Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,031
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Somali government will roll out an annual award scheme in honour of Hodan Nalaye, a Somali-Canadian TV host who was killed late last week in the city of Kismayo in an Al-Shabaab attack. Source: Hiiraan Online
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhawaan ka dhaceysa maamul goboleedkaas. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay magaalada Kismaayo shalay iyo kulamo uu halkaas kula yeeshay madaxda Jubaland. Swan ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Guddiga xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xubnaha labada aqal ee Federaalka ee ka soo jeeda Jubaland. Waxaa uu ka tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee sababay dhimashada 26-ka qof iyo dhaawaca 56 kale, islamarkaana ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Mr James ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay soo jeedineyso in doorashada Jubaland waqtigeeda ku dhacdi islamarkaana wax rabshado ah aysan gelin. Waxaa kale oo uu sheegay in uu ka digayo faragelin nooc kasta oo ay tahay oo lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhaceysa Bisha August. Doorashada Jubaland ayaa waxaa isku haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dooneysa inay maamusho iyo Axmed Madoobe oo diidan. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa Miino lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday saldhig ay ku leeyihiin deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee ciidamada Itoobiya. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  4. Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sannad walba bixin doonto Abaal-marin loogu magac-daray Hodon Naaleeye oo ahayd gabar weriye ah oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo. Gabadha weriyaha oo mudda dheer ku noolayd waddanka Canada ayaa sannadihii u dambeeyay ku sugnayd gudaha dalka iyadoo ka shaqeynaysay barnaamijyo dhiirri-gelinaya bilicda nabadda iyo horumarka ka socda gudaha Soomaaliya si ay ugu soo dhiirradaan qurba-joogta dalka u dhashay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sannad waliba abaal-marinno guddoon-siin doonto hadba qofkii ka tirsan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu wax muuqda qabtay iyadoo abaal-marintaasi lagu xusi doono weriye Hodon Naaleeye oo sannadihii u dambeeyay indhaha Qurba-joogta ku soo jeedisay bilicda nabadda iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa. “Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Debadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo abaal-marinno ku bixinaysa magaca Hodon Naaleeye appeared first on Puntland Post.
  5. By the end of Monday, Kenya’s birth registry would have recorded about 3,154 newborns. Source: Hiiraan Online
  6. A prolonged dry spell has ravaged Wajir in the last three months with fears of adverse effects on both residents and their livestock. Source: Hiiraan Online
  7. Three terror suspects were on Monday killed and two police officers critically injured after an Improvised Explosive (IED) targeting a border security patrol unit exploded at Kiunga area in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  8. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM qarax lagula eegtay nawaaxiga degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Qarax oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida la sheegayo jalfiyay mid kamid ah kolonyo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo ku soday saldhig ku yaallla degaanka Halgan oo u dhexeeya degmada Buula-burde iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay qaraxaasi u dhigeen ciidamada AMISOM islamarkaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 20 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM. Balse weli ma jiro war la xiriira sheegashada Al-shabaab oo ka soo baxay dhanka ciidamada Ethiopia sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay qaraxa. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay 20 askari ka dileen ciidamada Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  9. An Islamic scholar has condemned a social media trend that has swept the Middle East and much of the world, arguing it goes against the religion. Source: Hiiraan Online
  10. One day, Hodan Nalayeh would be pounding the pavement in the Twin Cities, striking up conversations with Somali-Americans at their businesses — with her camera rolling and her face beaming. Source: Hiiraan Online
  11. Ultimately, these strikes are a blood-shedding public relations move. We’re needlessly flexing our military muscles and celebrating how many “terrorists” we’ve killed. US action does nothing to dampen the underlying motivation of insurgents, and it may even serve to create more. Source: Hiiraan Online
  12. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airline ay ka bilowday magaalada Garowe ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo maamulkiisa. Dani ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan jiritaanka Puntland, iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada, isagoo ka digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta Puntland. “Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Dani uu sheegay in fara galin lagu hayo maamulkiisa, waxuuna hadalkiisu kusoo aadayaa xili ay dhowaan Puntland ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqanayey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in uu baal maray bah maamuuskii ay Puntland u diyaarisay, waxaana xiligaas eedeynta Puntland laga dheehan karay in ay ka xumaatay dhalinyaro badan oo Kheyre uu qudbad ugu jeediyey Waqooyiga Gaalkacyo. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. A UN envoy in Somalia said on Monday terror attacks will not derail efforts to stabilize Somalia and expressed solidarity in the aftermath of a terror attack on Friday in which 26 people were killed and 56 others injured. Source: Hiiraan Online
  14. Ethiopian and US Defense Force kicked off today joint military training is officially opened at Peace Support Training Center, Addis Ababa, the capital of Ethiopia, on Monday, July 15, 2019, according to a press release sent to borkena. Source: Hiiraan Online
  15. A group of 20 individuals want Kenya to decline participating in a court case that has been filed at the International Court of Justice (ICJ) involving a maritime border dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Washington – President Donald Trump, under fire for tweets attacking Rep. Ilhan Omar and three other first-term Democratic congresswomen, renewed his assault on the Minnesota Democrat on Monday during a formal presentation before dozens of business owners gathered on the South Lawn to celebrate American entrepreneurship. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xiisada ka dhex-taagan Dowlada Somaliya iyo Somaliland ee ku aadan xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga. Xasan Sheekh ayaa sheegay in uu ka xunyahay culayska ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ka soo wajahay markabkii ay xooluhu saarnayen ee ku xayirnaa dekeda Jeddah. Xasan ayaa sidoo kale weeraray dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka dhawaajiyey in Mas’uuliyadu ka marantahay in la siyaasadeyo arrimaha horumarinta iyo ganacsiga oo uu sheegay inay si toos ah u taabanayan muwaadinka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, isagoona dowlada Somaliya ku booriyey in nolosha dadka Somaliyeed laga hormariyo wax-walba, isla markaana baaq u direy dowlada iyo shacabka reer Somaliland, wuxuuna u dhigna qoraalkiisu sidan: “Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku kasoo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha. Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummaddeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay. Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo, dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan. Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya”. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online) ― Ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha u dhoofiya dalalka Carabta, ayaa sanadkan wajahaya caqabado iyo cadaadisyo hor leh. Somaliland ayaa culeys xoogan kala kulmeysa dalka Cuman, taasi oo shuruud uga dhigtay xoolaha loo dhoofinayo inay soo maraan Ganacsato iskaashato reer Puntland. Iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ayaa dadaalo badan kadib waxay ku guuleysteen sidii ay kooto ugu xiran lahaayen xoolaha loo dhoofiyo dalka Cumaan. Talaabadan ayaa waxay ganacsatada dekeda Berbera ka dhoofin jirey xoolaha ku qasbaysa inay soo maraan iskaashatadan reer Puntland, oo ay u daba fariistan xoolaha ay u dhoofinayan dalka Cuman. Ganacsatada Somaliland ayaa markii hore talaabadan ku gacan sayray inkasta oo markii dambe ku qasbanaaden inay ogolaanshiyaha lagu dhoofinayo Xoolaha Somaliland ay ka soo qaatan Iskaashatada Maamulka Puntland. Somaliland ayaa bil walba xoolo kumanaana u dhoofisa dalka Cumaan, isla markaan waa suuqa saddexaad ee ay u dhoofiso xoolaheeda. Sacuudiga ayaa isaguna hore u soo saaray go’aan Somaliland ku qasbaya inay warqadda caafimaadka xoolaha kasoo qaadato dowladda Soomaaliya, taasi oo ay Somaliland si adag uga hor timid. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  19. Ganacsatada Somaliland ee Xoolaha u Dhoofiya Cumaan oo Lagu Qasbay inay Oggolaansho (Fasax) u Doontaan Boosaaso Qaar ka tirsan Ganacsatada reer Somaliland ee Xoolaha u dhoofiya waddamada Carabta, ayaa caqabado hor leh waajahaya, ka dib markii ay culays iyo cadaadis xooggan saareen qaar ka tirsan iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ee ku dhaqan dalka Cuman, ka dib markii ay kooto ku xidheen in iyaga keliya ay cidda xoolo u dhoofinaysa Cuman ka qaateen. Inkasta oo ay ganacsatada reer Somaliland is-adkeeyeen oo ay diideen qorshahaas reer Puntland ay u daba-fadhiisanayaan oggolaanshaha xoolaha loo dhoofiyo Cuman oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, ee ay Dekedda Berbera ka rari jireen, haddana waxay qaarkood ku qasbanaadeen oo ay aqbaleen markay xal kale waayeen inay oggolaanshaha xoolaha ay Cumaan u dhoofiyaan weydiistaan ganacsatada reer Puntland ee iyaga qorshohoodu hirgelay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan ganacsatada oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ku kala sugan, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin. Sida ay warbaahintu ogaatay, Suuqa koobaad ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida oo Somalilandna marin muhiim ah u tahay, ayaa ah Boqortooyada Sucuudiga, Suuqa labaad ayaa Yemen ah iyo Suuqa saddexaad ee dhoofka Xoolaha oo dalka Cumaan ah, isla markaana Xoolo lagu qiyaaso 10,000 (Toban kun) oo Dibi oo ka dhoofa Dekedda Berbera, ayaa bil kasta la geeyaa dalka Cuman. Hase-yeeshee, nasiib-darro kama faa’iidaystaan Dadka reer Somaliland fursaddaa, ee waxa ka faa’iidaysta ganacsatada reer Puntland, kuwaas oo iyaga iyo wakiillo Hargeysa iyo Berbera u joogaa culays badan oo dhanka gaadiidka ah ay saareen ganacsatada reer Somaliland, sida ay xubno si dhaw ula socdaa warbaahinta u xaqiijiyeen. Arrintan, ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambaysay Dallad guud oo ay samaysteen Iskaashatada xoolaha u dhoofiya Cuman ee reer Puntland, taasoo go’aamisay inaan loo oggolaan qofka ganacsadaha ah ee reer Somaliland inuu Xoolo ka dhoofiyo Berbera oggolaanshahooda la’aantii. Iskaashatadaasi waxay dejisay qorshe iyo nidaam lagaga hortegayo inay ku soo biiraan ganacsatada reer Somaliland Suuqa dhoofka Xoolaha ee dalka Cumaan. Waxaana ka mid ah: Oo Taasi kelliftay qofka raba inuu Cumaan xoolo u diro inuu la hadlo oo waliba baryo amma cid garasho u maro Nin Boosaaso joogaa inuu u oggolaado inay xoolihiisu Berbera ka dhoofaan oo Doonta loo saaro, haddii uu diidana ganacsadaha reer Somaliland waxa qasab ku noqonaysa inuu xoolihii uu watay Berbera kaga iibiyo markuu waayo Doon u qaadda. Waxay beddeleen nidaamka caafimaadinta Maxjarrada, taas oo macnaheedu yahay inay maxjarradii loogu talo-galay caafimaadinta xoolaha ka dhigeen goob danahooda loogu adeego. Hannaanka caafimaadinta Xoolaha waxa weeye in Maxjarrada muddo lagu caafimaadiyo, deedna laga raro. Hase-yeeshee, taas beddelkeeda waxa dhacda in xoolaha ganacsatada reer Somaliland maxjarrada joogaan 30 maalmood illaa 45 cisho, halka xoolaha ganacsatada reer Puntland ay xoolohoodu joogaan hal amma 2 maalmood, mararka qaarkoodna saacado kooban oo gaadhiga Wajaale ka soo qaaday Doonta ku wareejiyo, iyagoon maxjarka galinba . Arintaasi oo mustaqbalka fog saamayn kuleh sida laysugu hallayn karo caafimaadinta maxjarrada dalka ee Berbera ku yaalla, maaddaama oo aan loo sinayn. Caqabadaha kale ee ay ganacsatadan reer Somaliland wajahayaan waxa sii adkeeyey oo iyaduna caqabad kale ah, Gaadiidka Badda ee ee ugu badan ee Cumaan xoolaha geeyaa, ayaa Doonyo ah, iyadoo la ogyahay in Shixnadaha ugu badan ee Berbera yimaaddaa Maraakibi keento oo ay Berbera Doonyuhu ku yaryihin, waxa badanka laga soo kiraystaa Boosaaso iyo Yemen. Dillaalinta Doonyaha badankooduna waa reer Puntland, waxaanay heshiis ku gaadheen in markasta ganacsatada reer Puntland laga horreysiiyo cid walba oo kale. Tusaale haddii Maxjarka xoolo ku jireen 2 bilood oo ganacsatada reer Somaliland leeyihin, waxa ka horraynaya mararka qaar oo laga hor mariyaa amma laga hor raraa kuwa 1 maalin ku jiray maxjarka ee reer Puntland leeyihin. Arrintan, ayaa timi ka dib, markii dowladda Sucuudigu soo saartay qoraal ay Somaliland iyo Ganacsatada xoolaha ka rara-ba kula socodsiisay inaanay aqbali doonin Xoolo Somaliland ka dhoofa oo aan wadan warqadda caddaynta caafimaadinta ee ay bixiso wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Federaalka Soomaaliya. Balse Xukuumadda Somaliland, ayaa ku gacan-saydhay shuruuddaa Sucuudigu ku xidhay xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera. Diidmada dowladda Somaliland, waxay sababtay in Markab toddobaadkii hore dekedda Berbera Xoolo ka qaaday, bilawgii toddobaadkan lagu xannibay dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga, iyadoo wasaaradda Xoolaha u qaabbilsan Sucuudigu ku xidhay shuruudda ay hore u shaacisay ee ah inaanu Warqaddii oggolaanshaha ka haysan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo muddo dhawr maalmood ah xannibnaa, ayey Xukuumadda Somaliland sheegtay maanta in la dejiyey Xoolihii Markabkaas saarnaa, waxaanay beenisay inay dowladda Soomaaliya oggolaatay amma codsatay in warqad la’aan lagu dejiyo Xoolahaas. Hase-yeeshee, warar xog-ogaal ah oo warbaahintu helayso, ayaa sheegaya in Sucuudigu wadahadallo dhinacyada Somaliland, Soomaaliya iyo Ganacsatada Carbeed iyo kuwa reer Somaliland ee xoolaha lahaa iyo dowladda Sucuudiga dhex-maray lagu dejiyey shixnadda Markabkaas warqad la’aan, iyadoo dowladda Sucuudigu ku adkaysatay in wixii markabkaa ka dambeeya aanay aqbali doonin in dalkeeda la geeyo Xoolo aan warqadda oggolaanshaha amma caddaynta caafimaadka ka sidan dowladda Soomaaliya. Xukuumadda Somaliland, geesteeda warka ay maanta golaha wasiirradu soo saareen kumay sheegin in xooluhu toos u tegi doonaan Sucuudiga xilligan Mooshinka Xajku bilaabmayo, balse waxa war-saxaafadeedka golaha wasiirrada lagu xusay in Xukuumadda Somaliland Suuqyo kale oo cusub u raadin doonto xoolaha. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa diiday in dib u dhis lagu sameeyo goobo Ganacsi oo ay weerareen bishii March ee sanadkaan 2019, kuwaas oo ku yaala wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Qoraalo lala wadaagay milkiilayaasha hotelladan – oo aan magacyadooda qarinay – in aan dib u dhis lagu sameyn karin goobahaas ganacsi oo ku bur buray weerarkii ay Al-Shabaab ka fuliyeen hoteeladaasi. Al-Shabaab ayaa ku sheegay in goobahaan Ganacsi ay qayb ka yihiin goobaha dadka lagu fasahaadiyo iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka, sidaas darteedna aysan dooneyn in dib loo dhiso mar dambe. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay goobahaas ay degaan u yihiin wax ay ugu yeereen Gaalo islamarkaana aysan sii jiri karin sida ay hadalka u dhigeen. Kaliya mid ka mid ah hoteelladan ayaa dhismihiisa socdaa waxaana inta kale la sheegay in la joojiyay dhismahooda. Amarkaan soo baxay bilo ka hor ayaa ilaa hadda jira waxaana muuqata in Al-Shabaab goobihii Ganacsi ay bur buriyeen ay diideen in dib loo dhismo waana arrin ku cusub Soomaaliya. Al-Shabaab sidoo kale sheegay in dhismaha Goobahaan ganacsi ay qayb ka qaadaneyso Dowladda Soomaaliya hadii la dhisana waxay sheegayn in ay dilo doonaan dhamaan shaqaalaha iyo maamulka hoteelada sida ay hadalka u dhigeen. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha Wasiirada Somaliland ayaa shalay kulan aan caadi aheyn yeeshay, kaasi oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa waxa lagaga hadlay xiisada siyaasadeed iyo dhaqaale ee kala dhaxeysa DF Somalia. Golaha ayaa si weyn u cambaareyay weeraro ay sheegen inay Dowlada Somaliya ku hayso Somaliland, kuwaasi oo ay ku carqaladeynayso dhaqaalaha Somaliland, waxaana sidaasi lagu sheegay War-murtiyeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, wuxuuna u dhigna sidan: “Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Somaliland. Waxana ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga. Golaha wasiirrada Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan. Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya. Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal. Haddaba, dawladda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore. Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo horumarinta maaliyadda”. Halkaan ka daawo Daacish oo u hanjabtay Dahabshiil, Dhul gariir Somalia ku dhuftay &dagaalka Trump & Ilhaan Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com