Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,040
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyey in ay ka go’an tahay sare u qaadidada taageerada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. War qoraal ah ayuu Ururku ku sheegay inay xoojinayaan taageerada ay xukuumadda federaalka ka siiyaan dhanka dimoqraadiyada iyo horumarinta dadka. Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in dowlada federaalka uu ka caawin doono dhismaha hay’addaha dowladda iyo xoojinta cadaaladda. Bayaanka ayaa lagu xusay in taburacaadooda ay sidoo kale ku qotonto sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal xasiloon. Ugu dambeyntii War-saxaafadeedkan ayaa Tacsi loogu diray Ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii ka dhacay M/Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Taliska Booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan xaduuda ay la wadaagaan Soomaaliya ay dileen saddex ka tirsanaa Al-Shabaab oo watay gaari lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in qaraxa gaariga uu xalay fiidkii ka dhacay koonfurta Kiunga oo u dhow xaduuda Soomaaliya. Wararka waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen labo sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya. Waxa uu intaa ku daray in ay aaminsan yihiin in gaarigaasi ay qaraxa ku soo xireen ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya oo bartilmaameed ka dhigtay ciidamada amaanka Kenya. Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in ragaasi oo saarnaa gaari ay ka buuxaan waxyaabo qarxa ay ku dhuumaaleeysanayeen Keymo u dhow nawaaxiga deegaanka Kiunga, Booliskana ay ka war heleen, halkaasina uu gaarigoodii ku qarxay. Al-Shabaab ayaa bilihii dambe kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidamada Kenya ee ku sugan xadka Soomaaliya. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  3. James Swan oo ah ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya oo isniintii booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa adkeeyey in doorashada Jubbaland u dhacdo si xalaal ah Swan oo ka hadlayey kulan uu la qaaday madaxweynaha Jubbalad Axmed madoobe waxaa uu yiri“Waxaan wada hadal la yeeshay madaxweyne Madoobe, waa in xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha ay doorashadoodu u dhacdaa qaab aan dhib laheyn, waqtigii loogu talo-galay iyada oo aan la fargelin”. Dhinaca kale, ergeyga waxaa uu tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobey weerarkii argigixisada ee ka dhacay Kismaayo kaas oo ay dad badan ku dhinteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya sanad kasta Xus sanadeed ay u sameyn doonto Marxuumad Hodan Naaleeye. Cawad oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ballan qaaday in dowladdu sanad weliba ay bixin doonaan abaal-marin loogu magac daray Hodon Naaleeye. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in abaal-marintan ay ku tartami doonaan dhammaan Qurbe Joogta Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay qiimeyn gaar ah ku sameyn doonto dhaq dhaqaaqa iyo waxqabadka Qurbe Joogta ku soo laabaneyso dalka. Arriintan ayuu tilmaamay Wasiir Cawad in lagu dhiiri gelinayo dadka waxtarka u leh dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Hodan Naaleeye oo aheyd gabar Wariye ah, ayaa tabin jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya, waxaana ay ku geeriyootay weerarakii xooganaa ee sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. SOMALILANDTA QARSOON !!! ==================== Waa danyar aad ka naxayso hoyga ay ka galaan dhaxanta iyo roobka iyo waliba qoraxda kulul ee dalka, waa qoys ka kooban Shan caruur ah iyo labadoodii waalid waxa ay ku soo koreen nolol maalina la qadeeyo maalinta la waayana aan laba tabin waayo waxa ay la qabsadeen gaajada . Qoyska waxa u shaqeeya oo u kalahda hooyadood, waxa ay suuqa la fadhiisataa galaano laws ah iyo galaano hadhuudh ah , maalmaha qaar waxbaba cidi kama iibsato oo sidii ay ku kalahday ayey ku soo noqotaa , maalinta wax laga iibsadona Kama badna laba galaan oo qiimahoogu aanu ka badnayn 10,000/=. Aabohood oo u shaqeyn jiray qoyskan oo dhismaha marba yoomka uu helo ka gali jirey waxa maalin uu ka soo dhacay guri uu dhisayey , waxaana uu naafo ka noqday qaybo ka mid ah laxaadkii uu ku shaqeysanayey, maalin maalin buu baxaa oo uu suuqa u yar dhaadhacaa . Caruurta waxa waxbarasho ku jira sadexda waaweyn oo ah wiil iyo laba gabdhood waxa ay laba ku jiraan dugsiga sare , halka midina dugsiga dhexe sii dhamaynayso, labada yaryari waa ay gaadheen da’ ay wax ku bartaan laakiin waalidkood ma awoodo in uu waxbarasho ka bixiyo , gurigooga waxa ka agdhoow malcaamad quraan iyo madarasad weyn oo caan ah waxa lagu dhigtaa lacag qaaliya oo aanay danyartu hawaysan karin. Sadexda caruur ah ee wax u barta maalinba meel buu aabahood lacagta iskuulka uga soo qaadaa hadiiba uu ka soo helo , maalmaha qaar waxa waxbarashadu ku dhaaftaa fasalada dibadooda iyada oo maamulka dugsigu qofkii aan lacagta bixin fasalka ka saaro oo ay ka maqnaadaan ilaa inta loo soo helayo lacagtii dugsiga lagaga bixin lahaa!!! Qoyskani waxa hareerihiisa degan qoysas kale oo danyar ah oo qoyskani u noqonayo reer ladan , waxa ay haystaan ubad yaryar oo aan helin goobo caafimaad hadii ay xanuunsadaan , waxbarasho aan haysan , biyo aan haysan , huga ay xidhan yihiin inta uu hun dhaafay aanu jidhkoogaba qarinayn , waalidiinta dhashay ubadkani waa dad aan aad u waaweynayn laakiin danta iyo duruufuhu ka dhigeen dad gaboobay, oo xataa xoog ay wax ku qabsan karaan aanu ka muuqan. Xaafada ay degan yihiin waa meel magaalada ka durugsan , ma yaqaanaan maamulka magaalada iyo ka qarankaba oo cidi meeshooda uguma tagto , laakiin waxa ay ii sheegeen in maalmihii doorashada xaafadooda ay xisbiyadu iman jireen oo ay balanqaadyo badan u qaadeen marka ay soo baxaan in ay wax u qaban doonaan oo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha laga kabi doono, ayaan daro cidi dib ugumay soo noqon. Cariishyada iyo buulasha ay ku jiraan waa qaar u nugul roobka oo si dhibyar ayuu u qaadayaa, waa qaar aan dhaxan iyo cadceed midna ka celinayn, waa qaar hadii ay gubtaan lagu madhanayo oo aan cidina ogeyn , waxaana ay hurushoobi doonaan dad iyo duunyoba sidii xaafado badan oo danyarta dalka ahi dab ka kacay ugu madheen , Dadkani markoodii hore waxa ay deganaayeen magaalada dhexdeeda, waxaana dayrkiisa ku dhex noolaayeen dhisme dawladeed oo in badan qabyo ahaa oo ay buulal yaryar uga dhisnaayeen , sidii ay halkaasi ugu noolaayeen ayuun baa maalin ciidan iyo cagaf la dulkeenay waxaana la siiyey qadar daqiiqado ay alaabtooda kaga urursadaan buulashii ay deganaayeen , waxaana laga burburiyey hoygii ay daganaayeen oo lagu yidhi ka qaata meesha. Maalmo ayey banaanka u hoydeen oo ay bacad yaal ahaayeen, waayo ma haystaan meel ay degaan, ma haystaan gaadiid ay ku guuraan , waxaana lagu wargaliyey in guriga ay deganaayeen kaamboolkiisa ay dawladu iibisay oo ay ka iibisay mid ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn dalka oo uu isaguna dalbaday in dawladu dadka ka rarto si uu dhisto. Waxa ay ahaayeen iyaguba muwaadiniin xaq u leh in ay dawladoodu siiso guryo ay dagaan maadaama ay yihiin dad danyar ah oo aan haysan taageero iyo dhaqaale midna , hase ahaatee may helin oo dawladoodu dadba uma aragto marka aad aragto sida loola dhaqmay iyo cidlada lagu soo daadiyey, kaaga darane halkaa ay degan yihiin maalinwalba dad baa ugu yimaada oo yidhaahda nooga guura . Waxa jira Somaliland aan aheyn tan magacyada waaweyn leh ee muuqata ee qofka dhinta la yaqaano ee aynu wada tacsiyeyno, ka xanuunsada aynu u wada ducayno, ka la xidho aynu u wada doodno , iyaga hadii maalin ay xataa fursad u helaan in qof warbaahin ahi soo booqdo amaba wax ka duubo, badanka lagama yaaboba in la soo daayo barnaamijkaa laga duubay, amaba sikino kooban uu ka baxo Tvga , hadana codkoogu meelna ma gaadho . Waxa dalka ku nool boqolaalkun oo sabool ah oo noloshaa aan ka soo waramay iyo mid ka sii hoosaysa ku nool oo ah muwaadiniintii dalkan lahaa ee dawladu u dhisnayd ee xaq u lahaa in iyaga mudnaanta la siiyo , maadaama aanay iska bixin karayn waxbarasho, dhakhtar gaar loo leeyahay in ay iska daweeyaan aan awoodin , biyo ay cabaan aan haysan , hoy ay galaan aan haysan ee ay adag tahay sida ay u nool yihiin. Dadkan xataa waxa ka mid ah dadkeenii miyiga deganaa ee ay abaaruhu xoolihii ka madhiyeen oo magaalada soo galay si ay nolol u raadsadaan , waxa ay ahaayeen dad qani ah oo xoolo haysta oo aan cidna u baahneyn laakiin duruufaha ayaa ka dhigay dan yar diifi ka muuqato oo dadku indhaha ka laliyaan , maaha nolol ay doorteen ee wakhtigaa u doorey waxaana ay cashar u tahay iyo imtixaan lagu eegayo dadka inta iyaga dhaanta oo dhan. Nolosha dhabta ah ee dalkeena ka jirtaa waa sadex qaybood inta aan u kuur galay ; 1- qaybi waa taa aan soo sheegay oo waa ta ugu hooseysa ee ugu itaalka daran leh , una baahan gurmad iyo taakuleyn iyo waliba daryeel dawladeed. 2- qaybta labaad waa ta ugu badan dadka oo waa dad xoogsada laakiin waxa ay ku nool yihiin aanu noloshooda wada daboolin , waxaana ay lacagtu kaga baxdaa , kiro guri , Nal , biyo, dhakhtar, waxbarasho iyo wax Yar oo ay afkooga u cunaan , iska daa wax u dhigma e iyaga iyo dayn lagu yeeshaa bilwalba, qaybtani waxa ka mid ah shaqaalaha dawlada, shaqaalaha ganacsiga dhexe iyo hoose, ciidamada iyo sida ay dadku u badan yihiin. 3- qaybta sadexaad oo ah inyar oo u badan ganacsato , iyo siyaasiyiin oo labadooduba xilalka ay haystaan iyo xoolaha ay haystaan ka helay dadka duruufahan aynu ka hadlayno ku nool, waxa soo raaca in kooban hay’adaha caalamiga ah u shaqeysa. Hadii aan duruufaha nololeed ee dadka iyo dalka hoos loo eegin , iyada oo waliba maalinba maalinta ka dambaysa dadka noloshu ku sii adkaanayso, waxa iman doonta in dadku hal maalin isa soo taagaan oo dalka lagu kala awood bato oo uu dhaco kacdoon dadweyne oo khatartiisa lehi. Muhamed Dhimbiil Mohamed Abdi Jama Qaran News
  6. Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey in cabasho ku aadan doorashada maamulkaasi uu u gudbiyey Qaramada Midoobay. Axmed Madoobe oo shalay kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah. Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay isla garteen in loo madax baneeyo qabashada doorashada Jubbaland. Bisha Augusto ee sanadkan ayaa loo ballansan yahay in doorashada lagu qabtao magaaladda xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-jubbland.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Indian Ocean Newsletter oo hoos tagay warbaahinta African Intelligence, ayaa qoray in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhowaan booqan doono dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Wargeyska ayaa ujeedada booqashada Farmaajo ku sheegay inuu mas’uuliyiinta dalkaas la samaysto isbahaysi cusub islamarkaana u xaqiijiyo inuu yareyn doono saameynta Qatar ay ku leedahay Soomaaliya. Sida warbixintan lagu sheegay, madaxweynaha ayaa ka walaacsan isbahaysi hoose oo ay sameysteen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenka iyo sii-hayaha agaasimaha hay’adda nabad-sugidda Fahad Yaasiin iyo nin aan la shaacin magaciisa oo madax ka ah shirkad soo saarta shidaalka. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in saddexdan mas’uul ay dowladda Kenya kala shaqeynayaan inay la galaan heshiis aan la shaacin waxa uu yahay. Wargeyska ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo uu rumeysan yahay in Kheyre uu xiriir qarsoodi ah la sameystay Qatar, oo maal-gelin doonta ololihiisa doorashada 2021. Madaxweyne Farmaajo ayaa Kheyre siiyey awood ballaraan si uu u xoojiyo taageeradiisa gudaha. Xiriir aan la sameynay xafiiska madaxweynaha, waxay sheegeen inaysan illaa iyo hadda waxba ka ogeyn booqasho la qorsheeyey in madaxweynaha uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta. Sidoo kale, xafiiska madaxweynaha iyo kan ra’iisul wasaaraha ayaa si isku mid ah u beeniyey sax ahaanshaha warbixinada la xiriira tuhunada labada mas’uul ay kala qabaan, waxayna ku qeexeen wax aan jirin oo lagu qoslo. Tuhunka ku saabsan in Kheyre uu madaxweyne isku sharxayo 2021 waa mid muddo taagnaa, hase yeeshee weli ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Beledweyne (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nuuaca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa tilmaamay inuu haleelay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamadaasi. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi. Inta bada Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. View the full article
  9. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-16072019.mp3 View the full article
  10. The Somali government will roll out an annual award scheme in honour of Hodan Nalaye, a Somali-Canadian TV host who was killed late last week in the city of Kismayo in an Al-Shabaab attack. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhawaan ka dhaceysa maamul goboleedkaas. Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay magaalada Kismaayo shalay iyo kulamo uu halkaas kula yeeshay madaxda Jubaland. Swan ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Guddiga xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xubnaha labada aqal ee Federaalka ee ka soo jeeda Jubaland. Waxaa uu ka tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee sababay dhimashada 26-ka qof iyo dhaawaca 56 kale, islamarkaana ay sheegatay kooxda Al-Shabaab. Mr James ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay soo jeedineyso in doorashada Jubaland waqtigeeda ku dhacdi islamarkaana wax rabshado ah aysan gelin. Waxaa kale oo uu sheegay in uu ka digayo faragelin nooc kasta oo ay tahay oo lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhaceysa Bisha August. Doorashada Jubaland ayaa waxaa isku haya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo dooneysa inay maamusho iyo Axmed Madoobe oo diidan. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa Miino lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi. Ciidamada la qarxiyey ayaa ku sii jeeday saldhig ay ku leeyihiin deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay mid ka mid ah gaadiidka dagaal ee ciidamada Itoobiya. Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  13. Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sannad walba bixin doonto Abaal-marin loogu magac-daray Hodon Naaleeye oo ahayd gabar weriye ah oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo. Gabadha weriyaha oo mudda dheer ku noolayd waddanka Canada ayaa sannadihii u dambeeyay ku sugnayd gudaha dalka iyadoo ka shaqeynaysay barnaamijyo dhiirri-gelinaya bilicda nabadda iyo horumarka ka socda gudaha Soomaaliya si ay ugu soo dhiirradaan qurba-joogta dalka u dhashay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sannad waliba abaal-marinno guddoon-siin doonto hadba qofkii ka tirsan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu wax muuqda qabtay iyadoo abaal-marintaasi lagu xusi doono weriye Hodon Naaleeye oo sannadihii u dambeeyay indhaha Qurba-joogta ku soo jeedisay bilicda nabadda iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa. “Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Debadda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo abaal-marinno ku bixinaysa magaca Hodon Naaleeye appeared first on Puntland Post.
  14. By the end of Monday, Kenya’s birth registry would have recorded about 3,154 newborns. Source: Hiiraan Online
  15. A prolonged dry spell has ravaged Wajir in the last three months with fears of adverse effects on both residents and their livestock. Source: Hiiraan Online
  16. Three terror suspects were on Monday killed and two police officers critically injured after an Improvised Explosive (IED) targeting a border security patrol unit exploded at Kiunga area in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  17. Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM qarax lagula eegtay nawaaxiga degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Qarax oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa sida la sheegayo jalfiyay mid kamid ah kolonyo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo ku soday saldhig ku yaallla degaanka Halgan oo u dhexeeya degmada Buula-burde iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay qaraxaasi u dhigeen ciidamada AMISOM islamarkaana ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ilaa 20 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku hawlgala magaca AMISOM. Balse weli ma jiro war la xiriira sheegashada Al-shabaab oo ka soo baxay dhanka ciidamada Ethiopia sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay qaraxa. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay 20 askari ka dileen ciidamada Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  18. An Islamic scholar has condemned a social media trend that has swept the Middle East and much of the world, arguing it goes against the religion. Source: Hiiraan Online
  19. One day, Hodan Nalayeh would be pounding the pavement in the Twin Cities, striking up conversations with Somali-Americans at their businesses — with her camera rolling and her face beaming. Source: Hiiraan Online
  20. Ultimately, these strikes are a blood-shedding public relations move. We’re needlessly flexing our military muscles and celebrating how many “terrorists” we’ve killed. US action does nothing to dampen the underlying motivation of insurgents, and it may even serve to create more. Source: Hiiraan Online
  21. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ka hadlayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada Ethiopian Airline ay ka bilowday magaalada Garowe ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo maamulkiisa. Dani ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan jiritaanka Puntland, iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada, isagoo ka digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta Puntland. “Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne Dani uu sheegay in fara galin lagu hayo maamulkiisa, waxuuna hadalkiisu kusoo aadayaa xili ay dhowaan Puntland ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqanayey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in uu baal maray bah maamuuskii ay Puntland u diyaarisay, waxaana xiligaas eedeynta Puntland laga dheehan karay in ay ka xumaatay dhalinyaro badan oo Kheyre uu qudbad ugu jeediyey Waqooyiga Gaalkacyo. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. A UN envoy in Somalia said on Monday terror attacks will not derail efforts to stabilize Somalia and expressed solidarity in the aftermath of a terror attack on Friday in which 26 people were killed and 56 others injured. Source: Hiiraan Online
  23. Ethiopian and US Defense Force kicked off today joint military training is officially opened at Peace Support Training Center, Addis Ababa, the capital of Ethiopia, on Monday, July 15, 2019, according to a press release sent to borkena. Source: Hiiraan Online
  24. A group of 20 individuals want Kenya to decline participating in a court case that has been filed at the International Court of Justice (ICJ) involving a maritime border dispute with Somalia. Source: Hiiraan Online