Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,029
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa hawada soo galay Shabakad cusub oo casri ah, islamarkaana dad badan ay aad u hadal hayaan. Website-kann ayaa waxaa lagu magacaabaa Halqaran.com. Mareegta Halqaran.com waa warbaahin cusub oo kaa baahi tiri doonta wararka xaqiiqda ku saleysan, xogagaha hoose iyo wareysiyo dhinacyo badan taabanaya iyo wararka qurba-joogta gaar ahaan dalka Jarmalka. ee Fadlan hadda booqo. Si aad u booqato riix Linkigan: www.halqaran.com
  2. Dagaalkii ay dhawaan dawladda Soomaaliya ku qaaday dawladda Guinea ee ka dhanka ahaa socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas, waxa ay banaanka soo dhigtay heerka uu gaadhsiisanyahay dagaalka ay dawladda Farmaajo ku hayso siyaasadda dibadda ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay socdaalka Guinea wuxuu sheegay inay dhawaan booqan doonaan dalal kale oo aanu magacaabin. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad ayaa sheegay inaanay dawladaha dunida ka ogolaan doonin inay Madaxweynaha Somaliland qaabilaan, iyagoo siinaya maamuus dhammaystiran. Balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa ka jawaabay oo yidhi “Arintaas waxaanu u aragnaa inay tahay mid ay maangaabnimo iyo aragti la’aan ay ku dheehantahay oo aad moodo inay aaminsanyihiin oo ay ku qanacsan yihiin in ay Somaliland u xidhan tahay nasiib darana waxaaba laga yaabaa in aanay ogaynba oo aanay horeba u dareensanayn oo ay imika ku hanbabareen in Somaliland ay dalal badan cilaaqaad la leedahay Afrika,Bariga dhaxe iyo Yuruba oo meel walba ka jira,oo meel walba lagu soo dhaweeyay oo baratakoolkii ay u baahnayd ay heshay, waxaanu rabnaa in aanay Somaliland horena ugu xidhnayn imikana aanay u xidhnaanayn hdadii ay sidaas u dhaqmaana inay dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaas ku baaba’aayo.” Haddaba, waxa la wada sugayaa halka uu ku dambeeyo dagaalka u dhexeeyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ee siyaasadda dibadda ee Somaliland. Waxa ay dad badani sugayaan bal dalka uu Madaxweyne Biixi booqon doono socdaalkiisa ku xiga socdaalkan Guinea iyo heerka loo qaabilo iyo jawaabta uu Farmaajo ka bixin doono. Geeska Qaran News
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-____-Wararka-15072019.mp3 View the full article
  4. Kismaayo (Caasimadda Online) – Maalmihi la soo dhaafay waxay qaraxyo ka dhaceen magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo ay ka mid ahaa magaalooyinka ugu nabdoon dallka Soomaaliya. Jimcihi la soo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ee xaruunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday hoteel Madina oo horay loo oran jiray Cascaseey. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shir jaraaid ku faahfaahiyay dhacdada ayaa xaqiijiyay in 26 ruux oo halkaas ku geeriyootay ay ku jireen 9 ruux oo qurbaha ka tagay. Axaddi shalay ahaydna maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay qarax iyada oo qarax labaadna magaaladaasi laga maqlay.. Qaraxaasi oo la sheegay inuu hal qof uu ku dhintay shan qofna uu qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad yar oo lagu shaaho oo ku taala ka soo horjeedka xarunta Inji oo ay ka shaqeeyaan qaar kamid ah hay’adaha maamulka Galmudug. Shanta qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in afar kamid ah ay ahaayeen, gabadh maqaayadda lahayd iyo sedex caruurra oo ay dhashay. Qaraxaasi ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab waxayna sheegeen sida uu bartilmaameedku sida ay iyagu warkau dhigeen iney halkaasi joogeen saraakiil ka tirsan ciidanka balse ay dhicin. Haddaba qaraxyadaasi magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ka dhacay iyada oo ay magaalooyinkaasi yihiin kuwa aan qarax looga baran oo badnaa maxaa xilligan ku soo beegay maxaana lagu macneyn karaa? Sa’aashaasi waxaan weydiinnay C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaarista ee Heritage: “Waaxaa dhici karta hadda Kismaayo oo kale Dowladda Federaalka iyo maamulka meesha ka jira oo si isku diiddan iney iyaga iskuba diraan iney rabaan oo qoloba qolo tuhunto, oo qoloba qolo eedeyso ama iney arkeen in laga mashquulsan yahay amnigi oo siyaasad lagu mashquulsan yahay ay arkeen. Waxaana dhici karta iney kala jeedaan tan Dhuusamareeb iyo tan Kismaayaba iney weli nool yihiin oo dowladda iyo ajaanibta kale ee ay ishayaan ay dareensiinayaan iney nool yihiin weli kooxda Al-shabaab, ama dadkooda iney niyadda ugu dhisyaaan, ama iney fursada ka helaan meelahaasi oo ay arkeen dad ay bartilmeedsadaan iwm.” “Meelihi amniga lagu tuhunsanaa sida Dhuusamareeb iyo Kismaayana waa iyaga hadda ka dhex kacay marka waxaa loo baahan yahay dadka amniga, siyaasadd iyo hoggaanka dalka lagu ogaa heer gobol iyo heer qaranba iney dhacdooyinkaasi ay cashar ka kororsadaan meesha in diiradda la saaro loo baahan yahay oo ah amniga dalka in la sugo isqabqabsiga iyo isku mashquuliddana ay fursad siineyso dadka amniga culeyska ku haya baa laga korosan karaa runti” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo maanta safar ku yimid magaalada iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jira deegaannada ku xeeran degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan. Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee arrimaha nabadeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug waxa ayna ballan qaadeen in dhankooda ay qayb xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo nabad waarta. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya ayaa u ballan qaaday madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug in dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynnta colaadda dhex martay dadka walalaha ah si loo xoojiyo wadajirka bulshada looga baaqsado dhiig dambe oo daata. View the full article
  6. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay, James Swan. Dhinacyadda ayaa yeeshay kulan gaar ah oo diiradda lagu saarey amniga, weerarkii dhowaan ee Kismaayo iyo doorashooyinka. Axmed Madoobe oo kulanka kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in qodobadii ay kawada hadleen ay ka ahaayeen isku aragti. Doorashadda Jubbaland ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkan, iyadda lagu eedeynayo maamulka caburinta murashaxiinta. View the full article
  7. Dhuusamareeb (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Xarunta Maamulka Galmudug. Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay,mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Magaallada Dhuusamareeb waxa uuna halkaasi kulan soo dhaweyn ah kula la qaatay Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahaan ku sugan Magalaada Dhuusamareb ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada Arrimaha dib uhishiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo Hirshabeelle oo dhowaan dagal uu ku dhex maray deegaano hoostaga degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan. Ra’isulwasaaraha iyo Waare ayaa isku afgartay in si deg deg ah loo xaliyo dagaalada qabiil ee ka taagan Degmada Matabaan. Intaasi kadib Wasiir Dowlada Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Faarax Wehliye iyo Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa ay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kasoo sagootiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan
  8. Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay afgembigii dhicisoobay ee saddex sano kahor ka dhacay Turkiga. Inqilaabkaasi fashilmay oo dhacay 15-kii May 2016-kii kaasi oo ujeedkiisu ahaa in xilka looga tuuro xukuumadda Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa ka hortegay shacab wadankaasi oo uu khasaaro kasoo gaarey. Madaxda Soomaaliyeed ee ka qeybgashay xafladda ayaa dadweynaha Turkiga ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen kooxaha afgembiga abaabulay, waxayna sheegeen in dowladdu adkeynayso xiriirka Ankara. Halkan hoose ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/AAA.mp3 View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan Todobaadle ah oo looga hadlayay dib u habaynta dhaqaalaha iyo hufnaanta maaliyadda ee barnaamijka deyn cafinta SMP. Mudane; Beyle ayaa sheegay in deyn cafin iyo horumar dhaqaalaba ay tahay mid u wada taal Ummadda Soomaaliyeed, taas oo keentay in si wada jir ah loo wada shaqeeyo. “Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhammaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay in aan si wadajir ah u shaqeyno, runtu waxa weeye, haddaan Soomaaliya wada dhisan weyno ogaada cidkale inooma dhisi doonto, ayuu yiri Wasiir Beyle. Dowladda Federaalka ayaa ku guda jirta dedaalladii ugu dambeeyay ee deynta looga saamixi lahaa Soomaaliya. View the full article
  10. Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Ka furmay Shir ay halkaas ku yeelanayaan waxgaradka beel kamid ah beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug. Shirka oo horay loo iclaamiyey in 15-ka bisha oo ku beegneed maanta uu ka furmo magaalada Hobyo ayaa furmay waqtigii loo asteeyey, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Hobyo ka dagay diyaarado siday Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed shirkaas ka qeyb galaya. Shirka ayaa waxaa isugu imaaday Beelaha Habargidir ee dago deegaanada Galmudug, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka Galmudug. Amaanka magaalo xeebeedka Hobyo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana markii uu soo dhamaado shirkaas oo maalmo ka soca doona halkaas lagu wadaa in qodobo laga soo saaro markii uu soo idlaado. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-15072019.mp3 View the full article
  12. Hargeysa (PP) ─ Maamulka iskiis isku magacaabay ee Somaliland ayaa sheegtay inay fashilisay qoshe ay wadday Xukuumadda Federaalka Somalia, kaasoo salka ku haya amar dhawaan kasoo baxay Dowladda Sucuudiga, kaasoo ahaa inay DF uga soo qaataan warqad fasax ah xoolaha ay u dhoofinayaan waddankaas. Hadalkan ayaa laga sheegay kulan ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Somaliland, kaasoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa, C/raxmaan Saylici iyo xubno kale, waxayna ku sheegeen warkooda in DF ay hagar-daamo ku hayso maamulka Somaliland. “Waxaanu cambaareynaynaa weerarada joogtada ah ee ay Dowladda Xamar ku bartilmaameedsanayso horumarka iyo jiritaanka Somaliland, waxayna taasi muujinaysaa cadaawadda aan gabashada lahayn ee ay DF ku hayso shacabka Somaliland,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulankaas. Sidoo kale, Wasiirrada Somaliland ayaa sheegay inaanay qarsoonayn is hor-taaggii bareerka ahaa oo ay madaxda Dowladda Somalia ku hor-joogsadeen xoolo ka dhoofay dekedaha Somaliland, kuwaasoo la isku dayay inaysan ka deign sucuudiga. “Waxaa ayaan-darro ah in madaxda DF ay isku dayeen inay hor-joogsadaan in xoolaha Somaliland aysan ka degin Sucuudiga, balse taas guul-darro ayay kala kulmeen, waxaana nasiib-xumo ah inay sheegeen in amarkooda ay uga dageen xoolahaas sucuudiga,” ayaa mar kale lagu yiri war-murtiyeedka. Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay boqortooyada Sucuudiga uga mahad-celinayso tallaabada geesinnimada leh ee dalkeeda ay ugu ogolaatay xoolaha ka dhoofay Somaliland, kuna garawsatay muhiimada isku socodka ganacsiga ee u dhexeeya Somaliland iyo Sucuudi Carabiya. Ugu dambeyn, Goluhu Wasiirrada Somaliland ayaa warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda, iyadoo go’aanka soo baxay uu muujinayo in xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Somaliland ay gaartay meeshii ugu sarreysay. PUNTLAND POST The post SOMALILAND: Waxaan fashilinay dabin-daabyo ay noo maleegtay Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline. Daahfurka duulimaadyada shirkaddaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ku-xigeenka Madaxa shirkadda Itoobiyaan Airline iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in daahfurka duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline ay tahay guul u soo hoyatay Puntland, waxaa uu hoosta ka xariiqay in guushaasi ku hirgashay isku duubnida shacabka iyo dowladda Puntland. “Waxaan maanta joognaa Garoonka Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Garoowe oo ay astayntiisu soo bilaabatay xilligii Madaxweyneyaashii hore ee Puntland iyo Aniga, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Golaha Xukuumadduna waxaanu ku guulaysanay duulimaadkii ugu horeeyey oo caalami ah inaan hirgelino maadaama uu garoonkani yahay mid caalami ah, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kasoo qayb qaadatay oo ay ugu horeeyaan madaxda shirkadda Itoobiyaan Airline“. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland Soomaaliya inteeda kale uga duwan tahay hogaanka suuban, waxa uu ka digay in dhallinyarada si qaldan loo adeegsado, Puntlandna aanay cidna ka ogolaanayn inay nidaamkeeda burburiyaan. “Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka daah-furay duullimaadyada Ethipian Airlines appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Amniga DF ayaa Muqdihso billabay hawl-gallo lagula dagalamayo kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya shacabka Xamar ku nool, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow. Duqa Muqdisho ayaa shir guddoomiyay shirka ammaanka caasimadda looga hadlay, wuxuuna bogaadiyay olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya ammaanka guud ee caasimadda dalka. Taliyeyaasha amniga gobolka ayaa la wadaagay guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawl-gallo ka dhan ah moorayaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaasoo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, C/casiis, Yaaqshiid iyo Dayniile. Sidoo kale, Taliska ayaa xusay in isbitaalka Madiina ee Muqdisho uu ku naf-waayay mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo C/casiis, kaasoo waaran maxkamadeed horey loogu soo jaray, kaasoo lagu dhaawacay dagaal uu la galay laamaha amniga dhaawacaasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday. Dhanka kale, Inj. Yariisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka Muqdisho iyo taliyeyaash ciidamada inay si adag uga hor-tagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya ammaanak guud ee caasimadda. “Waan wadaynaa ololahan, waxaana si adag uga digeynaa kuwa caadeystay inay iska indho-tiraan nidaamka iyo amarrada lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa uga mahaceliyay bulshada Muqdihso ku nool sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna laamaha amniga ula wadaagayaan xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baada dadka Xamar ku nool. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Muqdisho ka billowday Qorshe lagula dirirayo Burcadda hubeysan appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday Hay’adaha Qaramada Midoobay. Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka. Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland taasoo ka hor imaaneyso amarkii dhawaan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa in Doorasho lagu qabto akadeemiyada Booliska Jubbaland ama Xarunta Qaramada Midoobay. Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii Al Shabaab ee lagu qaaday Hotel Madiina waxaa Safiirku uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Maamulka iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso. Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimahaasna ay Qaramada Midoobay ka tageerayso Jubbaland. Waxaa uu intaas ku daray in ay doonayaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin isla markana masuuliyadeeda ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay gudiga doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Isniinta maanta ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airline ay ka bilowday garoomada Puntland ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo dowladda. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan dowladnimada Puntland iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada waxaana uu si weyn uga digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta hannaanka dowladnimo ee Puntland ka dhisan. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in Puntland looga daydo horumarka ay gaartay mudadii ay jirtay isagoo ballan qaaday in uu sii wadi doono horumarka iyo maalgeshiga ka socda degaannada Puntland si loo gaaro mustaqbal wanaagsan. Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan xukuumadda Puntland ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku eedaysay in uu baal-maray hab-maamuuskii loogu tala-galay xilli uu booqanayey waqooyiga Gaalkacyo uuna u khudbeeyay dhalinyaro badan oo meel ugu diyaarsana. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo si adag uga digay in dhalinyarada Puntland la kiciyo si loo wiiqo jiritaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. The driver was alone in the vehicle and was headed to Takaba from Mandera town along the newly tarmacked Rhamu-Elwak road when the explosion happened on Monday. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa fariin hanjabaad ah u dirtay maamulka Shirkadda Dahabshiil ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaana soo baxaya cabsi ay qabaan Shaqaalaha Shirkadaasi. Xubno katirsan Xawaaladda iyo Bankiga Dahabshiil ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wajahayaan xaalad Qatar ah kadib markii lagu wargeliyay hanjabaadda Daacish ee ka dhanka ah Dahabshiil. Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in shir deg deg ah loo qabtay dhamaan Shaqaalaha Shirkadda Dahabashiil islamarkaana ay kulamadaasi ka dhaceen xarun walba oo ay leedahay Shirkadda Dahabshiil waxaana lagu wargeliyay in ay taxadaraan. “Waxaa noola sheegay in ay jirto baqdin amaanka ah kadib markii ay Daacish u hanjabtay maamulka iyo shaqaalaha Dahabshiil” ayuu yiri qof aan la hadalnay oo katirsan Shirkadda Dahabshiil. Daacish ayaa ka doonaya Dahabshiil malaayiin lacag ah oo ay ku sheegeen in loogu adeegayo dadka Islaamka ah, sida ay hadalka u dhigeen. Daacish waxay Dahabshiil ka dooneysaa lacag aan yareyn oo ku dhawaad 10 Malyan oo Dollar ah waxaana maamulka Shirkadda ay sheegeen in aysan awoodin bixinta lacagtaas. Hore Daacish waxay toogasho ku dishay xubno badan oo ka tirsan Shirkadda Hormuud kadib markii ay diiday bixinta lacag ay ka dooneysay Daacishta Soomaaliya waxayna hadda u muuqaataa in Dahabshiil ay marayso xaaladdi Hormuud. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday Hay”adaha Qaramada Midoobay. Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka. Madaxweynahu wuxuu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay masuuliyad u taala Jubbaland. Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii Argagixisonimo ee lagu qaaday Hotel Madiina waxaa Safiirku uu sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Dowlada iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso. Waxaa kale oo danjirahu uu sheegay in kulanka isaga iyo Madaxweynaha lagaga hadlay kobcinta dhaqaalaha iyo Dowlad wanaaga arimahaasna ay Qaramada Midoobay ka tageerayso Jubbaland. Waxaa uu intaas ku daray in ay doonayaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin isla markana masuuliyadeeda ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay gudiga doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay. PUNTLAND POST The post Madadxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Arrinta Xoolaha, isaga oo dawladda Farmaajo ku canaantay tallaabadda ay ku xayirtay xoolaha Somaliland. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku yidhi: “Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha. Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummadeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga. Gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay. Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo. Dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan. Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya.” Source
  21. Waxaa magaalada Hobyo, ee gobolka Mudug maanta gaaray xildhibaanno iyo Senatorro ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaannada tagay waxaa ka mid ah: Xildhibaan Axmed Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo Senetor Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana la filayaa in mas’uuliyiin kale ay tagaan berri iyo maalmaha xiga. Ujeedka Hobyo loo tagayo waa shirka dib u heshiisiinta beelaha Habargidir, kaas oo muddo lagu jiray qaban-qaabadiisa. Xildhibaan Axmed Fiqi oo goordhow la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ajiibo dacwada u timid ee ka qeyb galka shirka, isaga oo intaasi raaciyey in wanaag badan, oo xoojina midnimada iyo kalsoonida beelaha walaalaha uu ka soo bixi doonno. Wararka kale ee Hobyo laga helayo ayaa sheegaya in martida loo diyaariyey soo dhoweyn, dadka reer Hobyo waxaa ay ka guureen halkii ay deganaayeen iyaga oo martida u banneeyey guryahooda, waxaa la diyaariyey guryo ku filan dhammaan wufuudda la filayo iney halkaasi tagaan. Shirkan ayaa imaanaya iyada uu ra’isul wasaare Kheyre Dhuusamareeb uga dhawaaqey in shir dib u heshisiin lagu qabto magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com