay Xulafada Sacuudiga ku qaadeen Yemen si loola dagaalamo Xuutiyiinta. Dowladda Imaaraadka ayaa asbuucyo ka hor la baxday inta badan Ciidamadii, Taangiyadii iyo diyaaradihii dagaalka ee ka joogay Yeman gaar ahaan Xeebta u dhow Dekadda Al Hudaydah. Tallaabada ay Imaaraadka qaaday ayaa lagu sheegay inay sabab u tahay cabsi ay ka qabto inay bartilmaameedka koowaad u noqoto Iiraan oo dagaal siyaasadeed oo laga yaabo inuu isku badalo gacan ka hadal kala dhaxeeyo dowladda Mareykanka. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa khasaaro xoog leh kala kulantay duulaanka lagu qaaday Yeman, waxaana halkaas kaga dhintay ciidamo badan sidoo kalana waxay ku weysay hanti badan iyo sumcadii ay adduunka ku laheyd sida uu sheegay Wargeyska New York Times. Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Magaalada Kismaayo ee caasimada Jubbaland ayaa Saaka xaaladeedu aad u degantahay,Ciidamada Amaanka ayaa meelo badan oo Magaalada ah waardiye ka haya. Madaxweyne Axmed Madoobe oo [...] Source
-
JULY 13, 2019 / 10:15 AM / ISTANBUL (Reuters) – Russia flew a fresh shipment of advanced air defense equipment to Turkey on Saturday, the [...] Source