Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,043
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-16072019.mp3 View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) ― Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta markale ka hadlay talaabada DF Somalia xiriirka ugu jartay dalka Gini ee galbeedka Afrika. Wasiir Cawad ayaa sheegay in wadanka Gini ay roog cas u dhigtay hogaamiye sheeganaya in uu ka go’ay Soomaaliya oo dalka kala qeybinaya, isla markaana xusay inaysan talaabada Gini marnaba waafaqsaneyn xiriirka caalamiga. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Dowlada Federaalku marnaba aqbaleyn in la kala qeybiyo midnimada Umadda Somaliyeed, isagoona digniin u direy wadamo kale oo uu sheegay inay gacan ku leeyihiin howlaha lidiga ku ah midnimada Somaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini-ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka”. “Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure (cadaadis) dal-kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada-hadasho”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada-hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet (roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Jabhadda Kornayl Caarre, Kulan Dhex-maray Ganacsade Maxamed Aw-Siciid & Arrimo Kale Oo Xasaasi Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT- Koonfdur Afrika)-Madaxweynihii hore ee Koonfdur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in uu soo wacay qof aanu gareyn isla markaasna ugu hanjabay inuu dilayo isaga iyo carruurtiisa kadib markii hortagay guddiga baadhaya eedeymaha musuq maasuqa ee loo heysto. Xilli ay socotay dhageysiga eedeymaha loo heysta, waxaa uu Zuma sheegay in kalkaaliyihiisi uu qabtay telefoonka oo lagu yidhi “Waxaad u sheegtaa Zuma in aan dili doono isaga, carruurtiisa iyo dadka ka agdhawba” Garsoore Ray Zondo waxaa uu sheegay in aanan la aqbaleyn hanjabaad kasta oo ku saabsan dil iyo handadaad. Guddiga garsooka ayaa baadhayaa eedeymo musuq maasuq ee la sheegay inuu geystay xilligii uu awoodda hayay. Jocob Zuma ayaa ka degey xilka madaxtinimada dalkiisa sannadkii 2018 iyadoo lagu eedeeyay in uu ku takri falay maamulka musumaasuqna ku kacay. Mr Zuma ayaa waxaa bedelay ku xigeenkiisii Cyril Ramaphosa,oo ballanqaaday inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa isagoo ku tilmaamay sagaalkii sanno ee uu xukunka hayay Mr Zuma waqti khasaaray. Source
  5. Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga, waxaana kulanka Sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey. Kulanka oo ay Sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Cabdi Axmed iyo xubno kale oo gudigaasi ka tirsan, ayaa inta uu socday kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee arrimaha la xiriira dembiyada jinsiga, waxaana xubnaha Qaramada Midoobay ka socday u faah faahiyay Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka. Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay Phillip oo ah madaxa ugu sareeya ee hay’ad la yiraahdo rawkins international associates, taas oo fadhigeedu u yahay Dalka Canada. Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay kulamadii maanta dhacay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Gaza)-Nin Falastiini ah oo ku xidhnaa xabsi ku yaalla Israa’iil ayaa dhintay kadib muddo bilo ah oo ka soo wareegtay. Naasir Taqatqa, oo 31 jir ahaa ayaa la ciidanka amniga Israa’iil xidheen bishii June kadib markii ay kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla xaafada Beit Fajjar ee dhaca daanta Galbeed. Ehelka ninkaan ayaa sheegay in lagu xidhay xabsiga Jalameh, oo muddo laba toddobaad ah uu ku xidhnaa jirdilna loogu geystay. Ciidanka Amniga Israa’iil ayaa aalaaba tacadi iyo dil u geysta shacabka Falastiin ee ku sugan daanta galbeed iyo magaalada Gaza. Source
  7. (SLT-Iran)-Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la la’yahay muddo laba Maalmood ka badan. Markabkan oo ku socdaalayey Marin-biyoodka Hormuz ayaa joogsaday gudaha Biyaha Jamhuuriyadda IRAN, ka dibna waxa la bakhtiyey Isgaadhsiintiisa, ka hor muddo laga joogo laba Maalmood, sida laga soo xigtay Xogta la socodka Maraakiibta. Arrintan ayaa dhacaysa, xilli badhtamaha lagaga jiro jahawareerka soo food-saaray Maraakiibta Ganacsiga ee ka dhalatay Xiisadda ka taagan Gacanka Persia. Markabkan ayaa markii ugu dambaysay ee indho la saaro ama la arko ay ahayd Sabtidii Toddobaadkan, waxaana xilligaa lagu arkay Xeebta Jaziiradda Qeshm oo ah ka mid ah Marin-biyood Hormuz, sida uu daabacay Wargeyska Washington Post. Ma Caddayn waxa ku dhacay Markabkan, Afhayeenka Dawladda Imaaraadka Carabta oo arrintan wax laga waydiiyeyna kama jawaabin. Illaa bishii May, ugu yaraan lix Markab ayaa lagu weerarray meel u dhow Marin-biyoodkaasi, kaasi oo ah marinka ugu muhiimsan ee Maraakiibta Shidaalka, Weerarradaa waxay Dawladda Maraykanku ku eedaysay IRAN. Source
  8. (SLT-Burco)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Hudheellada magaalada Burco ku yaalla uga digtay in lagu qabto Bandhigyada laga tumo Miyuusiga isla-markaana ay ka qayb-galaan Dhallinyarada, sida Hablaha iyo Wiilasha. Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Gobolka Togdheer Kayse Xaaji Diiriye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in haddii ay joojin waayaan hudheelladu Muusiga la dacwayn doono. isku-duwaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Hudheellada uga digeynaa hablaha qaaqaawan iyo innamada yaryar ee madaxa fiiq-fiiqay ee Miyuusiga ku garaacanaya hudheellada” ayuu yidhi Kayse Xaaji Diiriye, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Togdheere, waxaanu intaa ku daray “Hadday ka dayn waayaan, Fawaaxishkaa u adkaysan mayno oo waalla dacwaynayaa, waxay ka helaana way leeyihiin..” Isku-duwuhu wuxuu ka warramay Waxyaabaha ay u xil-saaran tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, “Malcaamadaha iyo Masaajiddada ayaanu diwaangelinaa, Masaajiddadu way noo diwaangashan yihiin, waxaana hadda noo socda Malcaamadaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wasaaraddu waxay qabataa wax Alaale iyo wixii Fawaaxish ah, wacyi-gelin ayay samaysaa..” Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-joojinta Somaliland ayaa hore Huteellada Magaalada Burco uga mabnuucay Aroosyada laga tumo Miyuusiga iyo bandhigyada Fanaaniintu ku qaban jireen, amarkaasi oo ay hirgeliyeen Ciidammada Amniga oo la shaqeeya Guddiga Wanaag-farista. Source
  9. (SLT-Laascaanood)-Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Kaantaroolka Laga galo Magaalada Garoowe u soo rarray Xuduudka Gobolka Sool, arrintaasina waxa ka cadhooday Ciidammada Millateriga ee Somaliland. Saraakiil ka mid ah Ciidammada Qaranka oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Kaantaroolka Garoowe ee la keenay Xuduudka Gobolka Sool iyo weliba dhul ballaadhsi ay Saraakiishu sheegeen in Puntland ka waddo deegaannada Bixin iyo Qol oo dhammaantood ka mid ah Gobolk Sool ee Somaliland. Mid ka mid ah Saraakiisha la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Hartinimadu ma wax la isku dhacaa, waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. 3 Cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgalyadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga.” Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan…” ayuu yidhi. Puntland ayaa sheegata Mulkiyadda Dhuleed ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Somaliland Maamusha. Source
  10. Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) ayaa farriin adag u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada koox-kooxda u abaabulan ee habeenkii fowdada ka sameeya xaafadaha magaalada Gaalkacyo. Duqa ayaa waalidiinta ugu baaqay in ay ceshadaan carruurtooda fowdada iyo dhibaatada ku haya amniga magaalada Gaalkacyo isagoo ku boorriyay in haddii ay ceshan waayaan aysan ka daba imaan markii ciidamada amnigu gacanta ku soo dhigaan. Xaaji Sayn ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada fowdada ku wada magaalada islamarkana ay u dhaadhicin doonaan xabsiyo ku yaalla magaalooyinka kale ee Puntland si aan waalidkood uga daba imaan. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Duqa degmada Gaalkacyo oo digniin adag u diray waalidiinta appeared first on Puntland Post.
  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamo Soomaali ah iyo kuwa kale oo ka kala socda qaar ka mid ah dalalka NATO iyo kuwa ku yaalla Geeska Africa, ayaa Dhoolatys Milatari wuxuu uga bilowday bariga dalka Itoobiya. Ciidamadani oo tiro ahaan gaaraya illaa kun askari ayaa soo bandhigaya Dhoolatus aad u ballaaran. Ujeedada laga leeyahay Carbiskan Milatari ayaa ah mid lagu xoojinayo awooda howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Mareykankaa ayaa maal gelinaya Dhoolatuskani oo socon doono muddo labo todobaad ah. Dalalka Africa ee ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah Somlia, Jabuuti, Ugnada, Ethiopia, Ruwanda, Ethiopia iyo howlgalka AMISOM. Dowladda Itoobiya ayaa sanadkii labaad marti gelineysa Dhoolatuskani oo loogu magac daray JA19. Soomaaliya oo hadda ka soo kabaneysa burbur xoogan ayey fursad muhiim ah u tahay inay soo bandhigto cududeeda Milatari, kana faa’iido Carbiskaasi. Ciidamada Xoogga oo dib loo dhisayo ayaa dhawaan AMISOM kala wareegaya amniga, kuwaas oo la qorsheynayo in gabi ahaan ay isaga baxaan dalka. Halkaan ka daawo Wararka oo muuqaalo ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
  12. Wararka aan ka helayno Isgoyska Black Sea ee Degmada Hodan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax, kaas oo la sheegay inuu ahaa Qarax miino.: Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay xarun shirkadda Somtel ay ku leedahay Isgoyska Black Sea, halkaasi oo la sheegay inay ka agdhawaayeen Ciidamada ka tirsan dowladda federalka Somaliya. Illaa laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxaasi, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad ku sugnaa goobta. majiro wax war ah oo ka soo baxay ma’uuliyiinta shirkadda, waxaan kaloo aan jirion cid sheegay Qaraxa lagu weeraray xarunta shirkadda Somtel. Ciidamada dowladda federalka Somaliya oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaano, waloow ilaa iyo hadda aan la shaacin dad loo soo qabtay Qaraxa ka dhacay xarunta shirkadda Somtel ee isgooyska Black Sea. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. A Turkish diplomat in Kenya has revealed that both countries are set to sign a double taxation avoidance agreement by the end of this year. Source: Hiiraan Online
  14. Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda dowladda Puntland, Faarax Maxamuud Cawaash oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe, ayaa ka warbixiyay dhul-gariir la sheegay in uu bilowdii todobaadkan ka dhacay Gacanka Guardafui oo ku yaalla bariga fog ee Puntland. Wasiirka ayaa xaqiijiyay, in dhul-gariirkaasi oo cabbirkiisu ahaa 4.5 magnitude, uu Axaddii ka dhacay meel 171km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Bareeda ee gobolka Guardafui, balse aysan wax khasaaro ah ka dhalan. Mudane Cawaash, ayaa sheegay in degaanno ka tirsan gobolka Guardafui laga dareemay dhul-gariirka oo sida uu xusay ay kamid yihiin, tuulooyinka Booli-moog iyo Geesaley oo hoos timaadda degaanka Xaabo. Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaraddiisu ay diyaarisay, koox khubaro ah oo qiimayn ku soo samayn doona, meelaha dhul-gariirkaasi saameeyay, si ay macluumaad buuxa uga keenaan, waxaana uu ballan-qaaday in ay bulshada la wadaagi doonaan macluumaadka halkaasi laga keeno. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka warbixisay dhul-gariir ka dhacay gobolka Guardafui appeared first on Puntland Post.
  15. Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV, uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac, ayaa todobaadkaan looga hadlay dhaqanka, shareecad iyo Garsoorka guud ee dalka. Waxaana marti ku ah Suldaan Cabdi Salaan oo khabiir ku ah howlaha dhaqanka iyo nabadeynta, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo bare sare ka ah Jaamacadda Muqdisho, aqoonna u leh shareecada. Suldaan Cabdi salaam oo ka jawaabayey su’aal aheyd kaalin intee la’eg bey odayaashu ku leeyihiin garsoorka Soomaalida ee hadda jira ayaa yiri” Arrinka ah kaalinka odayaashu ay ku leeyihiin Garsoorka waa arrin mug leh weeye, waxa ayna hoos dhaceysaa dhaqanka Soomaalida iyo xeerarkeeda, sababuhu waa waslad oo ka mid ah dhowrka wasladood oo isi suran oo garsoorka Soomaalida ah, marka Garsoorka ugu horeyso waxa uu ka soo bilawdaa xeer, markii xeer jiro, xeerkaas gudihiisa ay odayaashu ka duulayaan ayaga oo isticmaalaya ayey garsoorayaan oo dadka ay kala saarayaan, arrintaasna arrin dhaw ma ahan, waa arrin soo jireen ah, intii dadka caddaanka aysan noo iman ka hor wixii lagu dhaqmayay Soomaalidu ama xeeb ha joogto ama xoolaley ha ahaato ama xabaalato qote ha ahaatoo, beeraha ha falato ama farsamo yaqaan, dhamaantood xeerarkaas ayey lahaayeen oo waa ay kala duwanaayeen, laakiin xeer guud oo Soomaalibaa jiray kaalin mug leh ayey ku lahaayeen”. Suldaan oo sii hadlaya “Makhriizi ninka la yiraahdo dhowr boqol oo sano ka hor, waxaa uu soo maray Seylac, Seylac markuu soo marayna waxaa uu ka sheegay waxaa uu yir “ 12 oday iyo odey ka sareeyo ayaa dadka xukumayey, sidoo kale Bortaqiiskii Baraawre ku dagaalamay Muqdisho xeebaheeda burburiyay, waxaa uu sheegay in Muqdisho nidaam ay laheyd oo labo qeyb u kala qeybsan, ilaa 5,000 oo qof ay ku noolaayeen, sidoo kale Baraawe waxa uu ku sheegay in iyadana 5,000 oo qof ay joogeen, oo waliba ay lahaayeen nidaam ay isku soo doortaan, odayaashu ay u yimaadaan ninka Suldaanka u ahaa, oo dhaqankooda iyo diintooda ay isku xukumayeen dhowr boqol oo sano ayaa laga hadlayaa, Soomaalidu marka, Garsoorka Soomaalidu wuu qodan yahay, wuuna gun fog yahay waana muhiin” Dhankiisa Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayey su’ aal aheyd Shareecada Islaamka kaalinta Garsoorka ay ku leedahay iyo sida looga qeyb qaato ayaa yiri “ Noloshu waxa ay ka sameysan tahay maslaxad , Makhluuquna marwaliba maslaxad ayuu raadinayaa , mid waliba siduu maslaxada u raaniyo, maslaxaddii ayaa isi soo galeysa, isqabsi ayaa imaanaya, isqabsigaas imaanaya duruq lagu kala saaro ayuu u baahan yahay, midka lagu kala saarayo waa duruqa shareecadu dajisay, oo laga dajiyay qadaaga ama garsoorka waxa la yiraahdo, Allah waxa uu ku leeyahay saruulkiisa ku kala xukun wixii allah uu soo dajiyay” Sheekh Cabdullahi ayaa intaas ku daray “Marka shareecada Islaamka waxa ay ku dadaalaysaa inuusan isqabsi dhicin oo maxaa yeelay iimaanka ruuxa, taqwadiida iyo caqiidadiisa waasica diiniga ah ayaa wax badan daaweeya, laakiin waaqiyada shareecada waxaa ka mid ah ayadoo taas ay jirto ayaan haddana dabeecadda insaanka aan la hilmaami karin oo ah in ay ka suurto gasho inuu yimaado inay ka suurto gasho inuu yimaado isqabsi, marka inuu ruuxa wax yeesho, oo uu wax ku abuuro , waana mid ay wax ku socoto, marka sedex qodob ayeey ku dhici kartaa: (1). inuu qasdaan ama si kas ah sad bursi wax ku raadiyo (2). in ay jahli ka tahay, oo is moodayo waxaan inuu asagu ku haboon yahay aqoon la’aan ay u geynayso (3). ama inuu nisyaan ama halmaan uu jiro, marka intaasba qaladku waa uu ka omaan karaa, oo shareecada islaamku waxa ay dajisay nidaamka qalaha ah, oo Rasuulka SCW waxaa uu sheegay fadliga qadaha ama garsoorka uu leeyahay islamarkana waxaa waxa uu ka digay qatarta uu leeyahay waxaa uuna yiri “Dadka wax xukuma waa sedex labo ka mid ah waa Ahlu-naar, midka Janada ku jira waa mid xaqii gartay, kuna xukumay, labada Naarta ku jira mid xaqii uu gartay wuuna ka leexday, midna Jahlibuu ku xukumay, shareecada islaamku aad ayeey u boorisay in qadaga xooga la saaro”. Amaa Culimada iyo doorka ay ku leeyihiin bey’adeena Soomaaliyeed sida asalka, in Soomaalida la xasuusan yahay Soomaalidu Muslimiin bey ahaayee, dhaqankana waxaa u soo hayay sida uu suldaanku sheegay labo jiho ayaa jirtay, waxaan dhihi karnaa qadaga ama garsoorka rasmiga ah waa xadiis taariikh ahaan, midna xeerka ayaa la oran jiray midna midka culima ay xanbaarsan yihiinbuu ahaa. Sida rasmiga ah qadaaga ama garsoorka ay soo saaraan culimada ama loo yimaado dadku waa muslimiin caqiidadoodu waxbey amreysaa, diinta islaamkana kuligeed caqiidatan, wa aqlaaqan wa axkaamanna hal jiho ayeey u wada socotaa, sida saxda ah ruuxa muslimka ah waa inuusan qeybsamin waaye, oo dowladdiisa qaanuunkiisa iyo caqiidadiisa in ay isku meel u wada jeedaan, marka dadkeena Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah marka culimada ayaa loo xukun tagi jiray, aad baa loogu kalsoonaa waxyaabaha ay caanka ku ahaayeen waxaa ka mid ahaa sheekhu qabiil ma laheyn, sidaas darteed waxa uu ahaa darbiyo badan oo dadka ka haqab tiro oo si fiican looga cabo, xukunka uu soo saarana aadbaa loogu aamin qabay, door weyn ayeey taariikh ahaan ku lahaayeen culimadu Garsoorka” Dhankale Suldaan Cabdisalaan ayaa la weydiiyay sida qofka qaaliga ama xaakimka ah uu ku noqon karo mid madax banaan ayaa yiri” Haddii aan ka soo galo dhanka dhaqanka dabeecadda garta Soomaalida ay laheyd waxa ay aheyd in loo siman yahay, geedi iyo waa meesha loo siman yahay, waana meesha Soomaalidu ay ka tiraahdo gar waa loo islaam, waa ayagii oran jiray wiilkaga ku marqaati fur magtana ka bixi, ciisuhuna waxa ay yiraahdaan ciise waa wada ciisoo cidina cid caarad ma dheera, arrinka meesha ku jiraa waa ka fakashada qaanuunka iyo garsoorka, waxaana looga fakanayaa aaliyaadkii qafka ka fanaya qaban lahaa oo aan dhameys tirneen. “Midda kale waxaa weeyaan markii la burburay sidii la rabay in loo soo kabto looma soo kaban odayaasha dhaqanka waxaa fuulay wixii dowladdu ay qaadi jirtay, ilaa qofka wax dila ama jamaacaadka wax laaya qabiil ayaa ku duulaya qabiil kale 50 qof haddii meeshaas ay ku dhimato oday ayaa la arabaa inuu go’aan uu ka gaaro ama sheikh”. Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay fulinta “Waxa ay u baahan tahay wax fuliya, fulintii aya meesha ka maqan fulintana waxa ay ku xiran tahay in la helo garsoor marka hore si shafaafiyaa oo cad oo muuqato ku yimid oo nidaam lagu heshiis yahay ku yimid,marka labaadna asagii xor ah, oo aan ka baqeyn awoodda fulinta iyo sharci-dejinta ama bulshada oo aan ka baqeyn cid kale ama Mushaarkiisa ama aan u baqeynin amnigiisa, haddii uu wax xukumo haddii uu baqayo ninka reer hebel ayuu xukumay oo wax ayuu ku gaarsinaa ama Exsective ka uu ka baqaayo uu is leeyahay amaa xilka lagaa qaadaa baqdinta ayeey ka mid tahay waa inoo xornimo waxaas oo dhan uu ka helaa. Arrimaha hadda soo kordhay Ififaalayaasha hadda cusub , waa arrimo u baahan in maxkamo gaar ah loo sameeyo, arrimaha dhulka waa khilaaf ada u fara badan, sidoo kale Kufsiga ayaa ka mid ah oo waliba ilmo yaryar la kufsanayo oo aan looga tagayne la dilayo”. Dhankiisa Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayay su’aal ayey culimada qudhooda madaxbaanida ay u leeyihiin in cadaaladdii ay sameeyaan islaamku uu farayay inta ay la egtahay ayaa yiri” Door Culimada waxaa weeye qadaa nidaamiya waa loo baahan yahay, islamarkaasi waxaa loo baahan yahay sida suldaanku uu sheegay, qanuunka in la haadiyo oo shareecada islaamka lagu ariisiyo dadku waa muslimiin in shareecada islaamka lagu fariisiyo, wixii hore uu ku qornaana in lagu haadiyo sghareecada islaamka, si loo helo qabuul mushtamaca oo aaminsan yihiin oo ay u soo joogsanayaan qadaagan caadiga ah. Waxaa la sheegaa markii uu soo baxay xeerka qoyska maxkamadihii iyo qanuunkii wax aaday majiro waayo laguma qanacsana oo dadkii rabitaankoodii kama imaanin diinkoodii ma waafaqsana, marka xalka koowaada waxa uu ka imaanaya islaaxan qawaaniin in la sameeyo oo la waafajyo qawaaniinteena wixii marka jiro in lagu soo fariisiyo shareecada Islaamka, culimada doorka ay ka qaadanayaan waxaa waaye in ay noqdaan kuwa ku jeeg gareynaya shareecada islaamka iyo sida ay u waafaqayaan, fiqiga islaamka in la qaanuun gareeyo waa midka lagu soo dhaweyn karo” Marka kale suldaan Bashiir ayaa la weydiiyay su’aal aheyd Culimadii qanuunlii dowliga ahaa inay dhaliilaan ayagiina aysan diyaar u aheyn qanuunka ay wax ka dajiyaan ayaa yir” waxa ay aheyd in waxa ay tabayaan ay u rogaan qoraal Matalan haddii dastuurka ama qawaniinta ka hoseyso ay wax ka tabayaan, Culimadu intay fariistaan in ay majaal u saaranoo ay yiraahdaan sheikh hebel iyo hebel ha soo arkaan bal daldalooda ay waxaan ay la’yihiin in ay soo qodobeeyaan sida fiqiga Shaafiga oo kale waliba qudriga oo deegaankeena oo kale waa faqsan la yiraahdo soo qodobeeya, odayaashana la yiraahdo soo cadeeya waxa uu xeerka. Wixii dhiig ah gooni u saara Wixii dhaqana gooni u saaraan Wixii reeraha iyo haweenka ku saabsan gooni u saaraan Qodobo la tadbiiqin karo ay ka dhigaan, culimadana ayagoo duruufaha eegayo in ay soo u ruuriyaan, anigu ma ogi eedaas cid kale oo lasaarayo maahan waayihii la oran jiray culimadu banaanka ayeey ka joogaan dowladaha madaxdii dalka ayeey noqdeen oo wasiiro ayagoo ah ayeey joogaan” Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo ka jawaabayey su’ aal aheyd, sidee ayeey uwada shaqeyn karaan Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka ayaa yir “ waxaan u maleynayaa wada shaqeyn toos ah oo laysku ogyahay in aysan jirin ee ay tahay cid waliba qofkii u ymaada ay la meel martaa meeshii markaas ayagu ay u arkaan in ay dariiqo ku xali karaan, culimada caalama su’aal ayaba ka saran banaanshada qadaha waxa lagu xukumayo, lakiin markii dadkii kuu yiraahdo ee yiraahda annagu shareecada islamka ayaan rabnaa inaad nagu kala xukuntaan alhan wasahlan weeye meel ay u celiyaan maleh” Dhankiisa Suldaan Cabdisalaan oo ka jawaabay su’aashii hore ee la weydiiyay Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan, oo aheyd sidee ay u wada shaqeyn karaan Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka ayaa yiri “ Wada shaqeynta sedexdan qodob ee ka ah Garsoorka dowliga ah iyo midka islaamiga ah iyo xeerka dhaqanka, wada shaqeyn waa ay ka dhaxeysaa, mana ka dhaxeyso lamana rasmi gareeyn waana arrinta ugu muhiimsan oo aheyd in la rasmi gareeyo, islaamku xitaa wuu qabaa qadaha markii la keeno dadka, haddii waliba dadkii ehelnimo ka dhaxeyso dib ayeey isugu celiyaan bal inay soo heshiiyaan oo kale, haddii ay heshiin waayaan markaas waa la kala xukumaa, Qanuunka laftiisu madaniga markii shirkado oo kale ay is dagaalaan qaadigu islamarkiiba kiiska ma file gareeyo waxa uu yiraahdaa bal adinku soo heshiiya…………”. Haddaba, Barnaamijka oo dhameystiran halkan ka daawo: Source: goobjoog.com
  16. Canadian prime minister Justin Trudeau rebuked US President Donald Trump's racist remarks to freshmen members of Congress, saying it's "not how we do things in Canada." Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhex dhacay laanta shirkadda isgaarsiinta Somtel ay ku leedahay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale. Labada Qof ee geeriyootay mid ka mid ah wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Somtel, halka ruuxa kale uu ahaa mid aan shirkadda ka tirsaneyn oo goobta ka ag dhowaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay ay kaabiga ku heyso xarun ciidamada ammaanka ay ku baaraan gaadiidka aada dhanka Cirtoogte. Qaraxan ayaa imanaya maalin kadib markii Caasimada Online ay shaacisay in kooxda Daacish ay u hanjabtay shaqaalaha iyo maamulka shirkadda Dahabshiil. Somtel ayaa waxaa leh Dahabshiil, hase yeeshee ma cadda in qaraxan uu daba socda hanjabaadda Daacish iyo in kale. Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya iyo maamulka Somtel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Warbaahinta Goobjoog Media Group ayaa marka hore waxaa ay tacsi u dirtay ehelada, asxaabta shaqo wadaagta ahaayeen iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen weriyeyaasha Hodan Naaleeye iyo Axmed oo ku dhintay qarax 12-kii bishan ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland. “Waxaan dalbaneynaa in la dhowro xuquuqda aadanaha iyo xuriyadda hadalka, isla markaana ay xuriyad shaqo ka helaan dadka ka shaqeeya warbaahinta “ ayaa lagu sheegay qoraalka Goobjoog. Sidoo kale, Goobjoog waxaa ay bogaadisay cid walba oo ka xanuunsatay geerida labada weriye gaar ahaan gabadha “Hodan Naaleeye waxaa ay aheyd mid muujineysay kartida iyo tayada gabdhaha Soomaaliyeed”. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in Hodan Naaleeye ay u bixin-doonaan abaalmarin sanadle ah. “Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan Naaleeye, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay bixin doontaa inshaallah (Abaalmarinta #HodanNalayeh). Sanad waliba waxa aanu guddoonsiin doonnaa qof aan u aqoonsannay in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan Qurbajoogga Soomaaliyeed. Nala soco si xog dheeraad ah u heshid”. ayaa lagu qoray bogga faceboogga wasaaradda. Dhinac kale geerida Hodan waxaa ka tacsiyeeyey ra’isul wasaaraha Canad iyada oo hey’ado badan oo dalkaasi ay xuseen, qaarkoodna si gaar ah abaalmarin u balanqaadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Shan ka dib ciyaartooyda kooxda dowladda hoose ee Muqdishu City Club ayaa wahajahaya talaabadooda cusub ee is badalka xag macaliminka,iyagoo qaatay falsada tababarka layliyahooda reer Tunusiya Maxamed Mestiri Lamjed oo jagadan ka badalay Xuseen Blangu oo naadigan hogaaminayay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2019. Tababare ku xigeenka naadiga Muqdisho City Club Maxamed Jeelaani Ajeelow ayaa Goobjoog Sports u sheegay in macallinka yahay mid dhagaysta talooyinka ka imaanayo ciyaartooyda iyo macalimiinta kale. Tababarkan ayaa wax badan ka gedisaan kii macalinkii hore Uganda Mbalnagu Xuseen uu siinayay xidigaha Muqdisho City shantii sano ee lasoo dhaafay qaar ka tirsan ciyaartooyda kooxda oo la hadlay Goobjoog Sports ayaa sheegay in tababarahooda cusub oo xooga saarayo fahanka iyo kubbadda gaagaaban ee (Tiki-Taka). Taageerayaasha naadiga dowladda hoose oo qaarkooda daawanayay tababarkii 1-aad ee macalin Maxmed Mestiri ayaa sheegaya in macalinkooda ka rajeenayaa in tartamada gudaha iyo dibada ay kusoo bandhigidoonaan kubbadda aad u qurux badan soona jiidata taageerayaasha kubadad cagta gudaha iyo dibada. Agaasimaha kooxda M.C.C Cabdifataax Macallin Yuusuf Fooley ayaa Goobjoog u sheegay in ay doonayaan in isboortiga dalka ay markasta wax ku kordhinyaan si ay ugu daysadaan kooxaha kale ee ka dhisan Soomaaliya Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababarkii Ugu Horeeyay Uu Bixiyay Macalinka Reer Tuunisiya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil barqanimadii maanta kooxo hubeysan ay ka geysteen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa loo geysatay Maxamed cumar Calasow oo la sheegay inuu ahaa Ganasade, si weyn looga yaqiinay degmadaasi. Marxkuumka la dilay ayaa horay u ahaa Askari ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ragii ka dambeeyey dilkiisa ay si aayar uga baxsadeen goobta. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya . Sidoo kale ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fuliya xaafadaha magaalada Muqdisho. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo; Fowzia Maxamed Sheekh, ayaa Shalay Xafiiskeeda ku qaabbishay Wafdi ka socda hey’adda IOM iyo urur Goboleedka IGAD, waxayna ka wada hadleen fulinta mashaariic lagu dhisayo xarumaha Wasaaradda. Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday hirgelinta mashaariic lagu dayactirayo xarumaha Wasaaradda Tamarta oo degaameysan doonta xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha Xamar ee Degmada Wadajir. Hey’adda socdaalka Aduunka ee IOM ayaa Wasaaradda ka taageertay dhismaha xarunta sheybaarka Biyaha iyo goobo kale, waxaana si gaar ah looga hadlay dhismaha xarunta Wasaaradda, kaas oo dhowaan billaaban doona sida uu qorshuhu yahay. Dhaqaalaha mashaariicdan ayaa waxaa bixinaya Bankiga horumarinta Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, iyadoo hay’adda socdaalka Aduunka ee IOM ay fulinta ka Gacan siinayso Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cismaan Libaax Ibraahim, qaar kamid ah Agaasimiyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka kala soctay hey’adda IOM iyo IGAD. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  22. Matabaan (SMN) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan dadaallo nabadeed oo ay ka wadaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Xildhibaan Cismaaan Cabdullaahi Dhoore oo ka mid ah xubnahaasi ayaa Shabelle u sheegay in ay la kulmeen waxgaradka dhinacyada ku dagaalamaya halkaasi. Wuxuu tilmaamay in meel hagaagsan ay marayaan wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaasi. Sidoo kale xildhibaan Dhoore ayaa intaasi ku daraya in loo baahan yahay ciidamo isku dhaf ah oo kala dhex galo Maleeshiyaadkaasi, si markale aysan u dagaalamin. Dhinaca kale Cismaaan Cabdullaahi Dhoore oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka HirShabelle ayaa ka warbixiyey booqasho ay ku joogaan magaalada Dhuusamarreeb wafdi uu isagu ka mid yahay oo uu hoggaaminayo Madaxwene Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in ay Dhuusamareeb u joogaan arrimo la xariira dhameystirka xiisada dagaal ee ka taagan degmada Mataabaan iyo sidoo kale boggaadinta dadaallada uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado deegaanada Galmudug. Shalay Madaxweynaha HirShabelle iyo wafdi uu horkacayo waxa ay gaareen Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, halkaasi oo uu kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliiya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxa Xukuumadda dowlad goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. View the full article