-
Content Count
209,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Maxamed Daahir Axmed, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku taageeray hadal uu si dadban ugu durayo dalal ay Soomaaliya ku jirto. Maxamed Daahir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yidhi: “Somaliland ahaan, waanu kugu taageersanahay madaxweyne Trump in aaney Muqdisho ka jirin dawlad shaqeynaysaa, Soomaaliya waxay dhiirrigalisaa xasilooni-darrada Bariga Afrika; waayo waa koox shufto ah.” Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Hir-shabeele Maxamed Cabdi Waare , ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Faarax Wehliye, Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo mas’uuliyiin kale. Madaxwayne Waare ayaa waxa uu sheegay inay Galmudug u yimaadeen bogaadinta howlaha uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado Galmudug iyo xallinta colaad Beeleed dhowaan ka dhacday degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud. “Waxaan halkan u imi Inaan dhiirr gelinno dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu halkan ka wado ee lagu nabadeynayo degaannada Galmudug, Galmudug oo toosta waa Hirshabeelle oo toosta” ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa ammaanay geeddi socodka loogu jiro in la helo Galmudug cusub, taas oo uu ku tilmaamay in dhammaan Dadka halkaasi ku dhaqan ay isla Jaan qaadaan, si laysaga Garabsasdo cadowda. Wuxuu sheegay in Hirshabeelle iyo Galmudug aysan kala maarmin, xag nololeed ,xag amni iyo xag wax wada qabsi, wuxuuna sheegay in Labada maamul ay ku nool yihiin Dad walaalo ah oo aan sinnaba ku kala go’in, loona baahan yahay in is kaashadaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa fariin culus loogu diray Ergadii soo xulay xildhibaanda BFS iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab oo ku qornaa luqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa looga dalbaday Ergada inay isa soo diiwan geliyaan. Al-Shabaab ayaa Odayaasha soo doortay baarlamaanka u qabtay muddo 45 cisho oo ka bilaabaneyso maanta oo ah 15/7/2019, illaa 1/9/2019-ka. “Waa inay iska diiwaangeliyaan maamulada wilaayaadka islaamiga ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo 45 maalmood ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Qof kii dhega adeega amarkaasi ay marin doonaan Shareecada Islaamka, sida ay hadalka u dhigeen. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli horay Al Shabaab ay u sheegteen dilal loo geystay qaar ka mid ahaa ergooyinkii wax ku soo doortay xildhibaanada baarlamaanka, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu toogtay gudaha dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-15072019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulka Somaliland Maxamed Daahir Axmed ayaa taageeray hadal ka dhan ahaa Soomaaliya oo ka soo baxay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ugu horreyso dalalka uu ka jiro musuqmaasuqa. Inkastoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid wanaagsan islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, ayaa haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu Trump ka qabo arrimaha Soomaaliya. Wasiir Maxamed Daahir Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay arrintan, isaga oo sheegay in Somaliland aragtidaasi ay ku raacsan tahay Trump. Wuxuu tilmaamay in dowladda ka jirta Xamar ay tahay mid musuqmaasuq ah, sida uu hadalka u dhigay. Somaliland ayaa dadaal badan ku bixineyso xiriirkeeda arrimaha dibadda, si ay u hesho aqoonsi caalami ah, balse waxaa jira caqabado hortaagan ictiraafkeeda. Dhawaan Soomaaliya ayaa xiriirkii u jartay Guinea, kadib markii ay soo dhaweyn sare u sameysay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi. Tallaabadaasi ayaa waxaa ka horyimid Madaxweyne Biixi oo si aad ah ugu dhaliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Tan iyo wixii ka dambeeyey markaasi waxaa jiray hadallo xanaf leh oo ka soo yeeray madaxada maamulka Somaliland. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
-
Swarms of locusts have stripped large tracts of farmland across 10 districts in Somaliland, leaving farmers without any crops left to harvest. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha cusub ee waxbarashada degmada Qardho Mr Faandhe Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa magacaabay guddoomiyaha Waxbarashada degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar isagoo sidoo kale maamul cusub u magacaabay dugsiga sare ee Sheikh Cusmaan Qardho oo ku yaalla degmadaasi. Wasiirka ayaa guddoomiyaha Waxbarashada degmada Qardho u magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cali (Faandhe) halka uu maamulaha cusub ee dugsiga Sheikh Cusmaan-Qardho u magacaabay Cabdulqaadir Muuse Axmed (Dhiqirje). Sidoo kale maamul ku xigeenka Sheikh Cusmaan Qardho ayaa wasiirku u magacaabay Cabdiraxmaan Ciise Muuse iyo khasnajiga oo loo magacaabay Khadra Cumar Salaad. Wasiirka ayaa isbeddel ku sameeyay maamullada qaar kamid ah dugsiyada sare ee dowladda Puntland isagoo maamulayaal cusub u magacaabay dugsiyada Gambool Cumar Samatar iyo Sheikh Cusmaan-Qardho. Hoos ka akhriso magacaabistooda PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Waxbarashada Qardho iyo maamulka dugsiga sare ee Sheikh Cusmaan oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa sheegay inuu jiro tuhun ku saabsan qaraxii iyo weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo aysan Shabaab kaliya ku laheyn. Xildhibaanka ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Jimcihii uu yahay mid ku cusub Jubbaland oo aheyd meel nabdoon oo xasillooni ka jirtay, balse qaraxaas iyo weerarkaas lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo doorasho ku soo fool leh Jubbaland. “Laamaha ambiga ayaa howsha gacanta ku haya, hotelka la weeraray wuxuu ahaa Hotel cusub oo dadka ay xiiseynayeen, wixii baaritaan iyo xog Hey’addaha Amniga ayaa og, laakiin Shabaab kaliya howl ku eg ma aheyn, howl dad badan ka soo shaqeeyeen oo juhdi iyo waqti la geliyay buu ahaa, mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu isaga ka mid ahaa dadkii ku jiray Hotelka, xilliga la weerarayay, isla markaana labo saac habeenimo laga soo badbaadiyay oo Ciidamada Ammaanka u soo gurmadeen sida uu yiri. Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay muddo ku heysay Jubbaland dagaal curyaamin ah, isla markaana doorashada ku soo fool leh Jubbaland iyo weerarka dhacay ay wax badan iska kaashan karaan. “Gacmo waa weyn ayaa meesha ku jira oo howsha fududeysay, qarax si weyn loo soo agaasimay buu ahaa, doorashada Jubbaland ku soo fool leh, dagaalka dowladda Federaalka kula jirto iyo wax badan baa iskaashanaya tuhun badan ayaa nagu jira”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug. Shalay ayey aheyd markii Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Jubbaland uu sheegay inay tuhmayaan in weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaal Kismaayo uu ahaa mid la soo maleegay oo la doonayay in lagu qalqal geliyo amniga doorashada ku soo fool leh Jubbaland. “Khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Jubbaland in dadka laga mashquuliyo xaalada kale iyo waxaan tuhmeynaa in Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo oo xaalada taagan in qalqal amni laga abuuro Kismaayo”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare. Weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhaca Kismaayo ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxaana weerarkaas lagu dilay illaa 26 ruux, halka 50 kalena ku dhaawacmeen, waxaa uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa oo Al-Shabaab ka fuliso Kismaayo. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
-
Maamulaha cusub ee Cumar Samatar Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa maamule cusub u magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee dugsiga sare ee Cumar Samatar loogu magacaabay Cabdullaahi Cawil cali waxaana la faray in uu si karti iyo hufnaan leh u guto xilka loo magacaabay. Sidoo kale dhammaan shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland ayaa la faray in ay maamulaha cusub ka gacan-siiyaan siduu u gudan lahaa waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa sida la sheegayo sannadihii u dambeeyay la kulmay hoos u dhac dhanka waxbaridda ardayda ah isagoo ka haray kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ah. Halkaan hoose ka eeg wareegtada wasiirka PUNTLAND POST The post Maamule cusub oo loo magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar appeared first on Puntland Post.
-
Maamulaha cusub ee Gambool Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa shaqada ka ceyriyay maamulihii dugsiga sare ee Gambool oo ku yaalla caasimadda Garoowe Cali Suudaani. Dikteeto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee Gambool loogu magacaabay Maxamed Axmed Maxamed sida ku xusan dikteeradaasi. Dugsiga sare ee Gambool ayaa laga sheegayaa hoos u dhac dhanka waxbaridda ardayda ah waxaana uu sannadihii u dambeeyay ka maqnaa kaalmaha sare ee imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland. Halkaan hoose ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Maamule cusub oo loo magacaabay dugsiga sare ee Gambool appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online ) – Xoghayaha guud ee Jabhadda ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahadi ayaa shaaciyey inay bedaleen xeeladihii dagaal ee lagu yaqiinay, kadib heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya. Xoghayaha oo Wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in wax kasta oo xuquuda gobolka ah ay ku raadinayaan qaab nabdoon. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubkii ay dhigeen, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya ay ku dagaalami doonaan Qalinka, sida uu hadalka u dhigay. “Qoriga, waanu dhignay, waxaanu ku dagaalami doonaa Qalinka.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahadi. Arrintan ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay horay u gaareen ONLF iyo Itoobiya, kaas oo ay ku jireen inay hubka dhigaan, ciidamadana ay ku wareejiyaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyo in ay noqdaan xisbi siyaasadeed. ONLF ayaa hadda xafiis cusub ka furatay magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa, kaas oo ka shaqeyn doono arrimaha siyaasadda iyo diplumaasiyadda. Jabhaddan ayaa tan iyo sanadkii 1991-kii u dagaalami jirtay xuquuda gobolka Soomaali Galbeed. Isbedallada ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa saldhig u ahaa Ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo fur furay siyaasaddii lagu yaqaanay dalkaasi. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
-
Click here</ Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka maareeye cusub u magacaabay wakaaladda Biyaha Puntland oo dhowaan la aas’aasay. Maareeyaha guud ee wakaaladda Biyaha dowladda Puntland, ayaa madaxweynuhu u magacaabay, Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo hore uga tirsanaa shaqaalaha Bankiga dhexe ee dowladda xaruntiisa Boosaaso. Dikreetada lagu magacaabay mas’uulkan cusub oo soo baxday saaka oo Isniin ah, ayaan weli warbaahinta lala wadaagin, balse waxaa Puntland post u xaqiijiyay ilo ka tirsan xafiiska madaxweynaha Puntland. Sidoo kale madaxweynaha ayaa la filayaa in todobaadkan sii wado isbeddel dhanka maamulka ah oo uu ku sameynayo mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha,agaasime-waaxeedyada,qaar kamid ah guddoomiyaasha gobollada iyo laamaha garsoorka Puntland. Todobaadkii tegay, ayaa madaxweyne Deni soo bilaabay isbeddelada dhanka mas’uuliyiinta dowladda, isagoo magacaabay ilaa 8 mas’uul oo ay ku jiraan agaasimayaasha wasaaradaha Maaaliyadda iyo Macdanta&Biyaha. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay maareeyaha guud ee wakaaladda Biyaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimayn ay sameeyeen dhalinyarada madasha U-Abaal-Gud ayey ku sheegeen in 30 xildhibaan oo lagasoo doortay Galmudug ay ku tartansiiyeen uuna kaalinta koowaad ugalay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo wax muuqda ka qabtay deegaannadii lagasoo doortay. Wax qabad ay kamid yihiin ceelal qodis iyo mashaariic kale uu ka fuliyay deegaanka lagasoo doortay ayuu ku mutaystay Abaalmarinta ay madasha U-Abaal-gud siiyeen Xildhibaan Odowaa. Siciid Dhaan suge, agaasimaha madasha qiimaynta samaysay oo sharaxaad ka bixiyay abaalmarinta ay gudoosiiyeen Xildhibaabka ayaa sheegay in 30-ka xildhibaan ee qiimaynta ay ku sameeyeen uu Odowaa noqday ninkii ugula mudnaaday marka ay arkeen waxqabadka uu ka sameeyay deegaan doorasheedkiisa. Dhanka kale Mahad Diiriye Cabdi oo kamid ah Dhalinyarada madasha ayaa sheegay qaabka ay u mareen soo xulitaanka guulaystaha waxa uuna yiri: “Mudanahaan waxan kasoa xulanay mudanayaal 30 iyo kasii badan ah oo ay isku deegaan doorasho yihiin kaligiis ma ahan inta wax qabadka laga helay laakiin waa midka koowaad ee ugu mashaariicda badnaa matalayaasha heer Fedaraal ee deegaan dorashadoodu tahay Galmudug, kuwa kale waxay isugu jiraan kuwa deegaan doOrashadoOda geeyay maashariic wax ku ool ah oo aan wadno xaqiijinta howlahaas si loo abaalsiiyo laakiin madashu ma soo bandhigto midka aan wax qaban shaqadeenu waa dhiiri galinta midka wax qabtay” Qiimaynta iyo abaalmarinta Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ah fikrad cusub oo keeni karta in lugu tartamo wax qabadka loo igmaday golaha iyo mashaariicda looga baahanyahay deegaannada lagasoo doorto, waxana howshan markii ugu horraysay qabtay Dhalinyaradaan Madasha U-Abaal-gud oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
-
Bayaan ka soo baxay hoggaanka sare ee malayshiyaadka Al-shabaab ayaa digniin kama dambays ah loogu diray odoyaashii ergooyinka ahaa ee soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka dhisan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Bayaanka oo ku qornaa Af-Soomaali iyo English ayaa lagu sheegay in ergooyinkaasi ay ku dhaceen fal-gaalnimo ah waxaana Al-shabaab u qabatay mudda 45 cisha ah in ay ka toobad keenaan islamarkaana iska diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Al-shabaab waxay ergooyinka soo xulay xildhibaannada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku eedaysay in ay gun-dhig u noqdeen in dalka laga hirgeliyo maamulo ku dhisan Dastuur aan waafaqsaneyn Shareecada Islaamka oo horseedaya in gumeysi la geliyo Soomaaliya. Waxa kaloo Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka tirsan ergooyinkaasi oo aan ka faa’idaysan mudada 45 maalmood ah ee loo qabtay in ay iska soo diiwan-geliyaan xarumaha Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo digniin kama dambays ah siisay ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa 45 maalin u qabtay Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada kuwaas oo ay sheegeen inay ka baxeen Diinta Islaamka. Bayaankaan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka berii noqdaan ficilka ay ku dheceen. Waxaa loo qabtay muddo 45 maalmood oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka, iyadoo Al-Shabaab ay kula talisay in ay iska diiwaan geliyaan maamullada hoos tago ee ka jiro Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay dili doontaa odaygii aan qaadan amarka kasoo baxay. Al-Shabaab ayaa horey u dishay odaal badan oo ka tirsan kuwii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Al-Shabaab ayaa fal gaaleysiin ah ku rido cid kasta oo ka hor timaado caqiiqadooda qalafsan ee aan meelna ka waafaqsaneyn sharciga Islaamka. Halkaan ka daawo Al-Shabaab oo soo bandhigtay saxawanka, qeylada iyo codadkii kooxdii weerartay Kismaayo Halkaan ka akhriso bayaanka kasoo baxay Al-Shabaab
-
Kismaayo (Caasimada Online ) – Madaxweyne ku xigeenka mamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa ka warbixiyey shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore ka digay in la siyaasadeeyo amniga magaaladaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan wixii ka dambeeya amar culus iyo qorsheyaal cad la siiyey hay’adaha amniga, kuwaas oo lagu xoojinayo nabad gayada inta ay ka dhaceyso doorashada guud ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato xasiloonada nabad galyada. Waxa kale oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo shacabka inay garab siiyaan ciidanka amniga, si looga hortago weeraro markale ka dhaca halkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli 12-kii bishan weerar ku bilowday Ismiidaamin Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteel ku yaalla magaallo Xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/cod-1-jubbalabd-.mp3Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska The East Africa ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qoray warbixin uu ku ammaanay JSL oo uu ku sifeeyey inay qabsanayso wixii ay haysato. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu maanta daabacay Wargeyska The East Africa, waxaanu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay xaddidan tahay dhaqaalaha qaadhaanbixiyeyaashu ku caawiyaan, taasina ay saameyn ku yeelatay horumarkii ay sameyn laheyd Somaliland. Warsidaha The East Africa wuxuu iftiimiyey in miisaaniyadda Somaliland ay gaadhayso 400 oo Milyan oo Doolar oo ay ku jirto lacagta Dekedda Berbera oo xiligan ay Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World ay dib ugu dhisayso lacag dhan 442 Milyan oo Doolar. Wasiirka Horumarinta Somaliland Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska The East Africa in aanay Somaliland dhaqaale ka helin Hay’ado Maaliyadeed oo badan, sidaas darteedna ay qabsanayaan wixii ay dal ahaan haystaan. “Kama helno wax caawimo ah Hay’ado Maaliyadeed oo badan,sidaas awgeed waxaanu sameynaynaa wixii aanu awoodno ee aanu haysanno,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire. Wargeyska The East Africa wuxuu sheegay in JSL ay lagu rajo weyn yahay in laga soo saaro macdan, iyadoo shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee RAK Gas iyo shirkadda Genel Energy ay afartii sannadood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen hawlo shiidaal baadhis ah isla markaana rajo weyn laga qabo in laga soo saaro shiidaal Somaliland. Wargeysku wuxuu weriyey inay Somaliland ku jirto afar dal oo ka mid ah dalalka ugu faqiirsan adduunka, kuwaasi oo celcelis ahaan dhaqaalaha sannadkii soo gala qof kasta lagu qiyaasay 400 oo doolar sannadkiiba, waxaana dalalkaasi ka mid ah Burindi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Malaawi. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa qalinka ku duugtay mashruuc ballaadhan oo waxbarasho kaasi oo ku kacaya 67.5milyan qaybta Somaliland oo doraad Hargaysa lagu qabtay. Mashruucan oo looga faa’idayn doono 400. 000 oo qof oo caruur ubadan waxaana laga fulinayaa Somaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland, sida sawirada ka muuqada magaalada Muqdisho waxa heshiiskan qalinka lagu duugay 11/7/2019 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah, sida wasiirka waxbarashada ee dawlada Federaalka Somaliya sheegay Cabdilaahi qodox Barre. Waxaana mashruucan fulintiisa iska kaashanaya dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot wait iyo Adventist developing and relieve agent. Dhinaca kale waxa Somaliland masuul uga ah dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot Wait iyo gabadh uu dhaliyay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxa Mashruucana shalay Hargaysa ku daahfuray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ay hareer Fadhido gabadha uu dhalay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan, Saynab Saleebaan, Hadaba Arintan ay gabadhani ka soo saxeexday dawlada Somaliya maxaa keenay in adhigii Somalilandna uu sucuudiga ugu xanib naado saxeexa Dawlada Somaliya oo xukuumada Somaliland diiday? Source
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ka wada hadli doona arrimo dhowr ah oo la xiriira Hirshabeelle iyo Galmudug ku saabsan. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxaana dhowaan Beledweyne gaaray wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah. Warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tagi doono Beledweyne, si uu qeyb uga noqdo dadaalada lagu xalinayo xiisadda ka jirtay, balse arrimo ka jiray Galmudug darteed uu uga baaqday, isla markaana uu taleefano kula hadlay dhinacyada ku sugnaa Beledweyne. Maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid ah maamulada taabacsan dowladda Federaalka, iyagoo horay isaga baxay sanadkii hore isbaheysigii maamul goboleedyada, kaddib cadaadis uga yimid dowladda Dhexe. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska Dhuusamabreeb Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dagaalkii ay dhawaan dawladda Soomaaliya ku qaaday dawladda Guinea ee ka dhanka ahaa socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas, waxa ay banaanka soo dhigtay heerka uu gaadhsiisanyahay dagaalka ay dawladda Farmaajo ku hayso siyaasadda dibadda ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay socdaalka Guinea wuxuu sheegay inay dhawaan booqan doonaan dalal kale oo aanu magacaabin. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad ayaa sheegay inaanay dawladaha dunida ka ogolaan doonin inay Madaxweynaha Somaliland qaabilaan, iyagoo siinaya maamuus dhammaystiran. Balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa ka jawaabay oo yidhi “Arintaas waxaanu u aragnaa inay tahay mid ay maangaabnimo iyo aragti la’aan ay ku dheehantahay oo aad moodo inay aaminsanyihiin oo ay ku qanacsan yihiin in ay Somaliland u xidhan tahay nasiib darana waxaaba laga yaabaa in aanay ogaynba oo aanay horeba u dareensanayn oo ay imika ku hanbabareen in Somaliland ay dalal badan cilaaqaad la leedahay Afrika,Bariga dhaxe iyo Yuruba oo meel walba ka jira,oo meel walba lagu soo dhaweeyay oo baratakoolkii ay u baahnayd ay heshay, waxaanu rabnaa in aanay Somaliland horena ugu xidhnayn imikana aanay u xidhnaanayn hdadii ay sidaas u dhaqmaana inay dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaas ku baaba’aayo.” Haddaba, waxa la wada sugayaa halka uu ku dambeeyo dagaalka u dhexeeyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ee siyaasadda dibadda ee Somaliland. Waxa ay dad badani sugayaan bal dalka uu Madaxweyne Biixi booqon doono socdaalkiisa ku xiga socdaalkan Guinea iyo heerka loo qaabilo iyo jawaabta uu Farmaajo ka bixin doono. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Warar lagu kalsoon yahay oo na soo gaadhaya ayaa daaha ka rogay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiiradda Deegaanka Somaliland ay isku khilaafeen Qadiyadda Kornayl Caarre. Wasiiraddan oo sida warkani nagu soo gaadhay ku kulmay madal uu Madaxweyne Biixi fadhiyay oo lagu soo hadal qaaday, islamarkaana lagu lafa gurayay Arinta Jabhadda Kornayl Caarre ayaa hadalo kulul iskugu jawaabay kuwaasi oo dareenkii fadhiga wax ka badelay. Xogaha na gaadhaya ayaa sheegay in Marka hore uu Wasiir Maxamed kaahin oo ka hadlayay Jabhadda Kornayl Caare uu Caarre ku tilmaamay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Dawladda Soomaaliya ee Farmaajo islamarkaana uu Halkaasi kasoo dab iyo Mushahar qaato, arintaasi oo uu ku soo daray hadal guud oo uu madasha ka jeediyay. Waxa arintaasi si gaar ah uga cadhootay oo islamarkiiba sida warkani nagu soo gaadhay ka jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Baandare oo ay isku deegaanka kasoo wada jeedaan Kornayl Caare. Waxay ka difaacday Caarre arinta Wasiir kaahin, Waxaana ay sheeegtay inaanay waxaasi waxba ka jirin ee uu Caare yahay nin muwaadin ah oo Somaliland jecel oo duday oo cabanaya islamarkaana cadaalad daro tirsanaya, noocay doonto hanoqotee, waxaanay meel adag ka istaagtay inaan arinta sidaasi loo dhigin iyadoo ka digtay dooda Wasiir Maxamed Kaahin inay fidmo kale sii abuurto. Wararka Foore helay ayaa sheegaya in madashaasi buuq iyo qaylo isku badeshay islamarkaana ay wasiiradda goobta fadhiyay qaab deegaan ula kala safteen Labada Wasiir ee haddalku ka taag taagmay. Source