Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,029
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulaha cusub ee Cumar Samatar Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa maamule cusub u magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee dugsiga sare ee Cumar Samatar loogu magacaabay Cabdullaahi Cawil cali waxaana la faray in uu si karti iyo hufnaan leh u guto xilka loo magacaabay. Sidoo kale dhammaan shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland ayaa la faray in ay maamulaha cusub ka gacan-siiyaan siduu u gudan lahaa waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa sida la sheegayo sannadihii u dambeeyay la kulmay hoos u dhac dhanka waxbaridda ardayda ah isagoo ka haray kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ah. Halkaan hoose ka eeg wareegtada wasiirka PUNTLAND POST The post Maamule cusub oo loo magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar appeared first on Puntland Post.
  2. Maamulaha cusub ee Gambool Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa shaqada ka ceyriyay maamulihii dugsiga sare ee Gambool oo ku yaalla caasimadda Garoowe Cali Suudaani. Dikteeto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee Gambool loogu magacaabay Maxamed Axmed Maxamed sida ku xusan dikteeradaasi. Dugsiga sare ee Gambool ayaa laga sheegayaa hoos u dhac dhanka waxbaridda ardayda ah waxaana uu sannadihii u dambeeyay ka maqnaa kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland. Halkaan hoose ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Maamule cusub oo loo magacaabay dugsiga sare ee Gambool appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online ) – Xoghayaha guud ee Jabhadda ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahadi ayaa shaaciyey inay bedaleen xeeladihii dagaal ee lagu yaqiinay, kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya. Xoghayaha oo Wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in wax kasta oo xuquuda gobolka ah ay ku raadinayaan qaab nabdoon. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubkii ay dhigeen, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay ku dagaalami doonaan Qalinka, sida uu hadalka u dhigay. “Qoriga, waanu dhignay, waxaanu ku dagaalami doonaa Qalinka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahadi. Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay horay u gaareen ONLF iyo Itoobiya, kaas oo ay ku jireen inay hubka dhigaan, ciidamadana ay ku wareejiyaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyo in ay noqdaan xisbi siyaasadeed. ONLF ayaa hadda xafiis cusub ka furatay magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa, kaas oo ka shaqeyn doono arrimaha siyaasadda iyo diplumaasiyadda. Jabhaddan ayaa tan iyo sanadkii 1991-kii u dagaalami jirtay xuquuda gobolka Soomaali Galbeed. Isbedallada ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa saldhig u ahaa Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo fur furay siyaasaddii lagu yaqaanay dalkaasi. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  4. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka maareeye cusub u magacaabay wakaaladda Biyaha Puntland oo dhowaan la aas’aasay. Maareeyaha guud ee wakaaladda Biyaha dowladda Puntland, ayaa madaxweynuhu u magacaabay, Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo hore uga tirsanaa shaqaalaha Bankiga dhexe ee dowladda xaruntiisa Boosaaso. Dikreetada lagu magacaabay mas’uulkan cusub oo soo baxday saaka oo Isniin ah, ayaan weli warbaahinta lala wadaagin, balse waxaa Puntland post u xaqiijiyay ilo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa la filayaa in todobaadkan sii wado isbeddel dhanka maamulka ah oo uu ku sameynayo mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha,agaasime-waaxeedyada,qaar kamid ah guddoomiyaasha gobollada iyo laamaha garsoorka Puntland. Todobaadkii tegay, ayaa madaxweyne Deni soo bilaabay isbeddelada dhanka mas’uuliyiinta dowladda, isagoo magacaabay ilaa 8 mas’uul oo ay ku jiraan agaasimayaasha wasaaradaha Maaaliyadda iyo Macdanta&Biyaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay maareeyaha guud ee wakaaladda Biyaha appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimayn ay sameeyeen dhalinyarada madasha U-Abaal-Gud ayey ku sheegeen in 30 xildhibaan oo lagasoo doortay Galmudug ay ku tartansiiyeen uuna kaalinta koowaad ugalay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo wax muuqda ka qabtay deegaannadii lagasoo doortay. Wax qabad ay kamid yihiin ceelal qodis iyo mashaariic kale uu ka fuliyay deegaanka lagasoo doortay ayuu ku mutaystay Abaalmarinta ay madasha U-Abaal-gud siiyeen Xildhibaan Odowaa. Siciid Dhaan suge, agaasimaha madasha qiimaynta samaysay oo sharaxaad ka bixiyay abaalmarinta ay gudoosiiyeen Xildhibaabka ayaa sheegay in 30-ka xildhibaan ee qiimaynta ay ku sameeyeen uu Odowaa noqday ninkii ugula mudnaaday marka ay arkeen waxqabadka uu ka sameeyay deegaan doorasheedkiisa. Dhanka kale Mahad Diiriye Cabdi oo kamid ah Dhalinyarada madasha ayaa sheegay qaabka ay u mareen soo xulitaanka guulaystaha waxa uuna yiri: “Mudanahaan waxan kasoa xulanay mudanayaal 30 iyo kasii badan ah oo ay isku deegaan doorasho yihiin kaligiis ma ahan inta wax qabadka laga helay laakiin waa midka koowaad ee ugu mashaariicda badnaa matalayaasha heer Fedaraal ee deegaan dorashadoodu tahay Galmudug, kuwa kale waxay isugu jiraan kuwa deegaan doOrashadoOda geeyay maashariic wax ku ool ah oo aan wadno xaqiijinta howlahaas si loo abaalsiiyo laakiin madashu ma soo bandhigto midka aan wax qaban shaqadeenu waa dhiiri galinta midka wax qabtay” Qiimaynta iyo abaalmarinta Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ah fikrad cusub oo keeni karta in lugu tartamo wax qabadka loo igmaday golaha iyo mashaariicda looga baahanyahay deegaannada lagasoo doorto, waxana howshan markii ugu horraysay qabtay Dhalinyaradaan Madasha U-Abaal-gud oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  6. Bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa digniin kama dambays ah loogu diray odoyaashii ergooyinka ahaa ee soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dhisan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Bayaanka oo ku qornaa Af-Soomaali iyo English ayaa lagu sheegay in ergooyinkaasi ay ku dhaceen fal-gaalnimo ah waxaana Al-shabaab u qabatay mudda 45 cisha ah in ay ka toobad keenaan islamarkaana iska diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Al-shabaab waxay ergooyinka soo xulay xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku eedaysay in ay gun-dhig u noqdeen in dalka laga hirgeliyo maamulo ku dhisan Dastuur aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka oo horseedaya in gumeysi la geliyo Soomaaliya. Waxa kaloo Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka tirsan ergooyinkaasi oo aan ka faa’idaysan mudada 45 maalmood ah ee loo qabtay in ay iska soo diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo digniin kama dambays ah siisay ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa 45 maalin u qabtay Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada kuwaas oo ay sheegeen inay ka baxeen Diinta Islaamka. Bayaankaan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka berii noqdaan ficilka ay ku dheceen. Waxaa loo qabtay muddo 45 maalmood oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka, iyadoo Al-Shabaab ay kula talisay in ay iska diiwaan geliyaan maamullada hoos tago ee ka jiro Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay dili doontaa odaygii aan qaadan amarka kasoo baxay. Al-Shabaab ayaa horey u dishay odaal badan oo ka tirsan kuwii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Al-Shabaab ayaa fal gaaleysiin ah ku rido cid kasta oo ka hor timaado caqiiqadooda qalafsan ee aan meelna ka waafaqsaneyn sharciga Islaamka. Halkaan ka daawo Al-Shabaab oo soo bandhigtay saxawanka, qeylada iyo codadkii kooxdii weerartay Kismaayo Halkaan ka akhriso bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab
  8. Kismaayo (Caasimada Online ) – Madaxweyne ku xigeenka mamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo amniga magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan wixii ka dambeeya amar culus iyo qorsheyaal cad la siiyey hay’adaha amniga, kuwaas oo lagu xoojinayo nabad gayada inta ay ka dhaceyso doorashada guud ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato xasiloonada nabad galyada. Waxa kale oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay garab siiyaan ciidanka amniga, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli 12-kii bishan weerar ku bilowday Ismiidaamin Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteel ku yaalla magaallo Xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-1-jubbalabd-.mp3Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Wargeyska The East Africa ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qoray warbixin uu ku ammaanay JSL oo uu ku sifeeyey inay qabsanayso wixii ay haysato. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu maanta daabacay Wargeyska The East Africa, waxaanu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay xaddidan tahay dhaqaalaha qaadhaanbixiyeyaashu ku caawiyaan, taasina ay saameyn ku yeelatay horumarkii ay sameyn laheyd Somaliland. Warsidaha The East Africa wuxuu iftiimiyey in miisaaniyadda Somaliland ay gaadhayso 400 oo Milyan oo Doolar oo ay ku jirto lacagta Dekedda Berbera oo xiligan ay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ay dib ugu dhisayso lacag dhan 442 Milyan oo Doolar. Wasiirka Horumarinta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska The East Africa in aanay Somaliland dhaqaale ka helin Hay’ado Maaliyadeed oo badan, sidaas darteedna ay qabsanayaan wixii ay dal ahaan haystaan. “Kama helno wax caawimo ah Hay’ado Maaliyadeed oo badan,sidaas awgeed waxaanu sameynaynaa wixii aanu awoodno ee aanu haysanno,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire. Wargeyska The East Africa wuxuu sheegay in JSL ay lagu rajo weyn yahay in laga soo saaro macdan, iyadoo shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee RAK Gas iyo shirkadda Genel Energy ay afartii sannadood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen hawlo shiidaal baadhis ah isla markaana rajo weyn laga qabo in laga soo saaro shiidaal Somaliland. Wargeysku wuxuu weriyey inay Somaliland ku jirto afar dal oo ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka, kuwaasi oo celcelis ahaan dhaqaalaha sannadkii soo gala qof kasta lagu qiyaasay 400 oo doolar sannadkiiba, waxaana dalalkaasi ka mid ah Burindi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Malaawi. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa qalinka ku duugtay mashruuc ballaadhan oo waxbarasho kaasi oo ku kacaya 67.5milyan qaybta Somaliland oo doraad Hargaysa lagu qabtay. Mashruucan oo looga faa’idayn doono 400. 000 oo qof oo caruur ubadan waxaana laga fulinayaa Somaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland, sida sawirada ka muuqada magaalada Muqdisho waxa heshiiskan qalinka lagu duugay 11/7/2019 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah, sida wasiirka waxbarashada ee dawlada Federaalka Somaliya sheegay Cabdilaahi qodox Barre. Waxaana mashruucan fulintiisa iska kaashanaya dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot wait iyo Adventist developing and relieve agent. Dhinaca kale waxa Somaliland masuul uga ah dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot Wait iyo gabadh uu dhaliyay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxa Mashruucana shalay Hargaysa ku daahfuray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ay hareer Fadhido gabadha uu dhalay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan, Saynab Saleebaan, Hadaba Arintan ay gabadhani ka soo saxeexday dawlada Somaliya maxaa keenay in adhigii Somalilandna uu sucuudiga ugu xanib naado saxeexa Dawlada Somaliya oo xukuumada Somaliland diiday? Source
  11. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ka wada hadli doona arrimo dhowr ah oo la xiriira Hirshabeelle iyo Galmudug ku saabsan. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxaana dhowaan Beledweyne gaaray wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah. Warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tagi doono Beledweyne, si uu qeyb uga noqdo dadaalada lagu xalinayo xiisadda ka jirtay, balse arrimo ka jiray Galmudug darteed uu uga baaqday, isla markaana uu taleefano kula hadlay dhinacyada ku sugnaa Beledweyne. Maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid ah maamulada taabacsan dowladda Federaalka, iyagoo horay isaga baxay sanadkii hore isbaheysigii maamul goboleedyada, kaddib cadaadis uga yimid dowladda Dhexe. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska Dhuusamabreeb Caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Dagaalkii ay dhawaan dawladda Soomaaliya ku qaaday dawladda Guinea ee ka dhanka ahaa socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas, waxa ay banaanka soo dhigtay heerka uu gaadhsiisanyahay dagaalka ay dawladda Farmaajo ku hayso siyaasadda dibadda ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay socdaalka Guinea wuxuu sheegay inay dhawaan booqan doonaan dalal kale oo aanu magacaabin. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad ayaa sheegay inaanay dawladaha dunida ka ogolaan doonin inay Madaxweynaha Somaliland qaabilaan, iyagoo siinaya maamuus dhammaystiran. Balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa ka jawaabay oo yidhi “Arintaas waxaanu u aragnaa inay tahay mid ay maangaabnimo iyo aragti la’aan ay ku dheehantahay oo aad moodo inay aaminsanyihiin oo ay ku qanacsan yihiin in ay Somaliland u xidhan tahay nasiib darana waxaaba laga yaabaa in aanay ogaynba oo aanay horeba u dareensanayn oo ay imika ku hanbabareen in Somaliland ay dalal badan cilaaqaad la leedahay Afrika,Bariga dhaxe iyo Yuruba oo meel walba ka jira,oo meel walba lagu soo dhaweeyay oo baratakoolkii ay u baahnayd ay heshay, waxaanu rabnaa in aanay Somaliland horena ugu xidhnayn imikana aanay u xidhnaanayn hdadii ay sidaas u dhaqmaana inay dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaas ku baaba’aayo.” Haddaba, waxa la wada sugayaa halka uu ku dambeeyo dagaalka u dhexeeyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ee siyaasadda dibadda ee Somaliland. Waxa ay dad badani sugayaan bal dalka uu Madaxweyne Biixi booqon doono socdaalkiisa ku xiga socdaalkan Guinea iyo heerka loo qaabilo iyo jawaabta uu Farmaajo ka bixin doono. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Warar lagu kalsoon yahay oo na soo gaadhaya ayaa daaha ka rogay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiiradda Deegaanka Somaliland ay isku khilaafeen Qadiyadda Kornayl Caarre. Wasiiraddan oo sida warkani nagu soo gaadhay ku kulmay madal uu Madaxweyne Biixi fadhiyay oo lagu soo hadal qaaday, islamarkaana lagu lafa gurayay Arinta Jabhadda Kornayl Caarre ayaa hadalo kulul iskugu jawaabay kuwaasi oo dareenkii fadhiga wax ka badelay. Xogaha na gaadhaya ayaa sheegay in Marka hore uu Wasiir Maxamed kaahin oo ka hadlayay Jabhadda Kornayl Caare uu Caarre ku tilmaamay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Dawladda Soomaaliya ee Farmaajo islamarkaana uu Halkaasi kasoo dab iyo Mushahar qaato, arintaasi oo uu ku soo daray hadal guud oo uu madasha ka jeediyay. Waxa arintaasi si gaar ah uga cadhootay oo islamarkiiba sida warkani nagu soo gaadhay ka jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Baandare oo ay isku deegaanka kasoo wada jeedaan Kornayl Caare. Waxay ka difaacday Caarre arinta Wasiir kaahin, Waxaana ay sheeegtay inaanay waxaasi waxba ka jirin ee uu Caare yahay nin muwaadin ah oo Somaliland jecel oo duday oo cabanaya islamarkaana cadaalad daro tirsanaya, noocay doonto hanoqotee, waxaanay meel adag ka istaagtay inaan arinta sidaasi loo dhigin iyadoo ka digtay dooda Wasiir Maxamed Kaahin inay fidmo kale sii abuurto. Wararka Foore helay ayaa sheegaya in madashaasi buuq iyo qaylo isku badeshay islamarkaana ay wasiiradda goobta fadhiyay qaab deegaan ula kala safteen Labada Wasiir ee haddalku ka taag taagmay. Source
  14. (SLT-Washington)-Olole lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalkan maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalkan oo dhan Axaddii shalay. In ka badan 2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la mastaafuriyo. Ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee maraykanka Matt Albence ayaa sheegay in ay beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo doon, kuwaasi oo qaadiyadda maxkamadaha ee arimaha soo galootigu ay diideen kiiskooda. Matt Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku meesha ay ka bilaabeen dadkaa la soo qabqabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda. Waxa kor u sii kacday cabsida ay qabaan dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin. Source
  15. (SLT- Bareeda)-Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul-gariir. Khubarrada dhinaca Dhul-gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul-gariirkaas cabbirkiisu uu ahaa 5.0magnitude . Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland. Dhul-gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM. Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah, waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah. Source
  16. Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo badda Cas, islamarkaana ku yaalla bariga fog ee Puntland sida laga soo xigtay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka. Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi bari ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka bari kuna taalla gacanka GARDAFU’ , waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 degree oo ballac ah u fiday dhanka waqooyi, halka dhanka barina uu gaaray 50.449 degree dherar ah. Meesha lagu qiyaasay in uu dhul-gariirkaasi ruxay, ayaa waxaa ku beegan buuraley miibac oo ku yaalla inta u dhexaysa gacanka GARDAFU iyo degmada Qandala ee gobolka bari, inkastoo aan weli xog sugan laga helin, marka laga reebo warka ay soo saartay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka. Degmada Bareeda ee GARDAFU’, waa degmada masaafo ahaan ugu fog degmooyinka Puntland, marka laga cabbiro magaalada Garoowe, waxaana ay caasimadda u jirtaa 1556km. PUNTLAND POST The post Dhul gariir ku dhuftay bariga fog ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay in ereyo ay cunsurinimo ku jirto ku weeraray afar dumar ah oo ka tirsan Congresska Maraykanka isag oo ku tilmaamay in aanay ahayn Maraykan dhalad ah. Warkan ka soo yeedhay Trump ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestey siyaasiyiin badan oo ay ka mid tahay afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi iyo weliba qaar kamid ah musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga. Trump ayaa haweenkan oo ay ku jirto Ilhan Cumar ku tilmaamay inay ka soo jeedaan wadamo burbursan oo uu qalalaase ka jiro waxana uu ugu baaqay inay wadamadooda dib ugu laabtaan. Saddex ka mid ah afartooda, oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley ayaa ku dhashay kuna barbaaray Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay iyadoo yar tagtay Mareykanka. Trump ayaa hadalkiisii sii raaciyay in afhayeenka Aqalka Congresska ay ku farxi doonto ayna si dhaqso ah dumarkaas ugu diyaariso safarkooda bilaashka ah. Hase yeeshee, Nancy Pelosi ayaa si weyn u cambaareysay hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Trump, halka Rashida Tlaib ay jawaabteeda Twitter-ka iyadana ku sheegtay baaq ay ku jeedisay in xilka laga qaado Mr Trump. Ilhaan Cumar oo galinkii dambe ee maanta kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”. Source
  18. Bareeda (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul Gariir. Khubarrada dhinaca Dhul Gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul Gariirkaas cabbirkiisu ahaa 5.0magnitude . Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland. Dhul Gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM. Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah,waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah. Soomaaliya kuma badna dhul Gariirrada ilaa haddana faah faahin rasmi ah lagama helin Dhul Gariirka xalay fiidkii ka dhacay Xeebaha Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya. Halkaan ka daawo wixii kusoo kordha Dhul gariirka iyo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb Caasimada Online Xafiiska GarooweCaasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha dalka Canada Justin Trudea ayaa ku dhawaaqay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dowladdiisu ka taageeri doonto dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Justin Trudea oo ka hadlay weerarkii Kismaayo ayaa sheegay in aan indhaha laga laaban karin falalka guracan ee ay geysanayaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Ra’isalwasaraaha Canada ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay kala shaqeynayaan, sidii nabad buuxdo loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya. “Anaga oo kaashaneyno Beesha Caalamka ayaan ka shaqeyn doonaa sidii xididada loogu siibi lahaa xagjirnimad.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Justin Trudea. Dhinaca kale wuxuu Tacsi u diray Ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii sabtidii ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin u dhashay dalkiisa. Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay weerarkaasi oo ay ku dhinteen 26 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 56 kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  20. Golaha amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa yeeshay kulan looga hadlay xaaladda guud ee magaalada Kismaayo iyo weerarkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi. Shirkan waxaa guddoomiyey madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana looga hadlay sidii gacan adag loogu qaban lahaa ammaanka magaaladaasi. Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa warbaahinta u faah faahiyey waxyaabihii shirkaasi looga hadlay. Wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenka, in la isku raacay garab istaagga shaqsigii lahaa Hotelka Cascasey iyo sidii looga caawin lahaa dib u dhiskiisa. Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa sheegay in shacabka Jubbaland looga baahan yahay iney kala saaraan ammaanka iyo siyaasadda, wixii amniga ku saabsanna aanay marnaba wadahadal ka geli doonin. “Waxaan leenahay hala kala saaro ammaanka iyo siyaasadda, amniga wax gor-gortan ah lagama gelayo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland. Dhismaho iyo dhaawac ayaa ka dhalatay weerar Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo, xilli amniga Jubbaland ahaa mid aad loo adkeeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Waxaa xalay la cayaaray kulamadii afar dhamaadka koobka qaramada qaarada Afrika ee ka socda wadanka Masar. Xulka kubada cagta ee Senegal ayaa la cayaaray Tunisia iyadoo kulankaan uu ahaa kulan aad u adag. Labada koox ayaa soo bandhigay kulan aad u xamaasadeysan waxaana oo isku dhiib dhiib badan kadib qeybtii hore ay ku soo dhamaatay 0-0. Marka laga soo laabtay qeybtii nasashada ayaa labada wadan waxay sameeyeen dadaalo badan balse uma saamixin inay goolal iska dhaliyaan Daqiiqadii 75-aad ee cayaarta ayaa garsooraha wuxuu u dhigay gool ku laad xulka Tunisia balse waxaa ka khasaariyay cayaariyahanka khadka dhexe oo lagu magacaabo F. Sassi. Si la mid ah xulka Senegal ayaa helay daqiiqadii 81 gool ku laad waxaana fursada iyagana ka lumiyay H. Saivet oo khadka dhexe ka uga ciyaara Senegal. Dhamaadkii cayaarta daqiiqadiihii dheeriga ahaa ee lagu daray ayaa xulka Tunisia waxay iska dhaliyeen gool waxaana sabab u ahaa Tunisia D. Bronn. Dhanka kale waxaa kulmay isla xalay wadamada Nigeria iyo Algeria kadib kulan dhacay garoonka Cairo Int’l Stadium. Kooxda Algeria ayaa dar dar la soo gashay kooxda garoonka waxaana daqiiqadii 40 gool iska dhaliyay xulka Nigeria taasi oo sababteeda lahaa W. Troost-Ekong oo ka tirsan xulka Algeria. Markii dib la iskugu laabtay ayaa Nigeria ay sameysay dadaal badan iyadoo daqiiqadii 75-aad ee qeybtii qeybta danbe goolka ay iska soo gudeen Nigeria kadib khalad uu galay difaaca Algeria. Garsooraha ayaa dhigay gool ku laad waxaana u soo istaagay cayaariyahan ka lambarka sagaalaad ee Nigeria O. Ighalo waxaana uu dib u soo celiyay rajadii Nigeria. Markii lagu daray daqiiqadiihii dheeriga ahaa ayaa laad xor ahaa oo loo dhigay xulka Algeria waxaa u dhaliyay xiddiga ay ku duulayaan ee Riyaad Mahrez. Cayaarta ayaana ku soo dhammaatay sidaas waxaana kulanka kama danbeesta ah wada cayaari doona wadamada Algeria iyo Senegal maalinta Jimcaha. Source
  22. Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka ee magaalada Kismaayo ayaa digniin u diray darawallada kaxeeya gaadiidka qaarkood. Bashiir Xiis Khaliif, taliyaha taliskan ayaa warbaahinta u sheegay iney jiraan darawallo dhegaha ka fureystay amarro horey loo siiyay, gaar ahaan kuwa kaxeeya gaadiidka dadweynaha. Wuxuu sheegay taliyaha, in waddooyinka ay dhex-dhigaan gaadiidkooda, sidaasi darteedna tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo sidaasi sameysa. “Darawallada kaxeeya gaadiidka Caasida ah waxay ka dhega adeegayaan qaarkood amarro aan siinnay, waxay jabiyaan shuruucda, marka ay dadka qaadayaan ama dejinayaan wadada ayeey dhex istaagaan, waxaan leenahay haddii aad shuruucda u hoggaansami weydaan tallaab adag ayaan idin ka qaadi doonnaa” ayuu yiri taliyaha. Dhanka kale, magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maalmihii lasoo dhaafaykusoo badanayey gaadiidka sharci la’aanta ah ee lagu dhex wado magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalanka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda. Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah moorayaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile. Taliska ayaa sheegay in cusbitaalka Madiina uu ku naf waayey mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, dhaawaca uu ku naf waayeyna waxa uu ka soo gaaray dagaal uu ku wajahay Laamaha Amniga. Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda. “Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.” Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka. View the full article