Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,029
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Qurba-Joogga U Dhashay Gobolka Sanaag Oo Lagu Eedaynayo Inay Ka Qayb Qaataan Colaadda Sokeeye Ee Deegaanka Ceel-Afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Hargeysa (Caasimadda Online) – Saacadihii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta dalka qaarkood waxa ay tebisay in amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya lagu siidaayay Markab sida Xoolo farabadan oo uu ka qaaday dekadda Magalada Berbera,hayeeshee sacuudiga uu ku xayiray dekad ku taalla dalkaas. Hayeeshee waxaa warkaasi sicad u beeniyay Maamulka Soomaaliland oo sheegay in Markabkaas aan lagu siideyn amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), isla markaana wararka ay baahiyeen Warbaahinta uu yahay mid aan waxba ka jirin. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliland Cabduqaadir Cumar Jaamac ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Soomaaliland kula jirto dagaal Ganacsi oo adag,isla markaana Markabkii xoolaha siday ay wadahadal kusii daayeen dad Ganacsato waaweyn oo Reer Soomaaliland ah. Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay haatan tahay mid dooneysa in Soomaaliland kasoo xirto meelo badan,hayeeshee taasi aysan soconeyn, isaga oo sicad u sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya uu siidaayay Markanka Xoolaha siday ee ku xayirnaa dekadad ku taalla dalka Sacuudiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Wasiir-Soomaaliland.mp3Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga. Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan. Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya. Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal. Haddaba, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore. Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda. Source
  4. Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa weerar afka ku qaaday dalalka ay asal ahaan ka soo-jeedaan xildhibaanno Congerss-ka Mareykanka, gaar ahaan Ilhaan Cumar, oo ah Soomaalida Mareykanka. Mr. Trump ayaa Axaddii bartiisa Twitter-ka ku qoray “ Waa wax xiiso leh in aan aragno xubno ka tirsan haweenka Congerss-ka ee Dimoqoraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal uu ka jiro maamul gebi ahaanba qasan, ugu xun, ugu musuq iyo karti xun caalamka oo dil(waa haddii ay gebi ahaanba leeyihiin xukuumad shaqeneysa) ayaa hadan cod dheer, waa iney dalkooda ku laabtaan, soona noqdaan iyaga oo sheegaya sida ay u hagaajiyeen”. Inkasta oo Ilhaan Cumar ay ka jawaabtey, laakin waxaa ay difaacday iney Mareykanka tahay, mana soo hadal qaadin Soomaaliya oo lagu xagliyey, laguna bahdilay qoraalka Trump. Madaxweyne Trump ma sheegin wax magacyo ah, laakin waxaa uu ula jeeday lhan Omar, Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib (D-Mich iyo Ayanna Pressley . Siyaasi Soomaali ah oo ku sugan Mareykanka, codsanada in magaciisa la qariyo, oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrinta uu hadlay Trump tahay Naazinimo, “Asal ahaan waxaa ay ehelkiisa ka yideen Nasi, marka waxaa uu rabaa inuu fikirkaas soo celiyo”. Siyaasiga oo sii hadlayey ayaa yiri “ Qaran ahaa Soomaaliya iney ka hasho ayey aheyd, oo aad sheegto iney ixtiraameyso dalka iyo dadka Mareykanka iyo sida ay u soo dhoweeyeen dadka Soomaalida ah, si dadbn ayaa loogu jawaabi karay, laakin dowlad karti oo geesi ah ayaa la rabaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray duulimaadka casriga ah ee shirkadda Ethiopian Airline oo si rasmi ah uga howlgeli doonta [...] Source
  6. Toronto (SMN) – Ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa si kulul u cambaareyey weerarkii xooganaa ee lagu qaaday magaalada Kismaayo ee caasimadda maamulka Jubbaland ee koonfurta Somalia, kaas oo ay ku dhinteen 26 qof oo ay ku jirto suxufiyad Soomaali-Canadian ah iyo sayigeed. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka Jubbaland, Hodan Naleye oo 43 jir aheyd oo aheyd suuxufiyad deganeyd Toronto iyo ninkeeda Fariid Jaamac, waxay labaduba joogeen Hotel ku yaalla Kismaayo markii Jimcihii ay halkaasi ay xoog ku galeen rag ka tirsan Al-Shabaab, ka dibna ay geysteen qarax iyo toogasho toos ah. Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, ayaa Trudeau waxa uu tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo dadka Soomaaliyeed ee ay Hodan Naaleeye ka geeriyootay. Sidoo kale waxaa qaraxii Kismaayo cambaareeyey wasiirka socdaalka , jinsiyaddaha iyo arrimaha qaxootiga ee Canada Axmed Huseen, isagoo ka tacsiyadeeyey dhibaatadii halkasi ka dhacday, sida laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Hodan Naaleeye ay aheyd suxufiyad soo bandhigi jirtay sheekooyinka dhinaca wanaagsan, uuna waxqabadkeeda ka muuqday Canada. Hodan waxay sanadkii 2014-kii bilowday barnaamij Tv oo la yiraahdo “Integration TV” kaas oo ay kaga hadli jirtay baraamijyada is dhexgalka bulshada. Waxay kaloo aheyd aasaasaha mashruuc lagu wacyigelinayo qaxootiga Soomaaliyeed, kaas oo u doodi jiray qaxootiga Soomaaliyeed ee dunida ku firirsan. View the full article
  7. Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dhul Gariir saacadihii la soo dhaafay ku dhuftay deegaano ka tirsan maamulka Puntland. Hay’adda Indho-indheysay qaab dhismeedka iyo muuqaalka dhulka ee Mareykanka ayaa sheegtay in shalay dhul-ruxan uu ka dhacay waqooyi bari ee Soomaaliya. Sida ku xusan warbixin ka soo baxday U.S. Geological Survey, Dhul Gariirka ayaa ku dhuftay gudaha badda ku beegan tuulada Bereeda oo ka tirsan gobolka Bari. Cabirka Dhul Gariirkaasi ayaa gaarayey 5.0, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay hay’addaasi Sidoo kale badka goobta Dhul Gariirka laga dareemay ayey USGS shaaca ka qaadey in uu deegaankaasi u jiray 171 KM. Ma shaacin hay’addu waxyeelada uu geystay Dhul Gariirkan oo ay xustay in la dareemay abaare fiidkii hore ee xalay. “Waxaa uu saameeyay 10 KM oo isku wareeg ah. Jihadiisa waqooyi waxay ahayd 13.3039 degree iyo 50.449 oo Barri ah,” ayey raacisay. Puntland illaa iyo hadda kama aysan hadlin Dhul Gariirkaasi la soo wariyey, kaas oo dhif iyo naadir ku ah geyiga Soomaaliya. View the full article
  8. In a statement issued Sunday, Prime Minister Justin Trudeau condemned an extremist attack in Somalia which killed 26, including a prominent Somali-Canadian journalist and her husband. According to Somali officials, 43-year-old Hodan Nalayeh, a former Toronto-based journalist, and her husband Farid Jama Suleiman was staying at a hotel in the port city of Kismayo on Friday when gunmen stormed the building. In the statement, Trudeau offered his condolences to Nalayeh’s loved ones. “On behalf of all Canadians, I offer my deepest condolences to the family, friends, and colleagues of Hodan Nalayeh, a Somali-Canadian journalist who, together with her husband Farid, was killed in the terrorist attack in Kismayo, Somalia,” he wrote. “Our thoughts are also with those who were injured or lost loved ones.” He continued, “Canada strongly condemns this heinous attack, and will continue working with Somalia and other international partners to address the root causes of terrorism and violent extremism. “Together, we must create a safer, more peaceful world, where the media freedom so central to healthy democracies and strong societies can flourish.” Somali officials said the attack began with a suicide car bomb blast before gunmen stormed the hotel. Fifty-six people were also injured as a result of the incident. Somalia’s al-Shabab Islamist rebels have since claimed responsibility for the attack. Ahmed Hussein, Canada’s minister of immigration, refugees, and citizenship, expressed his grief on Twitter on Friday. “Through her work as a journalist, Hodan highlighted the community’s positive stories and contributions in Canada. She became a voice for many,” Hussein wrote. Nalayeh’s Integration TV program launched in 2014. During its run, she interviewed guests including former Ontario premier Kathleen Wynne. She was also the founder of the Somali Refugees Awareness Project, a non-profit organization that advocates for Somali refugees across the world. “Ms. Nalayeh’s work showcased positive, uplifting, and inspiring Somali stories, and was a testament to the role of the free press in broadening people’s perspectives and defending diversity and inclusion,” Trudeau wrote in the statement on Sunday. Nalayeh’s friends and family said she will be remembered as a good mother, loving wife, dependable friend, and a storyteller. “Everybody should try to emulate the type of life that she lived, which was follow your passion, love people and always look for the best in everyone,” said Ricardo McRae, a longtime friend of Nalayeh. “I love to see people bring their ideas to life and she was somebody that always took action, always followed through.” Nalayeh is survived by two sons. In a statement, Somali Journalists Syndicate confirmed another journalist Mohamed Omar Sahal, was also killed in the attack. According to the group, Sahal is survived by his wife and four children. “I am shocked and very saddened to learn the death of Hodan and Sahal. We lost two great journalists,” Abdalla Ahmed Mumin, the group’s secretary general said wrote in a tweet. “This is the horror we live in.” View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxtooyada Somaliland ayaa beenisay in la iibinayey Dhismihii khayriyada Hargeysa, kaasi oo lagu deyray Jiingado isla-markaana dhisme laga bilaabay. Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Maxamed Cali Bile iyo Maayar ku-xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Caga-weyne) oo si wada-jir ah Warbaahinta ula hadlay Maanta ayaa sheegay inaan la iibin dhismaha Khayriyada, balse laga dhisayo Guri dhowr dabaq ah, kaasi oo loogu talo-galay inuu noqdo Mad-xaf lagu kaydinayo Taariikhda kala duwan ee Somaliland. Dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay ayaa Baraha Bulshada dhex wareegayey Warar kala duwan, kuwaasi oo qaarkood sheegayeen in khayriyada badhtamaha Hargeysa laga iibiyey Ganacsade. Source
  10. The mayor of Mogadishu Abdirahman Omar Osman has vowed to end armed robbery incidents in the Somali capital. Speaking during a weekly security meeting with members of the security agencies in Mogadishu on Monday, Abdirahman Omar alias Yarisow urged law enforcement agencies to coordinate with district authorities in order to deal with armed criminals that terrorize city residents. “We will continue our operation against armed criminals in the city,” the mayor said, “We are sending a strong warning to those who violet the law.” He added. The Governor of Banadir, Abdirahman Omar Osman thanked members of the public for their cooperating with security agencies on ensuring safety and security of the capital. Two armed criminals were separately shot dead by the police in Karan and Abdulasis districts during operation. View the full article
  11. (SLT-Canada)-Raysal wasaaraha Dalka Kanada ayaa ka hadlay Geerida Suxufiyaddii caanka ahayd ee Hodan Naaleeye iyo Saygeedii Jaamac Fariid, kuwaasi oo ka mid noqday 26 Qof oo lagu dilay Qaraxyo lala beegsaday Huteel ay ku sugnaayeen oo ku yaalla Magaalada Kismaayo, Toddobaadkan. Raysal-wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa Tacsi u diray Ehelkeeda, isagoo sheegay in Hodan Naaleeye ay ka warrami jirtay soo bandhigidda horumarka iyo wanaagga ka socda dalkeeda, taasina keentay in Dhimashadeeda ay ka wada naxaan Soomaalida iyo Dadka Kanada. “Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Kanada oo dhan, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabtii Hodan Nalayeh, oo ah wariye Soomaali-Canadian ah iyo Ninkeedii Fariid oo lagu dilay weerarkii argaggixisada ee Kismaayo..” ayuu qoraal ku sheegay Raysal-wasaaraha Kanada sida uu baahiyey Globalnews.ca, waxaanu intaa ku daray oo uu Tacsi u diray dadka kale ee Weerarkaa ku dhintay, isagoo sheegay inay la jiraan Dadka dhaawacmay “Kanada waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkan naxdinta leh..” Justin Trudeau ayaa sheegay inay sii wadayaan la shaqaynta Dawladda Soomaaliya, waxaanu ku taliyey in laga shaqeeyo Duni nabdoon. Raysal-wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay shaqadii Hodan Naaleeye “Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay Tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanaya horumarrada dalka, dhiiri-gelinta dhallinyarada Soomaalida.” ayuu yidhi, Raysal-wasaaraha Kanada, waxaanu intaa ku daray “Geerida ku timid waxaa si weyn uga naxay dadweynaha Canada iyo dhammaan bulshada Soomaalida ee ku nool dunida..” Hodan Naaleeye oo Ifka kaga tagtay laba Carruur ah oo ay dhashay, ayaa haysatay dhalashada Dalka Kanada. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay taariikhda Somaliland iyo xaaladda hadda taagan, arrimo ay dhawaan bilaabeen siyaabo kala duwan looga hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Failure to act on prior warnings about an impending infiltration and attack of Garissa University College by terrorists facilitated the 2015 raid by Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  14. An earthquake with a magnitude of 5.0 jolted 171 km north-northwest of Bereeda, Somalia at 19:12:24 GMT Sunday, the U.S. Geological Survey said. The epicenter, with a depth of 10 km, was initially determined to be at 13.3039 degrees north latitude and 50.449 degrees east longitude. View the full article
  15. The leader of Hirshabelle regional state of Somalia, Mohamed Abdi Waare reached in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state on Monday. President Waare was welcomed at the airport by Galmudug top officials and is set to meet Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire who is in the town for the past weeks. The PM is resolving the difference between Hiiran Governor, Yusuf Ahmed Hagar who turned down a letter of dismissal from President Warre office earlier but later accepted. Khaire was set to pay a visit in Beledweyn but postponed due to his tight schedule in Galmudug state, where he is putting lots of efforts to hold the state’s elections soon. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Maxamed Daahir Axmed, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku taageeray hadal uu si dadban ugu durayo dalal ay Soomaaliya ku jirto. Maxamed Daahir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yidhi: “Somaliland ahaan, waanu kugu taageersanahay madaxweyne Trump in aaney Muqdisho ka jirin dawlad shaqeynaysaa, Soomaaliya waxay dhiirrigalisaa xasilooni-darrada Bariga Afrika; waayo waa koox shufto ah.” Source
  17. Dhuusamareeb (SMN) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Hir-shabeele Maxamed Cabdi Waare , ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Faarax Wehliye, Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo mas’uuliyiin kale. Madaxwayne Waare ayaa waxa uu sheegay inay Galmudug u yimaadeen bogaadinta howlaha uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado Galmudug iyo xallinta colaad Beeleed dhowaan ka dhacday degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud. “Waxaan halkan u imi Inaan dhiirr gelinno dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu halkan ka wado ee lagu nabadeynayo degaannada Galmudug, Galmudug oo toosta waa Hirshabeelle oo toosta” ayuu yiri Madaxweyne Waare. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa ammaanay geeddi socodka loogu jiro in la helo Galmudug cusub, taas oo uu ku tilmaamay in dhammaan Dadka halkaasi ku dhaqan ay isla Jaan qaadaan, si laysaga Garabsasdo cadowda. Wuxuu sheegay in Hirshabeelle iyo Galmudug aysan kala maarmin, xag nololeed ,xag amni iyo xag wax wada qabsi, wuxuuna sheegay in Labada maamul ay ku nool yihiin Dad walaalo ah oo aan sinnaba ku kala go’in, loona baahan yahay in is kaashadaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa fariin culus loogu diray Ergadii soo xulay xildhibaanda BFS iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab oo ku qornaa luqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa looga dalbaday Ergada inay isa soo diiwan geliyaan. Al-Shabaab ayaa Odayaasha soo doortay baarlamaanka u qabtay muddo 45 cisho oo ka bilaabaneyso maanta oo ah 15/7/2019, illaa 1/9/2019-ka. “Waa inay iska diiwaangeliyaan maamulada wilaayaadka islaamiga ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo 45 maalmood ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Qof kii dhega adeega amarkaasi ay marin doonaan Shareecada Islaamka, sida ay hadalka u dhigeen. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli horay Al Shabaab ay u sheegteen dilal loo geystay qaar ka mid ahaa ergooyinkii wax ku soo doortay xildhibaanada baarlamaanka, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu toogtay gudaha dalka. View the full article
  19. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-15072019.mp3 View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Badhasaab Gobolka Sanaag Oo Ka Hadlay Waan-waanta Laga Dhex Wado Kornayl Caarre iyo Xukuumadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee maamulka Somaliland Maxamed Daahir Axmed ayaa taageeray hadal ka dhan ahaa Soomaaliya oo ka soo baxay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ugu horreyso dalalka uu ka jiro musuqmaasuqa. Inkastoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid wanaagsan islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, ayaa haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu Trump ka qabo arrimaha Soomaaliya. Wasiir Maxamed Daahir Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka hadlay arrintan, isaga oo sheegay in Somaliland aragtidaasi ay ku raacsan tahay Trump. Wuxuu tilmaamay in dowladda ka jirta Xamar ay tahay mid musuqmaasuq ah, sida uu hadalka u dhigay. Somaliland ayaa dadaal badan ku bixineyso xiriirkeeda arrimaha dibadda, si ay u hesho aqoonsi caalami ah, balse waxaa jira caqabado hortaagan ictiraafkeeda. Dhawaan Soomaaliya ayaa xiriirkii u jartay Guinea, kadib markii ay soo dhaweyn sare u sameysay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi. Tallaabadaasi ayaa waxaa ka horyimid Madaxweyne Biixi oo si aad ah ugu dhaliilay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Tan iyo wixii ka dambeeyey markaasi waxaa jiray hadallo xanaf leh oo ka soo yeeray madaxada maamulka Somaliland. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska HargeysaCaasimada@live.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa been ku tilmaantay in raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu ka hawl-galay siideynta Markabkii xoolaha siday ee ku xayirnaa dekedda Jidda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Swarms of locusts have stripped large tracts of farmland across 10 districts in Somaliland, leaving farmers without any crops left to harvest. Source: Hiiraan Online
  24. Guddoomiyaha cusub ee waxbarashada degmada Qardho Mr Faandhe Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan ayaa magacaabay guddoomiyaha Waxbarashada degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar isagoo sidoo kale maamul cusub u magacaabay dugsiga sare ee Sheikh Cusmaan Qardho oo ku yaalla degmadaasi. Wasiirka ayaa guddoomiyaha Waxbarashada degmada Qardho u magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cali (Faandhe) halka uu maamulaha cusub ee dugsiga Sheikh Cusmaan-Qardho u magacaabay Cabdulqaadir Muuse Axmed (Dhiqirje). Sidoo kale maamul ku xigeenka Sheikh Cusmaan Qardho ayaa wasiirku u magacaabay Cabdiraxmaan Ciise Muuse iyo khasnajiga oo loo magacaabay Khadra Cumar Salaad. Wasiirka ayaa isbeddel ku sameeyay maamullada qaar kamid ah dugsiyada sare ee dowladda Puntland isagoo maamulayaal cusub u magacaabay dugsiyada Gambool Cumar Samatar iyo Sheikh Cusmaan-Qardho. Hoos ka akhriso magacaabistooda PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Waxbarashada Qardho iyo maamulka dugsiga sare ee Sheikh Cusmaan oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa sheegay inuu jiro tuhun ku saabsan qaraxii iyo weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo aysan Shabaab kaliya ku laheyn. Xildhibaanka ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Jimcihii uu yahay mid ku cusub Jubbaland oo aheyd meel nabdoon oo xasillooni ka jirtay, balse qaraxaas iyo weerarkaas lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo doorasho ku soo fool leh Jubbaland. “Laamaha ambiga ayaa howsha gacanta ku haya, hotelka la weeraray wuxuu ahaa Hotel cusub oo dadka ay xiiseynayeen, wixii baaritaan iyo xog Hey’addaha Amniga ayaa og, laakiin Shabaab kaliya howl ku eg ma aheyn, howl dad badan ka soo shaqeeyeen oo juhdi iyo waqti la geliyay buu ahaa, mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu isaga ka mid ahaa dadkii ku jiray Hotelka, xilliga la weerarayay, isla markaana labo saac habeenimo laga soo badbaadiyay oo Ciidamada Ammaanka u soo gurmadeen sida uu yiri. Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay muddo ku heysay Jubbaland dagaal curyaamin ah, isla markaana doorashada ku soo fool leh Jubbaland iyo weerarka dhacay ay wax badan iska kaashan karaan. “Gacmo waa weyn ayaa meesha ku jira oo howsha fududeysay, qarax si weyn loo soo agaasimay buu ahaa, doorashada Jubbaland ku soo fool leh, dagaalka dowladda Federaalka kula jirto iyo wax badan baa iskaashanaya tuhun badan ayaa nagu jira”ayuu yiri Xildhibaan Caana-Nuug. Shalay ayey aheyd markii Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Jubbaland uu sheegay inay tuhmayaan in weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Hotel ku yaal Kismaayo uu ahaa mid la soo maleegay oo la doonayay in lagu qalqal geliyo amniga doorashada ku soo fool leh Jubbaland. “Khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira dowladda Federaalka iyo Jubbaland in dadka laga mashquuliyo xaalada kale iyo waxaan tuhmeynaa in Shabaab iyo Villa Somalia uu xiriir ka dhaxeeyo oo xaalada taagan in qalqal amni laga abuuro Kismaayo”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare. Weerarkii jimcihii la soo dhaafay ka dhaca Kismaayo ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, waxaana weerarkaas lagu dilay illaa 26 ruux, halka 50 kalena ku dhaawacmeen, waxaa uu ahaa weerarkii u horeeyay noociisa oo Al-Shabaab ka fuliso Kismaayo. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com