Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,040
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka. Taliyayaasha la dallacsiiyay ayaa lagu bogaadiyay howlkarnimadooda sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee munaasibaddaas lagu sugayay. Saraakiisha Booliska SOomaaliya ayaa sheegau in Taliyaha Booliska uu soo jeedinta dallacsiinta u gudbiyay madaxda dalka islamarkaana sidaas ay madaxda ku aqbaleen sidaasna ku muteysteen in la dallacsiiyo. Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa loo dallacsiiyay darajada Jannaraal sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Sidoo kale Taliyayaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa laga wada dhigay Gaashaannallayaal. Munaasibadda waxaa ka qeybgalay Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed,waxaana oo isaga oo ka hadlayay munaasibadda bogaadiyay howlaha saraakiisha la dallacsiiyay. Halkaan ka daawo Warkaaan oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. In this Horn of Africa country, Beijing is helping to build an ultramodern trade hub – and, some fear, tighten its grip on Africa through multibillion-dollar loans. Can Djiboutians escape the debt trap?Red-and-gold Chinese banners hang outside the headquarters of Djibouti’s free-trade zone, adding a splash of colour to the dusty desert gateway of this hugely ambitious project, the biggest of its kind in Africa. Source: Hiiraan Online
  3. The House of Representatives on Tuesday passed a resolution condemning Donald Trump’s incendiary remarks telling four congresswomen of color to “go back” to where they “came from” as racist. Source: Hiiraan Online
  4. The 37-year-old singer and actress discussed her album The Lion King: The Gift in a preview of The Lion King: Can You Feel the Love Tonight, an ABC News special about the film airing Tuesday evening. Source: Hiiraan Online
  5. The rise of decentralized renewable energy as a solution to electrification rates across Africa—the slowest growing globally—is also bringing with it a solution to high unemployment. Source: Hiiraan Online
  6. A group of 10 Turkish sailors has been kidnapped by pirates off the coast of Nigeria, reportedly for ransom. Source: Hiiraan Online
  7. THERE is shock and outrage at the recent terrorist attack that claimed the lives of at least 26 people, including a United Nations (UN) aid worker, in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Sacuudiga Iyo Somalia Oo Heshiis Ka Dhan Ah Somaliland Gaadhay Dawladda Sacuudiga iyo Dawladda Soomaaliya ayaa sida la sheegay waxa ay dib uga naaqishoodeen kadib markabkii Berbera Adhiga ka qaaday ee muranka badan dhaliyay, waxaanay sida la sheegay isla meel dhigeen go’aan ka dhan ah Somaliland. Arrintan ayaa timid, kadib markii dhawaan la sii daayey Markab ka shiraacday Dekedda Berber Somaliland oo ku xidhay magaalada Jidda, kaasi oo muddo la hayey kaasi oo lagu imtixaamay ruqsad Caafimaad oo ay leedahay Dawladda Xamar ka arimisaa. Sida la sheegay Markabkaasi ayaa lagu sii daayey wada-hadallo dhexmaray wakiillo ka socday dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiga ee Xoolaha la wareegayay. Kulankaasi ayaa waxaa ka dhashay, islamarkaana dhinacdyadu ay isla garteen in Markabka laga dajiyo Xoolaha, islamarkaana haatan wixii ka dambeeya Sacuudiga aan la geyn Xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sida aan ku ogaanay warbixin rasmi ah, Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aanay ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay. Dhawaan ayey aheyd markii Somaliland ay beenisay in Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) uu sii daayey Markabkaasi. Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan. Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Somaliland iyo Soomaaliya Qaran News
  9. Nolosha aadamuhu waa muhiim in uu helo adeegyo hufan oo u suuro geliya maarayenta maalin nololeedkiisa. taas oo ka bilaabma adeegyada aas aasiga u ah noolaha aadamaha inta yar ee uu uunkan ku noolyahay sida WAXBARASHAD, CAAFIMAAD, BIYAHA, ISGAADHSIINTA, KORONTADA taas oo u fududaynaysa maarayenta noloshiisa si wax ula soo boxo nolol iyo dhaqaale kobcin taas oo bundhig u ah shaqo abuur. waxa hubaal ah in uu jiro dadaal loogu jiro sidii kor loogu soo qaadi lahaa kaaba yaasha dhaqaale ee SOMALILAND mid ku yimaad iskaa wax u qabso iyo mid maamulba.kaasoo uu balaaleeyey markii u horaysay SOMALILAND ASARDA oo ka bilawday dariiqa isku xidha BORAMA VS DILLA ILAA HARGEISA.guul iyo gebagebo fiican ku dhamaaday oo laba caasimadood loo kala dalxiiso sifo raaxo iyo rayenrayen leh. taas oo ku dhiirisay dhiiraday in loo badheedho jidka dheer ee BURCO VS CEERIGABO taas oo lagu nasday lagu naalooday is gaadhsiin raaxo le dhalisay. ASARDA waxay u biyeysatay guntiga u giijisatay iyaga iyo shacabweynaha guud ahaan SOMALILAND iyo gaar ahaan AWDALBA qurba joogta iyo qolqol joogta in ay hirgeliyaan dhismaha jidkaa dheer ee BORAMA VS LAWYACADO. iyagoo la kaashanaya SOMALILAND DEVELOPMENT FUN {SDF} , NGO BANKIYADA KA CAAWIYA AFRICA HORUMAINTA wadooyinka iyo is gaadhsiinta. waxan ALLAHA WAYEN UGA BARYEYAA IN GUUL UU KU DHAMAADO JIDKAA HALBOWLAHA U AH ISGAADHSIIN DHAQAALE IYO HORUMAR INTABA. FIIRO GAARA ==========. KA FOGAADA SIYAASADA GURACAN KU FIKIRA FAAIIDADA IYO FAYO DHAWRKA KU FAANA FAAIIDO KA FIIRSO FOODA IYO FARAGELIN FAWAAXISH DALKAAGA U FAAIDEE DADKAAGA U FAAIDEE. FIKIRKEENU WAA HORAA LOO SOCONAYAA. SOMALILANDERIS HADAFKEENU WAA HORUMAR NABAD IYO WADANOOLAASHO TABTII REER JAPAN KU JAANGOYNAA. WIXII RAG U KACO RABINA AQBALO WUU RUMOOBAA. MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI Qaran News
  10. DUBAI, United Arab Emirates - An oil tanker based in the United Arab Emirates is missing after it stopped in Iranian waters three days ago and its transponder was switched off, raising concerns that it may have been seized by Iran amid heightened tensions in the Persian Gulf. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-16072019-okay.mp3 View the full article
  12. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday agaasimihii ciidanka badda Puntland ee PMPF Cabdiraxmaan Xaaji Xassan. Madaxweynaha ayaa agaasimaha cusub ee PMPF u magacaabay Cabdirabbi Cismaan Maxamed. Dikreetada xilka qaadista iyo magacaabista ayaa laga qariyay warbaahinta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadayy agaasimihii ciidanka PMPF appeared first on Puntland Post.
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Saraakiil ka tirsan Ciidammada Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta talaabo ay qaaday Puntland. Maamulka Puntland ayaa Kantaroolka laga galo magaalada Garoowe u soo wareejiyay xuduudka gobolka Sool, midaasi oo si weyn uga cadheysiisay Ciidamada Millateriga Somaliland. Saraakiisha ayaa talaabadan Puntland ay kantaroolka ku soo wareejisay ku sheegay mid Puntland ay ku dooneyso dhul aanay laheyn, iyagoona xusay inay Somaliland marnaba ka yeeleyn in deegaanada Bixin ay Puntland ka bilowdo dhul-boob. Saraakiishan ayaa sidoo kale waxay maamulka Puntland ku eedeyeen inay deeganadaasi ay ka wadaan xaalad Nabad-galyo daro, iyagoona uga hanjabay inay Puntland deegaanadaasi iskaga baxdo muddo saddex cisho gudahooda. “Waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. Saddex cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgal-yadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishan maanta la hadlay warbaahinta. Wuxuuna intaas kusii daray Sarkaalku “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Gudoomiyaha golaha aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga Pramila Patten. Sidoo kale waxaana kulanka ku sugnaa guddoomiye ku-xigeenka Labaad golaha aqalka, Guddiga Garsoorka, arrimaha diinta owqaafta iyo xuquuqul insaanka haweenka iyo caruurta golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Dhanka kale markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Sen. Samsam Ibraahin Cali oo ka mid ah guddiga xuquuql insaanka golaha aqalka sare, waxayna sheegtay in wafdiga ay hoggaaminaysay Pramila Patten ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga ay wada qaateen kulan, islamarkaana ay isla meel dhigeen ka hor-tagga dembiyada jinsiga la xiriira. Wafdigaan ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda dalka iyo Hay’addaha ka shaqeeya Xaquuqul Insaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa maanta waxaa ay ku dileen nin ganacsade ahaa dagmada Dharkeynleey ee gobalka Banaadir. Ninka la dilay ayaa ahaa ganacsade siweyn looga yaqaano dagmada, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Cumar Calasow. Sidoo kale kooxii dilka u geystay ninka ganacsadaha ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxaa u suura gashay in ay goobta iskaga baxsadaan. Dhanka kale ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay baaritaano lagu baadi doonayo dadkii dilka geystay wallow aysan jirin cid loo soo qabtay oo laama ammaanku ay shaaciyeen. Ciidamada ayaa Meydka Marxuuka u qaaday xarunta danbi barista ee CID, halkaas oo la geeyo dadka lagu dilo magaalada si loo baaro loona diiwaan galiyo. Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsado shaqaalaha dowladda iyo waliba dad rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Mujaahid Dhegaweyne Ma Waxa Uu Doonaya In La Maxkamadeeyo Madaxweyne Siilaanyo?, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biix Oo Loogu Baaqay In Uu Golleyaasha Guurtida Iyo Wakiillada U Soo Qoro Warqad Uu Ku Joojinay Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga. Waxaa kulanka Sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey. Kulanka oo ay Sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Cabdi Axmed iyo xubno kale oo gudigaasi ka tirsan, ayaa inta uu socday kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee arrimaha la xiriira dembiyada jinsiga, waxaana xubnaha Qaramada Midoobay ka socday u faah faahiyay Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka. Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay Phillip oo ah madaxa ugu sareeya ee hay’ad la yiraahdo rawkins international associates, taas oo fadhigeedu u yahay Dalka Canada. Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay kulamadii maanta dhacay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay. View the full article
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-16072019.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) ― Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta markale ka hadlay talaabada DF Somalia xiriirka ugu jartay dalka Gini ee galbeedka Afrika. Wasiir Cawad ayaa sheegay in wadanka Gini ay roog cas u dhigtay hogaamiye sheeganaya in uu ka go’ay Soomaaliya oo dalka kala qeybinaya, isla markaana xusay inaysan talaabada Gini marnaba waafaqsaneyn xiriirka caalamiga. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Dowlada Federaalku marnaba aqbaleyn in la kala qeybiyo midnimada Umadda Somaliyeed, isagoona digniin u direy wadamo kale oo uu sheegay inay gacan ku leeyihiin howlaha lidiga ku ah midnimada Somaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini-ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka”. “Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure (cadaadis) dal-kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada-hadasho”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada-hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet (roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com