-
Content Count
209,031 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garowe (SMN) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay. Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Ujeeddada socdaalka uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’). Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka . “Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go’antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn caalamka, gaar ahaan kuwa Canada iyo Mareykanka ayaa si weyn u falanqeynaya geeridii ku timid Hodan Naleye, oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay weerarkii maalintii Jimcada ka dhacay magaalada Kismaayo. Wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka iyo telefishinka CBS ee dalka Canada iyo warbaahin kale oo aad u farabadan ayaa wararkooda ugu waaweyn kusoo daray sheekada ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkii Kismaayo, waxayna si gaar ah diiradda saarayeen Hodan Naleye, oo ay geerideeda ku qeexeen mid naxdin leh. Telefishinka iyo Idaacadda ugu weyn dalka Canada ee lagu magacaabo CBC ayaa sidoo kale labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka hadlayay geerida Hodan, oo ahayd wariye ay dad badan ku tilmaameen qof ku dayasho mudan. Duraan Xasan Yare oo ah suxufi ku sugan dalka Canada ayaa BBC-da u sheegay in geerida Hodan laga wada dareemay dalkaas. “Marka laga yimaado dadka Soomaalida reer Canada ee sida weyn uga naxay geerida Hodan Naleye, waxaa kale oo aad iyo aad uga hadlay wargeysyada iyo warbaahinta waaweyn ee dalkan Canada”. Waxa uu sheegay in maskaxda dadka ay wali ka go’I la’dahay naxdinta ay ka qaadeen geerida Hodan, iyadoo xitaa dadka aan Soomaalida ahayn ay qof walba oo Soomaali ah uga tacsiyeynayaan dhimashada Hodan . “Sidoo kale waxaa jira abaabul ay wadaan dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Edmenton, kaasoo ah sidii duco iyo baroor diiq loogu sameyn lahaa Hodan Naleye”, ayuu yidhi Duraan. Wariye Hodan Naleye oo ahayd gabar Soomaali ah, oo heysatay dhalashada dalka Canada ayaa lagu yaqaannay inay ol’ole u sameyn jirtay sidii caalamka loo tusi lahaa wajiga fiican ee Soomaaliya. Muddo sannado ah ayey ku guda jirtay dadaal ay dadka caalamka ugu bandhigeysay dhinacyada wanaagsan ee Soomaaliya iyo quruxda waddanka, halka ay warbaahintu inta badan diiradda ka saaraan colaadda, abaaraha iyo waxyaabaha xun xun ee ka dhaca Soomaaliya. Weerarkii lagu qaaday hoteelka ay ku sugneyd Hodan Naleye ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay seygeeda iyo 24 ruux oo kale. Dadka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha xiriirka bulshada ku faafinayay sawirrada Hodan iyo muuqaallo horay looga duubay, waxayna muujinayeen sida ay uga xumaadeen geerideeda. Hadallada ugu badan ee lagu xasuusto Hodan Naleye waxaa ka mid ahaa inay mar walba sheegi jirtay in ay dooneyso sidii ay dadka Soomaaliyeed iyo jiilasha ka dambeeya uga tagi lahayd dhaxal wanaagsan oo ku saabsan wanaagga dalkooda Soomaaliya, ujeeddadeeduna aysan ahayn inay caan baxdo ama ay lacag hesho. Waxyaabaha kale ee ay ku dadaali jirtay waxaa ka mid ahaa inay dadka qurbajoogta ah ku dhiirrigalin jirtay barashada Af-Soomaaliga. Hodan ayaa ifka uga tagtay labo carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo kala ah labo wiil. Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada. Shirka maanta oo ay ka qeyb galeen wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa looga hadlay horumarinta arrimaha bulshada iyo dardar gelinta fulinta qorshayaasha wasaaradaha u degsanaa in ay ku dhammaystiraan sannadkaan 2019. Wasaaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay mareyso xaaladda bini’aadninimo ee ka jirta guud ahaan dalka. Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa lagu war-geliyay in la billaabayo isla xisaabtanka lagu daba gelayo wixii wasaaradaha uga qabsoomay halbeegyada sannadkaan u qorsheesnaa ee ay ballan qaadeen fulintooda. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegayo inay Ahlu Sunna Wal-Jameeca soo saartay amar deg deg ah oo ka dhan ah Taliyaal ka tirsan kuwa Galmudug. Sida aan xogta ku helnay Ahlu Sunna ayaa ku amartay Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug Cabdicasii Yuusuf Dhagabadan inuu isaga baxo Magaalada oo uu soo gaaray Maanta. Dood dheer iyo isku day lagu doonayey inay Ahlu Sunna go’aankaas kaga laabato ayaa fashilmay, wuxuun taliyaha ugu damgeyn magaalada isaga baxay galab dhicii Maanta. Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa amartay inuu isaga baxo Magaalada Dhuusamareeb Taliyihii hore Ciidanka xooga dalka qeybta 21-aad Korneyl Sulub. Labada Taliye ee la amray inay Dhuusamareeb si deg deg ah uga baxaan ayaa ugu dambeyntii qaatay amarkaas waxayna gaareen Magaalada Cadaado oo ay markii hore ka imaadeen. Illaa hadda lama ogo sababta keentay inay Ahlu Sunna amarto inay taliyaashaan isaga baxaan Magaalada Dhuusamareeb oo lagu dhawaaqay inay taalo gogosha Nabadda ee Galmudug isla markaasna ay ka dhici doonto Doorashada. Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
Somaliland: The Weak FGS Fails In Bid To Block Commercial Cargo In Saudi Arabia The vessel carrying approximately 20,000 head of livestock has been given permission to dock at the port of Jeddah, Saudi Arabia and unload it’s cargo. After the weak and inept federal administration in Mogadishu failed to block the docking of the ship in Jeddah. The livestock is destined for the Hajj pilgrimage and was bought by the Islamic Bank and a group of independent Saudi merchants. It was not a purchase by the Saudi government. The weak and inept federal administration in Mogadishu attempted to force the Somaliland authorities to issue a “letter of origin”, not from Somaliland, where the livestock was reared, gathered and shipped, but from Somalia instead. This was rejected and now in order to try and salvage a sliver of dignity from this fiasco, the FGS are peddling a new narrative for local and international consumption, that it was they who freed the ship! However, nobody is buying this. Qarannews.com Qaran News
-
Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the arbitrary arrest of freelance journalist Mohamed Said Yusuf by Puntland police in Garowe on Saturday evening 13 July, 2019 over critical interview and calls for Puntland authorities to immediately and unconditionally release the journalist, the latest in a string of violence against the press in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Dhaka)-Jeneral Xuseen Maxamed Irshaad oo Talada dalakasi Afgembi Millateri ku qabsaday sannadkii 1982-kii ayaa la sheegay inuu maanta geeiyooday isagoo 89-jir ah. Jeneral Irshad oo talada hayey dalkaasi sannadihii 1982-kii ilaa 1990-kii waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka Milliteriga oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dhaka. Walaalkiisa ayaa xaqiijiyey inuu Jeneral Irshaad u geeriyooday xanuun muddo dheer ka hayey Kelyahai yo sambabadda, iyadoo Isbitaalka la dhigay bishi ihore ee June 26-da, laguna xiray qalabka Bukaanka ka taageera nolosha ee (Life Support)-ga. Marxuumka waxa uu ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Barlamaanka dalkaasi,waxaana Xilka Xildhibaanka loo doortay Doorashooyinkii dhacay sannadihii 2000, 2014-kii iyo 2018-kii. Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Jubbaland ayaa sheegay inay tuhmayaan in weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaal Kismaayo uu ahaa mid la soo maleegay oo la doonayay in lagu qalqal geliyo amniga doorashada ku soo fool leh Jubbaland. Xasan Yare oo la hadlayay telefishinka Universal ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Xildhibaano ka badbaaday weerarkaas, isla markaana xilliga uu qaraxa dhacayay uu ku jiray qolka uu ka degenaa Hotelka oo uu saacad ka hor ka tagay goob ay wada fadhiyeen rag saaxibadiiisa ah. Waxaa uu sheegay in markii uu qaraxa dhacay uu qolkiisa ka soo baxay, deetana uu arkayay raggii hubeysnaa oo gudaha Hotelka sii galayay, iyagoo rasaas adeegsanayay, dadkana tooganayay sida uu yiri. “Khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Jubbaland in dadka laga mashquuliyo xaalada kale iyo waxaan tuhmeynaa in Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo oo xaalada taagan in qalqal amni laga abuuro Kismaayo”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare. Xildhibaanka ayaa sheegay in dhowaan ay soo bixi doonaan caddeymo iyo xogo la xiriira weerarkaas, isagoo tilmaamay in dharka ay wateen raggii weeraray Hotelka uu ahaa dharkii Booliska dowladda Federaalka ee lagu qeybiyay Ischool Polizio oo ah kuwii u dambeeyay. “Dharka ay wateen afarta askari ee weeraray Hotelka wuxuu ahaa dharkii Booliska Federaalka ee ugu dambeeyay oo lagu qeybiyay School Polizio, mid waa is qarxiyay, labo waa la dilay, hal nin gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaanka oo ka mid ah Xildhibaanada taageersan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay istiraatiijiyada laga lahaa weerarkaas inuu ahaa in Kismaayo aanay amni aheyn iyo in aanay doorasho ka dhici karin, waxaana uu tusaale u soo qaatay Hotelka la weeraray inuu ahaa midka ay degenaayeen illaa 7 Xildhibaan oo ah kuwa taageersan dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. “Aniga ka Xildhibaan ahaan waxaa tuhmayaa oo aan aaminsanahay dharka ay wateen, qaabka loo abaabulay, sida Madxatooyada u fikireyso iyo Hey’addaha ammaanka halkaas ka jira inuu jiro tuhun xiriir ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Madaxtooyada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar Caasimada Online Xafiiska KismaayoCaasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha maxkamadda Sare Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay kulan wada-tashi ah oo labo maalmood socon doona,kaasi oo looga hadlayo aas-aaska Machadka tababarka Garsoorka oo dhowaan dalka laga hirgalin doono. Kulanka waxa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee garsoorka dalka, Jaamacadaha iyo ururada bulshada,sidoo kale waxaa madasha furitaanka kulan wada-tashiga goob joog ahaa Xeer-aaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Muse Amiin. Machadka ayaa wuxuu qayb ka yahay dib-u-habeyn balaaran oo garsoorka dalka lagu wado. Wuxuu si joogto u kobcin doonaa tayada iyo aqoonta garsoorka, waxaanu noqon doonaan xarun aqooneed iyo cilmi-baariseed garsoorku leeyahay. View the full article
-
Wadfiga oo lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo cayaaraha Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Ujeeddada socdaalka uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’). Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland, Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka . “Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa. Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go’antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Wasiir federaalka ah iyo wafdi la socda oo yimid Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-14072019.mp3 View the full article
-
Dawlada taagta daran ee Soomaaliya ayaa ku fashilantay xakamaynta ay doonaysay in xoolaha ka dhoofa Somaliland, iyaga ogolaansho looga soo qaato, Isla markaasina ay cashuur ka qaataan need kasta oo ka dhoofa dekada Berbera. Xidhiidh qoto dheer Iyo dagaal kulul oo ay qaadeen ayaa sababay in ay carqaladeeyaan markabkii u horeeyay ee la baxay dekada Berbera, kaasi oo dhowr cisho xayirnaa, iminkana lagu guulaysta in dhamaan xoolihii Berbera ka baxaaya ooda laga qaado, looma dhoofiyo sidii caadiga ahayd. Qaran News
-
Wafdigan oo isugu jira Wakiilka Qaramada Midoobay u qaaabilsan arrimaha tacadiyada ka dhanka haweenka goobaha dagalada ka socoda iyo wasiiradda haweenka xuquuqul insaanka dowladda fedaralka ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay gaareen magaalada Baydhabo. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay Lataliyaha Madaxweynaha KGS ee Arrimaha Haweenka iyo Wasiirka gaarka Maareynta Masiibooyinka DGKGS . Intaasi ka dib ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , Waxana Kullanka qeyb ka ahaa wasiirada wasaradaha Qorsheynta , Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka, Cadaaladda Iyo Garsoorka , Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DGKGS iyo Mas’uuliyiin kale. Ka dib ayaa si wada jir ah ula hadleen Warbaahinta, Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadley Wakiilka Qaramada Midoobay U qaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha ka dhanka Haweenka Goobaha dagaalada Ka socoda pramilla patten iyo Wasiiradda Haweenka Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin, Waxana ay sheegeen Ujeedka ay gaareen Magaalada Baydhabo, in ay tahay sidii dowlad Goboledka Kgs u gala shaqeyn lahaayeen horumarminta Arrimaha Haweenka. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa waxaa uu sheegey in Kulanka ay la qaateen wafdiga Ka socoda Qaramada Madoobey iyo DFS,ay kawada hadleen sidii udub dhaxaad ugu noqon lahayeen Haweenka Maamulada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay hab dhaqanka dowlada Qatar ee Soomaaliya, isagoo safiirkeeda u jooga Soomaaliya Xasan Xamza ku tilmaamay inuu la mid noqday sida Jeneraal Gabrihii Itoobiya Somalia ku sugnaa. Qoraal uu soo diray ayuu C/raxmaan C/shakuur ku weeraray dalka Qatar iyo madaxda dowaldda Somalia, isagoo yiri: “Markii aad aragto saraakiil ajnabi ah oo aan sidaa u wayneyn oo wasiirro iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka kuwii ugu sarreeyay ay daba dudayaan, sow ma soo xusuusatid sida uu beri Jeneraal Gabre ahaan jiray. Dowladda Qatar waxay la soo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya, safiirkeeduna sidii Generaal Gabre oo kale ayaa saf dheer loogu jiraa” Wuxuu is-weydiiyey: “Haddii Soomaalidu shalay dhibsatay sandulleyska saraakiisha Itoobiya, siyaasiyiintii saaxiibka la ahaana dabadhilif Itoobiya ku suntannay, maxaan Qatar uga aamusannahay”. Isagoo isu jawaabaya ayaa haddana yiri: “Qatar ma waxaa looga aamusan yahay xoogaaga sandareertada ah ee xaggeeda ka yimaada.? Waxaan dawlada Qatar ugu baaqaynaa inay joojiso fara gelinta qaawan ee ay arrimaha Soomaaliya ku hayso”. Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
-
Kenya could slowly be losing its strategic lead in East Africa due to the changing geopolitics and the newfound unity between Ethiopia, Eritrea and Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Raysal wasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa amar ku bixiyay in la sii daayo markabkii xoolaha siday ee lagu xayiray dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga. Markabkan oo ka dhoofey dekedda Berbera ayaa markii hore lagu xidhay shahaadada caafimaadka ay ee ay bixiso wasaaradda Xanaannada xoolaha Soomaaliya, balse Raysal Wasaare ku-xigeenka oo degaanka ahaan kasoo jeedanSomaliland ayaa amray in lasii daayo markabkaasi. Xogtan waxaa Wariye Khaalid Faadhaadhi oo aanu ka soo xiganay warkan u xaqiijiyay qaar ka mid ah Ganacsatada Xoolaha iyo Saraakiil ka tirsan Dawladda Soomaaliya. Source
-
Soomaaliya oo ka soo kabaneysa dhibaatooyin badan oo ay ka dhaxashay dagaaladii Sokeeye ee dalka ayaa wajaheysa qatarro badan oo dhanka amaanka oo uga imaanaya Al-shabaab iyo xoogaga kale ee Argigixisada ah ee dalka ku sugan. Maleeshiyada naxariis laawayaasha ah ee Al-shabaab ayaa si isku mid ah u weerara dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana agtooda isugu mid ka ah saqiirka aan waxba kala aqoon iyo waayeelka marasta ah. Raga iyo dumar ayey laayaan waliba si ka baxsan bini aadinimada. Dowladda Soomaaliya ayaa leh Ciidan dhowr nuuc ah oo doonaya in ay ubabac dhigaan qatarta Al-shabaab ee xasuuqa dadka shacabka ah laakiin Ciidanka ayaa ku kala wanaagsan qaybaha dagaalka ee Al-shabaab waxaana muuqata in Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku baraarugsaneen. Weerarada Al-shabaab ee loo dhaco hoteelada iyo maqaayadaha oo intooda badan ka dhici jiray magaalada Muqdisho ayaa hadda waxay u muuqataa in ay ku biiriyeen Gobalada dalka. Tirade Al-shabaab ay ku dilaan weerarada nuucaas ah kuwa lamid ah waxaa dial Ciidamada qaar ee howlgalka samatabixinta sameeya. Waxaana ugu daran dadka ku go’dooma goobaha Al-shabaab laga saari waayo. Tusaale ahaan weeraradii ka dhacay Kismaayo Ciidamada ka howlgalay waxay ahaayeen Ciidanka DANAB oo mar dambe lagu biiriyay waxaana la isku dumiyay Al-shabaab qayb kamid ah hoteelka ku jiray iyo dad shacab ah oo qayb kale ku go’doonsanaa. Weerarkaas uguma horreyso, hadda ka hor Booliiska Soomaaliya ayaa sidaan oo kale isku dul baabi’iyay Al-shabaabkii weeraray iyo dad shacab ah hoteelka Maka Al-mukarama iyo Maqaayadda Hilaac UK. Ciidanka Gaashaan oo katirsan Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya waa Ciidanka kaliya ee aan qarxin dabaqyada ay galaan Al-shabaab sidoo kalane aan ka fulin toogasho wadareed. Askarta Gaashaan waxay toos u galaan qolka iyo guriga la aaminsanyahay in ay ku jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab iyagoo toogta iyadoo aan la qarxin si aysan u galaafan shacabka go’donsan ama waxay u huraan naftooda. Tusaae, magaalada Kismaayo waxaa toos u galay qol ay ku jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab hal Askari oo katirsan Gaashaan waxa uuna soo badbaadiyay 7 qof oo shacab ah isagoo toogtay 2 dagaamale kadibna waxay toogtay Askarigii Gaashaanka ahaa waana sababta dhalisay in dhismaha lagu qarxiyo Al-shabaab ayna halkaasi ku dhintaan dad kale oo shacab ah. Sidoo kale goobaha loo diro Gaashaan ma qaadato waqti dheer waxa ayna awood u leyihiin in ay wiiqaan qatarta Maleeshiyada Al-shabaab. Al-shabaab kaliya waxaa la dagaalami kara umad mideysan iyo dowlad ay ka go’antahay cirib tirka Al-shabaab. FG: Dhamaan Ciidanka Soomaaliya waa dedaalayaan waxaana ka go’an dabar goynta Al-shabaab balse waxaa muuqata in Ciidanka Gaashaan ay yihiin kuwa ugu haboon ee toos ugala, qataraha adag ee lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed waxayna mudanyihiin in lagu abaalmariyo loona fududeeyo shaqada adag oo ay haayan. Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Ciidankaas hoos u dhigay loolan u dhaxeeya Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Booliiska Gobalka Banaadir oo daaqadda ka sii saaraya dedaalada Ciidankaasi. Intaas oo dhan waxaa ka fiican islamarkaana aan rajeynaynaa in ay dhamaadaan dhamaan qataraha amni ee Soomaaliya iyo qorshaha cadowga ee umadda Soomaaliyeed. Halkaan ka daawo Farmaajo oo ka dambeeyey qaraxii Kismaayo, go’aanadii Sacad ee Galmudug & shirqolka Qadar W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe. Soo dhoweynta weftiga Madaxweyne Karaash ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa safaro shaqo dalka uga maqnaa muddo 11 cisho ah, waxa uu 11-kii bishan kasoo dagey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo uu shaqooyin badan kasoo qabtay maalmihii uu ku sugnaa. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka mahadnaqay soo dhoweynta balaadhan ee loo sameeyey isaga iyo weftigiisa, waxa uu xusay inuu soo maray gobolada Bari iyo Karkaar, Isla markaana waxa uu Alle uga mahadnaqay inuu soo nabad celiyey dalkoo oo nabad ah. Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka tacsiyeeyey waxyeeladii weerarkii bahalnimada ahaa ee ay cadawga Soomaaliyeed ka geysteen magaalada Kismaayo, waxaa uu Alle u waydiiyey inuu u naxariisto intii dhimatay, intii ku dhaawacantayna uu u boogadhayo, Samir iyo iimaanna ka siiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii muwaadiniintaasi shihiidey. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo soo gaaray Garowe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-London)-Dawladda boqortooyada Ingiriiska ayaa doonaysa inay siidayso Markab Shidaal siday oo ay ka qabatay Dawladda Islaamiga ah ee IRAN bishii hore. Ingiriiska ayaa Markabka siidaynaya, haddii Jamhuuriyadda IRAN dammaanad-qaadi karto in Shixnadda uu sido Markabka aan ka geynayn Dalka Suuriya, sidaa waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Ingiriiska Jeremy Hunt, Sabtidii Shalay. Xoghayaha Arrimaha dibedda Ingiriisku wuxuu sheegay inay Wasiirka Arrimaha dibedda ee IRAN ku wada xidhiidheen Khadka Telefoonka uu u sheegay in Ingiriisku uu fududaynayo siidaynta Markabka Iran, haddii ay dammaanad-qaadi karaan in shixnadda uu Markabku sido aan la geynayn Suuriya. “Tani waxay ka mid tahay Cunaqabataymaha uu Midowga Yurub culayska ku saarayo Suuriya..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha dibedda Ingiriisku waxaanu intaa ku daray “Sababta Tallaabadan loo qaaday waa in Shidaalku u socday Suuriya oo la cunaqabateeyay, sababtu maaha inay ka timid IRAN..” Wasiir Hunt waxa kale oo uu Warbaahinta u sheegay inuu Wasiirka Arrimaha dibedda ee IRAN u sheegay inay Markabka Grace 1 fududaynayaan sidii loo siidayn lahaa, haddii ay IRAN ka helaan Dammaanad ah inaanu Markabku Shixadda uu sido geynayn Suuriya. Source
-
“Asqo Diblomaasiyadeed Ayay Ku Jirtaa Xukuumaddeena Tamarta Darani”….Guddoomiye Saleebaan Xuquuq Guddoomiyaha Difaaceyaasha Ururadda Madaxa banaan ee xuquuqdaAadamiga Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq) oo muddo dheer ahaa u ololeeye Xuquuqda aadamaha ah wakhtigana ku nool carriga Maraykanka ayaa si adag u naqdiyey xukuumadda Somaliland iyo Go’aanka ay ku tahli wayday in ay ka qaadato Markabka xoolaha sida ee Sucuudigu ka hor joogsaday dalkeeda. Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Saleebaan Xuquuq) oo inta badan ka hadla Horumarka iyo qaddiyadda Somaliland waxa uu xukuumadda wakhtigan ku tilmaamay mid aan awood diblomaasiyadeed iyo karti ay wax ku qaban karto lahayn isaga oo ku dhaliilay in aanay xataa awood u lahayn in ay warqad diblomaasiyadeed oo Carabi iyo Ingiriisi ku qoran ay soo saaraan. Saleebaan Xuquuq oo qoraal kooban kaga fal-celiyey waji gaxaba xukuumadda ka qabsaday arrimo badan oo ay wax ka qaban karaysay ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay degdelka uu ku leeyahay mareegta Facebook waxa uu ku yidhi sidan: “Markabka Xoolaha Siday ee Sucuudigu dib ugu soo celiyaya Berbera waxay muujinaysaa Xukuumada Somaliland Dublamaasiyadeedu In ay tahay mid xataa ka hoosaysa Zero ‘0’. Ma jiro haba yaraadee wax Xiriir ah oo u dhexeeya Xukuumadeena bilaa khibrada ka ah maamulka diwaliga ah iyo Sucuudigu. Asqo Dublamaasiyadeed oo wayn ayaynu Ku jiraa, Siyaasadu waa kubad xiligeeda la laago INA baahan xidhiidho joogto ah oo qaab duwalku macluumaadka isku dhaafsado Ku dhisan. Hal warqad Dublamaasiyadeed oo Af Carabi ah ama English ah aad ayay xukuumadeena ugu adag tahay In ay ka soo baxaan. Xukuumada aan dal iyo dad toona xukumin ayaa iyagoo shisheeye ilaaliyo Awood u yeeshay in Qoraalo kaliya Xoolahii kaaga joojiyaan, Hawadii la wareegaan barkee mana jirto cid kale oo iyaga barbar socota oo dalalka iyo Hayadaha caalamiga ahi ka helaan Qoraalo ama mawqifyo ama badheedhe loo mariyo marinada dublamaasiyadeed ee Addunyadu Ku wada xiriirto. Soo maroow malagaa gal ma soconayso. Haday jirto hal warqad oo ay isdhaafsadeen Dawladeena iyo Sucuudigu oo Ku saabsan markabkaasi Xoolaha u qaaday Jeddah waa taase ha sheegto”. ayuu qoraalkiisa ku soo gabogabeeyey Saleebaan Xuquuq. Qaran News