Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    208,999
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ku qaabilay wafdi ka socda wasaaradda Gaashaandhigga dalka Qatar. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Saraakiisha Wasaaradda gaashaandhigga Qatar oo looga hadlay xoojinta taageerada Qatar ee dhismaha iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka amniga gudaha, wasuurudowlaha Wasaaradda Gaashaadhigga, Taliyayaasha ciidanka Xoogga, Booliska iyo Asluubta. Dowladda Qatar ayaa ka qeyb qaadaneysa dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan dhismaha xarumaha ciidamada ee ku yaalla Dhuusamareeb arrintaas oo qeyb ka ah barnaamijka taakuleynta ciidamada dowladda Soomaaliya. Wafdiga oo ay wehliyaan taliyayaasha ciidamada dalka ayaa wadajir qiimeyn ugu sameeyay xarumaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dib-u-dhis laga billaabayo. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay Qaramaynta ciidamadii Ahlusunna Waljamaaca si ay qayb uga noqdaan ciidamada qaranka, looguna diyaariyo ka qayb qaadashada xoreynta deegaannada Galmudug ay uga sugantahay kooxda Argagaxisada. Tayeynta ciidanka xoogga dalka, dhismaha xarumaha ciidanka, iskudhafka iyo qalababeynta ciidanka, ayaa qeyb ka ah halbeegyada ugu waawayn ee Tubta Amniga Iyo Caddaaladda. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii shalay gelinkii dambe kooxdaAl-Shabaab ka geysteen Hotel ku yaalo magaalada Muqdisho,h alkaasi oo toboneeyo qof oo shacab ah lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay. Ambassador Francisco Madeira, ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha ay waxyeelada ka soo gaartay weerarka , isagoona dadka dhaawaca ah u rajeeyay iney si dhaqsi ah u bogsadaan. “Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah,” ayuu yiri Madeira. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay Ciidamada Dowladda xireen Isgoyska KM4. Aargada Isgoyska Nambar Afar ayaa waxaa lasoo dhigay boorso weyn oo loo maleenayo in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Ciidamada Dowladda ayaa xiray Isgoyska iyo nawaaxigiisa waxaana loo diiday dadweynaha iyo gawaarida inay isticmaalaan. Ciidamada Dowladda ayaa hadda wado baaritaan ku aadan waxa ay tahay boorsadaan, waxaana meesha la keenay eeyo loogu talagalay in lagu baaro boorsadaan. Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Dowladda ay fashiliyeen baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo isku dayey inuu ka gudbo jid ay ciidamada ammaanka ku xireen carro. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii dambe aad u adkeysay ammaanka Muqdisho waxayna taas sabab u noqotay in laga hortago weeraro iyo qaraxyo ay fulin lahaayeen Kooxda Al-Shabaab. Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Somaliland Oo Burburiyey Xarunta Korontada Ee Magaalada Laascaanood, Dacwad Ka Dhan Wasiirka Oo Loo Gudbinayo Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Oo Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Beeshii Tiknikada iyo Hubka Ku Wareejisay Xukuumadda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Dhuusamareeb (SMN) – Wafdi ka socday Qatar ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Diyaarad qaas ah ayaa waxay wafdigan ka dejisay madaarka caasimada gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Garoonka Diyaaraddaha waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ku jiro Wasiir dowladdaha difaaca xukuumada federaalka, Maxamed Cali Xaggaa. Wafdiga oo ka socday Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Qadar ayaa la filayaa in ay kulan la yeeshaan ra’iisul wasaare Khayre oo halkaasi ku sugan. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta horgaysay Golaha Baarlamaanka Hindise Sharciyeeyada kala ah:- Hindise Sharciyeedka Wadooyinka. Hindise Sharciyeedka Xamuulka & Xadaynta Cabirka Baabuurta. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir iyo Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa hortagay Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Abdi Adam Hoosow ayaa Xildhibaanada Kahor sheegay Muhiimadda Sharciyeedyadan ay u leeyihiin Dalka iyo Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diyaarintoodu. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Marsiin doona Hindise Sharciyeedyadan Akhrinta 1aad & 2aad ayaagoona markaa kadib Ansixin doona. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-13072019.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (PP) ─ Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Somalia, danjire Francisco Madeira ayaa si adag u cambaareeyay weerarki argagixso ee lagu qaaday Hotel ku yaalla magaalada Kismayo ee koonfurta Soomaalya, kaasoo lagu dilay dad badan oo aan waxba galabsan kuwo kalena uu dhaawacyo ka soo gaaray. Danjire Madeira ayaa si naxariis leh ugu tacsiyeeyay qoysaskii iyo dadkii dhibaatadu ka soo gaartay weerarki arxan darada ahaa. Waxaa uu sidoo kale caafimaad buuxa u rajeeyay dadkii ay dhaawacyadu ka soo gareen weererka. Sidoo kale, Ergayga wuxuu weerarkaas ku tilmaamay mid lagu baabi’inayo horumarka Somalia xili uu dalku dib u dhismayo horumarna laga samaynayo amaanka iyo nabada. Dadka weerarka soo qaaday waxaa ay ahaayeen kuwo lahaa ahadaaf guracan oo lagu gaysanayo fal dambiyeedyo, dilal iyo burbur. Ma sheegan karaan in ay u dagaalamayaan in dalka ay dowlad wanaagsan u horseedaan. Ergayga ayaa wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Somalia ay horumar balaaran ka samaysay qabsahada dhul badan iyo in argagixisada laga saaro deegaano badan oo dalka ka tirsan. Isagoo intaas ku day in Hawl-galka midowga Afrika ee AMISOM uu sii wadi doonaa taageerada hay’adaha amaanka ee Somalia, iyagoo wali sii wada hawlaha argagixisada looga xoreynayo dhulka haatan ku jira gacantooda. “Annagoo ku samrayna weerarkan, waxaan rabaa inaan ka mahad-celiyo dhabar-adayga dadka Soomaaliyeed, iyagoo uga fal-celinaya weererkaan hawl-karnimo iyo inay sii wadaan dadaalka ay ku dhisayaaan naftooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Danjire Madeira. akiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa sheegay in AMISOM ay la shaqayn doontaa dowladda fadaraalka Somalia, dowlad-goboleedyada Somalia iyo beesha caalamka sidii daba-gal loogu samayn lahaa kooxihii ka dambeeyay falkan foosha xun ee dadka badan lagu dilay. Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa waxaa lagu dilay 26-qof oo ay ku jiraan ajaanib tiradooda lagu sheegay siddeed qof, iyadoo laba ruux oo kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Shiinaha ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, waxaana dadka dhintay ku jiray wariyeyaal, musharraxin iyo xubno oo ka tirsan hoggaanka bulshada. PUNTLAND POST The post Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo si adag u cambaareeyay weerarkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) ayaa muwaaddin Soomaaliyeed Luul Maxamed Axmed (Luul Digriyow) ku wareejiyey guri ay lahayd oo laga haystay muddo 28 sano ah. Yariisow ayaa tilmaamay in dadkii degenaa guriga ee diiday inay baneeyaan sharciga la horgeyneyo ayna xabsi nuteysanayaan, isla markaana lagu soo dalacayo kiro 28 sano ah. “Waad u jeedaan maanta Lul Mohamed Ahmed (Lul Dikriyow) oo muddo 28 sano laga heystay. Dadkii degenaa oo diidanaa inay u baneeyaan ayaan u sheegnay inaan sharciga horgeyneyno oo ay xabsi nuteysanayaan iyo inaan ku soo dalaceyno kiro 28 sano ah hadii aysan degdeg uga bixin. Tanoo suurto gelisay inaan maanta ku wareejino. Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo adduunba sugaysa dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda. Dhanka kale, Luul Maxamed oo ahayd muwaadinka lahayd mulkiyadda guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen dib u soo celinta gurigeeda oo sanaddo badan ka maqnaa. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa dadaallo uu maamulka gobolka Banaadir uu muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu celinayay guryahooda laga haysto, waxaana dhawr qof oo kale sidan oo kale dib loogu celiyay gurayhooda oo sannado badan laga haystay. PUNTLAND POST The post Haweeney Maanta lagu wareejiyay gurigeeda oo laga haystay muddo 28-sanadood ah appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in xidhiidhka ay la yeelanayaan Wadamada kale ee Caalamka in aanay u daba fadhiisan doonin uguna amar qaadan doonin Dawladda Somaliya, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay Somaliland aqoonsi buuxa siiyaan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Somaliland iyo Xidhiidhka Caalamka ayaa yidhi “Socdaalkii aynu dhawaan ku tagnay dalka Gini, waa mid ka mid ah dadaalkeen aynu ku xoojinayno haddana Wadankan xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya weyna ka garaabeen qadiyadeena, xidhiidh aad u fiicana hadda weynu leenahay, Wadamada kale Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenyana xidhiidh aad u fiican baynu leenahay, Wadan kasta oo Afrika ah iyo Wadan kasta oo ka mida ah Wadamada kale ee Caalamkana waxaanu jecel nahay inaynu la yeelano xidhiidh,Dawladda Somaliya waxaa u quman inay dib iskugu noqoto, maxaa yeelay Somaliland ma xukunto, Wadamada aanu tagaynana uguma amar qaadanayno umana daba fadhiisanayno”. Wasiir Faratoon mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo aqoonsiga ayaa yidhi “Somaliland maanta oo qudha Ictiraaf uma baahna, ee tan iyo markii aynu xoriyadeena dib ula soo noqoay 1991, xaq baynu u leehayn in la ina aqoonsado, dariiq kasta oo aynu u marayno aqoonsigeena weynu u maraynaa, albaab kastana weynu u garaacayna, Caalamka waxaa la gudboon inay aqoonsi buuxa ina siyaan,maxaa yeelay shuruud kasta oo looga baahan yahay dal madax banaan weynu buuxinay, Xukuumad ahaana waanu wadnaa dadaalka aqoonsi raadinta, ee Shacabkeena meel kasta oo ay joogaan waxaa la gudboon inay qaranimadooda ilaashadan”. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Shirkadii Dhisaysay Waddada Ceerigaabo Oo Xukuumada Ku Eedaysay Inay Kaga Baxday Heshiis Ay La Gashay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa deggan kadib weerarkii hotelka Cas-casey ay ku qaadeen maleeshiyo Alshabaab oo qasaare weyn dhaliyey. Xog laga helay dadkii ku sugnaa Hotelka ee ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in si la yaab leh loo fuliyey weerarka, iyadoo afar askari ay qaraxa ka hor tageen hotelka iyadoo ilaaladii hotelka u sheegay inuu hotelka kusoo wajahan yahay madaxweyne Axmed Madoobe oo ay doonayaan inay baaraan Hotelka, ayna hubiyaan amnigiisa, waxayba albaabka ka fureen Gaari ay sheegeen inuu la socday. Waxyar kadib waxaa qarxay gaarigii gudaha u galay hotelka, kaasoo dhaliyey burbur iyo qasaare weyn oo goobta saameeyay, kadibna waxaa bilaabatay rasaas xoog leh, iyadoo lagu laayey dadkii hotelka ku sugnaa ee qaraxa ka badbaaday. Saddex dabley ah ayaa gudaha u galay Hotelka, waxayna markii danbe fuuleen dabaqa ugu sareeya Hotelka, taasoo dhibaato ku noqotay ciidamada amniga ee dagaalka kula jiray oo ku dhowaad 10 askari ay ku dhinteen bambooyin iyo rasaas kor uga yimid. Qasaaraha dadka lagu dilay Hotelka ayaa gaaray 33 qof oo rayid u badnaa, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 50 kale, Ciidamada Amniga ayaa barqnimadi maanta soo afjaray howlgalka ay ka sameeyeen hoteelka oo ay ka dhaxdagaallamayeen tan iyo xalay maqribkii, waxaana Duhurtii maanta magaalada lagu aasay dadkii lagu dilay hotelka. Dhaawaca xaaladoodu darran tahay ayaa loo kala qaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo qaar kale lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magalada Kismaayo, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa saxafiyadda caanka ah ee Hodan Naaleeye oo deganeyd dalka Canada, musharax madaxweyne iyo saxafi kale. Weerarka ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Kismaayo, iyadoo Alshabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka. mid ka mida dableydii weerarka ku gashay hotelka ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah. Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa dhowaan ka baaqday Munaasabad ka dhici laheyd Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ee dhanka Puntland, waxayna arintaasi dhalisay buuq badan iyo qayla dhaan ka soo baxday maamulka Puntland. Caasimada Online ayaa ogaatay in laba arrin ay sababtay ka baaqashada munaasabadii ay soo qaban qaabiyeen Golaha Wasiirada ee Puntland taas oo ka dhici laheyd Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Puntland ayaa marka hore dood gelisay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Waqooyiga Gaalkacyo, iyagoo ku sheegay in Kheyre uusan u imaanin Puntland balse uu u yimid Shacabka Galmudug islamarkaana looga baahan yahay in uu ka laabto Koonfurta Gaalkacyo. Puntland waxay u aragtay in Kheyre uu booqday labada dhinac ee Gaalkacyo mid Galmudug u marqaati fureysa lahanshiyaha Guud Gaalkacyo kana saareysa wararka sheegay in Galmudug ka kooban tahay Gobal iyo Bar. Madaxweyne Deni ayaa dalbaday in Kheyre marka hore yimaado Garowe kadib loo ogolaado Waqooyiga Gaalkacyo si socdaalka Puntland uga soo bilaawdo Garowe balse dood dheer kadib waa la isku fahmi waayay. Puntland waxay ogolaatay in Ra’iisul Wasaaraha yimaado Waqooyi Gaalkacyo balse waxay sharuud kaga dhigtay in uu odayaasha dhaqanka kula hadlo Madaxtooyada Gaalkacyo iyo in Dhalinyarada kula hadlo Garoonka Kubadda Cagta ee Gaalkacyo balse saacadihii dambe ee maalintii uu tagi lahaa Gaalkacyo ayaa xaaladda is badashay. Kooxda qaban qaabada Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo hey’adaha ammaanka ayaa Wasiirada Puntland waxay ku wargeliyeen in magaalada Gaalkacyo ay soo galeen 2 Gaari oo qaraxyo ah sidaas darteed uu Ra’iisul Wasaaraha tagi karin Garoonka oo ay ku diyaarsanaayeen Dhalinyaro reer Gaalkacyo ah. Kheyre ayaa Ciidamadii la socotay ku amray in ay la wareegaan amaanka Garoonka lagana qaado kuwada Puntland islamarkaana la xiro dhamaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa waxaana sidaas sameeyay Ciidamadii gaarka ahaa ee Ra’iisul Wasaare Kheyrre. Ogolaansho la’aan ayuu Xasan Cali Kheyre galay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo islamarkaana kula hadlay dhalinyaradii ku diyaarsaneed Garoonka kubadda Cagta ee Gaalkacyo. Digniin amni oo siyaasadeysan oo ay saareen Wasiirada iyo Saraakiisha amaanka Puntland Iyo Maamulka Puntland oo diidanaa in Kheyrre booqdo Waqooyiga Gaalkacyo isagoo aan soo marin Garowe ayaa sabab u ahaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Waqooyiga Gaalkacyo ku galo qaab aysan rabin Puntland. Puntland waxay xoog badan gelisay in aysan is arkin Kheyre iyo dhalinyarada hadii uu soo booqdo Waqooyi Gaalkacyo iyadoo ka door bideysay in uu la kulmo dhaqanka maadaama aysan dhalinyaro ka hadli doonin rabitaanka Puntland balse ay aaminsanaayeen in ay ka hadli doonaan rabitaankooda oo kaliya, taasi oo ay ku guul-darreysatay. Halkaan ka daawo Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  15. Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta horgaysay Golaha Baarlamaanka Hindise Sharciyeeyada kala ah:- Hindise Sharciyeedka Wadooyinka. Hindise Sharciyeedka Xamuulka & Xadaynta Cabirka Baabuurta. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Jamaal Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Eng. Maxamed C/qaadir iyo Hawl wadeeno ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa hortagay Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maanta. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Abdi Adam Hoosow ayaa Xildhibaanada Kahor sheegay Muhiimadda Sharciyeedyadan ay u leeyihiin Dalka iyo Heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay diyaarintoodu. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Marsiin doona Hindise Sharciyeedyadan Akhrinta 1aad & 2aad ayaagoona markaa kadib Ansixin doona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Jeddah (Caasimadda Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa Dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday 20kun oo Neef oo Ari ah, kaas oo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Dekadda Magaalada Berbera. Saraakiil kala duwan ayaa xaqiijiyay in Markabka markii uu ku xirtay Dekadda Magaalada Jiddah la weydiiyay warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka ah ay bixiso lagana waayay. Markabka oo noociisu yahay MV-FAHAD iyo Arigii oo saaran ayaa ku soo wajahan Dekadda Magaalada Berbera halkaas oo uu ku soo laabanayo. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xuseen Gaafaandhe ayaa xaqiijiyay in Sucuudiga soo celiyay Markabka u rarnaa Ganacsatada Somaliland. Wasiirka ayaa in shuruud looga dhigay warqadda Caafimaadka Xoolaha oo ay bixineyso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka ah. “Waxaad ogtihiin in afar habeen ka hor uu uu dekadda Berbera ka dhoofay Markab siday xoolo oo usii jeeday dekada Jidda Jiidaa ee Sucuudiga Carabiya, wadankaasi uwuxuu ku tagay dalab ka yimid Baanka islaamiga ah ee xoolaha xajka qaadan jirey, waxaanu baanka iyo nimankii Carabta ahaa ee qaadan jirey xooluhu damaanad qaadeen inay xoolahaasi ka dajinayaan dekada Jidda”ayuu yiri wasiir Gaafaadhi. Waxaanu intaas ku daray “Dawlada Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofo duulaan balaarn baa la qaaday, wasiirkii wasaarada xanaanada xoolaha Soomaaliya wuxuu u dhoofay Sucuudi Carabiya wuxuu culays iyo dagaal weyn saaray in aan markabkaasi la rogin.” Dowladda Sucuudiga ayaa dhawaan ku wargelisay Somaliland in Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekadda Berbera looga baahanyahay Warqad caafimaad oo ay bixisay Dowladda Federaalka ah. Somaliland ayaa arrintaas ka dhega fureysatay waxaana Ganacsatadu Sucuudiga u dhoofiyeen Markan 20kun oo Neef oo Ari ah wada ,kaas oo hadda dib ugu soo wajahan Berbera. Maamulka Somaliland ayaa horey u sheegay inay ka madax banaan yihiin Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqbali karin shuruuda dowladda Sacuudiga ee ah in waraaq ay Somailand ka keensado dowladda Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa xiriir fiican la leh dowladda Soomaaliya, waxayna kamid tahay dowladaha sida weyn uga soo horjeedo go’aanka ay Somaliland ku dooneyso inay kaga go’do Soomaaliya inteeda kale. Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaad 30 sano raadinayo ictiraaf mana jiro ilaa hadda hal wadan oo u aqoonsaday inay yihiin Dowladda ka madax banaan Soomaaliya. Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa falkii argagixiso ee ay cadawga Soomaaliyeed ka geysteen xalay bisha Luulyo, 12, 2019 magaalada Kismaayo, kaas oo ay ku xasuuqeen shacab rayid ah oo aan waxba galabsan. Arxanlaawayaashaasi falkaasi foosha xun geystey waxaa ka hortegey oo soo afmeeray ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland. Puntland waxay tiiraanyada iyo xanuun ka waxyeelada falkaasi foosha xun la wadaagaysaa walaalahooda reer Jubbaland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka aan waxba galabsan ee ku nafwaayey gaadmada cadawga tamartayar ee ku dhuumaalaysanaya dalkeena Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacabka Puntland waxa uu shacabka iyo dowladda Jubbaland-ba uga tacsiyaynayaa waxyeelada dhacdadii xalay ee lahayd naf iyo maalba, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka bexeen walaalaheena ku shihiidey falkaasi. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Alle ‘SWC’ u weydiinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkaasi bahalnimada ah inuu u naxariisto, denbigooda dhaafo, Samir iyo iimaanna Alle kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, intii ku dhaawacantayna waxa uu Alle uga baryayaa inuu u booga Dhayo. -DHAMMAAD- The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay weerarkii argagixiso ee Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  18. Dhuusamaareb (Caasimadda Online) – Diyaarad gaar ah oo Sidday wafti kasocda Wasaradda Difaaca dalka Qatar ayaa goor dhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Wafdiggaan ayaa garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb, waxaa kusoo dhaweeyay Wasiir dowladdaha Wasaaradda Difaaca Xukumda federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xaggaa. Wafdigaa ayaa Kulan saaxafaddu dibed joog ka tahay haantan Dhuusamareeb kula leh Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kusugan Magaalada Dhuusamareeb. Ujeedka ay Dhuusamareeb u gaareen Wafdigan isugu jiray Mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Qadar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tababarka la siinayo Ciidankii Ahlusunna ee lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya. Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Dowlada Qadar ay lacag ku bixin doonto tababarka Ciidankii Ahlusunna,kuwaasi oo dhawaan dowladda lagu wareejiyay,si ay uga mid noqdaan Ciidamada qaranka. Diyaaradda nooca Milateriga ayaa Saraakiishan ka dejisay garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, taasoo la sheegay inay aheyd tii u horeysay nooceeda oo ka degta garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb Dowladda Qater ayaa kamida Dowladdaha Saaxiibka dhaw la leh Dowlada Soomaaliya waxa ayna ka taageertaa dhinacyada Qalabaynta Ciidama,Dhaqaalaha,Amaanka,Dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha. Xog xasaasi ah oo ku saabsan shabaabkii weeraray hotelka kismaayo
  19. Shiine Colay bay ka fursan weyday inuu Reerka Majeerteen Cadowga ka waabiyo markii la waayey wax banaanka u soo baxa oo Sharfta iyo Cisiga Ilaahay [...] Source
  20. Dowlada Kenya ayaa codsatay in Dadka dhaawacoodu uu garaabka yahay in loosoo qaado Nairobi, 7 Qof ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uu geeyey Garoonka Diyaaradaha Kismaayo [...] Source
  21. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Cali (Xassan Gaafaadhi) oo Sabtida maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyay in dekedda magalada Jidda ee dalka Sacuudiga lagu xannibay Markab xoolo sida oo ka dhoofay dekedda Berbera kadib markii la ogaaday in xoolaha saaran aysan shahaadada caafimaadka ka haysan dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in kadib markii ay ka war-heshay in markabkaasi dekedda Berbera ka dhoofay ay dadaal xoogleh ku bixisay sidii xannibaad loo saari lahaa markabka iyo xoolaha saaranba. Sidoo kale wuxuu sheegay in wasiirka Xannaanada Xoolaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu la soo hadlay ganacsatada leh Maxjarrada Somaliland ku yaalla isagoo sida uu sheegay ugu hanjabay in xoolaha Somaliland ka dhoofa ee aan haysan shahaadada caafimaadka DFS aanay ka degi doonin dekedaha waddanka Sacuudiga. Halkan ka daawo xoolihii shirka jaraa’id PUNTLAND POST The post Xoolihii ka dhoofay Somaliland oo lagu xannibay Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Washington)-Qoraal oo ka soo baxay Hawlgalka Isbahaysiga NATO ee ku sugan dalka Afganistan ayaa lagu sheegay in askari u dhashay Maraykanka maanta lagu dilay gudaha dalkaasi. Wax faahfaahin dheeraad ah lama bixinin qaabka uu u dhacay iyo goobta uu ka dhacay dilkaasi, waxaana la qariyey magaca askariga ilaa laga wargelinayo qoyskiisa. Toogashadda askarigaasi waxay tirada Askarta Maraykanka ee Afganistan lagu dilay sannadkan ka dhigtay ugu yaraan 7 Askari. 20,000 oo Askari shisheeye ah oo badankooda Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Afganistan, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Maraykanak ee Isbahaysiga NATO ee Tababarka, Taageerida iyo Talinta siiya Ciiddanka Dowladda Afganistan. Qaar ka mid ah Millateriga Maraykanka waxay qaadaan Hawlgalladda ka dhanka ah Kooxaha Daalibaan iyo Daacish ee ka hawlgala Afganistan. Source
  23. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey. Soo dhoweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacabka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa shacabka iyo masuuliyiinta gobolka Karkaar uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay in hidde iyo dhaqan ay shacabka reer Qardhood u leeyihiin qaabiladda habmaamuuskeedu sareeyo ee ay kusoo dhoweeyeen isaga iyo weftigiisa. Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka hadlay muhiimadda safarkiisa ayaa tilmaamay in saldhiggiisu yahay is xogwaraysi, korjoogtayn iyo in dowladda dhexe qiimayso xaaladda dalka, sida shaqooyinku u socdaan iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Qardho uu kasoo shaqeeyey xiiliyo kala duwan, waxaana uu hoosta ka xariiqay in haddana uu diyaar u yahay ka shaqaynta horumarkeeda iyo dhismaha dowladnimadeeda. Halkaan hoose ka daawo Soo dhoweynta PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Gaadhay Qardho appeared first on Puntland Post.