-
Content Count
209,029 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa abaaro 8:00 fiidnimo Al-Shabaab waxa ay ku ekeeyeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Sida ay wararku sheegayaan weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkaasi oo muddo daqiiqado ah socday la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya. Bariire oo qiyaas ahaan 65 KM dhinac koonfur galbeed ka xiga Muqdisho ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Jamaal Maxamed Xasan wasiirka wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu saacadihii la soo dhaafay Villa Hargeysa kula qaatay guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen uu ka mid ahaA diyaarinta sharci haga hay’adaha dowliga aheyn oo ay wado wasaaraddiisa. Wuxuu tilmaamay in NGO-yadu ay malaayiin doolar ku soo qaataan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana aan la ogeyn meel ay mariyaaan Lacagahaasi.. Guddoonka BFS ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan meel marinta sharcigaasi, si looga hago hay’adahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Wasiir-Jamaal.mp3 View the full article
-
(SLT-Ankara)-Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in uu dhigiisa Maraykanka awood Maamul u leeyahay in aanu ku dhawaaqin cunaqabataynta Turkiga, kadib qndaraaskii ay Raashiya kaga iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400. Erdogan oo Suxufiyiinta la hadlay waxa uu ku baaqay in la helo xal-dhexe oo looga gudbo Khilaafkaasi, isagoo xusay inay Turkiga diyaar u tahay inay iibsadaan Gantaalladda Patriotic ee lagu farsameeyo Maraykanka. Warbaahinta Turkiga ee Haberturk waxay ka soo xigatay Madaxweyne Erdogan inay iibsashadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ahayn inay u diyaar garoobayaan dagaal, balse ay ku xaqiijinayaan Nabadda iyo amaanka qranka. Khilaafka Turkiga iyo Maraykanka ayaa sababay inay Saraakiisha Maraykanka sheegaan inay qorsheynayaan cunaqabatayn ay toddobaadkan ku soo rogaan dalka Turkiga. Source
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-150719.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay rag loo heytso qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida ee maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug ayaa sheegay in labo nin loo soo qabtay weeraradii shalay gilgilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay tuhmayaan in raggani ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, balse ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxyada ka dhacay halkaasi, waxaana ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiyeen xubno ka tirsan Ahlu-Sunna Waljamaaca. Xaaladda Dhuusamareeb ayaa saaka degan, waxaana ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo weli kulamo iyo dadaallo nabadeed ka wada halkaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada ay marti gelisay shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
After helping an elderly woman load her bags into a mini-bus taxi at a busy intersection in Soweto, a scrawny and strung-out young man is rewarded with a few coins for his efforts. Source: Hiiraan Online
-
Sparkle, the first international service provider in Italy and among the top ten global operators, announces it has moved its Djibouti Point of Presence (PoP) into the Djibouti Data Center (DDC) selecting it as Sparkle’s IP hub for its expansion to East and South Africa. Source: Hiiraan Online
-
The International Organization for Migration (IOM) has expressed its shock and outrage at Friday’s terrorist attack that claimed the lives of at least 26 people, one of whom worked under the auspices of the UN agency. Source: Hiiraan Online
-
Somalia recently reached a landmark agreement with Shell and Exxon Mobil to develop the vast petroleum reserves believed to lie off the troubled country’s coast. The deal rekindles a previous joint venture with the two oil giants that was cut short in 1990 when the ousting of Somali dictator Mohamed Siad Barre threw the country into a prolonged period of instability—and rekindles debates over whether oil will present greater opportunities or risks to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Gole, Wasaaradda Cadaaladda iyo Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha dalka ayaa ka shiraya sidii loo sameyn lahaa Sharciyo KMG ah oo lagu ciqaabo dadka wararka been abuurka ah iyo aflagaadada ku daabaca barahama Bulshada ku kulmaan ee Internet-ka. Caasimada Online ayaa ogaatay in Xubno ka tirsan Guddiyada Cadaaladda ee BFS ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan hey’adaha Garsoorka dalka ayna ka dalbadeen in la soo saaro xeerar KMG ah oo si deg deg ah uga dhaqan gala maadaama ay jirto qatar badan oo ay Dowladda Soomaaliya ay rumeysan tahay inay kaga imaneyso Facebook iyo Twitter, iyo qaybaha kale ee Internet-ka. Arrintan ayaa waxaa soo abuubalay ama isku dabaridkeeda leh Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxaana uu ku yimid dalab ay sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre. Sameynta sharciyo deg deg oo KMG ah ayaa hadda looga fadhiyaa Maxkamadaha dalka kuwaas oo la siiyay muddo 60 cesho ilaa 90 ceho ah. Iyadoo lagu wargeliyay in ay dowladda Soomaaliya dooneyso in aysan hey’adaha garsoorka dalka soo celin qof dambe oo ku eedeysan warar lagu qoray Baraha Bulshada. Qof ka tirsan Saraakiisha Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Caasiamda Online u sheegay in 3 jeer arintaan laga kulmay, waxayna kulamada 2 ka mid ah ay ka dhaceen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya. Ka hor inta aan la go’aamin in Sharci KMG ah loo sameeyo Internet-ka ayaa madaxdii kulanka ka yeeshay waxay qorsheeyeen in Internet-ka dalka oo dhan laga xanibo faafinta waxyaabaha aysan la dhacsaneen Dowladda Soomaaliya sida ay sameeyeen dalal badan oo ay Jabuuti kamid tahay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhibaato badan ku qabta Facebook oo ah Saldhigga ugu weyn ee lagu soo bandhigo qaladaadka Dowladda, Ciidamada iyo Sheekooyin kale oo waqtiyada qaar aflagaado iyo dhacdo been abuur ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa weerar culus ku qaaday Ilhaan Cumar iyo dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya, oo uu si aad ah u aflagaadeeyey iyo madaxda Soomaaliya. Qoraalka Trump ayaa sidoo kale ku wajahnaa xildhibaano kale oo ka tirsan congress-ka Mareykanka, oo kala ah Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez . kuwaas oo sidoo kale Trump uu aflgaadeeyey dalalkooda. Saddex qoraal oo uu shalay Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkan “si joogto ah” u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba. Wuxuu qoraalkiisu ahaa sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo. “Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen”. “Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”. Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Safarka Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre ku tagay Gaalkacyo qaybta Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxay bedeshay ciyaartii (xurguftii) ka dhaxaysa maamul-goboleedka iyo dowladda dhexe, taas oo salka ku haysa hirgelinta hanaanka federaalaynta dalka. Sir ma ahayn in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmaajo uu doonayo inuu dalka ka hirgeliyo hanaan federal ah, oo dowladda dhexe ay gacanta ku hayso, siyaasadda arrimaha dibedda, lacagta, ciidamada, iyo socdaalka. Halka madaxda maamul-goboleedyada ay doonayeen inay door ku yeeshaan awood aan dastuurka siin. Shirkii Garoowe ee guuldarada ku soo dhamaaday kadib, waxaa tamar [awood] gashay labada dhinac, si midba kan kale meesha uga saari lahaa. Madaxda Maamul-Goboleedyada Jubaland, Puntland iyo Gal-Mudug, waxay qaateen labo tillaabo oo ay ku xadidi karaan awoodda dowladda. Marka hore, waxay kulamo la yeesheen, diblomaasiyiinta dalal shisheeyaha (safiiro) iyo wakiilka QM ee Soomaaliya, ayagoo quud dareenayey in cabashadooda garawsiyo uga helaan beesha caalamka. Marka xiga, Mudane Axmed Ducaale Geelle – Xaaf, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, iyo Mudane Axmed Maxamed Islam – Madoobe waxay kulamo la yeesheen xubnaha labada aqal ku matala degaanadooda oo ay isku fikrad yihiin. Intaas waxaa dheer, in si gooni gooni ah ay u qabteen shirar jaraa’id oo ay ku dhaliilayaan dowladda dhexe. Dhanka kale, dowladda dhexe waxay iyana qaaday labo tallaabo oo ay u aragtay inay guul kaga keeni karto loolanka awooda ay kula jirto mucaaradka. Marka hore, waxay xoojisay awooda baarlamaanka. Xukuumada waxay Golaha Shacabka horgeysay, sharciyada doorashada, wadaaga kheyraadka dabiiciga (Shiidaalka) iyo hawlgabka ciidamada. Seddaxda sharci waxay ahaayeen xudunta khilaafka, haddana Golaha Shacabka si aqlabiyad ah ayuu ku ansaxiyey. Marka xiga, waxay awood siisay bulshada. Xukuumada waxay kordhisay kulamada tooska ah oo ay kula hadlayaan shacabka, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka. Ayagoo si aan leex leexaad laheyn diirada u saaraya hanaanka federalka ah ee ay doonayaan inay dalka ku maamulaan. Suzanne Bates, oo qortay buuga “All the leader you can be” ayaa rumaysan si aad u gaarto hadafkaaga waa in aad dhiirigelisaa, lana wadaagtaa aragtidaada dadka kale si ay kaaga caawiyaan mustaqbalka. Madaxweyne Farmaajo mar uu ka hadlayey xafladda qalin jabinta Jaamacadda Ummadda waxaa uu yiri “waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh, dowlad dhexe oo ciidan leh oo dalka difaaci karta, waxaan rabnaa dowladd dhexe oo siyaasad dibeddeed oo adag leh, dowladd dhexe oo xuduudaheeda illaalisa.” Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cid kasta oo kasoo horjeedda aragtida dowladda ay iyadu tahay tan kasoo horjeedda federaalka, waxuuna dhallinyarada ku dhiirigaliyay in aysan aqbalin wax ka yar dowlad adag. Madaxweynaha ayaa doorka maamul-goboleedyada ku soo koobay oo keliya daadajinta adeegyada bulshada. Maamul-goboleedyada waxay daba socdaan dhaqankii hoggaamiye kooxyadii, kaas oo kala qoqobeyay shacabka. Waxay soo masaafiriyaan shaqaalaha dowladda dhexe, u diidaan inay soo booqdaan amase shaqo u tagaan siyaasiyiinta aan degaankooda u dhalan amase aan ku fikradda ahayn. Isbedelka siyaasadda guddaha ee Dowladda Federalka waxay dhaxalsiisay dalka in rajada mustaqbalka soo kororto, xukuumadana hesho kalsoonida dhallinyarada iyo haweenka, oo ah bulshada inteeda badan. Waana taas tan Ra’iisul-wasaare Kheyre u suurtogelisay in uu booqdo waqooyiga magaalada Gaalkacyo, si uu u la kulano shacabka codsaday. Waxaa shir jaraa’id qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Waxuuna Ra’iisul-wasaaraha ku eedayay inuu si fowdo ah u dhaqmay. Isla markaasna uusan wax xushmad ah u hayn Isimada iyo maamulka gobolka Punland. Ra’iisul-wasaare Kheyre ayaa goobta ka yiri “Shacabka iyo dowladda waa wadnihii iyo beerkii qofka bini’aadamka ah, lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda.” Sidoo kale, waxaa shir jaraa’id oo lid ku ah kan Mudane Dhabancad qabtay Marwo Caasho Geele, oo kana tirsan bulshada rayidka ah, kuna hadashay magaca shacbiga Gaalkacyo, si weyn looga yaqaano gudaha gobolka Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale, ayadoo ku eedaysay hoggaanka Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya inaysan raali ka ahayn booqashada Ra’iisul-wasaaraha. Marwo Caasho Geele waxay tiri “Puntland waa inay federaalka banaanka ka marto, waxba ku darsan, oo wasiir ka aadin, oo agaasime ka aadin, oo qof shaqaale ah ka aadin, oo aan isku filnaano iyo inaan la macaamilno, waxba kama dhaxeeyaan.” Geesta kale, Marwo Caasho Geele waxay xustay, in iyada, qaar ka mid ah Isimada iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Booliiska Soomaaliya, ku qanciyeen Wasiiraddii ka yimid Garoowe, in booqashada Ra’iisul-wasaaraha u dhacdo si nabdoon. Balse daqiiqadihii ugu danbeeyay, Wasiiradda Maamul-Goboleedka Puntland amreen in la baajiyo booqashada, sababo amni awgeed, kadib markii ay sheegeen in labo baabuur oo qarax ah, magaalada la soo geliyey. Marwo Caasho Geele, waxay sheegtay, in wararka baabuurta qaraxa ahaayeen kuwo siyaaddaysan, laguna baajinayey safarka Ra’iisul-wasaaraha. Kadib waxaan go’aansanay inaan daanta koonfurta ugu tagno Ra’iisul-wasaare Kheyre una soo kaxayno Garoonka Cayaaraha Cawaale Liibaan ee daanta waqooyi, halkaas oo shacab faro badan isku abaabuleen, si ay Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federalka Soomaaliya ula kulmaan. “Maamulka Gobolka Puntland, waxay dareemayaan agoonimo, kadib markii garabkooda ay ka baxeen kuwii ay isku garabsanayeen curyaamiinta dowladda dhexe,” ayuu yiri Cigaal oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya. Su’aasha dad badan isweydiinayaan ayaa ah goormay dhamaanaysaa qir iyo qirtaanka u dhaxaya dowladda dhexe iyo madaxda maamul-goboleedyada? Khabiirada ku xeeldheer dhismaha dowladnimada, gaar ahaan kuwa ka soo baxaya dagaalada, ayaa ku talinaya: (1) In shacabka la baro, sareenta sharciga iyo ku dhaqanka xeerarka dalka, ayadoo la adeegasanayo, waxbarashada tooska ah (formal education), iyo tan dad-ban (informal education); (2) In shacabka laga qayb geliyo cadaalada bulshada; iyo (3) In shacabka ay noqdaan kuwa doorta madaxda heer qaran, heer gobol iyo heer degmo, taasoo ka dhigan in madaxdu texgeliyaan rabitaanka shacabka. Weligeedba taariikhda soo yaalka ah ee Soomaaliya, waxaa meel mari jiray rabitaanka shacbka. Ayagaa riday dowladdii raydka ahayd, garabna istaagay Kacaankii Oktoobar. Kacdoonka shacbiga ayaa ku riday dowladdii Siyaad Barre, dagaal ogeyaashiina garabkoodii ka baxay. Sida muuqata maanta, shacabka ayaa ku raad jooga madaxda maamul-goboleedyada aan fahmin isbedelka ummadda rabto. Haddaba, su’aasha waxay tahay goormaa madaxda maamul goboleedyada iyo mucaaradka dareemi doonaan in awoodda shacabka tahay bedelaha ciyaarta? W/Q: Saciid Cabdisalaam Jamhuriyadda.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Maxaa kelifay in Haweenay uu Dhalay Guddoomiyaha Guurtidu Somaliland S.Gaal Ka Soo Qaadato Somalia Mashaariic Ku Kacaysa Malaayiin Dollar Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa qalinka ku duugtay mashruuc balaadhan oo waxbarasho kaasi oo ku kacaya 67.5milyan qaybta Somaliland oo maanta Hargaysa lagu qabtay . Mashruucan oo looga faa’idayn doono 400. 000 oo qof oo caruur ubadan waxaana laga fulinayaa Somaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland, sida sawirada ka muuqada magaalada Muqdisho waxa heshiiskan qalinka lagu duugay 11/7/2019 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah, sida wasiirka waxbarashada ee dawlada Federaalka Somaliya sheegay Cabdilaahi qodox Barre. Waxaana mashruucan fulintiisa iska kaashanaya dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot wait iyo Adventist developing and relieve agent. Dhinaca kale waxa Somaliland masuul uga ah dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot Wait iyo gabadh uu dhaliyay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxa Mashruucana shalay Hargaysa ku daahfuray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ay hareer Fadhido gabadha uu dhalay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan, Saynab Saleebaan, Hadaba Arintan ay gabadhani ka soo saxeexday dawlada Somaliya maxaa keenay in adhigii Somalilandna uu sucuudiga ugu xanib naado saxeexa Dawlada Somaliya oo xukuumada Somaliland diiday? Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa arrimo siyaasadeed uga faa’iideysatay weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab ay ka fulisay magaalada Kismaayo. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa durba weerarkii Kismaayo ku baaqday in Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab lagu daro liiska waxa loogu yeero argagixisada. Monica Juma ayaa sheegtay in weerarkii Kismaayo uu ahaa qeyb kale oo Beesha Caalamka xusuusineysa qatarta Al-Shabaab iyo in loo baahan yahay in ururkaas lagu calaameeyo liiska QM ee argagixisada. Waxaa ay soo jeedisay in sida ugu dhaqsiyaha badan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey uga hadlaan arrinta Al-Shabaab. Arrinta ururka Al-Shabaab iyo in lagu daro liiska argagixisada ayaa ah arrin siyaasadeed oo ay isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda Soomaaliya ayaa aad u diidan in Al-Shabaab lagu daro liiska QM ee argagixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo ay Kenya iyo dalalka kale uga faa’iideysan karaan inay ku beegsadaan shaqsiyaadka iyo shirkdaha Soomaaliyeed. Waxa ay si gaar ah uga cabsi qabtaa in Kenya ay arrintan kula wareegi karto hantida Soomaaliyeed ee taalla dalkaas, ayada oo qofkii ay doontaba inay beegsato si fudud ula xiriirin karta Al-Shabaab. Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay laba nin oo sida uu sheegay la doon doonaayay. Gudoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay qaabka ay Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gacanta ugu soo dhigeen labadaasi nin. Duqa Muqdisho ayaa marka hore yiri “Shirka Amniga Caasimada Muqdisho oo caawa lagu soo bandhigay guulaha ololaha la dagaalanka burcadda iyo **********ta hubeysan.” Duqa Muqdisho waxa kaloo uu yiri “Moryaankii shacabka dhibka ugu gaysan jiray Kaaraan iyo Cabdicasiis oo Waaranka u jarnaa la soo qabtay isagoo dhaawac ah oo booliska xabado ku ridaayay, ka dibna uu isbitaalka ku geeriyooday.” Isagoo ka waramayay ninka labaad ee la soo qabtay ayuu yiri “Sidoo kale waxaa la soo qabtay ******** kale oo la raadonayay lagana soo kala qabtay Degmooyinka Dharkiinley, Dayniile iyo Yaaqshiid, oo uu ka mid yahay Cabaas Xasan Maxamed oo muddo laga raadinayay Degmada Dharkiinley.” Yariisow ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan hawlgalada ka dhanka ah raggan, waxaana uu yiri “Waan wadeynaa ololahan waxaana uga digeynaa kuwa caadeystay inay nidaamka dowliga iyo awaamiirta ciidanka iska indhatira. Nidaam iyo dowladnimo baa na wada deeqa ee aan amniga Caasimada ka wada shaqayn.” Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar Caasimada Online Xafiiska MUqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay dedaalada kala duwan ee ugu jirto Ictiraafka ay ka baadi-goobeyso beesha caalamka. Yaasiin Faratoon, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay meel fiican marayaan dedaalada ay ugu jiraan ictiraaf raadinta, isagoona ka dhawaajiyey in Somaliland ay xiriiro fiican la leedahay wadamo badan oo caalamka. Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay safarkii Madaxweyne Biixi ee dalka Gini, kaasi oo uu ku sheegay inay kamid tahay dadaalada lagu sii xoojinayo ictiraafka ay Somaliland baadi-goobka ugu jirto, wuxuuna yiri: “Socdaalkii aynu dhawaan ku tagnay dalka Gini, waa mid ka mid ah dadaalkeen aynu ku xoojinayno haddana Wadankan xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya weyna ka garaabeen qadiyadeena, xidhiidh aad u fiicana hadda weynu leenahay”. “Wadamada kale Afrika sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenyana xidhiidh aad u fiican baynu leenahay, Wadan kasta oo Afrika ah iyo Wadan kasta oo ka mida ah Wadamada kale ee Caalamkana waxaanu jecel nahay inaynu la yeelano xidhiidh, Dawladda Somaliya waxaa u quman inay dib iskugu noqoto, maxaa yeelay Somaliland ma xukunto, Wadamada aanu tagaynana uguma amar qaadanayno umana daba fadhiisanayno”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland maanta oo qudha Ictiraaf uma baahna ee tan iyo markii aynu xoriyadeena dib ula soo noqoay 1991, xaq baynu u leehayn in la ina aqoonsado, dariiq kasta oo aynu u marayno aqoonsigeena weynu u maraynaa, albaab kastana weynu u garaacayna”. “Caalamka waxaa la gudboon inay aqoonsi buuxa ina siyaan,maxaa yeelay shuruud kasta oo looga baahan yahay dal madax banaan weynu buuxinay, Xukuumad ahaana waanu wadnaa dadaalka aqoonsi raadinta, ee Shacabkeena meel kasta oo ay joogaan waxaa la gudboon inay qaranimadooda ilaashadan”. Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-14072019-1.mp3 View the full article
-
Garowe (SMN) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay. Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland. Ujeeddada socdaalka uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’). Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka . “Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa. Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go’antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed. View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn caalamka, gaar ahaan kuwa Canada iyo Mareykanka ayaa si weyn u falanqeynaya geeridii ku timid Hodan Naleye, oo ka mid ahayd dadkii ku dhintay weerarkii maalintii Jimcada ka dhacay magaalada Kismaayo. Wargeyska Washington Post ee dalka Mareykanka iyo telefishinka CBS ee dalka Canada iyo warbaahin kale oo aad u farabadan ayaa wararkooda ugu waaweyn kusoo daray sheekada ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkii Kismaayo, waxayna si gaar ah diiradda saarayeen Hodan Naleye, oo ay geerideeda ku qeexeen mid naxdin leh. Telefishinka iyo Idaacadda ugu weyn dalka Canada ee lagu magacaabo CBC ayaa sidoo kale labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka hadlayay geerida Hodan, oo ahayd wariye ay dad badan ku tilmaameen qof ku dayasho mudan. Duraan Xasan Yare oo ah suxufi ku sugan dalka Canada ayaa BBC-da u sheegay in geerida Hodan laga wada dareemay dalkaas. “Marka laga yimaado dadka Soomaalida reer Canada ee sida weyn uga naxay geerida Hodan Naleye, waxaa kale oo aad iyo aad uga hadlay wargeysyada iyo warbaahinta waaweyn ee dalkan Canada”. Waxa uu sheegay in maskaxda dadka ay wali ka go’I la’dahay naxdinta ay ka qaadeen geerida Hodan, iyadoo xitaa dadka aan Soomaalida ahayn ay qof walba oo Soomaali ah uga tacsiyeynayaan dhimashada Hodan . “Sidoo kale waxaa jira abaabul ay wadaan dadka Soomaalida ah ee ku nool magaalada Edmenton, kaasoo ah sidii duco iyo baroor diiq loogu sameyn lahaa Hodan Naleye”, ayuu yidhi Duraan. Wariye Hodan Naleye oo ahayd gabar Soomaali ah, oo heysatay dhalashada dalka Canada ayaa lagu yaqaannay inay ol’ole u sameyn jirtay sidii caalamka loo tusi lahaa wajiga fiican ee Soomaaliya. Muddo sannado ah ayey ku guda jirtay dadaal ay dadka caalamka ugu bandhigeysay dhinacyada wanaagsan ee Soomaaliya iyo quruxda waddanka, halka ay warbaahintu inta badan diiradda ka saaraan colaadda, abaaraha iyo waxyaabaha xun xun ee ka dhaca Soomaaliya. Weerarkii lagu qaaday hoteelka ay ku sugneyd Hodan Naleye ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay seygeeda iyo 24 ruux oo kale. Dadka Soomaaliyeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay baraha xiriirka bulshada ku faafinayay sawirrada Hodan iyo muuqaallo horay looga duubay, waxayna muujinayeen sida ay uga xumaadeen geerideeda. Hadallada ugu badan ee lagu xasuusto Hodan Naleye waxaa ka mid ahaa inay mar walba sheegi jirtay in ay dooneyso sidii ay dadka Soomaaliyeed iyo jiilasha ka dambeeya uga tagi lahayd dhaxal wanaagsan oo ku saabsan wanaagga dalkooda Soomaaliya, ujeeddadeeduna aysan ahayn inay caan baxdo ama ay lacag hesho. Waxyaabaha kale ee ay ku dadaali jirtay waxaa ka mid ahaa inay dadka qurbajoogta ah ku dhiirrigalin jirtay barashada Af-Soomaaliga. Hodan ayaa ifka uga tagtay labo carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo kala ah labo wiil. Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com