-
Content Count
208,999 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beesha Sacad oo ka tirsan beelaha Galmudug ayaa maanta soo gabagabeysay shir maalmahan uga socda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Gunaanadka shirka oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 8 qodob, lana soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa ka mid ahaa: Beesha Sacad waxay taageeraysaa si buuxdana uga qayb galaysaa Shirka Nabadda Hobyo ee Beelaha Habargidir. Shirweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in nidaamka xukun ee dalku qaatay uu yahay federaal ayna yihiin dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaamiyo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada sida uu xeerinayo qodobka 120aad ee Dastuurka ku meelgaarka ah ee Dalka, wax faragelin ahna aysan ku lahayn hay’ad ka mid ah kuwa Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayadoo shirweynuhu adkeeyey in la dhowro dastuurka dalka u degsan. Shirweynahu wuxuu isku waafaqay in Shirka Nabadaynta iyo Dib-u heshiisiinta beelaha Galmudug gogoshiisu ay noqoto magaalada Gaalkacyo maadaama madaxweynaha JFS uu ka dhagax dhigay Galkacyo Xarunta Nabadda & Dib-u-heshisiinta Galmudug bishii Janaayo 2018. Shirweynahu wuxuu garowsaday in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Dawlad Goboleedka Galmudug loo madaxbanneeyo beelaha Galmudug iyo waxgaradkooda, ayadoo guddiyada maamulaya doorashooyinkaasna ay beeluhu si madax banaan u soo xushaam xubnaha uga qaybgalaya, sidoo kalena doorashadu ay ka dhacdo goob ay u siman yihiin dadka reer Galmudug isla markaana heshiis lagu wada yahay. Haddaba, Halkan Ka Akhriso; Warmurtiyeedka shirweynaha wadatashiga Beesha Sacad-Final Source: goobjoog.com
-
Nottingham City Council leader Cllr David Mellen released this statement condemning the attacks in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bari aya sheegaya in qarax xooggan lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada Daraawiishta Puntland wuxuuna ka dhacay deegaanka Balli Khadar ee duleedka Boosaaso. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu waxyeello gaarsiiyay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo ka amba baxay magaalada Boosaaso kuna sii jeeday deegaanka Galgala. Dhinaca kale qaraxyo is xig xigay ayaa ciidamo ka tirsan dowladda Mareykanka iyo Ciidamada Bangaraaf ah lagula beegsaday deegaanka Baarka ee duleedka magaalada Kismaayo. Warar laga helay Baar Sanguuni ayaa sheegaya in qaraxyadu ay haleeleen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo huwan ah balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska GarooweCaasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo ayaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Jugta qarax labaad laga maqlay gudaha Magaaladaas,kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid ay qarxiyeen Ciidamada amniga. Dadka goob joogayaal ah ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ahaa miino ay qarxiyeen Ciidamada amniga,isla markaana aysan jirin cid wax ku noqotay. Sidoo kale Ciidamada amniga dowlad Goboloeedka Galmudug iyo kuwa Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ka wadaan Dhuusamareeb,iyagoona gacanta ku dhigay dad u badan dhalinyaro. Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar. Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ilaa 5 qof oo midi ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug. Sidoo kale dadkii halkaasi ku dhaawacmay waxaa ku jiray Haweeneydii laheyd Maqaayada iyo Saddex Carrur oo ay dhashay kuwaasi ku sugnaa Maqaayada xiliga uu qaraxu dhacayay. Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka waana sababta keentay in halkaas laga bilaabo baaritaano deg deg ah. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
Somaliland: The Weak FGS Attempts To Block Commercial Cargo In Saudi Arabia A vessel carrying an estimated 20,000 head of livestock has been unable to unload its cargo at the Jeddah port in Saudi Arabia. The livestock which had been bought from Somaliland by the Islamic Bank for the consumption of pilgrims to Hajj, and not the Saudi Arabian government have become pawns in the ineptness of the weak federal entity in Mogadishu. The unelected and unrepresentative administration in Mogadishu have been, along with several unscrupulous traders ,trying to convince the Saudi Arabian government to ban the importation of Somaliland livestock, unless a certificate was issued by them. Several senior officials from Mogadishu flew to Jeddah upon hearing that the cargo vessel had departed from Berbera, Somaliland. The lack of understand of international commerce, has made the ineptness of the officials from the weak entity in Mogadishu even more obvious. Firstly, Somaliland is a sovereign state, and the weak federal entity has no jurisdiction over any of it’s commercial ventures. Secondly, this purchase of the livestock was made by the Islamic Bank and other independent merchants in Saudi Arabia, and not the Saudi government. Thirdly, the livestock have already being paid for, and this is now a dispute between the weak federal entity in Mogadishu and the Saudi private purchasers. And finally, the livestock cannot be returned to Somaliland, as it was purchased in good faith. So, unless, the weak federal entity in Mogadishu wants to reimburse the Saudi businessmen and the Islamic Bank, it is on a hiding to nothing. These types of actions by the unelected and unrepresentative administration in Mogadishu is symptomatic of it’s attempts to wage economic and diplomatic war against Somaliland, whilst pay lip service to “unity and fraternity”. Qarannews.com Somaliland: The Weak FGS Attempts To Block Commercial Cargo In Saudi Arabia Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Qarax labaad ayaa Goordhow jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magalada Dhuusamareeb oo isla Maanta uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyada oo maanta siweyn looga dareemay Magaalada. Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb. Waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Galmudug. Sarkaal ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in qaraxa dambe uu dhaawac fudud kasoo gaaray Wiil dhalinyaro ah oo goobta marayey, waxaana la sheegay in wadada uu ka dhacay qaraxaas ay daqiiqado ka hor mareen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka. Xaalada Magalada Dhuusamnareeb ayaa Maanta ka duwan sidii hore,waxaana wararku sheegayaan in inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb la dhigay ciidamo farabadan,kuwaas oo dadkaiyo gaadiidka u diidaya goobaha qaar. Qaraxii hore ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir. Qaraxa koowaad ayaa waxaa ku dhintay is miidaamiyihii sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay laba qof oo midi ahaa Xildhibaan ka tirsan Galmudug. Waxaa jirto cabsi weyn oo ku aadan inay Magaalada Dhuusamareeb ku jiraan dad kale oo is qarxin rabo sida ay sheegeen hey,adaha Ammaanka. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qaraxa ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi uu ku dhintay qofkii ismiidaamiyay oo keliya islamarkaana ay ku dhaawacmeen shan qof oo ku sugnaa meheradda qaraxu ka dhacay. Qofka ismiidaamiyay ayaa sida la sheegayo cabbaar fadhiyay meheradda qaraxu ka dhacay oo ka soo horjeedda xarunta loo yaqaan INJI oo uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug Shiekh Maxamed Shaakir. Dadka qaraxa ku dhaawacmay waxaa ku jira haweeyneydii meheradda la hayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli uu magaalada ku suganyahay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan cali Khayre oo todobaadyadii u dambeeyay socdaal ku marayey degaannada Galmudug. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta khasaaraha qaraxii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Wararka aanu ka heleyno xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in halkaasi uu isku qarxiyey qof isa soo miidaamiyey. Qaraxa oo uu lala damacsanaa gudaha xarunta ay ku shiraan Ahlu-sunna ayaan suuto-gelin, waxaa uuna ku qarxay meel dibadda ka ah. Khasaaraha ka dhashay waxaa la sheegayaa inuu yahay 2 dhaawac ah, marka lagu daro dhimashada qofkii naftiisa hormariyey, ee qaraxa watay. Dhuusamareeb waxaa ku sugan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre oo todobaadyadan u joogay arrimo la xiriira dhismaha Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
dhasheen daadad xoogan oo sii nugleeyay xaaladda nololeed ee qoysaska ku nool xeryahaasi. Hadaba iyagoo ka jawaabaya xaaladda bini aadanimo ee xeryahaas ka jirta ayaa masuuliyiin kasocota haayada ARC international iyagoo kaashanaya Haayada qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiyada ee UNHCR waxay wacyigalin ku saabsan fahanka iyo dhawrida xuquuqaha barakacayaasha oo taabanaysa xuquuqda waxbarasho ee caruurta, xuquuqda haweenka; gaar ahaan hooyooyinka xiliyada uurka, iyo dhalmada. Sidoo kale waxaa barakacayaasha lagu wacyigaliyay nadaafadda iyo fayadhawrka deegaanka ee xilliyada roobka Haayadda ARC International iyadoo ka jawaabaysa dhawaaqyada xaaladda banii aadamnimo ee ka jirta xeryahan maaha markii koowaad ee ay wax ka qabato goobaha barakacayaasha, waxay haayadu dhawaan soo gaadhsiisay qoysaka barakacayaasha ah agabka aasaasigaa ee NFI (Non Food Items) oo ka kooban Hu’, Gogol, Weel, Saabuun, Jerikaano, iyo Baco una qaybisay qoysas gaadhaya 1,541. Kooxda ka socotay haayadu waxay dadka ku booqanayeen goobohooda iyagoo meel fagaara ah kula kulmay bulshada qaybeheeda kaladuwan, gudiyada, macalimiinta iyo maamulka deegaanka, waxaa bulshada loo gudbiyay fariimihii wacyigalinta isla markaana fahan dheer laga siiyay xuquuqaha barakacayaasha iyadoo laagu gudbinayo luuqadooda hooyo iyo tusmayaal qoraal ah oo ay ku xardhan yihiin fariimaha wacyigalintu. Gabagabadii waxaa hadal ka yidhi Siciid Maxamed oo ah masuul ka tirsan haayada ARC international waxaanu dardaaran usoo jeediyay bulshada sidii ay udhaqangalin lahaayeen ugana faa iidaysan lahaayeen wacyigalintaa. Gudoomiyayaashii deegaanada laga sameeyay wacyigelinta ayaa iyaguna dhinacooda mahad celin balaadhan ujeediyay hayada ARC International iyo UNHCR. Guddida Barakacayaasha ayaa iyaguna dhankooda uga mahad celiyay haayada ARC International sida ay ugu dadaalaan caawinta iyo ka warhaynta qoysaska danyarta ah ee ku nool xeryaha. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada DHuusamareeb ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug. Goobjoogayaal ayaa u sheegay in qof isku xiray walxaha qarxa uu ku hor qarxay Maqaayad ku taalla Xarunta Inji oo uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Galmudug. Goobjoogayaal ayaa sheegay in labo qof oo midi ahayd Gabar Maqaayadda lahayd iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo uu dhaawac fudud soo gaaray. Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu dhaawaciisa fududyahay waxaana magaciisa lagu sheegay Sh.C/Raxmaan Barakaqabe oo Baarlamaanka Galmudug ka galay dhinaca Ahlu sunna. Ma jiro khasaare kale oo uu geystay Qaraxa sida uu sheegay mid ka mid ah Goobjoogayaasha ku sugan Goobta uu qaraxa ka dhacay. Xildhibaanka iyo Gabadha dhaawacmay ayaa waxaa gaaray dhaawac fudud waxaana ay dhaqtartka ku aadeen lugahooda. Cabdullahi Cabdi Raage oo ah Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug ayaa tagay goobta,waxaa kale oo meesha tagay saraakiil ka socota Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya. Saraakiisha amaanka ayaa hadda kulan deg deg ah ku leh Magaalada DHuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug. Magalada Dhuusamareeb waxa ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana weli qaraxaasi ka hadlin Hay’adaha Amniga ee ka howlgalla Magalada Dhuusamareeb. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Warar goor dhow na soo gaaray ayaa ku warramaya in qarax Ismiidaamiin ahaa uu ka dhacay M/ Dhuusamareeb ee xaruta gobolka Galgaduud. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay maqaayad ku taalla ka soo horjeedka xarunta Inji ee magaaladaasi. Sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah qof isku soo xiray walxaha qarxa oo fadhiyey Maqaayada ayaa is qarxiyey. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 Qof oo uu ku jiro Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Barakaqabe oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo gabi ahaan xiray meesha uu qaraxu ka dhacay. Wixii soo kordho kala Radioshabelle.com View the full article
-
Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhoweyd gilgilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Jugta qaraxa oo xoogganeyd ayaa laga maqlay dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Dhuusamareeb waxaana la arkayey qiiq iyo uuro madow oo hawada isku shareeray kadib qaraxa. Qofka ismiidaamiyay ayaa sida wararku sheegayaan fadhiyay maqaaxi ku taalla halka lagu magacaabo xarunta Inji oo ah meesha qaraxu ka dhacay inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay qaraxa. Goobjoogayaal ayaa sheegay in burbur laxaadleh uu gaaray dhismayaal ku yaalla goobta qaraxu ka dhacay islamarkaana waxay sheegeen in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac balse aan hadiiba la xaqiijin akrin. Qaraxa ayaa ku soo beegmay xilli uu magaalada ku suganyahay wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan cali Khayre oo todobaadyadii u dambeeyay socdaal ku marayey degaannada Galmudug. Bishii la soo dhaafay ciidamada amniga Dhuusamareeb ayaa fashiliyay qarax lagu doonayey in laga fuliyo munaasabad ka socotay degmadaasi waxaana la qabtay ninkii qaraxa sitay. Faahfaahinta kala soco Puntland Post The post Qarax ismiidaamin ah oo gilgilay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Qaraxa oo ismiidaamin ahaa ayaa jugtiisa si xoogan looga maqlay inta badan magaalada Dad goobjoogayaal ah aya sheegay inuu is qarxiyey Qof fadhiyey maqaayad lagu shaaxo oo ku dhow xarunta Inji oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Khasaare kala duwan ayaa lagu soo warramayaa inuu jiro, balse weli ma cadda inta uu la’eg yahay. Ciidamo fara badan ayaa goobta isku geedaamay, kuwaas oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay. Weerarkan ayaa ku soo aadaya, xilli Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin sar sare ee uu ka mid yahay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dagaal kooban oo duhurnimadii shalay ka dhex qarxay ciidamada Qaranka ee fadhigoodu yahay gobalka Sanaag iyo maleeshiyo ka tirsan jabhadda Kornayl Caarre ayaa sababay khasaare inta la ogyahay ah dhaawaca hal qof oo ka tirsan jabhadda iyo dhimasho aan weli la xaddidin tiradeeda. Dagaalkan oo ka dhacay deegaanka Dhoob oo qiyaas 50 Kiiloomitir ah dhinaca bari ka xiga magaalada Ceerigaabo ayaa yimi kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada Qaranka iyo hurin ka mid ah jabhadda oo la sheegay in ay ku hakadeen gaadhi nooca tiknikada loo yaqaanno ah oo ka banjaray. Warar deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in gaadhiga tiknikada ahi uu ka mid ahaa saddex gaadhi oo ay jabhaddu wadatay, kuwaas oo ka tegey dhinaca deegaanka Ceel-Afweyn kuna sii jeeday magaalada Qardho ee Puntland oo jabhadda Kornayl Caarre fadhiisin u ah. Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda ama jabhadda Kornayl Caarre ka soo saartay dagaalkan, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro khasaare intaas ka badan oo dhimasho ciidan iyo gaadhi tikniko ah oo ciidanka qaranku lahaayeen ay ku jiraan. Iyo in maxaabiis lix askari ahaa marka hore laga qabtay jabhaddu ay dib ka baxsadeen. Dhinaca kalana dibadbaxyo rabshado wata oo xidhiidh la leh dagaalkan ayaa ka dhacay magaalooyinka Ceel-Afweyn, Ceerigaabo iyo Burco. Kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo dad taageersan jabhadda Kornayl Caarre. Inta la ogyahay ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay dibad baxyada ka dhacay magaalada Ceerigaabo, waxa aanay ciidamada ammaanku ku guulaysteen in ay kala eryaan dadkii dibad baxayey. Dibad baxa ka dhacay magaalada Burco ayaa illaa gelin dambe ee shalay socday, laakiin lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo qorsheysan oo ciidamada Milatariga dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwo xoogan ayaa ka dhacay agagaarka degmada Wanlaweyn. Taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad qeybta 60-aad Col. Maxamed Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Taliyaha ayaa sheegay kadib dagaal ay la galeen Al-Shabaab ay ku dileen ku dhawaad 15 dagaalyahan, sidoo kalena ay ku gubeen gaadiid ay lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay. Col. Maxamed ayaa intaasi ku daray in howlgalladan ay kula wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne iyo Madax -Maroodi. Sidoo kale wuxuu taliyuhu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose. Dhanka kale ma jiro war ka soo baxay Al-Shabaab oo la xariira howlgalladaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe sare u qaaday howlgalada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay weli maamulaan Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska NairobiCaasimada@live.com
-
Burco(SL-T)Haayada ARC oo Barnaamij Wacyi Galineed Oo Ku Saabsan Baahiyaha Aas Aas Ka Fulay Degmada Gabo Gabo EE Gobolka Togdheer Haayadaha ARC Oo Ka Shaqaysa Taakulaynta Iyo Taageerida Dadka Danyarta OO Baryahii u Dambeeyay Deeqo U Qaybisay Dadkii Ay Waxyeeladu Ka Soo Gaadhay Daadadkii Iyo Abaarahii Ka Dhacay Qaar Ka Mid Gobolada Somaliland Ayaa Waxay Barnaamij Wacyigalineed OO Ku Saabsan Ilaalinta Nadaafada Kor U Qaadida Waxbarashada Ilaalinta Xuquuqda Haweenka Iyo Arimaho Aas Aas U Ah Nololsha Aadanaha Waxay U Bilaabeen Dadka Barakacayaasha Ah Ee Ku Nool Degmada GabO Gabo Ee Ka Tirsan Gobolka Togdheer Bulshada Ay Wacyigaliyeen Oo dhammayd ilaa 950 qof oo Isugu Jira Haween, caruur, rag, dad waayeel ah. Masuuyintii Ka Soctay Haayadaha ARC Ayaa Bulshada Ku Nool Degmadaasi U Sharaxay Faaidada AY Leedahay Ilaalinta Nadaafada Kor U Qaadida Waxbarashada Ilaalinta Xuquuqda Haweenka Bulshada Ku Nool Degamada Gabo Gabo Ayaa Soo Dhoweeyay Barnaamijka Wacyigalineed Ee Ay Haayadu Ka Waday Degmadaasi Iyaga Oo Sheegay In Si Weyne Uga Faaideen Barnaamijkan. Source
-
Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa lagu sheegaya in Al-Shabaab laga qabsaday deegaano dhowr ah oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose. Col. Maxamed Cabdullaahi Caraalle, taliyaha ururka 35-aad guutada 7-aad qeybta 60-aad oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in ay la wareegeen tuullooyinka Leego, Yaqbirweyne, Madax -Maroodi iyo deegaano kale oo dhammaantood ka tirsan gobolkaasi. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in howlgalkaasi ay ku dileen ku dhawaad 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna gubeen gaadiid, sida uu hadalka u dhigay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) –-Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa shaacisay inay gacanta ku heyso 21 caruur oo laga soo xaday magaalada Muqdisho. Caruurtan ayaa wasaaraddu ay tilmaamtay in haatan ay qorsheyneyso inay dib ugu celiso magaalada Muqdisho, si ay ula midoobaan Waalidiintooda. Wasaaradda Haweenka ma shaacin in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaadkii ka dambeeyay falkaasi. Ayaan Nuur oo ah isku duwaha wasaaradda Haweenka Puntland ee gobolka Bari ayaa faah faahin ka bixisay xaaladda Caruurtaas iyo dib u soo celintooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/ayaan.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa safar kujooga dalka Sacuudiga si uu halkaasi uga cunaqabateeyo Xoolaha Somaliland ee Berbera ka dhoofaya. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya dagaal balaadhan qaaday kadib markii uu Markab Xoolo sidaa Berbera uga shiraacday dhinaca Dalka Sacuudiga. Waxa uu sheegay in markabkaasi aanu ku tagin ogolaanshiyo dhinaca Dawlada Sacuudiga ah balse uu si kale ku tagay oo uu damaanad qaaday Baanka Islaamku. Wasiir gaafaadhi ayaa sheegay in Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ku sugan yahay Dalka Sacuudiga islamarkaana uu dagaal kula jiro sidii loo soo celin lahaa Markab Berbera Xoolo ka qaaday afar cisho ka hor oo halkaasi ku xayiran. Waxa kale oo uu sheegay Xasan Gaafaadhi in Wasiirkaasi sidoo kale la soo hadlay Maxjaradda Dekeda Berbera islamarkaana uu u soo hanjabay. “Afar habeen ka hor markab xoolo sida ayaa ka dhoofay Berbera, isagoo u sii jeeda Dekedda Jiddah ee Dalka Sacuudiga, dalka uu baankii Islaamiga ahaa ee Mooshinka Xajka uu dalbaday uu yidhi Xoolahaa halasoo raro oo halasoo daayo, isaga iyo nimankii Carbeed ee Xoolaha iibsan jirayba, oo ay bixiyeen damaanad ah inuu markabkaasi ka dego sacuudiga, Dawladda Muqdisho markii ay ka war heshay inuu markabkaasi Berbera ka dhoofay duulaan balaadhan ayaa la qaaday, ilaa iyo Wasiirkii Xanaanada Xooluhu waxa uu u dhoofay Sacuudi Carabiya, Magaaladda Jiddah, waxa uu culays weyn uu saaray in markabkaasi aan la rogin, waxa kale oo uu gaar ula soo hadlay Rag leh maxjaradda Berbera isagoo ku hanjabaya inaanay xoolo Somaliland ka dhoofa oo aan Warqadda Muqdisho sidan ka degi doonin dekeddaha Sacuudi Carabiya” Ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi. Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Tehran)-Hogaamiyaha Ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasralah ayaa ugu baaqay dowlada Iiraan in ay garaacdo Israa’iil haddii Mareykanka uu weerar ku soo Qaado. Qudbada wadaadkan oo si toos ah wuxuu uga Jeediyay Jimcihii Tv-ga Al-Manar. Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayay qilaafka u dhaxeeya Washington iyo Tehraan. Sh Nasralah ayaa intaa raaciyay in Mareykanka uu ogaan doono hadii dagaal uu ku qaado Iiraan uu saameyn doono Israa’iil. Ururka Xisbullah ayaa ugu danbeyn sheegay in ay diyaar u yihiin in wax waliba ay ku bixiyaan difaaca Iiraan. Source
-
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose waxa ay kula wareegeen deegaanno ay maamuli jireen Al-shabaab. Korneyl Maxamed Cabdullaahi Caraalle, Taliyaha ururka 35-aad Guutada 7-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidanku la wareegeen deegaannada kala ah Leego, Yaaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaanno kale oo halkaasi ku dhow. Wuxuu sheegay Taliyaha in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab halkaasi dagaal uu ku dhexmaray, ayna dileen 15 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Al-shabaab dhankood wax war ah kama aanay soo saarin deegaannada la sheegay in laga saaray iyo sidoo kale xubnahana halkaasi looga dilay. Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmahan dambe waxa ay howlgallo ballaaran ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ankara)-Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda toddobaadkan ku dhawaaqdo Cunaqabatayn ka dhan ah Dowladda Turkiga, kadib markii ay iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ee lagu farsameeyey Raashiya. Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen qorshaha Cunaqabatayntaasi, waxayna Kooxda Madaxweyne Donald Trump hore u garwaaqsadeen Xidhmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga Bilosgii toddobaadkan, Hoggaanka Guddiyadda Aqalka Senedka dalkaasi ugu qaabilsan Arrimaha Ciiddanka iyo xiriirka Dibedda waxay soo wada saareen War-saxaafadeed ay ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga, kadib markii ay heleen Shixnadii ugu horreysay ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka difaaca ee S400 Jimcihii la soo dhafaay, Wasaaradda Difaaca Turkiga waxay sheegtay inay qeybtii ugu horreysay Gantaalladdaasi soo caga-dhigteen magaalada Ankara. Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay bishii December ee sannadkii 2017-kii kala saxiixdeen Heshiis dayn ah oo Turkiga looga iibinayo Nidaamka Difaaca ee S400. Source
-
(SLT- Angola)-Madaxweynaha Rwanda iyo dhiggiisa Uganda ayaa balan qaaday inay ku kulmi doonaan dalka Angola si loo dhammeeyo khilaafka u dhaxeeya labada Wadan. Madaxweyne Paul Kagame iyo Yoweri Museveni, oo mar ahaa saaxiibo ayaa sanadkii hore weerar dhanka afka ah iskugu qaaday iyaga oo adeegsanaya Warbaahinta. Hoggaamiye yaashaan ayaa mid ba mid kale ku dhaliilay in uu ku soo xadgudbay qaranimada iyo siyaasada Dalkiisa. Arintaan ayaa saameyn ay ku yeelatay dhaqaalaha iyo isku socodka wadamada Rwanda iyo Uganda. Bishii May ayey aheyd markii booliska Uganda ay ku eedeeyeen Milatariga Rwanda in ay ka soo talaabeen xadka deetana ay dileen laba Hablood. Madaxweynaha Angola Joao Lourenco ayaa shir looga hadlayo amniga ku casuumay Kagame, Museveni iyo madaxweynaha sanadkaan la doortay ee Congo Felix Tshisekedi. Shirkaan ayaa ka dhici doona magaalada caasimada ah ee Luanda ee dalka Angola. Source
-
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in hawlgal ballaaran oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ay Al-shabaab uga xoreeyeen degaanno hor leh oo ku yaalla gobolkaasi. Taliska Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka ayaa shaaciyay in Hawlgalka oo laga fuliyay inta u dhexaysa degmada Wanla weyn iyo degaanka Leego ay ciidamadu Al-shabaab kaga xoreeyeen tuulooyinka Yaaqbariweyne Madax-maroodi iyo leego oo ka wada- tirsan gobolka Shabeellaha hoose. Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle ayaa wakaaladda Wararka ee SONNA ka soo xigatay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ilaa 15 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaanno ka tirsan Shabeellaha hoose appeared first on Puntland Post.