-
Content Count
209,043 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-16072019.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani Axmed Safiina ayaa ka hadlay cadaadisyada iyo caqabadaha dhoofka xoolaha ka soo wajahday Xukuumada Somaliland. Xoghaye Axmed Safiina ayaa sheegay inay Somaliland cadaadisyadaasi ugu wacanyihiin inaysan muhiimad gaara siin iibka iyo suuq-geynta xoolaheeda. Xoghaye Safiina ayaa Xukuumada Muuse Biixi usoo jeediyey inay wasaarada Xanaanada Xoolaha ay ka saarto Xoolo dhoofinta, isla markaana laga dhigo Wasaarad u madax banaan shaqooyinka iibka iyo suuq-geynta xoolaha, loona bixiyo ‘Wasaarada Xoola Dhoofinta’. Xoghayaha Arrimaha carabta iyo dowladaha islaamka ee xisbiga Waddani, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “24 March ee sanadkan waxa aan ku baaqay in wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga laga saaro xoola dhoofinta oo laga dhigo wasaarad u madax banaan shaqooyinka iibka, suuq gaynta, iyo xoola dhoofinta loona bixiyo WASAARADDA XOOLA DHOOFINTA laakiin dhag jalaq looma siin baahi deedana maanta ladareen, marlabaad ayaan ku baaqayaa, waana kan maqaal kii xoola dhoofinta ee 24/3/2019. “Mudane Madaxwayne dalkeena sanad kii waxa laga dhoofin jiray ku dhawaad 2,750,000 oo adhi ah + 750,000 oo geel ah + 500,000 oo Lo ah = 4,000,000 oo neef dhamaan tood waa lab oo dhadig ma’aha waana markii ay dakada iyo maxjarada Berbera u furnaayeen xoolo dhoofinta. Xoolaheenu marakay magaalada berbera soo gaadhaan waxa neefka adiga ah ku baxa 12$, Neefka geela ahna waxa ku baxa 55$, Neefka Lo’da ahna waxa ku baxa 35$, lacag taas oo kukala baxda kharashka xeroolaha berbera, maxjarka, cashuurta dawlada, iyo xamaaliga degakada berbera. Totalka Adiga = 12×2,750,000=33,000,000$ Totalka Geela = 55 × 750,000=41,250,000$ Totalka Lo’da = 35 × 500,000=17,500,000$ Marka laysu geeyo waa lacag adag oo dhan 91,750,000 Dollar hada waa kharash iyo cashuur berbera oo kaliya, cashuurhii gobalada kale dilaaliintii iyo lacagta iibka neefku way idiin hadhay. Xaga iibka wakhtiga carafada sicirka neefka Adiga ah wuxuu gaadhaa 80$ geeluna 400$ Lo’duna 350$ iibkaa sicirka xooluhu wuu dhaafaa wuuna ka yaraadaa. Totalka Adiga= 80×2,750,000=220,000,000$ Totalka Geela = 400× 750,000=300,000,000$ Totalka Lo’da = 350×500,000=175,000,000$ Tootalka iibka = 695,000,000 Dollar. Tootalka guud = 91,750,000 + 695,000,000 = 786,000,000 Dollar Waa todoba boqol iyo lix iyo sideetan MILYAN oo dollar sxb xoola dhoofinta ciyaar ciyaar iyo meel fudud hamoodin, xoolahaasu waxay kakala yimaadaan 1- %30 gobalada Somaliland 2- %30 Gobalada dhexe ee somalia 3- %40 gobalada Dawlad Deegaanka Somalida. Mudane Madaxwayne Dawlad kasta oo dunida kamid ah waxa ay gaar u dhoofiso ama dhaqaale xoogan ka soo galo ayay u sameeyaan wasaarad u gaar ah, tusaale ahaan; dawladaha PATROL ka soosaara ee dhoofiya waxa ay gooni u magacaabaan wasaarada PATROL ka iyagoo leh wasaarada macdata. Dawladii kacaanka ee Madaxwayne Maxamed Siyaad Bare waxa ay lahaan jirtay wakaalada xoolo dhoofinta oo ka madax banaanayd wasaarada xanaanada xoolaha waxana maareeye ka ahaa Raysal wasaarihii labaad ee dawladii Madaxwayne Xassan sheekh maxamuud waa (Dr.Cabdiwali Sheekh Ahmed) oo wakhtigaa ahaa nin dhalin yaro ah, waliba wakhtigaa xoolo dhoofintu gaarka ahayd xoolaha maanta la dhoofiyo ayaa aad iyo aad ayay uga badan, xoolahaasuna imika waxay ka dhoofaan dakada Jabuuti. Kadib markaan arkay :- Wakhtigan oo maxjarada xooliha la furay, Xoolaha la dhoofinayaa ay badateen, Loona baahan yahay suuq gaynta xoolaha ee sayladaha dunida, Dakadii barberina ay xidhan tahay, Dayac wayna ka muuqdo maxjarada, arimahaas is huwan aw good ayaa curiyay TALO NO 1:- oo ahayd Aasaasida WASAARADA XOOLA DHOOFINTA. Iyo kala qaadka wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Saddex ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Shalay lagu dilay degaanka Kiunga, oo hoos taga is-maamulka Lamu, markii ay Ciidanka Boliiska Kenya Rasaas is weydaarsadeen xubno ka mid ahaa malayshiyaadka Al-shabaab oo halkaasi dhigayay Miino. Saraakiisha Boliiska Kenya oo u warramay Jariiradda Daily Nation ee Dalkaasi kasoo baxda ayaa sheegay in iska hor imaadkaasi ay iyaga kaga dhaawacantay Laba Sarkaal. Ciidanka Boliiska Kenya, gaar ahaan Unugga ilaalada xudduudaha ee (RBPU ) loo yaqaan, ayaa xilligaasi ku guda jiray howlo gaaf meer ah, waxanay sheegeen in ay ku raad joogaan xubno kale oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo la laayey iyagoo qarax dhigaya appeared first on Puntland Post.
-
Xidigaha Xulka qaranka dalka ayaa si wanaagsan iskugu diyaariyay tartanka Chan oo ah koob ay ciyaaraan ciyaartooyda ka dheela horyaalada wadamooda waxaana tababar joogta oo dhinacyo kala duwan ay ku qaateen xeerada farsamada xiririka Soomaaliyeed ee garoonka Jaamacadaha. Xiriirka kubbadda dalka oo da’daalo kala duwan ku bixinaya horomarinta dhallinyarada matalaysa qaranka ayaa bishii March 2019 tababaraha xulka u magacaabay Bashir Hayford oo kasoo jeeda wadanka Ghana,sidoo kale waxaa qorshaha qaranka qeyb ka ah macallimiin kale oo kasoo jeeda isla Ghana Cabdiwali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ka mid ah macallimiinta goolhayaasha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa Goobjoog u sheegay in tababarayaasha kasoo jeeda Ghana ay bixiyaan casharo badan oo horomar ah. Hamiga xidigaha xulka ayaa ah in ay sii wadaan horomarinta iyo guulaha wanaagsan ee tartamada qaarada Afrika qaar ka mid ah xiraflayaasha Ocean Stars oo u waramay Goobjoog ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin tartanka Chan waxayna intaa ku dareen in dalka u soo hooydoonaan guulo waaweyn. Macallinka kooxda kubbadda cagta Horseed Cabdiwali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa xili kasta u daawasho taga tababarka ay samaynayaan xulka,isagoo dhiiri gelin iyo dardaaran u muujinayay ciyaartooyda naadiga Horseed ee qeybta ka ah safka qaranka Stars iyo kuwa kooxaha kale ee dalka. Kulankii u danbeeyay ciyaartooyda xulka waxa ay natiijo 4-1 ka gaareen xulka Jabuuti bishii December 2018,inkastoo kulankaa uu ahaa mid saaxiibtinimo oo labada wadan u dhaxeeyay Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garoowka Xulka Qaranka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa afar maalin kadib shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii hoggaaminayey weerarkii dhawaan ka dhacay magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Idaacadda Andalus ayaa baahisay wareysi laga duubay ninkaasi, ka hor inta uusan dhicin weerarka. Magaca sarkaalka horkacayey weerarkaasi oo Sabtidii dhacay ayaa lagu sheegay Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo loo yaqaanay (Zubeyr). Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka soo jeedo beesha Eelaay,g aar ahaan jufada Bohoraad ee degta gobollada Bay, Bakool iyo Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Zubeyr ayaa Al-Shabaab ku biiray sanadkii 209-kii, sida uu ku sheegay wareysiga laga qaaday. Wareysiga oo soconayay qadar dhan 35 daqiiqo ayaa sidoo kale wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo la xariiray weerarkaasi iyo u jeedada laga lahaa. Weerarkani oo lagu bartilmaameedsaday Hoteelka Cascasey ayaa ku bilowday Ismiidaamin, iyadoona kadib rag hubeysan ay gudaha ugu daateen Hoteelkaasi. Jubbaland ayaa xaqiijisay in halkaasi lagu dilay 26 Qof, laguna dhaawacay 56 kale oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah. Shirqoolada Sacuudiga ee lidka ku ah Islaamka iyo xiriirka sirdoonka Yahuuda Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Tababaraha cusub ee kooxda Muqdisho City Club Maxamed Meatiri Lamajed ayaa kulankii ugu horeeyay la qaatay ciyaartooyda,maamulka,shaqaalaha iyo taageeryaasha naadiga dowladda hoose wuxuuna xilkan kala badalay Husein Mbalangu oo u dhashay Uganda oo kooxdan hogaaminayay shantii sano lasoo dhaafay.. Guddoomiyahay kooxda Muqdishu City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid lagu soo dhawaynayo macalinkooda cusub ayna ka sugayaan in naadiga la gaaro guulo waaweyn. Cabdullahi Cusmaan Daamey oo ah madaxa suuqa geynta xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay is badalka iyo horomarka ay samaynayaan maamulada kooxaha ka dhisan Soomaaliya. Jaawhir Baarqab oo ah guddoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir ayaa maamulka Gobolka kaga mahad celisay da’daalka iyo garab istaaga ay la garab taaganyihiin xidigaha matalaya kooxda dowladda hoose. Sida ay sheegeen maamulka naadiga Muqdisho City Club tababarihii hore waxaa kooxda loogu diray natiijada aad u liitada macalinkan waxaa laga sugayaa in uu yimaado horomar sida uu Goobjoog u sheegay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji Dacar oo ah gudoomiye ku xigeenka naadiga Muqdisho City Club. Si kastaba kooxda Muqdisho City Club ayaa horyaalka Soomaaliya Premier League 2018-2019 ku dhamaystay kaalinta 5-aad ee kala horeynta mana aheyn wax horay loogu bartay M.C.C sanadadii hore. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Dhexmaray Maamulka,Macalinka Iyo Ciyaartooyda W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Amb. Ahmed Isse Awad, met on Thursday (July 11th) in Dublin with the Deputy Prime Minister and Minister for Foreign Affairs and Trade of Ireland HE Mr. Simon Coveney. The bilateral relations between Somalia and Ireland were discussed as well as topics of mutual concern in international and regional affairs. View the full article
-
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo; Fowzia Maxamed Sheekh, ayaa Shalay Xafiiskeeda ku qaabbishay Wafdi ka socda hey’adda IOM iyo urur Goboleedka IGAD, waxayna ka wada hadleen fulinta mashaariic lagu dhisayo xarumaha Wasaaradda. Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday hirgelinta mashaariic lagu dayactirayo xarumaha Wasaaradda Tamarta oo degaameysan doonta xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Xamar ee Degmada Wadajir. Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ayaa Wasaaradda ka taageertay dhismaha xarunta sheybaarka Biyaha iyo goobo kale, waxaana si gaar ah looga hadlay dhismaha xarunta Wasaaradda, kaas oo dhowaan billaaban doona sida uu qorshuhu yahay. Dhaqaalaha mashaariicdan ayaa waxaa bixinaya Bankiga horumarinta Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, iyadoo hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM ay fulinta ka Gacan siinayso Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim, qaar kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka kala soctay hey’adda IOM iyo IGAD. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kenya says 3 militants killed, 2 officers wounded in attack
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya police say three suspected extremists were killed by border police whose vehicle was blown up by an improvised bomb. A senior police official detailed the attack to The Associated Press but insisted on anonymity because he was not authorized to speak with media. He said the Monday evening explosion injured two officers in the southern Kiunga area near the Somali border, and the explosives are believed to have been planted by al-Shabab extremists from Somalia who were targeting security units. He also said the militants hid in the bushes around the area where the bomb went off and then ambushed the Toyota Land Cruiser. Al-Shabab has vowed retribution on Kenya for fighting the militants who are attempting to topple Somalia’s weak U.N.-backed government. View the full article -
Jubaland leader holds meeting with UN envoy in Kismayo city
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United Nations has said the attacks by al-Shabaab will not deter the progress achieved by the Somali government and its people. James Swan, special representative of the United Nations Secretary-General for Somalia who visited Kismayo just three days after al-Shabaab on Madina Hospital has held talks with Jubbaland authorities. In a statement, the envoy said the terror attacks will not derail efforts to stabilize Somalia. “Such despicable acts of terrorism cannot derail the progress that Jubaland made towards reconciliation and political stability, as a federal member state of Somalia,” Swan said. He expressed solidarity saying UN will stand with Somalia and its people. “The United Nations stands with the people and authorities of Jubaland as they deal with this terrible tragedy,” Swan said. He extended condolences to the families of those who lost their lives in the attack and wished a speedy recovery to the injured. “The attack that took place on 12 July killed and wounded innocent civilians, including two prominent Somali journalists. There is no political or ideological justification for such atrocities,” he stated. On Friday evening, Vehicle-borne Improvised Explosive Device (VBIED) rammed into Madina Hotel before heavily armed al-Shabaab fighters made their way into the hotel. The attack which took place hours to be concluded left 26 people dead and over fifty other injuries. View the full article -
A bomb has ripped through a military convoy carrying Ethiopian troops serving under African Union Mission in Somalia [AMISOM] in Hiran province, killing and wounding at least 20 people. In a statement, the Al-Qaeda-linked Al-Shabab has claimed responsibility for the attack, saying it targeted Ethiopian army convoy at Halgan village, located on the outskirts of Beledweyne city. The explosion which resulted from a landmine comes amid increased military operations against Al-Shabab in parts of Somalia as the Federal Government is trying to regain full control of the country. Despite losing large swathes of territory, Al-Shabab continues to attack government-controlled areas, mainly Mogadishu, the Somali capital, where car bombings and assassinations have been on the rise for the past few months. View the full article
-
(SLT-London)-Wargeys ka soo baxa London oo la yidhaahdo KCW-Today ayaa Warbixin uu maanta daabacay ku sheegay in wararka waaweyn ee bishan July saameynta yeeshay ay ka mid tahay dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka sameysay dedaalka ay ugu jirto aqoonsi raadinta. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay warbixintaas ku saabsanayd Somaliland, waxaanay u qornayd sidan:-“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa 27kii June ee la soo dhaafay barteeda Twitterka ku daabacday wadahadal ay la yeesheen Somaliland oo ay u adeegsadeen ereyga ah “labada dal”, waxaanay Arrintaasi noqotay markii u horreysay ee dal ka mid ah caalamku uu Waddan ahaan u qiro Jamhuuriyadda Somaliland.” Warsidaha KCW-Today wuxuu sheegay in ururkii dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM uu Bishii May ee sannadkii 1991kii iskugu yeedheen waxgaradka beelaha, kuwaasi oo ku dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland oo mar uu xukumi jiray Ingiriisku. Sidoo kale, waxa Wargeysku isbarbar-dhig ku sameeyey dawladnimada iyo ammaanka ka hirgalay Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyo darrada,argagixisada, barakaca iyo burburka ku habsaday Soomaaliya, waxaanu ka markhaati kacay Wargeysku in Somaliland gabi ahaanba ka duwan tahay kana badbaaday mashaqada ka jirta Soomaaliya. KCW-Today wuxuu intaas ku daray in JSL uu madaxweyne yahay Muuse Biixi Cabdi, oo hore u ahaan jiray duuliye ka tirsanaa ciidammada cirka, waxa kaloo uu wargeysku sheegay in Somaliland leedahay ciidammadeeda Booliska iyo lacag u gaar ah. Wargeysku wuxuu soo bandhigay inay Somaliland qaaday talaabooyin diblomaasiyadeed oo ay wadahadallo kula yeelato Qarammada Midoobay, Midowga Africa (AU) iyo dalal ay ka mid yihiin UK iyo Maraykanka. Warsidaha KCW-Today wuxuu ku soo gabogabeeyey warbixintiisa haddii Kenya ay hormuud ka noqoto aqoonsiga Somaliland inay talaabadaasi noqon doonto mid xiiso leh oo lagu soo qaadi doono shir madaxeedka Midowga Afrika ee lagu wado inuu qabsoomo horaanta sannadka 2020ka. Cumar Maxamed Faarax Source
-
The members of the Security Council condemned in the strongest possible terms the terrorist attack of 12 July 2019 in Somalia’s port city of Kismayo which killed and injured innocent civilians. The members of the Security Council expressed their deepest sympathy and condolences to the families of the victims, as well as to the people and Government of Somalia. The members of the Security Council wished a speedy recovery to those injured. The members of the Security Council reaffirmed that terrorism in all its forms and manifestations constitutes one of the most serious threats to international peace and security. The members of the Security Council underlined the need to bring perpetrators, organizers, financiers and sponsors of these reprehensible acts of terrorism to justice, and urged all States, in accordance with their obligations under international law and relevant Security Council resolutions, to cooperate actively with the Government of Somalia and all other relevant authorities in this regard. The members of the Security Council reiterated that any acts of terrorism are criminal and unjustifiable, regardless of their motivation, wherever, whenever and by whomsoever committed. The members of the Security Council reaffirmed the need for all States to combat by all means, in accordance with the Charter of the United Nations and other obligations under international law, including international human rights law, international refugee law and international humanitarian law, threats to international peace and security caused by terrorist attacks. The members of the Security Council paid tribute to all Somali and international actors working to bring peace and stability in Somalia. The members of the Security Council reiterated their determination to support peace, stability, and development in Somalia. They underlined that neither this nor any other terrorist attack would weaken that determination. View the full article
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa ku adkeysatay dalabkeeda ah in ganacsatada Somaliland ee doonaya inay xoolaha u dhoofiyaan dalkaas ay ruqsad kasoo qaataan dowladda Soomaaliya. Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka shiraacday Dekedda Berber oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kadib markii uu Sacuudiga tagay isaga oo ruqsad aan ka haysan dowladda Soomaaliya. Warbaahinta ayaa qaar ayaa faafisay in ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Soomaaliya ay ku lug in Markabkaas la sii daayo. Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi. Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan. Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso. Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee Soomaalida. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay tallaabadii ay xidhiidhka ugu jartay dalka Guinea ee Galbeedka Afrika taas oo ay tilmaantay in ay roog cas u dhigeen hoggaamiye Soomaaliya kala goynaya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Universal waraysatay ayaa erayo adag u isticmaalay Somaliland. Wasiirka oo la waydiiyay sababta ay Gini xidhiidhka ugu jareen ayaa ku jawaabay sidan:- “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini ba aanu ka midka nahay sida: UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka, markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure(cadaadis) dal kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada hadasho. Markaa haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet(roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin,” ayuu yidhi wasiir Cawad Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Pakistan)-Pakistan ayaa dib u furtay hawadeeda dib markii ay xayiraad ay saartay in dhamaan diyaaradaha iyo duulimaadyada shacabku aanay mari doonin hawadeeda. Dib u furidan hawada dalka Pakistan ayaa ah marin muhiima oo xidhnaa shantii bilood oo u dambeeyey kadib markii ay isku dhaceen labada dal ee jaarka ah ee Hindiya iyo Pakistan. “Si dhakhso ah ayaa loo furay hawadii dalka Pakistan waxaana isticmaali kara dhamaan duulimaadyada shacabka,” sidaasi waxa tidhi waaxda maamulka duulimaadyada hawada ee dalka Pakistan. Talaabada Pakistan ay ku xidhay hawada dalkeeda ayaa timid ka dib marki dalka India uu weerar dhinaca cirka ah uu ka geyska dhulka Pakistan bishii February 26-keedii, kaas oo daba socday qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday dhinaca ay Hindiya maamusho ee gobolka Kashmir horaantii bishaasi. Waxaanay xiligaasi India ay ku eedaysay weerarkaasi isqarxinta ahaa koox mayal adag oo ku sugan dalka Pakistan February 14. Dalka Pakistan ayaa sidoo kale ka waxaanu dhulka soo dhigay laba diyaaradood oo nooca dagaalka ah ee dalka India ay leeyihiin. Wixii intaa ka dambeeyey waxa cirka isku shareeray xiilada colaadeed ee u dhaxaysa labada dal ee India iyo Pakistan, kuwaas oo ku sigtay inuu dhexmaro dagaal buuxda, walow ay markii dambe ka baaqsadeen dagaalkaasi. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada (ADP) ayaa u magacaabay La Taliyihii Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya inuu noqda Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Amxaarada, kaddib markii la dilay Madaxweynihii Gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen. Tobaneeyo qof ayaa ku geeriyooday dagaalo ka dhashay isku day afgambi dhicisoobay oo ka dhacay Gobolka Amxaarada, taasoo sababtay in lagu dilo Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Ambachew Mekonnen. Taliyihii Guud ee Ciidamada Itoobiya ayaa isna lagu dilay Addis Ababa, iyadoo dilkiisa lala xiriiriyay inuu qeyb ka ahaa isku daygii afgambi ee ka dhacay Gobolka Amxaarada. Xubnaha Xisbiga Dimoqraadiga Amxaarada ayaa muddo saddex maalmood shir uga socda magaalada Bahar Dar, waxaana ay isku raaceen in Temesgen Tiruneh loo doorto Madaxweynaha Ismaamulka Gobolka Amxaarada. Gobolka Amxaarada oo dhaca Waqooyi Galbeed dalka Itoobiya ayaa ah qowmiyada labaad ee ugu badan Itoobiya, waxaana loo arkaa gobol miisaan siyaasadeed oo weyn ku leh dalka Itoobiya. Source
-
(SLT-Rome)-Booliska Talyaaniga ayaa sheegay inay baadhitaano ku heleen Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, Boobayaasha Fudud iyo Qalabka laga tuuro Gantaalladda. Hadal ka soo baxay Booliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in hubkaasi la soo qabtay, xilli baadhitaan lagu hayey Kooxaha Xag-jirka Naasiyiinta cusub ee Midigta Fog ee deggan magaalada Turin ee dalkaasi, iyadoo hubkaasi laga helay Murashax ka tirsan Xisbiga Fashiistaha ee Forza Nuova Party. Hubka la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Qoriga Boobaha ee lagu magacaabo Scorpion, 306 qoryaha fudud, , 20 Baynaat iyo 800 xabbo ee rasaas kala duwan. Waxaa kaloo la qabtay Gantaalladda Mantra Super 530 F Missiles ee lagu farsameeyo dalka Faransiiska, balse ay lahaayeen Ciiddanka dalka Qatar iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo casri ah (The latest generation automatic assault rifles”. Source
-
(SLT-Riyadh)-Ciidanka amniga Sacuudiga ayaa howlgalo xooggan ka wada deegaano ku yaalla gobolka Hodanka ku ah shidaalka ee dhaca dhanka Bari. Ilo xog ogaal ah oo diiday in magacooda la xuso ayaa u sheegay Tv-ga Nabaa ee fadhigiisu yahay magaalada London in howlgalka lagu qabqabtay dhalinyaro iyo wadaado shiico ah. Ciidanka amniga Sacuudiga ayaa sidoo kale jidh-dil u geestay wiil lagu magacaabayay Majid Cabdullaahi oo toddobaad kadib u Geeriyooday. Gobolka Al-Qaatif ayaa waxaa ku nool shiicada laga tirada badan yahay ee Sacuudiga. Laamaha amniga Sacuudiga ayaa sidoo kale xidhay wadaadka lagu magacaabo Ibraahim ciisa Al-Ismaciili kaasi oo aan la ogeyn halka loola Dhaqaaqay. Howlgalkaan oo sidoo kale lagu burburiyay guryo badan ayaa shacabka gobolka Al-Qaatif ku eedeeyeen dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku adkeysatay dalabkeeda ah in ganacsatada Somaliland ee doonaya inay xoolaha u dhoofiyaan dalkaas ay ruqsad kasoo qaataan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka sharaacday Dekedda Berber oo ku xirtay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kadib markii uu Sacuudiga tagay isaga oo ruqsad ka haysan dowladda Soomaaliya. Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiga ee Xoolaha la wareegayay. Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aysa ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay. Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi. Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan. Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Soomaaliya. Shirqoolada Sacuudiga ee lidka ku ah Islaamka iyo xiriirka sirdoonka Yahuuda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
UN envoy in Somalia on Monday called for a peaceful presidential election in the country's Southern regional State ahead of the poll in August. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (SMN) – Taliska booliska Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan xaduuda ay la wadaagaan Soomaaliya ay dileen 3 ka tirsanaa Al-Shabaab oo watay gaari lagu soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in qaraxa gaariga uu xalay fiidkii ka dhacay koonfurta Kiunga oo u dhow xaduuda Soomaaliya. Wararka waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen 2 sarkaal oo ka tirsan Booliska Kenya. Waxa uu intaa ku daray in ay aaminsan yihiin in gaarigaasi ay qaraxa ku soo xireen ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya oo bartilmaameed ka dhigtay ciidamada amaanka Kenya. Sidoo kale wuxuu sarkaalkan tilmaamay in ragaasi oo saarnaa gaari ay ka buuxaan waxyaabo qarxa ay ku dhuumaaleeysanayeen keymo u dhow nawaaxiga deegaanka Kiunga, Booliskana ay ka war heleen, halkaasina uu gaarigoodii ku qarxay. Al-Shabaab ayaaa muddooyinkii la soo dhaafay kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
-
CNN ayaa soo bandhigtay awoodda ciidanka dalka Qatar kadib markii ay Doxa todobaadkan furtay saldhiga militari ee “Dhacaayin” oo xagga badda ah. Dad badan oo Soomaali ah ayaa laga yaabaa iney xiiseeyaan awoodda ciidan ee dalkaasi Qatar mar haddii ay wax badan, oo amniga ku jiro ay ka taageeraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Haddaba, Halkan Hoose Ka Akhriso Awoodda Ciidan ee Dalka Qatar: Qoraalkan, waxaa lagu sheegay in gobolka carabta ay ugu jiraan kaalinta 14aad halka dunida ay ku jiro kaalinta 100-aad. Miisaaniyadda ciidamada Qatar ku baxdo sanadkii waxaa lagu sheegay 1.9 Bilyan. Tirada Ciidamada guud ee Qatar waa 12,000, waana dhammaan inta shaqeysa, mana qabaan ciidamo keyd ah. CNN-ka ma sheegin inta dhaladka ah iyo inta la siiyey jinsiyad ee ku jirta ciidankaas. Diyaaradaha dagaal ee Qatar waa 15 diyaarad, kuwa rarka waa 42, diyaaradaha tababarka 31 halka aaney laheyn diyaaradaha qumaatiga u kaca. Madaafiicda: Ciidamada dhulka Qatar waxaa ay leeyihiin: 92 Kaare, gawaariga dagaal oo dhan: 464 iyo 21 lidka ama nooca BM. Ciidamada badda ee dalka Qatar, guud ahaan waa 80 askari, oo heysta 69 doon, ma heystaan maraakiibta quusta iyo kuwa dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com