Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,005
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hay’adda xasaradaha adduunka ee International Crisis Group ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay kaga warantay caqabadaha hortaagan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo fursadaha ay u aragto in ay weli jiraan. Warbixintan oo 27-bog ka koobnayd waxa ay ICG ku sheegtay in xiisadaha Somaliland iyo Soomaaliya ay muddooyinkii u dambeeyey sii xoogeysteen, sababahana ay ka mid tahay, colaadda xuduudka ee Somaliland iyo Puntland oo u daacad ah nidaamka Federaalka iyo heshiiska maamulista dekedda Berbera ee ay Somaliland la gashay shirkadda Imaaraadka Carabta ee DP World iyo dawladda Itoobiya, arrintaas oo ay Muqdisho u aragtay in ay meel ka dhac ku tahay qaranniadmii ay sheeganaysay. Si kastaba ha ahaato ee ICG waxa ay sheegtay in ay jiraan cadaadisyo caalamiya oo la doonayo in dib loogu bilaabo wadahadallada oo joogsaday sannadkii 2015 kii, Laakiin waxa ay hoosta ka xariiqday in duruufaha hadda jira awgeed aanay suurtagal ahayn in Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wadahadlaan arinta masiiriga ah ee gooni isu-taagga Somaliland, iyada oo sababta ku sheegtay. – Doorashada Soomaaliya ee baarlamaanka iyo madaxweynaha oo la filayo 2020 iyo 2021 ka; waxa ay sheegtay maadaama oo uu madaxweyne Farmaajo doonayo in uu mar labaad soo noqdo, in ay taasi u diidayso in uu galo wadahadal kasta oo tanaasul iyo gorgortan gelin kara, aragtidii wadaniyadda ahayd ee uu markii hore ku ol’oleeyey isla markaana loo arko in ay sabab u ahayd guushiisii madaxweynenimada ee hore. – Taariikhda xanuunka leh ee u dhexeysa Somaliland iyo Soomaaliya. – Labada dhinac oo muddo tobannaan sano ah kala madaxbannaan, dhinac kastaana nidaamkiisa gaarka ahi u dhismay. – Warbixintu waxa ay sheegtay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo hore uga mid ahaa hoggaamiyeyaasha jabhad dabayaaqadii siddeetamaadkii dagaal la gashay dawladdii Muqdisho, in aanu sida madaxweynihii ka horreeyey (Siilaanyo) ugu furfurnayn gorgortanka iyo in xal dhexe la isugu yimaadd. Iyada oo taas ay dheertahay cadaadis kaga iman doonaa aragtiyaha ku xeeran ee aadka ugu dheggen gooni isutaagga Somaliland, kuwaas oo nacdal u arka wax tanaasul ah oo Soomaaliya loo sameeyo. Ayaa lagu sheegay warbixinta. – Dalalka Gacanka oo uu loollan u dhexeeyo ayaa iyaguna ah caqabad kale oo hortaagan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaiya, maadaama iyaga oo ka faa’iidaysanaya xidhiidhada ay la leeyihin dhinacyada ay fashilin karaan wadahadallada, haddii ay u arkaan in ay ka soo baxayso natiijo aan u fiicnayn danahooda. Hay’adda ICG waxa ay sheegtay, dawladda Imaaraadka Carabta oo xidhiidh fiican la leh Somaliland, in aan laga filayn inay soo dhoweyso wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyada oo ka taxaddaraysa in ay ka soo baxaan go’aamo ku qasba in ay arrimaha danteeda ah qaarkood laga tala geliyo dawladda Muqdisho. Waxa aanay sheegtay in Imaaraadku uu ku raalli noqon lahaa in dawladda Soomaaliya ee ay Somaliland wadahadallada la bilaabaysaa ay noqoto, dawladda Farmaajo kaddib iman doonta. Markaas oo ay dhici karto in ay xidhiidh fiican la samayso dawladda federaalka, lagana yaabo in ay dabac badan u muujiso arrimaha doonayso. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay warbixintu sheegtay in ay weli jirto arrimo ay Somaliland iyo Soomaaliya ka wada hadli karana, kuwaas oo ka sokeeye go’aan ka gaadhista masiirka Somaliland. Arrimahaas oo ay sheegtay in ay yihiin kuwo labada dhinacba ay dani ugu jirto, waxaa ka mid ah; ammaanka, is-dhaafsiga xogta sirdoonka iyo la dagaallanka Alshabaab, arrimaha dhaqaalaha ee labada dhianc dantu ugu jirto, isu socodka dadka iyo ganacsiga iyo in ay ka wada hadlaan sidii ay uga wada faa’iidaysan kari lahaayeen deynta laga dhaafayo Soomaaliya, oo la filayo in ay horseeddo maalgashi iyo shirkado qodista iyo soo saarista shidaalka ka shaqeeya oo yimaadda. Hay’adda xasaradaha adduunku waxa ay ku talisay in labada dhianc ay ka heshiin karaan sidii shirkadahaasi ay uga shaqayn lahaayeen badda ay wadaagaan. Soojeedimaha ICG – In wadahadallada la bilaabayo loo helo dhexdhexaadiye taageero ka haysta dalalka gobalka ee danaha ka leh Soomaaliya iyo Somaliland. Iyada oo cidda ugu habboon ee wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya wadi karta ku sheegtay in uu yahay Midowga Afrika. Waxa aanay soo jeedisay in la helo shakhsi masuul qaran ah oo ka soo jeeda Afrika iyo guddi musdambeed u noqota oo ka soo jeedda dalalka danaha ku leh Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga, Itoobiya, Sweden iyo Switzerland iyo sida oo kale midowga Yurub. Arrintaas oo ay ICG sheegtay in lagaga hortegi karo khatarta wadahadallada kaga iman karta dalalka tirada badan ee u tartamaya raad ku yeelashada gobalku haddii ay u arkaan in dhexdhexaadintu ay khatar ku tahay dantooda. – Dalalka Itoobiya iyo Turkiga oo xidhiidh adag oo diblumaasiyadeed la leh Somaliland iyo Soomaaliya isla markaana danaynaya in ay hoggaanka u qabtaan wadahadallada labada dhinac, ayaa ay warbixintu sheegtay in aanu midkoodna heli karin kalsooni buuxda oo labada dhinac ah. Turkiga waxa uu si gaar ah ugu dhow dawladda Federaalka Soomaaliya siyaasaddiisuna, waa midnimo sidaa awgeed ergeynimadiisu taageero badan kama helayso Somaliland. Itoobiya inkasta oo ay muddooyinkii dambe xidhiidh fiican la yeelatay Soomaaliya, haddana xidhiidhka adag ee ay muddada dheer lalahayd Somaliland ayaa shaki gelinaya Soomaaliya, dhinaca kalana muddooyinkii u dambeeyey ee uu Abiy Axmed qabtay talada Itoobiya, nidaamkiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ku aaddani waxa uu shaki ku abuuray Somaliland, taasina waxa ay dhaawacaysaa kalsoonida dhexdhexaadnimadiisa ay ku qabi lahayd. Gunaanad Warbixinta ICG waxa ay ka warrantay cadaadisyo gudaha Somaliland kaga furan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa aanay hoosta ka xariiqday in wax-ka-qabashada cadaadisyadaasi ay saamayn togan ama taban ku yeelanayso raasamaalkiisa siyaasadeed. Waxaa ka mid ah xiisadda sii socota ee u dhexeysa Somaliland iyo Puntland, isku dhaca beelaha ee Sanaag oo isa soo taraya, iyo cadaadis kale oo ka saaran in uu xal u helo muranka u dhexeeya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, oo kalsoonida kala noqday Komishanka doorashooyinka, si ay sannadkan u qabsoonto doorashada muddada dheer soo dib dhacday ee baarlamaanku. Halkaan ka daawo Farmaajo oo ka dambeeyey qaraxii Kismaayo, go’aanadii Sacad ee Galmudug & shirqolka Qadar Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland. Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu hada ay wanaagsan tahay. Golahu wuxuu u mahadceliyay dhamaan dadkii usoo tacsiyeeyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xanuunka la qabsaday waxaa kale oo laga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka haday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba. Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan Argagixiso kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka madiina oo ah shaqsi naafo ah oo dhaqaalahiisa u huray dalkiisa. Qorshaha amniga doorashada ayaa la isku raacay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan Ciidamada amaanka la galiyay heegan buuxa. Waxaa kale oo laga hadlay in la kala saaro Siyaasada iyo amaanka oo nabadgalyada ayna mara Jubbaland gorgortan ka galaynin arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah lagu qaban doono. Golaha amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xidhiidha sidii ay ciidamada amaanka ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka sidii lagu yaqaanay si mar danbe dhibkan oo kale uuna usoo noqon. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo magacaabay Guddiga Taakulaynta dadkii wax ku noqday weerarkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  3. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada dib u xoreynta Somaliland, Kornayl Siciid Caare iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa waxa la filayaa inay u furmaan wada-hadalo. Wada-hadaladan la filayo inay u furmaan Somaliland iyo Jabhada Caare ayaa waxay daba socota dadaalo iyo waan-waan ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray Odayaal iyo Waxgarada kasoo jeeda gobolka Sanaag. Guddigan ayaa maalmahanba waxay wada-hadal uga socday Jabhada Kornaylka oo ku sugan buuraha duleedka magaalada Ceerigaabo. Waxaana la filayaa in wada-hadaladasi ay qeyb ka noqdaan Mas’uuliyiin ka socda Somaliland si xal looga gaaro tabashada Jabhadan oo hore uga tirsaneyd Ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada Korneyl Caare ayaa dhowr jeer oo hore dagaal culus ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, kuwaasi oo la filayo inay soo afmeeran wada-hadaladani. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland. Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu hada ay wanaagsan tahay. Golahu wuxuu u mahadceliyay dhamaan dadkii usoo tacsiyeeyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xanuunka la qabsaday waxaa kale oo laga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka haday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba. Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan Argagixiso kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka madiina oo ah shaqsi naafo ah oo dhaqaalahiisa u huray dalkiisa. Qorshaha amniga doorashada ayaa la isku raacay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan Ciidamada amaanka la galiyay heegan buuxa. Waxaa kale oo laga hadlay in la kala saaro Siyaasada iyo amaanka oo nabadgalyada ayna mara Jubbaland gorgortan ka galaynin arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah lagu qaban doono. Golaha amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xidhiidha sidii ay ciidamada amaanka ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka sidii lagu yaqaanay si mar danbe dhibkan oo kale uuna usoo noqon. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. The China-initiated Asian Infrastructure Investment Bank (AIIB) on Saturday approved the membership of Benin, Djibouti and Rwanda, bringing AIIB's total approved membership to 100. Source: Hiiraan Online
  6. The European Union Delegation issues the following statement in agreement with the EU Heads of Mission in Somalia as well as the EU Special Representative for the Horn of Africa and to condemn the terrorist attack that took place on 12 July in the city of Kismayo. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda ayaa maanta Askari ka tirsanaa Booliska Soomaaliyeed waxa ay ku dileen isgoyska Korontada degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ciidamada geystay toogashadaasi ayaa ku sugnaa barkoontarool oo gadiid lagu baaro oo ku taalla halkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Aadan, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online askariga la dilay ayaa ka mid ahaa ciidamada ka howlgala koontarool ku yaalla dhinaca isbitaal Madiina, kaas lagu baaro gaadiidka. Lama oga sababta loo toogtay askarigan, basle waxaa wararku sheegayaan in is maan-dhaaf uu soo kala dhex galay Marxuumka iyo ciidamada dilka geystay. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ka soo yeeray laamaha amniga oo ku aadan dilkaasi iyo in la qabtay askartii ka dambeysay falkaasi. Magaalada Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca isku dhacyo dhex-mara ciidamada dowladda, kuwaas oo sababa khasaare dhimasho iyo dhaawac. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  8. kooxda ciidanka xooga dalka ee Horseed ay ku dhameystay kaalinta 2-aad ee kala sareynta horyaalka Somalia Premier League fasal ciayareedka 2018-2019 hadana dad badan ayaa qabay aragti ah in xidigaha Horseed ay u qalmeen hanashada horyaalka marka loo eego ciyaarihii ay soo bandhigeen. Layliyaha kooxda Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa Goobjoog u sheegay in uu aad ugu faraxsanahay is badalka muuqda ay xidigihiisa muujiyeen welina uu soconayo hamigooda hanashada tartamada gudaha dalka ee kusoo wajahan iyo kuwa dibada ay kooxda ka qeybgalayso xagaagan. Kooxda Horseed 18-ciyaareed ay dheeleen horyaalka Somalia Premier League 2018-2019 waxaa laga adkaaday 2 kulan waxaana ka badiyay kooxaha kala ah Heegan iyo Elman kulamadaas waxa ay dhaceyn bilihii Maarso iyo April 2019 tababre Cabdi Joon ayaa Goobjoog u sheegay in aysan guuldarooyinkaas u qulmin. Tababare Cabdi Joon ayaa hogaaminta naadiga Horseed kusoo laabtay April 2018 tan iyo kusoo laabashadiisa maxaa iska badalay hanaanka maamulka kooxda ee la tacaamulka ciyaartooyda. Taageerayasha cawa iyo maalin ee Horseed ayaa iyagana ciyaartooyda u muujiyay dhiiri gelin wanaagsan horyaalka Somalia Premier League 2018 2019 macalin Cabdi Joon ayaa ka mahad celinaya arinkaa. Kooxda Dekedda ayaa sanadkii saddexaad oo xariir ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League Macalin Joon waxaa uu u hambalyo u diray kooxdiisii hore Dekedda oo soo maamulay 2015-2016 maadaama markii 3-aad oo xariir ah loo caleema saaray hanashada horyaalka Somalia Premier 2018-2019. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Horomarka Kooxda Horseed W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Kismaayo (SMN) – Wakaaladda wararka Anadolu oo sii xiganeysa saraakiil amnig ayaa sheegtay in duqeyn lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab Mareykanka uu ka fuliyey degmada Saakow gobolka Jubbada Dhexe ee dowlad goboleedka Jubbaland. Duqeyntu waxa ay sheegtay in ay fulisay diyaarad nuuca duuliyaha laheyn, islamarkaana lagu dilay labo ka tirsanaa Al-Shabaab. Anadolu ma shaacin magacyada xubnaha lagu dilay duqeyntaasi iyo goorta la fuliyey intaba. Sidoo kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan dowladda Mareykanka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fulisa deegaanada ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article
  10. Floods and landslides caused by torrential monsoon rains have killed at least 50 people across Nepal while dozens more are missing, officials said Sunday. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxyadaasi ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen ciidanka Ahlu-Sunna Waljamaaca. Qaraxa koowaad ayey sheegeen inuu ka dhacay ka soo horjeedka xarunta Inji, halkaas oo uu ka socda diiwaan gelinta ciidan, sida ay hadalka u dhigeen. Ma carab baabin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, Weeraradan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabto M/ Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. View the full article
  12. Is qarxintu waxay ka jirtaa dhammaan caalamka Muslimiinta ee sunniga ah. Soomaaliya waxay kamid ahayd kuwa ugu danbeeya ee la baray ama la soo gaarsiiyay qaabkaan cusub ee dagaalka. Marka waa dhib wayn oo caalamka Islaamka badankiisa haysata. Waa arrin u baahan inaan la fududaysan ee si run ah loo waajaho oo wax looga qabto. Halkii dawladaha dhaqaalaha iyo xoogga haysta isku mashquulin lahaayeen inay qirtaan cudurka islamarkaasna daawo u raadiyaan waxay ku mashquuleen fajac, argagax iyo eedayn. Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa is qarxinta: 1-In ilaahey quraanka ku xaaraantinimeeyay in qof muslima is dilo oo uu naftiisa khaarajiyo sabab kastaba haku timaadee. {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَأْكُلُواْ أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَن تَكُونَ تِجَارَةً عَن تَرَاضٍ مِّنكُمْ وَلاَ تَقْتُلُواْ أَنفُسَكُمْ إِنَّ اللهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا (29) وَمَن يَفْعَلْ ذَلِكَ عُدْوَانًا وَظُلْمًا فَسَوْفَ نُصْلِيهِ نَارًا وَكَانَ ذَلِكَ عَلَى اللهِ يَسِيرًا} Macnaha aayadduna waa (naftiina ha dilina ilaahey waa mid idiin naxariisanaayee qofkii sameeya oo isdilana naar ayaan gelineynaa) 2- Naniguna CSW woxow xadiith saxiixa ku caddeeyay oo ku jira bukhaari iyo muslim in qofkii is dila aakhiro lagu cadaabo sidii uu isu dilay asagoo jahanama ku jira. 3- Ma fasixin nabigu SCW in gaaladii waaweyneed ee diinta la dagaalameysay sidii abuu jahal in la dilo oo si gaadma ah loo dilo taas oo uu aad uga hortaaganaay saxaabada taas oo tusaaleyneysa in eysan banaaneyn arinkaasu sida culumada islaamkuba isku raacday haddey banaanaanleheedna gaaladaas ayaa lagu fulin lahaay dilkaas gaadmadaa. 4- Waxaa ka dhalanaaya in dad muslima la laayo taasoo xaaraan ku ah diinta islaamka . 5- In ey is qarxintaanu tahay in islamakii sharafkiisii la tashwiihiyo amaba loo muujiyo qaab aad uga fog tacaaliimta islaamka oo ku dhisana dacwada islaamka iyo mujaadalo wanaagsan oo lala yeesho xataa kuwa gaaladaa oo aan islaamka rumeysneyn sida quraankaba ku cad. 6- Jihaadkii islaamka oo la taxriifiyay oo loo bedelay in muslimiintu is warjaafaan amaba dhiigga islaamka leeska baneesto iyo in umadda loo sahlo in cadawga islaamku ey ka faa,iideestaan khlaafkaas gurucan oo gaaleysiintaasu ey ka abuureyso mujtamaca islaamka dhexdiisa oo gaarsiinaaya in sidii la rabo laga yeelo iyadoo laga faa,iideysanaayo khilaafkaas. Halkaan Ka Daawo Aasaaskii Al-Shabaab iyo sababta ay u doorteen is qarxinta Sheekh C/raxmaan Jibriil
  13. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada Booliska loogu geystay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa waxaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku sugnaa koontarool lagu baaro gaadiidka oo ku yaalla isgoyska Korontada ee degmadaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Aadan, sida ay Shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in askariga la dilay uu ka mid ahaa ciidamada ka howlgala koontarool ku yaalla dhinaca isbitaal Madiina ee M/Muqdisho. Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilkaasi, basle wararka qaar ayaa sheegaya in is maandhaaf uu soo kala dhex galay Marxuumka iyo ciidanka dilka geystay. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi View the full article
  14. The United Nations children's fund (UNICEF) and its partners have launched a 64-million-U.S.-dollar program to help children in Somaliland in the north of Somalia have better access to education, the UN News said Saturday. Source: Hiiraan Online
  15. Markii aad aragto saraakiil ajnabi ah oo aan sidaa u wayneyn oo wasiirro iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka kuwii ugu sarreeyay ay daba dudayaan, sow [...] Source
  16. Dhuusamareeb (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Qaraxa koowaad oo miino ahaa ayaa ka dhacay maqaaxi ka soo horjeedo xarunta Inji ee magaaladaasi. Ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada Ahlu-Sunna ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 Qof oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Barakaqabe oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka maamulka Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa labaad ay ka hortageen ciidamada ammaanka, islamarkaana uu ku dhaawacmay hal Qof. Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka warbixiyey qaraxyadaasi ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin lagu tuhmayo weeraradaasi, islamarkaana haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana Dhuusamareeb howlgallo ka bilaabay ciidamada ammaanka ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. View the full article
  17. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-14-072019-sx.mp3 View the full article
  18. Kenya has urged the international community to hasten the listing of Al-Shabaab as a terrorist organization under the United Nations Security Council (UNSC) Resolution 1267 of 1999, following a terrorist attack on a popular hotel in southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in isbedal xoogan Jubbaland ay ku sameysay amniga magaalada Kismaayo, kadib weerarkii ka dhacay Hoteelka Cascasey ee magaaladaasi. Ciidamada amniga ayaa sare u qaaday baaritaanada lagu xaqiijinayo nabad galyada, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in waddooyinka magaalada iyo xaafadaha lagu soo daadiyey ciidamo fara badan oo sugaya amniga. Sidoo kale xalay Jubbaland ayaa gabi ahaan Bandow ku soo rogtay magaallo Xeebeedka Kismaayo, iyadoo hakad la galiyey dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka. Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday Ismiidaamin ay ku qaadeen Hoteelka Cascasey oo ay daganaayeen Musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale, kaas oo lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale. Dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan la filayo in doorashada Jubbaland lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska KismaayoCaasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Yuusuf Siciid oo kamid ahaa haldoorka miisaanka ku leh dhex bulshada reer Somaliland, dhawaanna ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay doorkii shariifka ahaa ee uu marxuum Axmed Yuusuf Siciid kasoo qaatay dib-u-dhiskii iyo horumarintii dadka iyo dalka reer Somaliland, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku bulshada ugu jiray kaalin mug iyo miisaan leh oo la tebi doono. Xubno kale oo kamid ah waxgaradka iyo hormoodka bulshada oo iyaguna goobta Aaska hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna marxuumka ku sifeeyey haldoor bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa, kana tegay taariikh wax ku Ool ah oo aan la hilmaami Karin. Marxuum Axmed Yuusuf Siciid, ayaa kamid ahaa haldoorka reer Somaliland ee sida weyn uga soo qayb-qaatay dib-u-dhiskii dalka, isaga oo sidoo kale kamid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxana Aaskiisa ka qaybgalay badiba labeenta iyo waxgaradka Somaliland. Source
  21. At least 15 al-Shabab militants were killed on Saturday in a military operation in Somalia’s southern regions barely a day after the terrorist group claimed more than 20 lives in a deadly attack. Somali National Army (SNA) forces senior commander said Sunday the forces conducted an offensive against al-Shabab in Wanlaweyn town in Lower Shabelle region. “Our forces advanced to take control of areas from al-Shabab extremists. We killed 15 of them and captured Yaq Buraweyne, Madah Marodi and Idow Jalad villages,” SNA commander in charge of the 35th division Mohamed Abdullahi Arale said. He added that the forces will proceed with the operations until they drive the militants out of the entire Lower Shabelle region. Residents said they heard the sound of a heavy gunfight between the militants and the army. “A fierce battle broke out in Yaq Buraweyne village between government forces and al-Shabab militants, both sides fought for a while but government troops are now in the town and the militants withdrew from it,” Jamal Ga’al , a local resident told Xinhua by phone. Somali forces have stepped up operations on al-Shabab extremists in central and southern regions to flush the militants out of those regions. View the full article
  22. Somali National Army has taken new areas from al-Shabaab in Lower Shabelle region on Sunday. The troops seized Yaaqbari Weyne, MadaxMarodi and Lego villages during operation. Colonel, Mohamed Abdullahi Arale who was leading contingents from the 35th brigade of the 60th division confirmed the news to state media. Col. Arale said his troops killed 15 fighters during the operation while destroying several vehicles used by the militants. According to sources, the operation was backed by US force air support since no confirmation from AFRICOM. The new grounds retaken by Somali troops were held by al-Shabaab fighters since 2015 when AMISOM contingents from Burundi retreated following an attack. Somali National Army backed By AU peacekeeping troops in support from US drone strikes intensified operations against armed group al-Shabaab in recent months. The offensive by SNA has led to the recapture of key towns such as Sabiid, Barire, Canole in Lower Shabelle region. View the full article
  23. Gaalkacyo (Caasimadda Online)- Shirkii Beesha Sacad uga socday magaalada Galkacyo bisha Juul;ay 10-14 keedii ayaa waxaa maanta laga soo saaray Warmurtiyeed rasmi ah. Waramurtiyeedka oo meelo badan taabanayay ayaa beesha Sacad waxa ay ku cadeeysay mowqifkeeda ku aadan Dowlad Goboleedka Galmudug. Beesha Sacad ayaa iclaamisay kuna baaqaday in shirka dib u heshiisiinta reer Galmudug uu ka dhaco magaalada Galkacyo. Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqeen in dowlada Fedaraalka ay faraha kala baxdo arimaha Galmudug loona dhaafo reer Galmudug in ay xalistaan arimahooda u gaar ah. Beesha waxa ay si dahsoon oo farsamaysan ku sheegtay in ayan marnaba taageeraynin in Dhuusamareeb doorasho lagu qabto. Waxa ay sheegeen in ay waafaqsan tahay sharuucda ku qoran dastuurka Galmudug kaas oo ah in doorashada Galmudug ay ka dhici karto oo kali ah Magaalada Cadaado. Halkaan hoose ka akhriso Qodobada kasoo baxay Halkaan Ka Daawo Qorshihii yaabka lahaa ee qaraxii Kismaayo & Axmed Madoobe oo qeyb ka ahaa Caasimada Online Xafiiska GaalkacyoCaasimada@live.com