-
Content Count
209,040 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington – President Donald Trump, under fire for tweets attacking Rep. Ilhan Omar and three other first-term Democratic congresswomen, renewed his assault on the Minnesota Democrat on Monday during a formal presentation before dozens of business owners gathered on the South Lawn to celebrate American entrepreneurship. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisada ka dhex-taagan Dowlada Somaliya iyo Somaliland ee ku aadan xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ka xunyahay culayska ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ka soo wajahay markabkii ay xooluhu saarnayen ee ku xayirnaa dekeda Jeddah. Xasan ayaa sidoo kale weeraray dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadu ka marantahay in la siyaasadeyo arrimaha horumarinta iyo ganacsiga oo uu sheegay inay si toos ah u taabanayan muwaadinka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona dowlada Somaliya ku booriyey in nolosha dadka Somaliyeed laga hormariyo wax-walba, isla markaana baaq u direy dowlada iyo shacabka reer Somaliland, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku kasoo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha. Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummaddeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay. Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo, dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan. Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya”. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha u dhoofiya dalalka Carabta, ayaa sanadkan wajahaya caqabado iyo cadaadisyo hor leh. Somaliland ayaa culeys xoogan kala kulmeysa dalka Cuman, taasi oo shuruud uga dhigtay xoolaha loo dhoofinayo inay soo maraan Ganacsato iskaashato reer Puntland. Iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ayaa dadaalo badan kadib waxay ku guuleysteen sidii ay kooto ugu xiran lahaayen xoolaha loo dhoofiyo dalka Cumaan. Talaabadan ayaa waxay ganacsatada dekeda Berbera ka dhoofin jirey xoolaha ku qasbaysa inay soo maraan iskaashatadan reer Puntland, oo ay u daba fariistan xoolaha ay u dhoofinayan dalka Cuman. Ganacsatada Somaliland ayaa markii hore talaabadan ku gacan sayray inkasta oo markii dambe ku qasbanaaden inay ogolaanshiyaha lagu dhoofinayo Xoolaha Somaliland ay ka soo qaatan Iskaashatada Maamulka Puntland. Somaliland ayaa bil walba xoolo kumanaana u dhoofisa dalka Cumaan, isla markaan waa suuqa saddexaad ee ay u dhoofiso xoolaheeda. Sacuudiga ayaa isaguna hore u soo saaray go’aan Somaliland ku qasbaya inay warqadda caafimaadka xoolaha kasoo qaadato dowladda Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland si adag uga hor timid. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ganacsatada Somaliland ee Xoolaha u Dhoofiya Cumaan oo Lagu Qasbay inay Oggolaansho (Fasax) u Doontaan Boosaaso Qaar ka tirsan Ganacsatada reer Somaliland ee Xoolaha u dhoofiya waddamada Carabta, ayaa caqabado hor leh waajahaya, ka dib markii ay culays iyo cadaadis xooggan saareen qaar ka tirsan iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ee ku dhaqan dalka Cuman, ka dib markii ay kooto ku xidheen in iyaga keliya ay cidda xoolo u dhoofinaysa Cuman ka qaateen. Inkasta oo ay ganacsatada reer Somaliland is-adkeeyeen oo ay diideen qorshahaas reer Puntland ay u daba-fadhiisanayaan oggolaanshaha xoolaha loo dhoofiyo Cuman oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, ee ay Dekedda Berbera ka rari jireen, haddana waxay qaarkood ku qasbanaadeen oo ay aqbaleen markay xal kale waayeen inay oggolaanshaha xoolaha ay Cumaan u dhoofiyaan weydiistaan ganacsatada reer Puntland ee iyaga qorshohoodu hirgelay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan ganacsatada oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ku kala sugan, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin. Sida ay warbaahintu ogaatay, Suuqa koobaad ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida oo Somalilandna marin muhiim ah u tahay, ayaa ah Boqortooyada Sucuudiga, Suuqa labaad ayaa Yemen ah iyo Suuqa saddexaad ee dhoofka Xoolaha oo dalka Cumaan ah, isla markaana Xoolo lagu qiyaaso 10,000 (Toban kun) oo Dibi oo ka dhoofa Dekedda Berbera, ayaa bil kasta la geeyaa dalka Cuman. Hase-yeeshee, nasiib-darro kama faa’iidaystaan Dadka reer Somaliland fursaddaa, ee waxa ka faa’iidaysta ganacsatada reer Puntland, kuwaas oo iyaga iyo wakiillo Hargeysa iyo Berbera u joogaa culays badan oo dhanka gaadiidka ah ay saareen ganacsatada reer Somaliland, sida ay xubno si dhaw ula socdaa warbaahinta u xaqiijiyeen. Arrintan, ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambaysay Dallad guud oo ay samaysteen Iskaashatada xoolaha u dhoofiya Cuman ee reer Puntland, taasoo go’aamisay inaan loo oggolaan qofka ganacsadaha ah ee reer Somaliland inuu Xoolo ka dhoofiyo Berbera oggolaanshahooda la’aantii. Iskaashatadaasi waxay dejisay qorshe iyo nidaam lagaga hortegayo inay ku soo biiraan ganacsatada reer Somaliland Suuqa dhoofka Xoolaha ee dalka Cumaan. Waxaana ka mid ah: Oo Taasi kelliftay qofka raba inuu Cumaan xoolo u diro inuu la hadlo oo waliba baryo amma cid garasho u maro Nin Boosaaso joogaa inuu u oggolaado inay xoolihiisu Berbera ka dhoofaan oo Doonta loo saaro, haddii uu diidana ganacsadaha reer Somaliland waxa qasab ku noqonaysa inuu xoolihii uu watay Berbera kaga iibiyo markuu waayo Doon u qaadda. Waxay beddeleen nidaamka caafimaadinta Maxjarrada, taas oo macnaheedu yahay inay maxjarradii loogu talo-galay caafimaadinta xoolaha ka dhigeen goob danahooda loogu adeego. Hannaanka caafimaadinta Xoolaha waxa weeye in Maxjarrada muddo lagu caafimaadiyo, deedna laga raro. Hase-yeeshee, taas beddelkeeda waxa dhacda in xoolaha ganacsatada reer Somaliland maxjarrada joogaan 30 maalmood illaa 45 cisho, halka xoolaha ganacsatada reer Puntland ay xoolohoodu joogaan hal amma 2 maalmood, mararka qaarkoodna saacado kooban oo gaadhiga Wajaale ka soo qaaday Doonta ku wareejiyo, iyagoon maxjarka galinba . Arintaasi oo mustaqbalka fog saamayn kuleh sida laysugu hallayn karo caafimaadinta maxjarrada dalka ee Berbera ku yaalla, maaddaama oo aan loo sinayn. Caqabadaha kale ee ay ganacsatadan reer Somaliland wajahayaan waxa sii adkeeyey oo iyaduna caqabad kale ah, Gaadiidka Badda ee ee ugu badan ee Cumaan xoolaha geeyaa, ayaa Doonyo ah, iyadoo la ogyahay in Shixnadaha ugu badan ee Berbera yimaaddaa Maraakibi keento oo ay Berbera Doonyuhu ku yaryihin, waxa badanka laga soo kiraystaa Boosaaso iyo Yemen. Dillaalinta Doonyaha badankooduna waa reer Puntland, waxaanay heshiis ku gaadheen in markasta ganacsatada reer Puntland laga horreysiiyo cid walba oo kale. Tusaale haddii Maxjarka xoolo ku jireen 2 bilood oo ganacsatada reer Somaliland leeyihin, waxa ka horraynaya mararka qaar oo laga hor mariyaa amma laga hor raraa kuwa 1 maalin ku jiray maxjarka ee reer Puntland leeyihin. Arrintan, ayaa timi ka dib, markii dowladda Sucuudigu soo saartay qoraal ay Somaliland iyo Ganacsatada xoolaha ka rara-ba kula socodsiisay inaanay aqbali doonin Xoolo Somaliland ka dhoofa oo aan wadan warqadda caddaynta caafimaadinta ee ay bixiso wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Federaalka Soomaaliya. Balse Xukuumadda Somaliland, ayaa ku gacan-saydhay shuruuddaa Sucuudigu ku xidhay xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera. Diidmada dowladda Somaliland, waxay sababtay in Markab toddobaadkii hore dekedda Berbera Xoolo ka qaaday, bilawgii toddobaadkan lagu xannibay dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga, iyadoo wasaaradda Xoolaha u qaabbilsan Sucuudigu ku xidhay shuruudda ay hore u shaacisay ee ah inaanu Warqaddii oggolaanshaha ka haysan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo muddo dhawr maalmood ah xannibnaa, ayey Xukuumadda Somaliland sheegtay maanta in la dejiyey Xoolihii Markabkaas saarnaa, waxaanay beenisay inay dowladda Soomaaliya oggolaatay amma codsatay in warqad la’aan lagu dejiyo Xoolahaas. Hase-yeeshee, warar xog-ogaal ah oo warbaahintu helayso, ayaa sheegaya in Sucuudigu wadahadallo dhinacyada Somaliland, Soomaaliya iyo Ganacsatada Carbeed iyo kuwa reer Somaliland ee xoolaha lahaa iyo dowladda Sucuudiga dhex-maray lagu dejiyey shixnadda Markabkaas warqad la’aan, iyadoo dowladda Sucuudigu ku adkaysatay in wixii markabkaa ka dambeeya aanay aqbali doonin in dalkeeda la geeyo Xoolo aan warqadda oggolaanshaha amma caddaynta caafimaadka ka sidan dowladda Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland, geesteeda warka ay maanta golaha wasiirradu soo saareen kumay sheegin in xooluhu toos u tegi doonaan Sucuudiga xilligan Mooshinka Xajku bilaabmayo, balse waxa war-saxaafadeedka golaha wasiirrada lagu xusay in Xukuumadda Somaliland Suuqyo kale oo cusub u raadin doonto xoolaha. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa diiday in dib u dhis lagu sameeyo goobo Ganacsi oo ay weerareen bishii March ee sanadkaan 2019, kuwaas oo ku yaala wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Qoraalo lala wadaagay milkiilayaasha hotelladan – oo aan magacyadooda qarinay – in aan dib u dhis lagu sameyn karin goobahaas ganacsi oo ku bur buray weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen hoteeladaasi. Al-Shabaab ayaa ku sheegay in goobahaan Ganacsi ay qayb ka yihiin goobaha dadka lagu fasahaadiyo iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka, sidaas darteedna aysan dooneyn in dib loo dhiso mar dambe. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay goobahaas ay degaan u yihiin wax ay ugu yeereen Gaalo islamarkaana aysan sii jiri karin sida ay hadalka u dhigeen. Kaliya mid ka mid ah hoteelladan ayaa dhismihiisa socdaa waxaana inta kale la sheegay in la joojiyay dhismahooda. Amarkaan soo baxay bilo ka hor ayaa ilaa hadda jira waxaana muuqata in Al-Shabaab goobihii Ganacsi ay bur buriyeen ay diideen in dib loo dhismo waana arrin ku cusub Soomaaliya. Al-Shabaab sidoo kale sheegay in dhismaha Goobahaan ganacsi ay qayb ka qaadaneyso Dowladda Soomaaliya hadii la dhisana waxay sheegayn in ay dilo doonaan dhamaan shaqaalaha iyo maamulka hoteelada sida ay hadalka u dhigeen. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha Wasiirada Somaliland ayaa shalay kulan aan caadi aheyn yeeshay, kaasi oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa lagaga hadlay xiisada siyaasadeed iyo dhaqaale ee kala dhaxeysa DF Somalia. Golaha ayaa si weyn u cambaareyay weeraro ay sheegen inay Dowlada Somaliya ku hayso Somaliland, kuwaasi oo ay ku carqaladeynayso dhaqaalaha Somaliland, waxaana sidaasi lagu sheegay War-murtiyeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, wuxuuna u dhigna sidan: “Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Somaliland. Waxana ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga. Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan. Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya. Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal. Haddaba, dawladda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore. Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda”. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waxaa hawada soo galay Shabakad cusub oo casri ah, islamarkaana dad badan ay aad u hadal hayaan. Website-kann ayaa waxaa lagu magacaabaa Halqaran.com. Mareegta Halqaran.com waa warbaahin cusub oo kaa baahi tiri doonta wararka xaqiiqda ku saleysan, xogagaha hoose iyo wareysiyo dhinacyo badan taabanaya iyo wararka qurba-joogta gaar ahaan dalka Jarmalka. ee Fadlan hadda booqo. Si aad u booqato riix Linkigan: www.halqaran.com
-
Dagaalkii ay dhawaan dawladda Soomaaliya ku qaaday dawladda Guinea ee ka dhanka ahaa socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas, waxa ay banaanka soo dhigtay heerka uu gaadhsiisanyahay dagaalka ay dawladda Farmaajo ku hayso siyaasadda dibadda ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay socdaalka Guinea wuxuu sheegay inay dhawaan booqan doonaan dalal kale oo aanu magacaabin. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad ayaa sheegay inaanay dawladaha dunida ka ogolaan doonin inay Madaxweynaha Somaliland qaabilaan, iyagoo siinaya maamuus dhammaystiran. Balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa ka jawaabay oo yidhi “Arintaas waxaanu u aragnaa inay tahay mid ay maangaabnimo iyo aragti la’aan ay ku dheehantahay oo aad moodo inay aaminsanyihiin oo ay ku qanacsan yihiin in ay Somaliland u xidhan tahay nasiib darana waxaaba laga yaabaa in aanay ogaynba oo aanay horeba u dareensanayn oo ay imika ku hanbabareen in Somaliland ay dalal badan cilaaqaad la leedahay Afrika,Bariga dhaxe iyo Yuruba oo meel walba ka jira,oo meel walba lagu soo dhaweeyay oo baratakoolkii ay u baahnayd ay heshay, waxaanu rabnaa in aanay Somaliland horena ugu xidhnayn imikana aanay u xidhnaanayn hdadii ay sidaas u dhaqmaana inay dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaas ku baaba’aayo.” Haddaba, waxa la wada sugayaa halka uu ku dambeeyo dagaalka u dhexeeyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ee siyaasadda dibadda ee Somaliland. Waxa ay dad badani sugayaan bal dalka uu Madaxweyne Biixi booqon doono socdaalkiisa ku xiga socdaalkan Guinea iyo heerka loo qaabilo iyo jawaabta uu Farmaajo ka bixin doono. Geeska Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-____-Wararka-15072019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Maalmihi la soo dhaafay waxay qaraxyo ka dhaceen magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo ay ka mid ahaa magaalooyinka ugu nabdoon dallka Soomaaliya. Jimcihi la soo dhaafay waxaa magaalada Kismaayo ee xaruunta ku meel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday hoteel Madina oo horay loo oran jiray Cascaseey. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, oo shir jaraaid ku faahfaahiyay dhacdada ayaa xaqiijiyay in 26 ruux oo halkaas ku geeriyootay ay ku jireen 9 ruux oo qurbaha ka tagay. Axaddi shalay ahaydna maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay qarax iyada oo qarax labaadna magaaladaasi laga maqlay.. Qaraxaasi oo la sheegay inuu hal qof uu ku dhintay shan qofna uu qaraxaasi dhaawac uu ka soo gaaray. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad yar oo lagu shaaho oo ku taala ka soo horjeedka xarunta Inji oo ay ka shaqeeyaan qaar kamid ah hay’adaha maamulka Galmudug. Shanta qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in afar kamid ah ay ahaayeen, gabadh maqaayadda lahayd iyo sedex caruurra oo ay dhashay. Qaraxaasi ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-shabaab waxayna sheegeen sida uu bartilmaameedku sida ay iyagu warkau dhigeen iney halkaasi joogeen saraakiil ka tirsan ciidanka balse ay dhicin. Haddaba qaraxyadaasi magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb ka dhacay iyada oo ay magaalooyinkaasi yihiin kuwa aan qarax looga baran oo badnaa maxaa xilligan ku soo beegay maxaana lagu macneyn karaa? Sa’aashaasi waxaan weydiinnay C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah Agaasimaha Machadka Cilmibaarista ee Heritage: “Waaxaa dhici karta hadda Kismaayo oo kale Dowladda Federaalka iyo maamulka meesha ka jira oo si isku diiddan iney iyaga iskuba diraan iney rabaan oo qoloba qolo tuhunto, oo qoloba qolo eedeyso ama iney arkeen in laga mashquulsan yahay amnigi oo siyaasad lagu mashquulsan yahay ay arkeen. Waxaana dhici karta iney kala jeedaan tan Dhuusamareeb iyo tan Kismaayaba iney weli nool yihiin oo dowladda iyo ajaanibta kale ee ay ishayaan ay dareensiinayaan iney nool yihiin weli kooxda Al-shabaab, ama dadkooda iney niyadda ugu dhisyaaan, ama iney fursada ka helaan meelahaasi oo ay arkeen dad ay bartilmeedsadaan iwm.” “Meelihi amniga lagu tuhunsanaa sida Dhuusamareeb iyo Kismaayana waa iyaga hadda ka dhex kacay marka waxaa loo baahan yahay dadka amniga, siyaasadd iyo hoggaanka dalka lagu ogaa heer gobol iyo heer qaranba iney dhacdooyinkaasi ay cashar ka kororsadaan meesha in diiradda la saaro loo baahan yahay oo ah amniga dalka in la sugo isqabqabsiga iyo isku mashquuliddana ay fursad siineyso dadka amniga culeyska ku haya baa laga korosan karaa runti” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo maanta safar ku yimid magaalada iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jira deegaannada ku xeeran degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan. Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee arrimaha nabadeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug waxa ayna ballan qaadeen in dhankooda ay qayb xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo nabad waarta. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya ayaa u ballan qaaday madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug in dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynnta colaadda dhex martay dadka walalaha ah si loo xoojiyo wadajirka bulshada looga baaqsado dhiig dambe oo daata. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay, James Swan. Dhinacyadda ayaa yeeshay kulan gaar ah oo diiradda lagu saarey amniga, weerarkii dhowaan ee Kismaayo iyo doorashooyinka. Axmed Madoobe oo kulanka kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in qodobadii ay kawada hadleen ay ka ahaayeen isku aragti. Doorashadda Jubbaland ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkan, iyadda lagu eedeynayo maamulka caburinta murashaxiinta. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Xarunta Maamulka Galmudug. Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay,mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Magaallada Dhuusamareeb waxa uuna halkaasi kulan soo dhaweyn ah kula la qaatay Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahaan ku sugan Magalaada Dhuusamareb ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada Arrimaha dib uhishiisiinta Beelaha daga Galmudug iyo Hirshabeelle oo dhowaan dagal uu ku dhex maray deegaano hoostaga degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan. Ra’isulwasaaraha iyo Waare ayaa isku afgartay in si deg deg ah loo xaliyo dagaalada qabiil ee ka taagan Degmada Matabaan. Intaasi kadib Wasiir Dowlada Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Faarax Wehliye iyo Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa ay Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kasoo sagootiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan
-
Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay afgembigii dhicisoobay ee saddex sano kahor ka dhacay Turkiga. Inqilaabkaasi fashilmay oo dhacay 15-kii May 2016-kii kaasi oo ujeedkiisu ahaa in xilka looga tuuro xukuumadda Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa ka hortegay shacab wadankaasi oo uu khasaaro kasoo gaarey. Madaxda Soomaaliyeed ee ka qeybgashay xafladda ayaa dadweynaha Turkiga ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen kooxaha afgembiga abaabulay, waxayna sheegeen in dowladdu adkeynayso xiriirka Ankara. Halkan hoose ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/AAA.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan Todobaadle ah oo looga hadlayay dib u habaynta dhaqaalaha iyo hufnaanta maaliyadda ee barnaamijka deyn cafinta SMP. Mudane; Beyle ayaa sheegay in deyn cafin iyo horumar dhaqaalaba ay tahay mid u wada taal Ummadda Soomaaliyeed, taas oo keentay in si wada jir ah loo wada shaqeeyo. “Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhammaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay in aan si wadajir ah u shaqeyno, runtu waxa weeye, haddaan Soomaaliya wada dhisan weyno ogaada cidkale inooma dhisi doonto, ayuu yiri Wasiir Beyle. Dowladda Federaalka ayaa ku guda jirta dedaalladii ugu dambeeyay ee deynta looga saamixi lahaa Soomaaliya. View the full article
-
Hobyo (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug Ka furmay Shir ay halkaas ku yeelanayaan waxgaradka beel kamid ah beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug. Shirka oo horay loo iclaamiyey in 15-ka bisha oo ku beegneed maanta uu ka furmo magaalada Hobyo ayaa furmay waqtigii loo asteeyey, waxaana saacadihii lasoo dhaafay Hobyo ka dagay diyaarado siday Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed shirkaas ka qeyb galaya. Shirka ayaa waxaa isugu imaaday Beelaha Habargidir ee dago deegaanada Galmudug, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka Galmudug. Amaanka magaalo xeebeedka Hobyo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana markii uu soo dhamaado shirkaas oo maalmo ka soca doona halkaas lagu wadaa in qodobo laga soo saaro markii uu soo idlaado. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-15072019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (PP) ─ Maamulka iskiis isku magacaabay ee Somaliland ayaa sheegtay inay fashilisay qoshe ay wadday Xukuumadda Federaalka Somalia, kaasoo salka ku haya amar dhawaan kasoo baxay Dowladda Sucuudiga, kaasoo ahaa inay DF uga soo qaataan warqad fasax ah xoolaha ay u dhoofinayaan waddankaas. Hadalkan ayaa laga sheegay kulan ay maanta yeesheen golaha wasiirrada Somaliland, kaasoo ay goobjoogayaal ka ahaayeen, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa, C/raxmaan Saylici iyo xubno kale, waxayna ku sheegeen warkooda in DF ay hagar-daamo ku hayso maamulka Somaliland. “Waxaanu cambaareynaynaa weerarada joogtada ah ee ay Dowladda Xamar ku bartilmaameedsanayso horumarka iyo jiritaanka Somaliland, waxayna taasi muujinaysaa cadaawadda aan gabashada lahayn ee ay DF ku hayso shacabka Somaliland,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulankaas. Sidoo kale, Wasiirrada Somaliland ayaa sheegay inaanay qarsoonayn is hor-taaggii bareerka ahaa oo ay madaxda Dowladda Somalia ku hor-joogsadeen xoolo ka dhoofay dekedaha Somaliland, kuwaasoo la isku dayay inaysan ka deign sucuudiga. “Waxaa ayaan-darro ah in madaxda DF ay isku dayeen inay hor-joogsadaan in xoolaha Somaliland aysan ka degin Sucuudiga, balse taas guul-darro ayay kala kulmeen, waxaana nasiib-xumo ah inay sheegeen in amarkooda ay uga dageen xoolahaas sucuudiga,” ayaa mar kale lagu yiri war-murtiyeedka. Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay boqortooyada Sucuudiga uga mahad-celinayso tallaabada geesinnimada leh ee dalkeeda ay ugu ogolaatay xoolaha ka dhoofay Somaliland, kuna garawsatay muhiimada isku socodka ganacsiga ee u dhexeeya Somaliland iyo Sucuudi Carabiya. Ugu dambeyn, Goluhu Wasiirrada Somaliland ayaa warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda, iyadoo go’aanka soo baxay uu muujinayo in xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Somaliland ay gaartay meeshii ugu sarreysay. PUNTLAND POST The post SOMALILAND: Waxaan fashilinay dabin-daabyo ay noo maleegtay Dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline. Daahfurka duulimaadyada shirkaddaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ku-xigeenka Madaxa shirkadda Itoobiyaan Airline iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in daahfurka duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline ay tahay guul u soo hoyatay Puntland, waxaa uu hoosta ka xariiqay in guushaasi ku hirgashay isku duubnida shacabka iyo dowladda Puntland. “Waxaan maanta joognaa Garoonka Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Garoowe oo ay astayntiisu soo bilaabatay xilligii Madaxweyneyaashii hore ee Puntland iyo Aniga, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Golaha Xukuumadduna waxaanu ku guulaysanay duulimaadkii ugu horeeyey oo caalami ah inaan hirgelino maadaama uu garoonkani yahay mid caalami ah, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kasoo qayb qaadatay oo ay ugu horeeyaan madaxda shirkadda Itoobiyaan Airline“. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland Soomaaliya inteeda kale uga duwan tahay hogaanka suuban, waxa uu ka digay in dhallinyarada si qaldan loo adeegsado, Puntlandna aanay cidna ka ogolaanayn inay nidaamkeeda burburiyaan. “Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka daah-furay duullimaadyada Ethipian Airlines appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Amniga DF ayaa Muqdihso billabay hawl-gallo lagula dagalamayo kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya shacabka Xamar ku nool, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Yariisow. Duqa Muqdisho ayaa shir guddoomiyay shirka ammaanka caasimadda looga hadlay, wuxuuna bogaadiyay olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya ammaanka guud ee caasimadda dalka. Taliyeyaasha amniga gobolka ayaa la wadaagay guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawl-gallo ka dhan ah moorayaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaasoo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, C/casiis, Yaaqshiid iyo Dayniile. Sidoo kale, Taliska ayaa xusay in isbitaalka Madiina ee Muqdisho uu ku naf-waayay mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo C/casiis, kaasoo waaran maxkamadeed horey loogu soo jaray, kaasoo lagu dhaawacay dagaal uu la galay laamaha amniga dhaawacaasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday. Dhanka kale, Inj. Yariisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka Muqdisho iyo taliyeyaash ciidamada inay si adag uga hor-tagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya ammaanak guud ee caasimadda. “Waan wadaynaa ololahan, waxaana si adag uga digeynaa kuwa caadeystay inay iska indho-tiraan nidaamka iyo amarrada lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa,” ayuu yiri Inj. C/raxmaan Yariisow. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa uga mahaceliyay bulshada Muqdihso ku nool sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna laamaha amniga ula wadaagayaan xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baada dadka Xamar ku nool. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Muqdisho ka billowday Qorshe lagula dirirayo Burcadda hubeysan appeared first on Puntland Post.